Somalina
Nomads-
Content Count
7,672 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Somalina
-
Xaaji Xunjuf;735524 wrote: And now the clan they mythically share a common maternal side just ignores them tottaly when forming a cabinet now some will say the cabinet is full of technocrats but Somali ka wayi meysid war reerkaygu technocrat ma laga wayey;). That is indeed the dirty politics Koonfurians play. Marka hore awoowe you love the dirty politics Koonfurians play, ileen maalin walba you come here to watch Koonfurian Champions League tournament matches. Ethnic Landers politics waxay u dhigmaan Seria B sidaas awgeedna ma fiicna inaad afxumeysid game aad jeceshahay inaad daawato oo aadan ka maarminba. Ma garatey awoowe Xanjo? Nassirna reerkiisana waxba ha isku dhedhejin, waxba walba u tabanaayo wuu helaayaa wax uu Seria B inuu daawado uga baahan ma jirto.
-
Wafdi ka socda Ururka gargaarka dalalka Islaamka oo kulan kula yeeshay Muqdisho Madaxda DKMG ah ee Soomaaliya Arbaco, July 20, 2011 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo ra'iisul wasaare C/weli Maxamed Cali ayaa maanta Muqdisho kulammo kula yeeshay wafdi ka socday ururka gargaarka dalalka Islaamka oo booqasho ku yimid Soomaaliya, iyagoo kala hadlay xaaladdaha abaareed ee uu dalku ku jiro. Wafdigan oo uu hoggaaminayay Dr. C/raxmaan Al-suhayli oo u dhashay dalka Saudi Arabia ayaa waxay kormeer ku tageen xeryo ay ku jiraan dad barakacayaal ah oo ku yaalla degmada Hodan, dadkaasoo isugu jiray barakacayaasha abaaraha iyo kuwii horay ugu noolaa xeryahaas. "Qarniyo badan ayaan Soomaaliya xiriir la lahayn - waxaana ka xunnahay dhibaatada ku dhacday. Ujeedada aan halkan u nimid waxay tahay inaan wixii awoodeenna ah ku caawinno shacabka Soomaaliyeed," ayuu yiri mas'uulka wafdigan hoggaaminayay oo saxaafadda la hadlay kadidb kulamadii uu la yeeshay madaxda DKMG ah. Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya C/weli Gaas oo isaguna saxaafadda hadal siiyay ayaa wafdiga uga mahadceliyay imaanshahooda Soomaaliya iyo gacanta ay u fidinayaan shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna yiri isagoo arrintan ka hadlaya: "Aad ayaan ugu faraxsan-nahay inaad u soo gurmataan shacabkeenna. halkan waxaa ka dhacay abaaro iyo colaado dhibaatooyin badan gaarsiiyay shacabka Soomaaliyeed." Sidoo kale, madaxweynaha Soomaaliya oo ku hadlayay afka carabiga ayaa isaguna wuxuu sheegay inay uga mahadceliyaan wafdiga ka socda ururka gargaarka dalalka Islaamka imaanshahooda Muqdisho, isagoo sheegay in xalaado badan oo dalka soo maray ay dowladda KMG ah iyo shacabka Soomaaliyeed iska kaashadeen waxna ka qabteen, balse midda hadda taagan ay tahay mid awooddooda ka weyn. "Dhibaatooyinka dalka ka jira waa kuwo ka dhashay abaaraha iyo colaadaha dalka ka taagan, waxaana uga mahadcelinaynaa qof walba oo gacan ka geysta sidii loo samatabixin lahaa shacabka," ayuu yiri Sheekh Shariif. Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo isaguna hadlay ayaa sheegay in abaaraha ku dhuftay Soomaaliya ay tahay midii ugu xumayd muddo 60-sano ah, isagoo ugu baaqay calaamka in gargaar lala soo gaaro dadka ay abaaruhu saameynta ku yeesheen. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
-
Mogadishu Doctors Conduct Free Medical Camp Hiiraan Online Reporter Wednesday, July 20, 2011 Mogadishu-Medical practitioners operating in Somalia’s capital Mogadishu on Wednesday conducted a free medical camp to assist thousands of drought-stricken families. The all-day health camp offered residents an opportunity to be examined by general medical practitioners who offered one-on-one consultations and dietary counseling to the drought survivors. Health workers who volunteered to take part in the ongoing drought mitigation efforts started their operation with Aaal-Yaasir, one of the camps of internally displaced persons in Mogadishu. The free medical camp is part of Somali health workers’ efforts to create greater awareness about the most common diseases and to play a greater role in community development. Led by doctors from various hospitals including Atlantic and team a from the Somali Medical Association, the health workers addressed acute shortages of medication among the drought victims. Camp leaders Dr. Ubayd Dahir and Dr. Abdi Ibarhim said their aim is to assist those who need medical intervention amongst the inhabitants of the camp. Dr. Ibrahim said on the very first day of their campaign that they treated about 900 people as they hope to reach more people including women and children who need immediate assistance to cope up with escalating malnutrition rates. Medical experts said malnutrition is the biggest problem among the internally displaced people of Somalia. Other diseases include diarrhea and skin diseases. Sheikh Suldaan Mohamed a member of the Al-shabaab committee on drought management has hailed the attempt by Somali practitioners to address one of the problems of their people. Aala-Yaasir IDP camp host about 6,000 families, majority of whom are drought victims who have fled from different parts of the drought devastated Horn of Africa nation.
