Liibaan

Nomads
  • Content Count

    4,722
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Liibaan

  1. Banaanbax Lagu taageerayey Midnimada Somalia Oo Shalay Ka Dhacay London- (Sawiro)- Lasanod Online. Friday, February 24, 2012 London,(lasanod Online)- Jaaliyadaha Khaatumo State of Somalia, Awdal State iyo Soomaalida jecel midnimada dalka Somalia ayaa mudaaharaad.. balaadhan oo looga soo horjeedo Maamulka Somaliland ka dhigay guriga madaxtooyada ingiriiska hortiisa. Mudaaharadkan waxuu socday ilaa todobo saacadood ,kaasoo ahaa socod lagu marayo meelaha madaxda dalka iyo wasaaradahaha oo loo sheegayey inay shacabka ku dhaqan Khaatumo iyo Awdal iyo gobolada kale ee Somalia aysan aqbalayn kala goynta Somalia. Shacabka tirada badan ee mudaaharaadayay ayaa ku dhawaaqayay erayo wadani ah oo kamid ahayeen "Somalia midnimadeedu waa muqadas iyo Somalia Ha Noolaato".
  2. Galmudug Oo Qado Sharaf Muqdisho Ugu Sameeyey Wafdigii Khaatumo State-(Sawiro)- lasanod Online. Saturday, February 25, 2012 Muqdisho,(lasanod Online)- Waftigii ka socday maamulka khaatumo state of somalia ayaa waxaa marti qaad u sameeyay beesha Sacad.. oo si wayn u soo dhawayasay maamulka khaatumo State, una sheegay in ay taageersanyihiin maamulka ay samaysteen dadka deeganadaasi. Iyaga oo sheegay in ay marnaba suurtagal a hayn in soomaaliya la kala gooyo, ayna wafdigiga khaatumo u sheegeen inay tusaale u yihiin midnimada soomaaliya iyo xoojinteeda. "taageero buuxda baanu idin siinaynaa hadaanu nahay beesha sacad waxgarad iyo siyaasiyiinba waan idin garab taaganahy",ayey kusoo gunaanadeen hadalkoodii. Geesta kale waxa halkaas ka hadlay Garaadka Guud ee golaha dhaqanka ee khaatumo state, Garaad Jaamac G. Cali oo ku dheeraady faa'iidada uu kulankani leeyahay.waxaana hadaladii Garaadka ka mid ahaa "mahad ayaad naga mudantihiin sida fiican ee aad noo soodhawayseen hadaad tihiin beesha Sacad guud ahaan siyaasiyiin iyo madax dhaqameed dhamaantiin waan idiinmahad celinaynaa soo dhawayn ta aadnoo samayseen waana mid taariikhda gali doonta".. "Hadaanu nahay Beesha Khaatumo, golaha dhaqanka iyo maamul kiisaba waxaaan u taaganahay midnimada soomaaliaya, marnaba ogalaan mayno in soomaaliya la kala qaybiyo, ayaa kamid ahaa hadaladii Garaad Jaamac.. Munaasabadan waxay kusoo gabagabooday jawi walaaltinimo oo ay ku dheehantahay faraxad iyo isafgarad.
