Somalina

Nomads
  • Content Count

    7,672
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Somalina

  1. Saxafiyiinta Soomaaliyeed oo ka dalbaday Puntland inay soo dayso Faysal (Boston) oo wali sabab la’aan ugu xiran magaalada Boosaaso Isniin, July 11, 2011(HOL) Nairobi , Kenya - Qaar kamid ah Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Nairobi ayaa ka codsaday saraakiisha maamul goboleedka Puntland inay si shuruud la’aan ah ku sii daayaan wariyaha Hiiraan Online ee deegaannada Puntland oo hal sano oo xarig ah ay ku xukuntay maxkamadda magaalada Boosaaso. Wariyayaashu waxaa ay sheegeen in xariggaasi uu meel ka dhac ku yahay xorriyadda saxaafadda iyo xuquuqda aadanaha. Maamul goboleedka Puntland ayaa Faysal Maxamed Xassan(Boston) ku eedeeyay inuu qoray warar ka dhan ah xasilloonada Puntland, iyadoo aysan jirin wax war ah oo ka dhan ah deegaan Soomaaliyeed oo lagu daabacay Hiiraan Online tan iyo markii la aasaasay. Maxkamaddu waxay Faysal ku eedeysay laba qodob oo kala ahaa inuu daabacay war uu ku sheegay in shacabku ay codsadeen inuu iscasilo madaxweyne Faroole iyo war kale oo ku saabsanaa labada nin ee la gorwacay, waxaana markii ay dacwaddu socotay uu garsooruhu ku dhawaaqay in lagu xukumay hal sano oo xarig ah , iyadoo aan wada ognahay in wararkan ay xataa tabiyeen qaarka ka mid ah saxaafadda ka hawlgasha Puntland oo aysan jirin wax tallaabo oo laga qaaday. Kulanka wariyayaasha oo ka dhacay Hotel Barakaat ayaa waxaa ka hadlay C/risaaq Xaaji Catoosh (Weriyaha BBC) oo tilmaamay in saxafiyiinta Soomaaliyeed ay ka xunyihiin xariga lagu xukumay weriye Faysal Boston. Catoosh waxaa ugu baaqay Puntland inay ilaaliso xuquuqda saxaafadda iyo saxafiyiinta xorta ah. Xassan Kuuriya oo ah saxafiyiintii hore ee qaranka ayaa si gaar ah , wasiirka warfaafinta ee Puntland uga codsaday inuu sii daayo Faysal Boston. "Waxaan ahayn dad saaxiib ah oo sa wada shaqeeyay waxaan ka dalbanayaa inuu codsigayga tixgaliyo". Ayuu yiri Kuuriya. Sahro Cabdi Axmed oo ka tirsan VOA-da ayaa iyaduna ku tilmaantay tacaddiyada saxafiyiinta ka dhanka ah inay ku soo siyaadeen Soomaaliya, taasoo khatar ku ah in muwaadinka Soomaaliyeed uu helo macluumaad dhexdhexaad ah oo ku aaddan waxa dalka ka soconaya. Jaamac Debaraani oo ka mid ah weriyayaasha Puntland ka hawlgali jiray ayaa isna ka dhwaajiyay sida ay u soo siyaadeen tacaddiyada ka dhanka ah saxafiyiinta ka hawlgala Puntland tan iyo markii uu xilka qabtay madaxweyne C/raxmaan Maxamed Faroole oo lagu eedeeyo wiilkiisa oo agaasime ka ah wasaaradda warfaafinta inuu si wayn ugu lug leeyahay tacaddiyada ka dhanka ah saxafiyiinta. Waxaana halkaas lagu soo bandhigay tacaddiyada ka dhanka ah saxafiyiinta ee Puntland ka dhacay tan iyo markii uu hantay hogaanka madaxweyne Faroole. Qaar ka mid ah Wariyaashii La Dhaawacay ama la xiray intii Faroole Xilka hayay 1- Maxamed Yaasiin Isixaaq Wariyihii VOA-da ee Mudug Xadhig iyo isku day dil oo uu ku dhaawacmay. 2- C/fataax Jaamac Mire Agaasime Horseed Media Sanadkii 2010- Lix Sano oo xadhig ah iyo SHanbqol oo Doolar. 3- Jaamac Ayaanle Feyte Tiftiraha 2- Sano oo Xadhig ah Bishii March 2009- 4- Faysal Maxamed Xasan Boston Wakiilkii Hiiraan Online ee Gobolada Puntland Hal Sano oo Xadhig ah. Ugu dambayntiina waxaa saxafiyiintu ay ka dalbadeen Puntland iyo maamullada kale ee Soomaaliya ka jira inay ilaaliyaan xuquuqda uu saxafigu u leeyahay tabinta waxyaabaha dhabta ah ee jira isagoon la kulmaynin hanjabaad , cadaadis iyo wax walba oo ka hor istaagi kara inuu xaqiiqada tabiyo. Axmed Cabdisamad, Hiiraan Online asamad@hiiraan.com Nairobi , Kenya
