Somalina

Nomads
  • Content Count

    7,672
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Somalina

  1. Muqdisho, Soomaaliya, July,13,2011) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaliya Mudane Sharif. Sh. Axmed ayaa soo saaray Bayaan ku aadan Abaaraha iyo Codsiga Gargaar oo deg-deg ah. Soomaaliya waxa ku habsatey abaar ba’an oo ay sabab u tahay roob la’aan muddo dheer iska daba timid oo ay badi ku la’adeen xoolihii raacatadu ku tiirsanayd isla markaasna keenay in wax soosaarka beeraha uu aad hoos ugu dhaco taasoo xaaladda beeraleyda khatar gelinaysa. Marka la eego xaalladda hadda jirta abaartan xun waxaa la oran karaa inay u dhigantaa tii dalka Soomaliya sida xanuunka badan u soo martay 1993. Iyadoo la tixgelinayo baaxadda abaarta oo ah mid aad uga qiro weyn in Soomaalidu kaligood wax ka qabtaan iyo xaaladda dalku ku sugan yahay ee kor lagu soo tilmaamay, Xukuumadda Federalka ah ee KMG ah waxay ka codsanaysaa Caalamka in loo soo gurmado shacabka halista ugu jira inay baaba’aan. Sidoo kale Xukuumaddu waxay Shacabka Soomaaliyeed meel kastoy joogaanba ka codsanaynaa inay u soo gurmadaan badbaainta walaahooda tabaalaysan. Waxaa Bankiga Dhexe looga furay Abaaraha Account loogu soo shubi Karo gargaarka deg dega ah: A) US Dollar Account # 750: Bankiga Dhexe B) So. Shiling Account # 749: Bankiga Dhexe US Dollar Account # 8495 Dahabshiil Bayaanka Abaaraha iyo Codsiga Gargaar degdeg ah XAFIISKA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYA I. Hordhac Soomaaliya waxa ku habsatey abaar ba’an oo ay sabab u tahay roob la’aan muddo dheer iska daba timid oo ay badi ku la’adeen xoolihii raacatadu ku tiirsanayd isla markaasna keenay in waxsoosaarka beeraha uu aad hoos ugu dhaco taasoo xaaladda beeraleyda khatar gelinaysa. Marka la eego xaalladda hadda jirta abaartan xun waxaa la oran karo inay u dhigantaa tii dalka Soomaliya sida xanuunka badan u soo martay 1993. Kumanaan kun oo qof ayaa guryahoodii ka barakacay iyagoo ahaa kuwii dhaqaaqi karay, hasa yeeshee kumannaan kale oo awoodi waayey inay dhaqaaqaan ayaa ku liita halkii ay joogeen, qarkana u saaran inay macluul u dhintaan. Caruur fara badan ayaa ilaa hadda dhimatay, kuwa kalana waxay qarka u saaran yihiin inay u le’edaan macluul iyo cudurro ka dhashay. Dhinaca kale abaartu waxay ku soo beegantay xelligii ugu xumaa oo ah iyadoo nabadgelyo xumo ka jirto qaybo ka mid ah dalka, taasoo baaba’isay awooddii isku tiirsanaanta iyo iskaalmeynta dadka guud ahaan. II. Baaxadda Abaarta Abaaruhu waxay saameeyeen dhammaan dhulka Soomaaliyeed. Marka Gobolada Waqooyiga iyo Bariga laga yaabo inay waxoogaa dhaamaan nabadda halkaas ka jirta darteed, gobollada koonfureed siiba dhulka ay gacanta ku hayaan kooxaha argagixisada ah sida Alshabaab aad bay xaaladoodu u liidataa. Waxaa lagu qiyaasi karaa in uugu yaraan 70% shacabka Soomaaliyeed ay saameysey abaartu waayo, dhamaan dadkii raacatada ahaa iyo kuwii beeralayda ahaaba way ku baahday abaartu. Dawalddu waxay ku qiyaaseysaa in dad gaadhaya ilaa 7 malyuun oo abaartu u saameysey si toos ah ama dadban ay u baahan yihiin kaalmo degdeg ah. Wararka gobollada ka imanaaya waxay xaqiijinayaan in xoolo badan dhinteen, kuwo kalana laga rajo xun yahay siiba xoolaha nugulka ah. Sida uu ku warrammay xafiiska xiriirka bani-aadaminimo ee qaramada midoobay ayaa toddobaadkii la soo dhaafay ku tilmaamay in roob la’aanta labadii xilli ee la soo dhafay ay ka dhalatay in xelligii ugu qallalnaa uu soo maro dalka tan iyo 1950, iyadoo waliba hay’addaas ka deyrisay sannadka 2012. Guddiga gurmadaka Abaaraha ee dawladdu magacowdey iyo Wasaaradda caafimaadku wuxuu xaqiijiyey in ilaa hadda ay soo gaadheen magaalo madaxda qiyaas dhan 10,000 oo qoys oo aad xaaladoodu u liidato siiba caruurta iyo waayeelka. Maalmahii la soo dhaafay waxaa magaalo madaxda soo gaadhayey qiyaasta in u dhexeysa 250-300 oo qoys. Xaaladda abaaraha waxaa sii xumeeyey dalka oo kala go’an oo ay adag tahay in dadka wax loogu qabto goobaha ay ku sugan yihiin, iyo in xilligii ku haboonaa loo gurmado dadka. Waxaa xaaladda aad u sii murgiyey xukunka naxiis darrada ah ee Ururka Al-shebaab oo diiday in wax gargaar ah hore loo gaarsiiyo dadka baaba’aya ee degen goobaha ay gacanta ku hayaan, taasoo keentay in hay’adihii khayriga ahaa ka baxaan dalka. III. Gargaarka loo baahan yahay Gargaarka degdega loogu baahan yahay waxaa ugu horreeya: 1. Cunto: mid guud iyo mid gaar u ah caruurta iyo dadka nafaqada darrada u liita (General Food and Supplementary Food). 2. Biyo : 3. Caafimaad iyo beyad caafimaad 4. Hoy ku meel gaadh ah (Temporary Shelter).