  3. LASANOD.COM VIDEO:"Khaatumo State Way Buuxisay Shuruudihii Maamul Goboleedka Looga Baahnaa" Madaxweyne Shariif Lasanod Online. Saturday, February 25, 2012 Madaxweyne Shariif Bristol,(lasanod Online)- Madaxweynaha Somalia Shiikh Shariif Shiikh Axmed Oo khudbad ka jeediyey magaalada Bristol ee cariga Ingiriiska.. ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday in maamulka Khaatumo kasoo baxay shuruudihii looga baahnaa ee ahaa in laba maamul iyo kabadan markay isu tagaan noqon karan maamul goboleed. Madaxweyanaha ayaa halkaa lagu weydiiyey su'aal aaddan maamulka KHAATUMO iyo weliba sida lagu wado in uu u dhoco wada hadalka lala geli doono maamulka Hargeysa si la isugu keeno ummadda Soomaaliyeed. Madaxweyne Shariif wuxuu goobtaas ka caddeeyey inuu KHAATUMO STATE OF SOMALIA buuxiyey shuruudihii looga baahnaa maamul goboleedka sida ku cad cadiga qaranka ee kumeel gaadhka ah, dawladda federaalkana way ka tirsanyihiin. Jawaabtan ayaa markii uu madaxweynuhu ka dhawaajiyey ay mar qudha dadkii xafladda kasoo qayb galay oo Soomaali oo dhan ka koobnaa sacab iyo sawaxan isla kaceen, iyagoo muujinaya doorka uu maamulka KHAATUMO ku leeyahay midnimada umadda Soomaaliyeed. Halkan Ka Daawo Video " frameborder="0" allowfullscreen> Maamul-Goboleedka Khaatumo State of Somalia oo Aqoonsi Buuxda Ka Helay Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Source: Midnimossc
  4. Madaxwayne Shariif oo Kulan la yeeshay Madaxda Maamulka Khaatumo State of Soomaaliya(Sawiro) ____________________________ London,(lasanod Online)- Waxaanu idiin soo xulay sawirka todobaadka oo noqday, Madaxweynaha Somalia Shiikh Shariif Iyo Siilaanyo oo London ku kulmay.. Sawirkan oo ah mid taariikhi ah kadib markii maamulka Siilaanyo uu in badan shacabka gobolada Waqooyi ku maaweelin jrin inuusan marna la kulmi doonin madaxda Somalia, Shir ay joogaana fadhiisan.. Kulankan ayaa dhacay shirkii Soomaalida loogu qabtay magaalada London Khamiistii inasoo dhaaftay.
  5. STOIC;793834 wrote: Che, haha...you are right.Its in our genes..I have visited that site many times during the run-up to SL election they were NOT fair and balanced.I just camp in Hadhwanaagnews nowdays..... You are fan of Hadhwanaagnews, and you complaining about Wardheernews. Cajiib nuune;793843 wrote: Ilaahey ha kuu gargaaro akhii hadaadba camp ka dhigatey Hadhwanaagnews.
  6. Abwaan;794074 wrote: Absolutely. Abdiweli waaban dareemi karaa oo hoostuu ka naxsan yahee why is Sharif silent about Buuhoodle and thier Soomaalinimada wanaagsan ee ay muujiyeen ? Great Question Abwaan, Why is the President of Somalia Sheikh Shariif is silent about Buuhoodle. Buhoodle & Khaatumo Region is a Unionist stronghold. Khaatumo people support United Somali, and they support Somali president Sheikh Shariif.
  7. Daryeel Hospital in Buuhoodle, Khaatumo Soomaaliya was built and financed by Former President Sulieman XaglaToosiye in 2005 Thank You XaglaToosiye Dr: Shahaado oo wax badan ka Bedeley Xaalada Caafimaad ee G/Cayn Tuesday, 21 February 2012 16:58 alt Buuhoodle(Jidbaale):-Xaaladda Caafimaad ee Gobalka Cayn ayaa guud ahaanba wanaagsan ka dib markii uu yimi Dr Siciid Shaado iyo Kooxo Caafimaad ay ka kala yimaaddeen Laascaanood iyo Garoowe, kuwaas oo asal ahaan ka soo jeeda SSC. Xaaladda Caafimaad ee Gobalka Cayn waxa ay ahayd mid aad u liidata ka hor intii aysan imaan Kooxaha Caafimaad ee soo gurmaday Dagaalladii dhacay awgeed. Dr Shahaado waxa uu Maalin kastaba Cusbitaalka Daryeel ka fuliyaa qalliino waaweyn oo bilaash ah, kuwaas oo ay faa’iidaystaan boqollaal dadweyne bukaan ah oo ku sugan Gobalkan Cayn. Waxa kale oo uu Dr Shahaado *****lay dhammaanba dhaawacyadii ku dhawaacamay dagaalladii Jiidda hore ee loo qaadi jiray Gaalkacyo, ayna gaadhay in kuwii Gaalkacyo loo qaaday dib loo soo celiyo. Baahidan Caafimaad ee ay *****leen Kooxahan Caafimaad ee uu hormuudka u yahay Dr Shahaado waxa ay tijaabo u noqonaysaa isku filaanshaha dadka Khaatumo State, oo haddii ay is iimaansadaan gaadhi kara horumar dhinac kastaba ah. Xigasho: Allssc.com
  8. Freedom;794069 wrote: Feel sad I hope they cure it lol As I told you, go to a Mental Hospital, don't come to Somalia Online
  9. Freedom;794044 wrote: Somaliland snydrome lool What you doing in Somalia Online? SOMALIA Syndrome/ Khaatumo Syndrome ..loool
  10. Freedom;794055 wrote: Did u take your meds lol Mr. F go to a mental hospital.
  11. faarah22;794056 wrote: so says the somalidiid troll. you come to unionist site just to hate and your preaching tolerance. smh Well said Farah, Somalidiid troll came to SOMALIA ONLINE, to insult Somalia and hate Somalia.
