Somalina

Nomads
  • Content Count

    7,672
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Somalina

  1. Taliyaha ciidamada Milateriga DKMG ah oo boqolaal askari tababar ugu soo xiray degmada Dhoobley Arbaco, July 27, 2011 (HOL) – Taliyaha ciidamada milateriga DKMG ah Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa maanta tababar ugu soo xiray degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose 600-askari, kuwaasoo dhameystay tababar ciidan muddo lix bilood ah uga socday. Munaasabadda tababarkan lagu soo xirayay ayaa waxaa goobjoog ka ahaa saraakiil u dhashay dalka Kenya, kuwaasoo la sheegay inay dhinaca tababarka iyo qalabka ka saacideen ciidamada maanta tababarka loosoo xiray. "Ciidamadan waxay ku biirayaan kuwa ku sugan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo si ay uga qaybqaataan dagaallada lagula jiro Xarrakatul Shabaab," ayuu yiri taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed. Jen. C/qaadir, wuxuu intaas ku daray in shacabka Soomaaliyeed ay dhawaan maqli doonaan warar ay ku farxaan, isagoo xusay in qorshahoodu yahay inay gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ay ka saaraan xoogagga Xarrakatul Shabaab ee ku sugan. Waa markii ugu horreysay oo Jen. C/qaadir Diini uu gobollada Jubbooyinka tababar ugu soo xiro ciidamo ka tirsan kuwa DKMG ah ee Soomaaliya, iyadoo Dhoobley oo tababarka lagu soo xiray ay ay ka talinayeen ciidammo taabacsan dowladda KMG ah bilihii lasoo dhaafay. Xarrakada Al-shabaab ayaa tan iyo markii lagala wareegay deegaanka Dhoobley waxay sheegaysay inay ka hortagi doonto weerar walba oo kaga yimaada ciidanka DKMG ah ee ku sugan Dhoobley oo ay saacidayso dowladda KMG ah. Dowladda Soomaaliya ayaa tan iyo sannakdii hore dadaal xooggan ugu jirta sidii ay dib gacanteeda ugu soo celin lahayd gobollada Koonfureed ee dalka oo ay labadii sano ee ugu dambeysay ka talinaysay Xarrakatul Shabaab. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  2. Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo kulan la yeeshay ururrada bulshada rayidka, kalana hadlay wada-shaqeyn dhexmarta Arbaco, July 27, 2011 (HOL) – Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya C/weli Maxamed Cali ayaa maanta kulan la yeeshay ururrada bulshada rayidka Soomaaliyeed, isagoo kala hadlay sidii ay u wada-shaqeyn u dhexmari lahayd dowladda iyo ururrada bulshada rayidka ah. Kulanka oo ka dhacay xafiiska ra'iisul wasaaraha ayaa waxaa hadallo badan isku dhaafsaday ra'iisul wasaaraha iyo xubnihii ka socday bulshada rayidka ah, iyagoo si aad ah iskula eegay sida ay iskula jaan-qaadi karaan, isla loo gargaari lahaa dadka ay abaaruhu soo barakiciyeen. "Talada lasoo jeediyay waa in la is-kaashado, la iskuna kaashado sidii barakaca wax looga qaban lahaa, barakaca la iska kaashanayo ma ahan mid ku siman bilo ee waa mid socon doona, waayo sanooyin badan roobab lama arkin," ayuu yiri C/qaadir Ibraahim Gacal (Abkow) oo u hadlay ururrada bulshada rayidka ah. Xubnihii ka socday bulshada rayidka ah ayaa waxay dowladda KMG ah ugu baaqeen inay dadaal u gasho sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka kusoo qulqulaya Muqdisho ee ay abaaruhu soo barakiciyeen. Ra'iisul wasaaraha Somaaaliya oo isaguna kulanka ka hadlay ayaa sheegay inay ka jawaabi doonaan talooyinka loosoo jeediyay oo dhan, isagoo xusay in dowladdu ay qaylo dhaan u dirtay beesha caalamka taasoo ku aaddan sidii gargaar loogu fidin lahaa shacabka abaaraha kusoo barakacaya. "Kulanka waxaa laga sheegay waa in la dadaalo - runtiina waan dadaalaynaa -waayo afartii bilood ee lasoo dhaafay DKMG ah waxay ku howlanayd sidii ay dadka gargaar ugu fidin lahayd, waxayna u dhistay kaamam ay dagaan," ayuu yiri C/weli Gaas. Sidoo kale, wuxuu sheegay in dowalddu ay sii-wadi doonto gargaarka ay shacabka u fidinayso iyadoo kaashanaysa ururrada bulshada rayidka ah iyo beesha caalamka, isagoo intaas ku daray inay sugayaan jawaabta caalamku ka bixiyo qaylo-dhaanta ay direen. "Waxaa laga dhawaaqjiyay in shacabka Soomaaliyeed 73% ay ku nool yihiin maalintii wax ka yar hal ama laba doollar, waana run taas. Runtiina dadkii dhibkaas ku jiray markii ay kusoo biiraan dad kale oo xoolihii ay kasoo dhamaadeen culeys weyn ayay ku tahay, waana waxyaabaha aan doonayno inaan wax ka qabanno," ayuu ra'iisul wasaaruhu hadalkiisa ku daray. Ugu dambeyn, C/weli Gaas wuxuu sheegay in ururrada bulshada rayidka ah looga baahan yahay inay si wanaagsan ula shaqeeyaan xukuumadda KMG ah. Kulankan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo dhexmara xukuumadda cusub iyo ururrada bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  3. Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo maanta booqday qaar ka mid ah xeryaha barakacayaasha ee Muqdisho Talaado, July 26, 2011 (HOL) – Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta booqasho ku tagay xeryo ay ku jiraan barakacayaashii abaaraha ee ku sugan Muqdisho, isagoo halkaas warbixnno uga dhageystay maamulka gobolka Banaadir. Dr. C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa ugu horreyn booqday xeryo ku taalla meel ku dhow garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, isagoo xeradaas lug ku dhexmaray, isla markaana xaaladahooda ka wareystay qoysaskii qoxootiga ahaa ee ku jiray. Intaa kaddib, ra'iisul wasaaraha iyo xubnaha booqashada ku wehliyay ayaa waxay sidoo kale tageen xero ku taalla xaruntii hore ee UNICEF ay ku lahayd Muqdisho oo degmada Waaberi ku yaalla, halkaasoo uu kula kulmay barakacayaashii ku jiray. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xero walba ka bixinayay faahfaahin. Iyadoo dadka ku jiray xeryaha uu ra'iisul wasaaruhu booqday ay ka muuqatay macluul aad u daran, balse waxay dadkaasi sheegeen inay noloshoodu aad uga wanaagsan tahay sidii hore. Ra'iisul wasaaraha ayaa booqday goob barakacayaasha cunnooyinka loogu kariyo isagoo sheegay in dowladda KMG ah ay dadaal ugu jirto sidii ay dadkan ku heli lahaayeen gargaar raashin iyo mid dawo. Booqashadan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo uu ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ku tago xeryaha barakacayaasha, iyadoo maalin walba ay soo gaarayaan Muqdisho barakacayaal cusub oo ka imaanaya gobollada koonfureed ee ee dalka. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  4. Ramadan mubarak kuligiin. Sakada hala badiyo sanadkaan, tell your mami, your papa, your sistah, your brothah, you neighbour, your co-worker, your gas station, your realtor. Shout it out loud, help masaakiinta. Wabilaahi Towfiiq
  5. General Duke;736084 wrote: What a speech, thanks Somalina.. Achievable and doable goals ayuu ka hadley, he's a man with a plan indeed!. I like "himilooyinka aan hiigsaneyno" part, i will use that on my next speech.
  6. Maxkamada ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya oo xukun ku riday askari saakay dil u geystay askari kale Isniin, July 25, 2011 (HOL) – Maxkamada ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya ayaa gallinkii dambe oo maanta Isniin ah ku riday xukun dil ah askari la sheegay inuu dil ugu geystay saakay askari kale afaafka hore ee Hotel Naasa-hablood II ee Muqdisho. Askariga xukunka lagu riday ayaa lagu magacaabaa Cabdi Kuus Cabdi iyadoo la sheegay inuu dilay askari kale oo lagu magacaabi jiray Xuseen Cabdi Yuusuf oo ay isla shaqeynayeen. Guddoomiyaha Maxkamada ciidamada DKMG ah G/sare Xasan Maxamed Xuseen oo la hadlay warbaahinta markii uu xukunku dhacay ayaa sheegay inay u cuskadeen sharciga Islaamka iyo xeerarka ciqaabta ciidamada. Xukunka dilka ah ee lagu riday askariga ayaa waxaa goobjoog ka ahaa saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda KMG ah, iyadoo askariga la xukumay ay ku marqaati kaceen askar kale oo goobjoog ka ahaa xiliga uu dilka geysanayay. Lama sheegin xiliga xukunka lagu fulinayo askariga la xukumay, wuxuuna qayb ka yahay asakar badan oo horay xukuno dil iyo xabsi ah ay maxkamada horay ugu riday, kuwaasoo qaarkood lagu fuliyay xukunka, halka kuwa kalena aan weli lagu filin. Askariga xukunka dilka ah lagu riday ayaa waxaa isla markiiba loo kexeeyay xabsiga dhexe ee Muqdisho, halkaasoo la sheegay inuu ku jiri doono inta xukunka dilka ah looga fulinayo. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  7. Wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Soomaaliya islamarkaana ah ra`iisal wasaare xigeen Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahim ayaa markii ugu horeysay ka qeybgalay shir ka dhacay magaalada Roma ee dalka Talyaaniga, kaas oo ay soo qaban-qaabisay hay`adda cuntada FAO. Shirkan uu wasiirku ka qeybgalay ayaa looga hadlayay arrimaha abaaraha geeska Afrika iyo sidii loo gar-gaari lahaa shacabka abaareysan ee ku dhaqan geeska Afrika. Wasiiro ka kala socda dalal dhowr ah ayuu la kulmay mudane Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahim, waxaana ka mid ah wasiiradaasi wasiirka beeraha (Agriculture) Fransiiska Bruno Le Maire. Waa shirkii ugu horeeyay ee heer caalami oo uu wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Soomaaliya ka qeybgalo.
  8. Hay`adda FAO oo Soomaaliya ugu yaboohday 120-milyan oo dollar Hay`adda cuntada FAO oo fadhigeedu yahay magaalada Roma ee dalka Talyaaniga ayaa maanta shir deg-deg ah ka yeeshay arrimaha abaaraha Geeska Afrika. Shirkan oo ka dhacay isla magaalada Roma islamarkaana Soomaaliya u matalayay wasiirka cusub ee arrimaha dibadda, ah r/wasaare xigeen mudane Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahim ayaa waxaa ay ka soo saareen qodobo ay ka mid yihii deeq Soomaaliya loogu yaboohayo. Deeqdan ayaa waxaa ay dhantahay 120-milyan oo dollar, waxaana lagula tacaalayaa arrimaha abaaraha Soomaaliya oo faraha ka baxay. Waxa ay sheegeen in abaaruha Soomaaliya xoogoodu ka jiraan gobolada Bakool iyo Shabeelaha Hoose, waxaa dadka ay saameeyeen abaarahaasi ku sheegeen in ay kor u dhaafayaan 3-milyan. Dalka Soomaaliya ayaa la sheegay in ay ugu daran tahay abaaraha ka jira geeska Afrika.
