Liibaan
Nomads-
Content Count
4,722 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Liibaan
-
Garaad Cabdilaahi Garaad Soofe oo Muqdisho si diiran loogu soo dhaweeyey ( Ishii buktaay ku bikaacso) + Sawiro Garaad Cabdilaahi Garaad Soofe iyo Caaqil Cali Cabdi Cali ayaa maanta soo gaadhay magaaladda Muqdisho waxaana Garoonka Aadan Cadde International Airpot ku soo dhaweeyey Golaha Sare ee dhaqanka Khaatumo,G10 iyo waxgarad badan oo ka tirsan dawladda Khaatumo waxana Garaadku uu muddo ku nastay Qolka VIP-da ee Garoonka Garaad Cabdilaahi Garaad Soofe ayaa ka soo kicitimay magaaladda Buuhoodle ee xarunta Gobalka Cayn waxana socdaalka Garaadku uu yahay sidii hawlaha muqdisho ka socda ee Khaatumo uu uga qayb qaadan lahaa isla markaasna uu garab istaagi lahaa Xubnaha Golaha Sar ee dhaqanka ka tirsan ee Shirka ka qayb galaya waxana Garaadka la dajiyey Hotelka ay dagan yihiin madaxdda Khaatumo ee Ambasator, wada tashi fara badan oo Golaha sare ee dhaqanka Khaatumo yeesheen ayaa ay ku go’aansadeen in shirka ay u matalaab aftar Ergay oo kala ah Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Ugaas Cabdilaahi Ciise Nuur Socdaalka Garaad Cabdilaahi Garaad Soofe ayaa ku noqonaya Cadaawaha Khaatumo falaadh kaga dhacda Wadna maadaama ay maalmihii u danbeeyey la wareegayeen warar aan waxba ka jirin oo ah in Garaadku uu damaanad soo siiyey Maxamed Xaaji Cumar taasina ay noqotay been abuur cad Shirka wada tashiga Odayasha Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa la filayaa in uu bari si rasmi ah u bilawdo waxana socday labadii maalmood ee la soo dhaafay khilaaf saarid beelaha **********,Digir iyo Mirifle iyo *** oo isku haystay ka qayb galka shirka sidoo kalena waxaa ka soconayey hoolka shirarka wacyi galino iyo Siminaaro ku saabsan Dastuurka Soomaaliya ee ma jirto wax shir ah oo wali si rasmi ah u bilawday Cabdiqani Makhtal Maxamed
-
Wafuuda Ka socota Golaha Wasiirada Khaatumo Iyo Golaha Sare ee dhaqanka Khaatumo ayaa gaadhay Caaasumadda muqdisho maalinkii Isniinta ee Todobaadka waxana garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde Airpot ku soo dhaweeyey madax ka tirsan labadda Gole ee DFKM,Odayal dhaqameedyo Soomaaiyeed, Siyaasiyiin, Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed waxaana Golaha sare ee dhaqanka Khaatumo islaan iyo mar xabaysi ka dib loo galbiyey Hoygii loogu talo galay in ay dagaan oo ahaa Hotel Ambasator Muqdisho halkaas oo ay isku sugayeen dadweyne fara badan oo si aad ah ugu soo dhaweeyey
-
NGONGE;828046 wrote: I shall await Liibaan's fifty posts and four hundred photos before I comment on this topic. NG, ask me about The Great State of KHaatumo SOmalia. But, Cayn State is reported by Pro-Puntland website, so if you want more information about Cayn State, RasCaseyr State, Bari State, Garowe State, West Puntland State, North Mudug State, ask Ciyaalka Faroole like the thread starter Mr. Puntland.
-
May 2012: Khaatumo State Of SOmalia Celebration, - Geneve, Switzerland May 2012: Khaatumo State Of SOmalia Celebration, - Geneve, Switzerland May 2012: Khaatumo State Of SOmalia Celebration, - Geneve, Switzerland May 2012: Khaatumo State Of SOmalia Celebration, - Geneve, Switzerland May 2012: Khaatumo State Of SOmalia Celebration, - Geneve, Switzerland May 2012: Khaatumo State Of SOmalia Celebration, - Geneve, Switzerland May 2012: Khaatumo State Of SOmalia Celebration, - Geneve, Switzerland Ciidamada Xaq u Dirirka KHaatamo State Of SOmalia ee Jiida Hore oo Calanka Soomaliya Kor u Qaadaya Ayaa Difaacaya Midnimada Qaranka Soomaaliya
-
Sensei;827844 wrote: ^ In any case, my best to Khaatumo state and it's people. I only aspire to move on, and not held back by petty politics and skirmishes. We all shall overcome! Thank You Inaadeer , and my best wishes to our neighbors the great people of Puntland. Lets move on, lets respect each other and forget whatever happen. Lets work together. Indeed, We all shall overcome with faith in Allah, Insha Allah KHaatumo People have achieved a historic unity and historic success. there is no turning back, for the SSC/KHaatumo State Spring Revolution 2012. Again, I wish for our neighbors the People of Puntland and all people of Somalia everlasting Peace and Prosperity, and development. :) Waxaan Allah ka rajeenayaa in dhamaan Gobolada Dalkeena Somalia ku waaraan Nabad, Barwaaqo, Midnimo, Hurumar, amiin, amiin.
