Somalina
Nomads-
Content Count
7,672 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Somalina
-
No worries brother. ------ Mudanayaasha Baarlamaanka oo cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Wasiirrada cusub ee Soomaaliya Sabti, July 23, 2011 (HOL) – Xidhibaannada tiradoodu gaarayso 397-mudane ayaa cod gacan-taag ah ku ansixiyay maanta oo Sabti ah golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ee uu toddobaadkii soo magacaabay ra'iisul wasaare C/weli Maxamed Cali, iyadoo ay diidday 21-mudane, halka ay ka aamuseen laba mudane. Kulanka oo ay ka qaybgaleen 420-mudane ayaa waxaa furay guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, isagoo ka dalbaday xildhibaannada inay ansixiyaan xukuumadda cusub. Waxaana intaas kaddib hadal u jeediyay xildhibaannada ra'iisul wasaaraha Soomaaliya. Mudane C/wli Gaas ayaa khudbaddiisa oo ahayd mid dheer ku sheegay in xukuumaddiisu ay soo celinayso ammaanka guud ee dalka, sidoo kalena ay la dagaalamayso musuqmaasuqa, inuu dib u heshiisiinta hirgelinayo iyo inuu ka shaqeyn doono gargaarka bani'aadamnimo muddada uu xilka hayo. Ra'iisul wasaaraha markii uu hadalkiisa dhameystay ayaa wuxuu guddoomiyaha baarlamaanku uu gacan-taag ah geliyay xukuumadda cusub, isagoo ku dhaawaqay inay codkooda siiyeen 397-mudane, sidaa daraadeedna ay tahay ansax. Xukuumadda cusub oo ka kooban 45-xubnood ayaa waxay shaqeynaysaa muddo hal sano ah, iyadoo ay hor-yaallaan arrimo ay ugu culus yihiin soo celinta ammaanka iyo sidii lagu gargaari lahaa dadka ay abaaruhu ku habsadeen ee ku qulqulaya dalalka dariska ah iyo magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya iyagoo kaalmo doon ah. Qaar ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ee kulanka ka qaybgalay ayaa ku tilmaamay ansixinta xukuumadda mid aan u dhicin si sax ah oo la musuqmaasuqay codeynta. Waxaana inta marka uu baarlamaanku ansixiyo ajande horyaalla soo baxa mudanayaal kasoo horjeesta. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
-
XX sheekadan maa weli wadaa? you're one sad man awoowe.
-
Cont'd... Waxeyna kala yihiin Kulliyadahan soo socda: 1. college of health science ( Kulliyadda cilmiga caafimaadka) A. School of medicine and surgery ( dugsiga caafimaadka & qaliinka) B. School of nursing science ( dugsiga cilmiga kal-kaaliyaasha) C. School of clinical laboratory science & pharmacology)( dugsiga cilmiga shaybaarka caafimaadka & daawooyinka). 2. College of Business , Info. Tech and Public Administration ( kulliyadda ganacsiga, kumbuutaradda iyo Maamulka guud) A. School of Bus. Admin- ( dugsiga maamulka iyo maareynta) B. School of bus & It ( dugsiga ganacsiga & Tec. Comuterska) C. School of acc & fin ( dugsiga maaliyadda iyo xisaabaadka) D. School of sales & smarketing ( dugsiga libka iyo suqgeeynta) E. School of public Adm ( Dugsiga maamula Guud) 3. College of Engineering & Technology( kulyadda cabiraadda iyo technologyadda) A. School of Electronics & telcom, ENi ( dugsiga cabiraada electronic & isgaarsiined) B. School of Computer science ( Dugsiga Cilmiga Combuyulterada) 4. College of Education , Social & Humanities (Kulliyada waxbarashadda, cilmoga bulshadda & Barashadda Adabka Aadanaha) A. School of Biology & chemistry Science ( dugsiga Cilmiga Biology iyo Chemistry) B. School of Math & Physics ( dugsiga cilmiga Xisaabta iyo fisigiska) C. School of Social Science ( dugsiga cilmiga Bulshadda) D. School of Psychology (Dugsiga Cilmi- Nafsiga) E. School of Sociology ( Dugsiga Cilmiga Barashadda Bulshadda) F. School of Languages ( Dugsiga Luqadaha) 5. College of Economics and Management (Kulliyada dhaqaalaha iyo maareynta) A. School of economics ( dugsiga Dhaqaalaha) B. School of leadership and management science (Dugsiga Hogaaminta iyo maareynta. 