Liibaan
Nomads-
Content Count
4,722 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Liibaan
-
Wafuuda Ka socota Golaha Wasiirada Khaatumo Iyo Golaha Sare ee dhaqanka Khaatumo ayaa gaadhay Caaasumadda muqdisho maalinkii Isniinta ee Todobaadka waxana garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde Airpot ku soo dhaweeyey madax ka tirsan labadda Gole ee DFKM,Odayal dhaqameedyo Soomaaiyeed, Siyaasiyiin, Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed waxaana Golaha sare ee dhaqanka Khaatumo islaan iyo mar xabaysi ka dib loo galbiyey Hoygii loogu talo galay in ay dagaan oo ahaa Hotel Ambasator Muqdisho halkaas oo ay isku sugayeen dadweyne fara badan oo si aad ah ugu soo dhaweeyey
-
Somalia;823476 wrote: Absolute failure, I can't believe my parents paid money to support this movement. KHaatumo State is not your business. Worry about your pl, because Warlord Faroole & his pirate faction is a failure so far.
-
Somalia;823060 wrote: Yes but what's the purpose, for funding? Or is he there in his old capacity? As the head of Khaatumo State Delegation, He is there to raise more funds for KHaatumo State Of SOmalia from Somali Communities in the Gulf and from Arab Governments. He just wants to contribute to Khatumo movement and help his people in every way possible.
-
Somalia;823054 wrote: One of the cleverest Generals ever in Somalia... However, what was the purpose of this visit? Is he Khaatumo Foreign Delegation? Yes, Sareeye Guuto Axmed Sulieman & the chairman of Khaatumo Supreme Council (G10) Dr. Cali Ciise Abdi are Khaatumo State Delegation, at the moment they are visiting Arab world particularly GCC Gulf Countries. Dr. Cali Esse Abdi & Ahmed Sulieman Dafle Dr. Cali Esse Abdi & Ahmed Sulieman Dafle KHaatumo State Celebration, Kuwait
-
Dowlada Kuwait Iyo Dowlad Goboleedka KHaatumo Maxay Ku Heshiiyeen? Kaafinews.com & NuGaalMedia.com Kulan dhexmray inta badan madaxda dawladda dalka Kuwait ee aynu walalaha nahay, iyo Sareeyo Guuto Ahmed Saleebaan Abdlla (Dafle), aya guul ku soo idlaaday, war aanu ka helayno ilo lagu kalsoon yahay ayaa horufadhi.com u xaqiijinaya , in lagu heshiiyey in dawladda dalkaasi ay mashaariic waa weyn oo dhanka horumarinta ah ka fuliso deeganada Khaatumo. Mashaariicdan oo weli aan la xaqiijin cadadka lacageed ee ay ku kacayso, ayaa waxa lagu heshiiyey in dawladda dalkaasi ay ka caawiso dawlada khaatumo adeegyada , Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha iyo dhimsyaasha Garoomada iyo wadooyinka. Warkan ayaa wuxuu intaas ku daraya in sidoo kale Kuwait loo iib geyn doono Xoolaha Khaatumo State, isla markaana heshiisyadu ay yihiin horudhacyo. Boqorka dalkaasi oo ay xidhiidh saaxibtinimo lee yihiin Mudane Ahmed Saleebaan, waxay kaloo isku afgarteen in ganacsato reer kuwait ah ay maalgashadaan deeganada Khaatumo State. Madaxda uu la kulmey ayaa kala ah, Amiirka dalka, Sheekh Sabaax Al Ahmed, Gudoomiyaha Barlamaanka, Axmed Al Sacduun, Ra’iisal wasaraah dalka, Sheikh Jaabiir Al Mubaarik, Ra’iisal wasaare ku xigeenka koobaad, Sh, Ahmed Al Xamuud, iyo madax kale. Mashaariicdan horumarineed ee ay dawladda Kuwait ay ku fan garanayso deeganada Khaatumo ayaa noqonaya mashruuci ugu balaadhnaa e abid laga fuliyo deegaanaa Khaatumo State.
