Liibaan

Nomads
  • Content Count

    4,722
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Liibaan

  1. Xaaji Xunjuf;770094 wrote: Somalia ssc are regions of Somaliland there is no need to work with the garowe clan enclave against our very own countrymen. SSC Regions are part of Somalia, not part of Somaliland Clan-Enclave. SSC & Garowe share a country, flag, nation, etc
  2. Carafaat;770181 wrote: Liibaan, dadkeena Ilaahay baa isku xiray oo isku deegaan ka wada dhigay. Oo meel kasta waa wada joogna. Dadka jooga Yagoori, Aynaabo,Erigavo,Buuhoodle, Burco, Lascaanood ee Gobolada Sool, Sanaag iyo Toghdeer meelna uma kala socdaan, lama kala guuriyo oo mid uun ayaa lagu wada tashan. Markaa iminka inshallah shirkaa Khatuumo kheyr iyo midnimo ku wada tashada. Kadibna waanu isku imaninaa, taasi waa balan. Dadkeena waa Soomaali oo dhan, maaha kaliya intii Ingriisku guumeestay, aniga waa ii simanyihiin dadkeena soomaaliyeed oo dhan, meel ee joogaanba, Taleex, Buuhoodle, Garowe, Galkacyo, Luug, Borame, Jigjiga, Ceergaabo, Wardheer, Burco, Kismaayo, Burco, Baydhabo, Laas Caanood, Mogadishu, Barbara, iyo Boosaaso, etc Insha Allaah, shacabka SSC waa tashnayaan, midnimo iyo khayr ayaan rajeenanaa, waa runtaa kadib waani isku imaananaa, waa inoo Shirweynaha Somaliweyn. Somaalidnimadaa ayaa naga dhaxeesa. Marka inoo imaanasid soo kaxeeso walaallahaa soomaaliyeed ee reer Puntland, reer koonfir, reer Awdal, reer Jubaland, reer Hiiraanland,, reer Galmadug. Haa noolaa imaan sheekadii Ingriiska baa nawada guumeestay, markaa halkaas ayaanu wax ka wadaagnaa, Mahadsanid
  3. Abdul;770174 wrote: Exactly.The only thing they are capable of is to wish for others to fail. Somaliland Clan-Secessionists hope SSC People to fail, but Insha Allah they will be disappointed.
  4. Carafaat;770160 wrote: Liibaan, you dont need to like the politician Siilaanyon but atleast admit that Somaliland supported the Khaatumo Conference from the beginning. Check this thread on Somaliland supporting the conference, from september 2011. http://www.somaliaonline.com/community/showthread.php/59127-Somaliland-supports-Khaatuma-Conference Carafaat be honest, Somaliland was always against SSC Khaatumo II Conference from the beginning, and now Warlord Siilaanyo declared an all out open war on Khaatumo II Conference. Carafaat;770160 wrote: Xaaji Xunjuf and I have supported the Conference from the beginning with a special Khaatumo thread. Xaaji macaa intaa Khaatuma iyo beesha wuu u duceeniyay. Shouldnt you also thank us? mise kuwan ku tolka ee ku lumiyay uun ayaa mahad leh? Tolkeena reer Bari waxa ee noo sheegeen inay taageerayaan, wixii SSC ku tashadaan, waxba kama qabaan hadii shacabka SSC ku tashaan Maamul Goboleedka SSC/Darwiishland. Lakiin X Xunjuf iyo Carafaat waa kasoo horjeedaan hadii shacabka SSC maamulkooda sameestaan, midnimada Somalia taageeraan. The reality is Xaaji & Carafaat don't respect SSC People, both want their Somaliland people (Hargeisa &Burco) to have the freedom to secede from Somalia, they believe forcing Somaliland people to join Somalia is wrong, and at the same time they support forcing SSC people people to join Somaliland. Secessionists don't want SSC people to have the freedom to choose Independent SSC State, and freedom to choose United Somalia.
  5. Som@li;770127 wrote: This is really big, a milestone for this community, Good luck to them, it may have taken a bit of time, but it is worth the wait, and patience. my congrats to all of them. Somaliland will bite the dust, a big chunk of its false claimed land, will be gone, the triangle is naked. Puntland had not much influence in this region, they gave up long time ago, but did try a bit to sabotage by arresting some of the delegates but can not stop the force, and the outcome of KH2. Maakhir Conference is next... Brother Som@li, Thanks for the Congrats, and your sincere support, you were always a big supporter of SSC People. SSC People fully support Maakhir Conference.
  6. Som@li;770152 wrote: Mostly the number one option will be a new Darwish State, They will have to beat the puppets paid by SL and Puntland,who almost destroyed this region Somaliland spent a lot of money to attract this region. Brother Som@li, you are correct 100%, Darwish SSC State is the only option in table, all SSC people are expecting SSC Dowlad from the Conference, nothing less. SL & PL influence have Zero over the Conference. Som@li;770152 wrote: Financing is no big issue, it is a vast region, Maakhirs will open a sea access if they request. Thank You Brother Som@li, Maakhiris are natural allies in every aspect. SSC State will do business with Maakhir State, Western Somalia, Galmudug, etc SSC People can use Las Qorey Port, Hobyo Port, Mogadishu Port, etc I agree Financing is no issue, SSC Diaspora can easily raise millions of dollars, the fact is Somali Clan-states like SL & PL mostly depend on Ethiopia, UN and other NGOs.
