Somalina
Nomads-
Content Count
7,672 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Somalina
-
Somali Government Says Al-Shabaab Withdraws From Mogadishu After Fighting By Hamsa Omar - Aug 6, 2011 1:02 AM ET Somalia’s government said al-Shabaab forces left the capital, Mogadishu, this morning following heavy overnight fighting. “We have been in the end of the last phase of clearing al- Shabaab out of Mogadishu,’’ Abdirahman Omar Osman, a spokesman for Somalia’s Western-backed government, said in a phone interview today from the city. Government forces “compelled them to leave Mogadishu.” President Sheikh Sharif Sheikh Ahmed’s administration is holding an emergency meeting to discuss the power vacuum left by the militia’s withdrawal, Osman said.
-
Xarakada Al-Shabaab ayaa habeenimo ka guureeyay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, iyadoo hal askari oo Shabaab ah aanu xilligan ku sugneyn Magaalada, sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo. Sida ay Shabakada Jowhar.com ku heshay xooraansi ay sameysay ayaa sheegaya in xalay abaarihii 2:30 ay ka baxeen Shabaab dhamaan deegaanadii iyo aagagii ay difaaca kaga jireen, waxaana ilaa iyo hada jirin war rasmi ah oo ku aadan sababaha ay uga baxeen. Warka ku saabsan ka bixitaanka Shabaab ee magaalada Muqdisho ayaa soo xoogeystay markii la gaaray salaadii subaxa, kadib markii dadka ay taleefano isugu sheegeen in Shabaab ka baxeen deegaanadii ay ku sugnaayeen. Qaar ka mid ah dadkii degenaa deegaanada Shabaabka ku sugnaayeen, sida Suuqa Xoolaha iyo Dayniile ayaa inoo xaqiijiyay in saldhigyadii Shabaab ay joogeen ay gebi ahaanba yihiin faaruq. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo ku sugan Suuqa Xoolaha ayaa u sheegay Wariyaha Jowhar.com in xalay saqdii dhexe ay maqlayeen gawaari guuxeysa oo raxan raxan ugu baxeysa dhinaca wadada aada Balcad. Sidoo kale dad degan Saldhiga Booliska Dayniile agagaarkiisa ayaa sheegay in Ciidamadii Shabaab ee ku sugnaa saldhiga ay isaga baxeen, isla markaan wixii alaab ah ay kaga rarteen baabuur, ayna u baxeen dhanka wadada aada Ceelasha iyo Afgooye. Warar xaga sirdoonka ayaa sheegaya in Dowladda KMG iyo AMISOM qorsheynayeen in 72-ka saac ee soo socda dagaalo saf ballaaran ku qaadaan goobaha Al-Shabaab ay kaga soo uruureen Magaalada Muqdisho. Goobaha Shabaabka faarujiyeen ee deegaanada waqooyiga iyo deegaanada kale ayaan wali Ciidamada Dowladda KMG ah aysan wali gaarin, hase ahaatee arrinta lama filaanka ayaa ah mid shakiyo kala duwan gelineysa Ciidamada, maadaama goobahaas dhufeysyo ballaaran uga qodan yihiin Al-Shabaab. Lama oga sababaha dhabta ah ay uga baxeen, hase ahaatee ka bixitaankooda ayaa ku soo aaday saacado yar kadib markii weeraro qorsheysan ay xalay dhowr jiho kaga qaadeen aagaga Ciidamada Dowladda ku sugnaayeen, inkastoo weerarkaas ahaa mid ku dhufo oo ka dhaqaaq ahaa oo aag kasta ku ekeeyeen. Ilaa iyo hada ma jirto war si rasmi ah uga soo baxay Dowladda KMG oo ku aadan ka bixitaanka Shabaab ee Muqdisho, waxaase aad hadal heynto tahay in dadka wali ay Taleefanada isugu sheegayeen xaaladaha soo kordhay, walina Idaacaduhu aanay soo gelin warkooda, si ay xogaha uga helaan. La soco wixii ku soo kordha daqiiqad kasta.