  12. Freedom;794052 wrote: The haters have Somaliland snydrome lool The haters have Somalia syndrome, Khaatumo State syndrome, Maakhir State Syndrome, Awdal State syndrome, etc
  13. Cid Naceyb ku gaadhasa Somalidiidka iyo Qarandiidka Ma Jirtu, yaan been la isku sheegin. Waa run majiro haba yaraatee waa ee ku midoobaan ama ka dhaxeeya Somalidiidka iyo shacabka Somaaliyeed ee midnimada iyo qaranimada jecel sida Awdal, Khaatumo/SSC, iyo Maakhir.
  14. Ceebtii Ugu Fadeexadda Weynayd Oo Ka Qabsatay Warlord Siilaanyo London (Halbeegnews)– Ceebtii iyo fadeexadii ugu weynayd ee abid taariikhda Somaliland intay jirtay 21-kii sannadood ee ugu danbeeyey ayaa maanta waxay asiibtay Ergadii uu hogaaminaayey Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ee ka qayb gallay shirkii magaalada London ee maanta lagu soo gebo-gebeeyey magaalada London Guriga Lancester ee badhtamaha magaalada London. Haddaba Weriyayaasha Halbeegnews oo ku sugna goobta shirku ka socday isla markaana ilaa maanta ilaa caawa la socday xaaladdu siday u dhacday ayaa waxaanu halkani idiinku soo koobayna miridhadii qaabka ay wax u dhaceen akhris wacan: 09:11 Daqiiqo ayaa waxaa madasha Lancester House soo gaadhay Ergadii uu Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo hogaaminaayey oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo Wasiirka warfaafinta Axmed Cabdi Xaabsade. 09:56 daqiiqo ayaa gudaha loo gallay goobta uu shirku ka dhacaayey oo ah Maxadda Galbeed ee dabaqa labaad ee Xarunta Lancester, waxaana ergooyinku si habaq ah u bilaabeen inay u fadhiistaan kuraasidood. 10:04 daqiiqo ayaa Madaxweyne Siilaanyo wuxuu si khalad ah u tagay goobta ay fadhiyeen Madaxda Soomaalida ee ay ka mid yahiin Madaxweynaha TFG-da Sheekh Shariif, Ra’isal wasaaraha Cabdiweli Gaas, Madaxweynayaasha Puntland, Galmudug iyo suna wal-jameeca, balse si deg deg ah ayuu Madaxweynaha loogu sheegay halka uu kursigiisu yahay wuxuuna si dhakhso ah u tagay kursiga loogu tallo gallay oo u dhexeeyey Ra’sal wasaaraha dalka Qatar iyo Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Sweden 10:17 daqiiqo subaxnimo ayaa shirka la furay waxaana furitaanka bilaabay Ra’isal wasaaraha dalka ingiriiska, Ra’isal wasaare Cameron wuxuu sheegay in shirka loo qabtay dalka Soomaaliya oo ayuu yidhi ah dal collaado iyo masiibooyin ay la dageen, wuxuu sheegay in aan la eegin karin dalkaasi uu sidaasi ku jiro, wuxuu Ra’isal wasaare Cameroon taxay magacyada hadli doona, waxaana hadalka loo kala bixiyey sidani waxaa ku horayn doona Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Banki-moon, Madaxweynaha TFG-da sheekh Shariif Sheekh Axmed, Xoghayaha arrimaha dibadda dalka maraykanka Hillary Clinton, Madaxweynaha dalka Uganda Yuveri Musafeni, Ra’isal wasaaraha dalka Ethiopia Meles Zenawi, Madaxweynaha Jibouti Ismaaciil Cumar Geelle, Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Faransiiska Allun Jupe, Wasiirka arrimaha dibadda dalka Turkiga, Wasiirka arrimaha dibadda dalka Talyaaniga, Madaxweynaha dalka Kenya Mwai Kibaki, iyo ugu danbayntii waxaa dib loogu soo celiyey Ra’isal wasaaraha dalka Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Gaas. 12:08: daqiiqo ayaa waxaa madasha la wareegay Xoghayaha arrimaha dibadda dalka ingiriiska William Hague wuxuuna sheegay in la soo afjari doono ayuu yidhi qaybtii hore ee madasha oo ku koobnayd ayuu yidhi Hadalada dadka loogu tallo gallay inay shirka ka hadlaan, wuxuu sheegay in loo bixi doono qado, wuxuuna sheegay in marka la geli doono qaybta labaad oo ah ayuu yidhi. 