Somalina
Nomads-
Content Count
7,672 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Somalina
-
http://nakadsa.org/naadiga/
-
Munaasabad ballaaran oo ay ku qallin jabinayeen ku dhowad 120 arday oo dhammeeysatay dugsiga sare ee Axmed Gurey ayaa maanta lagu qabtay degmada wadajir ee Gobolkani Banaadir. Munaasabadan oo aheyd mid si heer sare ah loo soo agaasimay islamrkaana ay ku qallinajbinayeen ku dhowaad 120 arday oo sanadkan Ka baxaday dugsiga sare ee Axmed Gurey ayaa maanta ka dhacayday Xarunta KMG-ka ah ee dugsigaasi ku leeyahay degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho. Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan Bahda waxbarashada, waalidiin, odyaal, arday iyo martisharaf kale. Mas’uuliyiintii ka hadashay munaasabadda ayaa waxaa ka mid ahaa Ustaad C/majiid Xasan Nuur oo ah maamulaha sare ee Dugsiga Axmed Gurey, Isagoo kula dardaarmay ardayda qallinjabisay inay sii wataan waxbarashooda si ay heer wanaagsan uga gaaran. Sidoo kale Ustaad C/Qaadir Cumar Kaatib oo ku hadlay magaca Jaamacadda SIMAD ayaa ballaan qaaday in Jaamacadda SIMAD ay 9-Kursi oo lacag la aan ah ugu deeqdayt ardayda ka qallinjabisay Dugsiga sare ee Axmed Gurey si loogu dhiirogeliyo islamrkaana loogu qeybiyo sida ay ugu kala sareeyaan xagga darajada. Qaar ka mid ah ardayda oo aan la kulanay ayaa warbaahinta qaranak soomaaliyeed u sheegay in ay si aad ah ugu faraxsanyihin qallinjabintooda, islamrkaana ay sii wadan doonaan waxbarashadooda si ay heer muuqda uga gaaraan waxabarashada. Intii ay socotay Munaasabadda ayaa waxa ay ardayda Axmed Gureey madasha ku soo bandhigeen majaajilo ay si weyn uga heleen ka qeybgaleyaasha xafladda, waaana dufacdii 13 aad ee ka qallinjabisa dugsiga sare ee Axmed Gurey tan iyo markii la aasaasay sanadkii 1997 dii.
-
Wararka ka imaanaya deegaanada loo barakacay ee Ceelasha Biyaha ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ay shalay rasaas ay ku fureen goob ay Kubad ku ciyaareysay Dhalinyaro uu ku geeriyooday mid ka mid ah dhalinyaradii ciyaareysay. Sida ay sheegayaan wararka dilkan ayaa ka dambeeyay markii dhalinyarada oo goob Kubad ku ciyaareysay ay ku amreen Ciidamo ka tirsan Shabaab inay Kubada joojiyaan, isla markaana ay safaf galaan, hase ahaatee dhalinyaradii ay ka kala carareen. Wararka ayaa intaa ku daraya in rasaas uu furay mid ka mid ah askartii ay haleeshay wiil dhalinyaro ah, taasoo uu u geeriyootay. Mid ka mid ah dadka goob joogayaasha ayaa sheegaya in wiilka dhalinyarada uu u durba u dhintay rasaastii uu ku furay askariga, isla markaana ay ka baxsadeen goobta dhalinyaradii kale. Qof goob joogaha oo diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa sheegay in dhacdadan oo aheyd mid dadka deegaanka ay aad uga argagaxeen, isla markaana lagu weeraray dhalinyaro aanay waxba galabsan oo kaliya Kubad cagta ciyaareysay. Dadka deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa hadal hayay falkii shalay lagu dilay wiilka dhalinyarada ee Kubada ciyaareyay, iyadoo warar goor dhow na soo gaaray ay sheegayaan in la qabtay askarigii dilka u geystay wiilka dhalinyarada.