  2. Isniin, July 11, 2011 (HOL) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta ku qaabilay Villa Soomaaliya wafdi ka socday dowlada Talyaaniga. Wafdigan ayaa waxaa horkacayay Wasiir ku xigeenka Arimaha dibada ee dalka Talyaaniga Mudane Alfredo Mantica. Madaxweynaha ayaa ugu horreyntii ugu mahadceliyay wafdiga balaaran, boqashada ay ku yimaadeen dalka Soomaaliya. Wuxuuna u sheegay in waqtigaan la joogo shacabka Soomaaliyeed ay haysato dhibaatoyin la xariiro abaaro iyo amni daro, haddana si deg-deg ah loogu baahan yahay kaalmo bini’aadnimo oo loo fidiyo shacabka Soomaliyeed. Mudane Alfredo Mantica ayaa ballan-qaaday inay dowlada Talyaaniga si deg-deg ah kaalmo kusoo gaarsiinayaan Soomaaliya si loo badbaadiyo shacabka dhibaateysan oo macluusha u dhimanayo. Madaxweynaha ayaa ugu danbeyntii ku wargeliyay inay dowlada wax badan ka qabatay dhinaca amniga, iyadoo kaashaneysa ciidamada Midowga Africa uguna mahadcelisay dowlada Talyaaniga kaalmada joogtada ah ay ka geeysato horumarka xagga amniga. Dhanka kale, wafdigan ayaa kulammo la qaatay guddoomiyaha baarlamaanka iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya isagoo kala hadlay xaaladda dalka uu marayo, wuxuuna ugu dambeyn sheegay in dalkiisu uu hal Milyan oo EURO uu ugu deeqay shacabka Soomaaliyeed. Wafdigan ayaa noqonaya kii ugu sarreeyay heerkiisa oo ka socda Talyaaniga oo booqda Muqdisho tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, waxaana markii ay kulammada dhamaadeen wafdigu ay dib uga dhoofeen Muqdisho. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Onilne maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  3. Xaaji Xunjuf;733446 wrote: wax fashilmey baad leedahay aynu tageerno abti wa waxay ssc u shaqeyn weyday sheikh dalxiis maad tidhahdid aynu badalno taasa la qaatay lol@XX ------ @Nassir and Khadar
  4. Abwaan;733238 wrote: Somalina, ayaandarrada Soomaaliya ka jirta ayaa waxay tahay taageerada indho la'aanta ah ee kuwa noocaaga oo kale ah meel walba la taagan yihiin oo aan xitaa la dhaliili karin dhagar-qabeyaasha dhulkeenna halaagga ku wada. Waxaan qabqablenimo iyo qabyaalad ka daran ee tolow inaad SOL Shariifoow ku digriso meeqaad ku qaadataa? Anigu dalkaan Kitaab uma marin inaan hoggaamiyo, hagardaamana uma horseedin. Wax waan qabtay Alxamdulillaah, mana rabo inaan sheeg-sheego no 1 adiga iyo kuwa kula midka ah iskama dhisayo no 2 ajarka ayaa iga nusqaamaya. Waxaadna ogaataa inaan aaminsanahay inaan cause-kaan intaad u gashay ka badan u galay anigoo weliba aysan qabyaalad iyo dan gaar ah midna iga ahayn! Waxaad ogaataa Kitaabka ay Shariif iyo kuwa dalkaan hoggaankiisa soo qabta maraan ee aysan waxna qaban in adigoo kale oo dano gaar ah ee aad leedihiin u difaaca aad la qabtaan, illeen in la saxo ayaad hortaagan tahee mana ogolid in runta loo sheego! Waxaan la yaabay Shariif hadduu adeer kuu yahay amase waxani qabyaalad kaa yihiin markuu Soomaali ka hortago ciddii wax ka sheegta la dagaal balse hadda waa la dhaliilayaa! Haddii taasi dhib kugu tahayna BADDA KA CAB! Wax runta kuu sheega ayaad la'dahay! Miyaadan jir damqa lahayn? For once, Shaar Soomaalinimo