Liibaan
Nomads-
Content Count
4,722 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Liibaan
-
Shirka Soomaaliya Waxa Ka Qayb-Qalaya Madax-Dhaqameedka Woqooyi Galbeed/ Somaliland Muqdisho (Ramaas) May 5,2012 – Caasimada dalka Somaliya ee Muqdisho ayaa waxa saacadaha soo socda ka furmaya shirka lagu soo xulayo xubnaha ansixinaya dastuurka Somaliya iyo waliba xubnaha baarlamaanka cusub. Shirkan oo ay ka qayb-galayaan 135 qof oo dhammaantood Madax-dhaqameed ah ayaa waxa uu ku furmaya dugsiga Tababarka booliska ee Magaaladda Muqdisho oo maalmihii u dambeeyay dayactir lagu waday si shirkaasi loogu qabto. Shirkan oo aan ilaa hadda la ogeyn maalmaha uu socon doono ayaa maanta marka uu furmo waxa uu ku koobnaan doonaa furitaan, waxaana khudbado ka soo jeedin doono masuuliyiinta dawlada ku meel-gaadhka ah ee Somaliya iyo Madax-dhaqameedka shirku u furmayo. Shirkan ayaa maalinta bari si toos ah loogu guddo-gali doonaa ajandihiisa oo ah in lagu xulo laba guddi oo kala ah in laga xulo xubnaha ansixinta dastuurka qabyada ah ee Somaliya iyo waliba in Madax-dhaqameedku xulaan xubnaha baarlamaanka cusub laga dhigayo, qodobadaasi oo dood adag laga yeelan doono si marka ugu dambaysa go’aan wada jir ah looga gaadho ujeedada shirka loo qabtay. Shirkan ayaa waxa ka qayb-galaya Madax-dhaqameed reer Somaliland ah, kuwaasi oo ka kala tagay gobolka Togdheer iyo deegaanada bariga Sanaag ee Somaliland, kuwaasi oo uu ka mid yahay boqorka Madaxwayne Axmed Maxamed Siilaanyo, kaasi oo isaga oo iska indho-tiraya si toos ah u tagay Magaaladda Muqdisho ee dalka Somaliya. Goobta shirkan lagu qabanayo ayaa amaankeeda waxa sugaya ciidamo gaar ah oo ka kala tirsan kuwo AMISOM iyo kuwo ciidamada dawlada ku meel-gaadhka ah ee Somaliya. Ramaasnews Desk
-
Waaheen.com : Maadaama Badi Garoomada Diyaaradaha Ay Adag Tahay Inay Ka Dhoofaan Suldaanada Woqooyi Galbeed, Suldaan C/raxmaan Cawaale Hurre, Boqor Maxamed Nuux Aadan , Boqor Maxamud Cismaan Nuur, Iyo Boqor Raabi Yuusuf C/laahi Ayaa Kulmay Tuulada Wajaale ee Xuduudka Soomaaliya Iyo Etoobiya Si ee Ugu Amababaxaan Caasimada Soomaaliya Mogadishu Muxuu daaran yahay socdaalka Madax dhaqameedka Reer Somaliland ee ku sugan Wajaale? Wajaale(Waaheen) afar xubnood oo ka mid ah Madax dhaqameedka Somaliland ayaa galabta gaadhay Magaaladda Wajaale eek u taala Xuduuda Galbeed ee ay Somaliland la leedahay Dalka Itoobiya. Salaadiintan oo kala ah Suldaan C/raxmaan Cawaale Hurre, Boqor Maxamed Nuux Aadan iyo Boqor Maxamud Cismaan Nuur oo ka soo jeeda Gobolada barri ee Somaliland, waxa ay galabta gaadheen magaaladda Wajaale halkaas oo uu ku sugan yahay Boqor Raabi Yuusuf C/laahi. Ilaa hada ma cada sababta Madax dhaqameedkani isugu tageen halkaas hase yeeshee wararka Waaheen helayo waxa ay sheegayaan in ay ku soo fool leeyihiin magaaladda Wajaale