-
Isniin, July 04, 2011 (HOL) – Dagaalladii sokeeye ee ka dhacay Soomaaliya waxay sababeen dhibaatooyin kala duwan, dadka indhoolayaasha ah ayay ku dhacday dhibaatadii ugu darnayd iyadoo taasi ay jirto ayaa waxaa sameysmay ururro badan oo indhoolayaal ah, kuwaasoo daryeel badan u fidiyay dadka indhoolayaasha ah. Haddaba dugisga indhoolayaasha iyo kuwa dhegoolayaasha ee AL-BASIIR oo ka tirsan Midowga Indhoolayayaasha Soomaaliyeed ayaa wuxuu jirsaday lix bilood, wuxuuna soo bandhigay waxqabadkiisii mudadii uu jiray. Munaasabad si heer sare ah loosooo agaasimey ayaa lagu qabtey xarunta dugsiga oo ku taal degmada Waberi ee magaalada Muqdisho, waxaana munaasabaddaas ka soo qayb-galay mas'uuliyiin ka socday hayadaha samafalka, maamullada jaamacadaha, kuwa dugsiyada, bulshada rayidka, mas'uuliyiinta degmada Waaberi golaha Qaran ee curyaamiinta Soomaaliyeed, ardayda wax ka barata dugsiga iyo marti sharaf kale, waxaana ugu horeyn halkaa warbixin kasoo jeediyey maamulaha dugsiga AL-BASIIR Mudane Abiikar Xuseen Bashiir, wuxuuna sheegey in mudadiii uu jiray dusgiga uu qabtay howlo muhiim u ah dadka indha la' iyo kuwa dhegaha la', iusagoo sheegay inuu diwaan-geliyay arday gaareysa 262-ardey oo isugu jira caruur, dad waaweyn iyo dhallinyaro kuwaasoo ka curyaamay aragga iyo maqalka. Abiikar Xuseen wuxuu sheegay in dugsiga ku bilaabeen hal qol maanta uu marayo in loo kireeyo guri fillo ah oo uu sheegey inay gacan ka geysteen ururka SWDC gaar ahaan guddoomiyahood Sahro Maxamed Axmed laa’anteedna aysan suuro-gal u noqoteen hirgelinta dugsiga, sidoo kale wuxuu sheegey in kaalmo aan sidaa u buurneyn ay ka heleen qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed, isagoo intaa ku daray in dugiga uu ku tiirsan yahay tashiilaadka ay bulshada ka helaan. "Macallimiinta dugsiga ka shaqeeya si tabaruc ah ayay ku shaqeeyaan, ardayda dugsiga dhigtana waalidiintooda waxba ma haystaan, sidaa daraadeedna ay go'aan ku gaareen inay gacan siiyaan," ayuu yiri maamulka dugsigan Abiikar Xuseen. Sidoo kale, maamuluhu wuxuu ka hadlay dhacdo xanuun badan oo ahayd cunug indho la' oo keligii looga tagay gurig, markaas kaddibna ku calaacalay erayo ay ka mid yihiin: "Aabahey wuu baxay - hooyaday way baxday - wiilashii iyo gabdhihii ila dhashayna waxay aadeen dugsigii - aniga kaligay ayaa kusoo haray gurigii oo kor la iiga xirey haddii aan indho qabi lahaa ma sidaan baa la ii geli lahaa - waa ayaan-daro iyo calool xumo,". Abiikar Xuseen oo arrintan ka hadlya ayaa sheegay in caruurta indhaha la' ay wax baran karaan oo aan loo baahnayn in iyaga keliya guryaha looga tago, isagoo xusay in haddii lagu dadaalo ay ka waxbarasho wanaagsan yihiin kuwa indha leh. "Hay'adaha samofalka iyo dadka Soomaailyeed ee wax haysta gudaha iyo dibadaba waa inay gacan ka geystaan sidii wax loo bari lahaa ama daryeel loogu fidin lahaa dadka ka curyaamay indhaha iyo dhegaha," ayuu yiri Abiikar Xuseen. Munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay ulaha dadka Indhaha la’ ay ku socdeen oo loo yaqaan usha-cas, mishiin lagu qoro farta Braille-ka ah ee ay indhoolayaasha wax ku bartaan, waxaana la sheegay in makiinaddan ay aad u yar tahay, balse ay faa'iido badan u leedahay waxbarashada dadka indhaha la', iyadoo maamulku uu sheegay inay jiraan kambuyuutarro ay wax ku bartaan dadkaas indhaha la' ayna u baahnaan lahaayeen inay helaan. Waxaa kaloo xafladda ka hadashay Sahro Axmed Maxamed oo ka socotey hay'adda SWDC iyadoo sheegtay in loo baahan yahay in dadka indhaha la' loo gargaaro maadaama ay yiihiin bulsho aad u dhibaateysan, iyadoo si gaar ah baaq ugu dirtay hay'adaha samofalka iyo ganacsatayada Soomaaliyeed, waxayna ku boorrisay inay caawiyaan ardeyda wax ka dhigata dugsiga AL-BASIIR, sidoo kalena waxaa xafladda ka hadashay Asli Ducaale oo ku hadlaysay magaca bulshada rayidka ah, gaar ahaan hay'adda WEAVE, waxayna ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed inay u soo jeedisay sidii ay u gargaari lahaayeen dadka indhaha la' maadaama ay yihiin dad aad u liita iyadoo Asli dugsiga guddoonsiisay Kombiyuutar. Mas'uuliyiin ka socday daladda waxbarashada iyo jaamacadaha Muqdisho ayaa ka hadlay iyaguna xafladda waxayna dhammaantood sheegeen inay diyaar u yihiin inay gacan siiyaan ardayda wax-ka-barta dugsiga Al-BASIIR, ayna gacan ka siin doonaan waxbarashada iyo tas-hiilaadka kale ee ay u baahan yihiin. Waxaa kaloo ka hadley mas'uul ku hadlayay magaca degmada Waaberi oo sheegey inay iyaguna diyaar u yihiin inay gacan siiyaan ardeyda wax-ka-barata dugsiga. Intii ay munaasabadu socotay ayaa ardayda wax-ka-barata dugsiga AL-BASIIR waxay halkaa kusoo badhigeen gabyo, heeso iyo suugaan dhamaantyood ka hadlayay faa'iidada waxbarashadu leedahay waxaa la yaab lahayd markii arday ka mid ah ardaydaas uu soo badhigay dhawaaqa ay leeyihiin