  2. Wafdi uu hoggaaminayo Mark Bowden oo Muqdisho tagay, booqdayna xeryaha ay ku jiraan barakacayaasha Talaado, July 12, 2011 (HOL) – Wafdi uu hoggaaminayo xiriiriyaha barnaamijyada gargaarka bani'daamnimo ee Soomaaliya Mark Bowden ayaa maanta Muqdisho tagay, isla markaana booqday xeryaha ay ku jiraan dadka barakacayaash ah ee ku yaalla magaalada Muqdisho. Booqashada Bowden oo ahayd mid uu ugu kuur-galayay xaaladda barakacayaasha soo gaaray Muqdisho ayaa tagay dhowr xero oo ay ku jirto mid cusub oo maanta la dajiyay barakacayaal kuna taalla deegaanka jasiira, isagoo markaas kaddib kulan la yeeshay guddiga ay dowladda KMG ah u magacowday gargaarka barakacayaasha oo ka kooban toddoba wasiir. Mr. Bowden oo saxaafadda la hadlay kaddib kulanka uu la yeeshay guddiga DKMG ah ay u magacowday gargaarka barakacayaasha ayaa sheegay inuu arkay xaaladda dadka kusoo barakacay Muqdisho ayna tahay mid aad u daran, iyaguna ay sida ugu dhaqsiyaha badan gargaar ula soo gaari doonaan. Ra'iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka gaashaandhigga DKMG ah C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo isaguna uga warbixiyay warbaahinta kulankii ay la yeesheen Mark Bowden ayaa sheegay inay kala hadleen sidii gurmad deg-deg ah loola gaari lahaa shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen. Imaanshaha Mark Bowden ee Muqdisho ayaa kusoo beegmaysa iyadoo kumanaan qof oo kasoo cararaya abaaraha ay soo gaarayaan caasimadda Soomaaliya, sidoo kalena ay Xarrakatul Shabaab fasaxday in hay'adaha gargaarka ay kaalmeeyaan dadka ay abaaruhu ku dhufteen. Dhawaan ayay ahayd markii Mark Bowden uu booqday xeryo ay ku sugnaayeen dad barakacayaal ah oo ku yaalla degmada Doolow ee gobolka Gedo, halkaasoo uu kula kulmay madaxda dowladda KMG ah ee gobolkaas. Mark Bowden iyo wafdigiisa ayaa ka dhoofay Muqdisho, markii ay dhameysteen socdaalkooda indha-indheynta ah, balse ma uusan sheegin xilliga ay gargaar deg-deg ah lasoo gaari doonaan shacabka Soomaaliyeed ee soo barakacay. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  3. Dadkan gaaraya Kumanaanka ayaa waxaa lagu soo daabulayay Gawaarida xamuulka qaada, iyadoo soo daabulidooda ay gacan ka geysteen Masuuliyiinta Dalladda ururada Bulshada rayidka ee Ex-Banaadir iyo gabadhaha Hey'ada Wada hadalka Bulshada CCD, kuwaasoo xil iska saaray ka qeyb qaadaha daabulidda dadkaasi ku dhibaateysnaa degmada Xamarweyne iyo sidii loogu sameyn lahaa dibudejin iyo hoy ay ka galaan roobabka iyo qorraxda. Xubno uu horkacayay Gudoomiyaha Dalladda Ururada Bulashada Rayidka ah ee Deegaanada Banaadir Muxudiin Xasan Afrax ayna ka mid ahaayeen gudoomiyaha Haweeenka Hey'adda wadahadalka Bulshada CCD Sharo Maxamuud Amiin, Xoghayahay Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Faadumo Aadan Cosoble iyo Xubno kale kuwaasoo gacan ka geystay Daabulida, isku ururinta iyo dibudejinta goobaha cusub ee dadkaasi maanta la dejinayay ee ku yaalada deegaanka Xoosh ee degamada Dharkenley. Deegaanka Xoosh oo maanta dib loo dejiyay kumanaaka Barkacayaasha ah ayaa waxaa todbaadkii dhawaa u asteeyay gudigga Gurmadka Qaranka ee abaaraha ee uu dhawaan magacaabay Ra'isulwasaaraha Soomaaliya Dr. C/weli Maxmed Cali ayaa waxaa ku wareejiyay deegaankaasi maamulka degmada Dharkenley si halkaasi loo dejiyo dadka abaaraha ka soo cararaya ee ku soo quluqulaya magaalada Muqdisho si loogu helo gurmad mideysan iyo deegaan ay ku noolaadaan. Gudoomiyaha Dalladda ururada Bulshada