Madax dhaqameed kale oo ka imanaya Gobolka Awdal, kuwaasoo la filayo iyana saacadaha soo socda inay ku soo biiraan Madax dhaqameedka kale ee ku sugan Wajaale. Inkasta oo ay dhawaan Xukuumadda Somaliland iyo Salaadiinta intooda badani soo saareen Go’aan Danbiile ka dhigaya Madax dhaqameedka ka qayb gala shirarka Somaliya, hadana waxa aad moodaa Kooxdani inay u Heesaysan tahay sidii ay uga gudbi lahayd Xuduuda Itoobiya isla markaana u beegsan lahayd Dariiqa ugu sahlan ee ay ku gaadhi karaan Muqdisho. Maadaama badi garoomada Diyaaradaha ay adag tahay inay jka dhoofaan. Si kasta ha ahaatee waxa loo baahan yahay Xukuumadda Somaliland inay la socoto dhaqdhaqaaqa Madax dhaqameedkaas maadaama oo aanay ilaa hada cadayn ujeedada ay isugu tageen Wajaale
-
Realtaleex: Wufuuda Maamul Goboleedka Khaatumo State oo Si Weyn Loogu Soo Dhoweeyay Caasimada Mogadishu Muqdisho{RT}:-Xubno Ka Tirsan Golaha Sarre ee Madaxda Dhaqanka Maamulka Goboleedka Khaatumo State Of SOomaaliya ayaa galabta gaaray magaalada muqdisho ee caasimada dalka soomaaliya . Xubnahan oo kala ah Garaadka Guud ee khaatumo State Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Ugaas C/laahi Ciise Nuur oo manta ka anbabaxay magaalada Nairobi oo mudooyinkii danbe ay ku sugnaayeen ayaa galabta ka degay garoonka aadan cadde ee muqdisho waxaana ismadan garoonka ku soo dhaweeyey mas;uuliyiinta ka tirsan dowlada soomaaliya, iyo xubno ka tirsan golayaasha kala duwan ee khaatumo ee horre ugu sugnaa magaalaadaas. Isimada maanta gaaray muqdisho ayaa ku biiraya isimo ka socday maamulka khaatumo oo harre ugu sugnaa magaalada muqdisho ugana qayb gelayey shirka oday dhaqameedka soomaaliyeed ee sabtidii ka furemay magaalaada muqisho laguna soo xulayo ergada ansixinta dastuurka qabyo qoraalka soomaaliya. __________________________________ Horufadhi.com: Daawo Sawirada Sida Loo Soo Dhoweeyey Wafuudii Khaatumo State Of SOmalia uu Hogaaminayey Garaadka Guud Garaad Jaamac Garaad Cali {Sawiro}. Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo Garaadka Guud ee Khaatumo oo isku jira Golaha Sare ee Dhaqanka Khaatumo,G10 iyo Waxgarad kale ayaa soo gaadhay magaaladda Muqdisho iyada oo ay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ay ku soo dhaweeyeen madax ka tirsan Dawlad Fedraalka ah, Khaatumo, Golaha sare ee dhaqanka khaatumo ee horay u sii joogay iyo Bulshada qaybaheeda kala duwan oo isku jira reer Muqdisho iyo reer khaatumo Garaad Jamaac Garaad Cali, Aqoonyahan Xassan Axmed Ciise, Iyo Dr. Abdulkareem Hasan Wasiirkii TFG Hore ee Wasaarada Warfaafinta Boostaha & Isgaadhsiinta, Kana Mid Ah Hada Golaha Sare ee KHaatumo State - G10 Garaad Jamaac Garaad Cali, Aqoonyahan Xassan Axmed Ciise, Iyo Dr. Abdulkareem Hasan Wasiirkii TFG Hore ee Wasaarada Warfaafinta Boostaha & Isgaadhsiinta, Kana Mid Ah