Liibaan
Nomads-
Content Count
4,722 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Liibaan
-
Khaatumo oo ku gacanseyrtay wadahadalka SL Somalia.
Liibaan replied to Mukulaalow's topic in Politics
" frameborder="0" allowfullscreen> Caasimada Mogadishu: Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Ka Hadlay Wada Hadalada Dowlada Soomaaliya Iyo Maamul Goboleedka Somaliland -
Khaatumo oo ku gacanseyrtay wadahadalka SL Somalia.
Liibaan replied to Mukulaalow's topic in Politics
Wasaradda Arrimaha Dibadda ee Xukuumada Khaatumo State oo Ka Hadashay Mowqifkeeda Rasmiga Ah Ku Aadan Wada Hadalka Somalia Iyo Maamul Goboleedka La Baxay Somaliland Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Maamulka Khaatumo State Of somalia ka hadashay Mowqifkeeda ku aadan Wada hadalka Dhex mari Doona Dowlada Somaliya ee Maamul Goboleedka Somaliland, -
http://hobyonet.com/?p=17730 Kadib kulan ballaaran oo Maalmihii ugu danbeeyay ay ku yeelanayeen magaalada Muqdisho Salaadiinta Beelaha Maakhir, Khaatumo, Azaaniya Iyo Puntland ayaa waxa ay isku raaceen in ay ku dhawaaqaan 30 Isin oo ugu qeyb gali doona Shirwweynaha Umadda Soomaaliyeed uga furmaya Wejigiisa 2-aad magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, waxaana ay kala yihiin Magacayadooda. 1- Wakiil Axmed Boqor Cabdullahi Boqor Maxamuud (Puntland State) 2-Islam Bashiir Islam cabdulle (Puntland State) 3-Islam Ciise Islam Maxamed (Puntland State) 4-SuldaanCaliSaciid Awl (Puntland State) 5-Islam maxamud islam maxamed (Puntland State) 6-Sul;daan C/qani suldaancaliBaalle (Puntland State) 7-ugaas xasan Ugaas Yaasiin (Puntland State) 8-Garaad Cabdullaahi Cali Ciid (Maakhir State) 9-GaraadCaliAxmed (CaliAaar) (Maakhir State) 10-Ugaas Axmed Ugaas Maxamed (West Puntland) 11-Garaad Maxamed Yuusuf Xasan (West Puntland) 12-Ugaas Butinle (West Puntland) 13-Ugaas C/raxmaan Cusmaan Sagal (Azaaniya) 14-Suldaan Cabdi Suldaan Cali (Azaaniya) 15-Ugaas C/laahi Cabdi aar (Azaaniya) 16-Ugaas Xasan Ugaas Maxamuud (Azaaniya) 17-Ugaas Haaruun Ugaas Dacar (Azaaniya) 18-Suldaan Faarax Suldaan Maxamed (Azaaniya) 19-Ugaas Aadan Ugaas Ibraahim (Azaaniya) 20-Wakiil Ugaas Axmed Bare (Azaaniya) 21-suldaan C/casiis Cumar Daat (Azaaniya) 22-Suldaan Cabdi Sheekh (Azaaniya) 23-Suldaan Axmed Muuse Amiin (Azaaniya) 24-Nabaddoon Qaasim Dhaqane Amiin (Azaaniya) 25-Nabaddoon C/saalax Axmed Tunyare (Azaaniya) 26-Nabaddoon Sheekh Xasan Iftiin (Azaaniya) 27-Garaad Saleebaan Gaarad Maxamed (Khaatumo State) 28-Garaad Jaamac Gaarad Cali (Khaatumo State) 29-Gaarad Jaamac Gaarad Ismaaciil (Khaatumo State) 30-Ugaas C/laahi Ugaas Nuur (Khaatumo State)
-