6. College of Political Science & International Studies. ( Kulliyada cilmiga siyaasada iyo daraasadda caalamiga ) A. School of Political Science ( Dugsiga cilmiga Siyaasadda) B. School of International Relations ( Dugsiga Xiriirka Caalamiga ) C. School of Media & Mass Communication ( Dugsiga warbaahinta & qalabka isgaarsiinta ) D. School of Development Studies ( Dugsiga Daraasada Horumarinta) E. School of Social & Public Policy ( Dugsiga Bulshadda iyo Siyaasada guud) 7. College of Jurisprudence ( Kuliyadda Sharciga ) A. School of Islamic Studies ( Dugsiga Daraasadda Islaamka) Intaas waxaa dheer in toddobada kulliyadood ay adeegsadaan kaabayaal waxbarasho oo casri ah sida v Computer Labs v Physical Laboratories v Libraries v Multimedia technology ( Projectors , Videos, and Slides) v Teaching & Practical Hospital iwm Output ( wax-soosaarkii jaamacadda somaaliya ). Jaamacada waxay soo soo saartey 124 Aqoonyahan leh sifaadka hoos ku xusan:- ü Skilled and employable graduates ü Responsible Citizens graduates ü Economic and Social Developments Graduates ü Production and New knowledge gradates. Vice president (Academic)
-
Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu sagootinayay 124-arday oo ka qalin jebisay Kulyadaha kala duwan ee Jaamacada Somaliya, iyadoo lagu gudoonsiiyay shahaado kala duwan, iyadoo ardaydan ay ahaayeen kuwo u dhabar adeegay waxbarashadooda mudadii ay dhiganayeen Jaamacada. Arday qalin jebisay oo wajiyadooda ka muuqatay farxad ayaa isugu jiray, ragg iyo haween, waxaa ka dhex muuqday dad waa weyn, taasoo muujineysa in waxbarashadu aan yar iyo weyn u kala gaar aheyn, waxbarashaduna aysan weynaan gelin. Ardayda ka qalin jebisay Jaamacada ayaa soo maray waqti adag, waxaana ay waxabarshadooda ay socotay muddo 4-sano oo kulyadaha kala duwan ee cilmiga ka baranayay Jaamacada, waxaana loogu riyaaqay Ardayda sida wanaagsan ee waxbarashadooda ay ugu hogaansameen. Mas'uuliyiinta ka soo qeyb gashay Xaflada qalin jebinta oo ay ka mid ahaayeen Maamulka Jaamacada, Waalidiin, abwaano iyo marti sharaf lagu casuumay, waxaana munaasabada ay aheyd mid si weyn loo soo agaasimay. Gudoomiyaha Jaamacada Somalia Prof. Yaxye Cali Ibraahim (Hareeri) oo hadal ka jeediyay munaasabada xaflad qalin jebinta ayaa sheegay in Jaamacada Somalia ay ku tallaabsatay wax qabad la taaban karo, isagoo tilmaamay inay dadaal dheeraad ah ay u soo mareen sidii ay u suura geli laheyd in laga sheekeeyo waxqabadka iyo taariikhda Jaamacada, isagoo sheegay in xaflada ku diyaariyeen 124-Arday oo ku hubeysan aqoon, waxbarasho xadaaro leh, ilbaxdinimo, ayna diyaar u yihiin inay hantqaan howlaha ku aadan cilmiyada ay barteen sida uu yiri. "Ma ahan Ardayda kuwo qoryo ku hubeysan, waxay ku hubeysan yihiin, aqoon waxabarasho, ilbaxnimo, karti iyo juhdi ay u soo mareen waxbarashadooda, waxay hada ku biireen Aqoonyahanada Soomaaliyed"ayuu yiri Gudoomiyaha Jaamacada Prof. Yaxye oo intaa ku daray in Ardayda ay Jaamacada ka galeen baal-dahab. Kuxigeenka Madax Maamulka dhinaca Waxbarashada ee Jaamacada Maxamed Nuur Warsame ayaa sheegay in waxbarashada aanay dhamaad laheyn, isagoo xusay in waxbarashadu ay leedahay bilow, balse aanay dhamaad laheyn. Mr Warsame ayaa sheegay in aqoonta iyo cilmiga dhibaato loo maro, isagoo cadeeyay in Jaamacada Somalia ay awood dheeraad ah ku bixisay sidii ay Ardaydan u siin laheyd furihii waxbarashada iyo aas aaska nolosheeda, waxaana uu kula dar daarmay in inta ka dhiman