-
" frameborder="0" allowfullscreen> VIDEO: Wasiirkii Arimaha Dibada Ee Hore TFG Ali Jaamac Jangali oo Si Weyn Taageeray Maamul-Goboleedka Khaatumo State of Somalia, Wasiirka oo Khudbad Aad u Qiimo Badan Ka Jeediyey Xafladii Maamul-Goboleedka Khaatumo State of Somalia Ali jaamac jangali waxaa uu ahaa wasiirkii hore ee arimaha dibada u qaabilsanaa dawladii hore TFG isagoona labo jeer noqday wasiirka arimaha dibada xiligii uu xilka soomaaliya uu hayay abdilaahi yuusuf iyo dawlada shiikh shariif oo iyaduna uu aaha wasiirka arimaha dibada. Ali jaamac jangali waa nin umada soomaaliyeed magac weyn kulahaa isagoona xiligii uu xilka hayay uu shaqooyinkiisa gudan jiray hadaba ali waxaa uu ku sugnaa mudoyinkan magaalada mombaasa ee wadanka kenya isagoona ka soo qaybgalay xafladii wayneed ee maamulka khaatumo state of somaliya kaa jeediyay qudbada qiiro badan hadaladii jangali aya waxaa ay u dhaceen sidatan .
-
100 DAYS, KHatumo State
-
Naxar Nugaaleed;822155 wrote: Somalida qaar ba camal ka dhegtay iin ay been isk maweeleyaan. let which ever side that wants talk talk, the fruit of the effort will carry the day. Somalidiid websites waa been badan yihiin, maba xishoodaan. RamaasNews.Com - the somalidiid website that reported the lies about Khaatumo traditional leaders going to Hargeisa, Now reporting instead Khaatumo traditional leaders went to Nation's Capital Mogadishu and meeting with TFG Leaders led by President Shariif and PM C/Wali Gaas. Dowlada Soomaaliya ee Shariif Oo Madax-Dhaqameedka KHaatumo Kala Hadlaysa Soo Xulida Xubnaha Uga Qayb-galaya Baarlamaanka Cusub Iyo Saraakiil Hargeysa U Jooga Inay Muqdisho U Kexeeyaan Salaadiinta Dalka Qaarkood http://www.ramaasnews.com/index.php/News/News/Dawlada-Sheekh-Shariif-Oo-Madax-Dhaqameedka-Gobolada-Bari-Xulid-Kala-Hadlaysa-Xubnaha-Cusub-Ee-Baarlamaanka-Soomaaliya-Iyo-Saraakiil-Hargeysa-Ugu-Sugan-In-Ay-Muqdisho-U-Ka-Xeeyaan-Sallaadiinta-Dalka-Qaarkood.html Muqdisho (Ramaas) Apr, 24, 2012- Dawlada federal-ka KMG ah ee Soomaaliya, ayaa kulamo lagaga hadlayo sida loo xulayo xubnaha baarlamaanka ee cusub ee Soomaaliya uga qaybgalaya deegaamada Sool, Sagaag Iyo Cayn, kala hadlaysa hogaamiyayaasha dhaqanka ee KHaatumo State. Madaxda dawladu waxa ay ay duqayda kala xaajoonayaan in si dhakhso ah loo bilaabo dhismaha baarlamaanka cusub ee badelaya ka hadda jira ka hor bisha August ee sannadkan oo uu dhamaanayo wakhtiga sharciga ah ee dawlada KMG ahi, iyada oo sida la sheegay Garaadada reer KHaatumo State ay soo dhaweeyeen codsiga xukuumadda Sheekh Shariif. Kulan Qado-sharaf ahaa oo uu maanta xarunta Madaxtooyada Villa ee Magaalada Muqdisho kula qaaday Ra’iisalwasaare Cabdiweli Maxamed Gaas xubno ka mida golaha dhaqanka ee kooxda Khaatumo State, ayaa lagu soo qaaday sidii odayaasha beelaha KHaatumo State ee taabacsan nidaamka federal-ku ay dhinacooda u so dhamaystiri lahaayeen xubnaha mateli doona. Waxa uu sheegay in dawladiisu ay si weyn ula dhacsan tahay taageerada ay Garaadadu u muujiyeen xukuumada uu hogaamiyo oo ku jirta xilli kala-guur ah, isla markaana ay qorshaynayso in la dadejiyo dhismaha baarlamaan cusub, isaga oo beelaha KHaatumo State uu ku tilmaamay qaar nuddan tixgelin gaar ah. “ Waxaan aad uga faraxsanahay in aan maanta