  9. Culumaa'udiinka Ahlusuna Wal-jamaaca oo xarun dadka lagu quudiyo ka furay Muqdisho Golaha sare ee culumaa'udiinka Ahlusuna Wal-jamaaca ayaa xarun dadka lagu quudiyo waxaa ay ka fureen magaalada Muqdisho, taasoo loogu magac daray xarunta quudinta Agoonta iyo Barakacayaasha, iyadoo xaruntaasi Muqdisho laga furay ay ka quutaan maalintii 700 oo Qoys, kuwaasi oo isugu jira Agooman iyo dadka ka soo barakacay abaaraha dalka ka jira. Goobtaasi dadka lagu quudiyo oo saxaafada lagu casuumay ayaa waxaa hadalo kala duwan ka jiidiyay masuuliyiin sarsare oo ka tirsan culumaa'udiinka Ahlusuna Wal-jamaaca,kuwaasoo ka warbixiyay ujeedada ay u fureen xaruntan cusub ee dadka lagu quudinayo. Ku simaha Gudoomiyaha Culumaa'udiinka Ahlusuna Wal-jamaaca ahna Afhayeenka Culumaa'udiinkaasi Sheekh C/qaadir Sheekh Maxamed Sheekh Soomow ayaa sheegay in ujeedada loo furay xaruntan cusb ay tahay ka jawaabidda baahida abaareed ee haatan ka jirta dalka Soomaaliya, taasoo uu sheegay in loo baahnyahay maanta in la samata bixiyo shacabka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan guud ahaan dalka Soomaaliya. "Anagoo ka jawaabeyna baahida shacabkeena tanina ay tahay bilowgii Ahlusna Wal-jamaaca,ayaan waxaan furnay xaruntaan halki maain ay ka quutaan 700 oo qoys" ayuu yiri Shiikh Soomow oo intaa ku daray in Culumaa'udiinka Ahlusuna Wal-jamaaca ay waqtiyada soo socda ka furi doonaan magaalada Muqdisho xarumo kale oo dadka dhibaateysan klagu quudinayo, isagoo sheegay inaan la kala sooceyn shacabka Soomaaliyeed ee dhibaateysan. Shiikh Soomow ayaa sheegay in xaruntan maalintii ay ku quudiyaan 700 o qoys, isagoo tilmaamay in xaruntan ay ugu talo galeen in ay ku quudiyaan agoomanka iyo dadka barakacayaasha ah, wuxuuna sheegay in xarunta dadka lagu quudiyo uu gacan ka geystay NGO-ga Roob. Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay gudoomiyaha Ansaaru-suna Wal-jamaaca Sheekh Suldaan Sheekh Aadan Macallin Sugow (Sheekh Suufi yare), kaasoo ugu horeyn baaq u diray Hey'adaha dowliga ah iyo kuwa aan dowliga ahey in ay kaalmo degdeg ah u fidiyaan shacabka Soomaaliyeed ee abaaraha ay saameeyeen, wuuxuna sidoo kale ka codsaday shacabka Soomaaliyeed inay u gargaaraan walaalahooda ku xoolo waayay abaaraha dalka ka jira. Sheekh Suufi yare ayaa sheegay in culumaa'udiinka Ahlsuna Wal-jamaaca ay qorsheeyeen in laba goob oo kale ay ka furayaan magaalada Muqdisho, kuwaasoo uu tilmaamay in lagu quudin doono dadka agoomanka ah iyo kuwa soo barakacay. Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay gudoomiyaha Ahlusuna Wal-jamaaca ee gobolka banaadir Sheekh Axmed sheekh Aadan dheere (Sheekh Axmed Shuqul) kaasoo sheegay in ay faraha ka baxday xaalada bani'aadanimo ee ka jirta dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay abaarta ka jirta Soomaaliya inay iminka mareyso mid aanay waxba ka qaban karin geeska Afrika ama Afrika, isagoo sheegay in xaalada abaareed ee Soomaaliya ay u taalo Q/midoobay iyo beesha caalamka. "Maanta wey dhaaftay xaalada abaareed ee ka jirta Soomaaliya inay wax ka qabtaan wadamada geeska Afrika ama wadamada kale ee Afrika,marka waxaan ugu baaqweynaa Beesha caalmak iyo Q.M in ay wax ka qabtaan xaaladaas, hadii qof Soomaali ah uu macluul iyo gaajo u dhinto maanta wixii ka damneeya waxaa masuuliyadeeda iska leh Q/midoobay " ayuu yiri Gudoomiyaha Ahlusuna ee gobolka Banaadir. Gudoomiyaha ayaa dhanka kale ku eedeeyay kooxda Al-shabaab inay masuul ka tahaya dhibaatada dalka ka jirta, isagoo sheegay in Al-shabaab ay dadka ka hor isataageen in gurmad la gaarsiiyo, wuxuna tilmaamay in Al-shabaab ay qatar ku yihiin nolosha dadka Soomaaliyeed ee xiligan abaaraha ku dhufteen.