Wufuuda Khaatumo State ee Hogaaminayaan Gudoomiaya Golaha Sare ee Guurtida Khaatumo Dr. Cali Ciise Cabdi Iyo S/Guuto Axmed Saleebaan Cabdalle oo Siweyn Loogu Soo Dhoweeyay Kuwait Habeenimadii sabtidu soo gelaysay ee 14/04/2012 ayaa jaaliyadda dalka Kuwait ee Maamul Goboleedka Khaatumo ee Soomaaliya waxay xaflad u abaabushay wafdi Khaatumo ka socda oo soo gaaray Kuwait kana kooban S/Guuto Axmed Saleebaan Cabdalle oo xaaskiisu marwo Suuban Maxamed Siyaad Barre weheliso iyo Dr.Cali Ciise Cabdi, Guddoomiyaha Guddiga Fulinta {G10} ee Khaatumo. Xafladaas oo xubnaha jaaliyaddu soo buux dhaafiyeen waxa jaalle Xasan Nuux Maxamuud oo barnaamijka xaflada hogaaminayay ugu horayntii warbaahiyaha ku soo dhoweeyay Shiikh Cabdirasaaq Cawil Cismaan Baxnaan oo xafladda ku furay aayado ka mid ah Quraanka Kariimka ah. Intaas ka dib waxa Guddoomiyaha jaaliyadda Khaatumo ee Kuwait, jaalle Axmed Maxamed Adan {Tabaatiig}madasha ka soo jeediyey khudbad isugu jirta soo dhoweynta wafdiga sharafta leh iyo guubaabo iyo warbixin ku saabsan sida Jaaliyadda Khaatumo State ee Kuwait mar walba kaalin Libaax uga qaadan jirtay Halgankii loo soo maray Xoraynta Gobolada Khaatumo State laga bilaabo Halgamadii Ururada NSUM iyo SSC iyadoo Halgamadaasi Hordhac iyo Gogol Xaadh u ahayeen abuuridda Maamul Goboleedka Khaatumo State. Dr. Cali Ciise Cabdi oo khudbad qiimo iyo qaayo leh jaaliyadda u jeediyey wuxuu si faah faahsan uga waramay shirarkii Khaatumo 1 iyo Khaatumo 2 iyo sababihii keenay in shirar noocaas ah loo baahado. Wuxuu Dr.Cali jaaliyadda xogwaran buuxa ka siiyey sidii loo abaabulay shirkii Londan ee Khaatumi 1 iyo go’aamadii ka soo baxay oo ay ugu muhimsanayd in dalka gudihiisa shir beeshu u dhantahay lagu qabto. Wuxuu si qota dheer uga waramay marxaladihii uu soo maray shirkii Taleex ee Khaatumo 2 iyo sidii looga gudbay turunturooyinkii iyo hagardaamadii ay maamulda Puntland iyo Soomali-diidku iyagoo iskaashanaya ugu tala galeen burburinta shirka. Wuxuu tilmaamay Dr.Cali in dhibaatooyinkii labadaas maamul ee u heshiiyey beesha Khaatumo la damacsanaayeen shirka lagaga gudbay oo lagu fashiliyey dhabar adayg, isku kalsoonaan iyo midnimo. S/Guuto Axmed Saleebaan Cabdalle ayaa isaguna khudbad heer sare ah oo taabatay dadkii dhegaysanayey madasha ka jeediyey. Wuxuu sheegay in sababta keentay in lagu soo dhiirado qabsashada degaano ka mid ah gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn oo ay ku jirto caasimadii Laascaanood ay tahay isku duubnaan la’aan beesha dhexdeeda ka jirtay. Beelaha haysta Laascaanood iyo degaamada kale kuma soo dhiiran kareen haddii beesha SSC midaysantahay waayo si fiican ayay dadka dega SSC u yaqaaniin. Maadaama hadda beeshu ku midowday Khaatumo waa in qof kasta oo reer Khaatumo ahi wixii karaankiisa ah ugu deeqaa dhisidda maamulka Khaatumo iyo soo celinta degaamada xaq darada beesha laga haysto. Isagoo hadalkiisa sii wata waxa S/Guuto Axmed Saleebaan sheegay in beesha Khaatumo xilweyni ka saaran yahay ilaalinta midnimada Soomaaliya. Iyadoo