waxbarashadooda ay sii dhameystiraan. Sidoo kale waxaa uu sheegay in Ardayda laga dareemi karo waxqabadkooda cilmiga ay bixiso Jaamacada, isagoo cadeeyay in Bulshada ay ka sugeyso ammaan isaga oo faray ardayda inay u naxariistaan bulshada ay shaqada u qabanayaan. Ardayda ayaa labisnaa darees isku mid ah oo ah kan ay caanka ku yihiin ardayda ka qalin jebisa jaamacadaha, taasoo calaamad u ah, mas'uuliyada weyn iyo in horay loo sii wado masiirka waxbarashada oo ah mustaqbal ifiya. Madaxda Maamulka Jaamacada ayaa hadal guubaabo ah oo dhiira gelin ku jirtay u jeedinayay, waxaana ay u sheegeen inay noqdaan arday tayo leh, waxaana ay albaabka u furen in qof kasta oo arday ah ay Jaamacada u faran tahay, waxbarasho wanaagsan ku soo dhoweynayaan. Intii xafladu socotay ayaa waxaa lagu so bandhigay filim ka sheekeynayey Ardayda qalin jabineysay ee la gudoonsiiyey shahadooyinkooda sawiridooda iyo magacyadooda waxaana xaga madadaalada marti sharafta ka haqabtirayey abwaanka weyn ee Maki Xaaji Banaadir (Buur Fuule) oo munaasabada ka jeediyay sheekooyin qosol ah oo waxbarashada ka hadleysay. Sidoo kale waxaa halkaas gabay ay la dhaceen dadkii ka qeyb galay xaflada qalin jebinta, Abwaan Maxamed Warsame Taban-Taabo oo tix gabar ku tirinayay qiimaha ay leedahay waxbarashada iyo dadaalka loo galo in wax la barto. C/naasir Xasan Cali oo ah Hormuudka Jaamacada Soomaaliya oo ah Horyaalka jaamcadeed ee Soomaliya ayaa ardayda kula adardarmay in ay sare u qaadaan cilmiga ay barteen si loo ogaado waxqabadka jaamcada. Mas'uuliyiin ka socday Shirkadaha Isgaarsiinta sida Hormuud iyo Nationlinka ayaa dhankooda sheegay in xafladan ay uga qeyb qaadanayaan qalad hadiyado ah oo ay gudoonsiiyeen Ardayda, kuwaasoo isugu jiray SIM CARD, Kaarka ku hadalka Mobile, Buugaag iyo hadiyado kale oo sare ugu qaadanayeen Niyada Ardayda qalin jebisay. Ugu dambeyn Gudoomiyaha Jaamacada Prof. Yaxye ayaa ka hadlay taariikhda Jaamacada la aas aasay, marxaladaha ay soo martay iyo Kulyadaha looga barto waxaana uu xusay in Jaamada la aas aasay sanadka 2005-tii, isagoo tilmaamay in si rasmi loo furay taariikhda markey aheyd 26/12/2005 oo lagu furay saddex kulyadood. Prof. Yaxye ayaa sheegay in Jaamacada markii la aas aasay sanadkii 2005-ta lagu bilaabay 53-Arday, waxaana uu hada sheegay inay wax ka bartaan 1700-arday, isla markaana Jaamacada ay ka howl galaan 70-Macalin oo dhiga Kulyadaha kala duwan ee Jaamacada laga barto. Kulyadaha lagu bilaabay Jaamacada markii la furay ayaa waxaa waxaa ka mid ahaa sidan:- Ø Kulliyadda maamulka iyo maareynta (Faculty of Business Adminisytration ) Ø Kulliyadda Cabiraada (Faculty Engineering) Ø Kulliyadda Beeraha (Faculty Agriculture), waxaana dhiganeysey xiligaa 53 ardey. Jaamacaddau Iyadoo cusub ayey waxey la kulantey, dagaaladdii sanadahii 2007,2008 illaa horantii 2009 socdey. Alla- mahaddii jaamacadda somaaliya waxey ka mid – noqotey jaamacadihii fara-ku tiriska ahaa ee ka bad-baadey . Bartamihii 2009, aas’aasayaashu Jaamcadda Soomaliya waxey dajiyeen strategy-da cusub oo lagu dhisey hogaamiye cusub (President) & ku xigeenadiisa (vice presidents) hogaanka cusub waxaa uu dhisey, maamulka hormuudyada (deans) madaxda waaxaha (HOD). Waxaa lagu tilaabsadey howl fulinta baraha & bartaha (teaching & laering process), howl-fulinta cilmi barista (Research process). Howlfulinta Adeega ardeyda (Student services process). Howl-fulintaan isdaba- jooga ah ka bacdi, waxaa jaamacadda u suura- gashey in ay dhigtaan 1,700 oo ardey wakhtigan la joogo, waxeyna kala dhigtaan:- toddoba kulliyadood. (Seven colleges) oo ay hoos tagaan 25 dugsi (25 Schools).