  10. Djibouti, Arab World’s Most Expensive City Hiiraan Online Monday, July 25, 2011 By Abdullahi Jamaa Djibouti is ranked the most expensive city in the Muslim and Arab world as the cost of living in most of cities around the globe hits record high in recent years. According to an economic survey by Mercer, a global leader in human resource consulting, outsourcing and investment services, Djibouti and Khartoum are ranked among the top 50 most expensive cities in the world. “Two main factors determine a city’s ranking in Mercer’s Cost of Living survey: 1. the relative strength or weakness of the relevant currency against the US dollar over the prior 12 months; and 2. price movements over the prior 12 months compared to those in New York City as the base” indicated the survey that was done in March 2011. Djibouti’s ranking in cost of living is attributed to its skyrocketing rise in accommodation and housing expenses, raising the general cost of living for expatriates. According to Mercer, Tunis remains the least costly in the Arab region as the rankings of four Arab cities increased in 2011, while those of the remaining 16 cities dropped this year. The survey covers 214 cities across five continents and measures the comparative cost of over 200 items in each location, including housing, transport, food, clothing, household goods and entertainment. “It is the world’s most comprehensive cost of living survey and is designed to help multinational companies and governments determine compensation allowances for their expatriate employees” Mercer survey Top 10 ranked cities are dominated by Africa, Europe and Asia as Luanda in Angola remained the world’s most expensive city, and Karachi in Pakistan maintained its status as the least costly city globally. Nathalie Constantin-Métral, Senior Researcher at Mercer responsible for compiling the ranking each year, commented: ““During the period of data collection for this year’s survey the world witnessed an incredible number of natural disasters and political upheavals that have all affected the lives of expatriate employees to some extent. Currency fluctuations and the impact of inflation on goods and services – petrol in particular -have led to some reorganisation of the ranking,” “Overall, the cost of living in cities across Europe has remained relatively stable, while in Africa the picture is patchy with the limited availability of accommodation leading to increased living costs in some key cities". Said Ms Constantin-Métral.
  11. Hay'ad Islaami ah oo deeq raashin ah u qaybisay barakacayaasha ku sugan Magalada Muqdisho Isniin, July 25, 2011 (HOL) – Wafdi ay hay'ad fadhigeedu yahay dalka Suudaan oo lagu magacaabo Mandiqatul Dawa Al-Islamiyah ayaa ayaa gargaar raashin ah gaarsiiyay dadka ku jira xeryaha barakacayaasha ee ku jira magaalada Muqdisho. Dr. C/qaadir Muuse Yusuf (Al-Fake) oo ah wakiilka Bariga iyo geeska Afrika ee haya'dda ayaa sheegay in socdaalkooda uu yahay sidii ay gargaar u gaarsiin lahaayeen dadka dhibaateysan iyo sidii ay wax uga ogaan lahaayeen dadka ay abaaruhu ku habsadeen. Gargaarka raashinka ah oo ee ay hay'addu bixisay ayaa waxay ka koobnaayeen galley, bur iyo bariis, kuwaasoo ay ku deeqeen dad u dhashay dalka Qatar una soo wakiishay xafiiska Soomaaliya ee mandiqatul Al-dawa Al-Islamiyah Muqdisho. Deeqdan ayaa la gaarsiiyay 600-qoys kuwaasoo ka mid ahaa qoysaskii abaaraha awgood uga soo barakacay deegaannadii ay ku noolaayeen ee gobollada, Bay, iyo Shabeellada hoose. Mas'uulka hay'adda iyo qaar ka mid ah shaqaalaha Soomaaliyeed ayaa gargaarka si wadajir ah u garsiiyay qoysaskii loogu talogalay, iyadoo qoys walba uu nasiib u helay raashin culeyskiisu yahay 30-kg oo kala ahaa 10-kg oo galley ah, 10-kg oo bariis ah iyo 10-kg oo bur ah. Dr. C/qaadir Al-Fake oo u dhashay dalka Suudaan ayaa dhankiisa ka qaybinayay gargaarka la gaarsiinayay dadka dhibaateysan, isagoo inta badan gargaarka siiyay dadka aadka u daran ee ku jiray kaamamkii laga qaybiyay. "Dhibaatada haysata qoysaska barakacayaasha ah ma ahan mid fudud - waana mid u baahan in si deg-deg ah loogu gurmado si loo badbaadiyo boqolaalka caruurta iyo hooyooyinka ah ee xilligaan la il-daran gaajada iyo macluusha," ayuu yiri Dr. Al-Fake. Wakiilka hay'adda ayaa sidoo kale wuxuu baaq walaalnimo u diray muslimiinta caalamka, isagoo si gaar ah ugu mahad-celiyay muxsiniita dowladda Qadar oo suuro-gelisay in lacagtan sadaqada ah ee raashinka loogu iibiyay dadka ay abaaruhu saameynta ku yeesheen, isagoo ugu baaqay walaalaha carabta inay sidaasi si la mid ah ay ugu soo gurmadaan walaalahooda dhibaateysan ee Soomaaliyeed. ma aha markii ugu horeysay ee ay Manqdiqatul Dacwa Al-Islamiyah ay raashin sidan oo kale ah ka qaybiso kaamamka ay ku jiraan dadka barakacayaasha ah ee ku yaalla Muqdisho. Waxaana sidan oo kale ay gargaar uga qaybisay gobollada dalka qaarkood.