-
Galmudug president caalin opposes the new cabinet of cabdi cawar
Somalina replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
GalMudug ha samraan dee. -
Madaxweyinhii hore Ghana oo maalintii labaad Muqdisho ku sugan iyo booqasho uu ku tagay Xerada Badbaado Ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Jerry Rowlings ayaa maalintii labaad ku sugan Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, isagoo maanta kormeer ku tagay Xerada Barakacayaasha Abaaraha ee Badbaado oo ku taal duleedka degmada Dharkeenley. Madaxweynihii hore Ghana Mr Rowlings ayaa u kuur galay xaaladaha dadka abaaraha ay ceeyrteeyeen, kuwaasoo gar gaar isugu jira raashin iyo daawooyin lagu siiyo xeradaas, kadib markii Maamulka Gobolka Banaadir uu u raray. Kormeerka uu tagay Jerry Rowlings xeradaas ayaa waxaa ku wehliyay Sii hayaha xilka Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin Xaaji Fiqi ahna Gudoomiyaha Gudiga Gurmadka Abaaraha ee Heer Qaran, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Magaalada Nairobi Amp. Maxamed Cali Ameeriko. Jerry Rowlings ayaa halkaas warbixin kaga dhageystay Gudiga Gurmadka Abaaraha, isagoo goob joog ka ahaa deeq loo qeybinayay dadka abaaraha oo isugu jiray raashin iyo saliid qeyb ka ahaa gurmadka shacabka Soomaaliyed, Dowladda iyo hey'adaha maalmahan la daba joogeen dadkaas dhibaateysan. Hadal uu saxaafada ku siiyay Xeradaas ayaa waxaa uu ugu qeyla dhaamiyay beesha Caalamka, isagoo sheegay in xaalada hada lagu jiro goor dambe laga qoomameyn doono. Mr Rowlings ayaa sheegay afar todobaad hada soo socota ay dhici karto in boqolaal kun caruur ah ay u geeriyoodaan macluul iyo nafaqo daro, hadii aan gacan xoog leh laga helin beesha Caalamka. Waxaa uu sheegay in xaalada hada laga hortagi karo, isagoo ku baaqay in gar gaar aadanimo dadkaas lala soo gaarsiiyo, sidoo kale waxaa uu tilmaamay in garanayo Caalamka ay ku daaleyso Soomaaliya, gaar ahaan siyaasadaha iyo dagaalada 20-ka sano kooxaha isku haya. Jerry Rowlings ayaa noqonaya ergeygii ugu sareeyay ee ka socda Midowga Afrika oo soo booqda Caasimada Muqdisho, iyo Madaxweyne soo maray Qaarada Afrika.