Rayidka Muxudiin Xasan Afrax ayaa ugu horeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee wax heysta inay gargaaraan walaalahooda dhibaateysan, isagoo tilmaamay maanta inay ka hadal rabin dhibaatada dalka ka jirta, hase yeeshee waxa uu sheegay in loo baahanyahay in ficil la sameeyo. "Maanta ka hadal ma rabto abaarta dalka ka jirta iyo baaxadeeda oo waad u jeediin dadkaan dhibaatada heysata, marka waxaan ugu baaqayaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed iyo Caalamka inay dadkaan gurmad u fidiyaan" ayuu yiri Gudoomiyaha Dalladda ururada Bulshada rayidka Ex-Banaadir Muxudiin Xasan Afrax oo ku sugnaa goobaha loo diyaariyay dadka abaarta ka soo barakacay ee soo gaaraya magaalada Muqdisho. Dhanka kale gudoomiyaha Dalladda Ururada bulshada Rayidka ayaa ka digay in ay dhici karto in ay halkaasi ka dilaacan cuduro, isagoo ka codsaday Hey'adaha caafimaadka in ay u sameeyaan dadkaasi barakacayaasha ah waxyaabaha aasaaska u ah nolasha aadanaha sida Biyo Nadiif ah, Goobo caafimaad, Musqulo iyo daryeel dhinaca nadaafada ah.
  4. Sometimes in our lives We all have pain We all have sorrow But if we are wise We know that there's always tommorow Lean on me, when you're not strong And I'll be your friend I'll help you carry on For it won't be long 'Til I'm gonna need Somebody to lean on Please swallow your pride If I have things you need to borrow For no one can fill those of your needs That you won't let show You just call on me brother, when you need a hand (Chorus) We all need somebody to lean on I just might have a problem that you'd understand We all need somebody to lean on Second Verse Lean on me, when you're not strong And I'll be your friend I'll help you carry on For it won't be long 'Til I'm gonna need Somebody to lean on You just call on me brother, when you need a hand (Chorus) We all need somebody to lean on I just might have a problem that you'd understand We all need somebody to lean on If there is a load you need to bear That you can't carry I'm right up the road I'll share your load If you just call me Call me (if you need a friend) Call me (Call me) Call me (if you need a friend) Call me (if you ever need a friend) Call me (Call me) Call me Call me (if you need a friend)
  5. Axmed Cabdisamad, Hiiraan Online asamad@hiiraan.com Nairobi , kenya
  6. Nairobi: Imtixaankii oo laga qaaday ardayda aadaysa Deeqda waxbarasho iyo Xaflad loo sameeyay ardadaydaasi Khamiis, July 14, 2011(HOL) Nairobi ,Kenya - Inka badan 300 oo ardo Soomaali ah, qaarkoodna ay ka yimaadeen xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ayaa maanta u fariisatay imtixaanka laga qaadayo ardayda loo dirayo jaamacadaha dibadda ee deeq ahaanta Soomaaliya loo siiyay. Ardada oo qayb-qayb loo fariisiyay markii ay imtixaanka galayeen ayaa si wayn loo ilaalinayay si looga hortago qishka iyadoo aysan jirin qof lagu helay qish ama laga calaamadeedayay warqaddiisa intii uu imtixaanku socday sida uu Hiiraan Online u xaqiijiyay u qaabilsanaha Wasaaradda waxbarashada ee dalkani Kenya C/risaaq Maxamed Diiriye (Layloon). Wasiirka wax barashada ee Soomaaliya Dr. Cabdi Nuur Sheikh Maxamed Maxamuud oo ka hadlay xaflad ballaaran oo loo sameeyay markii ay ardadu imtixaankii dhammeeyeen ayaa u mahad celiyay waaladiintii ku soo dadaalay ilmahooda, isagoo sheegay in waxbarashadu ay tahay waddada kaliya ee horumar lagu gaari. Wasiirka ayaa ka dhawaajiyay in ardayda hela buundooyinka ugu sarreeya ay xaq