  7. Carafaat;770151 wrote: Peace Action, does Faroole or anyone else in Garowe know that? Carafaat, that is good question, both Warlord Siilaanyo & Warlord Faroole are against SSC Khaatumo II Conference.
  8. Finally, Duke & Co showed some support to SSC Movement, thank you guys, better late than never. As a Somali Unionist & SSC Supporter, I believe SSC and Puntland have to respect each other , and work together. Also, I hope Faroole to change his mind, and show some support to SSC People.
  9. I disagree with Baashe analysis, because he was unfair to SSC People. Basically he shared with Faroole's Propaganda.
  10. Soo Dhoweyntii Hogaanka SSC Sayid Sulieman Ahmed XaglaToosiye, iyo KuXigeenka Hogaanka SSC Cali Sabarey " frameborder="0" allowfullscreen> " frameborder="0" allowfullscreen> " frameborder="0" allowfullscreen> " frameborder="0" allowfullscreen>
  11. Soodhawayntii Wafdigii Hoogaamiyaha SSC Sayid Sulieman Xaglo-Tosiye iyo Hogaamiye Kuxigeenka SSC CAli Sabarey Ee Degmada Taleex Xargaga Online Soo dhawayn Balaadhan ayaa Loo sameeyey Wafti balaadhan oo kasoo Kicitimay Magaaladda buuhoodle ee Xaruunta Gobolka Cayn,waftidan ayaa ka koobnayd Siyaasiyiin Cuqaal iyo ururadda Haweenka iyo Kuwa Dhalinta, sidoo kale waxaa waftidan Hormuud ka ahaa Gudoomiyaha Hogaanka SSC saleebaan Ciise Axmed *Xaglo-Toosiye*. iyo ku xigeenkiisa Cali Sabareey. waxaana Waftidan ay Shacabka reer Taleex kaga Hortageen Meel ka baxsan Magaalada Iyado Laguna Soo gelbiyey Gaadiid aad u tiro Badan Fardo iyo Weliba Caleemo Qoyan, soo dhawayn diiran kadib waxa ay waftidani soo gaadheen Gudaha Taleex iyago markaana xaflad Balaadhan oo ay kasoo qayb Galeen Isimadda deeganadan SSC,kooxda G6 iyo Dad waynaha reer taleexna loogu qabtay hoolka uu ka furmi doono shirka wada tashiga Beelaha SSC, Waftidan waxaa kamid ahaa Caaqiil Maxamuud X.Cumar Camey, oo kamid ah cuqaasha Magaca iyo Maamuuskaba ku leh deegaanada SSC, Suldaan Siciid Cismaan Cali, iyo Cuqaal Caan ka ah Gobolka Cayn, waxaana Xafladan Balaadhan ee loogu Qabtay Hoolka shirka Khaatumo 2 ka hadlay Gudoomiyaha Gudiga Qaban Qaabada Shirka Khaatumi Xasan Cali Aw-yuusuf oo Waftidan Kasoo kcitintay Gobolka Cayn hadalo Soo dhawayn ah usoo jeediyey, sidoo kale Afhayeen Dastuurka iyo xidhiidhka Fadaraalka ee Hogaanka SSC Ibraahim maxamuud Guure ayaa ka warbxiyey Wax qabadkii Hogaanka SSC Hogaamiye Ku xigeenka SSC Col Cali Sabarey ayaa sidoo kale Shacabka Reer Taleex uga Mahad Celiyey Soo dhawyanta Diiran ee Loo Sameeyey waxa uuna sheegay in abid intii uu Noola Aanu arag Soo dhawayn Tan lamdi ah waxaana Hadalkiisa kamid ahaa, Dhanka kalena Hogaamiyaha SSC Dr Xaglo Toosiye ayaa Shacabka Reer Taleex Uga Mahad Celiyey Soo dhawaynta Diiran ee Loo Sameeyey waxa uuna ka warbixiyey Hindisaha Shirka Khaatumo 1-2 iyo Ururaddii ku midoobay Waxa uuna Hogaanku ka hadlay Hadal Dhawaantan kasoo yeedhay Somaliland waxa uuna sheegay in hadii Somaliland ay soo faro geliso Shirka ay la kulmi doonto Kacdoon Shacab. Ka hor intii aanay Waftidan Heerka Sare ah soo gaadhin Taleex ayaa waxaa uu Hogaanka SSC uu Salaan Sharaf kaga Qaatay Duleedka taleex qaar kamid ah Ciidamada Shirka Khaatumo waxa uuna aad ugu Hanbalyeeyey dhamaanba Shacabka SSC isku Duubnida iyo Midnimada Haatan ka hana qaaday Degmada Taleex. isku soo wada duuboo Soodhoweyntan loo sameeyey Hogaanka SSC iyo CUqaasha iyo waxgaradka Deegaanka GObolka Cayn ayaa soo afjaraysa Shaki dadka qaarkii ay ka qabeen in Hogaanka sare ee SSc ay ka qaybqaadan doonan Gogosha lagaga tashanayo Aayaga Shacabka Deegaanada Sool ,cayn iyo Sanaag ee xiligan Taala Xarunta Halgankii Daraawiisheed ee Taleex.