la kaashanaysa beelaha kale ee waqooyiga Soomaaliya dega una taagan midnimada dalka, ayuu yidhi Axmed Saleebaan, waa in beesha Khaatumo iyo maamulkeedu heegan u ahaadaan sidii looga hortegi lahaa kala goynta dalka Soomaaliya. Khudbadaha ka dib waxa gabayo iyo buraanburo wadani ah oo kiciyey dareenkii dadka madasha ka soo jeediyey Abwaan Cawil Cismaan Baxnaan iyo Abwaanad Safiya Saleebaan Geedeeye. Intaas ka dib waxa qaar ka mid ah dadweynihii joogay soo jeediyeen talooyin wax ku ool ah oo ku saabsan horumarinta Khaatumo iyo su’aalo wafdigu uga jawaabay. Axmed Tabaatiig Guddoomiyaha Jaaliyada Khaatumo State of Somalia, ee Kuwait
-
Xaaji Xunjuf;819260 wrote: Liibaan khaatumo waxay ka mid tahay somaliland sida ay azania uga mid tahay kenya. Xun juf, Khaatumo State Of Somalia [sSC] waxay ka mid tahay Soomaaliya, Sidoo kale, Azaaniya State, Puntland State, Galmudug State, Maakhir State, Awdal State, Iyo Somaliland Triangle (WoqooyiGalbeed) dhamaan waxey ka mid yihiin Soomaaliya.
-
Jacaylbaro;819242 wrote: Ma maqasheen "Gaajaa Macluul Bariday" ?? Mukulaalow;819249 wrote: :cool: Al Qaafilatu Tamshii, wal kalbu yanbax waa maahmaah carabi ah, markaa cayda halkaa ka wada, waxba kama taraso shacabka Khaatumo, Gaajo & macaluul waxaa rabtaan ku hadaaqa, awalba xumaan ayaanu idinka filanay. Guud ahaan Ummada Soomaaliyeed laga bilaabo Lughayo & Zelac ilaayo Mogadishu & Kismaayo si weyn ayee u taageereen una soo dhoweeyeen shacabka iyo maalmulka Khaatumo state. Ninkii hadlayaaba Hayska hadlee Halkaa ku nageeya geediga, Ha jiraan Shacabka Khaatumo & Viva Khatumo State
-
Mukulaalow;819184 wrote: I heard this Garaad's sub clan militia are the one's occupying LA, if that is correct, then he should address his people. Your sources are incorrect and not credible, Somaliland/snm Clan militia are the one's occpaying LA. The Garaad Jaamac Ismaciil Ducaale is working very hard with Khaatumo State Army to liberate Las Anod very soon Insha Allah.
-
Mukulaalow;819215 wrote: Ma garanayo hadaad igu khasbayso inaan ku noco, laakiin nacayn wax la yiraahdo meesha ka saar, qofku fikrad ha saxnaato ama ha khaldanaato wuu qabi karaa, laakiin qofka dhuusadii yeertaba u fasiranaya "waa la i necebyahay" waa wax aad u liita, waana coqdad ku dhisan is liidid. Walaal aniga ma necbi reer khaatumo, laakiin fikirkeygaa wuxuu yahay in ilaa io hadda uusan maamulkaas wax cad qabsan, shir la qabto, qado dad lagu marti qaado, iyo xaflad ka dhacday qurbaha waxba soo kordhin mayso. Sababta aad uga soo horjeedo Khaatumo Iyo Azaaniya waa la ogahay. Meesha ku bugta waa lagaranayaa, Soomaalidu waa dad si fiican isku yaqaana. Waxaa tahay nin caytamay oo dad dhan aflagaadeeyey cuqdad iyo naceyb oo qabo darteed. Sidaado kale qof caytamay asaga ayuu afkiisu ku yaala, cidna caydiiso wax ma yeelaso.