halkan ku wada qadayno, oo aynu danaha Soomaaliya ka wada hadalno, waad ogtihiin in la xulayo baarlamaankii cusbaa ee dalka, beesha Garaadadeedu nala joogaan waxa looga baahan yahay in ay xubnaheeda soo gudbiso. Dawladu waxa ay diyaarisay Hall loogu talagalay dadka baarlamaanka xulaya, Khaatumo waa maamul hoostaga dawlada Soomaaliya sidaa saw maaha?” ayuu yidhi Ra’iisal wasaraha Soomaaliya. Sida oo kale waxa Magaalada Hargeysa ku sugan saraakiil ka tirsan dawlada Soomaaliya oo ku hawlan sidii ay qaar ka mida madax-dhaqanka Somaliland uga qaybgeli lahaayeen kulanka lagu soo xulayo baarlamaanka maamulka federal-ka,iyada oo xukuumadda qqn la ogayn sida ay ula macaamili doono xubnaha aaminsan mabda’a Soomaaliweyn. Tallaabooyinka ay qaadayaan dadka Somaliland u dhashay ee aaminsan nidaamka federal-ka, ayaa wiiqi kara madaxbanaanida dalka oo aan la ogayn jihada ay qaadi doono ka dib wadxaajoodyada ay yeelan doonaan Somaliland iyo Soomaaliya dhawaan.
-
Daawo Buuhoodle Caasimadda G/Cayn ee Maamul Goboleedka Khaatumo State Of Somalia oo Raxmaadka Rabi Biyo Dhigay (SAWIRRO) April 24, 2012 | RealTaleex.com Magaalada Buuhoodle ayaa maanta waxaa ka da ay roob baaxad leh roobkan oo siwayn umaanshiiyey Magalada Buuhoodle iyo Qaar kamida degmooyinka ku xeeran. Roobkan ayaa ahaa kii ugu cuslaa ee ka da maalmahan Gudaha magaalada Buuhoodle waxaana maanta laga dareemay dhamaan magaalada qaybaheeda kala duwan damaashaad iyo Mahadcelin balaadhan {{Alxamdu Li laah}} Dhalinta yaryar oo Shabakada Khaatumo.com ku booqatay meelaha ay ku dabaalanayeen ayaa laga dheehanayey Farxad dheeriya. Waxba yaan war idinku daalin Nalaa Daawo Sawirida Iyo damaashaadka Dhalinta ee Raxmaadka Eebe.
-
R/Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Wali Cali Gaas oo Qado Sharafeed u Sameeyey Golaha Wasiirada KHaatumo State Iyo Golaha Sare ee Dhaqanka Khaatumo State ( Sawirro) April 24, 2012 | RealTaleex.com R/wasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Gaas ayaa qado sharafeed is barasho ah u sameeyey waftid Golaha Sare ee dhaqanka ee Khaatum taas oo ka dhacay xarunta Villa Soomaaliya ee Muqdisho. Qado sharaftan waxa ay ahayd isbarasho kaliya mana jrin wax hadalo siyaasadeed ah oo laga hadlay iyada oo dib loo dhigy R/wasaraha Soomaaliya ayaa Isimadda u sheegay in uu ku soo dhaweynayo Muqdisho isla markaasna uu aad ugu faraxsan yahay in ay isbartaan oo ay wada qadeeyaan, waxana uu R/wasaaruhu sheegay in loo baahan yahay in xiliga kala guurta ah ay Isimadda soomaaliyeed meel wanaagsan wax isla meel dhigaan
-
Dowladda Kuwait Iyo Maamul-Goboleedka Khaatumo State oo Hishiis Weyn Gaadhay Kulan dhexmray inta badan madaxda dawladda dalka kuwait ee aynu walalaha nahay, iyo sareeyo guuto Ahmed Saleebaan Abdlla, aya guul ku soo idlaaday, waar aanu ka helayno ilo lagu kalsoon yahay ayaa horufadhi.com u xaqiijinaya , in lagu heshiiyey in dawladda dalkaasi ay mashaariic waa weyn oo dhanka horumarinta ah ka fuliso deeganada Khaatumo. Mashaariicdan oo weli aan la xaqiijin cadadka lacageed ee ay ku kacayso, ayaa waa lagu heshiiyey in dawladda dalkaasi ay ka caawiso dawlada khaatumo adeegya , Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha iyo dhimsyaasha garoomaa iyo wadooyinka. Warkan ayaa wuxuu intaas