Odayaal Reer Hargeysa Ah oo Xaday Raashinkiii Dan Yarta
March 11, 2012
MA RUN BAA WAXA LAGA SHAQEYSIIYEY MU’AAMARAD XOOG BADAN? MAXAASE LAGA OGYAHAY XOGAHA KU DUUGAN?
Agaasiimihii guud ee wasaarada dib u dejinta Mr. Ahmed Cilmi Barre iyo Badhasaabkii Gobolka Maroodijeex Mudane. Ahmed Cumar Cabdillahi ayaa shalayto xabsiga loo taxaabey, xilkiina laga qaaday iyadoo xadhigooda lagu xidhiidhiyey raashin mucaawino ah oo la sheegay in la lunsadey.
Labadan masuul waxaa si kadis ah loo qabtey barqadii shalay waxaanay ku xidhanyihiin xarunta CID da.
Xadhiga labadan masuul oo dadka badidiisu ku firko naxay waxaa la sheegay inuu amarka bixiyey Madaxweyne Ku Xigeenku, waxaana la xidhay iyagoo xanbaarsan masuuliyadii iyo maamuuskii xilka dawladnimo, taasoo marka la eego qaabkii loo maray xadhigooda ay dad badani u arkeen inuu ahaa dariiq madmadow ku jiro oo aan sharciyada wax badan ku banaaneyn, waayo dadka arimaha sharciga aqoonta u lihi waxay sheegeen in ninka masuulka ah aan danbiile lagu sheegi karin, maamuuskana laga xayuubin karin ilaa ay maxkamadi cadeyso fal danbiyeedka uu galay.
In kasta oo markii hore ay sheekadu soo baxdey idaacadaha laga baahiyey in ay masuuliintaasi raashin lunsadeen, taasna loo qaatey in raashin gacanta loo galiyey ay lunsadeen, hadana Madaxweyne Ku Xigeenka oo goor danbe arintan ka Hadley ayaa sheegay in raashinka la lunsadey uu ahaa mid hore loo lunsadey oo aanay masuuliintaasi lunsan.
“Raashinka hore ayaa loo xaday, dabadeedna markii aan ogaadey in raashin la lunsadey ayaan sadex nin oo masuuliin ah u direy oo aan ku idhi raashinkaa soo qabta, waxayna sadexda nin kala ahaayeen Taliye ku xigeenka Policeka Fooxle, Badhasaabka Gobolka Maroodi Jeex Xamarji, iyo La taliyahayga Gaarka ah Mr. Osman, ninka kale ee DG ah kumuu jirin raga aan hawshan u direy ee meel kale ayuu ka raacay” Sidaa waxaa yidhi Madaxweyne Ku Xigeenka JSL oo waraysi arintaa ku sahabsan siiyey laanta afka Soomaaliga ah ee idaacada VOA.
Hadalkan Madaxweyne Ku Xigeenku wuxuu iftiimiyey dareen iyo tibaax hor leh oo ka duwan sidii ay dad badani u haysteen arintan, waayo Madaxweyne Ku Xigeenku wuxuu cadeeyey in raashinkaa cid kale lunsatey, laakiin dhinaca kale Madaxweyne Ku Xigeenku waraysigiisa kuma cadeyn halka ay masuuliintani kasoo galeen danbiga lunsiga raashinka iyo sababta keentay in raashin hore loo lunsadey.
Sida ay dad xogogaal ahi noo sheegeen in mudo laba todobaad ka badan ayay hadal haynta ku sahabsan sheekada raashinka la lunsadey dhex socotey suuqyada magaalooyinka Hargeisa iyo Burco, waxayna dadku is weydiinayeen cida raashinkan la sheegayo lunsatey.
Sidoo kale markii ay soo baxdey sheekada xadhiga Badhasaabka iyo Agaasiimaha Dib u Dejintu waxay dadku is weydiiyeen su’aalo dhowr ah oo dareen leh, kuwaasoo ay ka mid yihiin:
1 – Raashinka xagee markii hore lagasoo rarey Dekeda Berbera, yaase lahaa masuuliyada lagaga soo rarey Dekeda Berbera, yayse ahayd cidii markii hore loo dhiibey ee suuqyada galisey?
2 – Taasoo dadka qaar isweydiiyeen ma Badhasaabka Maroodijeex, mis Agaasiimaha Guud ee Dib u Dejinta ayaa kasoo rarey dekeda Berbera.
Madaxweyne Ku Xigeenku wuxuu sheegay, in raashinka hore loo xadey, laakiin waxay is weydiintu tahay wa’ayo cida xadey, xageebeyse kasoo xadey?
Jawaabta su’aalahan iyo cadeynta sida ay wax u dhaceen waxa laga sugayaa xukuumada iyo cida arintan gacanta ku haysa, hasayeeshee sida ay warar xogogaal ahi tibaaxeen amarka raashinka Berbera lagaga soo rarey waxa bixiyey Wasiiro Xukuumada ka tirsan, waxaana sida la sheegay raashinkaa Berbera kasoo rarey laba nin oo shicib ah oo xidhiidh dhow la leh qaar ka mid ah wasiirada awooda badan ee xukuumada Madaxweyne Ahmed Silanyo.
Dabadeed sida ay wararku sheegeen raashinkan markii Berbera lagasoo rarey qayb waxa loo rarey dhinaca Burco, qaybna waxaa loosoo rarey dhinaca Hargeisa, iyadoo ay wararku sheegeen in raashinkaa loogu talo galey gobolada bariga Somaliland ee fog, waxaase dhacdey in raashinkaa lagu xaraashey meelo ay ka mid yihiin suuqyada Hargeisa iyo Burco.