-
Sensei;827840 wrote: ^ I dhageeso ina adeer, even if we were to go by the logic "one camp started the insult, and the other defended itself," I would be more inclined to think that all insults started with the "Bintyland" comment......just saying yacni. I disagree with you Inadeer, the fact is all the insults started with the "terrorist" comment wallahi. First, Puntland officails called SSC Movement "terrorists" in 2009. And "Pintiland" comment came months later in 2010.
-
Sensei;827836 wrote: ^I do not speak for Faroole, only thought I would pass my opinion as matter factually on Dr. Galeyr's latest. Faroole is the Leader of Puntland, he is Puntland's spokesperson. If Faroole keeps insulting KHaatumo State Of SOmalia. Khaatumo State Leaders have no choice, they have to defend themselves against false allegations, insults, and provocations. And if you listen to the latest interview Dr. Galeydh didn't say anything bad about Puntland, Xunjuf said lied about Dr Galeydh. Dr. Cali Khaliif never said Puntland on the brink of collapse or Garowe clan-enclave, these are Xunjuf's own words.
-
Source: QaranNews ( Somaliland Website) Boqorkii Siilaanyo oo Daaha Ka Feyday Sababta Keliftay Inuu Ka Qeyb Qalo ShirWeynaha Soomaaliya ee Mogadishu Qaran news May 06, 2012 Muqdisho,Boqor Maxamed Jaamac Cumar oo maalgelinta caleema-saarkiisa iyo boqornimadiisaba uu lahaa madaxweyne Siilaanyo oo ay isku beel ka soo jeedaan uguna talogalay inuu saaxada madax-dhaqameednimo kaga saaro Boqor Buur madow ayaa dhawaan tegay Muqdisho halkaas oo uu kaga qeyb gelaayo shirka madax dhaqameedka Somalida halkaas uga socda isagoo ah ergay metelaaya madax dhaqameedka somaliland. Boqor Maxamed Jaamac Cumar wuxuu ku eedeeyay xukumada Siilaanyo iyo Xirsi Gaab hogaamiyaan inay xakamaha iyo dabarkaba ka furtay xeerkii ka hor istaagi lahaa ama ka mamnuucayey muwaadiniinta reer Somaliland inay shirarka loo qabanaayo Somaliya ka qeyb galaan, wuxuuna intaas ku daray in Siilaanyo bilaabey jebinta xeerkaas oo uu dhawaan London kaga qeyb galay shir kooxaha Somalida halkaas loogu qabtay,wuxuuna yidhi Siilaanyo waa kii Sheekh Shariif la kulmay, wasiir DUURna waa kii Djabuurti kaga qeyb galay shir kooxaha somalida loo qabtay, aniguna boqor ahaan xaq baan u leeyahay inaan shirkan Muqdisho ka qeybgalo,wuxuuna boqorku ku celceliyey in xeerkii xakamaynaayey inaan shirarka Somaliya laga qeyb galin Siilaanyo jebiyey,dabarkana ka furay meel kastoo shir lagu qabanaayana in la tago Siilaanyaa jideeyay. Dhinaca kale wuxuu sheegay boqorku Silaanyo iyo kudladan yar ee uu wataa inaaney dan Somaliland ka shaqeynayaan ee ay dantooda ka shaqeynayaan, wuxuuna yidhi "wey ka shaqeysanayaan dalka, wey boobayaan ee cidna u shaqeyn maayaan,Siilaanyana ma meteli karo shacabka Somaliland maadabaan loo sinayn maalgelinta iyo kheyraadka dalka ee uu koox yar oo xididkiisa iyo xasabadiisa iyo xigtadiisa ah u kooteeyay. boqorku wuxuu intaas u ku daray in Siilaanyo been u sheegaayo umada SL,ururadii la tartami lahaana waa kii iska reebay oo cidii soo bax istaadhahdaba madaxuu kaga joogsanayaa,Boqorku wuxuu hadalkiisa ku soo gebgebeeyay inuu ku soo noqonaayo Somaliland dhawaan markuu