Liibaan
Nomads-
Content Count
4,722 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Liibaan
-
Siduu u Dhacday Kulankii Wafuuda Khaatumo State Iyo Jaaliyada Khaatumoee Magaalada Nairobi + Dhegayso Khudbado Xiiso Badan oo Madasha Laga Jeediyey! http://www.khaatumo.com/?p=26898 xaflad si heer sarre ah loo soo agaasimay oo dhacay maanta galenkii danbe dhacday magaalada hollka shirarka iyo xafladaha ee sir ali muslim ee magaalada nnaibori caasimada dalka kenya ayaa waxaa oo ay ka soo qay galeen xubno ka tirsan maamulka khaatumo state of somalia oo uu hor ka dhacyo madaxwayne c/nuur cilmi qaaje wasiiro, Golaha sare ee dhaqanka uu hor dhacayo garaad guud khaatumo garaad jaamac garaad cali iyo xuno ka tirsan gudiga G10 oo ay ka midyihiin proff: cali khaliif galaydh iyo dr: cabdikariin xasan jaamac, musuuliyiin ka socdo dowlada kmg ah ee soomaaliya iyo dhamaan jaaliyad khaatumo state iyo dadwaynaha soomaaliyeed ku dhaqan magaalada nairobi ee caasimada dalka kenya . Masuulyiintana ayaa halkaasi waxay ka jeediyeen qudbado si aada uxanbaaarsan Qiimo wayn ee Halkan hoose ka dhegayso.
-
Kulan Balaadhan ee Kasoo Qaybgaleen Xukumada Khaatumo State, G.10, G,Dhaqanka, Madaxda DKMG, Jaaliyada Khaatumo Iyo Somaliweyn oo K Dhacday Nairobi+Sawiro… Nairobi:-(RT)Xaflad si heer sarre ah loo soo agaasimay oo dhacay maanta galenkii danbe dhacday magaalada hollka shirarka iyo xafladaha ee sir ali muslim ee magaalada nnaibori caasimada dalka kenya ayaa waxaa oo ay ka soo qay galeen xubno ka tirsanmaamulka khaatumo state of somalia oo uu hor ka dhacyo madaxwayne c/nuur cilmi qaaje wasiiro, golaha sare ee dhaqanka uu hor dhacayo garaad guud khaatumo garaad jaamac garaad cali iyo xuno ka tirsan gudiga G10 oo ay ka midyihiin proff: cali khaliif galaydh iyo dr: cabdikariin xasan jaamac, musuuliyiin ka socdo dowlada kmg ah ee soomaaliya iyo dhamaan jaaliyad khaatumo state iyo dadwaynaha soomaaliyeed ku dhaqan magaalada nairobi ee caasimada dalka kenya . - ugu hoyrn wxaa shirka lagu furay aayadaha quraanka kariim ah iyo ducooyin uu goobta ka soo jeediyey shiikh duulduuliye. intaa ka dib ayaa waxaa la guda galay qudbadihii loogu talo galay madasha oo aad u tiro badnaa waxaana dadwaynihii ka soo qayb galay ku soo dhaweeyey madasha shirka afhayeenka jaaliyada barriga africa khaatumo c/qaadir awcali firdhiyexildhibaan maxamuud axmed {waaqaa} ayaa ku dheeray muhiimada ay leedahay khaatumo state waxaana dowlada federalka kgm ah ee soomaaliya iyo beesha caalamka ku guubaabiyey in la garab istaago maamulka cusub ee khaatumo . - Waxaana sidoo kale qudbado is dabo joog ah goobta shirka ka soo jeediyey isimo iyo nabadoono metelayey beelaha soomaaliyeed . intaa ka dib ayaa waxaa cod baahiyaha loosoo weeciyey Madaxwayne c/nuur cilmi qaaje waxaana madaxwaynuhu ku dheeraaday asbaabihii kreenay in la aasaaso maamulka khaatumo iyo ahdaaftota uu higsanayo isaga oo ku carabka ku adkeeyey in ay shacabka deegaanada ssc danahooda oo idil uu metelo maamulkooda isagoo maamulada heeraha ugu baaqay inay dadka deegaanadaas ku ixtiraamo maamulkooda. Sidoo kale waxaa madasha ka hadlay wasiirkii horre warfaafinta soomaalya Dr: c/kariin xasan jaamac oo sheegay in maamulka khaatumo uu yahay maamulka ka dheexeeya dhamaan umada soomaaliyeed loona