wacdaraha_aduunka

Nomads
  • Content Count

    681
  • Joined

  • Last visited

Posts posted by wacdaraha_aduunka


  1. Yaa Bixiyey Amarkii Joojinta Xuska 18 May ee Jabuuti?

     

    Xukuumadda Somaliland oo afka ka xidhatay guuldarrada siyaasadeed ee soo wajahday

     

    Jabuuti (Jam)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa la xaqiijiyey in ay si cad u horjoogsatay xaflad lagu maamuusayey xuska sannad-guurada 18aad ee ka soo wareegtay madaxbannaanida Somaliland oo 18 May 2009 lagu qaban lahaa caasimadda dalkaas ee Jabuuti.

     

    Xafladdaas oo ahayd tii ugu horreysay nooceeda ee ay soo qabanqaabiyaan jaaliyadda reer Somaliland eek u nool dalka Jabuuti, ayaa waxa si badheedha ah oo aan gabbasho lahayn qabashadeeda u diiday Wasiirka Arrimaha Gudaha xukuumadda Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, kadib markii uu amar ku bixiyey in la rafaco goobtii xafladda loo diyaariyey isagoo ku andacooday in aanay habayaraatee oggoleyn in waddankooda loogu dabbaaldego dal aan jirin oon dunidu aqoonsanayn.

    Tallaabadda dawladda Jabuuti ku horjoogsaday xuska maalinta qarannimada Somaliland ee 18 May, waxa ay weji-gabax siyaasadeed oo weyn ku tahay xukuumadda Madaxweyne Rayaale ee albaabada u ballaqday taageerada iyo soo dhoweynta maamulka Ismaaciil Cumar Geelle oo rumaysan yahay inuu calanka u sido madaxda Afrikaanka ee calooshu ka xannuunto marka la soo qaado madaxbannaanida Somaliland.

     

    Xafladda saqiirtay ayaa sida ilo xogogaal ah Jamhuuriya u xaqiijiyeen waxa qabanqaabada iyo maalgelinteedaba gacan ka geysteen ganacsatada waaweyn ee reer Jabuuti ee u dhashay Somaliland iyo xataa xaaska Madaxweyne Geelle oo ballanqaaday bixinta kharashka sharaabka iyo fannaaniinta ka heesaya munaasibadda dabbaaldegga 18 May.

     

    Haseyeeshee, sida ilahaasi tibaaxeen waxa qorshahaas dhicisoobay, kadib markii habeennimadii 19 May oo qabashada xafladdu qorshaynayd si lama filaan ah madasha loo diyaariyey xuska u tegay Wasiirka Daakhiliga Jabuuti Mr.Yaasiin Cilmi Buux oo waqtigaas ka soo laabtay shir golaha xukuumadda Madaxweyne Geelle dhawr casho uga socday magaalo ku yaal dhulka qaboobaha ee dalkaas, amarna ku bixiyey in la joojiyo xafladda oo uu sheegay in aan dawladdiisu oggoleyn qabashadeeda, arrintaas oo dhalisay buuq iyo gadood jaaliyadda Somaliland ee madasha joogay kala hortageen wasiirka, balse ku adkaystay go’aankiisa, sidaana lagu kala dareeriyey ka qaybgalayaasha oo wejiyadooda ka muuqdeen cadho iyo yaxyax aanay filayn.

     

    Xukuumadda Somaliland ayaan ilaa hadda ka hadal oo afka ka xidhatay tallaabada dawladda Jabuuti ku horjoogsatay xuskii 18 May ee maalinta qarannimada Somaliland, isagoo Madaxweyne Rayaale mar walba ku celceliyo in dawladda Jabuuti tahay saaxiibka koowaad ee Somaliland , isla markaana labada xukuumadood kaa saxeexdeen heshiis diblomaasiyadeed oo ku saabsan dhinacyada siyaasadda, ammaanka iyo ganacsiga, waxaanay dhacdadani daaha ka fayday colaadda iyo naxliga huursan ee maamulka Ismaaciil Cumar Geelle u hayo himilada masiirka ummadda Somaliland.