Sida ay hadaba warar xogogaal ah oo dhinacyo badan kasoo baxay sheegeen, markii la ogaadey in raashinkaa caawimada ah ay leexsadeen dadkii Dekeda Berbera looga dhiibey kuwaas oo aan ahayn masuuliintan arintan loo xidhay balse ahaa rag shicib ah oo isticmaalayey awoodaha xubno wasiiro ah.
Ayuu Madaxweyne Ku Xigeenku amrey sadexda masuul oo kala ah Taliye ku Xigeenka Policeka, Badhasaabka Maroodijeex iyo La Taliyihiisa gaarka ah, dabadeedna Badhasaabka iyo Taliye ku xigeenku waxay bilaabeen hawlgalkii qabqabashada raashinkan lasoo dhacay, taas oo ay ku hawlanaayeen ilaa afartii cashe ee u danbeysay, kuna guuleysteen inay qaar raashinkaa ka mid ah soo qabqabtaan oo xarunta wasaarada dib u dejinta kusoo xereeyaan ka dibna waxaa mar kaliya lagu war helay Badhasaabkii hawlgalka baadidoonka iyo qabqabashada wadey iyo Agaasiimihii guud ee Dib u Dejinta oo aan kaba mid ahayn dadka Madaxweyne Ku Xigeenku hawshaa u direy ayaa arintii lunsiga raashinka loo xidhxidhey.
In kasta oo Madaxweyne Ku Xigeenka iyo xukuumadaba laga sugayo in ay cadeeyaan halka ay masuuliintani lunsiga raashinkaa kasoo galeen, hadana waxa soo baxaya warar hordhac ah oo xanbaarsan dareemo siyaasadeed.
Wararka qaar waxay leeyihiin in fadeexada raashinkan la lunsadey waxay gali lahayd xubno sare oo ka tirsan xukuumada, sidaa darteed si taa loo marin habaabiyo waxaa loo sadqeeyey sadexdaa masuul, sidoo kale wararka qaar ayaa leh in sheekada xadhiga masuuliintan iyo xil ka qaadistu waxay ahayd mu’aamarad lagasoo shaqeeyey oo ay isu kaashadeen rag wasiiro ahi oo ay xurguf siyaasadeed ka dhaxeeyey masuuliintan la xidh xidhey, iyadoo ay dadka arintan u dhuun daloolaa farta ku fiiqeen rag ay ka mid yihiin Wasiir ku Xigeenka waxbarashada Mr. Cali Xaamud, kaasoo la sheegay inuu door weyn ka ciyaarey isku dhufashada Madaxweyne Ku Xigeenka iyo masuuliintii uu hawsha u direy, arintana ugu dhigey si ka duwan sidii ay xaqiiqdu ahayd.
Sidaa darteed dad badan oo u dhuun daloola dhaqdhaqaaqyada iyo siyaasada xukuumada waxay rumaysan yihiin in ay tani ahayd mu’aamarad si fiican looga shaqeeyey.
Masuuliinta la xidhxidhey ilaa hada fursad looma siin in ay la hadlaan warbaahinta oo ay jawaabo ka bixiyaan eedaha loo jeediyey, waxaana la saarey culeys weyn, taasoo loo diidey in ay booqdaan ehelkoodii iyo asxaabtoodii , taasoo ay dadku u fasirteen in ay rag gaar ah oo xukuumada ka tirsani doonayaan in aan la helin xaqiiqda ilaa inta ay u jeedadooda siyaasadeysani ay fuleyso, taasoo ay ugu horeysay in la xidho xilkana laga qaado, iyo in sharaf dil lagu sameeyo si aanay suuqa siyaasada looga saaro.
Dhinaca kale waxaa maalmihii u danbeeyey iska daba dhacayey dhacdooyin, xasaasi ah oo ay dad badani arkaan xaalad abuur ay cidi dabada ka riixayso waxaana dhacdooyinkaa ka mid ah qaabkii lugunjibaadhka ahaa ee loo xidhxidhey sadexdan masuul.
Sidoo kale waxa dadku si weyn u hadal hayaan xadhiga lagula kacay tobanka xildhibaan ee degmeda Gabiley, kuwaas oo sida la sheegay xadhigooda amrey wasiirka arimaha guduhu Maxamed Nuur Caraale “Duur”.
Xadhiga Xildhibaanadan waxaa sababtiisa lagu tilmaamey in ay doonayeen in ay yeeshaan fadhi ay codka kalsoonida ugu qaadayaan Mayarka Gabiley, taasoo marka laga eego dhinaca sharciga ay xaq u lahaayeen, laakiin waxaa lays weydiinayaa sida ay taasi fal danbiyeed u noqotey.
Had iyo goor marka sheekooyinka musuqmaasuqa la xidhiidha la maqlo ama ay soo if baxaan waxa ay dad badani is weydiiyaan hadii musuqmaasuq cid loo xidhayo maxaa wasiirka arimaha dibeda talaabo looga qaadi waayey oo documents cadeynaya musuqmaasuqiisa gidaar walba lagu hayo.
Waxa kale oo ay dadku aad u hadal hayaan arinta xiisadu ka taagantahay ee wersheda sibidhka Berbera, taaso dadka qaar u arkaan in ay rag xukuumada ka tirsani kibriidka ku qabanayaan oo aanay doonayn in xal laga gaadho, taasina ay tahay istraatiijiyado siyaasi ah oo qarsoon.
Marka la isku uruuriyo dhacdooyinkan dad badan ayaa u arka in ay tahay xaalad abuur dano siyaasi ah laga leeyahay oo ay wadaan rag xukuumada ka tirsan.
Cabdikariim Yusuf Cali