dhasay midnimada soomaaliyeed waxaana uu carab baabay inay muqadis tahay midnimada umada soomaaliyeed. Wasiirka xiriirka caalamiga iyo jaaliyadaha khaatumo xuseen suleebaan dhego wayne ayaa goobta xaflada ka akhriyey haykalka guud ee maamulka khaatumo. intaa ka bacdi ayaa waxaa migirifoonka lagu soo dhaweeyey Pro: cali khaliif galaydh waxaana markii magaciisa lagu dhawaay sacab iyo sawaxan is qabsaday hollkii shirku ka socday oo mar keliya jawigii goobta is bedelay dr: ayaa dadkii kasoo qayb galay qudbad qiimo badan uga soo jeediyey waxaana uu ra’iisul wasaarihii soomaaliya cali khaliif qubadiisa uga hadlay maamulka khaatumo sida uu uga duwanyahay maaamulada kale isaga oo weerar ku qaaday maamulada p/land iyo s/land oo u sheegay inay ka shaqaynayaan colaad ma guurto ah siilanyo ayuu ku eedeeyey inuu debi ka galay dadka sool,sanaag iyo cayn lagula xisaabtami doono. - dhankale faroole ayuu ka tilmaamay shakhsi aan u qalmin inuu dad hogaamiyo isoo ka dalbaday odayaasha rer p/land inay wax uu sheegaan sidoo kale waxaa uu soo qaaday wadahadalka s/land iyo somaliya waxaana carab baabay hadii aanay khaatumo wax ka ogayn hadalkaas inaanay waxba ka soconanyn. ugu danbayntii ayaa waxaa shirka soo afmeeray garaadka guud ee khaatumo garaad jaamac garaad cali isagoo aad ugu duceyay dhamaanbulshada somaliyeed iyo reer khaatumo. Realtaleex New Desk.
-
" frameborder="0" allowfullscreen> Horumarka Khaatumo State oo Xowli Weyn Ku Socdo [ Building Khaatumo State] Sayid Mohamed Abdulle Hassan Airport, Taleex oo Gebogebo Ah , Waxaa Dhowaan La Sugayaa Wufuud Heer Caalami Ah Inay Ku Dagaan Garoonka Diyaaradaha ee Caasimada Taariikhiga Taleex Nala Daawo Warbixin Dheer oo ah Sawirro iyo Video Ah Halka uu Marayo dhismaha garoonka Diyaaradaha ee Taleex - Sayid Mohamed Abdulle Hassan Airport
-
Horumarka Khaatumo State oo Xowli Weyn Ku Socdo [ Building Khaatumo State] Sayid Mohamed Abdulle Hassan Airport, Taleex oo Gebogebo Ah , Waxaa Dhowaan La Sugayaa Wufuud Heer Caalami Ah Inay Ku Dagaan Garoonka Diyaaradaha ee Caasimada Taariikhiga Taleex Nala Daawo Warbixin Dheer oo ah Sawirro iyo Video Ah Halka uu Marayo dhismaha garoonka Diyaaradaha ee Taleex. Waxaa Bishii Hore La dhagax Dhigay garoonka Diyaaraddaha ee Degmada Taleex,waxaana si rasmi ah u dhagax Dhigay madaxwayne Axmed Cilmi Cismaan Karaash,waxaa maanta aan Booqasho Gaaban ku tagay Garoonka Diyaaradaha ee taleex. Maxamed Cismaan C/nuur Xaashi
-
" frameborder="0" allowfullscreen> Xafladii & Damaashaadkii lugu Xusayey Khaatumo State Of Somalia ee Kadhacay Finland {Daawo Full Video} Waxaa kadhacday Magaalada Helsinki ee Caasimada wadanka Finland xaflad balaadhan oo lagu waynaynayo Guulaha balaadhan ee ay gaadhay Dawlad Goboleedka Khaatumo State. Xafladan ayaa waxaa kasoo qayb galay dhamaan Jaaliyada Khaatumo state ee kudhaqan wadanka Finland iyo wafdi kale oo kayimid wadomo kale, sidoo kale waxaa xafladan lagu casuumay kana soo qayb galay jaaliyada Soomaaliyeed ee kudhaqan wadanka Finland. Sidoo kale iyagu waxaa xafladan kasoo qayb galay Faniin igagu kayimid magaalada London. Xaflad si heersare ah loo agaasimay oo ka dhacday wadanka Finland. Xaflada waxa soo diyaariyey jaaliyadda reer Khaatumo ee Finland, taaso u dhacday sidii loogu talogalay. Xafladu