Liibaan
Nomads-
Content Count
4,722 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Liibaan
-
Garaad Abshir Saalax Iyo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Ducaale oo Maanulka Faroole Ugu Baaqay In uu Joojiyo Faro Galinta uu Ku Hayo Deeganada khaatumo State Kulankan oo saka ka dhacay madaxtooyada maamulka khaatumo state of somalia ayaa waxaa kasoo qayb galay Madaxda maamulka madaxda dhaqanka iyo golaha wasiiradda dowlad goboleedka khaatumo,waxaana shir gudoominayey madaxwayne axmed cilmi cismaan karaash waxaana laga soo saaray qodobo dhawr ah kuwaas oo saxaafadda uu u akhriyey afhayeenka madaxtooyadda maamulka khaatumo cumar jaamac saleebaan. waxaana kulankan lagu canbaareeyey maamulka waqooyi barri ee hore loo odhan jiray (P/land) Hawlaha fara galinta ah ee ku aadan dastuurkooda oo ay doonayaan inay ka dhaqan gashaan degmoyon khatumo ka tirsan oo ay ka kaxaysteen qaar kamid ah dadka xoola dhaqatadda ah kuwaas oo la geeyey garowe lagana doonayo in lagu buuxsado sawiradda. Dhinaca kale waxaa kulankan ka hadlay garaad Abshir Saalax iyo Garaad Jaamac Garaad ismaaciil ducaale oo yaguna maanulka faroole ugu baaqay in uu joojiyo faro galinta uu ku hayo deeganada khaatumo Midnimossc News Desk/Online Maamulka Khaatumo State Iyo Garaada Khaatumo oo Eedeeyay Faragalinta uu Faroole & Maamulkiis Puntland Ku Hayaan Deeganada Khaatumo State Muqdisho April 15, 2012 Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga ee Maamulka Khaatumo Max’ed Ducaale Cabdi oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ayaa waxa uu eedeeyay Maamulka Puntland oo uu sheegay in Dastuurkiisu uu saameyn ku yeelanayo Maamulkoodu. Max’ed Ducaale Cabdi ayaa sheegay in Puntland ay waddo qorhe ku aadan in Odayaasha dhaqanka ee kasoo jeeda gobolada Sool, Sanaag iyo Togdheer ay dooneyso inay ka qeyb galiso Dastuurka, isagoo carabka ku dhuftay in Odayaashaasi aysan jirin cid ay matalaan, hase ahaatee ay Mas’uul ka yihiin Nafsaddoodu. Wasiirka ayaa waxa uu kasoo horjeestay wada hadalka la sheegay inay galayaan dowladda KMG Soomaaliya iyo Somaliland, isagoo tibaaxay in Somaliland ay ku egtahay oo kaliya Burco iyo Hargeysa islamarrkaana deegaannada kale ay leeyihiin Maamul sida uu hadalka u dhigay. Wali wax ah kama soo bixin Maamulka Puntland oo lagu eedeeyay in Dastuurka uu doonayo in uu ka qeyb galiyo Odayaal iyo waxagarad kasoo jeeda gobolada Sool, Sanaag iyo Togdheer taasi oo Maamulka Khaatumo uu sheegay inaysan waxba ka jirin, loona baahan yahay in la xishmeeyo darisnimada. SDN- Muqdisho
-