  12. A_Khadar;769955 wrote: I have missed a lot in the last two weeks that I was offline.. Thanks Libaan and FreshPrince updating us and keeping the khatumo2 news alive. I am very optimistic the outcomes of this conference and insha'alah it will be a success for all all somalis... You are most Welcome Brother Khadar, Insha Allah Khaatuma II will be a huge success, and soon SSC People will liberate their Regional Capital Las Anos, already 70 % of SSCLand is free ( like Buhoodle, Widhwidh, Kalabaydh, Saxdheer, Dharkeyn, Dabataag, Karin Dabaylweyn, Karingorfood, Taleex, Boocame, Tukaraq, Xalin, Xudun, etc)
  13. The Greatest SSC Letter of The 21st Century From: A member of G6, The supreme Council of SSC Regions, Hero Sulieman Abdi Madoobe, one of the founding fathers of all SSC Movements including NSUM, SSC, and G6/G15 To: SSC People Everywhere "Today, I am Extremely Happy" ‘Wejiga Labaad ee Khaatumo 2 iyo Ka Midha Dhalinta Shirka’ Qore: Saleebaan Cabdi Madoobe, 1da January 2012 Waxay ka yimaadeen guryahoodii. Waxay soo qaateen sahaydoodii. Waxay soo mareen cir iyo dhul. Waxay soo gaadheen xaruntoodii. Waxay dugsanayaan taariikhdoodii. SSC, shacab iyo madax, waxay maanta gabran yihiin duleedada xarunta taariikhiga ah ee Taleex. Waxayna marti u yihiin talo, midnimo iyo xornimo. Shirka khaatumo ee ka furmay Taleex waa fursad kama danbays ah. Wuxuu ka dhashay xanuunkii tala la’aanta reerka aafayeeysay 21 sanno oo ka danbaysay burburkii dawladdii dhexe ee Somalia. Tani waa fursadii u danbaysay ee reer SSC aay kaga bixi lahaayeen dulliga, oo aay ummadda somaliyeed dhinac ka raaci lahaayeen amaba aay hogaamin lahaayeen. Waa fursaddii aay kaga bixi lahaayeen in reero kale tirada ku buuxsadaan, hawsha iyo eeduna u dheer tahay. Waa fursadii aay ku yeelan lahaayeen talo iyo maamul aay kaga baxaan horumar la’aanta ka jirta dhulka aay degaan. Waa tii aay ku hanan lahaayeen talada dhulkooda iyo dadkooda. Waxaa kalsooni iyo yididiilo leh miisaanka iyo martabada aay leeyihiin ragga iyo dumarka maanta ku diyaar garoobay xarunti Taleex, kuwaas oo isugu jira isim iyo caaqil, wadaad iyo aqoon yahan, wax garad iyo nin garbeed, siyaasi iyo sarkaal, urur iyo hogaan. Waxaa farxad iyo reeyreeyn igaga filan boqolaalka kun ee kale ee aan xarunta imman karin laakiin la diyaar ah taakulada iyo talada, oo habeen walba talefoonka dhegta ku haya, oo wixii looga baahdo dhiibaya. Haddaba maanta waxaa naga soo dhammaaday wejigii hore ee ahaa qabanqaabada shirka, waxaana la galay wejigii labaad ee ka midha dhalinta shirka, waxaana xigi doona wejiga saddexaad ee ah fulinta go’aannada shirka. Talada shirka ka soo bixi doonta waxay u taal dadweeynaha, madaxda iyo cumaamadleeyda shiraya, mana aan rabo in aan ka hordhaco. Haseyeeshee waxaan is leeyahay waxa maanta laabtayda miranaya waa ku jiraan qof kasta oo SSC u dhashay oo dadnimo ku jirto. Haddana ma aha hawsha G6 iyo guddiyada kaleba u taal inay iyaku go’aamiyaan wixii reerku rabo, laakiin hawshoodu waa inay abuuraan jawi wada tashi oo ka dhaca xarunta Taleex kaasoo fududaynaya in go’aanno caafimaad qabaa soo baxaan. Sida darteed waxaan talooyin kooban oo shan qodob ah aan ka dhiibanayaa sidii jawigaa lagu abuuri lahaa, oo aasaas u noqon kara sidii looga midha dhalin wejiga labaad ee geedi socodka Khatumo: Kow, waxaan maanta innaku tilmaami karaa rag geeloodii la dhacay oo nin kastaa hashiisii maqan tahay. Talada taal waxaa weeye in geelii la soo dhiciyo hadhowna la qeeybsado, laakiin hadda ma aha in lagu mashquulo sidii loo qeeybsan lahaa isagoo maqan. Haddii maamul iyo talo loo baahan yahay xilli aan colaadi jirin, waxaa maamul iyo talo loogasii baahi badan yahay xilligan oo kale oo aaynu dhacannahay. Waayo mar kasta, talo adigaa ku nool ee iyadu kuguma noola, iyadaana maanta loo fadhiyaa. Keliya waxaa habboon in la saxo waxa laga tashanayo. Maanta xoolo iyo derejo la qeeybsan maayo, ee waxaa la qeeybsan doonaa dhib iyo hawl. Ninkii hawshaa u diyaar ahina waa