waxay xanbaarsanayd soo gudbin ujeedooyinka kala duwanaa oo kala ahaa curashadii Khaatumo state iyo hawsha uruurinta ah oo ay u kacday Khaatumo taasoo ah in dib loo helo Somali midaysan; taasoo ka muuqatay shucuurta dadweynihii isagu yimi madasha. Qudbadihii qiirada lahaa ee laga jeediyey madasha ay xafladu ka dhacday waxay wada timaamayeen midnimo wadajir Somalinimo walaalnimo iyo la dagaalanka xag jirnimada kala irdheenaya Somali. Waxa aan ka tilmaami karnaa qudbadii koobnayd ee uu ka jeediyey Gudoomiyaha jaaliyada Khaatumo ee Finland Mudane Ahmed Giire taasoo timaamaysay ujeedada ay ka duulayso Khaatumo iyo waxa ay Kaatumo Tahay iyadoon Khaatumo aanay ahayn Cadaw kala irdheenaya Somali. Khaatumo waa midnimo; Khaatumo waa uruuriyaha Somali. Haddaba nala daawada clip- Xafladii Khaatumo state ee Finland oo ka dhacday Wadanka Finland Caasimadiisa Helsinki Xaflad si heersare ah loo agaasimay oo ka dhacday wadanka Finland. Xaflada waxa soo diyaariyey jaaliyadda reer Khaatumo ee Finland, taaso u dhacday sidii loogu talogalay. Xafladu waxay xanbaarsanayd soo gudbin ujeedooyinka kala duwanaa oo kala ahaa curashadii Khaatumo state iyo hawsha uruurinta ah oo ay u kacday Khaatumo taasoo ah in dib loo helo Somali midaysan; taasoo ka muuqatay shucuurta dadweynihii isagu yimi madasha. Qudbadihii qiirada lahaa ee laga jeediyey madasha ay xafladu ka dhacday waxay wada timaamayeen midnimo wadajir Somalinimo walaalnimo iyo la dagaalanka xag jirnimada kala irdheenaya Somali. Waxa aan ka tilmaami karnaa qudbadii koobnayd ee uu ka jeediyey Gudoomiyaha jaaliyada Khaatumo ee Finland Mudane Ahmed Giire taasoo timaamaysay ujeedada ay ka duulayso Khaatumo iyo waxa ay Kaatumo Tahay iyadoon Khaatumo aanay ahayn Cadaw kala irdheenaya Somali. Khaatumo waa midnimo; Khaatumo waa uruuriyaha Somali. Haddaba nala daawada clip- kan hoose. Khaatumo State Online
-
KHAATUMO STATE SUMMIT Kulan Xaasaasiya Oo Madaxda Sare ee Maamulka Khaatumo State Ugu Furmay Caasimada Taleex -Sawiro Magaalada Taariikhiga ah ee Taleex oo shalay gaadheen Wafdibalaadhan oo uu hogaaminayey Madaxwayne Indhasheel oo kamida golaha madaxtooyada Maamulka khaatumo State Ayaaa waxaa Maanta kafurmay Shirawayne balaadhan oo ay yeelanyaan Madaxda iyo Masuuliyiinta Maamulka Khaatumo State,iyadoo madhasha shirkan ay goob joog ka yihiin Golaha madaxtooyadda,Golaha Wasiiradda iyo sidoo kale Golaha Sare ee Dhaqanka. Fur}itaankii Shirkan ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay Madaxwayen Axmed Cilmi Cismaan {Axmed Karaash} oo kamida golaha madaxtooyada Maamulka khaatumo State. Madaxwaynaha ayaa ka hadlay Arimo Dhowra ,waxuuna madaxwaynuhu sheegay in uu ku faraxsanyahay in 3 Bilood kadib Caasimaddii Taleex ay iskugu Yimaadaan Madaxda Kala Kudwan ee Maamulka khaatumo si ay isula gorfeeyaan halka ay marayso xaalada deegaanada Khaatumo State Of Somalia. waxaana madasha shirkan jooga Dhamaan madaxdii maamulka Khaatumo marka Laga reebo Gudi iskugu jira Golaha Dhaqanka,Golaha Wasiiradda iyo Madaxtooyadda oo Safaro shaqo ugu Maqan Dalka Dibadiisa. Tan iyo markii lagu dhawaaqay maamulka Khaatumo State waa markii ugu horaysay oo madaxda Maamulka Khaatumo ay kuyeeshaan shir noocan oo kala ah magaalada Taleex ee lagu soo dhisay maamulka Khaatumo State.