12:15 Daqiiqo ayaa loo dareeray qadada, dabadeedna Madaxweyne Siilaanyo oo uu hortiisa yaallay qoraal uu soo diyaarsaday ayaa wuxuu u yeedhay Wasiirka arrimaha dibadda isagoo sida nagu soo gaadhay weydiiyey sababta keentay in fursad loo siin waayo, gebi ahaanba intii qadada lagu maqnaa oo dhanayd 45 daqiiqadood Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland wuxuu la hadlaayey xoghaynta shirka laakiin waxaa loo sheegay in qorshaha shirku sidaasi ahaa marka hore isla markaana wakhtiga oo yar awgeed hadalkiisa uu ka jeedin karo qaybta labaad oo ah in ergooyinku ay is qaybiyaan. 15:00 ayaa Ra’isal wasaaraha TFG-du Cabdiweli Gaas wuxuu la soo hadlay Telefishanka Somali Channel isagoo wakhtigaasi ku jira gudaha shirka wuxuuna u sheegay in Madaxweynahii Somaliland uu ka cadhooday shirka kana baxay sababtuna ay tahay isagoo la siin waayey fursad ah inuu shirka ka hadlo. 16:00 Galabnimo ayaa la soo gebo-gebeeyey shirka iyadoo ergooyinkuna shirka ka dareereen. 18:00 fiidnimo ayaa shir jaraa’id oo wada jir ah waxaa qabtay Ra’isal wasaaraha Britain Cameroon iyo Ra’isal wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Gaas oo uu wehelinaayey Xoghayaha guud ee qaramada Midoobay Banki-moon. Su’aasha Ah Inuu Madaxweynaha iyo Xukuumadiisu Ka Jawaabto Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisu waxay kalsooni badan ku qabeen intaanay Hargeysa ka soo bixin ilaa iyo 24-kii saacadood ee ka horeeyey intaanu shirku dhicin inay yididiilo weyn ku qabaan inuu Madaxweynahu ka hadlo shirka oo uu ka sheego badheedhaha Somaliland, yaa u sheegay Madaxweynaha inuu hadlayo, miyaanay ahayn nusqaantii siyaasadeed tii ugu liidatay ee Somaliland soo marta 21-kii sannadood in Qaranimadii Somaliland lagu dhex ceebeeyey madal adduunyadu fadhido. Shuruucdii iyo xeerarkii Somaliland u yaalay waxaa loo soo burburiyey oo loo tirtiray in shirkani laga qayb gallo ummadda reer Somaliland waxay madaxweynahii ay doorteen ka sugayaan inuu caddeeyo siday wax u dhaceen Halkani ka daawo shirka Madaxda ka hadashay Oo Hadda Lagu Shaaciyey Bogga Wasaaradda Arrimaha dibadda Britain Waa Hadaladii oo la soo koobay Daawasho Wacan: " frameborder="0" allowfullscreen> Madaxweyne Shariif Iyo Madaxda Caalamka oo Khudbada Ka Jeediyey Shirka London
  15. Freedom;794026 wrote: you sound bitter lol Somaliland syndrome at its worst lol Mr F. You hate your country Somalia, you hate all other Somalis particularly Khaatumo people, for that reason you are the one who is bitter. You have Somalia Syndrome/ Khaatumo Syndrome