Hada Golaha Sare ee KHaatumo State - G10 Laba Garaad Jaamac - Garaad Jaamac Garaad Cali & Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, Iyo Garaad AbShir SaalaX Madax Dhaqameedka KHaatumo State Of SOmalia oo Is Gacan Qaadaya - Garaad Jaamac Garaad Cali, Garaad Jamaac Garaad Ismaaciil, Garaad AbShir SaalaX, Iyo Ugaas Cabdulahi Ciise Nuur Garaad Abshir Saalax oo Horkacaya Dadkii Soo Dhoweeyay Wufuuda KHaatumo State Of SOmalia Garaad Abshir Saalax oo Horkacaya Dadkii Soo Dhoweeyay Wufuuda KHaatumo State Of SOmalia Ugaas Cabdulahi Ciise Nuur oo Dhex Taagan Wufuuda KHaatumo State Of SOmalia
-
http://youtu.be/ZGiQMBGAaR4" frameborder="0" allowfullscreen> Khutbah, May 04, 2012: Sheikh Maxamed Cabdi Umal oo Kasoo Horjeestay Kana Digay Ansixinta Dastuurka Shisheeyaha
-
Roobaab Ka Da’Ay Caasimada Taleex, Magaalada Xudun, Iyo Qaybo kale oo KHaatumo State Kamid Ah (Daawo Sawirada) Roobab Mahiigaan ah ayaa Xalay ka’day Deegano Badan oo kamid ah Maamul Goboleedka KHaatumo State oo ay kamid Tahay Deegaanada Xudun,Taleex,God’aalo iyo Deegano Kale oo Hoos Taga Degmooyinka Xudun iyo Taleex. Xiligan oo lagu jiro Xili Roobaadka Reer Guuraagu Ugu Xiisaha Badanyihiin ee Gu’ga Loo yaqaano ayaa Roobabkii Gu’gu ka De’een si xidhiidh ah deeganadda Ayno soo Sheegnay. Waxaa Xalay Roobka Gu’gu uu saacado Xidhiidh ah ka soconayey Deeganadda Xudun iyo Taleex waxaana qayb ka ah tuulooyin badan oo hoos taga Labadaas Degmo ee Xudun iyo Taleex. Roobabkan ayaan wax khasaare ah gaysen inta nagu maqaaladda ah balse waxa si aad ah ugu diirsaday dadka iyo Duunyada ku dhaqan Deeganadaa uu roobku sida laxaadkaleh ugu da ay
-
Wadani;826972 wrote: Abtigiis, illeen abti baan kuu ahay , and i bet they're from the Awaare area like me. To be honest 50 thousand sounds like over kill, but there is no doubt there there was a massacre in the north. My family has suffered the losses and wounds to prove it. Walaal, Aad baan uga xumahay dhibta soo gaadhay reerkaaga. Dhibtan ku dhacday ummada Soomaliyeed waa mid qof kasta oo soomaali saameesay, dhamaan gobolada Soomaaliya. 30 kii sano ee ugu danbeeyay dhiig badan baa dalkeenii ku daatay, walina sidii ayuu qubanayaa. Waa masiibada Qaxooti ka dhigtay 2 million oo Soomaali inay ku faafaan dacalada duni da oo dhan. Wax aad looga xumado in shacab soomaaliyeed oo waxba galabsan dumar, caruur, iyo rag ee naftoodii ku waayeen Dagaaladii 1980s, 1990s, 2000s ee ka dhacay Hargeisa, Burca, Borame, Barbara, Baydhabo,Ceergaabo, Mogadishu, Kismaayo, Galkacyo, Gedo, Marka, Baladweyn, Laas Caanood, Baladweyne, etc Waxaa nasiib daro ah in dagaaladii sokeeye ee u dhaxeeya Soomaalida inay wakhtigan hada ah ee xaadirka wali ka socdaan dalkeenii Soomaaliya oo dhiigii shacabkii Soomaaliyeed qubanaya maantadan aan joogo sida Caasimada Mogadishu, Laas Caanood, Buuhoodle, Widhwidh, Gaashaamo, Galkacyo, Balad Weyne, etc. Allah ha sahlo Soomaalida