-
Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) ayaa sheegay inay guud ahaan Ciidamadooda iyo Saraakiishooda ay isaga baxeen Magaalada Muqdisho, kadib markii uu wareysi gaar ah siiyay Idaacada ku hadasha Afka Al-Shabaab. Cali Dheere ayaa sheegay in sababaha ay ugu baxeen Magaalada Muqdisho ay tahay si ay u badbaadiyaan nolosha dadka rayidka, isagoo tilmaamay in Ciidamada AMISOM ay adeegsadeen awoodoodii u dambeysay. "Waxaa saacadaha soo socda la arki doonaa howl galo cusub iyo qidad dagaal, luuq kasta iyo goob kasta, waxaan uga baxnay Magaalada Muqdisho in aanu shacabka badbaadino"ayuu yiri Cali Dheere oo intaa ku daray in qorshe cusub ay dajiyeen. Inkastoo Cali Dheere uu qiray in Ciidamadooda ay isaga baxeen magaalada Muqdisho, ayaa hadana warar la helayo waxay sheegayaan in sababaha Muqdisho uga baxeen ay la xiriirtay kulamo is daba joog ah oo ay ku lahaayeen degmada Balcad, kaas oo ka soo baxay in Muqdisho la faarujiyo. Kulanka Hogaanka sare Xarakada Al-Shabaab uga socday muddo bil ah degmada Balcad ayaa ahaa mid dhaliyay khilaaf iyo xiisad weyn oo la tilmaamay in kala aragti duwanaanshihii saraakiisha Shabaab ka soo if baxday. Idaacada ku hadasha Afka Shabaab ayaa lagu sheegay in waji cusub uu galay dagaalada, isla markaana Saraakiisha ugu sareysa dhinaca howl galada dagaalada ay dajiyeen istiraatiijiyad cusub oo ay ku tilmaameen inay ku naafeynayaan Cadawga. Dadka reer Muqdisho ayaa si aad ah u hadal haya saaka ka bixitaanka goobaha Shabaabka ka baxeen xalay saqdii dhexe, Idaacadaha Muqdisho ayaa tabinaya warar ku aadan habkii ay uga baxeen Shabaab, iyadoo gebi ahaanba ay haawaneyso goobihii saldhiga u ahaa. Goobaha xusida mudan ee ay ka baxeen Shabaab ayaa waxaa ka mid ah degmooyinka Kaaraan, C/casiis, Shibis, Dayniile, Yaaqshiid iyo Huriwaa, waxaana qeybo ka mid ah degmooyinka qaar ahaayeen kuwo aagag ah oo dhinacyada iska soo horjeeda ay iskula jireen, marka laga reebo degmooyinka Huriwaa iyo Kaaraan.
-
Mogadisho is free from Al Shabaab. Allahu Akbar.
-
Sabti, Agoosto 06, 2011 (HOL) - Ka dib dagaalo xalay saqdii dhexe ka dhacay magaalada Moqdisho ayaa sababay in xakada Al-Shabaab ay ciidamadeedii kala baxdo magaalada Moqdishu halkaas labadii sanno ee ugu dambeysay ay gacanta ku haayeen. Af-hayeenka Al-Shabaab Shiikh Cali Maxamuud Raage (Shiikh Cali Dheere) ayaa ka sheegay idaacadda Andulus ee ku hadasha Afka Al -Shabaab in Ciidamdoodii iyo saraakiishoodii ay kala bexen magaalad Moqdishu oo dhan isaga oo sheega in ay beddedleen qorshohoodii dagaal ee magaalada Moqdishu. "Sababaha aan uga baxnay Moqdishu aayaa ah in aan badbaadino nolosha dad badan oo masaakiin ah. Waxaa saacadaha soo socda la arkidoonaa howlgalo ka dhan ah dowladda iyo AMISOM oo aan ka fulidoono magaalada Moqdishu" ayuu yiri Sheikh Cali Dheere Af-hayeenka wuxuu intaas ku daray in ciidamada AMISOM ay isticmaaleen awoodohoodii ugu dambeysay ayugan ay go'aan sadeen in ay magaalada ka baxaan. Degmooyinka Shabaab ka bexeen ayaa waxaa ka mid ah Degmada Hurewaa, Kaaraan, Yaaqshid iyo qaybo ka tirsan Cabdulcasiis, Shibis iyo Hawlwadaag. Ciidamada Dowladda ayaa waxay hadda si toos ah ugu sugan yihiin Suuqa Bakaarah oo dhan, Wadada warshadaha, Isbartiibada oo saldhig u ahayd Al-shabaab ayaga ku sii socda degmooyinka ay Shabaab ka bexeen. Xaafadda Suuqa xoolaha ee degmada Huriwaa ayaa waxaa saakay isugu soo baxay boqolaad dad ah oo la yaaban isbedelka dhacay iyo sababaha ay Shabaab uga bexeen deegaanada ay labadii sanno ee ugu dambeysa ay gacanta ku haayeen. Ciidamada Al-shabaab ee isaga baxay Moqdishu ayaa waxay ku sii jeedaan gobolada Shabeelada Hoose iyo Sheabeelada dhexe. Lama oga talaabada xigta ay dowladda qaadidoonto. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
-
My people are daying.. I can do nothing but pray...