Video: Shir Balaadhan oo Maanta Odayaasha Iyo Waxgaradka Buuhoodle Yeeshen Ayay Kaga Soo Horjeesteen Faragalinta Faroole Ku Hayo Khaatumo State, Waxeena Kaga Hadleen Raga Dhuumasho Uga Baxay Buuhoodle Aadayna Magaalada Garoowe Si Ay u Ansixiyaan Dastuurka Maamulka Jaarka Ah ee Puntland Qaar kamida odayaasha iyo waxgaradka g/cayn ayaa waxaa ay kaga soo horjeesten rag ay sheegen inay ka soo jeedaan maamul gobaledka khaatumo oo si dhuumasha ah ugu baxay si ay u soo ansixiyaan dastuurka puntland. Halkan Ka Daawo " frameborder="0" allowfullscreen>
-
MadaxWeyne Karaash, Garaad Abshir Saalax, Iyo Garaad Jaamac Garaad Ismaciil oo Uga Digay Faroole Faragelinta uu Kuhayo Maamul-Goboleedka Khaatumo State waxaa maanta kadhacay magaalada taleex shir balaadhan kaas oo ay ka hadleen Madaxda Maamulka khaatumo State iyo sidoo kale Golaha dhaqan deeganada Khaatumo State. Shirkan ayaa waxaa lagaga hadlayey Faragelinta uu maamulka faroole ku hayo shacabka deegaanada khaatumo State iyadoo loogu baaqayna inuu faraha kala baxo maamulkaasi arimaha quseeya deegaanada Khaatumo State. Waxaa halkaas ka hadlay Garaad abshir saalax iyo garaad Jaamac Ismaaciil oo kamida golaha dhaqanka ee deeganada Khaatumo iyagoo ku nuux nuuxsaday inaysan caqli gal ahayn indadka ka tashaday masiirkooda lala dabayaaco waxaan munaasib ahayn. Dhinakale waxa isna madhasha ka hadlay madaxwayne Axmed karaash oo dhankiisa ku tilmaamay dadka wax magaratada ah ee looga yeedhay magaalada laascaanod siay u ansixiyaan dastuurka maamulka firdhiye ayna waxa saamayna lahayn. gabagabadii kulan ayaa waxaa ka hadlay Afhayeen maamulka khaatuo cumar jaamac saleebaan oo shaaca ka qaaaday in shacabka Ssc ay horay uga tirsanayeen Puntland hasa ahaatee hada ay yihiin khaatumo State kadib shirkii ka dhacay Magaalada Taleex. ___________ " frameborder="0" allowfullscreen> Madaxda Khaatumo State, Golaha Dhaqanka Garaada Khaatumo, Odayaash Iyo Wax Garadka oo Maamulka Puntland Ku Cambaaraysay Fargelinta ay ku Heyso Deegaanda Khaatumo State Shirkii Jaraa’id Ee Dowlada Iyo Madaxda Khaatumo State Maanta (Maqal iyo Muuqaal) MadaxWeyne Karaash, Garaad Abshire Saalac Iyo Garaad Jaamac Ismaaciil oo ugu Baaqay Puntland inay Faragalinta ee Ku hayso Khaatumo State Joojiso Waxaa maanta shir jaraa’id ku qabtay magaaladda magaaladda Taleex Madaxdda Dawladda Khaatumo iyo Golaha Sare ee Dhaqanka waxaana ay Sheegeen Madax-dani in aysan u sii dul qaadanayn Faragalinta Faroole ku hayo deeganakooda.
-
MadaxWeynaha Khaatumo State Mudane Ahmed Karaash Iyo Wafti Ballaadhan Oo Ka Mid Ah Maamul Goboleedka Khaatumo Oo Booqday Garoonka Diyaaradaha Sayid Mohamed Abdulla Hasan AIRPORT Ee Caasimada Taleex Golaha Madaxtooyada ee Maamulka Khaatumo waxay kormeer booqasho iyo u kuurgelidba u aadeen Garoonka Sayid Maxamed Cabdalla Xasan ee magaalada Taleex, Waxaana warbixino halkaasi ka soo jeediyey qaar ka mid ah madaxda Khaatumo iyo qaar ka mida masuuliyiinta iyo hawl wadeenada gacanta ku haya.