noocyada kale duwan ee hubka, isagoo adeegsanaya gacmahiisa wuxuuna si gaar ah u soo bandhigay dhawaaqyada qoryaha loo yaqaan: Dhashiikaha, Ak-47, Boobayaasha, Daba-jeexa iyo kuwo kale, taasoo si aad ah uga yaabisay dadkii munaasabadda goobjoogga ka ahaa. Ugu dambeyn, waxaa munaasbadda soo xiray guddoomiyaha Cabdiqaadir Maxamed Calasow oo ah guddoomiyaha midowga Indhoolayaasha Soomaaliyeed oo isaguna ah indhoole, wuxuuna faahfaahin ka bixiyay heerarkii uu soo maray dugsiga AL-BASIIR, wuxuuna sheegey in dugsiga uu furan yahay muddo lix bilood ah, ardeyda wax ka baratana ay maanta marayaan heer wanaagsan dhinaca waxbarashada, balse ay u baahan yihiin in gacan la siiyo. "Markaad u tagtid hay'adaha samafalka oo aad u sheegto dhibaatooyinka haysta dadka indhaha la' waxay ku leeyihiin waa fiican tahay in wax loo qabto laakiinse qorshaha nooguma jiraan xilligaan," ayuu yiri C/qaadir Calasow, isagoo sheegay in sidoo kale markii aad u tagto kuwa gargaarka bixiya oo aad cabashaddan oo kale u bandhigto waxay ku leeyihiin waxaan wax ugu tala-galnay dadka barakacayaasha ah, balse dadka indhaha la' waxba uma hayno. Fadlan haddii aad doonaysid inaad caawiso dugsiga Indhoolayaasha iyo dhagoolayaasha AL-BASIIR, la xiriira maamulaha dugsiga ABIKAR HUSSEIN BASHIR, waxaadna kala xiriiri kartaa taleefoonka Lambarkiisu yahay: +2526-1-5512017, ama E-mailka ah: sub.mogadishusomalia@gmail.com, adigoo sidoo kale ugu shubi kara wixii aad ku caawinaysid Account Lambar: Dahabshiil 7578. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
-
"Cid walba oo gargaaraysa dadka Soomaaliyeed Muslim iyo cid kaleba waan soo dhaweynaynaa" Arbaco, July 06, 2011 (HOL) – Afhayeenka guud Xarrakada Mujaahidiinta Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo saacado ka hor shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan cid walba oo gacan siinaysa shacabka Soomaaliyeed ee dhibaateysan. Sheekh Cali Dheere, ayaa sidoo kale shirkiisa jaraa'id ku sheegay inay sameeyeen guddi ka shaqeeya gargaaridda dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu halakeeyeen, kuwaasoo uu madax u yahay Sheekh Xuseen Sheekh Cali Fiidow oo ah madaxa siyaasadda iyo wilaayaadka (gobollada) ee Xarrakatul Shabaab. "Cid walba oo gargaaraysa dadka abaaruhu dhibaateeyeen oo Muslimka ah ama aan muslim ahayn maanta wixii ka dambeeya waxay lasoo xiriiri karaan mas'uulka ugu sarreeya guddiga gurmadka abaaraha ee Xarrakatul Shabaab," ayuu yiri Sheekh Cali dheere. Afhayeenku wuxuu sheegay in cid kasta oo aan dano kale lahayn oo keliya doonaysa inay caawiso shacabka gacan ayaan ku siinaynaa, ciddiise wax kale rabta waan ka qaban doonnaa. "Guddiga gurmadka abaaraha waxay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan cid walba oo gargaar siinaysa shacabka, waxaana guddiga ka mid ah walaalkeen Sheekh Suldaan Maxamed Aala-Maxamed," ayuu Sheekh Cali Dheere hadalkiisa raaciyay. Sidoo kale, afhayeenka Xarrakada Al-shabaab wuxuu baaq u diray ganacsatada iyo jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dibadaha ku nool isagoo ka codsaday inay gacan ka geystaan sidii lagu gargaari lahaa dadka walaalahood ah ee dhibaateysan, isagoo sheegay in Alle uu ajar ugu bedelo kaalmadii ay horay u geysteen haddana mid kale looga baahan yahay. Guddiga cusub ee gurmadka Abaarha ee ay Xarrakatul Shabaab magacowaday ayaa la sheegay inay taakuleyn doonaan dadka abaaruhu ku haystaan gobollada ay ka taliyaan, sidoo kalena ay la shaqeyn doonaan cid walba oo dadkaas gargaaraysa. Baaqa Al-shabaab ayaa imaanaya iyadoo kumanaan qof ay bilaabeen inay isaga barakacyaan gobollada dalka ee ay abaaruhu saameynta xooggan ku yeesheen, kuwaasoo soo galaya magaalooyinka waaweyn sida Magaalada Muqdisho oo ay ka socdaan dagaallo. Ugu dambeyn, afhayeenka Xarrakatul Shabaab wuxuu dagaalladii ka dhacay Dheg-tuur isagoo sheegay inay ahaayeen dagaallo sokeeye oo aan ku bannaanayn diinta Islaamka, isagoo ku baaqay in la joojiyo. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
-
Militants want aid groups back World Wires Wednesday, July 06, 2011 Somalia's most dangerous militant group says it may allow aid agencies back into the territories it controls considering the region's crippling hunger and drought crisis. A spokesman for al-Shabab, Sheik Ali Mohamud Rage, said late Tuesday that the group wants to open communication with aid agencies to negotiate their return. Rage said the aid groups' only objective can be to help the needy. Al-Shabab in 2009 began to ban aid agencies, fearing the groups could host spies or promote an un-Islamic way of life. But in recent weeks tens of thousands of Somalis have fled militant-controlled areas because of a lack of food. A severe drought is causing herds of animals to die, and aid agencies are warning of impending disaster.