-
Galmudug president caalin opposes the new cabinet of cabdi cawar
Somalina replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Words of a wise man ---------------- Xildhibaan Mowliid Macaan Maxamuud ayaa ugu baaqay Xildhibaanada iyo shaqsiyaadka safafka ugu jiray maalmahan inay helaan Xilal, inay samraan, isagoo ka dalbaday inay ku qancaan shaqsiyaadka loo soo xulay Golaha Wasiirada cusub oo uu ku tilmaamay inay yihiin dad karti iyo aqoon lagu soo xulay. Mowliid Macaan ayaa sheegay inuu isaga ka mid ahaa Shaqsiyaadka aadka u daneynayay inay iska arkaan Golaha Wasiirada, hadana dadaal ugu jiray, waxaana uu xusay in taasi ay u suura geli weyday, iskana waayo inuu ka dhex muuqdo. "Waxaan leeyahay Xildhibaanada iyo Beelaha hadii aanay qanacsaneyn haku qanceen Golaha Wasiirada, aniga waxaa ka mid ahaa shaqsiyaadka Garabaatiga u soo xirtay ee rabay inay iska dhex arkaan Golaha Wasiirada" ayuu yiri Mowliid Macaan. Jowhar -
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ms Josette Sheeran, Madaxa Guud ee WFP Muqdisho, Khamiis, 21 July 2011 – Josette Sheeran oo ah Madaxa Guud ee Hay’ada Cuntada Adduunka (WFP) ayaa maanta ku soo booqatay Ra’iisul Wasaaraha Xafiiskiisa Muqdisho. Waa markii ugu horreysey oo ay Madaxa Guud ee Hay’ada Cuntada Adduunka soo gaarto magaalada Muqdisho, wallow ay bishii April soo gaartay magaalada Gaalkacyo. Josette waxaa wehliyey Agaasimaha Geeska Afrika ee WFP iyo saraakiil sar-sare. Ra’iisul Wasaaraha waxaa ku wehliyey kulankan wasiiradii guddiga abaaraha iyo Guddoomiyaha Gobolka Banadir. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa u mahadceliyey Josette Sheeran imaatinkeeda magaalada Muqdisho, isla markaana siiyey warbixin la xiriirta xaaladda bani’aadanimo ee macluusha ah ee heysata shacabka soomaaliyeed. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha waxuu ka warbixiyey sida Dowladdu ay bishii ugu danbeysey xoogeeda isagu geysey sidii gar-gaar deg-deg ah loola gaari lahaa shacabka soomaaliyeed iyo dadaalada aan kala go’a laheyn ee ka socda magaalada Muqdisho. Ra’iisul Wasaaraha waxuu kaloo sheegay in dowladdu ay dib-u-dejin ku sameeyso barakacayaal gaaraya 4,000 oo loo diyaariyey hoy, biyo nadiif ah, iyo dhammaan gar- gaarkii ay u baahnaayeen. Ra’iisul Wasaare Cabdiweli waxuu kaloo sheegay in xaaladda abaarta ay mareyso heerkii ugu xumeyd oo shalay Qaramada Midoobey ay caddeeyeen inay shacabka soomaaliyeed heyso macluul aad iyo aad u daran. Waxuuna ka codsaday WFP inay labo jibaaraan howlahooda quudinta iyo sidii shacabka tabaaleysan loogu heli lahaa gurmad deg-deg ah. Waxuuna sheegay in xaaladda ay mareyso heer loo baahanyahay gurmad maanta ah oo aan la sugi karin inta qorsheyaasha caadiga ah laga hirgelinayo. Josette Sheeran, Madaxa Guud ee Hay’adda WFP ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsantahay inay la kulanto Ra’iisul Wasaaraha, sheegtayna in WFP ay ka go’antahay sidii gurmad deg-deg ah loola soo gaari lahaa shacabka soomaaliyeed. Josette ayaa sheegtay in WFP ay hadda diyaarisay nafaqooyin wax weyn ka tari kara xaaladda oo dadka gaajeysan ay ku soo celineyso nafaqadii, waxeyn ballanqaaday inay sida ugu dhaqsiyaha badan nafaqadan u gaarsiin doonaan dhammaan goboladda. dalka gaar ahaan kuwa ay sida ba’an abaarahu uga jiraan. WFP waxey si joogta ah cunno iyo nafaqo u gaarsin doonaan barakacayaasha ku sugan Muqdisho. WFP oo ka jawaabeysa codsiga Ra’iisul Wasaaraha waxey ballanqaadeen in isbedel cusub ay la iman doonaan taasoo laga dareemi doono xoojinta iyo kobcinta gar-gaarka bani’aadanimo.
-
Nassir, Abdiweli ayaa booska idin haaya. Waxaa fiican in suldaanada reeraha iney isla hadlaan oo the next round Garaad Cali Ciid group loo daayo kursiga unchallenged. Laakiin marka hore dhaqdhaqaaq badan waa inuu Nassir iyo crew ay sameeyaan. Waxii la rabo haddii loo dadaalo waa lagu guuleysan karaa. All the best to you n Eastern Sanaag.