-
" frameborder="0" allowfullscreen> Sayid Mohamed Hassan Airport - Taleeh, Capital City of Khatumo State Of SOmalia Mashaa Allah............waa arin aad iyo aad u muhiim ah in la dhamaystiro garoonkan iyo kuwa kaleba.....waxyaabo farabadan ayaa inoo fududaanaya inshaa allah.... Guulaysta....Guul iyo Gobanimo Khaatumo State Of SOmalia
-
Horumarka Khaatumo State oo Xowli Weyn Ku Socdo [ Building Khaatumo State] Sayid Mohamed Abdulle Hassan Airport, Taleex oo Gebogebo Ah , Waxaa Dhowaan La Sugayaa Wufuud Heer Caalami Ah Inay Ku Dagaan Garoonka Diyaaradaha ee Caasimada Taariikhiga Taleex Nala Daawo Warbixin Dheer oo ah Sawirro iyo Video Ah Halka uu Marayo dhismaha garoonka Diyaaradaha ee Taleex. Waxaa Bishii Hore La dhagax Dhigay garoonka Diyaaraddaha ee Degmada Taleex,waxaana si rasmi ah u dhagax Dhigay madaxwayne Axmed Cilmi Cismaan Karaash,waxaa maanta aan Booqasho Gaaban ku tagay Garoonka Diyaaradaha ee taleex. Maxamed Cismaan C/nuur Xaashi
-
" frameborder="0" allowfullscreen> Garoonka Diyaaradaha Sayid Maxamed Abdullah Xasan ee Caasimada Taleex oo Maraya Meel Dhamaada iyo madax ka hadashay(Video+Sawiro) Garoonak magalada taleex ayaa waxa uu marayaa meel dhamaada garoonka yaa lafilayaa in dhawaan laqabto xafladiisa hadiirabi raali kadhigo garoonaka yaa waxa booqday golayaasha maamulaka khaatumo si ay uqiimeeyaan meesha uumarayo garoonku iyo xaaladiisa waxa halkaas kahadalay madax kaladuwan. ugu hoarayan waxa halakaas kawar bixiyay howl wadeenada garoonka iyo shirkadaha dhisaya oo sheegay inay dhawaan soo afmeeri doonaan shaqadan ay ahayaan iyo in laga dareemi doono deegaandan isbadal dhankasata ah oo horumar keena, goobata waxa iayana kahadalaya qaarkamiada golaha dhaqanka ee khaatumo oo umahad celiayay shaqaalaha shaqada qada iyo masuuliyiinta wohshan gacanata ku hayasa waxa xafaladaas soo afmeeray G.Jaamaca G.Ismaaciil.
-
http://youtu.be/xqkYUKNg-gs" frameborder="0" allowfullscreen> Mudaharaad Weyn oo Lagu Taageerayo Khaatumo State & Midnimada Soomaaliya Ayaa Maanta Ruxay Magaalada Buuhoodle (Daawo Sawirada) Waxaa maanta ka dhacay magaalada Buuhoodle ee Xarunta Gobolka Cayn mudaharaada Balaadh oo laga Soo horjeedo xubno calooshood u shaqaystayaal ah oo Kasoo Jeeda deegaanada Khaatumo State oo si dhuumasho ah ku aaday magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Faroole. - Dadwaynahan Kasoo qayb galaay banaan baxan Ayaa siwayn shucuurtooda u muujiyey waxay na soo ban dhigeen sida ay ugu go antahay taageerada ay u hayaan maamulka khaatumo State, isla markaan aysan matalin waxna u dhimi karin kooxo dana gaara wata oo iyagu doonaya Inay fushadaan howlahooda, laakiin aan ka turjumayn Rabitaanka Shacabka deeganada Khaatumo State. Dhinaca kale Banaan baxan ayaa waxaa lagu Saluugay Gudida ay dawalada Dhexe dalku u magacowda wada hadalka dhexmaraya dawalada Soomaaliya & maamulka Falaagada ah ee Isaaqland. - Gudoomiyaha Gobolka Cayn ee Maamulka Khaatumo State- C/raxmaan Maxamed Axmed oo isna kasoo qayb galay madashii uu kasocday Banaan baxani ayaa hadalo dhinacyo badan taabanaya halkaasi ka jeediyey wuxuu sheegay in ka maamulka Ahaan ay soo dhawaynayaan in shacabku soo bandhigaan, kana hadlaan waxyaabaha Ay Ubaahan yihiin islamarkaan Beesha caalamka iyo dawlada Soomaliyaba Looga Baahan inay Xaq dhowraan Rabitaanka Shacabka Soomaaliyeed, sidoo kalana wuxuu ka hadlay arimo dhowra. Isku soo wada duuboo banaan baxan ayaa ku soo gabagaboobay Jawi aad uwanaagsan!