-
Hiiraan Online Wednesday, July 06, 2011 Officials of the Transitional Federal Government of Somalia (TFG) on Tuesday said Mogadishu will soon host the highly anticipated peace conference where delegates are expected to settle Somalia’s endless crisis. Somalia’s foreign affairs minister Mohamed Abdullahi Omar told the local media that the leaders of Intergovernmental Authority on Development (Igad) have proposed the idea of hosting the peace meeting in the restive capital. "Monday’s Igad summit in Addis Ababa discussed the possibility of the Mogadishu conference and members have overwhelmingly agreed to hold the peace talks within the country” the minister said. "UN representative to Somalia Dr. Augustine Mahiga told the regional leaders that Mogadishu will be the right to have the peace talks. Initially there were security concerns but now there is improvement” The probable conference which is expected to take place later this month has been postponed for number times due to never ending disagreements between parties involved in settling Somalia’s political sickness. Eelier last month, former immediate Prime Minister Mohamed Abdullahi Farmaajo postponed the meeting indefinitely citing unavoidable circumstances. There has been dissenting voices from some of the parties that are expected to take part in the assembly in Mogadishu. Some are opposed to the idea of having the talks within the country. However, in recent days Somali leaders have been discussing the venue for the national peace conference that is to be attended by the country’s political players including opposition Islamist groups, members of the professional societies, regional authorities and a cross section of the civil society groups.
-
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in shirka wadatashiga Soomaaliya lagu qabana doono magaalada Muqdisho Talaado, July 05, 2011 (HOL) – Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in shirka wadatashiga ah ee la isugu keenayo qaybaha siyaasadda ee Soomaalida oo dhici doona dhammaadka bishan lagu qaban doono magaalada Muqdisho. Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Oomaar ayaa sheegay in lagu go'aamiyay shirkii IGAD ee ka dhacay Addis Ababa in shirka wadatashiga ah ee Soomaaliya lagu qabto Muqdisho, wuxuuna sheegay in shirkan uu yahay mid ay Soomaalida ku xallinayaan khilaafaadyada u dhexeeya. "Shirkii IGAD waxaa lagu soo qaaday halka lagu qabanayo shirka wadatashiga ah ee Soomaaliya, waxaana si buuxda la isugu raacay in lagu qabto Muqdisho," ayuu u sheegay Oomaar warbaahinta Soomaaliya. Dhawaanahan waxaa jiray hadal-hayn ku saabsan halka lagu qabanayo shirka la isugu keenayo dhammaan dhinacyada Soomaalida si ay uga hadlaan khilaafaadyada u dhexeeya si ay u suurogasho in dib u soo celinta ammaanka dalka ay si wadajir ah uga shaqeeyaan. "Wakiilka xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay uga wakiilka ah Soomaaliya Dr. Augustine Mahiga ayaa shirka ka hor-caddeeyay in kulanka wadatashiga ah lagu qabanayo Muqdisho, waayo markii hore waxaa laga baqayay dhinaca ammaanka, balse maanta waxaa xaqiiqowday in lagu qaban karo Muqdisho," ayuu wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya hadalkiisa raaciyay. Hadalka wasiirka ayaa imaanaya iyadoo dhawaanahan ay deegaannada Soomaaliya socdaallo ku tagayeen wafdi ka socda Qarammada Midoobay oo xaqiiqo raadin ah, kuwaasoo kulammo ku aadan ammaanka deegaannadaas la yeelanayay maamullada ka jira. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
-
Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Bari ayaa maanta xukun ku riday wariye Faysal Maxamed Xasan (Boston) oo ka mid ahaa wariyayaasha ka howlgala magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Wariye Faysal Boston oo muddo 4-maalmood ah ku xirnaa xabisga dhexe ee magaalada Boosaaso ayaa maanta la horkeenay maxkamadda,waxaana lagu soo eedeeyay eedeymo la xiriirta warbixino la sheegay inuu ka qoray maamulka Puntland iyo eedeymo ay ka mid tahay qaran dumis. Maxkamdda ayaa waxaa goob joog ka ahaa gudoomiyaha maxkamadda darajada ee gobolka Bari,wariyayaal iyo laba qareen oo u doodayay wariye Faysal Boston. Gudoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Bari Sheekh Aadan Aw-Axmed ayaa goobta ka sheegay in maxkmadda ay xukun sanad ah ay ku riday wariye Faysal Boston islamarkaana ay cuskanayso qodobada 219 iyo 215 xeerka ciqaabta Soomaaliyeed iyo inuu racfaan ka qaadan karo xukunka. Qareenada kala Axmed Maxamed Yuusuf Taaraan iyo Maxamed Cabdi Gurey Madoobe oo ahaa labadii qareen ee u doodaysay wariye Faysal Boston ayaa goobta ka sheegay in qodobada ay soo bandhigtay maxkamadda aysan ahayn kuwa ku taxaluqa arimaha saxaafadda balse ay yihiin kuwa ka hadlaya arimo ku saabsan waxyaabo waxyeelaynaya qaran. Qareen Maxamed Cabdi Gurey oo la hadlay Horseed Media ayaa sheegay in xukunka iyo xariga wariye Faysal Boston inay yihiin kuwa sharci daro ah islamarkaana ka baxsan cadaaladda waxaana uu sheegay in xukunkan ay ka qaateen racfaan. Si kastaba Xariga wariye Faysal Maxamed Xasan oo ka howlgala magaalada Boosaaso islamarkaana ah wakiilka Hiiraan Online ee gobolada Puntland ayaan si rasmi ah masuuliyiinta Puntland aysan u cadayn waxa loo haysto wariyaha. Horseed Media
-
