Somaia is better than any hollywood movie. These warlords are such an entertainment.
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ayaa waxa ay sheegayaan, in Shacabkii ku dhaqnaa Magaalada ay Bilaabeen in ay Qaxaan, cabsi la soo daristay awgeed.
Qaxidaan Magaalada laga qaxaayo ayaa la sheegayaa in ay ka danbaysay, ka gadaal markii Xubnaha labada Gole ee ku sugan Magaalada Xudur ay goosteen in ay tagaan Magaalada Baydhabo.
Xildhibaan xaabsade oo isagu ku sugan Magaalada ayaa la sheegay in uu Diyaariyay abaabul ka dhan ah Xubnaha labada Gole oo uu kaga Hortagayo, isaga oo Airboorka Magaalada Baydhabo ku aasay Miinooyin.
Xildhibaan Xaabsade ayaa lagu soo waramayaa Galabta in uu Shiriyay Maleeshiyaadkii isaga taageersanaa oo Beeshiisa ahaa isaga oo ku war galiyay, in uu Xanuunsanayo doonayana in uu U amba baxo Magaalada Dubai.
Dhinaca kale waxaa la sheegayaa in aan la filanayn wax gurmad ah oo gacan siinaya Xildhibaan xaabsade, in ay uga imaanayaan Dhinaca Magaalada Muqdisho iyo Markaba.
Idamaale News