gasho! Haha...cabaad.com from Caydiid's former shoe shiner. Waxaasoo dhan aad daldaleysey caloosha ayaad ku haysatey for so long eh. Cudur ayaa laga qaadaa marka la is cuburiyo oo neefta la isku celiyo. Waxaad qabtid mar hore maxaad u tuuri weysey? lol Waxaan ku faraxsanahay inaan banaanka ku keeney. Soomalinimo sida ay tahay markaan ka dhageysanaayo Abwaan oo aan waxba ahayn waxaan la ii qaatey inaan shito Maxaa yeeley waa nin magac leh. As for abti Sharif, waan u mahad celiyaa marwalba shaqada fiican uu ka qabtey Qeybdiid, Caato, Dahir Aweys and all the other tuugo isbaarada u taaley Xamar. Also, next time time you see Tarsan in Camden hortiisa ka dheh waxaad halkan kaga soo qortid. Yacni hadduu qof been isku sheegayo jiro halkaan muraayada ayaad eegi kartaa keliya. Run kulahaa. lol really. Caydiid AUN shufeerkiisa ayaa noo khudbeynaayaa maanta oo run ka hadlaayaa. I love SOL and fadhikudirir.
  5. Jaamacadda Muqdisho oo qaadanaysa arday cusub 2011/2012 Axad, July 10, 2011 (HOL) – Jaamacadda Muqdisho oo looga bartay waxbarasho tayeysan, kuna qaabeysan halbeegga casriga ah ee tacliinta sare, lehna aqoonsi caalami ah, kana mid noqotay 40-ka Jaamacadood ee ugu horaysa Afrika, oo ay ka qalin jabisay dufcadii 11-aad sanadka 2010/2011, iyada oo qaar ka mid ahi ay ka diyaariyeen darajada Master-ka iyo PhD-da Jaamacado caalami ah iyo waliba barnaamijka jaamacadda ee wabarashada sare (post graduate programme) oo ay la waddo jaamacado caalami ah sida Jaamaacadda Malaysiya, Asian International University iyo Jaamacadda UmmudurmaanAl Islaamiyah ee dalka suudaan . Hadaba, Jaamacadda Muqdisho waxa ay ku wargalinaysaa dhammaan ardayda soo dhameysatay waxbarashada dugsiga sare in Jaamcaddu qaadaneyso arday cusub Sanad waxbarashadeedka 2011/2012. Jaamacaddu waxay kuu haysaa 7- kuliyadood oo kala ah: 1. Faculty of Sharia & Law, oo ka kooban: a) Sharia & Law. 2. Faculty of Education, oo ka kooban: a) Social Sciences. b) Arabic Language. c) Islamic Studies d) Math & Physics. e) Biology & Chemistry. 3. Faculty of Arts & Humanities, oo ka kooban: a) History & Civilization. b) English Language & Literature. c) Arabic language & literature. d) Geography. 4. Faculty of Economics & Management Sciences, oo ka kooban: a) Economics. b) Business Administration. c) Accounting. d) Public Administration. e) Finance & Banking. 5. Faculty of Computer Science & Information Technology, oo ka kooban: a) Computer Science. b) Information Technology. 6. Faculty of Health Sciences, oo ka kooban: a) General Nursing. b) Medical Laboratory sciences. 7. Faculty of Political Science & Information, oo ka kooban: a) Political Science. b)Journalism & Information. FG: sanadkaan waxaa ku cusub jaamacadda laba qaybood oo muhim ah baahi bandanna ay u qabto bulshada soomaaliyeed, waxayna kala yihiin: a) Medical Laboratory Sciences oo lagu heli karo fursado badan sida ka shaqaynta shaybaarada isbitaalada, goobaha caafimaadka, maamulidda goobaha caafimaadka, suuq gaynta dawada ay soo saaraan shirkadaha waaweyn, hormarinta qalabka wax lagu baaro, samaynta cilmi baaris dhanka caafimaadka ah iyo kuwo kale oo badan. b) Finance & Banking oo isna ah mid ka mid ah takhasusaadka ay dadkeennu ugu baahida badan yihiin. Diinwaangalintu waxay ka bilaabanaysaa Xarunta dhexe ee Jaamacadda ee Km5 Maalinta talaadada ah 12/07/2011, waxayna ku egtahay 15/08/2011. Maalmaha shaqada waa Sabti ilaa Khamiis. Saacadaha shaqaduna waa 8:00 subaxnimo ilaa 3:00 galabnimo. Wixii faahfaahin dheeri ah fadlan kala xiriir: Tel: 002521-858479/ 002525-932454/ 002521-223433, Fax: 002521-216820 E-mail: moguniver@globalsom.com www.mogadishuuniversity.com MAHADSANIDIIN