Bosaso Court Jailed Hiiraan Journalist To One Year Term Hiiraan Online Saturday, July 02, 2011 A local court in Somalia’s semi-autonomous region of Puntland on Saturday imprisoned a Hiiraan Online Journalist to a one year term, raising yet another worry for Somalia’s troubled journalists. The law court in Bosaso has imprisoned Mr. Faysal Mohamed aka Boston after authorities arrested him on Wednesday from his office in the Northern Somali town. "The court in Bosaso accused Boston of two counts of charges, one that he published a story which said the people of Puntland have asked for the resignation of president Farole. The court also accused of him of publishing another story that claimed two men who were recently murdered in the town were members of Puntland’s security personnel” said the journalist’s wife Hilaal Ahmed, who was present during the court proceedings. The court without fair trail reportedly allowed Boston to be released on fine without a proper procedure whilst the local judge did not rule about a specific amount of fine, an issue the journalist’s lawyer described as violation of human right. Mr. Boston was led into prison camp in down town Bosaso, a concentration cell where his wife described as very detrimental and notorious for its harsh conditions. According to the journalist’s lawyer, Boston was held by Puntland authorities in preventive detentions for the last four days. Hiiraan Online (HOL), one of the leading news sources in Somalia is calling on the regional government of Puntland to immediately release its journalist since the process he was arrest did not reflected the right procedure. “There can be no slippage and we are deeply concerned by this action of Puntland authorities to detain our journalist. Their action is a great violation of the right of the journalist” Said Mr. Ahmed Gure, the Managing Director of HOL in a press release. “The arrest can represent attacks on the very heart of Somalia’s fragile democratic systems. The court process was not fair and we are calling for the release of Mr. Boston without any condition” Journalists in Somalia are commonly arrested, tortured, extorted, robbed and most cruelly killed by all sides involved in Somalia’s dirty political struggle including Somali government, the none-militants and the Alqaeda-allied extremists. Somalia is described the most dangerous place for journalists to work in the world after the Philippines. For the past few years, hundreds of journalists fled Somalia and most of them are currently living in neighboring States like Djibouti, Kenya and Uganda.
-
Fatuma Noor guardian.co.uk Sunday 3 July 2011 00.06 BST Kenya: I was told that I deserved to die – for being a female journalist It's not always easy being a female investigative journalist, even in the west. But imagine going to do an interview and not being able to shake hands with the interviewee or indeed even being able to sit in front of him to ask questions. In Somali culture – I grew up in a Somali family in Kenya – it is wrong to speak and raise an opinion in front of men or even to shake hands with a man of no relation to you. Even travelling for work unaccompanied by a relative is not permitted. Somewhere on the Kenyan-Somali border, a Somali woman was chosen to be a town chief, but she fled from the town because of violent opposition from the elders. As a journalist, I tried to get comments from the Somali elders, but they then turned on me and threatened to punish me also. The women who attempt leadership positions or take on roles such as journalism are often intimidated and many end up giving up the profession at the early stages of their career. Political instability and extremist groups in Somalia have posed an even greater challenge, with the introduction of strict sharia. These hardline groups even disapprove of women working in informal markets or within women's organisations. Coming from a conservative Somali background, my parents, who buy and sell clothes, refused to fund my journalism course but were ready to pay for any other. (The need to meet and talk to men was, for them, the major problem with journalism.) Three years down the line, my choice still causes a strained relationship with the family. In a way, one could understand their reasons – as a female journalist, you face regular threats and intimidation. I have had more than a few of those in my short career as a journalist. One time I did a story about a Somali woman who was shunned by her community and was ousted by her own sons and husband because she was suffering from HIV/Aids. I received phone calls – not what you would describe as friendly calls – from men in my native Somali community who believe that some things should not be shared with the world; suffering from HIV was certainly one of those things I shouldn't share, they thought. One of the pleasures of being a journalist is the chance to travel and meet people. But according to the strictures of the culture in which I was raised, a woman should not travel unless she is accompanied by her brother, father or husband. As a woman, you are then left to choose between career and family since if you choose the former, there is the risk of being banished by your family. A typical Muslim man would prefer a housewife to a journalist who travels a lot and has odd working hours. Even if you persist, you are not meant to interact with men other than your husband and immediate family members. As a reporter, this poses a challenge, to say the least. When I started as a journalist, my editor did not fully grasp the limitations that come with my culture. But after constant pestering from my parents to fire me she got the message! (Sometimes now, she is careful when determining where I should go and what I should do, though I like to push.) To do my job as an investigative journalist properly stories often require days on the road. And this has led to a constant war between my parents and myself, not helped by some stories, on more than one occasion, almost getting me killed. Recently, I wrote a series of stories on the al-Shabaab group, "the Taliban of Somalia", a series for which last week I was lucky enough to receive an