hawshaas soo bogo Siilaanyo iyo Xirsi ,xeer iyo cid ka hor istaagi kartaana aaney jirin. Qarannews _______________________________ Boqor Maxamed Jaamac Oo kusugan Muqdisho Ayaa Siilaanyo Ugu Baaqay Inuu Soodaayo Isimada uu Hargeysa Ku Cabudhinayo Odeyaasha dhaqanka Ee Gobolada Togdheer&Woqooyi-galbeed ee ka qaybgalaaya shirka ay magaalada Muqdisho ku yeelanayaan Odeyaasha dhaqanka Soomaaliyeed ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadal kasoo baxay Maamulka Siilaanyo. Hadalka ayaa ahaa mid looga digaayay Odeyaasha iyo Siyaasiyinta Goboladaas in ay ka qaybgalaan ansixinta dastuurka cusub ee Federaalka oo la filaayo in ay dhacdo bartamaha bishaan. Boqor Maxamed Jaamac Cumar oo kamid ah Isimada Togdheer ayaa ka qaybgalaaya shirka kana soo ambabaxay magaalada Hargeysa sheegayna in ay kusoo laaban doonaan degaanada ay u dhasheen markey soo dhameeyaan hawlahan qaran ee ay ku jiraan. Boqor maxamed ayaa sidoo kale ku eedeeyay Siilaanyo in uu ku fashilmay wixii shacabkiisa ay u doorteen isla markaana dadka oo dhan cabudhin ku sameeyay. ‘’Waan soo noqonayaa oo dhawaan ayaan ku soo noqonayaa Burco iyo Ceerigaabo-ba, hadii aad u jeedo waa lagu xidhayaa xadhiga rag ayaa loo sameeyey oo imikaba waxa xidhan rag aan is leeyahay waxba may galabsan oo uu ka mid yahay Badhasaabkii Maroodii Jeex, Agaasimihii guud ee Dib-udajinta iyo la taliyihii Madaxwayne ku xigeenka oo xaqdaro ku xidhan, waxaanaynu ognahay inaan ragaas iyo kuwo kale oo badanba aan wax cadaalad ah la horkeenin. Markaa xadhigu maaha wax mishkilad ah oo hadii ay dadka oo dhan xidhi karto xukuumadda Siilaanyo ha waa xidhxidho bal cida ay wax kaga xumaanayaan’’,ayuu yiri isagoo wareysi siinayay Wargeyska Haatuf ee kasoo baxa Hargeysa. Boqor Maxamed Jaamac ayaa hadalkiisa ku daray in ay xaq u leeyihin in ay ka qayb qaataan wax kasta oo looga baxaayo dhibaatada ka taagan Soomaaliya isla markaana haddii ay sii socdaan saamayn ku yeelan karaan Hargeysa oo iminka nabadi kajirto. ‘’Waxaan jeclahay had iyo jeer inaan ka qaybqaato wixii dhibaatada iyo colaadaha Soomaalida lagu soo afjari karo, waayo hadii ay colaada iyo dagaalada Muqdisho ay sii socdaan Hargeysa-na way saamaynayaan oo sidaa nabad u ahaan mayso’’,ayuu yiri. Issimo iyo Waxgarad ka socda Togdheer&Woqooyi-galbeed ayaa ku sugan magaalada Muqdisho kuwaas oo ka qayb qaadan doona ansixinta dastuurka cusub ee Federaalka. Maamulka Siilaanyo ayaa dhowaan si cad u diiday ka qaybgalka wada hadal la filaayo in ay la yeeshaan Dowladda Federaalka kadib markii ay ka hor yimaadeen labo xubno ka socda Puntland oo ay dalbadeen in laga saaro. Isku soo wada duuboo doraad ayay ahayd markii Isimo farabadan oo laga soo uruuriyay magaalooyinka Goboladaasi ay maamulka Siilaanyo shir ugu qabteen Hotelka Maansoor EE magaalada Hargeysa iyagoo kaga codsanaaya inaay ka qaybgelin shirka Xamar ka dhacaaya uguna hanjabeen in uu xadhig mutaysan doono ninkii ku kaca arintaasi. ugu danbayntii ififaalaha siyaasadeed Ee iminka ka soconaaya woqooyi galbeed ayaa u’eg mid maamulku doonaayo inay ku cabudhiyaan Isimada iyo wax garadka doonaya inay mar labaad xedh fadhiistaan walaalohooda Somaliyeed Ee ay u jeeleen. Realtaleex News Desk.