  12. Howlgallo lagu qabqabtay askar iyo qaar ka mid ah dhallinyarada darbi-jiifyada ah oo Muqdisho laga sameeyay Isniin, July 25, 2011 (HOL) – Howlgallo ay ciidamada booliiska DKMG ah maanta ka sameeyeen degmooyinka Waaberi, Xamar-jabab iyo Xamarweyne oo kawada tirsan degmooyinka ay dowladdu ka maamulaan Muqdisho ayaa waxay kusoo qabqabteen toddoba ruux oo isugu jira askar iyo darbi-jiifyo. Afhayeenka ciidanka booliiska Soomaaliyeed G/sare C/llaahi Xasan Bariise oo uga warbixiyay saxaafadda howlgallada ka billowday Muqdisho ayuu ku sheegay inay yihiin kuwo ammaanka lagu sugayo, isagoo xusay inay socon doonaan inta laga xaqiijinayo ammaanka. "Ciidamada howlgalka sameeyay waxay illaa hadda qabteen toddoba ruux oo isugu jira askar iyo dadka si-xun-u-noolka-ah ee darbi-jiifyada," ayuu yiri G/sare Bariise oo intaas ku daray in askarta la qabtay la weydiin doono xerada ay ka tirsan yihiin. Askarta la qabtay ayaa la sheegay in lagu qabtay hub ay magaalada dhexdeeda la marayeen iyadoo hubkiina lagala wareegay, waxaana howgalladani imaanayaan xilli uu maamulka gobolka Banaadir sheegay inuu sameynayo howgallo looga hortagayo hubka lagu dhex-sito magaalada Muqdisho. G/sare Bariise, wuxuu sheegay in haddii askarta la qabtay ay ka tirsanaan waayaan saldhig ciidan oo la yaqaan la horgeyn doono sharciga, haddiise ay noqdaan kuwo ka tirsan saldhig la ciqaabi doono. Ma uusan sheegin afhayeenka booliiska sida laga yeelayo dadka darbi-jiifyada ah ee ay qabteen, iyadoo la xusuusto in maxkamadda gobolka Banaadir ay dhawaan ku ridday dadka mukhaadaraadka isticmaala xukunno xabsiyo kala duwan. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Onilne maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  13. Olole dhaqaale loogu ururinayo dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu ku habsadeen oo lagu qabtay Kanada Isniin, July 25, 2011 (HOL) – Kummaan qof ayaa isugu soo ururay barxad weyn oo ku taalla bartamaha magaalada Ottawa ee dalka Kanada shalay, si loo ururiyaan dhaqaale lagu taageero dadka Soomaaliyeed ee ay macluushu ku habsatay. Iyadoo ololahan uu soo qabanqaabiyay urur lagu magacaabo Somali Relief Ottawa, dadka goobtaas isugu yimid waxaa ka mid ahaa dhallinyarada Soomaali-Kanadiyanka ah. Dhaqaalaha ololahan lagu ururiyay ayaa gaaray 25,000 oo doolar, waxaana lagu caawin doonaa dadka ay abaaruhu ku habsadeen, iyadoo lala kaashanayo ururro ka shaqeeya gudaha Soomaaliya, gaar ahaan goobaha ay abaaraha darani ku dhufteen. "Shucuurta dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kanada waa mid sare u kacday, intooda badan waxay qorsheynayaan inay bixiyaan dhaqaale ay ku taageeraaan walaalahooda u baahan gargaarka," ayaa laga sheegay goobta. Ururka Somalia Relief Ottawa ayaa todobaadkan dhammaadkiisa sameynaya olole kale oo uu dhaqaale ku ururinayo, wuxuuna qorsheynayaan in dhaqaalaha lagu saacidayo Soomaalida gudaha ku dhibaateysan la gaarsiiyo 35,000 oo dollar. idoo kale, waxaa ka mid ah dadka dhaqaalaha bixinayay murashaxa xisbiga NDP ee koonfurta Ottawa Weli Faarax oo Soomaali ah. Dhacdadan dhaqaalaha lagu ururinayay ayaa waxay soo jiidatay noocyada saxaafadda ka jirta Kanada sida: Telefishinnada CTV News, CBC TV, CBC Radio, University of Ottawa Radio iyo Ottawa Citizen. Wixii faahfaahin dheeraad ah fadlan kala xiriira Somali Relief Ottawa, idinkoo kala xiriiraya E-mailka ah: somalireliefottawa@gmail.com. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Onilne maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  14. indhaha faraha laga geliyaa trollkaan. lol
  15. Xaji Xanjo keliya ayaa iska soo xaadiriyey munaasabadan. :D
  16. AUN marxuumka, sabar iyo iimaan Ilaahey haka siiyo reerkiisa.
  17. Amir Praised For $100 Mln Aid KUWAIT CITY, July 21: Somalia, which is located in the Horn of Africa, has been experiencing the worst famine over the last two decades, says Arab Parliament Chairman MP Ali Al-Deqbasi. In a press statement Thursday, Al-Deqbasi described the current situation in the country as tragic, saying it is the most terrible human disaster in recent history. He praised HH the Amir Sheikh Sabah Al-Ahmad Al-Sabah for donating $100 million to Somalia and for his directive to Kuwait Red Crescent Society (KRCS) to prepare two airplanes to transport relief goods and medicines to help the people in that country. http://www.arabtimesonline.com/NewsDetails/tabid/96/smid/414/ArticleID/171709/reftab/36/Default.aspx
  18. KUWAIT- Kuwait pledges its commitment to coming to the aid of the people of Somalia at times of distress in the quickest way possible, Health Minister, Hilal Al-Sayer said Wednesday. Kuwait has been a staunch supporter of aiding troubled nations like Somalia under the guidance of His Highness the Amir Sheikh Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah, the minister said in a statement. Some two aid planes carrying 20 tonnes of food, medicine and tents are set to head out to Somalia in a days' time, he noted, commending Acting Premier and Defence Minister Sheikh Jaber Al-Mubarak Al-Hamad Al-Sabah, for his efforts in supervising a direct air route from Abdullah Al-Mubarak Military Airbase to the troubled African nation. The Kuwait Red Crescent was one of the first organisations to have acted swiftly to the distress calls, he emphasised. And, this aid will continue to arrive until living conditions for the drought victims are improved, he concluded. Kuwait has pledged USD 10 million in aid for the Somalian people, who are sufferring from malnutrition and famine as a result of the worst drought to have hit the nation in 10 years.