inuu diyaar garoobo, kii wax kale u fadhiyeyna waa inuu candhuuftiisa dib u laqaa. Geela waxaa maanta ka dhigan dhulkeennii, sharafteennii, cirdigeenii, iyo taariikhdeennii, oo intuba gacateenna ka baxay. Waxaa jirta maahmaah xikmad weeyn ku fadhida hadana si khaldan loo isticmaalo oo odhanaysa ‘geeljiruhu geela waa wada jirtaa waana kala jirtaa’ ogaadaa weedha waxaa horaysa ‘waa wada jirtaa’, laakiin dadku waxay u isticmaalaan qeeybta danbe ee ah ‘waa kala jirtaa’. Muddo dheer ayaa nin kastaa hashiisa uun ilaashanayey, una haystay in geela wadartiisa ciidamo malaa’igeed u ilaalinayaan, waana ta lagu jabay. War aaynu geela wada ilaashanno waxba kala waayi meeynee. Labo, nin walbaa waa jecel yahay in taariikh fiicani u qoranto haddana inta badan waxaaynu taariikhda ka raadinaa meel khaldan. Walaalayaal taariikhda qormaysa ma aha ta dhexdeenna taal, ee shhegaysa sida aaynu u kala xoolo badannahay, ama u kala tira badannahay, ama u kala cilmi badanahay, ama u kala aftahansannahay. Taariikhda micnaha lihi waa ta sheegi doonta waxa aaynu ka nahay somali dhexdeeda. Waa taarikkhdaa ta carrurteennu akhrisan doontaa oo aay madhaxeeda heli doonaan. Tusaale, waxaa isweeydiin leh ‘Ma waxaynu ku sifawnnaa reer reera la yaal, mise reer gurigiisa deggan oo ku sharfan’. Maanta dadkeennii ayaa inna sugaya, oo talo innaka sugaya sidii aaynu masiirkooda meel ugu ogaan lahayn. Haddana Somali oo dhan ayaa innaka sugaysa talo iyo ficil ku aadan sidii loo furdaamin lahaa qarannimada iyo midnimada dalka oo dhan. Taariikhda dhabta ah ee innoo qormaysaana waa waxa aaynu ku darsanno talada ummadda iyo sida aaynu u hagaajinno nolosha iyo horumarka goboladeenna oo la innakaga dayan karo. Ma aha inaynu ka aradnaanno taariikhdaas. Saddex, kuma noolin jasiirad cidla’ ah ee waxaynu ku dhex nool nahay oo innaku gaadaaman dad somaliyeed oo dhalasho, qaraabo iyo derisnnimoba naga dhexayso. Haddana dekemo iyo isfahan la’aani qaarkood inna dhex taal. Distoorka deris wanaagga innoo yaal innaka iyo deriskeenna waxaan ku soo koobi lahaa tix uu qarni hore tiriyey abwaan somaliyeed oo ahayd ‘rag waxaan ku maamuli aqaan ama ku maamuusi, masa inaanu nahay oo tolnimmo meerta noo tahaye, ninkii aniga iga maarmaya uma muraad yeesho ….’. Nin walba oo walaakay ah oo somalinnimo naga dhexayso wuxuu iga mudan yahay sharaf, wuxuuna iga helayaa ammaan, naftiisa, maalkiisa, dhulkiisa iyo cirdigiisaba, inta uu isaguna intaa in le’eg ii ogol yahay. Haddii aan ka waayo intaas, aniguna kuma khasbani inaan keligay sido wadaan ceel taal, oo marka aan wadhfiyo aan la iga qabanayn. Si kastaba ha ahaatee anigaa ogol inaan wanaaga ku horeeyo laakiin kuma khasabani inaan sii wado haddii aan la ila garanayn, waayo taasi isaga iyo aniga toonna dan uma aha. Afar, kala danbaynta ogaada. Ninkii diida talada iyo amarka walaakii wuxuu u qarqarsanaan doona amar nin ka fog oo aan u naxayn. Iska joojiya xuma ka sheegga mas’uuliinta idinla dhalatay ee naftooda iyo maalkooda u huray sidii aay danta guud uga midha dhalin lahaayeen. Haddii aaydaan yeelaayn, feker ka qaata sida uu ILAAHAY SWT uu u xisaabo adoomihiisa; nin walba waxaa lagu daray laba malag oo midna qoro khaladka, midna qoro camalka wanaagsan. Sidoo kale waxaa idiin habboon inaydaan had iyo jeer qorin khaladka oo keliya ee, oo haddii waxa la miisaamayo qofka wanaagiisana la qoro, oo aaydaan noqon sida malaga denbiga qora oo kale, malaa’igtu waa badan tahaye. Shan, haddii talo la isagu yimaado, kolba afkaaro kala jaad ah ayaa miiska imman doonta. Go’aankuna mid ayuu moqdaa. Waa inaad fahantaan go’aanka la qaatay ma ahaan doono go’aan uu leeyahay kii markii hore keenay, ee wuxuu noqon doonaa go’aan la wada leeyahay, qofkastaana ku khasban yahay inuu si daacad ah u fuliyo. Ceebna ma aha in talo nin keenay la qaato, ee waxaa ceeb ah inaan go’aanka la fulin. Marka shirku dhammado ma jiri doono tartan afkaareed ee inna dhex ooli doona, ee waxaa ooli doona qorshe fulineed. Waqti looma hayo qof hadhow