http://youtu.be/vtOugLOje2k" frameborder="0" allowfullscreen> Waraysi Gaara oo Aan La Yeelanay Halyeyada Sabaax Ciise (daawo video) Waxaa soo gadhay magalada Birmingham halyeeyedii Sabaax Ciise 13/04/2012 oo ay martii qaad ufideyeen ururka Khaatumo of Somalia youth in the westmidlands….waxaana waraysi taabany dhinacyo badan idiinka diyaariya bahda afbakayle&Nugaal Media ee magalada Birmingham waraysi hoos ka daawo.
-
Khaatumo State Oo Ka Qaybgashay Shir Lagaga Hadlayo Dastuurka Cusub Ee Somalia-(Sawiro)- Lasanod Online. Tuesday, April 17, 2012 Nairobi,(lasanod Online)- Waxaa maanta magaalada Nairobi lagu qabtay shir ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Dastuurka Somalia, kaasoo looga tashanayay ka bixitaanka ku meel gaadhka iyo dhammaystirka dastuurka cusub ee qabyada ah. Wasiirka qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya C/laahi Goodax Barre ayaa sheegay in isaga iyo wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil ay go’aansadeen qabashada shirkan oo uu ku tilmaamay wadatashi. “Shirkaan waxaan u qabannay inaan idin la tashano sidii dalka looga saari lahaa marxalada ku meel gaarka ah, meeshaan dadka isugu yimid waa caqligii Soomaaliyeed” ayuu yiri Goodax. Wasiirka dastuurka iyo dib u heshiisiinta C/raxmaan Xoosh Jibriil oo isna ka hadlay sida ay dawlada uga go’antahay dhammaystirka qorshaha roadmapka ayaa sheegay in aysan jirin wado kale oo Soomaaliya ay uga bixi karto ku meel gaarka iyo faragalinta shisheeye, hadii aan la helin dastuur dhammaystiran oo u dalku yeesho. “Dastuurka dadka ansixinaya waxaa laga soo xulayaa qaybaha kala duwan ee dalka. Maadaama aan afti la qaadi Karin xilligan wadada noo furanna ay tahay midaan kaliya” Ayuu yiri Xoosh. “Waxaan ka codsanayaa dadka aqoonta leh ee dalka badbaadin kara inay ka agdhawaadaan salaadiinta iyo ugaasyada si dadka lasoo xulayo ay u noqdaan kuwo tayo leh oo dalka badbaadiya” ayuu sii raacshay wasiirku. Labada wasiir ayaa hoosta ka xarriiqay in baarlamaanka cusub ee dalka ay soo xuli doonaan madax dhaqameedkii hore ee soo jireenka ahaa. Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Gallaydh oo kamid ah xubnaha Khaatumo State ee lagu martiqaaday shirka ayaa sheegay inuu taageersanyahay qorshaha Soomaaliya looga saarayo ku meel gaarka balse uu kasoo horjeedo qaabka wax loo maamulayo. “Dadka lasoo xulayo waxaa la yiri waxaa soo xulaysa Puntland, annagu haddaan nahay Khaatumo ma aqbalayno in ay na matasho Puntland” ayuu yiri Gallayr. Waxaana uu sheegay in Khaatumo ay u taagantahay oo dhiigeeda u daadinayso sidii looga hortagi lahaa kala goynta Soomaaliya. “Dadka reer Khaatumo wuxuu dhiigoodu u