  19. Saturday, July 23, 2011 The Canadian government is pledging an additional $50 million in aid for famine-relief efforts in East Africa and urging Canadians to be generous in donations toward alleviating the growing humanitarian crisis in the region. The announcement came as the World Health Organization warned famine conditions are likely to spread to more areas of Somalia as militant groups refuse to allow aid agencies to operate in some of the hardest-hit parts of the country. Meanwhile, thousands of refugees continue to stream into camps in Ethiopia and Kenya, some walking for days or weeks to reach assistance. In addition to government funds, Ottawa will match any donations Canadians make individually to charities working on drought-relief efforts in the region. "I believe, I truly believe, that you cannot witness this type of suffering, this kind of situation without responding," said International Co-Operation Minister Bev Oda on a conference call from Kenya. "I believe Canadians should be proud of what our government is doing on their behalf and our responsibility as a government is to ensure that people will get the help they need." The minister is in eastern Africa to meet officials at the Dadaab camp in Kenya. The complex was originally built to hold around 90,000 people but the UN says it is now hosting over 380,000. Half of Canada's donation will go toward food aid through the World Food Program, while the other half will be for supplies, water and sanitation and also channelled through UN agencies. At the refugee camps, 7.5 million litres of water a day are being handed out, said Kevin McCort, president of CARE Canada, an arm of the international aid agency running the Dadaab camp. Throughout Kenya, the World Food Program is spending $9 million a month to feed about half a million people, he said. "When you're looking at 11 million people in urgent need and then many millions more that we hope never get to that, the $50 million is a good contribution," he said. Aid agencies had hoped Canada would give a minimum of $40 million. To date, Canada has contributed more than $70 million this year to humanitarian aid in East Africa. According to figures compiled by Oxfam Canada, the announcement on Friday makes Canada the second-largest donor, so far. "It sends a really clear signal to some of the international donors, such as Germany or France or Italy or even South Africa and China and other countries who should be stepping up to the plate and have not done so to the extent that they could," said Robert Fox, executive director of Oxfam Canada. The matching program is similar to one the government ran in response to the earthquake in Haiti, which raised more than $200 million. Each dollar Canadians give to a registered charity doing work in East Africa will be matched by the federal government through the East Africa drought relief fund. The program is retroactive to July 6 and will run until Sept. 16, after which the government will decide how to allocate the funds. There has been an increase in donations from Canadians over the last several days, said Fox. "The fact that the government is matching the contributions helps overcome a certain reticence, or a certain distance some people have in these situations because it is an added incentive," said Fox. International aid groups began sounding the alarm about food security in the Horn of Africa last year as severe drought began to afflict Somalia and parts of Kenya and Ethiopia. In Somalia, drought devolved into famine because the Somali government and many aid agencies are banned from areas under control of the military group al-Shabab. The Canadian Press, with files from The Associated Press
  20. Ra'iisul Wasaare Dr. C/wali Gaas oo Khudbad xasaasi u jeediyay Baarlamaanka Soomaaliya 23ka Luulyo 2011 Mudane Sharif Hassan Sheikh Aden Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Guddoomiye Ku xigeenadda Guddoomiyaha Baarlamaanka, Dhammaan Xildhibaanada sharafta leh,Ciidamada Amniga Bahda Saxaafadda Iyo Dhammaan marti sharafta goob jooga ah Dhammaantiin A Salaamu Aleykum Warahmatullah, Sharaf weyn bey ii tahay inaan maanta markale hortiina imaado annigoo gudanaya waajibaadka dastuuriga ah, si aan idiin kugu soo gudbiyo xubnaha aan u soo xulay inay ka mid noqdaan golaha wasiirada iyo barnaamijkii Xukuumadda, si aad uga gudataan waajibaadkiina dastuuriga ah. Sidaad la socotaan, marxalladda aan ku jirno waa mid aad u adag oo u baahan inaan si wada jir ah gacmaha