u yeelan doonaan inay ka faa’iidaystaan minxooyinka ay wadamada dibaddu ugu deeqeen Soomaaliya, isagoo ballan qaaday in si cadaalad ah natiijada loo soo bandhigi doono. “Waxaa idiin sheegayaa in imtixaanka maanta loo fariistay , uu noqon doono waddada kaliya ee looga faa’iidaysan karo waxbarashada jaamacadeed ee naloo ku deeqo, waxaanan isticmaali doonnaa nidaamka caalamiga ah ee hufnaanta iyo eexasho la’aanta , iyadoo ay fursadaha heli doonaan oo kaliya ardayda xaqa u yeelata”.Ayuu yiri Dr. Cabdinuur. Dr. Cabdinuur waxaa uu ammaan u soo jeediyay wadamada Turkiga, Shiinaha, Malaysia, Sudan, Yemen iyo dhammaan wadamada ugu deeqa Soomaaliya waxbarashada heerka jaamacadeed, isagoo ugu baaqay wadamada kalana inay ku daydaan. Xafladda maanta oo ahayd mid ay isku soo duba ridday safaaradda Soomaalida ee Nairobi, gaar ahaanna Safiirka Soomaaliya u jooga dalka Kenya Maxamed Cali (Ameerika) ayaa sidoo kale lagu martiqaaday fanaanadda qaranka Saado cali Warsame iyo ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Augustin Mahiga. Safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamed Cali Ameerika oo khudbad dhiiri galin ah u soo jeediyay ardayda imtixaanka u fariisatay ayaa kula dardaarmay inay sii wadaan horumarinta mustaqbalkooda, isagoo sheegay in wax barashadu ay tahay waddada kaliya ee arrintaas ay ku xaqiijin karaan. Waxaana uu safiirku halkaas ku guddoonsiiyay 10 arday oo ka timid xeryaha qaxootiga midkiiba $300, lacagtaas oo uu safiirku ku tilmaamay inay sare u qaadayso mooraalka ardayda ku dhaqan qaxootiyaasha oo duruuf aad u adag wax ku barta. Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augustin Mahiga oo isna halkaas ka khudbeeyay ayaa ku ammaanay Soomaalida inay yihiin dad wax barashada ku fiican. “ Markii aan Canada wax ka baranayay , jaamacadda waxaan isla dhigaynaynay arday Soomaali ah, waxayna gali jireen kaalimaha ugu sarreeya”.Ayuu yiri Ambassador Mahiga. Mahiga waxaa uu sidoo kale ka dhawaajiyay inuu muhiimadda siinayo midnimida Soomaaliya oo uu ku tilmaamay inay tahay mid aan la fursan doonin. Xafladda maanta oo lagu qabtay safaaraddii hore oo dhismaheeda ay maxkamadi u xukuntay Soomaaliya ,ayaa waxaa ka dhex muuqatay fanaanadda qaranka Saado Cali warsame oo halkaas ka qaaday hees qiiro leh oo ay uga hadlayso muhiimadda ay midnimadu u leedahay ummada Soomaaliyeed. “ Anaa wacad Qaadayoo, calanka waligey sidee, miyaan cidla wari karaa?” ayaa ka mid ahaa erayadii hees ay halkaasi Saado ka qaaday. Imtixaanka laga qaaday ardayda Soomaalida ee ku nool Kenya iyo xafladda loo sameeyay ayaa noqonaysa bilow cusub oo keeni karta in ardaydu ay ku dadaalaan waxbarashada , haddii ay helaan kalsooni buuxda oo ku aaddan qaabka loo xulayo ardayda loo dirayo jaamacadaha dibadda.
  7. Somalia’s Ministry of Education, Culture and Higher Education in Somalia is committed to improving the delivery of education in Somalia and to restore the quality of the educational system years ago. The Ministry believes education is the pathway for conflict resolution,peaceful co-existence, human and National Development. Education is not a privilege but a right for all citizens in Somalia. “We want to restore hope and structure to Somalia’s education system. We want the world to know how talented and educated Somalia’s youth can be if we invest in them now. We are building amongst the suffering, but with an investment in education, you can never lose,” said Minister Dr. Mohamud .