ku darayaa in sidoo kale Kuwait looo iib geyn doono xoolaha Khaatumo state, isla markaana heshiisyadu ay yihiin horudhacyo. Boqorka dalkaasi oo ay xidhiidh saaxibtinimo lee yihiin Mudane Ahmed Saleebaan, waxay kaloo isku afgarteen in ganacsato reer kuwait ah ay maalgashadaan deeganada Khaatumo State. Madaxda uu la kulmey ayaa kala ah, Amiirka dalka, Sheekh Sabaax Al Ahmed, Gudoomiyaha Barlamaanka, Axmed Al Sacduun, Ra’iisal wasaraah dalka, Sheikh Jaabiir Al Mubaarik, Ra’iisal wasaare ku xigeenka koobaad, Sh, Ahmed Al Xamuud, iyo madax kale. Mashaariicdan horumarineed ee ay dawladda Kuwait ay ku fan garanayso deeganada Khaatumo ayaa noqonaya mashruuci ugu balaadhnaa e abid laga fuliyo deegaanaa Khaatumo State. Horufadhi.com
-
Pics: PM CabdiWali Cali Gaas oo Qado Sharafeed u Sameeyey Wafuuda Wasiirada & Garaadada Maamul Goboleedka KHaatumo State Of SOmalia ee Soo Gaadhay Caasimada Mogadishu R/wasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Gaas ayaa qado sharafeed is barasho ah u sameeyey waftid Wufuuda Maamul Goboleedka Khaatumo State Of Somalia ee Ka Socda Golaha Wasiirada Iyo Golaha Sare ee dhaqanka ee Khaatum taas oo ka dhacay xarunta Villa Soomaaliya ee Muqdisho. Qado sharaftan waxa ay ahayd isbarasho kaliya mana jrin wax hadalo siyaasadeed ah oo laga hadlay iyada oo dib loo dhigy R/wasaraha Soomaaliya ayaa Isimadda u sheegay in uu ku soo dhaweynayo Muqdisho isla markaasna uu aad ugu faraxsan yahay in ay isbartaan oo ay wada qadeeyaan, waxana uu R/wasaaruhu sheegay in loo baahan yahay in xiliga kala guurta ah ay Isimadda soomaaliyeed meel wanaagsan wax isla meel dhigaan Abdiqani Makhtal Maxamed
-
MOGADISHU, Somalia, April 24, 2012/African Press Organization (APO)/ -- The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) welcomes the release of the union leader in northern Somalia on the same day later April 19, 2012 by Somaliland Police. Somaliland police arrested Mohamed Shaqale, a correspondent for the Somalisat television, who is also NUSOJ's Public Information officer in the town of Laas-Anod, the regional headquarters of Sool region on Thursday 19 April, 2012, around 8:00am. Shaqale was released on the same day late Thursday April 19, 2012 after couple of hours in detention. “I was detained for couple of hours, but late Thursday I was released.” Mohamed Shaqale said, “We are determined in working for the journalists rights and will continue.” “We welcome the release of our colleague and call for the Somaliland Authorities to respect the freedom of Expression and the freedom of the press.” Mohamed Ibrahim, NUSOJ Secretary General said, “We call for an immediate end for the arbitrary arrests and detentions without giving the opportunity to appear them before a court.” “We also call reiterate our call for the release of Awke Abdullahi who is detained more than a month in Bosaso jail, in Puntland.” Mr.Ibrahim added. Somaliland administrations' crack down for independent the media, follows the announcement of Khatumo State, an independent state of Sool, Sanaag and Ceyn, which declared independent from Somaliland regions, in January, which Somaliland authorities arrested dozens of journalists and silenced media stations that covered that conference.