yidhaahda ‘waa igama qudhunto, oo halkaygii ayaa salaadu iigu xidhan tahay’. Ninka aan intaa garnayn ma aha inuu mas’uuliyad qaado. Haddii aan intaa ku dhaafo talooyinkayga guud, sida aad la socotaan waxaan anigu ka mid ahay Guddiga G6 ee lahayd fekerka iyo qaban qaabada shirka. Hawshan hadalhaynteedu waxay bilaabantay bishii December 1910, waxaana shirka Taleex innoo furmay December 2011, waa hawl soo socotay sannad kaamil ah, oo marba meel joogtay. Waa hawl la gaadhsiiyey tuulo kasta oo degaankii ahaa, iyo magaalo kasta oo qurbajoogtu deggan tahay. Waxaana galay waqti iyo maal badan. Hawshaa laxaadkeeda waxaa fuliyey guddiyo kala duwan oo debed iyo gudoba ka hawl galay iyo kumanyaal qurba joog iyo dal joog ah oo maalgeliyey. Maanta oo aaynu bilownay sannad cusub, 2012, waxaan dareemayaa guul iyo reeyreeyn iyo mustaqbal fiican. Waxaana sharaf iyo maamuus iigu filan sida tolweeynaha SSC aay noo qadiriyeen, oo dhawaaqayagii u soo ajiibeen, oo maanta waxgaradkoodii u joogo Taleex ama u taageerayo. Ugu danbayntii, dadku jinnac duulaan ma aha oo meel iskuma raaco. Inkastoo la odhan 95% dadweynaha SSC maanta waa taageersan yahiin shirka, haddana waxaa jira dad far ku tiris ah oo weli ka biyadiidan mabda’a isku tashiga ee khaatumo. Raggaas waxaan leeyahay ‘waar idinakama maarano, ee nala garta danta, dawga iyo dirirta jirta maanta’. Nala qaada waddada toosan. Toddoba casho ka hor ayaanu haddanu nahay Guddigayaga G6 shir ku yeelanay magaalada Addis Ababa, oo aanu halkaa qorshihii shirka iyo wixii talo ah ku gorfaynay kuna dhammays tirnay. Marka qorshaha maanta la keenay Taleex waa mid aanu ka wada tashanay oo kalsoonidayada wata. Qaar naga mid ah waxaa u suurtagashay inay markiiba tagaan magaalada Taleex oo aay shirka hogaamiyaan, waxayna muujiyeen isbedel lagu diirsado ayaamaha kooban oo aay meesha joogeen. Xubno G6 ah oo aan ku jiro ayaan weli imman shirka waayo waxaay ku xanibanahiin mas’uuliyado kale oo inshallah iska soo dhammaanaya, laakiin waxaanu haynaa hawlo shirku leeyahay oo debedda ka socda, waana la soconnaa sida shirku u socdo. Maanta cidi uma maqna, ceelna uma qodno, ee yaan loo kala hadhin. Hawl nin kaa xigo laguma ordo, ragga meesha maraya ee G6 waa ku filan yihiin hawsha taal, waana u imman doonnaa haddii naloo baahdo. Sidaas iyo guul iyo talo saarasho rabbi. Saleebaan Cabdi Madoobe.
  14. " frameborder="0" allowfullscreen> Degmada Taleex oo Lagu Soo Qulqulayo Raxanreeb Wufuud aad utirabadan oo ka soo amba baxay magaalada buuhodle xarunta gobalka Cayn a ayaa waxa ay iskugu jiraan isimo, cuqaal, siyaasiyiin, ururada haweenka, kuwa dhalinyarada, iyo hogaanka SSC waxan bulshada reer Buuhodle ku sii jeedan magaalada Taleex ee qadiimiga ah. Munaasibad balaadhan oo lagu sagootinayey waftiga ayaa ka dhacday garoonka kubada cagta ee magaalada Buuhoodle halkaasoo ay kasoo qayb galeen bulshada ku dhaqan gobolka Cayn,halkaasi waxaa warbaahinta kula hadlay xubnaha ugu sareysa wafdigan. Khudbadii Suldaan Siciid Halkaan hoose ka Dhageyso Ugu horayn waxaa faah faahin ka bixiyey waftiga iyo tiradooda Suldaan Siciid Cismaan Cali oo isagu hogaaminayey waftiga, suldaanku wuxuu sheegay in waftigani yahay wafti aad u miisaan culus islamarkaana ay yihiin ku dhowaad 80 xubnood oo isugu jira qaybaha bulshada Buuhoodle. Khudbadii Xaaji Maxamuud Xaaji Cumar Camey Halkaan hoose ka Dhageyso Xaaji Maxamuud X Cumar Camey oo isna waftiga kamid ahaa islamarkaana madasha ka hadlay ayaa sheegay in waftiga maanta ka baxay magaalada Buuhoodle uu yahay waftigii ugu miisaanka cuslaa ee aada shirka Khaatumo2, sidoo kale wuxuu tilmaamay in waftigani yahay waftigii ugu danbeeyey oo aada degmada Taleex ee gobolka Sool. Khudbadii Saleebaan Ciise Axmed Xaglatoosiye Halkaan hoose ka Dhageyso Hogaamiyaha hogaanka SSC Saleebaan Ciise Axmed Xaglatoosiye oo isna madasha ka hadlay ayaa ka hadlay qaabka ay u tegayaan shirka hadii ay yihiin hogaanka SSC, Saleebaan Ciise Axmed wuxuu sheegay in shirka ay kaga qayb gelayaan