  8. Thursday, July 14, 2011 Somalia has its many challenges as it faces its worst drought in 60 years, however, there is a good news to celebrate as the country moves its plans to invest in its future. Nearly 1,000 high school graduates have registered for standard tests in Somalia, Kenya and Ethiopia to attempt a chance at scholarships. This is the first time that Somali refugees outside of Somalia will participate in these competitions. Currently, students at Dadaab Refugee Camps only receive up to high school education and many are left without any formal education beyond high school. Over 200 Somali Refugee students in Kenya including Refugees from Dadaab Refugee camps will compete for national scholarships for Higher Education. The Ministry planned to include refugee students in Yemen to also participate, however, security conditions there halted the plan. Students will be tested on Math, Science (Chemistry, Biology and Physics), Social Studies and Islamic Studies. Tests will be given in Arabic and English. Ten students selected from the Refugees in Dadaab and the other camps will be awarded $500 dollar grants towards their education donated by the Somali Business Community of Nairobi. Some of students with a passing score from these national tests held in Somalia, Kenya and Ethiopia will be granted 2011 scholarships granted to Somalia by friendly states while others will receive Somali Government scholarships for local Somali Higher Education Institutions. The Somali Minister of Education, Culture and Higher Education, Dr. Abdinur Sheikh Mohamed Mohamud, will hold a ceremony honoring Somali students who will be pursing a higher education. The ceremony being held today in the Somali Embassy in Nairobi, Kenya, will bring a ray of light to many Somali Students who will receive scholarships and full tuition assistance towards higher education institutions. Somalia’s Ministry of Education, Culture and Higher Education in Somalia is committed to improving the delivery of education in Somalia and to restore the quality of the educational system years ago. The Ministry believes education is the pathway for conflict resolution,peaceful co-existence, human and National Development. Education is not a privilege but a right for all citizens in Somalia. “We want to restore hope and structure to Somalia’s education system. We want the world to know how talented and educated Somalia’s youth can be if we invest in them now. We are building amongst the suffering, but with an investment in education, you can never lose,” Said Minister Dr. Mohamud. As an educated Somali from the diaspora, Dr. Mohamud was appointed by former Prime Minister Farmajo to take over Somalia’s failed education system. He brings wealth of knowledge from his previous position a professor at Ohio University and was a long time employee of State of Ohio, Department of education in the United States. The ceremony will be attended by: Education Minister, Dr. Abdinur Sheikh Mohamed Mohamud Famous Somali singer Saado Ali Warsame Augustine P. Mahiga, UN Special Representative to Somalia Mohamed Ali Nur, Somali Ambassador in Nairobi and numerous community leaders.
  9. Indha Cadde ayaa sheegay inuu isagu yahay shaqsi gooni ah, isla markaana uu waligiis si iskiis ula dagaalamayay Xarakada Al-Shabaab, isagoo intaa ku daray in aanu iminka heysan dhaqaale iyo Ciidamo. Yuusuf Siyaad Indha Cadde oo lagu tiriyo inuu yahay Hogaamiyeyaasha Hubeysan ayaa dhowr jeer oo hore siyaabo kala duwan uga soo baxayay hadalo dadka qaar ku jahwareereen, isagoo lagu tilmaamay inuu yahay nin meesha uu maanta la jiro ma ahanee meel kale ka soo muuqda . Nin la soo eryey maxuu kaloo dhihi lahaa awalba, he was used, abused and thrashed as planned. Well done Mr. President.
  10. Boom Boom;734033 wrote: Can the moderators please delete this thread? This successful woman's name has been dragged in the mud and i feel sorry for ther that when she googles her name, she will see this filth. Typical jealous loser Somalis! looooool