-
Source: Waaheen.com ( Somaliland Website) Suldaanada Somaliland oo Si Dhuumasho Ah Mogadishu Ku Tagaya Kadib Markii Loo Diiday Garoomada Diyaaradaha Maadaama Badi Garoomada Diyaaradaha Ay Adag Tahay Inay Ka Dhoofaan Suldaanada Somaliland, Suldaan C/raxmaan Cawaale Hurre, Boqor Maxamed Nuux Aadan , Boqor Maxamud Cismaan Nuur, Iyo Boqor Raabi Yuusuf C/laahi Ayaa Kulmay Tuulada Wajaale ee Xuduudka Soomaaliya Iyo Etoobiya Si ee Ugu Amababaxaan Caasimada Soomaaliya Mogadishu Muxuu daaran yahay socdaalka Madax dhaqameedka Reer Somaliland ee ku sugan Wajaale? Wajaale(Waaheen) afar xubnood oo ka mid ah Madax dhaqameedka Somaliland ayaa galabta gaadhay Magaaladda Wajaale eek u taala Xuduuda Galbeed ee ay Somaliland la leedahay Dalka Itoobiya. Salaadiintan oo kala ah Suldaan C/raxmaan Cawaale Hurre, Boqor Maxamed Nuux Aadan iyo Boqor Maxamud Cismaan Nuur oo ka soo jeeda Gobolada barri ee Somaliland, waxa ay galabta gaadheen magaaladda Wajaale halkaas oo uu ku sugan yahay Boqor Raabi Yuusuf C/laahi. Ilaa hada ma cada sababta Madax dhaqameedkani isugu tageen halkaas hase yeeshee wararka Waaheen helayo waxa ay sheegayaan in ay ku soo fool leeyihiin magaaladda Wajaale Madax dhaqameed kale oo ka imanaya Gobolka Awdal, kuwaasoo la filayo iyana saacadaha soo socda inay ku soo biiraan Madax dhaqameedka kale ee ku sugan Wajaale. Inkasta oo ay dhawaan Xukuumadda Somaliland iyo Salaadiinta intooda badani soo saareen Go’aan Danbiile ka dhigaya Madax dhaqameedka ka qayb gala shirarka Somaliya, hadana waxa aad moodaa Kooxdani inay u Heesaysan tahay sidii ay uga gudbi lahayd Xuduuda Itoobiya isla markaana u beegsan lahayd Dariiqa ugu sahlan ee ay ku gaadhi karaan Muqdisho. Maadaama badi garoomada Diyaaradaha ay adag tahay inay jka dhoofaan. Si kasta ha ahaatee waxa loo baahan yahay Xukuumadda Somaliland inay la socoto dhaqdhaqaaqa Madax dhaqameedkaas maadaama oo aanay ilaa hada cadayn ujeedada ay isugu tageen Wajaale _______________________________________________ Source: RamaasNews ( Somaliland Website) Shirka Soomaaliya Waxa Ka Qayb-Qalaya Madax-Dhaqameedka Woqooyi Galbeed/ Somaliland Muqdisho (Ramaas) May 5,2012 – Caasimada dalka Somaliya ee Muqdisho ayaa waxa saacadaha soo socda ka furmaya shirka lagu soo xulayo xubnaha ansixinaya dastuurka Somaliya iyo waliba xubnaha baarlamaanka cusub. Shirkan oo ay ka qayb-galayaan 135 qof oo dhammaantood Madax-dhaqameed ah ayaa waxa uu ku furmaya dugsiga Tababarka booliska ee Magaaladda Muqdisho oo maalmihii u dambeeyay dayactir lagu waday si shirkaasi loogu qabto. Shirkan oo aan ilaa hadda la ogeyn maalmaha uu socon doono ayaa maanta marka uu furmo waxa uu ku koobnaan doonaa furitaan, waxaana khudbado ka soo jeedin doono masuuliyiinta dawlada ku meel-gaadhka ah ee Somaliya iyo Madax-dhaqameedka shirku u furmayo. Shirkan ayaa maalinta bari si toos ah loogu guddo-gali doonaa ajandihiisa oo ah in lagu xulo laba guddi oo kala ah in laga xulo xubnaha ansixinta dastuurka qabyada ah ee Somaliya iyo waliba in Madax-dhaqameedku xulaan xubnaha baarlamaanka cusub laga dhigayo, qodobadaasi oo dood adag laga yeelan doono si marka ugu dambaysa go’aan wada jir ah looga gaadho ujeedada shirka loo qabtay. Shirkan ayaa waxa ka qayb-galaya Madax-dhaqameed reer Somaliland ah, kuwaasi oo ka kala tagay gobolka Togdheer iyo deegaanada bariga Sanaag ee Somaliland, kuwaasi oo uu ka mid yahay boqorka Madaxwayne Axmed Maxamed Siilaanyo, kaasi oo isaga oo iska indho-tiraya si toos ah u tagay Magaaladda Muqdisho ee dalka Somaliya. Goobta shirkan lagu qabanayo ayaa amaankeeda waxa sugaya ciidamo gaar ah oo ka kala tirsan kuwo AMISOM iyo kuwo ciidamada dawlada ku meel-gaadhka ah ee Somaliya. Ramaasnews Desk