iyagoo ah maamulka SSC, ” anagu waxaan ka qayb gelaynaa shirka anagoo ah maamulka SSC odayaasha Buuhoodle ee hada aan wada socono waan isku raacsanahay arintaas waxaana kuwada soconaa inaan isasii weheshano” ayuu yiri Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye) hogaamiyaha hogaanka SSC. Sidoo kale masuuliyiinta waftigani ayaa si kulul uga hadlay hadal shalay kasoo yeeray wasiir katirsan maamulka Somaliland, kaasi oo ay ku tilmaameen hadal aan laga fiirsan islamrkaana gef ku ah umada SSC,” hadalkaasi wuxuu ahaa gef logeystey umada SSC awoodna umalaha mana soo fara gashan karaan shirka iyo arimihiisa” sidaas waxaa yiri Xaglatoosiye. “Anigu waxaan u arkaa hadal caga jugleyn ah umalaynmaayo in hada cidina weerar soo qaadi karto hadii ay soo qaadaana jawaabtay naga heli jireen ayay helayaan” sidaas waxaa yidhi X Maxamuud X Cumar Camey. Si kastaba ha ahaatee waftigan maanta ka baxay magaalada Buuhoodle ayaa ahaa waftigii ugu balaadhnaa oo ka baxa gobolka Cayn kuwaasoo ka qayb gelaya shirka Khaatumo2, waftigan ayaa waxaa ka horeeyey wufuuf kale oo iyaguna isla gobolka Cayn uga qayb gelaya shirka Khaatumo2. Mahad Cabdi Cali Raxanreeb.Buuhodle __________________________ " frameborder="0" allowfullscreen> KismaayoNews.com Dr. Khalif Galeyr oo Ka soo Muuqday Magaalada Taleex Shirweynaha Khaatumo II Waa Shirkii Ugu Balaarnaa Abid oo Beesha SSC Usugu Timaado Kaasi oo Ay u Kuwada Dhanyihiin Dhamaanba Qaybaha Kala Duwan ee Bulshada iyo Waliba Hogaanka Maamulka SSC, Aqoonyahannada, Culamada, Siyaasiyiinta, Garaadada, Issimo, Cugaal, Dhalinyaro, Hooyooyin, Gabdho, iyo Ciidamo. Ra’iisul wasaarihii hore ee dawladdii Carta, Dr. Cali Khaliif Galeyr ayaa kasoo muuqday magaalada taariikhiga ah ee Taleex, taasi oo uu ka socda shir balaaran oo ay u dhantahay beesha uu ka soo jeedo. Aqoonyahano, Salaadiin, Cuqaal, Dhalinyaro, Hooyooyin, Siyaasiyiin, Masuuliyiinta maamulka SSC iyo waliba masuuliyiin kala taageersan maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa kulan uga socdaa Taleex. Aqoonyahano uu Dr. Galeyr kamidyahay iyo Salaadiinta oo kadanbeeyay jamcinta iyo kulansiinta maqaawiirta Beesha ayaa qorshahoodu wuxuu yahay sidii mawqifka iyo siyaasadda Beesha loo midayn lahaa kahor inta aan la gaarin in cid kale wax lala qaybsado ama lala qabsado. Kani waa shirkii ugu balaarnaa abid oo Beeshu isugu timaado kaasi oo ay u wada dhanyihiin dhamaanba qaybaha kala duwan ee bulshada iyo waliba aqoonyahannada, siyaasiyiinta iyo salaadiinta Beesha. Geel aad u badan ayaa loo loogay marti sharafta, waxaana geedo ka ciyaar ku soo dhawaynaya wafuudda iyo ergooyinka oo wali iska soo daba dhacaysa barbaar ku joogta Fardo si fiican loo jare baray. Shirka oo la filayo inuu socdo mudo ayaan idiin soo gudbin doonaa maxsuulka ka soo baxa, hadii Allaha awooddalihi noo ogolaado. KismaayoNews.com
  15. Som@li;769741 wrote: These are national treasures, and should be restored, and preserved. Should be in the UN heritage list Well Said, I agree with you Brother Som@li
  16. Maxamuud X. Cumar Camay: "Jabhada Somalidiidka Way Heli Jawaabteeda Hadday Isku Daydo In Ay Soo Weerarto Taleex, Cashar eenan Waligood illaawin iyo Dhirbaaxo Kulul Ayaa La Huwinayaa" Buuhoodle: -Oday Maxamuud Xaaji Cumar Camay ayaa ku tilmaamay hadalkii shalay ka soo yeedhay ninka maamulka Hargeysa u qaabilsan arrimaha gudaha mid aan ku qotomin xaqiiqada dhabta ah ee jirta. Wuxuuna sheegay Xaaji Maxmuud Xaaji Cumar Camay in maamulka Hargeysa heli doono jawaabtii uu horeba u heli jiray, hadduu isku dayo in uu weerar ku qaado xarunta shirka ee Taleex. Xaaji Maxamuud ayaa hadalkan ka jeediyey xilli ay maanta galinkii danbe ka anbabaxayeen magaalada Buuhoodle, iyaga oo ku sii jeeda magaalada Taleex oo shirku uga socdo beelaha ***********. Hadalka Oday Maxamuud Xaaji Cumar Camay ayaa jawaab u ah hadal uu shalay warbaahinta ka jeediyey maamulka Hargeysa, isaga oo ku hanjabay maamulkaasi in ay weerarayaan goobta shirku ka socde ee Taleex.