Somalina replied to General Duke's topic in General
U soo duceeya walaalaheena dhibaateysan. Waxaad u qaban kartaan u qabta. Thank you Jenerale for the reminder. You're a great human being bro! MashaAllah. -
Thank God for the long weekend. Alhamdulilah my first day went well. I didn't bother with suxur, didn't regret it either but I think I will eat something tonight in order to combat the long and stressful day tomorrow.
-
Sudan says ready to provide assistance for famine-hit Somalia Monday, August 01, 2011 Khartoum, Sudan (Xinhua) - Sudan said Monday it was ready to provide assistance for Somalia, which is facing grinding famine due to violence and drought, Xinhua reported. Sudanese President Omar al-Bashir and Somali President Sheikh Sharif Sheikh Ahmed on Monday held talks in Khartoum, focusing on the general situations in Somalia and the region and means of cooperation. "The main purpose of the visit is to discuss the drought which caused the famine in Somalia and the means of assistance which Sudan can provide for its brothers in this respect," the Somali president said. "Sudan has declared its readiness to provide the assistance and President al-Bashir has reiterated Sudan's permanent readiness to stand with Somalia," he added, commending Sudan's supportive stances to Somalia. The Somali president described the Arab and African stance towards supporting Somalia in the famine as "good but not coordinated," pointing out that he reviewed with President al- Bashir how to coordinate the efforts in this connection, the report said. The Somali president arrived in Khartoum on Monday accompanied by a number of ministers and officials. His visit would last for two days during which he would hold talks on the means of cooperation between the two countries. Source: Xinhua
-
Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Monday, August 01, 2011 Addis Ababa, Ethiopia Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed ayaa la kulmay maanta Raisul Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi. Labada masuul ayaa waxeey ka wada hadleen abaaraha baaxada weyn ee ka jira Soomaaliya iyo sida xun ay Al-Shabaab/Al-Qaeda ay uga soo horjeesteen in shacabka gaargaar loo fidiyo. Madaxweyna ayaa u sheegay Raisul Wasaaraha in qaxooti aad u farabadan ay saacad walba usoo gudbaan xuduudaha ay Soomaaliya la leedahay Itoobiya iyo Kenya.Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ka codsaday in ay dowladda Itoobiya kaalmeeyso shacabkaas kasoo qaxay Al-Shabaab/Al-Qaeda. Raisul Wasaaraha ayaa u sheegay Madaxweynaha in ay Itoobiya marwalba ay garab taagantahay Soomaaliya lana wadaagay Madaxweynaha waayo arragnimo ay u leedahay Itoobiya xagga abaaraha. Sidoo kalena sheegay in ay Itoobiya ka saacideyso dhanka logistical ka iyo sidii ay ugu qeybqaadan laheeyd gargaar la gaarsiiyo xuduudaha Soomaaliya iyo gudaha Soomaaliya. Dhinaca kale labada Masuul ayaa ka hadlay amniga Geeska Africa iyo sida ay muhiim u tahay in Soomaaliya loo helo xal nabadeed iyada oo la og yahay in ay Soomaaliya hada Al-Shabaab/ Al-Qaeda iyo Abaara xun ay ka jiraan, taasna ay u gudbi karto dhamaan Geeska Afrika. Madaxweynaha ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyo Raisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka arimaha dibadda Mudane Maxamed Maxmuud Xaaji Ibrahim,Wasiirada Haweenka iyo qoyska Marwa Maryan Aweys,iyo Wasiirkiii hore ee hawlaha guud iyo Dib u dhiska Mudane Cabdi Rashiid Khallif Xaashi.