-
Source: QaranNews.com ( Somaliland Website) http://www.qarannews.com/index.php?option=com_content&task=view&id=13406&Itemid=62 Suldaanada Somaliland oo La Sheegay Inay Xijaab Ku Baxeen Markay caasimada Muqdisho Tegayeen May 07, 2012 Hargysa,(Qaran news)-Suldaan Maxamed Cabdiqaadir oo ka mid ah salaadiinta reer Somaliland ayaa warbaahinta u cadeeyay inaanu waxba kala socon liiska ama warka beryhanaba saxaafadu qorayso ee sheegaaya inuu ka qeyb gelaayo shirka loo qabanaayo madax dhaqameedka Soomaaliyeed ee ka socda magaalada Muqdisho. Suldaan Maxamed Cabdiqaadir wuxuu sheegay inaanu go'aansan ama goosan inuu Muqdisho tago amaba shirkaa ka qeybgalo hadiise uu doonaayo uu duhur cad tegi lahaa balse wuxuu u duurxulay qaar ka mid ah madax dhaqameedka Somaliland oo la sheegay inay shirkaa Muqdisho ka qeyb galeen oo uu tilmaamey inay ku baxeen ama isku sii qariyeen xijaab. Suldaanku wuxuu sheegay in berigii uu tegay shirkii Carta uu duhur cad Djabouti u dhoofey isagaan cidna ka maagin balse doorkan aanu diyaar u ahayn inuu tago Muqdisho iyo inuu shirkaas ka qeyb galo toona,Wuxuuna hadalkiisa suldaanku ku soo afmeeray "yaaney saxaafadu dadka marin habaabinin anagana waxaan jirin naga sheegin". Qarannews Hargeysa
-
Sensei;827823 wrote: The former PM, Dr. Galeyr, should be able to make his case of SOMALINIMO or for Khaatumo without having to bring down Puntland. Is it not enough that he tried that once and failed miserably. Folks usually resort to cheap rhetoric when they find themselves losing control of the same situation they create. Likewise, Faroole should be able to make his case of SOMALINIMO or for Puntland without having to bring down SSC/KHaatumo State, without insulting Khaatumo State & KHaatumo People, without calling Khaatumo "terrorists", "Argagaxiso", "Qaswadayaal", "tuug', etc. Faroole tried so many many times to fight against SSC/Khatumo, and he failed big time. Faroole's insults will not help Garowe or Puntland. Dr. Cali Khaliif, Dr Cali Ciise Cabdi, Former SSC Leader Xaglaoosiye, and Preisdent Karaash not one of them said Puntland is terrorist organization like Faroole. We cannot expect from Khaatumo Leaders not to criticize Faroole or Puntland Admin, When Faroole is calling KHaatumo "terrorists" and waging all-out war against Khaatumo. When Faroole opposed TFG Somalia Government's recognition and support for KHaatumo State. I agree KHaatumo State and Puntland State should respect each other, but we have to understand Respect is 2 way street.
-
May 2012: Khaatumo State Of SOmalia Celebration, - Geneve, Switzerland May 2012: Khaatumo State Of SOmalia Celebration, - Geneve, Switzerland May 2012: Khaatumo State Of SOmalia Celebration, - Geneve, Switzerland May 2012: Khaatumo State Of SOmalia Celebration, - Geneve, Switzerland May 2012: Khaatumo State Of SOmalia Celebration, - Geneve, Switzerland May 2012: Khaatumo State Of SOmalia Celebration, - Geneve, Switzerland May 2012: Khaatumo State Of SOmalia Celebration, - Geneve, Switzerland May 2012: Khaatumo State Of SOmalia Celebration, - Geneve, Switzerland May 2012: Khaatumo State Of SOmalia Celebration, - Geneve, Switzerland May 2012: Khaatumo State Of SOmalia Celebration, - Geneve, Switzerland May 2012: Khaatumo State Of SOmalia Celebration, - Geneve, Switzerland