-
Hay'adda SOHPA oo gargaar raashin ah u qaybisay 400-qoys oo ku jira kaamam ku yaalla degmada Waaberi Khamiis, July 21, 2011 (HOL) – Hay'adda SOHPA oo ka mid ah hay'adaha maxalliga ah ee ka howlgala dalka Soomaaliya ayaa waxay shalay gargaar raashin ah u qaybisay 400-qoys oo ka mid ah barakacayaashii abaaraha, kuwaasoo ku jira xeryo ku yaalla degmada Waaberi ee gobolka Banaadir. Agaasimaha SOHPA Axmed Maxamed Xuseen ayaa HOL u sheegay in dadka ay u qaybiyeen gargaarka ay yihiin dadkii barkac ahaanta kusoo gaaray Muqdisho, ayna qoys walba siiyeen deeq isugu jirta bariis iyo saliid. "Qoysaska aan gargaarka u qaybinnay oo gaaraya 400-qoys, waxaan qoys walba siinnay 6-kg oo bariis ah iyo 2.5-liitar oo saliid ah," ayuu yiri Axmed Maxmed oo intaas ku daray in dadkan ay ku kala jireen kaamam lagu kala magacaabo Tawakal iyo Mooge. Gargaarkan oo dhaqaalaha ku baxay uu gaarayay 3,500 oo Dollar ayaa waxaa 2,500 oo ka mid ah ku deeqay Jaaliyad Soomaaliyeed oo deggen dalka Sweden, halka 1,000 dollarna ay hay'adda SOHPA bixisay. Barakacyaasha gargaarka loo qaybiyay oo ka kala yimid gobollada Bay, Bakool iyo Shabeellada hoose ayaa soo dhaweeyay gargaarka la siiyay iyagoo sheegay in xilliga loo keenay ay tahay xiligii ay ugu baahi badnaayeen, iyadoo dadkan ay muddo bil ah ku sugan yihiin Muqdisho. "Dhawaan waxaan doonaynaa inaan barakacayaasha ku jira kaamamka Muqdisho u fidino baaritaan caafimaad oo dawooyin lagu siinayo, innagoo howshaas la kaashan doonna wasaaradda caafimaadka ee DKMG ah," ayuu Axmed Maxamed mar kale u sheegay HOL. Hay'adda SOHPA, ma ahan markii ugu horreysay oo ay gargaar gaarsiiso dadka ay abaaraha dalka ku dhuftay saameynta ku yeesheen, balse sannadkii hore ayay gargaarro kala duwan ka bixisay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.
-
LayZie G.;735373 wrote: Hi Dukey, Are you happy with the selection? You seem to approve Abdiweli's cabinet choice...sort of like, in Abdiweli we trust haye? LOL Whatever happened to my beloved nur cade? How come he doesn't have a cabinet position? Here is Nuurini oo Rome ku dalxiisaayo and just above him, he has the SHARIF as his guardian angel.... PS: Why the query about the cabinet member's bio? Most of them call foreign countries home. Some of them, atleast 7 members have not set foot in the homeland for atleast 2 or more decades...so right now, who they are or what their bio is matters little because the truth of the matter is our thought and prayers should be with the victims of the drought and famine....and what we need to be praying for in the upcoming holly month is a way to ease the pain of those suffering back home. We need to be able to work together as people who share a common language, religion, ethnicity in order to find solutions that will benefit both our people and country in the long run. Knowing the bio of this minister or that minister matters very little and I for one do not care to know. What I want to know is what these members are doing for the people suffering right now? What do they plan to do tomorrow and the next day? Well said.
-
NASSIR;735374 wrote: Somalina, your uncles are free to dance on the carcass of what was known as Somalia. Let them rule the few kilometers in Xamar at the new party with free drinks supplied by the AU troops I genuinely wanted Haylaan folks to be represented this time Nassir. Those uncles need dhirbaaxo and qaylodhaan to wake up them up. All the best.
-
Saalax;735303 wrote: Somalina don't get upset dear. You also comment on Somaliland topics. We don't get in the middle of two Ethnic landers exchanges, don't start coming between us now. lol Gooso threadkiina.
-
Jacpher;735305 wrote: To call you out on your obvious hypocracy and flawed argument is to be emotional? Cajiib cajiib iyo rubac weliba, look at yourself first adeer.
-
A_Khadar;735307 wrote: Lol.. Ha shikin.. I have this impression about you that you're young gal grew in the west knows not much about somalis and their politicians but now you claimed you are familiar with the new faces in the new capinet which many here include Xiin said never head most of them. So tell us about those you know nooh.. lol, your initial impression is spot on. My adeero and abtiyaal are siyaasiyiin, shah ayaa la cabaa sometimes. Kuwa aan halkan ka garteyna waa kuwo xaafada soo siyaartey, I can't say much more than that haddii kale waa qarxis.
-
Saalax;735298 wrote: Xaaji Xunjuf kkkk wax fahan dee. Diriiye is from Ximaan iyo Xeeb thus Somalina doesn't consider him to represent the Sheikh Sharif bloc of Karaan kk. Kindly exit this thread you don't know what Somalina was talking about, Somalia's citizens are having a tea party.