  17. Warlord Siilaanyo iyo Jabhadiisa SNM Oo Baqdin iyo Walaac Kamuujisay Calanka Soomaaliya Ee Lagu Soo Dhaweeyay Gudiga G6! Wararka naga soo gaadhaya magaalada Hargeisa ayaa waxaa si aada looga hadal hayo shirwaynaha ka socanaya magaalada Taleex kaasi oo beelwaynta *********** ay kaga tashanayso Aayaheeda. Maamulka SNM ee isagu markasta caadaystay dibu celinta deegaanada SSC ayaa isagu waxaa uu sheegay inuu doonayey in shirkaasi ay kasoo baxdo in lagu soo biiro Maamulka SNM, Hasa ahaatee waxa uu sheegay in imika sida uu ku socda ay san ahayn habkii ay filayeen, Iyagoo dhanka kala walaac xoogan kamuujiyey Calanka Qaranka Jamhuuriyada Soomaaliya. Maamulka SNM ayaa isagu markiiba doonayey Inuu Qalalaase ka dhex abuuro Shirka hasa ahaatee markii uu arkay Ciidama Dawlada Ethopia ee soo gelbiyay wafdigaasi ayuu kagaab saday. Dhinaca kale Dawlada Ethopia ayaa waxa lala yaabo ku tilmaantay Cabsida Soo wajahday Horgale Siilaanyo Maadaama Ay xaq uleedahay Beel waynta *********** inay ka tashato Masiirkeeda iyadoo ugu baaqday inuu faraha kala baxo Arimahaasi. sscnews _________________ Cabsi Xoogleh Oo La Soo Deristay Maamulka Hargaysa Oo Ku Aadan Shirka Khaatumo_2 Ee Taleex! Wararka naga soo gaadhaya magaalada Hargeisa ayaa waxaa si aada looga hadal hayo shirwaynaha ka socanaya magaalada Taleex kaasi oo beelwaynta *********** ay kaga tashanayso Aayaheeda. Maamulka SNM ee isagu markasta caadaystay dibu celinta deegaanada SSC ayaa isagu waxaa uu sheegay inuu doonayey in shirkaasi ay kasoo baxdo in lagu soo biiro Maamulka SNM, Hasa ahaatee waxa uu sheegay in imika sida uu ku socda ay san ahayn habkii ay filayeen, Iyagoo dhanka kala walaac xoogan kamuujiyey Calanka Qaranka Jamhuuriyada Soomaaliya. Maamulka SNM ayaa isagu markiiba doonayey Inuu Qalalaase ka dhex abuuro Shirka hasa ahaatee markii uu arkay Ciidama Dawlada Ethopia ee soo gelbiyay wafdigaasi ayuu kagaab saday. Dhinaca kale Dawlada Ethopia ayaa waxa lala yaabo ku tilmaantay Cabsida Soo wajahday Horgale Siilaanyo Maadaama Ay xaq uleedahay Beel waynta *********** inay ka tashato Masiirkeeda iyadoo ugu baaqday inuu faraha kala baxo Arimahaasi. Ismail Hara-digeed Riinji News Online
  18. DHAGAYSO KHUDBADII DR CALI KHALIF OO DHAMAYSTIRAN Dr. Cali Khaliif oo Khudbad Aad Qiimo Badan ka Jeediyey Taleex, SSC-Somalia Shirka Khaatumo II oo si habsami ah loogu soo qulqulayo ka qaybgalkiisa ayaa waxaa indho idhdayn ku soo sameeyey goobaha lagu marti gelinayo ergooyinka faraha badan ee loogu talo galay shirkaa gudiidda shirkaa ugu saray ee la magac baxday G6. Kormeerkaa gudiddu samaynaysay ayaa waxaa qudbad aad u qiimo badan ka jeediyey Dr. Cali Khaliif Galaydh, qudbadaas oo taabanaysa dhibka haysta dadka ku dhaqan gobolada SSC, dhibkaana ku tilmaamay mid dadka ku dhaqan goboladani ay iyagu isu geysteen. Mudane Cali Khaliif oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in aan loo baahnayn in maanta faraha la isku fiiqfiiqo, lana ilaawo waxii hore u dhacay loona baahanyahay in maanta talo midaysan oo dhinacyadda laga taaganyahay la isugu yimaado. Taladaa midaysanna lagaga saaro dhibka haysta dadka ku dhaqan goboladan Sool, Sanaag iyo Cayn. Dr. Cali Khaliif Galaydh ayaa waxaa kale oo hadalkiisa ka mid ahaa in badbaaddada dadkayga iyo kan dalka Soomaaliyaba xil balaadhani naga saaranyahay, arintaasina ay tahay ta magaaladan Taleex na keentay. Waxa kale oo Dr. Cali afka ku dhuftay isaga oo u dardaar welinaya maamuladda hareeraha ka xiga goboladda SSC in aanan marnaba badbaadinta dalka Soomaaliya aanan cid kale u daba fadhiisanayn. Khuburadda, Cuqaasha iyo wax garadka isugu yimid magaaladda Taariikhigga ah ee Taleex ayaa waxaa ka muuqda shucuur aad u