-
Xunjufow, Today there was KHaatumo State Of SOmalia Celebration In Switzerland, After You see the pictures of Cali Khaliif's SSC/KHaatumo State Movement. I believe you will like more Cali Khaliif and the beautiful blue flag of United Somalia. Waxaa Laga Yaabaa Inuu Caqli kuuu kordho, Indhuhu Kuugu Dilaacaan ama kuu Furmaan, Marka Aad Daawato Quruxda Ka Muuqata Calanka Soomaaliyeed Iyo Xaflada Somaalida Midnimada Jecel. Xaflada Si Heer Qaran ah Loogu Dabaal Dagayey Maamulka Khaatumo State of Somalia Oo Dalka Switzerland lagu qabtay (Sawiro) Xaflad Si Heer Sare ah Loo Soo Agaasimay oo Lagu Taageerayay [Dhalashada Maamul Goboleedka Khaatumo State ayaa lagu qabtay magaalada Geneve ee Dalkan Switzerland. Xafladaan oo uu Aayadaha Qur’aanka Kariimka ku furay Sheikh Cabdilaahi Cabdi Caateeye oo - Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaaliyed ee Dalka France, ayaa waxaa ka soo qeyb galay - Safiiro ka tirsan Dowlada Kmg ee Soomaaliya, -Wasiro Ka socday Maamulada Khaatumo State iyo Awdal State, - Madaxda Jaaliyadaha Somalida ee ku Nool Dalkan Switzerland iyo Qaar ka Tirsan Jaaliyadaha Reer Khaatumo ee Qaarada Yurub , waxaana Dhanka Madadaalada ka qeyb qaadanayay - Fanaaniin Soomaaliyeed oo ay ka dhex muuqdeen Samatar Xasan Samj,Cabdifataax Beyloot iyo Fanaaniin kale. Xaflad waxaa furay Gudoomiyaha Jaaliyada reer Khaatumo ee Switzerland Yaasiin Cabdiraxmaan, Waxaana Xiriiriye ka ahaa Cali Sugale oo isna ka mid Mas’uuliyiinta Sar Sare ee Jaaliyada Khaatumo ee Dalkan Switzerland. Waxaana Halkaasi - Khudbado ka soo jeediyay Safiirka Somalia u fadhiyo Dalka France Siciid Maxamed Dheere, - Safiirka Dowlada Kmg ee Somaaliya u fadhiyo Magaalada Geneve Yuusuf Maxamed ismaciil (Yuusuf Bari Bari), - Wasiir Ku Xigeenka Arimaha Bulshada Khaatumo State Aasiya Faarax Xasan, - Wasiir Ku-xigeenka Qorsheynta ee Maamulka Awdal State Cabdirashiid Cabdullahi Iidle, - Aqoonyahan Cusmaan Xaaji Xasan ( Cusmaan Badawi) iyo - Qaar ka tirsan Hogaanada Jaaliyadaha Soomaalida ee Dalkan Switzerland. Waxaana Madasha gees gasta lagu xardhay Calanka Jamhuuriyada Soomaliya, Kan Maamulka Khaatumo State iyo Calanka Maamul Goboleedka Awdal State. Sidoo kale Waxa uu Gacanta ku haya inta badan Deeganada Sool, Sanaag iyo Cayn. Xafladaan ayaa waxa ay ku soo dhamaatay Jawi aad u Wanaagsan. Dadkii ka soo qeyb galay ayaa waxaa ka muuqaneysay Shucuur iyadoo goobta ay soo buux dhaafiyeen Inta Badan Soomalida ku Nool Dalkan Switzerland. Si kastaba ha ahaate Maamulka Khaatumo State ayaa waxa uu ka mid yahay Maamulada Aqoonsiga Rasmiga ah ka heysto Dowlada Kmg ee Soomaaliya. May 2012: Khaatumo State Of SOmalia Celebration, - Geneve, Switzerland May 2012: Khaatumo State Of SOmalia Celebration, - Geneve, Switzerland May 2012: Khaatumo State Of SOmalia Celebration, - Geneve, Switzerland May 2012: Khaatumo State Of SOmalia Celebration, - Geneve, Switzerland May 2012: Khaatumo State Of SOmalia Celebration, - Geneve, Switzerland May 2012: Khaatumo State Of SOmalia Celebration, - Geneve, Switzerland May 2012: Khaatumo State Of SOmalia Celebration, - Geneve, Switzerland May 2012: Khaatumo State Of SOmalia Celebration, - Geneve, Switzerland May 2012: Khaatumo State Of SOmalia Celebration, - Geneve, Switzerland May 2012: Khaatumo State Of SOmalia Celebration, - Geneve, Switzerland May 2012: Khaatumo State Of SOmalia Celebration, - Geneve, Switzerland
-