-
I was kidding. Is this what you looking for?
-
Ra'iisul wasaare Dr. C/weli Gaas oo magacaabay wasiir ku xigeennadii iyo wasiir-u-dowlayaashii ka dhinnaa xukuumaddiisa Jimco, July 22, 2011 (HOL) – Ra'iisul wasaaraha DKMG ah ee Soomaaliya, Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo Jimco ah magacaabay wasiir ku xigeenno iyo wasiir-u-dowlayaal uu ku dhameystirayay golihiisa wasiirrada ee cusub, iyadoo xubnaha la magacaabay ay ku jirto haweeney keliya. Wasiir ku xigeennada la magacaabay ayaa tiradoodu waxay gaaraysaa 18-xubnood, halka wasiir-u-dowlayaasha iyaguna ay yihiin sagaal xubnood oo aysan haweeney ku jirin. Waxaana la sheegay in magacaabiddan uu aqbalay madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Illaa lix wasaaradood ayaa loo magacaabay min laba wasiir ku xigeen, iyadoo nidaamkan uusan ahayn mid lagu arkay xukuumadihii hore ee dalka soo maray. Iyadoo xubnahan xukuumaddan cusub ayaa waxay sugaysaa inay hesho codka baarlamaanka ka hor inta aysan howlaheeda billlaabin, iyadoo lagu wado inay shaqeyso muddada halka sano ah ee soo socota. Liiska Wasiir ku xigeennada: 1. Wasiir ku-xigeennada Wasaaradda Garsoorka Arrimaha Diinta iyo Awqaafta - Mudane Axmed C/llaahi Xuseen (Fanax) iyo Mudane Xasan Maxamed Ibraahim. 2. Wasiir ku-xigeennada Wasaaradda Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha -Mudane C/risaaq Daahir Maxamuud iyo Mudane Xirsi Aadan Rooble. 3. Wasiir ku-xigeennada Wasaaradda Caafimaadka - Mudane Macalin Cali Aadan iyo Mudane Faysal Xuseen Daahir. 4. Wasiir ku-xigeennada Wasaaradda Kalluumeysiga, Kheyraadka Badda iyo Bay'ada - Mudane Axmed Xasan Aadan iyo Mudane Ibraahim Shukri Sheekh Aadan. 5. Wasiir ku-xigeennada Wasaaradda Dastuurka iyo Dib u heshiisiinta - Mudane Xasan Maxamed Jimcaale iyo Mudane Ibraahim Suleymaan Xaaji Nuur. 6. Wasiir ku-xigeenada Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare - Mudane C/qaadir Maxamed Barre iyo Mudane C/qaadir Sheekh Cali Ibraahim (Baqdaadi). 7. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maalliyadda iyo Lacagta - Mudane Cali Dirir Faarax. 8. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Haweenka iyo Arimaha Qoyska -Marwo Luul Cabdi Aadan. 9. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda - Mudane C/raxiin Cabdi Abiikar. 10. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta - Mudane Cabdullaahi Bille Nuur. 11. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada, Dhalinyarada iyo Isboortiga - Mudane Daahir Xaaji Geelle. 12. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga - Mudane Maxamed Cali Catoosh. 13. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka Cirka, Dhulka iyo Dekedaha - Mudane C/raxmaan Kulmiye Xirsi (C/raxmaan Dheere). 14. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha - Mudane Khaliif C/kariin Maxamed. 15. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud, Guryeynta iyo Dib u dhiska - Mudane Xareed Xasan Cali. 16. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Macdanta, Biyaha iyo Batroolka - Mudane Cabdullaahi Dool Maxamed. 17. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka - Mudane Cabdi-xakiin Cige Guuleed. 18. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga - Mudane Cali Nuur Ducaalle. Liiska Wasiir u dowlayaasha: 1. Wasiiru-dowlaha Xafiiska Madaxweynaha - Mudane C/casiis Macalin Nuur. 2. Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda - Mudane Xaamid Sheekh Cali Maasheeye. 3. Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga - Mudane Maxamuud Macalin Nuur. 4. Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka - Mudane Maxamed Maxamuud Aadan (Indha-Geelle). 5. Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Maalliyadda iyo Lacagta - Mudane Sheekh Aadan Maxamed Deer. 6. Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta - Mudane Maxamed Axmed Kaamil. 7. Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshedaha - Mudane Maxamed Axmed Kaynaan. 8. Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaadiidka Cirka, Dhulka, Badda iyo Dekedaha - Mudane Saciid Jaamac Qoorsheel. 9. Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u dhiska - Mudane C/kaafi Macalin Xasan. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
-
Xaji Xunjuf was there, did you see him? he was waving Xanjoland flag. lol
-
Galmudug president caalin opposes the new cabinet of cabdi cawar
Somalina replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Maan arag matagaas, provide the link fadlan. -
Galmudug president caalin opposes the new cabinet of cabdi cawar
Somalina replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Xaaji Xunjuf;735788 wrote: Thats about it i think awoow weynu iska sugi inta kale if they have something against the new cabinet but the rest seem happy Inta kale xagey ka iman ama aad adigu ka sugi? ma Hawdka mise NFD? 4.5 ayaa wasiirada lagu qaybsadey, kii qeyliyana ha qeyliyo wuu aamusi doonaa after 1 hour. -