-
Khaatumo State Summit ShirWeynihii Xukuumada Khaatumo State Of Somalia oo Maanta Si Rasmi Ah Uga Furmay Caasimada Taariikhiga Taleex (SAWIRRO) Waxaa Maanta Si rasmi ah Caasimada maamulka Khaatumo State Of somalia ee Taleex si Toos ah uga Furmay Shir waynihii Maamulka Khaatumo State,waxaana shirkan goob joog ka ah Golaha madaxtooyadda,Golaha Wasiiradda iyo sidoo kale Golaha Sare ee Dhaqanka. Madaxwayne Axmed Cilmi Cismaan(Axmed Karash) ayaa ugu Horayn Shirka Madaxda Maamulka Khaatumo ka Hadlay,waxa uuna madaxwaynuhu sheegay in uu ku faraxsanyahay in 3 Bilood kadib Caasimaddii Taleex ay iskugu Yimaadaan Madaxda Kala Kudwan ee Maamulka khaatumo,waxaana madasha shirkan jooga Dhamaan madaxdii maamulka Khaatumo marka Laga reebo Gudi iskugu jira Golaha Dhaqanka,Golaha Wasiiradda iyo Madaxtooyadda oo Safaro shaqo ugu Maqan Dalka Dibadiisa. Maxamed Cismaan C/nuur Xaashi Taleex City, Khaatumo State Of Somalia
-
" frameborder="0" allowfullscreen> Wafti uu Hogaaminayo Madaxwayne Indho Sheel oo Talex Lagu Soo dhaweeyey {Daawo+ Video} Madaxweyne Col. Maxamed Cabdi Yuusuf iyo Wafti balaadhan oo uu horkacayo ayaa lagu soo dhaweyey degmadda Taleex galabta iyada oo meel ka baxsan magaaladda looga hor yimi waftidan waxana dadweynihii soo dhaweyey horkacayey Golaha Sare ee dhaqanka iyo Madaxweyne Axmed Karaash. waftidan Madaxweyne Indha sheel horkacayo ayaa xalay ka soo anbabaxay magaaladda Buuhoodle si ay ugu qayb galaan shir bari ka furmaya Taleex kaas oo ay yeelanayso Maamulka Khaatumo golayaashiisa sharciga ah. Madaxweyen Indha sheel ayaa mudadii uu ku jiray booqashadda waxa uu u guurgalayey xaaladda deegaanadda uu marayo isaga oo warbixino ka dhagaystay bulshadda deegaanadaas uu marayey.
-
Wafuuda Khaatumo State ee Hogaaminayaan Dr cali Ciise Cabdi, Gudoomiyaha Gudiga fulinta (G10) )Axmed Saleebaan Dafle oo Si Weyn Loogu Soo Dhoweeyey Kuwait (Sawiro) Dr cali Ciise Cabdi, Gudoomiyaha Gudiga fulinta (G10) ee Maamul Gleedla Khaatumo ee soomaaliya waxa ay ufuudani utageen dalka kuwait arimo kusaabsan maamul Gleedka khaatumo, masuuliyiintan maamulaka khaatumo iyo marwada Axmed Saleebaan,marwo Suuban Maxamed Siyaad Bare ayaa waxa sidiiran u soo dhaweeyay dhamaan jaaliyada khaatumo ee dagan wadanaka kuwait oo markasat lagarab taagan maamulka khaatumo hiil iyo hoo. waa socdaal kana ayaa waxa lafilayaa ianay kulamo laqaataan jaaliyada khaatumo ee kusugan wadankan waxa ayana lagali doonaan shirar kala duwan oo lagu iftiiminayo maamulaka khaatumo State Of somalia iyo meesha uu marayo
-
LaTaliyaha Warlord Siilaanyo, Horgale Fu’aad Adan Cadde,Oo waraysi dheer bixiyay Shacabka SSC 99% ayaa isku raacay Khaatumo” {Dhegayso} afka furatay maanta Fu’ad Adan Cade Oo ka mid ah kuwa ugu waawayn dabaqoodhiyada ay ku yartahay wadaniyadu Oo khiyaaliga aaminsan. Fu’aad Oo waraysi dheer bixiyay ayaa ku sheegay waraysigiisa inuu quus kataaganyahay wixii Uu 20sano aaminsanaa xaqiiqsadayna inay Riya ahayd,waxa uu hadalkiisii ku sheegay *********** Khaatumo ayuu samaystay 13garaad,80Caaqil, 40P.H.D(Professor) iyo dhamaan qaybaha bulshada sida Culimada,Dumarka,Dhalinyarada iyo Caruurta ayaa ka tashaday Oo ku dhawaaqay Khaatumo maaha wax cidi iska tidhi waxaana isku raacay khaatumo 99% dadkii ***********. halaga soo qaado Ciidamada ayaan marar badan ku idhi Siilaanyo maantase Tabasho way dhaaftay ayuu yidhi Fu’aad. http://www.afbakayle.com/2012/04/11/fuaad-adan-caddeoo-waraysi-dheer-bixiyaydhulbahante-99-ayaa-isku-raacay-khaatumo-dhegayso/