Xaflada Si Heer Qaran ah Loogu Dabaal Dagayey Maamulka Khaatumo State of Somalia Oo Dalka Switzerland lagu qabtay (Sawiro) Xaflad Si Heer Sare ah Loo Soo Agaasimay oo Lagu Taageerayay Dhalashada Maamul Goboleedka Khaatumo State ayaa lagu qabtay magaalada Geneve ee Dalkan Switzerland. Xafladaan oo uu Aayadaha Qur’aanka Kariimka ku furay Sheikh Cabdilaahi Cabdi Caateeye oo Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaaliyed ee Dalka France, ayaa waxaa ka soo qeyb galay Safiiro ka tirsan Dowlada Kmg ee Soomaaliya, Wasiro Ka socday Maamulada Khaatumo State iyo Awdal State, Madaxda Jaaliyadaha Somalida ee ku Nool Dalkan Switzerland iyo Qaar ka Tirsan Jaaliyadaha Reer Khaatumo ee Qaarada Yurub , waxaana Dhanka Madadaalada ka qeyb qaadanayay Fanaaniin Soomaaliyeed oo ay ka dhex muuqdeen Samatar Xasan Samj,Cabdifataax Beyloot iyo Fanaaniin kale. Xaflad waxaa furay Gudoomiyaha Jaaliyada reer Khaatumo ee Switzerland Yaasiin Cabdiraxmaan, Waxaana Xiriiriye ka ahaa Cali Sugale oo isna ka mid Mas’uuliyiinta Sar Sare ee Jaaliyada Khaatumo ee Dalkan Switzerland. Waxaana Halkaasi Qudbado ka soo jeediyay Safiirka Somalia u fadhiyo Dalka France Siciid Maxamed Dheere, Safiirka Dowlada Kmg ee Somaaliya u fadhiyo Magaalada Geneve Yuusuf Maxamed ismaciil (Yuusuf Bari Bari), Wasiir Ku Xigeenka Arimaha Bulshada Khaatumo State Aasiya Faarax Xasan, Wasiir Ku-xigeenka Qorsheynta ee Maamulka Awdal State Cabdirashiid Cabdullahi Iidle, Aqoonyahan Cusmaan Xaaji Xasan ( Cusmaan Badawi) iyo Qaar ka tirsan Hogaanada Jaaliyadaha Soomaalida ee Dalkan Switzerland. Waxaana Madasha gees gasta lagu xardhay Calanka Jamhuuriyada Soomaliya, Kan Maamulka Khaatumo State iyo Calanka Maamul Goboleedka Awdal State. Sidoo kale Waxa uu Gacanta ku haya inta badan Deeganada Sool, Sanaag iyo Cayn. Xafladaan ayaa waxa ay ku soo dhamaatay Jawi aad u Wanaagsan. Dadkii ka soo qeyb galay ayaa waxaa ka muuqaneysay Shucuur iyadoo goobta ay soo buux dhaafiyeen Inta Badan Soomalida ku Nool Dalkan Switzerland. Si kastaba ha ahaate Maamulka Khaatumo State ayaa waxa uu ka mid yahay Maamulada Aqoonsiga Rasmiga ah ka heysto Dowlada Kmg ee Soomaaliya.
-
FACT: Mostly Somalidiid Politicians Like Warlord Siilaanyo & Somalidiid Websites Attack Professor Cali Khaliif Galeydh Because of KHaatumo State Of SOmalia Awdal State Website Harowo.com Defends Prof. Cali Khaliif Against Hadhwanaag & Somalidiid websites Smear Campaign Harowo.com: "Prof. Cali Khaliif Galeydh Waa Halyay, Geesi Ah Iyo Nin Ka Mid Ah Dadka Aadka U Yar, Ee Ay Maanta Qaranka Iyo Ummada Soomaaliya u Baahantahay" http://harowo.com/prof-cali-khaliif-waa-halyay-geesi-iyo-nin-ka-mid-ah-dadka-aadka-u-yar-ee-ay-maanta-soomaaliya-u-baahantahay/ Soomaalidu waxay tidhaahdaa “habarta odayga wax loo saar”, beryahan dambe waxay warbaahintii Soomaalidiidka SNM, si gaar ah shabakada caalamiga ah ee doqon ma waydo (Hadhwanaag.com), haa waa shabakada caalami ah, wase minbarka makasta, waxmagratada iyo xagjirka qabiilinimada, maamulkeeda waxa ka mid ah in badan oo ay maskax yari iyo doqonimo aafaysay, waana muraayada Dhabtaha ah, ee cida rabta in ay waxa ka ogaato, fikradaha khaldan ama guracan ee lunsan ee SNM, ay ka daawan karto, shabakadan iyo in badan oo ka mid ah warbaahinta SNM,waxay kaga dhegtay, wax ka sheegista iyo aflagaadaynta Prof. Cali Khaliif Galaydh xafidahu Allaah, wax ay ka sheegaana runtii ma hayaan, oo Prof. Cali Khaliif Allaah tacaalaa baa sharaf iyo karaamo u dhameeyay, Waayo maxay u daba ordayaan Prof. Cali