isu qabsano isla markaana aan xilliga ku meel gaarka ah ku wada dhameysano sidii aan dalka u gaarsiin laheyn marxalad aad u wanaagsan. Shacabka Soomaaliyeed waxaa heysta macluul tii ugu xumeyd, barakacii shacabkana aad buu u baahay, saacaddan aan joogno waxaa macluul ugu geeriyoonaya caruur, waayeel iyo dumar, waana inaan u wada istaagno. Kooxaha ka soo horjeeda dowladda shacabkii bey ka hor-istaageen gurmadkii oo xaaladda jirta sii gelisey murugo hor leh. Sida aad ku aragtaan barnaamijka Xukuumadda cusub waa mid ka tarjumaya xaaladda dhabta ah, isla makaana ujeedooyinkeenu ay yihiin kuwo cad-cad, oo halbeeg lagu cabiro leh, ahna kuwa la fulin karo, oo macquul ah isla markaana ku kooban muddada 12ka bilood ah ee aan heysano. Xildhibaanada Sharafta leh, Arrimaha na horyaalla ee naga mudan mudnaanta koowaad waxaa ka mid ah arrimaha amniga, iyo dhameystirka dastuurka. Tani waxey noo wada sahleysaa inaan hiigsanno himiladeena oo ah in la horumariyo amniga isla markaana aan dhameystirno dastuurka. Xukuumaddan cusub waxaa ka go’an in lala yimaado ama lagu shaqeeyo si hufnaan, karti iyo tayo leh. Waxaa kaloo qorshaha ku jira maamul wanaag oo ay dhammaan hay’adaha dowliga ah ay ku shaqeeyaan, iyadoo la hagaajinayo toosinta dhaqaalaha, la dagaalanka musuqmaasuqa, dhowrista xaquuqul insaanka, gar-gaarka bani’aadanimo, dib-u-heshiisiin, adeegyada bulshada iyo sidii xiriir wanaagsan uu u dhexmari lahaa Dowladda Dhexe iyo dhammaan maamulada dalka ka jira. Arrimaha Horumarinta Amniga: Amniga waa aasaaska lagu dul dhisayo dhammaan waxqabadka dowladda. Xukuumaddu waxey sida ugu dhaqsiyaha badan ku dhameystiraysaa Qorshaha Nabadda iyo Xasilinta Qaranka. Waxaan xoojineynaa sidii hay’adaha amniga ay u noqon lahaayeen kuwo soo celiya sharaftii iyo karaamadii dalka. Xukuumaddu waxey dhameystiri doontaa howlgallada ay ciidamada dowladda ku soo celinayaan amnigii, kala danbeyntii iyo ku dhaqankii sharciga. Waxaan xoojineynaa dib-u-dhiska iyo dhameystirka dhismaha ciidamada qalabka sida, daryeelka iyo tayeynta ciidamada. Xukuumaddu waxey ka howlgeleysaa dhaqangelinta talo soo jeedintii Qaramada Midoobey ee arrimaha Xuquuqul Insaanka, tanoo dabo socotay warbixintii ay Dowladdu ka horjeedisay Qaramada Midoobey 3dii May 2011. Xukuumadda waxaa ka go’an Ilaalinta iyo dhowrista Xaquuqul Insaanka, gaar ahaan xuquuqda shacabka Soomaaliyeed. Xildhibaanada Sharafta leh, Dhameystirka Dastuurka: Xukuumadda cusub waxey ballanqaadeysaa in qabyo qoraalka Dastuurka la dhameystiro, si waddanka uga baxo Ku Meel Gaar-nimada oo loo helo dowlad rasmi ah. Sidoo kale waxaan ku dadaali doonaa dhameytirka howlaha KMG ah (transitional tasks). Xukuumaddu waxey si buuxda ula shaqeyn doontaa baarlamaanka gaar ahaan Guddiga baarlamaanka ee arrimaha dastuurka iyo guddiga madaxbannaan, waxeyna si joogta ah uga wada shaqeyn doonaan qorshe howleed qayaxan oo waqtiyeysan iyagoo kaashanaya beesha caalamka. Waxaa la diyaarin doonaa qorshihii wacyigelinta bulshada. Waxaan si rasmi ah u bilaabi doonaa dhameystirka dhammaan howlaha xilliga kala guurka ah ee uu Axdiga KMG ah na farayo, sida hindise sharciyeedka xisbiyo siyaasadeed, guddiyada qaranka, shuruucda garsoorka iyo dhammaan hindise sharciyeedyada uu Axdiga na farayo. Gar-gaarka Bani’aadanimo: Waxaan mudnaan gaar ah siin doonaa arrimaha gar-gaarka bani’aadanimo iyo sidii shacabka soomaaliyeed loogu heli lahaa gurmad deg-deg ah si loo badbaadiyo shacabka soomaaliyeed. Shacabka soomaaliyeed waxaa isagu darsoomay abaaro soo noqnoqday, roobabkii oo yaraaday, kooxaha nabad-diidka oo ka hor-istaagay gurmadkii iyo dagaallo joogta ah oo dhammaantood sababay in waddanku uu galo xaalad adag oo murugo leh. Xaaladda uu dalku maanta ku jiro waa tii ugu liidatay muddo 60 sano ah oo shacab badan ka barakacay guryahoodii. Waxaan aad ugu faraxsanahay in 3dii usbuuc ee ugu danbeysey dhammaan hay’adaha dastuuriga ah si xoog leh uga wada shaqeeyeen sidii shacabkaas loo gaari lahaa. Waxaa muhiim ah inaan sii labolaabno dadaaladaas oo ay ummadda soomaaliyeed isku tashato. Xildhibaanada sharafta leh, Dib-u-heshiisiin dhameystiran: Xukuumadda iyadoo ka duuleysa waajibaadkeeda qaran, waxey siyaasaddeedu tahay in xalka lagu raadiyo nidaam dib-u-heshiisiin dhameystiran. Xukuumaddu waxey soo dhoweyneysaa cid allaale iyo cidii doonaysa wada hadal iyo dib-u-heshiisiin. waxaa lama huraan ah in xal buuxa loo helo xaaladda Soomaaliya si wadajir ahna aynu u wada wajahno qaab kasta iyo talaabo kasta oo aynu dalkeena iyo dadkeena ku bad baadin karno. Xiriirka