-
Isniin, Ogoosto 01, 2011 (HOL) – Hay'adda FERO oo ka mid ah NGO-yada maxaliga ah ee ka howlgala gudaha dalka Soomaaliya ayaa qalab casri ah oo lagu nadiifiyo biyaha u qaybiyay qoysaska barakacayaal ah oo ku jira 25 kaam oo ku yaalla Muqdisho, iyadoo qalabkan ay nasiib u yeesheen inay helaan 500-qoys. Qalbkan lagu nadiifiyo biyaha ayaa waxaa shaqaalaha FERO ay bareen sida loo istimcaalo qoysaskii ay u qaybiyeen, kaasoo wax wey ka tari doona sidii ay dadkaas u cabi lahaayeen biyo nadiif ah, ayna uga badbaadi lahaayeen inay ku dhacaan cudurrada ka dhasha biyaha wasaqeysan. Wakiilka NGO-ga Feero Qaasim Maxamed Aadan oo qalabkan qabiyay ayaa sheegay in haweenka qoysaskan la siin doono tababarro dheeraad ah oo ku saabsan habka ugu wanaagsan ee qalabkan loo isticmaalo. "Waxaan idinku boorrinaynaa inaad biyo nadiif ah soo saarataan kuwaasoo ay caruurta iyo dadka waaweyn cabaan," ayuu yiri wakiilka FERO oo intaas ku daray: "Biyo sifeysan oo aad soo marsiiseen biyo sifeyaha la idin siiyay waxaad ka helaysaa biyo nadiif ah oo caafimaad ahaan wanaagsan, tubada ku taalla qalabka ayaadna goor walba ka cabaysaan." Sheekh Muqtaar oo ka socday mid ka mid ah 25-kaam ee loo qaybiyay qalabka biyaha lagu nadiifiyo ayaa ku tilmaamay qalabka ay FERO u qaybisay mid faa’iido badan u leh qoysaska barakacayaasha ah, isagoo xusay inay tahay mid dhinaca caafimaadka ka saacidaysa qoysaska la siiyay. Madaxda FERO ayaa sheegay in qoyskiiba la siiyay hal biyo sifeeye, hal caag oo 20-liitar qaad ah iyo iyo 12-saabuun, isagoo sidoo kale sheegay in 3,176 jirgaamo, saabuun iyo kalooriin ah ay u qaybiyeen barakacayaasha. "Werwerka laga qabo cudurrada biyaha wasaqeysan ka dhasha awgood ayay FERO qalabka ugu qaybisay 500-qoys ee ku jira 25-ka kaam, si ay u helaan biyo nadiif ah oo ay cabaan, waxaana dadka ku boorrinay inay ku dadaalaan nadaafadda biyaha," ayuu yiri madaxa hay'adda FERO. Dhinaca kale, baahida ugu weyn isla markaana ugu muhiimsan ee ay qabaan barakacayaasha ku jira kaamamka Muqdisho ayaa ah helitaanka biyo nadiif ah oo ay cabaan.
-
Xarun cusub oo Maxkamada ciidamada qalabka sida oo laga furay goobaha dagaalka ee Muqdisho Muqdisho (RBC Radio) Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowlada KMG Soomaaliya ayaa maanta xarun ka furatay goobihii ay la wareegeen ciidamada dowlada KMG Soomaaliya oo ay ka qabsadeen xoogaga Al-Shabaab. Gudoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowlada KMG Soomaaliya Xasan Maxamed Xuseen ayaa sheegay in maxkamadaan laga furay goobaha ay xiligaan ku suganyihiin. Xasan Maxamed Xuseen ayaa sheegay in maxkamadaan la saari doono askari kasta oo lagu arko asagoo dhibaataynaya shacabka Soomaaliyeed. Gudoomiyaha ayaa sheegay in maxkamadaan loogu talagaya in ciidamada dowlada KMG Soomaaliya aysan wax dhibaato ah u geesan shacabka Soomaaliyeed Hadalkaan ayaa waxa uu imaanayaa xili ciidamada dowlada KMG Soomaaliya Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay goobo badan ka qabsadeen xoogaga Al-Shabaab.