-
KHAATUMO STATE SUMMIT - Capital City of Taleex [The Third Day ] ShirWeynihii Dowlada Maamul-Goboleedka Khaatumo State oo si habsami leh uga socda Magaalo Madaxdda Taleex ( Live + Sawiro) Shirka Dowladda Maamul-Gobaleedka Khaatumo State ayaa ka socda Caasumadda waxana shirkan maanta warbixino ka soo jeediyey Gen.ka Ciidamadda Khaatumo iyo Maayirka Caasumadda Taleexb waxana kulanka maanta ka soo qayb galay Golaha sare ee Dhaqanka, Golaha Madaxtooyadda Golaha Xukuumadda iyo Saraakiisha Taliska Ciidamadda Khaatumo Dawladda Khaatumo ayaa mudadan Taleex ku lahayd shirweyne ay ka soo qayb galeen dhamaanba Golayaasha sharciga ah waxaana shirka la filayaa in uu soo gabo gaboobo maalmahan soo socdda
-
" frameborder="0" allowfullscreen> Madaxda Khaatumo State, Golaha Dhaqanka Garaada Khaatumo, Odayaash Iyo Wax Garadka oo Maamulka Puntland Ku Cambaaraysay Fargelinta ay ku Heyso Deegaanda Khaatumo State Shirkii Jaraa’id Ee Dowlada Iyo Madaxda Khaatumo State Maanta (Maqal iyo Muuqaal) Waxaa maanta shir jaraa’id ku qabtay magaaladda magaaladda Taleex Madaxdda Dawladda Khaatumo iyo Golaha Sare ee Dhaqanka waxaana ay Sheegeen Madax-dani in aysan u sii dul qaadanayn Faragalinta Faroole ku hayo deeganakooda. Video: Shir Balaadhan oo Maanta Odayaasha Iyo Waxgaradka Buuhoodle Yeeshen Ayay Kaga Soo Horjeesteen Faragalinta Faroole Ku Hayo Khaatumo State, Waxeena Kaga Hadleen Raga Dhuumasho Uga Baxay Buuhoodle Aadayna Magaalada Garoowe Si Ay u Ansixiyaan Dastuurka Maamulka Jaarka Ah ee Puntland Qaar kamida odayaasha iyo waxgaradka g/cayn ayaa waxaa ay kaga soo horjeesten rag ay sheegen inay ka soo jeedaan maamul gobaledka khaatumo oo si dhuumasha ah ugu baxay si ay u soo ansixiyaan dastuurka puntland. Halkan Ka Daawo " frameborder="0" allowfullscreen>
-
Madax WeyneKaraash, Gaaraad Abshir, & Garaad Jaamac G. Ismaaciil oo Uga Digay Faroole Faragelinta uu Kuhayo MamulGoboledka Khatumo State waxaa maanta kadhacay magaalada taleex shir balaadhan kaas oo ay ka hadleen Madaxda Maamulka khaatumo State iyo sidoo kale Golaha dhaqan deeganada Khaatumo State. Shirkan ayaa waxaa lagaga hadlayey Faragelinta uu maamulka faroole ku hayo shacabka deegaanada khaatumo State iyadoo loogu baaqayna inuu faraha kala baxo maamulkaasi arimaha quseeya deegaanada Khaatumo State. Waxaa halkaas ka hadlay Garaad abshir saalax iyo garaad Jaamac Ismaaciil oo kamida golaha dhaqanka ee deeganada Khaatumo iyagoo ku nuux nuuxsaday inaysan caqli gal ahayn indadka ka tashaday masiirkooda lala dabayaaco waxaan munaasib ahayn. Dhinakale waxa isna madhasha ka hadlay madaxwayne Axmed karaash oo dhankiisa ku tilmaamay dadka wax magaratada ah ee looga yeedhay magaalada laascaanod siay u ansixiyaan dastuurka maamulka firdhiye ayna waxa saamayna lahayn. gabagabadii kulan ayaa waxaa ka hadlay Afhayeen maamulka khaatuo cumar jaamac saleebaan oo shaaca ka qaaaday in shacabka Ssc ay horay uga tirsanayeen Puntland hasa ahaatee hada ay yihiin khaatumo State kadib shirkii ka dhacay Magaalada Taleex. Xukuumada Khaatumo State Iyo Garaadada Khaatumo oo Xidhiidhka u Jaray Maamulka Faroole, Uguna Baaqay Inay Farogelinta Joojiyaan Kulankii u soconayey Madaxda dawladda Khaatumo State golayaasheeda Fulinta iyo dhaqanka ayaa maanta looga hadlay Farogelinta Qaawan ee C/Raxmaan Faroole ku hayo deeganada Khaatumo State, waxaana looga digey sii socoshada dhibaatada Khaatumo, shirkan waxaa gduoominayey Madaxweyne Axmed Cilmi Cismaan Karaash. Waxaana hareerihiisa fadhiyey madaxda kale iyo weliba Golaha sare ee dhaqanka Xubnahooda ku sugan Taleex.