award. The series dealt with men of Somali descent, raised elsewhere, often the US, "returning" to fight for al-Shabaab. I was travelling with recruits from different countries, heading towards Mogadishu, when we were surrounded by some of the militia. They did not care much about who we were and seemed happy for the men accompanying me to get on with their work but my presence as a woman offended them. I wasn't married and had no relation within my group– reason enough for punishment, even execution. There then followed an eight-hour ordeal in the hands of the militia group. They had guns fixed on my head, while smashing my belongings and discussing among themselves just what sort of punishment was fitting. The elder of the group finally decided that I should be killed and only the intervention of a contact that I had previously made, arguing vigorously in my favour, saved me. Every single time I do any Somali-related story, to avoid problems with the family and immediate relations I choose never to disclose where I will be going and who I'm travelling with. It's perhaps then not a surprise that there should be such a small number of women in the Somali media And those who survive are more likely to work as radio presenters, not needing to go out and get stories. Even then, there can be problems. Bhajo Mohamud, who was a reporter in one of the radio stations, has had to leave the country and even in exile still gets threatening calls. Beyond the particular problems of the Somali community, there's a general scarcity of women in our newsrooms, making it difficult for burning issues to be discussed from a female perspective. Catherine Gicheru, a distinguished woman journalist and the managing editor of the Kenyan Star, says that a female journalist has to work extra hard so that nobody says she can't do this or that. "You must be willing to take anything that is thrown at you in order to survive in the career." These are all issues that are faced by our counterparts in western newsrooms. But specific cultural barriers mean that fewer women, says Gicheru, want to break into the typically male-dominated areas such as politics. As for investigative journalism, a gun to your head is not much of an encouragement. Fatuma Noor was last week awarded the top prize at the CNN MultiChoice African Journalist 2011 awards ceremony for her investigative three-part series on the "Al-Shabaab". (You can read it at http://www.nairobistar.com/lifestyle/128-lifestyle/29535) She is at the Observer as part of the David Astor Journalism Programme.
-
Ottawa West Thursday, June 30, 2011
-
When Mohamed Sofa came to Ottawa as a Somali refugee 15 years ago, it's unlikely the teen imagined receiving a standing ovation at city hall. But that's exactly what happened, as Sofa, now 29 years old, received not only applause in the council chambers, but also the Mayor's City Builder Award from Mayor Jim Watson and Beacon Hill-Cyrville Coun. Tim Tierney during the June 22 city council meeting. Though he now lives in the east end with his wife and daughter, Sofa's roots and work are focused in the west and was nominated for the award by Bay Coun. Mark Taylor and his colleagues at the Pinecrest-Queensway Community Health Centre where he works as a community health worker. "I'm very grateful and will work hard to live up to (the award's) promise," Sofa said, as he accepted the award. The Mayor's City Builder Award is a civic honour created by Watson to recognize an individual, group or organization that has, through outstanding volunteerism or exemplary action, demonstrated an extraordinary commitment to making the city a better place. The award-winner spent his first few months in the nation's capital living in a shelter with his sister and her family before moving to the Britannia Woods Community House. At the shelter, surrounded by others who looked and spoke like him, Sofa picked up basketball, which became the catalyst for years of community involvement. "What else does a black, inner-city kid do except play ball? It was the only thing around me," Sofa told the EMC, and called the sport a "natural spin off" for him. That interest spun off into the Somali Youth Basketball League, founded in 2003 to help young people develop leadership, social and basketball skills. No longer just for Somali youth the league, chaired by Sofa, boasts more than 200 participants across Ottawa. Community involvement first clicked with Sofa after his first job working with children, he said. As a camp leader at the YMCA, Sofa said he learned how to organize, plan and match needs with available resources. Those skills translated to successful community projects such as homework clubs, soccer teams, sports nights and other celebrations. Sofa is also a founder of Young Somali Professionals of North America-Ottawa Branch, which provides networking opportunities and creates social and business community enhancement projects. When Sofa found out about the award two days prior to receiving it, he said the first thing that went through his mind was "Oh my God, I'm busy as it is," and he worried about making sure other people would be accommodated for the occasion. "Everyone else came to mind," he said, a recurring sentiment for the community leader, who is also on the board of directors for the Britannia Community House and Catholic Immigration Centre. "I'm only able to do what I do because of all the other people - those who enable me and those who I try to support with their needs," Sofa explained. His recognition by the city reinforces the path he is currently on, added Sofa. "It's about staying committed for as long as possible and being present for as long as possible."