Oslo bomb kills 7, gunman opens fire on youth at camp SLO - A bomb ripped through Oslo's central government district on Friday killing seven people, police said, and hours later a gunman opened fire at a youth camp on a nearby island. One witness said he saw 20 dead at the youth camp, but police said they had no confirmation of deaths on the island. “The number is 10, possibly nine,” deputy oslo police chief Sveining Sponheim told reporters when asked about the preliminary toll in a shooting on Utoeya island, north west of Oslo. “That’s what we know so far,” he said. He said a man had been arrested and was being questioned by Oslo police, who believe he also has knowledge of a bomb blast in Oslo that killed seven people. "I've seen it with my own eyes, at least 20 dead people lying in the water," Andre Skeie, 26, told Reuters by telephone. He said he had gone to Utoeya island with his boat to help people evacuate the island after the shooting. Police declined to comment on casualties at the youth camp at Utoeya, north west of Oslo. State television said a man was arrested. The Oslo bomb blew out the windows of the Prime Minister's building, damaged the finance and oil ministries and scattered glass and masonry across the streets. A Reuters witness said he had seen soldiers taking up positions around the centre of the capital, while police said they feared there might be explosives at the youth camp. With police advising people to evacuate central Oslo, apparently in fear of more attacks, Prime Minister Jens Stoltenberg told Norwegian TV2 television in a phone call that the situation was "very serious." He said that police had told him not to say where he was speaking from. "It exploded — it must have been a bomb. People ran in panic . . . I counted at least 10 injured people," said bystander Kjersti Vedun, who was leaving the area of the blast in Oslo. Shortly after the bomb, a gunman described by a police official as tall and blond opened fire at the island of Utoeya north-west of Oslo, sending people scattering in terror. The target was a youth camp of Stoltenberg's Labour party youth section. "There was a lot of shooting . . . We hid under a bed. It was very terrifying," a young woman present at the island youth camp told British Sky television. She said police helicopters were flying overhead. Daily newspaper VG said on its website the gunman had been dressed as a policeman. Norwegian commercial broadcaster TV2 said several people had been killed in the shooting spree. There was no clear claim of responsibility and while the attacks appeared to bear the hallmarks of an Islamist militant assault, analysts said it was too early to draw any conclusions. NATO member Norway has been the target of threats before over its involvement in conflicts in Afghanistan and Libya. The attack came just over a year after three men were arrested on suspicion of having links to al-Qaida and planning to attack targets in Norway. It came also less than three months after U.S. forces killed Osama bin Laden in a raid on his hideout in Pakistan. Violence or the threat of it has already come to the other Nordic states: a botched bomb attack took place in the Swedish capital Stockholm last December and the bomber was killed. Denmark has received repeated threats after a newspaper published cartoons of the Prophet Mohammad in late 2005, angering Muslims worldwide. The Oslo blast tore at the facade of the 17-storey central government building, blowing out most of the windows and scattering shards of metal and other debris for hundreds of metres (yards). The building of a publisher which recently put out a translation of a Danish book on the Mohammad cartoon controversy was also affected, but was apparently not the target. The blast scattered debris across the streets and shook the entire city centre at around 3:30 p.m. local time. A Reuters witness saw eight people injured, one covered in a sheet and apparently dead. MOST VIOLENT SINCE SECOND WORLD WAR Madrid suffered an Islamist militant bomb attack on commuter trains in 2004 that killed 191 people. Four suicide bombers killed 52 people in an attack on London's transport system in 2005. The Reuters correspondent said the streets had been fairly quiet in mid-afternoon on a Friday in high summer, when many Oslo residents take vacation or leave for weekend breaks. "This is a terror attack. It is the most violent event to strike Norway since World War Two," said Geir Bekkevold, an opposition parliamentarian for the Christian Peoples Party. The district attacked is the very heart of power in Norway, with several other key administration buildings nearby. Nearby ministries were also hit by the blast, including the oil ministry, which was on fire. Nevertheless, security is not tight given the lack of violence in the past. The failed December attack in Stockholm was by a Muslim man who grew up in Sweden but said he had been angered by Sweden's involvement in the NATO-led force in Afghanistan and the Prophet Mohammad cartoons. That