  11. Kulan ay soo qabanqaabiyeen Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Kampala ayay kusoo dhaweeyeen Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyadoo amaanka si weyn loo adkeeyey goobtuna ay ahayd hoolka Somali Community ee xaafada Kiseenya ee magaalada Kampala ee dalka Uganda halkaasoo ay Soomaalida si weyn u degan yihiin uguna ganacsadaan. Dadweynaha wajiyadooda waxaa ka muuqatay farxad iyo reyn reyn iyadoo ay ahayd markii ugu horeysay oo nin madax ka noqday Soomaaliya ay sidaan oo kale ula kulmaan. Dadkii halkaasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa Nabadoonka beesha XXXXX Xasan Macoow Cabdalla, Wakiilka siyaasada Beesha XXXXX Maxamed Cabdigaas, Gudoomiyihii hore ee degmada Kaaraan Marwo Xasan Ceynte, Abwaan Khaliif, Mid ka mid ah Jaaliyada Sweden Mr. Xasan Macallin Cabdulqaadir ”Ugaaska”, Xaaji Xasan iyo Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee Uganda Mr. Xuseen Abuukar Garweyne. Sidoo kale Wariyeyaasha Qurba joogta ayaa waxaa u hadlay Cabdinuur Maxamed Kediye isagoo urajeeyey Ra’iisul wasaarihii hore inuu gaaro meesha u haatan gaaray meel kasareeyso. Dhamaan dadkaasi waxay aad ugu dheeraadeen amaanta mudadii uu xilka haayey Farmaajo iyo guulihii ay dowlada ka gaartay dagaalada iyo Maamulka magaalada Muqdisho. Waxaa halkaasi lagu soo dhaweeyey Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaailya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ugu horeyn wuxuu ku hadlay luuqada Ingiriisiga maadaama ay halkaasi ku sugnaayeen wariyeyaal iyo madax kasocotay dowlada Uganda. Mr. Farmaajo ayaa ugu horeyn amaan usoo jeediyey dowlada Uganda iyo Burundi kuwaasoo uu ku amaanay kaalintii ay ka qaateen dagaalada ay kula jiraan kooxaha Alshabaab iyo Al- Qaacida iyo sidii wacnayd ee ay ulasoo shaqeeyeen mudadii uu xilka hayay. Farmaajo wuxuu aad ugu dheeraaday hadal uu hore u yiri taasoo ahayd in Soomaaliya aysan xur ahayn isla markaana laga xukumo dibada taasoo uu ku sheegay inuu ula jeeday in dadyoow ka kala yimid Afrika, Aasiya, Ameerika iyo qaaradaha kale ay ku biireen ururka Al-shabaab iyo Al-qaacida taasoo uu ku nuuxnuusaday in janno laga soo doontay Soomaaliya wuxuuna aad ula yaabay in jannada laga soo doonanayo Soomaaliya ay taalo dalalka ay ka dhasheen taasoo buu yiri maay aadaan dalalkooda oo ku jihaadaan waxa ay Soomaaliya usoo safriyeen. Sidoo kale wuxu Ra’iisul Wasaarihii hore Mr. Farmaajo ka hadlay mudadii uu xilka haayey inuu kasbaday inuu sugay Amaanka isla markaana uu mushaarooyin bixiyey, iyo isagoo runta ku dhaqi jiray Xukuumadii uu madaxda ka ahaa. Ugu danbeyntii wuxuu ku booriyey jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Uganda inay la shaqeeyaan dowlada ay martida u yihiin wuxuuna aad u amaanay madaxweynaha Uganda Yuweri Mussafeni isagoo ku sheegay inuu yahay geesiga Afrika, sidoo kale wuxuu caruurta ku booriyey in dugsiyada la geeyo waalidiintana ay ka dheeraadaan cunista qaadka tasoo dhaawac u ah qoysaska soomaaliyeed. Dhanka amaanka ayaa waxaa loo xilsaaray Xoghayaha Arrimaha Qaxootiga Somali Community Mudane Cabdi Maxamuud Maxamed ”Cabdi Boolis” kaasoo aad uu shaqeeyey in si nabad iyo kala danbeyn ay ku dhamaato shirkii ka dhacay magaalada Kampala – Uganda. Maxamed Cabdulle Xasan ”Siidi” soomaalidamaanta@live.com Kampala – Uganda
  12. July 11, 2011------Wefdi sare oo ka socday dowladda Talyaaniga ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho iyadoo ay kulamo la qaateen madaxda ugu sareysa Dowladda waxayna sidoo kale kormeer ku tageen Xaruntii Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ku taala KM5 Degmada Hodon. Wefdigan oo uu hor kacayay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Talyaaniga Mudane Alfredo Mantica ayaa waxaa kaloo xubno ka ahaa Safiirka Dowladda Talyaaniga u fadhiya Safaarada Soomaaliya Stefano DJek, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Talyaaniga iyo sarkaal sare oo dhanka Ammaanka ah. Wefdiga ayaa ugu horeyn kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Dr. C/weli Maxamed Cali waxaana ku wehlinayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Oomaar, R/Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/xakiin Fiqi, Wasiirka Caafimaadka Dr. Aadan iyo saraakiil ka tirsan Xafiiska R/wasaaraha, waxaana R/wasaaruhu uu warbixin ka siiyay xaaladdaha wefdiga arrimaha Amniga, Abaaraha iyo xiriirka Dowladdaha Soomaaliya iyo Talyaaniga, iyagoo dhankoodana wefdiga Talyaanigu ay warbixin ka siiyeen socdaalkooda iyo muhiimada ay u leedahay. Sidoo kale, wefdiga ayaa u sii gudbay Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Shariif