-
Akhriso Liiska Odayaal Dhaqameedka Soomaaliya http://horufadhi.com/2012/05/06/akhriso-liiska-odayaal-dhaqameedka-ansixinaya-dastuurka-isla-markaana-soo-xulaya-ergada-825ka-ah/
-
Wiil Cusub;827046 wrote: Ma fahmin ma anaa waalan mise kuwanaa caqliga dhooli laga saaray? Maxay macno samaynaysaa qofkii xaqdaro ku dilay 5000 (6 months) or 50K whole period (1981 to 1991) dhimasho waa ka dhimasho. Caqligiinu wuxuu idiin sheegay kii la dilay (dhibanahii) muxuu u calaacalayaa. Anaga agtayada noloshu qiimay ka leedahay haddii idinku aad 5000 caadi u aragtaan ilayn A/lahi yusuf ayaa maalin qudha bakaarha ku dilay intaa in leeg Wiil Cusub, beenta is kadaa,noloshu agtaada qiimo kama laha, waxaad ka mid tahay kuwa taageersant xasuuqa ee Somaliland/snm ka wado Deegaanada SSC Sida Magaalada Laas Caanood Iyo Buuhoodle. Hadii dhimasho tahay dhimasho maxaad u taageeri xasuuqa Somaliland/snm kawado Deegaanada Khaatumo.
-
http://youtu.be/PMNHoGgCgQ4" frameborder="0" allowfullscreen> VIDEO: Daawo Magaalada Ceegaag, Xaflad Sagootin Ah oo Loo Qabtay Boqorkii La Casilay Cabdulahi Dabaqooye, [Farewell Party] ShirWeynihii Beesha Ceegaag ee Cuqaasha Iyo Waxgaradku Ku Ansixiyeen Go'Aankii Xil Ka Qaadistii C/llahi Dabagooye Beesha Ceegaag:"Waanu u Duceenanaa Boqorkii Hore, Waxaanu u Rajeenanaa Inuu Helo Shaqo Cusub, Iyo Inu Danbeeyo Meel Khayr Qabte....... Boqorkii Hore Lagama Qaadin Wax uu Lahaa, ee Wax lagala Noqday Amaano Beesho u Dhiibatay oo Ku Daahday." Lasanod Online. Thursday, May 03, 2012 Ceegaag,(Lasanod Online)- Kulan ballaadhan oo ay Beesha Xuseen Saciid {Hayaag} Ku yeelatay Degmada Ceegaag, ayna kasoo qayb galeen.. dhamaan Cuqaasha iyo odayaasha kala duwan ee beesha Xuseen Saciid {Hayaag}, ayaa waxaa lagaga hadlayey arimo dhowra oo ay kamid ahayd xilkii Boqornimada ee lagala noqday madaxa dhaqanka ee Beesha.. Dood dheer kadib ayaa dhamaan Cuqaasha iyo waxgaradka Beeshu waxay si wada jir ah u ansixiyeen inay Kalsoonidii kala laabteen Cabdilaahi Axmed Cali (Dabagooye), taageereena go'aankii iyo baaqii beesha ee soo baxay April 27. hadda wixii ka danbaysana uusan xilkaas u hayn beesha kana midyahay dadka shacabka ah. Waxay kaloo sheegeen in dhowaan beeshu iska soo saari doonto qofkii qaban lahaa xilka madaxdhaqamedka beesha Hayaag. Copyright © 2012 Lasanod.com
-
" frameborder="0" allowfullscreen> VIDEO: Maamul Goboleedka KHaatumo State Of SOmalia oo Olole Iskaa Wax U Qabso ah Oo Ka Bilaabmay Caasimada Taleex Iyo Geedka Barakeesan ee berde KHaatumo Lasanod Online. Friday, May 04, 2012 Taleex,(lasanod Online)- Waxaa si rasmi ah magaalada Taleex uga bilaabmay Olole Iskaa wax u qabso ah oo lagu dayactiryo dhismayaasha.. iyo qurxinta bilcida magaalada Taleex. Ololahan oo ay ka ka qaybqaateen madax sare oo ka tirsan maamulka Khaatumo, waxaa goobaha wax laga qabtay ak mid ahaa dhismaha Berde Khaatumo oo dhawaan ay waxyeelo gaadhay kadib Roobab watay dabaylo oo ka da’ay Caasimadda Maamulka khaatumo ee Taleex. Copyright © 2012 Lasanod.com