farxad gelisay dadka Soomaalinimadda jecel oo dhan, waxaanad moodaa in maanta mididda dadka ku dhaqan gobolada SSC ay aad u afaysantahay si deg deg ahna wax loogu goyn doono. Dhanka kale nin maamulka Soomaalidiidka ah ugu magacaaban Wasiirka Arimaha Gudaha ayaa shirkaa ku tilmaamay mid lagu khalkhal gelinayo maamulkoodda, hadii ay waxa dhaqdhaqaaq siyaasadeed ka dareemaana ay weerar cad ku qaadi doonaan magaalada Taleex. Ninkan oo hadalkiisa hanjaabad aad u caadifadaysani ka muuqatay ayaa magaaladda Taleex iyo beelaha ku shirayaba ku tilmaamay in ay ka tirsanyahiin maamulka Somaliland, hadii ay beelahaasi calanka Soomaaliya u soo huwadaanna ay iyagga caqabad balaadhan ku noqonayso, hadii taasi dhacdan aanay indhaha ka qarsan doonin. Buhodle.net
  19. GaadhHaye;769626 wrote: Details are being worked out. Finance and economics well versed natives are preparing budget plan for the state. Statistics about the wealth of the state have already been gathered. A reliable estimate of the population of the state is underway. A paper policy is being prepared to instruct the money transfer agents in the state to keep record of the remittance from Diaspora until a state bank under the guidance of Somali Central is formed. What portion of the pie from Somali reconstruction funds the TFG will agree to send to Laascaanood is being figured out (Turkey $300million, Islamic counties $350Milliom). Each economic sector of the state is being analysed. Estimates of state expenditures mainly on security and education are being studied. Points of discussion include emphasis on promoting small businesses that are involved in industrialization, agriculture, husbandry, healthcare etc…details will follow. Thank You Brother Gaadhaye, extremely impressive, the future of SSC/Darwiishland looks very bright masha Allah, mahad oo dhan Allah baa iska leh.
  20. Khudbadii Sulieman Xaglotoosiye UNITED-SOOL SANAAG CAYN: Hoggaanka SSC oo ka Qaybgalaya ShirWeynaha Khaatumo Labo Hoggaanka SSC oo ku sii wajahan inay ka qaybgalaan Shiraynaha loo dhan yahay ee Khaatumo 2 oo ka socda Madasha Taleex. (DAAWO VIDEO). Dr. Saleebaan Ciise (Xagla-toosiye) iyo wafdi balladhan oo uu hogaaminayo ayaa ku sii wajahan Magaalada Taleex si ay uga qaybqaataan shirwaynaha Beelaha SSC. Halkan Ka daawo: courtesy of Darwiish TV. " frameborder="0" allowfullscreen> High Level SSC Delegation Left Buhoodle to Participate Khaatumo Grand Confrence II, Taleex SSC-Somalia Wafti Heer sare ah oo kasoo Anba baxday Buuhoodle oo Taleex Kusoo Wajahan Beri. Waxaa Magaalada Buuhoodle kasoo Anba baxay Waftri balaadhan oo Ka kooban Siyaasiyiin,Cuqaal Isimo iyo Wax garad kale waxaana ay dhamaantood kusoo Food Leeyihiin Maalinta Beri ah Xaruunta Taarikhiga ah ee Taleex, Waftidan ayaa ah Wafti heer Sare ah oo Sida la sheegay wata Gaadiid ku dhawaad 30 Gaadhi ah, waxaana ay Safarkoodii ay kaga soo anba bexeen buuhoodle ay kaga Hadleen Hadalkii Kasoo Yeedhay Maamulka Somaliland, Waxaana ay waftidani Maamulka Somaliland Ugu Baaqeen in aanu Faro Gelin karin Shirka Beelaha SSC hadii uu hadalkaas ka dhago adaygana uu kala kulmu doono Dhirbaaxadii Kalshaale oo kale. Oday Maxmuud Xaaji Cumar Camay ayaa ku tilmaamay hadalkii shalay ka soo yeedhayWasiirka Somaliland ee Arimaha Gudaha mid aan ku qotomin xaqiiqada dhabta ah ee jirta , wuxuuna sheegay Xaaji Maxmuud Xaaji Cumar Camay in maamulka Hargeysa helidoono jawaabtii uu horeba u heli jiray hadduu isku dayo in uu weerarku qaado xarunta shirka ee Taleex.
  21. Abdul;769707 wrote: Well said ,The Zack. I agree, Zack is very good brother, he was always a sympathizer of SSC People, and a supporter of SSC State/ Darwiishland of Somalia.