  6. Aaliyyah nin jaad iyo pornography glorify gareeyo ayaa ku khudbeynaaya oo diinta difaacaayo...lol...
  7. Dowladda KMG oo shaaca ka qaaday inay aqoonsatay Dowladda cusub ee Koofurta Sudan Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay aqoonsatay Xukuumada cusub ee shalay Caalamka ku soo biirtay Koofurta Sudan, kadib markii wafdi uu hogaaminayay Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed uu ka qeyb galay Munaasabada lagu dhawaaqayay Dowladda 54aad ee Afrika iyo dalkii 193aad ee aduunka. Wasiirka Warfaafinta Dowladda KMG ah ee Soomaaliya C/kariin Xasan Jaamac oo wareysi siiyay Idaacada afka Dowladda ku hadasha ee Radio Muqdisho ayaa ka dhawaajiyay inay Dowladdu aqoonsatay Koofurta Sudan. "Waxay Dowladda Federaalka Soomaaliya u aqoonsatay Koofurta Sudan dal ka mid ah Caalamka iyo Afrika, waxaan ula macaamili doonaan sida Dowladaha kale ee aan xiriirka nahay"ayuu yiri C/kariin Xasan Jaamac. Madaxweyne Shariif ayaa ka mid ahaa Madaxweynayaasha Afrika ee xaflada caleema saarka ee lagu taagayay calanka cusub ee Jamhuuriyada Koofurta Sudan lagu taagayo, iyadoo si rasmi ah ay uga go'day Sudan inteeda kale. Dalal ay ka mid yihiin Mareykanka, Masar, Kenya, Uganda ayaa aqoonsaday Koofurta Sudan, halka Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir oo goob joog ka ahaa Munaasabadii caleema saarka uu isna sheegay inay aqoonsadeen in Koofurta noqdaan dal ka go'ay Sudan inteeda kale. Sudan ayaa ah dhulka ugu ballaaran Afrika, waxayna soo martay taariikh fog oo dhinaca dagaalada, iyadoo kala go'itaankeeda ay muujineyso mid saameyn ballaaran yeelatay, gaar ahaan Waqooyiga oo dareemi doono adeegyada ka jira Koofurta oo ah dhul kheyraad leh.
  8. Xaaji Xunjuf;733041 wrote: Genius Somalinimada waxad u taqanin in Amxaaro caasimadina la keeno dabeedna madaxdina lugu bah dilo madaxtooyadooda Somalinimada waxad u taqanin inad u kala dheereysan mahiga iyo muhunga iyo Bahuku si aad u gubtaan suuqina iyo caasimadina Somalinimada waxad u taqanin inay qayb na islaam sheegato qeyb na gaalo lugu sheego Somalinimada waxad u taqanin wanu shireyna oo halkeenu ku shirayna meel u melez ina aarkayo iyo Museveni Amxaaro caasimadaada iyo Berbera ayey ka buuxaan. Quuqda badan naga yeeray fadlan.
  9. Abwaan;733026 wrote: Dadkii oo abaar iyo macaluul u baaba'aya ayay wefdi celcelis 15 ah u dirayaan South Sudan. Shariif inuu diyaarad la raaco jecelyahay waa caddaatay ee midkaan diyaarad caag ah inta loo gado Jowhar halla geeyo uma qalmo inuu dalkan sii hoggaamiyo. Waa ayaandarro ee Ilaahow kuwaan ummadda ka qabo. Aala-Shiikh waa na waashay sidaas bay wadaaddo ku sheeganayaan, mar unbaa la xisaabtami wakhti ay noqotaba insha Allaah. Wax ma u qabatey dadka abaarta hayso? mar walba dacaayad uun baad haysaa, marnaba solution ma keentid, why is that? Diyaarad uu raacey, Ala Sheik bla blah c'mon now you can do better than that. Get up and go to Somalia and do something instead of complaining non stop. The only time you don't complain is when characters from Galmudug come to the picture.
  10. Somalina