     

    Arrintan oo maalmihii u dambeeyey si weyn loo hadal hayey, ayaa abuurtay dareenno shaki weyn xambaarsan oo la xidhiidha inuu jiro shirqool siyaasadeed Madaxweyne Geelle gadh-wadeen ka yahay oo ka dhan ah qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland, laguna damacsan yahay in ummadda Somaliland lagu sandulleeyo midnimadii halaagga ee Soomaaliweyn, sidoo kalena Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo xukuumaddiisu ka run sheegayn heshiiskii uu dhowaan ku soo galay dalka Jabuuti, kaas oo axsaabta mucaaradku wiswis ka muujiyeen ujeeddadiisa dhabta ah, waxana tuhunnadaas sii xoojiyey sababta xukuumaddu dhegaha uga furaysatay ka hadalka fashilka siyaasadeed ee ka mudan.

     

    Waxa kale oo tallaabadani u muuqataa mid si cad u fashilisay kalsoonidii shacbiga Somaliland ku qabeen heshiiskii diblomaasiyasadeed ee Madaxweynuhu sheegay inuu la soo saxeexday hoggaamiyaha iyo madaxda dawladda Jabuuti, kuna muujinayeen halka ay ka taagan yihiin goonni-isu-taagga dalka Somaliland.

     

    Dhinaca kale, dadweynaha Somaliland ayaa la dhakafaarsan macnaha iyo siraha qarsoon eek u duugan go’aanka dawladda Jabuuti ku mamnuucday xuska 18 May iyo xafladaha loogu dammaashaadayo toban-guuradii ka soo wareegtay markii xilka loo cummaamaday Madaxweyne Geelle ee sida isdaba-jooga ah looga qabtay magaalooyinka Hargeysa, Boorama iyo Gabiley, kuwaas oo ay hormood ka ahaayeen qabanqaabadooda ka qaybgalkooda wasiirro iyo masuuliyiinta sare oo ka tirsan xukuumadda Madaxweyne Rayaale, iyadoo ujeeddada dabbaaldegyadaas yihiin qaar caad saaran yahay oo aan xaqiiqdooda la ogeyn.

     

    Si kastaba ha ahaatee, guuldarrada siyaasadeed ee soo foodsaartay xukuumadda Somaliland waa foolxumo iyo fallaadh feedhaha kaga mudan maamulka Madaxweyne Rayaale oo shabcigu uga fadhiyo caddaynta dhabta ah ee falaggii siyaasaddiisa Jabuuti ka qalloocday.

     

     

    Jamhuuriya Online

     

    Printable version Email this to a friend


  2. Togdheer: S/Land oo Ku 18 Jirsatay Safar Bilaa Sahan ah (Tahriib)

     

    May 24th, 2009

     

    “Reer Burco Somaliland waxay la 18 Jirsadeen Safarkaas bilaa Sahayda ah ee bilaa sahanka ah(Tahriibta), si marka loo eegana Somaliland kaa Tahriibaa ugu rajo wacan waayo dee Madaxtooyadii waad aragtaa Jaasbaa ka socda Iyo Heeso”

    Burco(Somaliland.org )-Warar laga helaayo Xeebaha dalka Liibiya ayaa shaacinaaya in ay halkaasi ku gedoontay dooni ay saarnaayeen tahriibayaal ka soo jeeda gobolka Togdheer gaar ahaan magaalada Burco.

     

    38 dhalinyaro reer Burco ah oo dhamaantood ka mid ah ardayda wax-kabaranjirtay dugsiyada sare ee magaalada Burco ayaa ka mid ahaa rakaabka saarnaa doonidan macmalka ah ee degtay, sidaasina waxa Somaliland.org u xaqiijiyay dad ku sugan magaalada Caasimada ah ee dalka Liibiya

     

    Tahriibiyaasha qaar ayaa geeridooda la waayay qaar ka mid ah halka qaar kalena ay ku xidhan yihiin mid ka mid ah jeelasha magaalada Triboli sida ay sheegayaan qaar ka mid ah tahriibayaasha oo warbaahinta Somaliland u waramay

     

    Sidoo kale afar cisho ka hor ayaa magaalada Burco ay soo gaadheen warar sheegayaa in ay xeebaha talyaaniga ku qalibantay dooni siday 58 tahriibayaal reer Burco u badan, kuwaasi oo qaar ka mid ah la soo xaqiijiyay geeridooda halka qaar kalena ay badbaadiyeen ciidamada ilaalada xeebaha dalka Talyaanigu

     

    Ilaa Bilowgii Bishii April ee la soo dhaafay ayaa ah wakhtiyadii ugu badnayd ee ay tahriibaan dhalinyaradii ugu badnayd ee reer Burco iyada oo ay waliba sii kordhayaan kuwa dadoodu u dhaxayso 16 Jirka ilaa iyo 18 jirka ee doonaaya inay ka hayaamaan Jamhuuriyadan rajo la.aanta la 18 Jirsatay