-
Jacpher;735294 wrote: Giving a certain someone a pass and holding others to a higher standard, thats backward moving, not forward. Ina adeer, we've seen the gazillion so called Moqdisho leaders play the unukaa leh card every year and I don't remember you calling out on them or challenging them. Why is that your blood is boiling now that a non-Moqdisho said it? Faroole didn't say anything new here. May be it is you that is trying to have it both ways. Who are you talking about? stop being emotional and address the topic of the thread. Your whole line of thinking is "if he said this, then I'm saying this back", and that adeer is not how one who claims to be educate conducts himself. Got that! great! Keep your emotions in check if you can.
-
Hahaha.....nice Ina Farole. Keep it up. You are in position to call anyone any name judging by your past history. Daddy is a known mafioso, he should look at himself before he starts hurling insults at anyone. Got that wiilka Faroole.
-
Xaaji Xunjuf;735279 wrote: Somalina awoow anigu cidna iskumaan dirin adiga Yidhi cuqaasha tolka qaar waxba laga ma dhegeysto,, laakin cuqaasha kale wa waliyul saalixin Xamar iyaga wax laga weydiya Beesha have Imaam, the otherside Ugaasyo marka ayaga hadalkooda ayaa la dhegeystaa not qashinka magaca beesha ku qaraabanaayo. Qandalaawi, hebel hebel waxuu yiri ma aha inaad beelaha ugu waaweyn Soomaaliya inaad eedeysaa. Shaqsi walba waxuu rabo ayuu oran karaa, laakin haddii uu qofku mas'uul ka yahay a whole region waa inuu ka fiirsadaa waxyaabaha afkiisa ka soo baxaayo. It is not hard to understand that is it? the whole point of this thread was that. Meeshii fiican halagu qabto shirka, gudi ayaa loo xilsaarey already, Farole should let them do their job. Whatever they decide should be accepted and welcomed. Simple and plain.
-
General Duke;735272 wrote: ^^^Nicely put. Thanks Generale. Xaji Xunjuf isku dirka jooji yaah! I see what you doing.
-
Qandalawi;735265 wrote: Somalina, my point was Faroole did not say this, your clan media fabricated the story. Listen to the President's speech without prejudice and see the light at the end of the tunnel. Today, if you are being truthful, you cannot put parallel or compare Garowe and Mogadishu as where is the best place to host the meeting. Garowe will win in terms of everything but will you accept that, No? but you prefer Kampala, soo ma ahan? Of course I will accept it, why wouldn't I?. Garowe is a Somali city, my own aunt (from unukaa leh) opened a clinic in Boosaaso and lives there not to mention my other relatives. FYI, I don't like Xaad, Diiriye and their likes, they are individuals who only care about seeing their name on the news. They can call themselves whatever they want they don't represent us.
-
General Duke;735225 wrote: Faroole what an *****, made a meal of it as usual. He got it wrong and wasted a great opportunity. He will not be a Somali national leader by arguing wiht the likes of Xaad & Ahmed Diiriye. Garowe or Mogadishu both great venues, both Somali venues and both full of great unionists. Exactly my point. If Diiriye says I hate PLanders, Faroole shouldn't respond to his outbursts. Ahmed Diirye doesn't own Xamar and neither does Xaad. The Imaam of beesha ugu weyn ee Banadir ka soo jeeda markuu u hadlo sida Diiriye iyo Xaad markaas la imaada calaacalkiina malaayacniga ah. Waxaa laga hadlaayo meeshan dhanbaa idin gooyey ayaan filaayaa, nin madexweyne u ah PL oo statesman ah waa inuu u dhaqmaa sida statesman-ka u dhaqmaan ma ahan inuu la jaqjaqleeyo the likes oo Diiriye and Xaad oo aan cidna masuul ka ahayn. If some of you have amnesia let me remind you that it was Farole that refused the Somali reconciliation conference that was proposed to be held in Mogadisho after that Nairobi meeting in which the TFG refused attend. Ilko jir and Garaad Cali Ciid ayaa u ceeb qariyey Faroole then, I'm afraid this time they will not rescue him from his mouth. The old man is a loose cannon and he shouldn't be speaking for PL at all. yawn* @jacpher....mayee 1945 ku noqo 1991 waaba haddee. Meeshan we are trying to move forward and learn from our mistakes, not in sidii gabdho is ximinaayo idaacadaha la isku weeraro. Get over yourself. Sensei, cousin keyga waxba kama ogid so shut it. Qandalaawi, ok ina faroole. Idimaale, Garowe and other PL media waxba kama qoraan reer muqdisho haye. Adeer qashinkaaga la tag meel kale. Thank you.