qubanayaa waa adkaynta midnimada Soomaaliya, taasna cidna abaal uga dooni mayno” ayuu yiri Gallaydh. Waxaa kaloo isna shirka lagu martiqaaday Cabdikariim Xasan Jamac oo ah xubin kamid ah gudida fulinta maamulka Khaatumo. Shirkii maanta oo ahaa midkii ugu weynaa ee berayahan ka dhaca Nairobi ayaa waxaa isku soo duba riday hay’ada ka shaqaysa arrimaha horumarinta sharciga ee (IDLO). Copyright © 2012 Lasanod.com

Wafuuda Khaatumo Iyo Waxgaradka Goldogob (Sawiro) oo Kulan Balaadhan ku yeeshay Nairobi - Lasanod Online. Tuesday, April 17, 2012 Nairobi,(lasanod Online)- Kulan Balaadhan ayaa maanta ku dhexmaray Magaalada Nairobi, Waxgaradka Beesha Tanade *******(********).. iyo Masuuliyiinta Golayaasha Sare Ee Maamulka Khaatumo State of Somalia. waxaana kulankan kasoo qayb galay masuuliyiin iyo waxgarad farabadan oo kasoo kala jeeda labada dhinac. Kulankan ayaa waxaa qudbado kasoo jeediyey mas’uuliyiinta ay ka mid yihiin Dr.Cali Khaliif Galaydh, madaxwayne C/nuur Cilmi Qaaje, Dr.Aadan Ugaas Maxamed , Muuse Dhegay iyo mus’uuliyiin kale oo muhiim ah. Waxaa kaloo goob jooga ka ahaa guddiga jaaliyada Khaatumo ee barriga Africa, oo ay ka midyihiin gudoomiye Jibriil Awcali Ciise, afhayeen C/qaadir Axmed Aw Cali, Sh. Xasan Axmed maxamed iyo xubno kale . Kulankan ayaa beesha Tanade ******* {laalkase} ku sheegeen inay garab taaganyihiin walaahood Khaatumo hiil iyo hooba, Khaatumo iyo Tanada ay yihiin labo shacab oo walaalo ah. Kulankan maanta ayaa qayb ka noqonaya kulamo isdaba jog ah oo mas’uulihiinta Khaatumo ee ku sugan magaalada Nairobi ay maalmihii lasoo dhaafay la yeelanayeen beelaha kala duwan ee Soomaaliyeed. Diini C/laahi Maxamed {xiddig} Lasanod Online, Nairobi. Kenya
-
It's a time for realpolitik and realism, the people of Khaatumo State needs to recognize that there are practical reasons to advance relations with Ethiopia despite strong Pro-Somaliweyn beliefs of Khaatumo State Leaders like Sareeye Guuto Axmed Saleebaan Dafle, Dr. Cali Khaliif, Dr. Cali Ciise Abdi, Former USP Leader Mohamed Abdi Hashi, etc
-
Abdul;819580 wrote: He means the days when some leaders in the region used to run to ethiopia and tell meles that SSC/KH are terrorists are over. Indeed, the days when Warlord Siilaanyo & Warlord Faroole used to run to Ethiopia and tell melez that SSC/KH and Maakhir & Goldogob people are terrorists are over. The war criminal Faroole killed thousands of innocent somalis in Galgala Maakhir and Goldogob to get more support from Ethiopia. Similarly, War criminal siilaanyo killed thousands more in SSC Region to get more support from Ethiopia.
-
Khaatumo oo ku gacanseyrtay wadahadalka SL Somalia.