-
Jaaliyada Khaatumo State Ayaa Nairobi Kusoo Dhoweesay Garaad Cali Buraale -(Sawiro)- Lasanod Online. Wednesday, April 11, 2012 Nairobi,(Lasanod Online)- Waxaa Caawa soo gaadhay Magaalada Nairobi, Garaad Cali Buraale oo kamida Golaha dhaqanka ee Maamulka Khaatumo State, Garaadka ayaa wuxuu kasoo kicitimay magaalada Toronto ee Dalka Canada. Waxaana si wayn ugusoo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Nairobi, Jaaliyada Khaatumo ee Bariga Africa iyo Xubno kamida Golaha Dhaqanka ee Maamulka khaatumo uu hogaaminayo Garaad Jaamac Garaad cali. Garaadka ayaa ku biiri doonaa wafdi isugu jira Golayaasha dhaqanka iyo siyaasada ee maamulka khaatumo oo mudooyinkan danbe ku sugnaa magaalada Nairobi Ee caasimada Dalka Kenya. Garaad Cali Buraale ayaa wuxuu kamid yahay isimada aad looga qadariyo deegaamada khaatumo State, isagoo garaadku kamid ah dadka khibrada durugsan uleh hidaha iyo dhaqanka somalida. Halkan Ka Daawo Sawiro Diini Cabdilaahi Maxamed Lasanod Online. Nairobi, Kenya.
-
Guushu waa Inaga, libdhi maysid Laascaanood- Lasanod Online. Tuesday, April 10, 2012 Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa Dagaal waaa gelin dambe, taas oo ay ula jeedaan haddii dagaalka lagaa gacan sarreeyo gelinka hore, guushu way ku raaci kartaa gelinka dambe.Sido kale haddii goob dagaal lagaa gacan sarreyo maanta, berri adiga ayaa gacan sarraynta yeelan doona. Dagaalkii gaadmada ahaa ee ciimada sheegata Somaliland uu hor boodayo calooshii u shaqayste Mahad Cambaashe ay ku soo qaadeen ciidanka Khaatumo ujeedadii ay ka lahaayeen uma suurtoobin. Guusha weyn ay sheeganayaan waa mid aan waxba ka jirin. Marka dhinaca meleteriga laga eego, tayada iyo tirada ciidanka wax soo weerary iyo siday wax u dhaceen,iyo siday wax u geysteen wax isu dhigma ma aha. Dagaalkaas ciidamada cadawga waxaa qorshe u ahaa inay dhirbaaxo kulul u gaystaan ciidamada Khaatumo, dad madax ahna ku soo qafaashaan ama dilaan hadday u soortowdo laakiin waa ku hungoobeen. Waa run dagaalkaas dhimasho iyo dhaawac waa ka soo gaadheen ciidanka Khaatumo, hase ahaatee mid lagu tilmaami karo guul darro weyn ma ahayn. Tabta iyo xeeladaha dagaalka hoos ku sharaxan waa qodobada ugu muhiimsan taatikada dagaalka. Waa qodobo taliyaha ciidanka laga rabo inuu ku xisaabtamo, markastana maskaxda iyo maanka ku hayo. Qodobadu waa kuwan: 1. Haddaad qorshayso inaad weer qaaddo, ku tasho inaad cadawga weerar ku qaadid wakhti aanu ku filanayn iyo meel aanu kaa filanayn. 