-
Sareeye Guuto Axmed Sulieman Dafle, Dr. Cali Ciise Cabdi, Iyo Gudoomiyaha Jaaliyada Khaatumo Axmed Tabatiig Dr. Cali Ciise Cabdi, Iyo Gudoomiyaha Jaaliyada Khaatumo Axmed Tabatiig Sareeye Guuto Axmed Sulieman Dafle Sareeye Guuto Mudane Axmed Saleebaan Dafle Sareeye Guuto Mudane Axmed Saleebaan Dafle Gudoomiyaha G9 Golaha Sare Guurtida Khaatumo, Dr cali Ciise Cabdi [Former IMF Director] Gudoomiyaha G9 Golaha Sare Guurtida Khaatumo, Dr cali Ciise Cabdi [Former IMF Director] Gudoomiyaha G9 Golaha Sare Guurtida Khaatumo, Dr cali Ciise Cabdi [Former IMF Director]
-
Sareeye Guuto Axmed Sulieman Dafle, Dr. Cali Ciise Cabdi, Iyo Gudoomiyaha Jaaliyada Khaatumo Axmed Tabatiig Sareeye Guuto Axmed Sulieman Dafle, Dr. Cali Ciise Cabdi, Iyo Gudoomiyaha Jaaliyada Khaatumo Axmed Tabatiig Sareeye Guuto Axmed Sulieman Dafle Gudoomiyaha G9 Golaha Sare Guurtida Khaatumo, Dr cali Ciise Cabdi [Former IMF Director] Gudoomiyaha G9 Golaha Sare Guurtida Khaatumo, Dr cali Ciise Cabdi [Former IMF Director]
-
Wufuuda Khaatumo State ee Hogaaminayaan Gudoomiaya G9 Golaha Sare ee Guurtida Khaatumo Dr. Cali Ciise Cabdi Iyo Sareeye Guuto Axmed Saleebaan Cabdalle oo Ka Qeyb Galay Xaflada Maamul Goboleedka KHaatumo State Of SOmalia Habeenimadii sabtidu soo gelaysay ee 14/04/2012 ayaa jaaliyadda dalka Kuwait ee Maamul Goboleedka Khaatumo ee Soomaaliya waxay xaflad u abaabushay wafdi Khaatumo ka socda oo soo gaaray Kuwait kana kooban S/Guuto Axmed Saleebaan Cabdalle oo xaaskiisu marwo Suuban Maxamed Siyaad Barre weheliso iyo Dr.Cali Ciise Cabdi, Guddoomiyaha Guddiga Fulinta {G10} ee Khaatumo. Xafladaas oo xubnaha jaaliyaddu soo buux dhaafiyeen waxa jaalle Xasan Nuux Maxamuud oo barnaamijka xaflada hogaaminayay ugu horayntii warbaahiyaha ku soo dhoweeyay Shiikh Cabdirasaaq Cawil Cismaan Baxnaan oo xafladda ku furay aayado ka mid ah Quraanka Kariimka ah. Intaas ka dib waxa Guddoomiyaha jaaliyadda Khaatumo ee Kuwait, jaalle Axmed Maxamed Adan {Tabaatiig}madasha ka soo jeediyey khudbad isugu jirta soo dhoweynta wafdiga sharafta leh iyo guubaabo iyo warbixin ku saabsan sida Jaaliyadda Khaatumo State ee Kuwait mar walba kaalin Libaax uga qaadan jirtay Halgankii loo soo maray Xoraynta Gobolada Khaatumo State laga bilaabo Halgamadii Ururada NSUM iyo SSC iyadoo Halgamadaasi Hordhac iyo Gogol Xaadh u ahayeen abuuridda Maamul Goboleedka Khaatumo State. Dr. Cali Ciise Cabdi oo khudbad qiimo iyo qaayo leh jaaliyadda u jeediyey wuxuu si faah faahsan uga waramay shirarkii Khaatumo 1 iyo Khaatumo 2 iyo sababihii keenay in shirar noocaas ah loo baahado. Wuxuu Dr.Cali jaaliyadda xogwaran buuxa ka siiyey sidii loo abaabulay shirkii Londan ee Khaatumi 1 iyo go’aamadii ka soo baxay oo ay ugu muhimsanayd in dalka gudihiisa shir beeshu u dhantahay lagu qabto. Wuxuu si qota dheer uga waramay marxaladihii uu soo maray shirkii Taleex ee Khaatumo 2 iyo sidii looga gudbay turunturooyinkii iyo hagardaamadii ay maamulda Puntland iyo Soomali-diidku iyagoo