-
" frameborder="0" allowfullscreen> Horumarka Khaatumo State oo Xowli Weyn Ku Socdo [ Building Khaatumo State] Sayid Mohamed Abdulle Hassan Airport, Taleex oo Gebogebo Ah , Waxaa Dhowaan La Sugayaa Wufuud Heer Caalami Ah Inay Ku Dagaan Garoonka Diyaaradaha ee Caasimada Taariikhiga Taleex Nala Daawo Warbixin Dheer oo ah Sawirro iyo Video Ah Halka uu Marayo dhismaha garoonka Diyaaradaha ee Taleex. Waxaa Bishii Hore La dhagax Dhigay garoonka Diyaaraddaha ee Degmada Taleex,waxaana si rasmi ah u dhagax Dhigay madaxwayne Axmed Cilmi Cismaan Karaash,waxaa maanta aan Booqasho Gaaban ku tagay Garoonka Diyaaradaha ee taleex. Maxamed Cismaan C/nuur Xaashi
-
Mukulaalow;819191 wrote: WAR SUG NINYOHOOW CID KU NECEB MA JIRTEE. tell me where I lied. LA iyo Kismaayo ma waxaa maamlo labadan maamul mise qolyo kale?. dibad wareeg waxay ku yihiin ilaa iyo hadda xaflad iyo niiko uun baad noosoo tabisaa, kwan Azania baaba la oran karaa xoogaa bay dhaqdhaqaaqaan. Ninyahow waxaa buuxa naceyb, cudur iyo cuqdad. Waxaan maqli jiray nin bey meeli buqtaa, waanu ognahay sababta aad uga soo horjeedo Maamulka Iyo Shacabka Khaato. Qof kasta waa caytami karaa, aflagaado waxba tarimeeso, anaguba waxaan oran karnaa kooxdiina waxa kaliya ee noo soo tabiso waa Budh Cad Badeed, Dhac, Iyo Tuuganimo.
-
" frameborder="0" allowfullscreen> Daawo: Kulankii Maanta ee Madaxda Xukuumada Khaatumo State Of Somalia " frameborder="0" allowfullscreen> Daawo: Kulankii Maanta ee Madaxda Xukuumada Khaatumo State Of Somalia KHAATUMO STATE SUMMIT Kulan Xaasaasiya Oo Madaxda Sare ee Maamulka Khaatumo State Ugu Furmay Caasimada Taleex -Sawiro Magaalada Taariikhiga ah ee Taleex oo shalay gaadheen Wafdibalaadhan oo uu hogaaminayey Madaxwayne Indhasheel oo kamida golaha madaxtooyada Maamulka khaatumo State Ayaaa waxaa Maanta kafurmay Shirawayne balaadhan oo ay yeelanyaan Madaxda iyo Masuuliyiinta Maamulka Khaatumo State,iyadoo madhasha shirkan ay goob joog ka yihiin Golaha madaxtooyadda,Golaha Wasiiradda iyo sidoo kale Golaha Sare ee Dhaqanka. Fur}itaankii Shirkan ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay Madaxwayen Axmed Cilmi Cismaan {Axmed Karaash} oo kamida golaha madaxtooyada Maamulka khaatumo State. Madaxwaynaha ayaa ka hadlay Arimo Dhowra ,waxuuna madaxwaynuhu sheegay in uu ku faraxsanyahay in 3 Bilood kadib Caasimaddii Taleex ay iskugu Yimaadaan Madaxda Kala Kudwan ee Maamulka khaatumo si ay isula gorfeeyaan halka ay marayso xaalada deegaanada Khaatumo State Of Somalia. waxaana madasha shirkan jooga Dhamaan madaxdii maamulka Khaatumo marka Laga reebo Gudi iskugu jira Golaha Dhaqanka,Golaha Wasiiradda iyo Madaxtooyadda oo Safaro shaqo ugu Maqan Dalka Dibadiisa. Tan iyo markii lagu dhawaaqay maamulka Khaatumo State waa markii ugu horaysay oo madaxda Maamulka Khaatumo ay kuyeeshaan shir noocan oo kala ah magaalada Taleex ee lagu soo dhisay maamulka Khaatumo State.