2. Haddii qorshahaagu yahay difaac gal, iska ilaali oo ka taxadir in cadawgu kaa soo weeraro meel aanad filanayn iyo wakhti aadan filanayn 3. Haddii ciidanka aad is hor fadhidaan isku tayo iyo awood tihiin oo aad dareento inuu qorshynayo inuu weer kugu soo qaado, adigu weerarka kaga horree intaanu ku soo weerarin si aad qorshihiisa u baajisid, ciidankiisana u kala firdhisid. Qodobada kor ku xusan ee aasaska u ah xeeladaha dagaalka,siday ugu dhaqmeen ciidamada Khaatumo? sidyna u fuliyeen? waa maxay khaladka ay galeen? Aan isku dayo inaan wax ka sheego. • Ciidamada Khaatumo waxay ka ruqaansadeen goobihii ay deganaayeen ee dhufayska kaga jireen. waxay gaadheen duleedka Laascaanood, waxayna ku dhowaadeen Ciidanka cadawga iyada oo qorshohoodu yahay inay weerar ku qaadaan Ciidanka Somaliland, Lascaanoodna xoreeyaan.Hase aheetee looma sheegin wakhtiga weerarka la fulinayo. Waxay istuseen cadawgii hor fadhiyey, waana u digeen in weerar lagu soo qaadayo.Halkaa waxaa ku lumay xeeladdii dagaalka ee ahayd " Cadawga ka weerar meel aanu kaa filanayn iyo wakhti aanu ku filanayn. Haddiise ay qorshaysteen inay meesha ku hakadaan ama degaan waxay ahyd inay galaan difaac adag, isla markaana fulyaan xeelada labaad ee dagaalka oo ah "Ka dugtoonow in cadawgu ku soo weeraro wakhti aanad filanyn iyo meel aadan ka filanayn. • Cadawga ka sokow, reer khaatumo meel ay joogaanba debedda iyo gudahaba waxay durbaanka u tumayeen in dhowaan ciidanka Khatumo weerar qaadayo ku aaddan xoraynta Laascaanood. Ciidanka cadawgu arrintaa waa ka faaiidaysteen, waana dareemeen in weerar lagu soo wado.Sida darteed iyaga oo ka gaashaamanaya inaan weerarka looga horrayn ayey fulyeen xeeladii dagaalka ee saddexaad ee ahayd "cadawga weer inta aanu ku soo weerarin" Dagaalku waa qori, waa sayaasad, iyo qalin. Saddexdaa qodob waa is dhamaystiraan. Wixii lagu waayo siyaasad wuxuu isu beddelaa gacan ka hadal, qori ama xoog inaad ku fuliso siyaasadda aad wadato. Qalinkuna waxaad tabanayso iyo ra'yiga aad wadato inaad ku sheegto war baahinta nooc kasta ha noqdee. Dad badan oo reer Khaatumo ah ayaa saluugsan qaabkii uu dagaalki Jiidda L/caanood ka dhacay Aprl 1 ee dhex maray ciidanka Khaatumo iyo ciidanka S/land. Reer Khaatumo uma muuqato guusha siyaasadeed ee dagaalkaasi u soo hooyey Khaatumo State of Somalia. Waa markii ugu horeyesey ee war baahintu ku tilmaantay iska hor imaadkaas dagaal dhemaray ciidamo ka tirsan Somaliland iyo ciidamo ka tirsan maamulka Khaatumo State.Iska hormaadka noocaas ah waxay ku timaami jireen dagaal dhexmaray Ciidamo ka tirsan S/Land iy ciidamo beeleed ka tirsan Buuhoodle ama L/caanood. Dagaalkii April 1 ka hor, hanaanaka (intiative ka) dagaalku wuxuu u foorarey dhinaca ciidanka Khaatumo. Mooraarlkooda iyo niyadoodu cirka ayey maresey. Ciidamada cadawgana waxa laga soo sheegayey moraal xumo, niyad jab iyo xag xagasho dhexdooda ka muuqata. Arrintaasna waxaa caddayn u ah tekinkadii ka soo fakatay ciidanka cadawga ee isu dhiibtey ciidanka Khaatumo ee jiidda Buuhoodle. Madaxda iyo taliyaasha ciidanka Khaatumo waa inay wacyi geliyaan ciidankooda in haddii goob lagaaga gacan sarreeyey micnu aanay ahayn in lagaa adkaaday. Waa in lagu hanuuniya in Ciidanka Khaatumo yahay ciidan xaq u dirir ah oo dhulkoodii la haysto, dadkoodiina la guumaysanayo. Ha lagu dadaalo debed iyo gudeba inaan mooraalka ciidanka iyo dadku hoos u dhicin. Aniga oo daba socda kor u qaadist niyadda iyo moraalka ciidanka Khaatumo, Waxaan talo u soo jeedinaya madaxda iyo taliyayaasha ciidanka Khaatumo inaan jiidda laascaanood marnba sanqadhu ka yaraan oo istaagin, kolay noqoto dagaalo kooban oo gogoos ah oo cadawga jiif iyo joogba u