iskaashanaya ugu tala galeen burburinta shirka. Wuxuu tilmaamay Dr.Cali in dhibaatooyinkii labadaas maamul ee u heshiiyey beesha Khaatumo la damacsanaayeen shirka lagaga gudbay oo lagu fashiliyey dhabar adayg, isku kalsoonaan iyo midnimo. S/Guuto Axmed Saleebaan Cabdalle ayaa isaguna khudbad heer sare ah oo taabatay dadkii dhegaysanayey madasha ka jeediyey. Wuxuu sheegay in sababta keentay in lagu soo dhiirado qabsashada degaano ka mid ah gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn oo ay ku jirto caasimadii Laascaanood ay tahay isku duubnaan la’aan beesha dhexdeeda ka jirtay. Beelaha haysta Laascaanood iyo degaamada kale kuma soo dhiiran kareen haddii beesha SSC midaysantahay waayo si fiican ayay dadka dega SSC u yaqaaniin. Maadaama hadda beeshu ku midowday Khaatumo waa in qof kasta oo reer Khaatumo ahi wixii karaankiisa ah ugu deeqaa dhisidda maamulka Khaatumo iyo soo celinta degaamada xaq darada beesha laga haysto. Isagoo hadalkiisa sii wata waxa S/Guuto Axmed Saleebaan sheegay in beesha Khaatumo xilweyni ka saaran yahay ilaalinta midnimada Soomaaliya. Iyadoo la kaashanaysa beelaha kale ee waqooyiga Soomaaliya dega una taagan midnimada dalka, ayuu yidhi Axmed Saleebaan, waa in beesha Khaatumo iyo maamulkeedu heegan u ahaadaan sidii looga hortegi lahaa kala goynta dalka Soomaaliya. Khudbadaha ka dib waxa gabayo iyo buraanburo wadani ah oo kiciyey dareenkii dadka madasha ka soo jeediyey Abwaan Cawil Cismaan Baxnaan iyo Abwaanad Safiya Saleebaan Geedeeye. Intaas ka dib waxa qaar ka mid ah dadweynihii joogay soo jeediyeen talooyin wax ku ool ah oo ku saabsan horumarinta Khaatumo iyo su’aalo wafdigu uga jawaabay. Axmed Tabaatiig Guddoomiyaha Jaaliyada Khaatumo State of Somalia, ee Kuwait
-
Wafuuda Khaatumo State ee Hogaaminayaan Dr cali Ciise Cabdi Gudoomiyaha G9 Golaha Sare Guurtida Khaatumo , Iyo Sareeye Guuto Mudane Axmed Saleebaan Dafle oo Si Weyn Loogu Soo Dhoweeyey Kuwait (Sawiro) Dr cali Ciise Cabdi, Gudoomiyaha Gudiga fulinta (G10) ee Maamul Gleedla Khaatumo ee soomaaliya waxa ay ufuudani utageen dalka kuwait arimo kusaabsan maamul Gleedka khaatumo, masuuliyiintan maamulaka khaatumo iyo marwada Axmed Saleebaan,marwo Suuban Maxamed Siyaad Bare ayaa waxa sidiiran u soo dhaweeyay dhamaan jaaliyada khaatumo ee dagan wadanaka kuwait oo markasat lagarab taagan maamulka khaatumo hiil iyo hoo. waa socdaal kana ayaa waxa lafilayaa ianay kulamo laqaataan jaaliyada khaatumo ee kusugan wadankan waxa ayana lagali doonaan shirar kala duwan oo lagu iftiiminayo maamulaka khaatumo State Of somalia iyo meesha uu marayo Gudoomiyaha G9 Golaha Sare Guurtida Khaatumo, Dr cali Ciise Cabdi [Former IMF Director] Gudoomiyaha G9 Golaha Sare Guurtida Khaatumo, Dr cali Ciise Cabdi [Former IMF Director] Gudoomiyaha G9 Golaha Sare Guurtida Khaatumo, Dr cali Ciise Cabdi [Former IMF Director] Sareeye Guuto Mudane Axmed Saleebaan Dafle Sareeye Guuto Mudane Axmed Saleebaan Dafle Sareeye Guuto Mudane Axmed Saleebaan Dafle