Xasan Sh. Aadan halkaasoo ay kula kulmeen guddoomiyaha iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka. Waxaa kale oo ay kulan albaabadu u xiran yihiin la qaateen madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sh. Axmed waxayna ka wadahadleen arrimo ku saabsan gargaarka Bani’aadaminimo ee shacabka Soomaaliyeed oo ay ku dhufteen abaaro xoogan oo dad iyo duunyaba saameyn ballaaran ku yeeshay isagoo madaxweynuhu ka codsaday in gar gaar deg deg ah loo fidiyo shacabka Soomaaliyeed. Ugu dambeyntiina wefdiga ayaa u sii gudbay Xaruntii Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ku taala KM5 waxayna halkaasi faah faahin uga bixiyeen ujeedada safarkooda iyo balanqaadyo ay halkaasi ku sameeyeen. Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mr. Alfredo Mantica ayaa sheegay in ujeedada safarkoodu uu ahaa sidii ay u soo kormeeri lahaayeen xaaladda dhabta ah ee Soomaaliya gaar ahaana hay’addaha Dowladda KMG ah wuxuuna xusay in sidoo kale ay safarkooda uga gol leeyihiin sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen taageero dhaqaalena ugu bixin lahaayeen marxaladda abaaraha ee ka jira dalka. “Anigoo ka faa’iideysanaya fursadan waxaan halkan ka balan qaadayaa in 2.5 Milyan Eouro aan ugu talo galnay dib u dhiska Isbitaalkii Martiini si shacabka Soomaaliyeed ay uga helaan adeeg caafimaad, sidoo kalena waxaan halkan ka cadeyneynaa inaan u qoondeynay 1 Milyan oo Euro inaan ku bixin doono arrimaha gargaarka Bani’aadaminimada” ayuu yiri Mr. Alfredo. Dhinaca kale, wuxuu ugu baaqay dhamaan hay’addaha Caalamka iyo kuwa Q/midoobay inay gar gaar deg deg ah fidiyaan shacabka Soomaaliyeed isagoo xusay in marxalada haatan dalka Soomaaliya ka jirta ay mudan tahay taageero. Dhinaca kale, waxa uu sheegay Mr. Alfredo in dowladda Talyaanigu ay dhowaan ka furan doonto gudaha magaalada Muqdisho Safaaradooda taasoo uu sheegay inay rajeynayaan in si rasmi ah ay kor ugu qaado xiriirka labada wadan “Waxaan rajeyneynaa in safaaradeenu ay soo degto kuna shaqeyso gudaha magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho” ayuu yiri Wasiiru wuxuuna rajeeyey inay ku dayan doonaan safaarado badan oo dowladdaha Yurub ka mid ah. Garad Salad Hersi Communication Director, office of the PM Mobile: +252-615536608 +252-6-2536608 Mogadishu, Somalia
  13. The Comander-in-Chief doing his thing. Salaam to my abtiyaal, keep up the great work and let the haters envy from the side lines. Woot woot!
  14. Ex M*******n ayaa wadaadnimo iyo soomalinimo preach gareynaayaa. Waa iska caadi, baroonkaaga inaad ku noqoto ayaa fiican intaad shaati cusub noo gashanaysid. Tarzan ma gaartid, maqaayada waa lagaaga tagey, maxaa yeeley ex M*******n applicationkooda cidna ma rabto certainly not Sharif who made sure qashinka caydiid booyeeso u ahaa ineysan dhibic biyo ah ka dhadhamin Xamar mardanbe. Keep up your buufis, waxaad tahay lee laguu sheegaay, hope the weather in SD is nice. tata
  15. Ra'iisul Wasaare Dr. C/wali Gaas oo ilaa 1500 abaaraha ka soo barakacay gaarsiiyay deeq gar gaar Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. C/wali Gaas ayaa gaarsiiyay qoysas fara badan oo barakacayaal ah deeq gar gaar ah oo ay ugu tala gashay Dowladda KMG, si ay caawinaad ugu gaarsiiso dadka ku soo qul qulayay Magaalada Muqdisho. Howl galka deeq gaasiinta dadkan ayaa waxaa ka qeyb galay Gudiga Gurmadka abaaraha Heer Wasiir, oo deeqdan ka timid, iyadoo uu Ra'iisul Wasaaraha uu u qeybiyay ilaa 1500-qoys oo la siiyay Baco, Bustayaal, Raashin, Lacag iyo dhar. Deeqdan loo qeybiyay dadka barakacayaasha ayaa ka dhacday School-ka Maxamuud Mire ee degmada Waabari, halkaasoo uu gaaray Ra'iisul Wasaaraha, isla markaana uu dadkaas mid mid ugu qeybiyay deeqda raashinka. Ra'iisul Wasaaraha oo ka hadlay goobta ayaa hadal uu jeediyay waxaa ugu baaqay Ganacsatada, Jaaliyadaha dibada inay gar gaaraan dadka tabaaleysan ee abaaraha ay soo barakiciyeen, isagoo sheegay in Dowladda ay kaalin weyn ka qaadan doono gar gaarka dadka faraha badan ee u baahan in la caawimo. Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa ku soo qul qulayay Magaalada Muqdisho boqolaal qoys oo ka soo hayaamayay Gobolada dalka, kuwaasoo xaalado abaareed ka soo barakaciyeen deegaanadooda, iyagoo ku waayay wixii xoolo ee ay lahaayeen, saameynta abaaraha darteed.