-
Madaxweyne Shariif oo booqday dhaawacyada ku jira Isbitaalka Xalane Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa booqasho ku tagay Isbitaalka Xalane, halkaas oo ay ku jiraan dhaawacyo dad rayid ah iyo Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM ee ku soo dhaawacmay dagaalada. Madaxweynaha ayaa deeq lacageed gudoonsiiyay Bukaanada Isbitaalka ku jiro, sidoo kale waxaa uu booqday Xarun ay leeyihiin Ciidamada Nabad ilaalinta ee ka socda Brundi, oo saraakiishooda la kulmay. Booqashada ayaa Madaxweynaha waxaa kula wehliyay Ra'iisul wasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhiga Xuseen Carab Ciise iyo Taliyaha Ciidamada Milateriga Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini. Madaxweyne Shariif ayaa la kulmay Taliye xigeenka labaad ee Ciidamada AMISOM oo ay ka wada hadleen xaaladaha ammaanka iyo howl galada socda, waxaana sidoo kale isla soo qaadeen xaaladaha abaaraha iyo sida dadka wax looga qaban karo. Hadal uu Madaxweynaha halkaas saxaafada ku siiyay ayuu sheegay in in Al-Shabaab iyo Al-Qaacida aysan dadka u ogoleyn wax nolol ah, isagoo ugu baaqay shacabka inay garab istaagaan Ciidamada Dowladda. "Waa in shacabka ay hal meel uga soo wada jeestaan Kooxahaas, dalka dhibaatada ku haya, Al-Qaacida iyo Al-Shabaab dadka uma ogola inay nolaadaa, sidaas darteed waxaa lagama maarmaan ah in dalka laga xoreeyo"ayuu yiri Madaxweyne Shariif oo mar kale ku celiyay in howl galadii Ammaanka ay dib u bilowdeen ilaa laga ciribtiro Al-Shabaab aanu joogsan doonin. Madaxweynaha oo xirnaa dareyska Milateriga ayaa booqashada uu ku tagay Xarunta Xalane oo ah taliska ugu weyn ee looga arrimiyo Howl galka AMISOM ayaa ku soo beegmeysa xilli dagaalo culus ay ka socdaan maalintii 3aad Magaalada Muqdisho.
-
Madaxweyne Shariif oo la kulmay dhigiisa dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta kula kulmay Magaalada Jabuuti Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, iyadoo kulankan uu ka dhacay Qasiriga Madaxtooyada. War saxaafadeed ka soo baxaday Xafiiska Madaxtooyada Villa Somalia ayaa lagu sheegay in kulanka Labada Madaxweyne diirada lagu soo saaray arrimaha ammaanka, siyaasada iyo abaaraha. Madaxweyne Shariif oo kulanka kadib saxaafada kula hadlay Jabuuti ayaa sheegay in Madaxweynaha Jabuuti ay ka wada hadleen xiriirka labada dal, ammaanka, iyo arrimaha bani'aadanimada sidii wax looga qaban lahaa. Waxaa uu uga mahad celiyay Dowladda Jabuuti sida ay had iyo jeer u garab taagan yihiin Dowladda Soomaaliyed. Madaxweyne Shariif ayaa sidoo kale waxaa uu ugu hambalyeeyay shacabka Jabuuti iyo Madaxweynahooda bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan.
-
Mabruuk Macruuf! noqda kuwii isku waara oo waalidkooda iyo wadankooda wax u tara. Wiil iyo caano, gabar iyo Farmaajo walaalkiis.