  16. Daawo Muuqaalo Hor Dhac ah Oo Aan Idiinka Hayno Banaanbixii Balaadhnaa Ee Lagu Taageerayay Midnimada Somalia Oo Waabarigii Saaka Ilaa Caawa Ka Socday Gudaha Magalada London(Daawo). London(Allssc): Waxaa Saaka Hiirtii waa bari goryahooda kasoo kalahay dhamaan umada soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalkan U.K gaar ahaan Magaaladan London oo iyadu hoy u ah kumaan iyo kumanaan Soomaaliyeed oo jecel Midnimada Somalia iyo waliba Dalkooda oo nabad ah. Hadaba dadkan oo runtii ay ka muqatay Qiiro aad iyo aad u balaadhan oo ay ku muujinayeen in aysan marnaba aqbali doonin wax ka dhan ah qaranimadooda ayaa dareenkooda ku cabirayay Banaanbaxan ay saaka la hor tageen Madashii shirka ee ay isugu yimaadeen Dowlado,Hay’ado Madax Banaan iyo qaar kamida Hogaamiyayaasha Somalia. Mudaharaadkan oo Ruxay Magaalada london gaar ahaan Madashii uu ka socday Shirka ayaa wkhtigii qadada waxaa si toosa ula socday Prime Ministarka Dalkan U.K,Xoghayaha Arimaha Dibada Dalka Maraykanka,Madaxa Qaramada Midoobay,Dalalka Islamka,Carabta,Africa,iyo dhamaan kasoo qayb galayaashii kuwaas oo dhamaantood indhaha ka qaaday Banaanbaxan balaadhan ee Bulshada Somaliyeed ku dalbanayaan in la taageero Qaranimada Dalkooda Hooyo iyo sidilooga qayb qaadan lahaa in Dalkooda Nabad Dib loogusoo dabaalo, waxaa arintaas u guuxay dhamaan kasoo qayb galayaashii shirka marka laga reebo Jamhada SNM oo iyagu ay arintaas kaga darayd Waran Wadnaha Kaga Dhacay. Marnaba Haka Fogaanin Warbaahinta Codka Shacabka SSC “Don’t Go Any Where”. Hadii Allaha Wayni Ogolaado waxaan idiinsoo Gudbin doonaa Sawiro Vedio iyo dhamaan sidii uu u dhacay Banaabxa Maanta. Allssc News Desk London
  17. SNM clan secessionists are brainwashed, they hate their country Somalia, they support Warlord Siilaanyo Dhiigyacab, the clan-session of Somalidiid-land, and snm militia's war of aggression on Buhoodle & Khaatumo/SSC people.
  18. Maamul Goboleedka Khaatumo State of Somalia Oo Qarameeyey Dhamaanba Ciidamadii Deegaanada Iyo Beelaha Maamulka Khaatumo State ayaa gabi ahaanba la wareegay Ciidamadda Beeleedkii joogay Jiida hore ee Sool-joogto kuwaas oo la isku dhex daray loona dhalan rogay Ciidamo Maamul Gobaleed waxana jirtay in Ciidamadan loo sameeyey nidaamka Ciidan ee Maamul, kormeer ay saaka ku tageen Sool-joogto Madaxdda Khaatumo State iyo Tifaftiraha Allssc ayaa gabi ahaanba lala wareegay Ciidamadaas Madaxdda Maamulka Khaatumo ayaa kala ahaa Madaxweyne Maxamed Yuusuf Indha Sheel, Wasiirka Arimaha Gudaha Yaasiin Axmed Sulub Wasiir ku xigeenka Amniga Jaamac Khaliif, Wasiir ku xigeenka Horumarka Khayraadka Dabiiciga ah Cabdi Shube iyo Wasiir ku xigeen Arimaha Bulshadda Xasan Dawlad Gobaleedka Khaatumo State of Soomaaliya ayaa dhismaha Ciidamadan Maamulka ku mashquulsan waxana ay Aag kastaba u samaysaa Talisyo iyo waliba Saldhigo Militari kuwaas oo guta waajibaadkooda shaqo waxaana la filaya in maalmaha soo socda la magacaabo Taliyaha Aag Galbeed ee Khaatumo
  19. " frameborder="0" allowfullscreen> Waa Heestii Soryo Khaatumo Soomaaliya & Fanaanka Weyn Saleebaan Yare live at khaatumo State of Somalia party in Columbus, ohio 2012 Waa Mirihii & Laxankii Iyo Waliba Codkii Alfanaan Saleebaan Yare Music by Barqad Carte. Waa Habeyntii Iyo Isku Soo Dubaridkii Dhexdhexaad.com
  20. " frameborder="0" allowfullscreen> Banaanbax Weyn oo Lagu Taageerayo Midnimada Qaranka Soomaaliya oo Ka Dhacay Magaalada Taariikhiga ee Taleex, Khaatumo Soomaaliya
  21. " frameborder="0" allowfullscreen> Soo Dhoweyntii Madaxweynaha Maamul Goboleedka Khaatumo State of Somalia Mudane Ahmed Karaash Iyo Wufuudii Khaatumo State, Magaalada Carooley ee Khaatumo Soomaaliya