attack was followed weeks later by the arrest in Denmark of five men for allegedly planning to attack the newspaper which first ran the Mohammad cartoons. In July 2010, Norwegian police arrested three men for an alleged plot to organize at least one attack on Norwegian targets and said they were linked to individuals investigated in the United States and Britain. John Drake, senior risk consultant at London-based consultancy AKE, said: "It may not be too dissimilar to the terrorist attack in Stockholm in December which saw a car bomb and secondary explosion shortly after in the downtown area. "That attack was later claimed as a reprisal for Sweden's contribution to the efforts in Afghanistan." Political violence is virtually unknown in a country known for awarding the Nobel Peace Prize and mediating in conflicts, including in the Middle East and Sri Lanka. © Copyright © Reuters Read more: http://www.ottawacitizen.com/news/Oslo+double+terror+attack+dead/5143941/story.html#ixzz1Srohiy3q
-
AUN marxuumada, sabar iyo iimaan Ilaahey haka siiyo reerkeeda.
-
Galmudug president caalin opposes the new cabinet of cabdi cawar
Somalina replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Xaaji Xunjuf;735766 wrote: So far galmudug is unhappy and the MaakhirFolks. And? -
OSLO (Norway): An explosion took place Friday in the building of Norway's biggest tabloid newspaper VG located near the government's headquarters in Oslo, local media reported. "I see that some windows of the VG building and the government headquarters have been broken. Some people covered with blood are lying in the street," a journalist with public radio NRK said from the scene. As per details, a powerful bomb blast has rocked government and media buildings in Norway's capital Oslo, causing 'deaths and injuries' and heavy damage, police say. Norwegian media reported that at least two people died. 'A powerful explosion has taken place in the government quarter,' Norwegian police said in a statement on Friday. 'Police can confirm there were deaths and injuries following the explosion in the government quarter this afternoon,' police added later. Images on Norwegian television showed the prime minister's office and other buildings heavily damaged, sidewalks covered in broken glass and smoke rising from the area. Prime Minister Jens Stoltenberg was reported to have not been in his office at the time of the blast. Police had sealed off the area, which houses the offices of the prime minister, the finance ministry and the country's biggest tabloid newspaper Verdens Gang (VG). Two cabinet ministers told a foreign news agency that Stoltenberg had been scheduled to be visiting areas far outside Oslo on Friday. News agency NTB also reported that Stoltenberg was 'safe'. Witnesses said the damage was extensive and that injured victims could be seen. 'I see that some windows of the VG building and the government headquarters have been broken. Some people covered with blood are lying in the street,' a journalist with public radio NRK said from the scene. 'There is glass everywhere. It is total chaos. The windows of all the surrounding buildings have been blown out,' said NRK journalist Ingunn Andersen.The radio reported that the explosion seemed to happen near the finance ministry, which is near the Norwegian prime minister's office and the VG editorial offices. Photos posted on the NRK website also showed shattered glass in front of the devastated facade of the VG building, soldiers closing off the area and people surrounding someone apparently injured in the blast. It was not immediately known who was behind the bombing, but Norway's intelligence police agency said in February that Islamic extremism was a major threat to country. NATO member Norway, which counts some 500 troops in Afghanistan, has never suffered an attack at home by Islamic extremists. However, police last year arrested three Muslim men based in Norway suspected of planning an attack using explosives in the Scandinavian country. Norwegian prosecutors earlier this month also filed a terrorism charge against Mullah Krekar, founder of the Kurdish group Ansar al-Islam, who was accused of threatening a politician with death over his potential deportation from the country. Krekar had warned that 'Norway will pay a heavy price' if he were deported. Norwegian F-16 fighter jets are also participating in air strikes in Libya, though the country has said it will withdraw its forces from the Libya operations on August 1. The Norwegian military said in May that it had been the victim of a serious cyber attack at the end of March on the day after its jets for the first time carried out bombings in Libya. Neighbouring Sweden was targeted in a suicide bombing in December when Taimour Abdulwahab, a 29-year-old whose family fled from Iraq to Sweden in 1991, blew up himself and his car in a deserted side-street off of Stockholm's busiest pedestrian thoroughfare, injuring two people.