-
Khaatumo State Summit, Capital City of Taleex ShirWeynihii Xukuumada Khaatumo State Of Somalia oo Maanta Si Rasmi Ah Uga Furmay Caasimada Taariikhiga Taleex (SAWIRRO) Waxaa Maanta Si rasmi ah Caasimada maamulka Khaatumo State Of somalia ee Taleex si Toos ah uga Furmay Shir waynihii Maamulka Khaatumo State,waxaana shirkan goob joog ka ah Golaha madaxtooyadda,Golaha Wasiiradda iyo sidoo kale Golaha Sare ee Dhaqanka. Madaxwayne Axmed Cilmi Cismaan(Axmed Karash) ayaa ugu Horayn Shirka Madaxda Maamulka Khaatumo ka Hadlay,waxa uuna madaxwaynuhu sheegay in uu ku faraxsanyahay in 3 Bilood kadib Caasimaddii Taleex ay iskugu Yimaadaan Madaxda Kala Kudwan ee Maamulka khaatumo,waxaana madasha shirkan jooga Dhamaan madaxdii maamulka Khaatumo marka Laga reebo Gudi iskugu jira Golaha Dhaqanka,Golaha Wasiiradda iyo Madaxtooyadda oo Safaro shaqo ugu Maqan Dalka Dibadiisa. Maxamed Cismaan C/nuur Xaashi Taleex City, Khaatumo State Of Somalia
-
Mukulaalow;819178 wrote: Waxaan maqli jiray, Laba qaawani isma qaado. Waa laba maamuloo dibad wareeg iska ah, caasimadohoodana ay ka taliyaan ummada kale. Mukulaalow waxaa tahay nin been badan, sababta aad beenta cad u sheegasid maxee tahay? waxaa la odhan karaa waa naceyb iyo cuqdad Goormay Caasimada Taariikhiga ee Taleeex, Buuhoodle, Xudun, Boocame, Kalabaydh, Widhwidh, Tukaraq Noqdeen wadamo Shisheeye ama dabad wareeg???? " frameborder="0" allowfullscreen> Wafti uu Hogaaminayo Madaxwayne Indho Sheel oo Talex Lagu Soo dhaweeyey {Daawo+ Video} Madaxweyne Col. Maxamed Cabdi Yuusuf iyo Wafti balaadhan oo uu horkacayo ayaa lagu soo dhaweyey degmadda Taleex galabta iyada oo meel ka baxsan magaaladda looga hor yimi waftidan waxana dadweynihii soo dhaweyey horkacayey Golaha Sare ee dhaqanka iyo Madaxweyne Axmed Karaash. waftidan Madaxweyne Indha sheel horkacayo ayaa xalay ka soo anbabaxay magaaladda Buuhoodle si ay ugu qayb galaan shir bari ka furmaya Taleex kaas oo ay yeelanayso Maamulka Khaatumo golayaashiisa sharciga ah. Madaxweyen Indha sheel ayaa mudadii uu ku jiray booqashadda waxa uu u guurgalayey xaaladda deegaanadda uu marayo isaga oo warbixino ka dhagaystay bulshadda deegaanadaas uu marayey.
