Somalina

Nomads
  • Content Count

    7,672
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Somalina

  1. lol@the 3 ethnic landers hot and bothered by the pics of TFG, GalMudug and Puntland reps sitting together in Xamar. Yaaba is gaarey, order extra bottles of Ibuprofen. ------------- SRSG praises progress by Somali leadership on implementing Kampala Accord NAIROBI, Kenya, July 15, 2011/African Press Organization (APO)/ -- The UN Special Representative... NAIROBI, Kenya, July 15, 2011/African Press Organization (APO)/ -- The UN Special Representative of the Secretary-General for Somalia, Dr Augustine P. Mahiga, has congratulated Somalia's political leadership, in particular, President Sheikh Sharif Sheikh Ahmed and the Speaker, Sharif Hassan Sheikh Adan, as well as the Parliament, for demonstrating their commitment to peace through the Kampala Accord and its rapid parliamentary ratification. “I am very pleased that the leadership of the Transitional Federal Institutions is continuing to make progress on implementing the Accord, said Dr Mahiga who is Head of the UN Political Office for Somalia (UNPOS). “ I look forward to the nomination and endorsement of a representative, efficient and widely accepted Cabinet in the near future.” The SRSG also highlighted the importance of the upcoming Consultative Meeting on Ending the Transition saying it should be held inside Somalia before the end of the current Transitional Period on 20 August. He paid tribute to the Preparatory Committee, comprising representatives from the Transitional Federal Government, Transitional Federal Parliament, Puntland and Galmudug. “We need to take advantage of the positive momentum,” said Dr Mahiga. “This Consultative Meeting will advance the process of ending the transitional period and consolidate the political good will resulting from the Kampala Accord.” The Consultative Meeting, which will take place at a time and place still to be determined, will bring together a cross-section of governmental actors and civil society and will complete a broad-based, inclusive and consultative process ending with the approval of a Roadmap. The Roadmap is expected to chart a course for the next year, providing political direction to the new cabinet, and promoting inclusivity and stability. It will focus on the key issues and benchmarks (on security, the Constitution, institutional reform, political outreach and preparation for elections), delineation of clear responsibilities for implementation, a timeline, resource assessment and mobilization and compliance (in particular the establishment of a co-ordination and monitoring mechanism and a regional political initiative of heads of state). “This Roadmap should include realistic and achievable goals,” said Dr Mahiga. “The review of the Roadmap will give the Somali leaders the chance to gain the support and participation of the people and to show they are committed to making serious progress in the next 12 months. “The final objective is to see a stable and inclusive Somalia at peace with itself and its neighbours with a representative government able to provide for its citizens. I see the Roadmap as an important step towards this.” The SRSG said that tragically, the political and security progress were coming at a time of great suffering for Somalia due to the ongoing drought which has affected close to three million people. “The humanitarian crisis unfolding in Somalia requires immediate action,” said Dr Mahiga. “The Secretary-General himself is leading the UN's appeal for international assistance to save lives. There is no time to lose.” © copyright StarAfrica.com
  2. waxaan soo xasuustey sawirkaan maanta.
  3. Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo bilaabay inuu shaqeeyo habeenkii iyo Madaxweynaha oo xalay mar kale ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa bilaabay inuu habeenkii shaqeeyo muddo labaatan sano kadib bur burkii Dowladii dhexe ee Soomaaliya, iyadoo xalay garoonka uu ka soo degay Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo si la mid ah habeen hore xilli saq dhexe uga dhoofay Garoonka. Wafdiga Madaxweynaha ayaa ka soo kicitay Koofurta Sudan, gaar ahaan Caasimada dalka cusub ee ku soo biiray Caalamka ee Jubba, iyadoo Madaxweyne Shariif iyo wafdigiisa diyaarada waday ay soo caga dhigatay garoonka xilli habeenimo ah. Madaxweyne Shariif ayaa waxaa ku wehliyay dib ugu soo laabashadiisa Magaalada Muqdisho Wasiirada Arrimaha Dibada, Warfaafinta, Xildhibaano iyo Saraakiil kala qeyb galay Munaasabadii lagu caleema saarayay Dowladda cusub ee Koofurta Sudan. Habeen hore ayay aheyd markii xilli saq dhexe Madaxweynaha ka dhoofay garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyadoo markii uu xalay ka soo degay lagaga galbiyay garoonka Gaadiidka qafilan ee Ciidamada AMISOM oo ilaalinayay Madaxweynaha, oo loo kaxeeyay Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia. Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo Maamulkeeda gacanta ku heyso Shirkada SKA ayaa tan iyo markii ay la wareegtay ku soo kordhisay adeegyo muhiim ah, gaar ahaan dhanka Ammaanka oo ay qalab cusub oo dadka lagu baaro ay keentay garoonka oo ah in qofka isagoo dharkiisa ugu jiro uu dhex maro Meel Checking Security ah, isagoo wixii alaab ama suunka iyo kabaha kaliya iska bixinaya, dabadeedna dhex maraya. Sidoo kale Garoonka ayaa hada la jaanqaadaya garoomada casriga ee caalamka, sida marka qofka soo dagaya ee uu sito Baasaboor Ajnabi ah oo uu maro qeybta Immigration-ka iyo ragga oo la marsiinayo baaritaano xaga ammaanka, gaar ahaan iyadoo Faro laga qaadayo iyo sawir. Si kastaba ha ahaatee Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde Air Port ayaa hada ka soo kabanaya bur burkii horay ugu dhacay, iyadoo uu la mid noqonayo sida Garoomada caalamiga oo kale.