-
Kuwait oo diyaaro gar-gaar kasoo dajisay garoonka diyaaradaha Muqdisho Labo diyaaradood oo ka yimid dalka Kuwait islamarkaana siday deeqo loogu talagalay dadka ku dhibaataysan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay gudoonsiiyeen dowladda KMG Soomaaliya. Barqonimadii maanta ayaa labo diyaaradood oo wada deeqo kala duwan waxa ay kasoo dageen Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho, iyadoo deeqdaasi ay ka timid dowladda Kuwait taasi oo ay ugu talagashay Qoysaska ay abaaruhu saameeyeen ee ku dhibaataysan Magaalada Muqdisho. Deeqdaani ayaa waxaa ay ka koobneyd ilaa 40-tan oo ay ka mid ahaayeen Cunno, dawo iyo Teendhooyin taasi oo ay gudoontay dowladda KMG Soomaaliya. Dr.Musaacid Rashiid Al-cansi oo ahaa Mas’uulkii horkacayay gar-gaarkaasi ayaa waxaa uu sheegay in shacabka iyo dowladda Kuwait ay ugu talagaleen shacabka Soomaaliyeed oo ay haystaan dhibaatooyin la xiriira dhinaca nolosha ah, isagoo sheegay in deeqdaani ay tahay qeybtii ugu horeysay oo ay ku wareejiyaan dowladda KMG Soomaaliya taasi oo ka kooban sida uu sheegay Raashiin iyo waliba Teendhooyin. Guddiga Gurmadka Abaaraha Qaranka oo uu horkacayay sii haya Wasiirka Gaashaandhiga uu gudoomay deeqda ka timid Kuwait ayaa waxaa uu kaga mahadceliyay shacabka iyo Madaxa dowladda Kuwait deeqda ay soo gaarsiiyeen Walaalahooda ku dhibaataysan Soomaaliya. Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa isa soo tarayay deeqaha wadamada Carabta ay soo gaarsiinayeen gudaha dalka Soomaaliya.
-
Extremists Deliberately Starving Somalis To Death Press release Extremists Deliberately Starving Somalis To Death Mogadishu, 22 July, 2011 The Transitional Federal Government of Somalia has condemned the reinstatement by extremist insurgents of a ban on international humanitarian agencies at a time when the country is suffering catastrophic famine. "The extremists are literally and deliberately starving the people to death," said Prime Minister Dr Abdiweli Mohamed Ali, after reports emerged that the rebels are also stopping people from leaving areas under their control in search of food. He appealed to the world to come to the aid of Somalia and to help free her people from both the famine and the inhumanity of the insurgents. "The international community must come to our aid by giving us, not just food, but also the means to rid Somalia of these callous terrorists who have no regard for the interest of the Somali people," he said. "It is the insurgency itself that is the root cause of the famine," he said, adding that the government, with the support of the African Union Mission in Somalia (AMISOM), was doing all it could to tackle the immediate crisis as well as defeat the extremists. "With the help of AMISOM, we have established a relatively secure zone in the southern half of Mogadishu where humanitarian agencies can deliver emergency assistance to the people," he said. "With more resources and troops, we could expand this to cover the whole country. We must do this if we are to save the lives of millions." The UN estimates that more than 3.5 million Somalis, the vast majority of them in insurgent-held areas, may starve to death unless emergency aid reaches them in the next few weeks. - END - -- Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow) Senior Advisor to the Prime Minister of Somalia Tel: +252615479911 Tel: +252699998854 Tel: +25262755400
-
" frameborder="0" allowfullscreen> Watch 06:25 Abwaan Siciid Ilko Jir gabyaaya
-
Hiiraan Online Friday, July 22, 2011 The private sector in Somalia on Friday joined the ongoing relief efforts in aid of millions of drought-displaced families in parts of Southern Somalia. Hormuud Telecom, one of Somalia’s leading telecommunication companies distributed humanitarian food assistance to drought victims in the restive capital Mogadishu. The telecommunication company targeted some 6000 Households in its initial stage of relief distribution at Mogadishu’s bulging IDP camps that are jam-packed on daily basis by fleeing families from devastated regions of Somalia. The company’s aid package included an assortment of food rations and were given to worst-hit families in the two camps of Wadajir and Waberi districts within the capital Mogadishu According to officials of the company the food aid composed of 25kg rice and a few liters of cooking oil is expected to keep each family for some day as drought bites severely in the country. The IDPs have hailed the move by Hormuud, a company established in April 2002 in Somalia, and has since been engaged in some form of cooperate social responsibility. Officials of the company also told the local media that it aims to bring in more aid this time to Shabelle region where the crippling drought condition is severely biting residents. The donation of the aid food by Hormuud Company is a part of local and international efforts to mitigate a compounding crisis resulted by several seasons of failed rains and an endless conflict in Somalia where UN declared famine in some parts.