-
Taliyaha booliiska Puntland oo sheegay inuusan la socon xariga Wariye Faysal Boston oo maalintii labaad ku xiran Boosaaso Khamiis, June 30, 2011 (HOL) – Taliyaha ciidanika Booliiska Puntland G/sare Cali-Nuur Cumar ayaa sheegay inuusan ka warhayn xariga wariyaha Hiiraan Online ee Puntland Faysal Maxamed Xasan (Boston) oo maalintii labaad ku xiran xabsiga degmada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. "War kama hayo xariga wariyaha - saakay ayaan maqlay, sidoo kalena waxba kama ogi sababta loo xiray iyo cidda xirtay," ayuu taliyaha booliiska Puntland u sheegay maanta Daljir Radio oo ka mid ah idaacadaha ka howlgala Puntland. Arrintan ayaa waxay shaki weyn gelinaysaa xiriirka wadashaqeyneed ee u dhexeeya hay'adaha ammanka Puntland, iyadoo Wariye Faysal Boston shalay ay ciidamada booliiska Boosaaso ka kaxeysteen xafiiskiisa isagoo ku jira howlihiisa shaqo. Maamulka Hiiraan Online ayaa dadaal ugu jira sidii wariye Faysal Boston looga sii dayn lahaa xabsiga uu ku jiro, iyadoo aanay caddeyn sababta loo haysto iyo waxa lagu eedeeyay, balse loo malaynayo arrimo la xiriira howlihiisa suxufinimo. Saraakiisha sare ee maamulka Puntland ayaan weli ka hadlin sababta ay u xireen wariyaha HOL ee Puntland, waxaana tani ay qayb ka tahay cadaadiska lagu hayo saxaafadda ka howlgasha Puntland, taasoo maamulka hadda jira uu go'aansaday sannadkii hore. Hay'adaha u dooda suxufiyiinta caalamka iyo kuwa Soomaalida ayaa ku baaqay in si deg-deg ah oo aanay shuruudi ku xirnayn loo sii daayo wariye Faysal Boston loona ogolaado saxafiyiinta ka howlgala Puntland inay si xor ah u gutaan howlahooda. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
-
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Somalina replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Happy July 1 my peeps! -
NUSOJ Calls Puntland Authorities To Immediately Release The Online Journalist Mogadishu, 29 June,, 2011 The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) calls for the Puntland authorities to immediately release the online journalist who was detained by the Puntland security forces, while the union condemns the act of the arrest. The Puntland Secuity Forces have arrested online journalist on Wednesday 29 June, 2011 around 11:30am local time in the commercial port town of Bosaso of the semiautonomous regions of Puntland, according to witnesses and journalists The police visited ETN Television on Tuesday 28 June, 2011in the town of Bosaso in search of the journalist Hassan, thinking that he works for the Television, according to journalists who spoke with NUSOJ. Journalist Feysal Mohamed Mohamed Hassan, a correspondent of one of the popular Somali websites (www.hiiraan.com) in Bosaso was detained while he was at his office in Bosaso in the mid of his journalistic duties and was taken to Bosaso prison. Some sources indicate the journalist went to the police station on Wednesday, after receiving the alert, asking the reason he is sought and told he is under arrest. It is not yet clear the reason behind his arrest and the Puntland authorities did not comment. "we are appalled by the arbitrary arrests to the journalists and We call the Puntland government to respect the freedom of expression and the freedom of the press, which has been guaranteed by the Universal declaration of Human rights." Mr. Burhaan Daahir, the NUSOJ president of the supreme council said, "We condemn this arbitrary arrest and call the Puntland authorities to immediately release the journalist in detention." Meanwhile, Codka Hiiraan radio resumed operations on 25 June, 2011 around 12:30pm local time with Shabab propaganda on the airwaves . Journalists who work for the Codka Hiiraan radio in the town of Beletwein reported that the resumption of the radio follows after owner of the radio Mr. Abdi Moalim Adan has been seriously threatened and later accepted offer to sell the radio to the Shabab. It is really worrisome situation as the radio is on the only one remained in the town and the freedom of the press undoubtedly daunting. The other worry is that all journalists who were working for the radio will maintain the work, who might possibly be dragged to more radical views of the Shabab. Radio Dhusamareb recommenced its operation on the same day on 25 June, 2011, after the radio has been raided and shutdown by the Ahlu Sunna Wal-jama who control the town. For more information, please contact: Mr. Burhaan Ahmed Daahir President of the NUSOJ Supreme Council Tel: +252 90 751975 Who is curently in Garowe, Somalia for the Union business
-
Jacpher;731370 wrote: ^HOL ma Hiiraan Online bey u taagan tahay horta? Since when tolka websites become news organizations with journalists? Are you for real? sacadii daacdaacsiga ayaa la gaarey ayaan filaayaa. I think the mafia got riled up by this http://www.raxanreeb.com/?p=101379. Perfect set up methinks. ----------- Read the 1st comment. Hopefully it wont be deleted. http://horseedmedia.net/2011/06/29/booliska-boosaaso-oo-wariye-ku-xiray-magaalada-boosaaso/
-
General Duke;731346 wrote: ^^^He did nothing wrong and was arrested wrongly by Faroole who has thin skinn. The retard thought it was Horseed Media. This is HOL and it will not be silenced by mafioso Farole.