diida. Falalkaasi waxay dib u soo celinayaan niyadda iyo mooraalka ciidanka Khaatumo. falalkaa googooska ah waxaa loo qorshayn karaa inay fuliyaan toban teknika ah iyo konton nin oo la soo xulay. Halkii tekniko ah inay fuulaan shan askari, waajibkooduna yahay inay ciidanka cadawga kolba dhinac weerar kedis ku qaadaan, habka loo yaqaan ku dhufo ka dhaqaaq(Hit and run),Isla markaana la wado qorshihii iyo abaabulkii weerka balaadhnaa ee lagu xorayn lahaa L/Caanood. Dhulka lagu dagaalamayo waa dhulkeenii, dadka deggen waa dadkeenii, waana inala jiraan , iyagana taageero sahan waa laga heli karaa. Qurbajoogta waxaan u soo jeedinayaa inaanay waxba ka hagran muruq iyo maalba maamulka iyo ciidanka Khaatumo. Arrintu waa ka weyntahay sheeko iyo muran makhaayad fadhi ku dirir. Madaxda reer khaatumo gudaha iyo dibedaba iyo guud ahaan beesha reer Khaatumo, waa inay ku xisaabtamaan oo ku tala galaan in difaaca Buuhoodle iyo xoraynta L/caanood si fudud ku imanayeyn. Waa inay ku talagalaan dhimasho, dhaawac iyo qaxba. Allee haw naxariistee halyeygii Gamal Cadinaaasir ee Masar ayaa weedh taariikhi ah rebey, weedhaas oo odhnaysa"dhulka xoog lagaaga qabsaday, xoog baad ku soo ceshan kartaa. L/caanood xoog baa lagu qabsaday, waxaana lagu soo celin karaa xoog. Hadalkayga waxaan ku soo gunaanadayaa Reer Khaatumo waa inay ku tashadaan dagaal dheer oo dhimasho leh, dhaawac leh iyo qax haduu yimaado. Waxaynu nahay dad xaq u dirir ah dhulkooddi la haysto, odayaashoodii, haweenkoodii, dhalinyaradoodii xabsiyada Burco iyo mandheera si xaq darro loogu taxaabayo.Kan dhintaa waa shahiid, ka dhaawacmana Alle waa shaafayn doonaa Inshaa Allah. Reer Khaatumo waxaan leeyahay; inta dhulkeena la haysto, dadkeenana la guumaysanayo fadhi inoo ma yaal, Guushuna waa inaga, libdhi maysid L/caanood. Qore: Ali. A. Amer
-
http://youtu.be/xwuxszibo-U" frameborder="0" allowfullscreen>
-
Gudoomiya Golaha Sare ee Guurtida Khaatumo Dr: Cali Ciise Cabdi oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey DUBAI International Airport, Dalka Iskutaga Imaaraadka Carrabta {DAAWO}. Dr: Cali Ciise Cabdi oo ka mid ah Golaha sare ee fulinta khaatumo ee G10, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey Dalka isku taga imaaraadka Carrabta oo uu gaadhay maanta goor danbe, Dr: Cali CIise Cabdi ayaa soo dhaweyntiisa waxaa ka qayb qaatay Jaaliyadda Khaatumo ee ku dhaqan dalkaas, kuwaasoo uu horkacayey Gudoomiyahooda Eng: Cali Xaaji Cigge kana mid ah gudida Fulinta ee G10. Waxaa soo dhaweynta Cali CIise sidoo kale qayb ka ahaa Generaal Axmed Saleebaan Cabdalle oo ka mid ahaa madaxdii u saraysey ee Gudidii golaha sare ee kacaan ee xukumayey dalka Soomaaliya mudidii u dhaxaysay sanadihii 1969 ilaa 1991kii. Waxaa la dejiyey magaalada Abudhabi ee dalkaasi isku taga imaaraadka Carrabta, halkaasoo uu horey u deganaa Gen: Daflle , waxaana lagu wadaa inuu kulamo la qaato Jaaliyada Khaatumo State iyo weliba madax ka tirsan dalkaasi Imaaraadka. Horufadhi News Update. http://youtu.be/OTpbTK0bgQc" frameborder="0" allowfullscreen>
-