-
Maamulka Khaatumo State oo Xidhiidhka u Jaray maamulka Faroole, uguna Baaqay inay Farogelinta joojiyaan Kulankii u soconayey Madaxda dawladda Khaatumo State golayaasheeda Fulinta iyo dhaqanka ayaa maanta looga hadlay Farogelinta Qaawan ee C/Raxmaan Faroole ku hayo deeganada Khaatumo State, waxaana looga digey sii socoshada dhibaatada Khaatumo, shirkan waxaa gduoominayey Madaxweyne Axmed Cilmi Cismaan Karaash. Waxaana hareerihiisa fadhiyey madaxda kale iyo weliba Golaha sare ee dhaqanka Xubnahooda ku sugan Taleex.
-
Maamulka Khaatumo State Iyo Garaada Khaatumo oo Eedeeyay Faragalinta uu Faroole & Maamulkiis Puntland Ku Hayaan Deeganada Khaatumo State Muqdisho April 15, 2012 Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga ee Maamulka Khaatumo Max’ed Ducaale Cabdi oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ayaa waxa uu eedeeyay Maamulka Puntland oo uu sheegay in Dastuurkiisu uu saameyn ku yeelanayo Maamulkoodu. Max’ed Ducaale Cabdi ayaa sheegay in Puntland ay waddo qorhe ku aadan in Odayaasha dhaqanka ee kasoo jeeda gobolada Sool, Sanaag iyo Togdheer ay dooneyso inay ka qeyb galiso Dastuurka, isagoo carabka ku dhuftay in Odayaashaasi aysan jirin cid ay matalaan, hase ahaatee ay Mas’uul ka yihiin Nafsaddoodu. Wasiirka ayaa waxa uu kasoo horjeestay wada hadalka la sheegay inay galayaan dowladda KMG Soomaaliya iyo Somaliland, isagoo tibaaxay in Somaliland ay ku egtahay oo kaliya Burco iyo Hargeysa islamarrkaana deegaannada kale ay leeyihiin Maamul sida uu hadalka u dhigay. Wali wax ah kama soo bixin Maamulka Puntland oo lagu eedeeyay in Dastuurka uu doonayo in uu ka qeyb galiyo Odayaal iyo waxagarad kasoo jeeda gobolada Sool, Sanaag iyo Togdheer taasi oo Maamulka Khaatumo uu sheegay inaysan waxba ka jirin, loona baahan yahay in la xishmeeyo darisnimada. SDN- Muqdisho
-
Garaad Abshir Saalax Iyo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Ducaale oo Maanulka Faroole Ugu Baaqay In uu Joojiyo Faro Galinta uu Ku Hayo Deeganada khaatumo State Kulankan oo saka ka dhacay madaxtooyada maamulka khaatumo state of somalia ayaa waxaa kasoo qayb galay Madaxda maamulka madaxda dhaqanka iyo golaha wasiiradda dowlad goboleedka khaatumo,waxaana shir gudoominayey madaxwayne axmed cilmi cismaan karaash waxaana laga soo saaray qodobo dhawr ah kuwaas oo saxaafadda uu u akhriyey afhayeenka madaxtooyadda maamulka khaatumo cumar jaamac saleebaan. waxaana kulankan lagu canbaareeyey maamulka waqooyi barri ee hore loo odhan jiray (P/land) Hawlaha fara galinta ah ee ku aadan dastuurkooda oo ay doonayaan inay ka dhaqan gashaan degmoyon khatumo ka tirsan oo ay ka kaxaysteen qaar kamid ah dadka xoola dhaqatadda ah kuwaas oo la geeyey garowe lagana doonayo in lagu buuxsado sawiradda. Dhinaca kale waxaa kulankan ka hadlay garaad Abshir Saalax iyo Garaad Jaamac Garaad ismaaciil ducaale oo yaguna maanulka faroole ugu baaqay in uu joojiyo faro galinta uu ku hayo deeganada khaatumo Midnimossc News Desk/Online