-
The first duty of any government is to ensure the safety of its citizens.
-
Nuur Cadde oo soo dhaweeyay ansixinta ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaliya, kana digay khilaaf dambe oo soo laabta Arbaco, June 29, 2011 (HOL) – Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa soo dhaweeyay ansixinta Dr. C/weli Maxamed Cali oo toddobaadkii hore loo magacaabay xilkan, isagoo sheegay inuu ka rajaynayo inuu kasoo bixi doono mas'uuliyadda dhabarka loo saaray. Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub ahna safiirka Soomaaliya ee dalka Talyaaniga Nuur Cadde oo u warrramayay Radio Muqdisho oo ku hadla afka DKMG Soomaaliya ayaa ku tilmaamay tallaabada uu baarlamaanku ku ansixiyay ra'iisul wasaare C/weli mid muujinaysa in baarlamaanka ay ka go'an tahay in howlaha dowladdu socdaan. "Runtii codadka lagu ansixiyay Dr. C/weli Gaas ma ahayn kuwo la filayay, waxaana u arkaa xildhibaannada baarlamaanka inay ka go'an in horay loo socdo," ayuu yiri Nuur Cadde oo uga digay madaxda DKMG ah khilaafyo dambe oo soo dhexgala. Nuur Cadde oo ra'iisul wasaaraha Soomaaliya loo magacaabay sannadkii 2007, ayaa xilka ka tagay dhammaadkii 2008 markaasoo uu billowday shirkii Jabuuti ee lagu soo dhisay xukuumadda hadda jirta, wuxuuna markii xafiiska loo magacaabay uu bedelay Prof. Cali Maxamed Geeddi oo isku xasilay khilaaf soo dhexgalay isaga iyo C/llaahi Yuusuf oo ahaa madaxweynihii Soomaaliya. "Madaxda DKMG ah ee Soomaaliya waxaa horyaalla howlo badan oo ay tahay sidii lagu soo celin lahaa ammaan, waxaana ugu baaqayaa inay ka fogaadaan khilaaf dambe oo soo dhexgala ayna howsha hortaalla u gutaan si isku duubni ah," ayuu yiri Nuur Cadde. Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay in xukuumadda cusub ee lasoo dhisay, baarlamaanka iyo madaxweynaha ay u wada-shaqeyn doonaan halka sano ee soo socda si wadajir ah. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
-
VOA Hashim Duale was born on 15 April 1967 in Mogadishu the capital city of Somalia. He was the seventh child in a large family. Hashim went to University to study agriculture as his aim was to be able to help the Somali people learn how to farm their land more efficiently. http://www.bbc.co.uk/leicester/voices/2002/05/hashim_duale_profile.shtml
-
Talaado, June 28, 2011(HOL): Haashim Ismaacil Ducaale oo ka mid ah Soomaalida dalka Britain ayaa ku guuleystay Billad ay bixiso Boqoradda Dalka Britain Queen Elizabeth taasi oo uu ku muteystay firfircooni uu ka dhex muujiyay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan isdhexgelinta dadka, gaar ahaan dadka Soomaaliyeed iyo dadka British-ka. Haashim Ducaale ayaa wareysi siiyay Hiiraan Online iyo Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay in uu ka mid yahay dad aad u badan oo UK ku nool, kuwaasi oo iyana dhaqdhaqaaqyo kala duwan oo muhiim ah sameeyay sida Isboortiga, Heesaha iyo arrimo kale. Sida caadiga ah in uu helo billadan waxay qaadan doontaa muddo, wuxuuna heli doonaa martiqaad uu ku guddoomayo billad sharafta uu ku guuleystay ee MBE. Mar aan weydiinay Haashim sida ay shucuurtiisa tahay waxaa uu sheegay in billadda uu ku guuleystay ay uga qiimo badan tahay Malaayiin Doollar oo la siiyo, wuxuuna caddeeyay in billadda la siiyay isagoo Soomaali ah ay albaab ku dayasho ah u furi doonto Dadka Soomaaliyeed ee UK ku nool gaar ahaan, guud ahaanna dadyowga kale ee Soomaalida la nool ee ku jinsiyadaha ah Qaaraad ahaan. “Malaayiin Doollar iyo inta Adduunka taalla oo la i siiyo waxaa iiga qiimo badan ictiraafka aan ka helay Boqoradda Britain, waayo waxaa wax weyn tareysa aniga oo qoraallo u qora dadka maamuuska ku leh dalkan oo warqaddaasina uu magaceyga hoos kaga saxiixan yahay”ayuu yiri Haashin Ducaale. Haashim Ducaale oo 43 sano jir ah ayaa wuxuu muddo 12 sano ka badan uu ka shaqeynayay arrimaha isku xiridda Bulshada Soomaaliyeed iyo Hay’adaha bixiya adeegyada bulshada ee Britain haddii ay ahaan lahaayeen kuwo dowladeed ama shirkado ama shakhsiyaad ay leeyihiin.