-
Khaatumo Ministers and Garaads Delegation in Capital Mogadishu Khaatumo Ministers and Garaads Delegation in Capital Mogadishu Khaatumo Ministers and Garaads Delegation in Capital Mogadishu KHaatumo Ministers and Garaads meeting with PM Abduwali Gaas KHaatumo Ministers and Garaads meeting with PM Abduwali Gaas KHaatumo Ministers and Garaads meeting with PM Abduwali Gaas
-
" frameborder="0" allowfullscreen> VIDEO: Maamul Goboleedka KHaatumo State Of SOmalia oo Olole Iskaa Wax U Qabso ah Oo Ka Bilaabmay Caasimada Taleex Iyo Geedka Barakeesan ee berde KHaatumo Lasanod Online. Friday, May 04, 2012 Taleex,(lasanod Online)- Waxaa si rasmi ah magaalada Taleex uga bilaabmay Olole Iskaa wax u qabso ah oo lagu dayactiryo dhismayaasha.. iyo qurxinta bilcida magaalada Taleex. Ololahan oo ay ka ka qaybqaateen madax sare oo ka tirsan maamulka Khaatumo, waxaa goobaha wax laga qabtay ak mid ahaa dhismaha Berde Khaatumo oo dhawaan ay waxyeelo gaadhay kadib Roobab watay dabaylo oo ka da’ay Caasimadda Maamulka khaatumo ee Taleex. Copyright © 2012 Lasanod.com
-
http://youtu.be/vRRqiGWq1UY" frameborder="0" allowfullscreen> http://youtu.be/sxJZDWTogog" frameborder="0" allowfullscreen> Ra’iisul WasarahaHore Soomaaliya Prof Cali Khaliif Galaydh oo Si Hufan Uga Hadlay Dastuurka " Dastuurka Dalka Waxaa Awood u Leh oo Kaliya Inuu Qoro Baarlamaan Cusub oo Shacabku Soo Doortay, Markaa Dastuurkan Aan La Aqoon Wuxuu Yahay Iyo Waxa Ku Qoran Yaanan Lanagu Qasbin Ee Turubka Hala Baandheeyo Nairobi: Prof Cali Khaliif Galaydh oo ah siyaasi caan ah marna soo qabtey talada wadanka Somalia isagoo noqdey Prime minister xiligii dawlada lagu soo doortey Carta ayaa ka hadley arimaha dastuurka qabyo qoraalka ah ee Somalia. hadaba nala daawo qeyb ka mid ah hadalkii Prof. Galaydh.
-
Prof. Mohamed Farmaajo meeting with KHaatumo State Senator & Member of KHaatumo Supreme Council of G10 Eng. Nuur Maxu`d Gaas Prof. Mohamed Farmaajo meeting with KHaatumo State Senator & Member of KHaatumo Supreme Council of G10 Eng. Nuur Maxu`d Gaas Prof. Farmaajo And Khaatumo Leader Eng. Nuur Gaas KHaatumo State Leader Eng. Nuur Gaas
-
Somalia;825982 wrote: Samatar is an opportunist, that's why he never manages to get a good crowd around him, he needs the camera. However, Khaliif Galayr is a thief sxb, why do you think his biggest followers don't repudiate it? Liibaan is about to cry over it. You shouldn't talk about the good professors Cali Khaliif, Farmaajo, and Samatar. When you support robber/War Criminal Faroole and his pirate militia.