    Fatuma Nur

    Axmed-InaJaad;732807 wrote: no doubt a student of ayaan hirsi like you, who wants somali muslim women to show their bra's and hair to the world would encourage this type of behavior. you're the trojan horse within out culture and diin, n you need to be routed out. Gunter's intern is preaching about islam. lol....
  11. Somalina

    Fatuma Nur

    Khayr;733080 wrote: For you to call the islamic garb and what is deeemed to be sacred a "Tent" is unacceptable. Such comments can not come from the lips of someone that h as submitted to Allah and is a Muslim . Look at this miserable takfiri. Niggah plze! go back to the cave you crawled from. Another one to put on my ignore list. Great.
  12. Garoowe:Madaxweynaha Puntland oo u anbaxay inuu ka qaybgalo Xuska dawlada Cusub ee Dunida kusoo biiraysa. 8. juli 2011 http://www.allpuntland.com/article/anmviewer.asp?a=10951&z=2 Red carpet treatment
  13. Madaxweyne Shariif iyo wafdigii uu hogaaminayay oo ka degay Koofurta Sudan Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa waabarigii saaka ka degay Magaalada Jubba ee Koofurta Sudan, halkaas oo saacadaha soo socda lagaga dhawaaqi doono madax banaanida Dowladda cusub ee Koofurta Sudan oo si rasmi u noqon doonta Dowladdii 54aad ee Afrika ku soo biirta. Wafdiga Madaxweynaha oo xalay saqdii dhexe ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa lagu soo dhoweeyay, iyagoo ka mid ah Wafuuda Caalamiga ee lagu casuumay inay ka qeyb galaan Munaasabada lagaga dhawaaqayo Dowladda cusub ee Koofurta Sudan. Madaxweyne Shariif ayaa waxaa safarkiisa ku wehliya Wasiirka Arrimaha Dibada Maxamed C/llaahi Oomaar, Wasiirka Warfaafinta C/kariin Jaamac, Gudoomiyihii hore Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe, Prof. Maxamed Cumar Dhalxa, Xildhibaan Yuusuf Cali Caynte iyo Agaasimaha Hey'adda Nabasugida Axmed Macalin Fiqi. Wafdiga ayaa waxaa si heer sare ah ugu soo dhoweeyay Garoonka Diyaaradaha Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Koofurta Sudan Deng Alor iyo mas'uuliyiin iyo dadweyne fara badan oo aad u qiireysnaa. Dabaal degyo waa weyn ayaa ka soconaya Koofurta Sudan oo loogu jiro madax banaanida Koofurta Sudan iyadoo damaashaad uu soconaya tan iyo xalay, waxaana dad fara badan ay isugu soo baxeen bartamaha Magaalada Jubba. Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana wadooyinka lagu arkayaa Ciidamo fara badan oo sugaya ammaanka, waxaana garoonka lagu qabanayo xaflada ku soo qul qulaya dadweyne fara badan iyo mas'uuliyiin ka socota Caalamka.
  14. Sabti, July 09, 2011 (HOL) – Madaxewynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jubba ee xarunta dalka cusub ee Koonfurta Suudaan, si ay uga qaybgalaan xafladda loogu dabbaal-dagayo madaxbannaanida dalkaas oo maanta ka dhacaysa halkaas. Wafdiga madaxweyaha ayaa waxaa ka mid ah wasiirka warfaafinta, boostada iyo isgaarsiinta xukuumadda KMG ah C/kariin Xasan Jaamac iyo xubno ka tirsan Villa Somalia, waxayna ka dhoofeen Muqdisho xalay saqdii dhexe. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wuxuu ka mid noqonayaa 30-madaxweyne oo lagu casuumay xafladda maanta dhacays, waxaana sidoo kale horay ugu sugnaa Jubba warfdi uu hoggaaminayo Axmed Maxamed Siilaanyo oo ah hoggaamiyaha Somaliland oo horay u sheegtay inay ka go'day Soomaaliya inteeda kale. Sheekh Shariif ayaa lagu wadaa inuu xafladdaas ka jeediyo khubad, waxaana ka mid ah madaxweynayaasha ka qaybgalaya munaasabaddaas Cumar Xasan Al-Bashiir oo ah madaxweynaha dalka Suudaan oo qayb ka mid ah ay maanta ka go'ayso. Dalka cusub ee Koonfurta Suudaan ayaa noqonaya dalkii ugu cusbaa dunida iyo Qaaradda Afrika, wuxuuna noqonayaa dalkii 193-aad, iyadoo shacabka Koonfurta Suudaan ay dabbaaldagyo ka sameynayaan magaalooyinka waaweyn iyagoo muujinaya sida ugu faraxsan yihiin madaxbannaanidooda. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  15. Somalina

    Fatuma Nur

    They probably wanted to see Fatumo wearing a tent with no bra, wey xanaaqeen markey arkeen bra and hair hence the xiiqa. Seriously though waqtiga ha isaga dhameyn inaad la muranto kuwaan.