Maamulada: Xukuumadda iyadoo ka duuleysa waajibaadkeeda qaran, isla markaana fulineysa Axdiga KMG ah, waxaa ka go’an inay xiriir wanaagsan la yeelato dhammaan maamulada dalka ka jira. Waxaa waajib nagu ah inaan adeegyada bulshada gaarsiino dhammaan maamulada dalka, ha noqoto gar-gaarka bani’aadanimo ama mashaariicda horumarineed ee lagu horumarinayo adeegyada bulshada. Sidoo kale waxaa muhiim ah in la isku xiro dhammaan ururada bulshada rayidka ah iyo Dowladda FKMG ah. Xildhibaanada sharafta leh, Maamul wanaag: Xukuumadda waxaa udub-dhexaad u ah maamul wanaag iyo in howl walba oo la qabanayo lagu qabto si xoojineysa nidaamka, kordhineysana waxqabadka howlaha muhiimka ah ee na wada horyaalla. Waxaa la abuuri doonaa aqoonyahanno biirsaday, waxtar, hufnaan, iyo waayo-aragnimo oo leh karti maamul. Sidaas daraadeed xukuumaddu waxey hirgelin doontaa arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin: Dhismaha Hay’adaha Dowladda, sida Wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dawladda, gaar ahaan Garsoorka si loo xoojiyo tayada iyo waxqabadka garsoorka. Shacabku waxay naga sugayaan inaan u horseedno caddaalad, sinnaan iyo maamul wanaagsan oo shacabka siin kara kalsooni buuxda. Xiriirka Caalamka: Si waafaqsan qodobka 69-aad ee Axdiga KMG ah, xukuumadu waxay ku dadaali doontaa sidii dib loogu soo nooleyn lahaa doorkii Soomaaliya ku lahaan jirtey golayaasha caalamiga ah iyo xiriirkii wanaagsanaa ee ay la lahayd wadamada caalamka oo ay ugu horeeyaan kuwa deriska la ah Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ah ee adduunka. Xukuumaddu waxey ka qayb qaadan doontaa nabad ku wada noolaanshaha caalamka iyo la dagaalanka denbiilayaasha caalamiga ah sida argagixisada,iyo burcad-badeeda. Sidoo kale waxay xukuumadu xoojin doontaa xiriirka jaaliyadaha qurbo joogta Soomaaliyeed iyadoo laga faa’iideysan doono aqoontooda, kartidooda iyo macluumaadka wadamada ay degan yihiin. Musuqmaasuqa iyo Maamul xumada: Waxaan abuuri doonaa mudo 60 maalmood gudahood ah Guddiga la dagaalanka Musuqa iyo Ilaalinta hantida dadweynaha oo ku meel gaar ah, oo qorshahoodu yahay soo diyaarinta sharciyadii iyo dhisidii hay’ad qaran oo la dagaalanta musuqmaasuqa iyo maamul xumada. Xildhibaanada sharafta leh, Adeegyada Bulshada: Iyadoo la kaashanayo hay’adaha gar-gaarka iyo kuwa aan dowliga aheyn (NGOs) iyo maamulada dalka ka jira waxaa si hagar la’aan ah loo fulinayaa adeegyada bulshada, sida waxbarashada aasaasiga ah, caafimaadka, dayactirka waddooyinka iyo dhammaan howlaha adeegyada bulshada ee uu shacabku u baahanyahay, kuwaasoo shaqo u abuuri kara dhalinyarada. Xukuumaddu waxey dhiirigelin doontaa mashaariicda durbaba la fulin karo (quick impact projects) ee keeni kara in shacabka soomaaliyeed ay nolol ka abuurtaan, kuna helaan shaqooyin, gaar ahaan dhalinyada iyo dumarka. Si haddaba, qorshe howleedkani u meel maro waxaa lagama maarmaan ah in loo helo dhaqaalihii lagu fulin lahaa howlahan. Sidaas daraadeed, waxaan ugu baaqeynaa beesha caalamka inay kaalin mug leh ka qaataan sidii aan u hirgelin laheyn qorshahan. Xukuumadda waxey diyaar u tahay inay la timaado nidaam fur-furan, keeni karana isla xisaabtan dhameystiran. Beesha caalamka waxaan kaloo ka codsaneynaa inay si hagar la’aan ah noogala qeybqaataan la dagaallanka argagaxisada, bur-cad badeeda, macluusha, iyo arrimaha adeega bulshada oo ay taageero muuqata ka geystaan badbaadinta shacabka soomaaliyeed. Sidaas daraadeed, waxaan si xushmad leh idiin kaga codsanayaa idiinkuna dhiirigelinayaa inaan waqtiga yar ee aan heysano aan uga wada faa’iideysano si wadajir, midnimo, wada-noolaasho, isu dulqaad, is-faham, daacadnimo iyo ka gun gaarid himilooyinka aan hiigsaneyno ee ah inaan dalka ku soo dabaalno nabad waarta. Marxaladda adag ee dalku marayo waxaa waajib naga saaran yahay dhismaha Hay’ad fulin oo karti iyo aqoon leh si loo dhamaystiro habsami u socodka iyo hawl maalmeedka shaqada dawladda. Xildhibaanada sharafta leh, Ugu danbeyntii, waxaan kalsooni buuxda ku qabaa waqtigan adag ee aan ku jirno inaan si wadajir ah gacmaha is qabsano. Sidaas daraadeed, waxaan jeclaan lahaa in aan si xushmad iyo qadarin lehba idiinkaga codsado inaad xukuumadda cusub iyo barnaamikeedaba siisaan kalsoonidiina si aan u guda galno fulinta qorshe howleedka na wada horyaalla. Waxaan diyaar u ahay inaan saxo waxii dhaliilo ah ee jira, isla markaana aan soo dhoweynayo tallooyinka xildhibaanada sharafta leh. Ilaahoow Calanka, Dhulka Iyo Maatada Nooga Badbaadi Cadawga. Wassalaamu Calaykum Waraxmatullaah Wabarakaatuh.