  16. English version. ---------- Imprisoned Hiiraan Reporter Sparks Somali Journalists to Condemn Farole Regime Nairobi, Kenya (HOL) - Somali journalists in Kenya on Monday demanded the release of Hiiraan Online reporter who was sentenced to one year imprisonment by authorities of the semi-autonomous region of Puntland. A group of reporters and correspondents covering the conflict and the drought devastation in the Horn of Africa nation converged in solidarity at a hotel in Nairobi calling on the regional authority to release Faysal Mohamed aka Boston without conditions. “The imprisonment of the our member journalist is an indication of violations of free and fair media, it is also a violation of the rights of Boston as a journalists” Abdirizack Haji a BBC Somali service correspondent said “We are asking the regional authorities to change their stand. We want them to release Mr. Boston without any conditions” The imprisonment of the journalist by Puntland authorities in Somalia’s northern city of Bosaso began on June 29th 2011. Mr. Boston is braving the harsh realities in one of Somalia’s most notorious concentration camps. Boston was ransacked from his offices in downtown Bosaso while on assignment to investigate the deteriorating conditions of Somalia’s Internally Displaced Persons. Local journalists are accusing the government of Abdirahman Mohamed Farole of infringement of media rights and freedom of expression. Hassan Korea, a veteran Somali journalist urged the ministry of information of the regional government to facilitate the release of Mr. Boston and return back his right to work as journalist. “The minister of information of Puntland should stand up and front for the release of the journalists” Hassan said The arrest of Mr. Boston brings the number of Somali journalists detained in Puntand to four since January 2009 when the current president took over the presidency. At least three other journalists were either detained, harassed or assaulted during the regime of Farole whom Somali journalists are describing as a man without tolerance for the all-time important press. In 2010 Puntland authorities imprisoned Abdifatah Jamaa a manager with Horseed media to a prison term of six months plus a fine of USD500. And yet in a more brazen attack against the local media the harsh Farole judiciary in March 2009 imprisoned Jamaa Ayanle an editor to a two years imprisonment. In October 2009, gunmen dressed in police uniform attacked and injured Somali journalist Mohamed Yassin ***** in the central town of Galkayo , the provincial capital of Mudug region. Mohamed was a reporter for the Voice of America (VOA).
  17. Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo shalay shir jaraa'id ku qabtay Xarunta Madaxtooyada ayaa kaga hadlay xaalada abaareed ee dalka, isagoo baaq u diray Dalalka deriska, Hey'adaha Qaramada Midoobey, Jaamacada Carabta iyo wadamada Islaamka si ay gar gaar ula soo gaaraan dadka abaaraha ay ceyrteeyeen. Madaxweynaha ayaa ka digay in Abaaraha ay sii daba dheeraan hadii aan la helin kaalmo bani'aadanimo, Waxaana Madaxweynuhu sheegay inay abaaraha sii socon karaan ilaa sanadka 2012. "Dowladda waxay bilowday inay bixiso lacag ay abaaraha ugu tala gashay oo gaareysa 500-Kun Doolarka Mareykanka, waxaan dhignay Bankiga Dhexe, sidoo kale waxaa Account ka furnay Shirkada Xawaalada Dahabshiil iyo Bankiga Dhexe"ayuu yiri Madaxweyne Shariif. Madaxweyne Shariif oo ay dhinac taagnaayeen Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra'iisul Wasaaraha, Wasiirka Maaliyada Xuseen Cabdi Xalane iyo Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin oo madax u ah Gudiga Gurmadka Abaaraha ee Heer Wasiir ayaa sheegay in Xaalada abaareed ee xilligan dalka ka jira ay la mid tahay sidii tii dhacday sanadkii 1992-dii. Waxaa uu sheegay inay jiraan kumanaan kun Soomaali ay ku barakaceen dalalka deriska, halka kumanaan kalena uu tilmaamay inay ku soo qaxeen Magaalada Muqdisho. Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay inay isku dayi doonaan in gar gaar la gaarsiiyo dadka aanay soo gaarin Magaalada Muqdisho ee ku sugan Gobolada dalka. Baaqa Dowladda ka soo yeeray ee ku aadan inay lacago ugu deeqday dadka abaaraha ayaa imaanaya xilli gar gaar la gaarsiinayay dadka abaaraha, kuwaasoo ka imaanayay dadka reer Muqdisho, Hey'ado sama fal oo dalal Islaam ka mid ah laga leeyahay iyo Mudanayaasha Baarlamaanka.