-
Ra’iisul Wasaaraha Hore Soomaaliya Professor Mohamed Farmaajo Oo Ka Horyimid Ansixinta Dastuurka Shisheeyaha Muqdisho:- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa digniin u jeediyay gudiga samaynta dastuurka oo uu ka dalbaday in aanay Dalka ku soo kordhin dhibaato xagga sharciga ah. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in aanu marnaba qaadan doonin wax aan dadka dani ugu jirin waxa uuna ka digay samaynta dastuur dhaawacaya jiritaanka Bulshada dhibaatana keenaya. Max’ed Cabdullaahi Max’ed (farmajo) Ra’iisul wasaaraha xukuumada KMG Soomaaliya ayaa waxa uu saxaafada u sheegay in uu ka sii digayo dhibaata ka dhalata dastuur dalka loo sameeyo iyadoo aan Bulshada u codayn karin. Farmaajo waxa uu ka dalbaday gudiga Dastuur u samaynta in ay dhisaan dastuur dalka lagu hagi karo balse aanay danahooda ka eegan samaynta dastuurkaasi qaraxka loo samaynayo. Xafiiska WararkaShacabka.Net _______________________________________________ Ra’iisul Wasaarahii hore Xukuumada KMG Soomaaliya Dr. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Ka Digay Sameynta Dastuurka Shisheeyaha Waxyeeleeya Shacabka Soomaaliyeed Ra’iisul wasaaraha xukuumada KMG Soomaaliya Max’ed Cabdullaahi Max’ed (farmajo) ayaa uga digay gudiga ku howlan sameynta dastuurka cusub inay dastuurka ku lifaqaan waxyaabo dhibaateyn kara shacabka Soomaaliyeed. Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya Max’ed Cabdullaahi Max’ed Farmaajo ayaa ugu baaqay gudiga Dastuur u sameynta Soomaaliya in uusan noqon dastuurka ay sameynayaan mid dhibaato u keeni kara umadda Soomaaliyeed, islamarkaana jiilka soo korayana uu noqdo mid wanaag u horseeda. Ra’iisul wasaaruhu waxaa uu uga digay gudiga Dastuurka in aysan sameyn dastuur caqabad iyo dhibaato u horseedi kara Soomaaliya maadaama wadanka Soomaaliya mudo uu ku jiray dhibaatooyin daba dheeraaday. Madaxawyenaha dowladda KMG Soomaaliya ayaa isna waxaa uu ugu baaqay gudiga Dastuur u sameynta Soomaaliya in mudo 30 maalin gudahood ay ku soo dhameystiraan howlaha dastuurka islamarkaana ay ku soo bandhigaan sodonkaasi maalin waxyaabaha u qabsoomay iyo dhibaatooyinka ka horyimid. www.caalami.com
-
Ra’iisul Wasaaraha Hore Soomaaliya Professor Mohamed Farmaajo Oo Ka Horyimid Ansixinta Dastuurka Shisheeyaha Muqdisho:- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya aya adigniin u jeediyay gudiga samaynta dastuurka oo uu ka dalbaday in aanay dalka ku soo kordhin dhibaato xagga sharciga ah. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in aanu marnaba qaadan doonin wax aan dadka dani ugu jirin waxa uuna ka digay samaynta dastuur dhaawacaya jioritaanka Bulshada dhibaatana keenaya. Max’ed Cabdullaahi Max’ed (farmajo) Ra’iisul wasaaraha xukuumada KMG Soomaaliya ayaa waxa uu saxaafada u sheegay in uu ka sii digayo dhibaata ka dhalata dastuur dalka loo sameeyo iyadoo aan Bulshada u codayn karin. Farmaajo waxa uu ka dalbaday gudiga Dastuur u samaynta in ay dhisaan dastuur dalka lagu hagi karo balse aanay danahooda ka eegan samaynta dastuurkaasi qaraxka loo samaynayo. Hadalka masuulkan ayaa imaanaya saacada ka dib markii la helay xog ku aadan in Madaxweynaha Soomaaliya oo heshiis qarsoon la galay gudiga samaynta dastuurka qaraxnka. Xafiiska WararkaShacabka.Net _______________________________________________ Ra’iisul Wasaarahii hore Xukuumada KMG Soomaaliya Dr. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Ka Digay Sameynta Dastuurka Shisheeyaha Waxyeeleeya Shacabka Soomaaliyeed Ra’iisul wasaaraha xukuumada KMG Soomaaliya Max’ed Cabdullaahi Max’ed (farmajo) ayaa uga digay gudiga ku howlan sameynta dastuurka cusub inay dastuurka ku lifaqaan waxyaabo dhibaateyn kara shacabka Soomaaliyeed. Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya Max’ed Cabdullaahi Max’ed Farmaajo ayaa ugu baaqay gudiga Dastuur u sameynta Soomaaliya in uusan noqon dastuurka ay sameynayaan mid dhibaato u keeni kara umadda Soomaaliyeed, islamarkaana jiilka soo korayana uu noqdo mid wanaag u horseeda. Ra’iisul wasaaruhu waxaa uu uga digay gudiga Dastuurka in aysan sameyn dastuur caqabad iyo dhibaato u horseedi kara Soomaaliya maadaama wadanka Soomaaliya mudo uu ku jiray dhibaatooyin daba dheeraaday. Madaxawyenaha dowladda KMG Soomaaliya ayaa isna waxaa uu ugu baaqay gudiga Dastuur u sameynta Soomaaliya in mudo 30 maalin gudahood ay ku soo dhameystiraan howlaha dastuurka islamarkaana ay ku soo bandhigaan sodonkaasi maalin waxyaabaha u qabsoomay iyo dhibaatooyinka ka horyimid. www.caalami.com
-
Maamul Goboleedka Galmudug Oo Ka Horyimid Ansixinta Dastuurka Shisheeyaha Lasanod Online. Wednesday, May 02, 2012 Galkacyo,(lasanod Online)- Maamulka Galmudug ayaa waxay maanta si cad u sheegeen inay kaasoo horjeedaan ansixinta qabyo qoraalka Dastuurka cusub. Kullan maanta ay ku yeesheen Magaalada Gaalkacyo Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa waxa ay kaga doodeen Dastuurka uu muranka ka taagan yahay ee loo sameynayo dalka Soomaaliya. Waxaana Mas’uuliyiinta Galmudug ay si cad u sheegeen inay jiraan qodobo dhowr oo ku jira Dastuurka oo si toos ah ugu hor imaanaya Diinta Islaamka oo ay diidanyihiin. Wasiirka Dastuurka iyo arrimaha Federalka ee Maamulka Galmudug Xasan Faarax oo saxaafadda la hadlay ayaa waxa uu sheegay inay jiraan qodobo ilaa iyo iminka aan la kala cadeynin, isagoo xusay in Dastuurka ay ku jiraan qodobo ay ka hor imaanay Diinta Islaamka sida uu hadalka u dhigay. Hadalkan kasoo yeedhay Maamulka Galmudug ayaa waxa uu imaanaya xilli muddooyinkii dambe ay jireen, siyaasiin, aqoonyahanno, Xildhibaano iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Muqdisho oo si cad u sheegay inay Dastuurka ay ku jiraan qodobo u baahan in dib loogu noqdo. Copyright © 2012 Lasanod.com