-
Sabti, July 30, 2011 (HOL) – Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya C/weli Maxamed Cali ayaa maanta magacaabay hay'adda maareynta musiibooyinka Qaranka, iyadoo hay'addan sheegay inay wax ka qabanayso qulqulka barakacyaasha ka imaanaya gobollada dalka ee ay abaaruhu ku dhufteen. Qoraal kasoo baxay xafiiska ra'iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay in hay'addan sameynteeda ay ku timid talo-soo-jeedin ka timid guddigii abaaraha Qaranka ee heer wasiirka ahaa iyo qiimeyn uu ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ku sameeyay xaaladaha abaareed ee dalka ka taagan. Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay inuu go'aamiyay howlgelin ha'yaddan uu u magacaabay shaqsiyaad sumcad ku leh bulshada dhexdeeda, sidoo kalena leh karti, aqoon iyo waayo-aragnimo ay ku fulin karaan howsha loo magacaabay. Xubnaha loo magacaabay ha'yaddan ayaa waxay kala yihiin: 1. C/llaahi Maxamed Shirwac - Madaxa Hay'adda 2. Jamaal Maxamed Barrow - Ku-xigeenka Barnaamijyada 3. C/xakiin Axmed Guuleed - Ku xigeenka Maamulka 4. Cali C/raxmaan Axmed - Madaxa Saadka Hay'addan ayaa la sheegay inay tahay mid madax-bannaan oo loogu talogalay inay maareyso musiibooyinka ay ka mid yihiin abaaraha, qulqulka barakacayaasha iyo musiibooyinka kale. Ugu dambeyn, ra'iisul wasaaraha Soomaaliya C/weli Gaas ayaa guddiga uu hay'adda maareynta musiibooyinka kula dardaarmay inay si wanaagsan howlahooda u gutaan, isgaoo u rajeeyay howl gudasho wacan. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
-
Axad, July 31, 2011 (HOL) – Wariye Faysal Maxamed Xasan (Boston) oo Hiiraan Online uga soo warrama Puntland ayaa maanta oo Axad ah laga sii-daayay xabsiga Boosaaso, kaddib markii uu cafis u fidiyay madaxweynaha Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole. Faysal Boston oo la hadlay HOL ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay sii-dayntiisa, wuxuuna xusay in cafis madaxweyne uu kusoo baxay, haatanna uu la joogo wiil curadkiisa ah oo dhashay intii uu xabsiga ku jiray. "Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan dib xorriyadeyda u helo, 33-kii maalmood ee aan ku jiray xabsiga waxay ii ahayd maalmo mugdi ah," ayuu yiri Faysal oo qoslaya, isagoo sheegay inuu u mahadcelinayo cid walba oo gacan ka geysatay inuu dib u helo xorriyadiisa, gaar ahaan wuxuu mahad u celiyay maamulka Puntland, shaqaalaha HOL iyo ururrada saxafiyiinta gudaha iyo dibadda. Sidoo kale, wuxuu sheegay in intii uu xabsiga ku jiray uu maqli jiray inay dadaallo lagu sii-daynayo ay wadeen maamulka Hiiraan Online, ururrada suxufiyiinta, isagoo si gaar ah u xusay hay'adda difaaca suxufiyiinta dunida ee CPJ. Wariye Faysal Boston ayaa waxay booliiska Puntland xabsiga u taxaabeen 28-kii Juun, iyadoo bishan labadeediina ay maxkamadda darajada koowaad ku xukuntay hal sano oo xabsi ah, kaddib markii lagu eedeeyay inuu baahiyay war aan sax ahayn, balse maanta ayuu nasiib-wanaag dib u helay xorriyadiisa. "Cid walba oo gacan ka geysatay sii-dayntayda aad ayaan ugu mahadcelinayaa, maantana xor ayaan ahay," ayuu yiri wariye Faysal Boston oo sheegay inuu howlihiisa sii wadan doono. Maamulka Hiiraan Online iyo wariyeyaasha ayaa aad u soo dhaweeyay sii-daynta Wariye Faysal Boton, iyagoo u rajeeyay shaqo wacan. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
-
General Duke;737033 wrote: ^^^No the Mugged ones sent a high level delgation of elders and merchants to beg Somalinimo in Garowe, what happened to Somalilandnimo and the British Royal Navy? It's just shows that Xaji Xanjo and Co are out of touch of how things actually work back home. Odeyaasha didn't need SL passport to cross the imaginary border to Garowe
-