Kulankii Wasiirada Maamulka Khaatumo State Of Somalia Iyo Jaaliyadda Khaatumo ee Toronto-(Sawiro)- Lasanod Online. Sunday, April 08, 2012 Toronto,(Lasanod Online)- Jaaliyadda Khaatumo State ee Magaalada Toronto ayaa nasiib u yeelatay inay la wada kulanto laba wasiir.. oo ka socda Maamulka Khaatumo State of Somalia. Shir ay si hufan u soo agaasimeen gudida Jaaliyadda Khaatumo State ee Magaalada Toronto ayaa xalay ka dhacay Hotelka Sheraton. Shirkaasoo ay marti ku ahaayeen xubno muhiima oo ka socda Golaha Wasiirada, Golaha Dhaqanka, iyo Golaha sare ee G-10 iyo waliba Masuuliyiintii ka qaybqaadatay shirkii taariikhiga ahaa ee ka dhacay magaalada Taleex horraantii sanadka 2012. Wasiirka Arrimaha Bulshada Mohamoud Diiriye, Wasiir ku xigeenka Xidhiidhka caalamiga Darwiishad Fardowsa Maxamuud M. Mire, Garaad Cali Buraale, Jaamac Abshir, iyo wafdi ballaaran oo ka soo kicitamay magaalada Ottawa ee Canada. Aadan Cabdillahi Shuuriye oo ahaaafhayeenkii Shirkii Taleex iyo Saynab Barre (Ergo shirkii Taleex). Ayaa dhammaan halkaa ka soo jeediyay warbixinno iyo Talo iswaydaarsi ay la qaateen jaaliyaddaha Canada. Waxaa halkaa la isla qaatqay sidii loo midayn lahaa xidhiidhka jaaliyadaha reer khaatumo ee ku kala nool Magaalooyinka kala duwan ee waddanka Canada iyo sidii looga qaybqaadan lahaa horumarinta Maamulka Khaatumo State. Waxaa maamulka Khaatumo uu si degdega usoo hooyay guulo faro badan mudadii saddexda bilood ahayd ee la soo dhaafay, Isagoo maamulka ku guulaystay inuu unkamo, ictiraaf degdagana ka helo xukuumadda federalka Somalia.
-
Somalia;816149 wrote: Joojiya muranka, Khaatumo is part of Puntland State of Somalia, we are all one people fighting the cause. Khaatumo is part of United Somalia, not Puntland, If you want us, to respect your Puntland, please respect our Khaatumo State of Somalia. Remember respect is 2-way-street. How about if say Puntland is part of Galmudug? or PL is part of Shabaab?
-
Wadani;816066 wrote: Nin wadani ah baan ahay oo soomaalinimadu lafta kaga jirto. Im a real Wadani, hence my name and wish only the best for Somalia I have sacrificed tribalism, and replaced it with a love that encompasses all Somalis Masha Allah, you are good man walaal wadani, keep up the good work
-
kingofkings;816143 wrote: ms. Aaliyyah i support your khaatumo state of somalia, but i love PL and god bless Mudane Madaxweyne Faroole. i will let this time go, but in the future (since i do not get in the middle of khaatumo and their leaders), i will expect you to do the same. moving on, since most PLers on sol defend the honor and respect of our khaatumo brother/sisters, the same is expect of you. now if Faroole is the only obstacle to our neighborly/blood ties, then i'm afraid, since many of us love, can't stress this enough, the mujaahid, i'm afraid our relation will be complicated in this present/future. Mr. KingofKings, as obvious in this thread, you and your fellow Puntlanders get in the middle of Khaatumo and their leaders. Also, in this thread you and your fellow Puntlanders disrespected Khaatumites and Khatumo leaders. Remember this thread was not about Puntland! - How we can respect your Puntland ? when you & your fellow puntlanders don't respect our Khatumo State of Somalia - How we can respect your leaders? when you & your fellow puntlanders don't respect our leaders, respect is 2 -way-street.