  4. The buzz is there, many planes fly in as others zoom out. It is one of the busiest airports in this part of the world.
  5. Kheyr ayay ku dhamanaysaa InshaAllah. Habeen wanaagsan awoowe Xanjo.
  6. Abdurahman Olad, right, and his sister, Samira, at Tokyo's Waseda University (The Asahi Shimbun) Somali student Abdurahman Olad lost his father in a terrorist attack, but that has not deterred his resolve to become his country's president, after he completes his studies in Japan. His sister, Samira, wants to link Somalia with Japan as an entrepreneur. The two are the first Somali students to come to Japan since their African country became "stateless" in 1991, according to the Ashinaga scholarship society, which helps children who have lost one or both parents get an education. They will arrive in Tokyo in September to study at Waseda University's School of International Liberal Studies. "It was difficult to go to university in Somalia because I am a member of an ethnic minority," Abdurahman, 22, said. "I want to study politics and peace and want to aim for the presidency in the future." The admissions of Abdurahman and Samira were announced on June 20. "I want to study economics and run a company in Somalia," Samira, 21, said. "I want to do business that links Japan and Somalia." Their father, a sports minister in the transitional government, died in a terrorist bombing targeting a university graduation ceremony in December 2009. The two said they are looking forward to studying side by side with students from many other countries.
  7. Somali siblings thrilled to study at Japanese university TOKYO (Kyodo) -- Two Somali siblings who lost their father in a terrorist incident in the war-torn country expressed their joy Monday after passing an entrance exam the same day to study on scholarships at a prestigious university in Tokyo. "So happy," Abdurahman Olad, 22, said on the campus of Waseda University. According to the Tokyo-based Ashinaga scholarship society, Abdurahman and his sister Samira, 21, will be the first students from Somalia to study in Japan since the African country fell into a state of anarchy. Abdurahman said he is eager to study politics and peace building at the university's School of International Liberal Studies from September. Samira said she wants to study the Japanese economy and "run a company so I can help develop my home country." Their father was a sports minister who was killed in a terrorist bombing in Mogadishu in 2009, according to Ashinaga.
  8. Meesha shirka lagu dhigaayo is not important as long as it's inside of the republic of Somalia. Waxyaabaha laga hadli doonana waxaa ka mid ah sidii wadanka dawlad loogu dhisi lahaa oo transitional-ka looga bixi lahaa. Haddii aad more info rabtidna wadashigan markuu dhamaado aqriso war saxaafadeedka ka soo baxa Dawlada federalka awoowe.
  9. Aaliyyah;734135 wrote: ^definitely it is good to have good education system locally like u said.. However, 300 students yaduba ma yara...no need to underestimate them! dadkooda waxbadan bay tari karaan haday naftooda iyo umadooda wax u bartaan. salaam Well put. Somali, 10 million meel miyey iska fadhiyaan, meeqa jaamacadood ayaa wadanka ku yaala oo wax lagu bartaa?