Liibaan replied to Mukulaalow's topic in Politics
Hustler;819328 wrote: If you look at evey mamul gobaled inculuding the tfg are all located within their state, while khatumo spends their time in hotels in nairobi I understand why you, as a Clan-Secessionist oppose Khaatumo State, But you don't have to lie, the fact is Khaatumo State of Somalia is located within their State and Region. Khaatumo State spends most of the time in Capital Taleex, like other states, Khaatumo sends delegations to foreign countries and capitals like Nairobi, Addis Ababa, Djibouti, London, Cairo, New York, etc KHaatumo State Of SOmalia controls 70% of their Khaatumo/SSC Region. Khaatumo State rules most Khaatumo towns like Capital City Taleex, Buuhoodle, Xudun, Booceme, Widhwidh, Tukaraq, Kalabaydh, Saaxdheer, Dharkeyn, Xalin, Gambadhe, Holhol, Dhummay, Xidhxidh, Buura Wadal, Qoriley, Karin etc -
Khaatumo oo ku gacanseyrtay wadahadalka SL Somalia.
Liibaan replied to Mukulaalow's topic in Politics
Xukuumada Khaatumo State Oo Jawaab Ka Bixisay Arrimaha Wada Hadalka Dowlada Federaalka Iyo Maamul-Goboleedka Somaliland Lasanod Online. Sunday, April 15, 2012 Nairobi,(lasanod Online)- Kulan saxaafada loogu talagay oo maanta hoteelka Hilton ee magaalada Nairobi ay si wada jir ah ugu qabteen Golayaasha Xukuumada Khaatumo ee ku sugan magaalada Nairobi, ayey ku si kulul ugu dhaliileen arimaha dastuur u masaynta soomaaliya iyo wada hadalka dawlada kmg ah Soomaaliya iyo maamulka waqooyiga. ugu horaynti madaxwayne C/nuur Cilmi Qaaje ayaa ayaa tilmaamay in wada hadalka soomaaliya iyo maamulka waqooyi uu yahay mid lagu majare habaabinayo umadad soomaaliyeed, dadka loo xulayna ay yihiin shakhsiyaad aan meteli karin shacabka soomaaliyeed. waxa uu dowlada mkg ah ka dalbaday inay ka fiirisato arintaa wada hadalka Soomaaliya iyo maamul ka mid ah mamulada Soomaaliya ka jira aan lagu maslixi karin dano gaara, iyadoo madaxa loo salaaxayo dad denbi ka galay qarankii Soomaaliyeed. isagoo intaas sii raaciyey in shacab khaatumo aanay jirin dad meteli kara oo aan ka ahayn maamulka Khaatumo. Ugaas C/laahi Ciise Nuur ayaa ka digay dad sheegaaya inay ka soo jeedaan deegaanada khaatumo oo horgalo u ah maamulka Farole, sheegaaya inay inay dastuur ka ansixinayaan Garoowe waxaana uu sheegay ugaaasku in dhaamaan isimada deegaanaas ay 4bilood ka hor si buuxa kalsoonidii ugala laabteen maamulka Faroole, dhisteena maamul la siman maamulada kale. Dr.Cali Khaliif Galaydh ayaa ayaa tilmaay dadka loo xulayo inay ansixiyaan dastuurka dalka soomaaliya dhaamaan soomaalidu ka tashato, dadka uga qayb gelaya khaatumana ay soo xuli doonaan isimada iyo bulshada rayidka ah ee Soomaaliya. Dr.Galaydh ayaa hoosta ka xariiqay inay dhamaatay xiligii dad horgalayaale ay ku hadli jireen magaca shacab khaatumo. Cali Khaliif Galaydh ayaa labada nin ee Faroole kusoo darsaday wada hadalka dawlada kmg ah iyo maamulka waqooyi u sheegay arrin meel ka dhac ku ah shacab Soomaaliyeed. "haduu isleeyahay Faroole nin kasoo jeeda degaanada khaatumo ayaa lagugu tixgelinayaa ay arintaasi tahay riyo maalin cad ah" ayuu yiri Galaydh. Diini C/laahi Maxamed {xiddig} Lasanod Online. Nairobi, Kenya Copyright © 2012 Lasanod.com