     

    xiliga ayaa gobolka Togdheer ku soo badanayaan wararka saluuga xun ee suudal-dhaqaaqa tahriibayaashu ayaa ku soo beegmaysa xili Guud ahaanba Somaliland looga debaaldegaayo 18 guuradii ka soo wareegtay markii ay ka go,day Somaali inteeda kale

     

    Hasa yeeshee sida ay hoosta ka xariiqayaan dadka indheergaradka ah qaarkood Somaliland waxay u muuqataa mid ku 18 Jirsatay Laba safar oo bilaa Sahan ah, waa safarka koowaad,e waxay ku sheegeen inuu yahay Suuda-dhaqaaqa Bilaa sahanka ah *Tahriibta”

     

    Iyo Sidoo kale muransiyaasadeed oo u muuqada mid ilaa iyo hada aan la hayn xal lagu meel mariyo mawjadihiisa culus, sidaasi awgeed munaasibadii 18 May ee Somaliland gaar ahaan gobolka Togdheer waxa saamayn weyn ku yeeshay Hadal haynta iyo Saluuga walbahaar ee laga soo sheegaaya dhalinyarada reer Togdheer ee ku dhamaatay Xeebaha Liibiya Iyo Lama degaanka Suudaan

     

    Magaalada Burco ee Xarunta gobolka Togdheer ayaa ah goobtii lagaga dhawaaqay magaca Jamhuuriyada loo dabaad degaayo wanqasheedii 18 aan ee 18 May, taasina waxay ceeb aan la qarin karin ku tahay Qoyska ku raaxaysanaa dhaxalka gurigii looga ariminaayo 18 sano ka dib

     

    “Waxa walba waxaa ka daran oo aan anigu la yaabanahay, ba eeg Tv gii dawlada waxa ka socdaa uun waxa weeye Muusig Iyo Heeso loogu madadaalinaayo Gabadhan(Marwada Madaxweynaha) Iyo Ninkan(Madaxweynaha) Wadanaka Haysta, bal mar qudha hayna tusaan war ku saabsan ama arin ka hadlaysa Mushkiladan Iyo Caruurtan dalka ka yaacaysa ileel way kla wacdiyi kari lahaayeen e”

     

    Sidaasi waxa si niyad ah ugu tiiraabay mid kamid ah dad goob lagu caweeyo ku daawanaayay Telfiishanka Afka dawlada ku hadla ee Somaliland National Tv oo ay xiligaasi ka soconaysay Barnaamij qoob ka ciyaar ah oo la sheegay in lagu qabtay qasriga Madaxtooyada, xili uu magaalada Burco laga dhex dareemaayo baroorta ka dhalatay warka dhiilada siday ee tahriibayaasha reer Togdheer

    “Reer Burco Somaliland waxay la 18 Jirsadeen Safarkaas bilaa Sahayda ah ee bilaa sahanka ah(Tahriibta), si marka loo eegana Somaliland kaa Tahriibaa ugu rajo wacan waayo dee

    Madaxtooyadii waad aragtaa Jaasbaa ka socda Iyo Heeso”

    Sidaasi waxa tidhi Sahra Axmed Suurad oo iyada lafteedu daawanaysay Tv ga Dawladu maamusho oo muusig Macaan uun ka soconaayay, iyada oo laga dhex arkaayay muuqaalka Madaxweyne Rayaale Iyo Marwadiisa koowaad

     

    Si kastooy ahaataba Somaliland waxay u muuqataa mid ku 18 Jirsatay Safar aan Sahay lahayn , isla markaasina sida ay sahriba sheegtay bilaa Sahan ah

     

    Foosi Saleebaan Aw-Bindhe

    Somaliland.org Burco

     

    E-Mail-foosi36@hotma il.com

     

     

    Rabbi haka qabto reer Burco Riyaale


  3. RR why do you need to waste your ime arguing with people who so clearly enjoys their freedoms in the west but wishes the worst for the folks back home..

     

     

    Look at what the NY Times reporter who went to Galgaduud wrote about them... watch the video and see what the local folks thought about Shabaab when they ruled last yr....

     

    Read and Watch

     

     

    Killing of local elders for not complying with their views.

    Beheading two innocent ladies selling tea in the market.

     

    Where can you see in the clip of any modern weapons and organised moryaan. All i see is devote wadaado withtheir koran and nothing else