  10. Wasiirka Waxbarashada Puntland Oo ka dagay Muqdisho iyadoo maanta Magalada Muqdisho ay Gaadhen Wafdi balaaran oo ka socda Qaramda midoobay Puntland iyo Maamulka galmudug ayaa halkaasi waxaa ku soo dhaweyay madaxda Dawalda KMG somalia. Wafdigani ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdi Faarax Juxaa oo ka mid ah Xubnaha Indheyana Halka ku haboon ee shirka dib u heshiisinta somalida lagu Qaban doono Muddada soo Aadan. Mudane Juxaa ayeey u Noqonayesaa Markii ugu horeysay oo Xamar tago,iyadoona horey xiriirka Puntland iyo DKM aanu Wanaagsaneen Ka dib Markii la isku Qabtay Qodobo Badan iyo Sidoo kale Heshiisyo labada dhinac Dhex maray oo Waxba ka soo bixi waayen. Wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdi Faarax Oo Shir Jara’id ku qabtay Villa Somalia ayaa hoosta ka xariiqay in Uu Socdaalkiisa Muqdisho Qayb ka yahay Sidii Loo wanaajin lahaa Xiriirka DKMG Iyo Maamulada kale ee ka jira dalka Sida Dawlada Puntland oo indhaweyd aan Wanaagsaneen. Socdalkani oo ay ku weheliyaan xubno ka socda Galmudug iyo Xafiiska Qaramada midoobay arimaha siyaasada waxaana uu salka ku hayaa sidii Masuuliyiinta DKMG Loogala hadli lahaa halka Lagu Qaban doono shirka dib u Heshiisinta ee Loo Qabanayo Dhinacyada Somalida. Horay Ayaa waxaa Puntland ay Xiiriirki wadashaqeyn uga Goosatay DKMG Balse xiligani waxaa muuqanaya Ififaale Cusub oo Muujinaya In Dib Boorka looga Jafayo Xiriirkasi. Waxaana Dhawaan magalada Nairobi Xarunta dalka Kenya Kulan Dheer ku Qaatay madaxweynaha Puntland Iyo Ra’isalwasaraha dalka Somalia, Kulankaasi oo inta badan Diirada lagu Saaray Arimaha Xiriirka Puntland iyo Federaalka iyo Wasiirada dhawaan La soo Magacaabi Dooni in Talo ay ku yeelato Puntland. RBC News
  11. Khamiis, July 14, 2011 (HOL) – Wafdi loo xil-saaray qabanqaabada shir lagu wado in lagu qabto dalka Soomaaliya oo ka koobnaa Qarammada Midoobay, Puntland iyo Galmudug ayaa maanta soo gaaray Muqdisho, waxay siyaabo kala gooni-gooni ah ula kumeen madaxda DKMG ah. Wasiirka arrimaha dibadda C/laahi Omaar Wafdigan oo uu hoggaaminayay ku xigeenka xoghayaha guud ee UN-ka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Christian Manahl, wuxuuna sheegay inay madaxda DKMG ah u soo gudbiyeen qorshe howleed ay muddo bil ah wadeen, taasoo ay ku dhan yihiin halka shirka lagu qabanayo, waxyaabaha looga hadlayo iyo weliba cidda kasoo qayb-galaysa. Kulamadaas kaddib waxaa saxaafadda la hadlay wasiirka arrimaha dibadda ee DKMG ah Maxamed C/llaahi Oomaar, wuxuuna sheegay inay ku faraxsan yihiin in maanta ay Muqdisho kula kulamaan guddiga qabaqaabada shirka wadatashiga Soomaalida, kaasoo uu sheegay in looga hadli doono dib u dhiska iyo qorshaha halka sano ee soo socda. "Qoraalka waxaa ku dhan - halkii lagu qaban lahaa shirka, waqtigii la qaban lahaa, wixii looga hadli lahaa, ciddii ka qaybgeli lahayd iyo wax walba oo uu shir u baahan yahay, waxay guddigan u soo gudbiyeen qoraal ahaa," ayuu yiri Oomaar, isagoo sheegay in shirkan uu yahay mid daba socda shirar horay loogu qabtay Uganda iyo Kenya. Mr. Christian Manahl oo isaguna saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay madaxda DKMG ah u soo gudbiyeen qoraal kasoo baxay shirar ay yeelanayeen muddo bil ah, isagoo sheegay in shirka la qabanayo uu yahay mid looga xaajoon doono xilliga KMG ah ee dowladda Soomaaliya. Sidoo kale, wuxuu sheegay in shirkan uusan ahayn mid awood lagu qaybsanayo, balse uu yahay mid lagu qorsheynayo sidii horay loogu socon lahaa, loona soo gabgabeyn lahaa xilliga KMG ah ee dowladda Soomaaliya. Mas'uuliyiintii shirka ka hadlay ayaan soo hadal qaadin halka lagu qabanayo shirka, waxaana xubnihii ka socday Puntland iyo Galmudug ay labaduba sheegeen inay soo dhaweynayaan shirka, ayna rajeynayaan inay wax wanaagsan kasoo baxaan. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  12. Cont'd... IV. Sida ugu habboon ee gargaarka loo gaadhsiin karo dadka: Gobolka banaadir waxaa loo qoondeeyey dhul balaadhan oo dadka liita lagu xannaaneeyo, hay’adaha samafalkuna ka hawlgali karaan. Goobollada kale waxaa gargaarka la soo marin karaan dalalka dariska ah sida Kenya, Ethiopia iyo Jibouti. Xadka ballaadhan ee Soomaaliya la leedahya gobolladaas waxay sahlaysaa in gobollo badan gurgmadka laga soo gaadhsiiyo dhinaca xuduudaha. Maadama hore go’aan loogu gaadhay IGAD in dadka la badbaadiyo, dawladaha darisku way soo dhaweynayaan gurmadka dhinacooda la soo marinayo, dawladda ku meel gaadhka ah diyaar bay u tahay in gacan ka geysato arrintaas. V. Tallaabooyinkii Ilaa hadda la qaaday 1.Guddiga Qaran: Waxaa la abuurey guddi heer qaran ah oo qiimeyn degdeg ah ku sameeya xaaladda abaarta, guddigaas oo ka kooban: 1. Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga; 2. Wasiirka Wasaarada Caafimaadka; 3. Wasiirka Wasaarada Haweenka iyo Arrimaha Qoyska; 4. Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha; 5. Wasiirka Wasaarada Maaliyadda; 6. Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-u-Dhiska; 7. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta. 2. Abuurista Xafiiska maamulka Abaaraha: Waxaa la abuurey Xafiis gaar ah oo haga iskuna dubarida gurmadka abaaraha. Xafiiskaas oo hoos tagaya Raisul wasaaraha waxaa awoodiisa lagu caddeeyey dekreetada lagu abuurey. 3. Cunto Qaybin: Waxaa la billaabay in cuntooyin degdeg ah loo qaybiyo dadka aadka u liita ee magalada daafaheeda soo gaadhey. Cunta qaybinta waxaa barbar socda qiimeynta xaaladda iyo tirakoobta dadka tabaalaysan. 5. Qoondeyn Dhul Degaan: Waxa loo qoondeeyey dhul ballaadhan oo ku aadan aagga Jaziira oo ay si ku meel gaadh ah u dagaan dadka soo bara kacay inta ay uga suuragalayso inay dhulkoodi ku laabtaan. Xafiiska maamulka iyo Guddigu Abaaraha waxaa laga filayaa inay ku diyaariyaan deegaankaas wixii loo baahnaa sida amniga, caafimaadka iyo biyaha, hayadaha samafalkana la kaashaadaan baahir tirka dadka tabaaleysan. 6. Xisaabaad u gaar: Waxaa Bankiga Dhexe looga furay Abaaraha xisaabaha soo socda oo tababarucaad gude iyo dibad lagu soo shubi karo: A) US Dollar Account # 750: Bankiga Dhexe B) So. Shiling Account # 749: Bankiga Dhexe C) US Dollar Account # 8495 Dahabshiil Iyadoo la og yahay dhaqaale yarida dawladda, haddana xaalladda ba’an darteed Xukuumaddu ku deeqday lacag dhan $500,000 oo lagu shubay Xisaabta ee Bankiga Dhexe si loogu billaabo hawlaha degdegga ah. VI. Cosi loo jeedinayo caalamka iyo shacabka Soomaliyeed. Baaxadda Abbartan leedahy waa mid aad uga qira weyn tabarta Soomaalida, saameyn xoog lehna ku yeelyansa xaaladda guud es shacabka sida: 1. Macluul fara badan 2. Barakac aan xad lahyn 3. Cudurrada faafa oo qarka loo saran yahay inay dillaacaan. 4. Magaalada muqdisho oo halis ugu jirtaa inay gabto nolosha caadiga ah dadka faraha badan ee u soo qaxaya darteed taasoo keentay in khidmadaha caafiaadka, biyaha, iyo nadaafadda guud ka badato awoodda hadda jirta oo awlaba liidatay. Codsi Guud: Iyadoo la tixgelinayo baaxadda abaarta oo ah mid aad uga qiro weyn in Soomaalidu kaligood wax ka qabtaan iyo xaaladda dalku ku sugan yahay ee kor lagu soo tilmaamay, Xukuumadda Federalka ah ee KMG ah waxay ka codsanaysaa Caalamka in loo soo gurmado shacabka halista ugu jira inay baaba’aan. Sidoo kale Xukuumaddu waxay Shacabka Soomaaliyeed meel kastoy joogaanba ka codsanaynaa inay u soo gurmadaan badbaainta walaahooda tabaalaysan. Codsigan waxaa loo kala dirayaa: 1. Dhammaan hay’adaha Qaramada Midoobay, 2. Dawladaha IGAD 3. Jaamaccada Carabta, 4. Ururada Khayriga ah ee Wadamada islaamka, 5. Hay’adaha Samafalka ee Caalamka (INGOS), 6. Dawladaha Caalamka ee daneeya bini’adamnimda 7. Ummadda Soomaliyeed ee ku kala nool gudaha iyo dibadda.