Diyaaraddii ugu horreysay oo WFP ay gargaar ku geyso Soomaaliya oo ka dagtay garoonka diyaaradaha Muqdisho Arbaco, July 27, 2011 (HOL) – Diyaaraddii koowaad oo WFP ay gargaar hawada ah ku geynayso Soomaaliya ayaa 4:00 galabnimo ee maanta cago-dhigatay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, waxaana diyaaraddan ay hordhac u tahay diyaarado kale oo gargaar kala duwan geyn doona Muqdisho maalmaha soo socda. Gargaarka ay waddo diyaaradda ayaa waxaa ka mid ah raashin nafaqeysan, raashin caadi ah, teendhooyin, bustayaal iyo maacuun, waxaana lagu wadaa in gargaarkan la gaarsiiyo barakacayaasha abaaraha ee ku jira xeryaha ku yaalla Muqdisho. Agaasimaha barnaamijka cunnada adduunka ee WFP Jesette Sheeran ayaa horay u sheegtay in gargaarka ay duulimaadka ku gaarsiinayaan Muqdisho uu yahay mid ay ugu talogaleen in si dhaqso ah loogu caawiyo barakacayaasha abaaraha ee aadka u itaalka daran. "Xaaladda ay ku nool yihiin shacabka Soomaaliyeed ee kasoo barakacaya abaaraha waa mid aad u daran, taas ayaana keentay inaan gargaar dhinaca hawada ah u dirno Soomaaliya," ayay tiri Sheeran oo wariyeyaal la hadlaysay. Gargaarkan ayaa laga soo duuliyay dalka Kenya, wuxuuna jawaab u yahay codsiyo ay dowladdu horay ugu dirtay hay'adaha gargaarka, iyadoo dhawaan diyaarado sida gargaar ay ku deeqday dowladda Kuwait ay kasoo dageen garoonka Muqdisho. Dhanka kale, saakay waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho kasoo dagtay diyaarad kale oo wadday mucaawino, taasoo ay keentay hay'adda Concern, waxaana gargaarka ku jiray raashin loogu talogalay in haweenka iyo caruurta macluulsan lagu nafaqeeyo. Hay'adda WFP ayaa ka mid ah hay'adaha ay Xarrakatul Shabaab horay uga joojisay inay ka shaqeyaan gobollada ay ka taliyaan, balse agaasimaha hay'adda waxay sheegtay inay gargaarka gaarsiin doonaan dadka ku dhibaarteysan gobollada ay ka taliso Al-shabaab iyadoo adeegsanaysa ururro gargaar oo maxalli ah. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
-
British Office Somalia Upper Hill Road PO Box 30465-00100 Communications Section Telephone: (254) (0) 20 2844 000 Direct dial: (254) (0) 20 2844 292 www.ukinkenya.fco.gov.uk 11 May 2011 “The British Foreign Secretary, William Hague, today announced his intention to reopen a British Embassy in Somalia as soon as local conditions permit. “The Foreign Secretary’s announcement reflects the strategic importance of Somalia for regional stability and the fight against terrorism and piracy. It also reflects the United Kingdom’s commitment to support the development of a stable and secure country for the people of Somalia. “Over the last 12 months, the UK Government has significantly increased its engagement with Somalia. In May 2010 a UK Senior Representative for Somalia was appointed. In February 2011 the British International Development Secretary, Andrew Mitchell, announced a tripling of aid to Somalia. The UK has established a British Office for Somalia based in the British High Commission, Nairobi. This Office coordinates the work of over 30 staff from the UK’s Department for International Development, Foreign and Commonwealth Office, Stabilisation Unit and Ministry of Defence. “The establishment of a British Embassy is the next logical step in intensifying our efforts to help bring peace and stability to Somalia, but due to the complex political and security situation there will need to be significant improvements before an Embassy can reopen. The British Office for Somalia will continue to lead on the UK’s engagement with Somalia until conditions allow for the establishment of the Embassy.” For further details on this please contact Abdilatif Maalim, Mobile No; +254723040125 Telephone; +254202844292 Emai:l Abdlatif.Maalim@fco.gov.uk
-
General Duke;737038 wrote: ^^^XX you are losing your cool now. The British stated they will open an embassy when Mogadishu is secure, they did not say they will ever open an embassy in Hargaysa regardless. Their maps, press releases and country profiles have Hargaysa inside Somalia, part of Somalia with Mogadishu as its capital.. Outch