-
Wasiirrada Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay inaan lagala tashan magacaabiddeeda Jimco, July 22, 2011 (HOL) – Wasiirrada haweenka iyo arrimaha qoyska DKMG ah ee Soomaaliya Caasho Cismaan Caqiil oo warbaahinta la hadashay iyadoo ku sugan degmada degmada Balcad ee gobolka Shabeellada hoose ayaa sheegtay inaan xilka loo magacaabay lagala tashan. Caasho Caqiil oo muddo saacado ah u xirnayd Khamiistii shalay maamulka degmada Balcad ee Xarrakada Al-shabaab, ayaa markii lasoo daayay sheegtay iyadoo ku sugan gurigeeda inaan lagala tagshan magacaabiddeeda. Inkastoo Caasho aysan sheegin inay iska casishay xilka loo magacaabay, haddana waxay sheegtay inaysan diyaar u ahayn inay ku shaqeyso xil aan lagala tashan markii loo magacaabay. Maamulka degmada Balcad ee Xarrakada Al-shabaab ayaan weli ka hadlin xarigga ay u geysteen Caasho Cismaan Caqiil oo habeen hore loo wasiirka haweenka iyo arrimaah qoyska ee DKMG ah iyadoo ku sugan degmada Balcad oo ay Xarrakatul Shabaab ka taliso. Waxaana Caasho ay ahayd haweeneydii keliya ee ku jirtay golaha wasiirrada xukuumadda cusub. Waxyaabaha aadka la isku weydiinayo ayaa waxaa ka mid ah sababta xil loogu magcaabay ruux aan ku sugnayn goobaha ay dowladdu ka taliso, iyadoo DKMG ah aysan ka hadlin xariga loo geystay wasiirradan. Haweeneydan ayaa waxaa ninkeedii muddo sannado ah ka hor laga afduubay duleedka Muqdisho xilli ay kusoo jeedeen Muqdisho, iyadoo illaa iyo hadda la la'yahay isaga iyo saddex qof oo ay wada-shaqeynayeen kuwaasoo ay haweeney ka mid ahayd. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
-
Shirkadda Hormuud Telecom oo Deeq Balaadhan Gaadhsiisay 6000 oo qoys oo kami d ah Dadkii ay abaaruhu ku Dheceen. July 22, 2011 Deeqdan ay maanta Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom ay bixisay ayaa waxay ka qaybisay Xerooyinka dadka barakacaaysha ee ku kala yaalla Gobolka Benaadir iyo Gobolka Sh/Hoose , halkaas oo maalinba maalinta ka danbaysa ay soo gaarayaan dad hor leh oo ay ka muuqato macluul iyo nafaqo daro iyadoo maalmahanba ay soconayaaen gurmadyada kala duwan ee loo samannayay daka tabaalaysan, ayaa shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom waxay gacan aad u wayn u fidisay dadkaasi tabaalaysan raashin ku fila n muddo bil ah 6000 oo qoyas , kaasi oo qoyskiiba loo qorsheeyay 25kg oo bariis ah iyo 4 litir oo saliid ah. Ayadoo mas’uuliyiin Ka socda shirkadda Hormuud ay joogeen xerayaha (Camps) raashinka laga qaybinayay. Ma aha markii u horaysay ee Shirkadda Isgaarsiinata Hormuud ay gacan ka gaysato dhibaatooyinka abaaraha , fataahadaha , iyo dhamaan masiibooyinkii dabiiciga ahaa ee ka dhacay dalka. Waxaa lagu xusuustaa Hormuud gurmadkii abaarihii 2006dii, fatahaadihii ka danabeeyay , iyadoo Shirkaddu Januray 2011, dhibaatooyinkii dhacay ku bixisay kharash dhan $ 500,000 (Shan boqol oo kun oo doller