Khaliif? Waa in uu SNM si toos runta ugu sheegay, oo ku yidhi saaxiibayaalow waabaa beryay, Soomaalina way ku filantahay, in ay labaatan sanadood idiinku dul qaadanaysay, been iyo riwaayad, iyaga oo rajaynaayay in aad maruun ka soo raynaysaan, oo caqligu dib idinku soo noqonaayo, oo aad kala garan doontaan xumaanta iyo wanaaga, sharafta iyo dulinimada, wadaninimada Iyo khaayinimada, walaaltinimada iyo shisheeyenimada, waxaad se noqoteen kuwa aan raja lahayn, cudurka iyo cuqdada ku jirtaana aanay daawo lahayn, sidaas darteed, ama Soomaalida dhinac ka soo raaca, ama indinkaa cirka roob ku og, ee iska tuura jarka aad ka sii laalaadaan. Waana taas tan ka qaylisiisay jabhada SNM ee habawsan, iyo taageerayaasheeda caqliga, dhegaha iyo indhahaba la’a, ee aan Garanayn meesha loo hayaamay, ee loo wado, Prof. Cali Khaliif waa halyay Soomaaliyeed, oo ay wadaniyadu ku wayn tahay, 20kii sano ee la soo dhaafay, wuxuu ku mashquulsana sidii xal loogu heli lahaa Soomaaliya, oo ummada walaalaha ah, loo midayn lahaa, halka madaxdiinu ku mashquulsanaayeen, sii murginta dhibta Soomaaliya, iyo kala irdhaynta ummada walaalaha. Prof. Cali Khaliif waa nin Dowladeed, oo aan Soomaalidu u kala sokeeyn, meel kasta oo ay joogaanba, bal jecel in uu meel isugu keeno kooxahooda iyo fikradahooda kala duwanba, waana nin ahlu diin ah, oo daacad u ah wadankiisa iyo dadkiisaba, oo ay dhamaantood u soo wada joogsanayaan, Prof. Cali Khaliif waa geesi, waa saaxiibka iska leh odhaahda caanbaxday ee ah: “ hadaad cirka soo ridid, waxan uun ana ka geli halka aad adba ka Gasho”, Prof. Cali Khaliif waa aqoonyahan, siyaasi iyo mufakir wayn, oo waa nin odhaahdiisu ama weedhiisu meel fog ku dhacdo, aadna looga tixgeliyo Soomaaliya iyo aduunkaba, waa nin odhaahdiisu argagax, welwel iyo kalsooni daro ku abuurto, kuwa shirqoolada iyo fikradaha guracan wata, sida jabhadaa ka falaagowday sharciga iyo ummada inteeda kale, ee aad taageerayaasha u tihiin. Waxaad Qorteen in Prof. Cali Khaliif beeshiisa taladii ka qasay!!! Waa gartiin inaad sidaas tidhaahdaan, oo aad isku maaweelisaan, wejigabaxana isku daydaan inaad iskaga bi’isaan, waayo? Waxay taasu caqabad ku tahay, oo soo afjartay rabitaankiinii guracnaa iyo riyadii beenta ahayd, ee 20ka sano laydinku maaweelinaayay, bal se waxaan shaki ku jirin, inaad xaqiiqadaa si fiican u og tihiin, aadna ka naxdeen, oo Aad uga xumaateen, sidii uu Prof. Cali Khaliif midnimada uga dhex abuuray beeshiisa, fikirka ku kala tagsanayd, ee ay hore khilaafaadku u ragaadiyeen, isaga oo u suura geliyay, in ay qabsadaan, oo isugu yimaadaan shirwayne wadatashi ah, oo loo dhan yahay, oo ay aayahooda kaga tashanayaan, kaas oo aan marna u suuragelin, in ay qabsadaan isagoo kale, qarnigan iyo kii ka horeeyayba. Waana mid aan isaga oo Kale sooba marin Soomaali oo dhan beryahan dambe, kaas oo midhihii ka soo baxay ay ahaayeen, in beeshu samaysato oo ku midowdo, maamulka Khaatumo state ee barakaysan, oo ay iyagu iska leeyihiin, aana ahayn maamul cunsuri ah oo qabiil ee, bal uu u furan yahay beel kasta oo Soomaaliyeed, oo doonaysa, in ay ku soo biirto, iyada oo hadaba dhowr beelood ku soo biireen. In ay se idinka Dhaadhiciyaan horjoogayaashiina SNM, in shirkii Khaatumo2 ee Taleex, uu markiisii hore ahaa shir dhaqan, oo ay sidaas beesha ogolaansho ku siiyeen, dabadeedna ay majara habaabiyeen koox qurbajoog ah, oo uu Prof. Cali Khaliif hogaaminaayo!!! Waa been cad, oo qaawan, shirkii Khaatumo1 ee ka dhacay London, oo Khaatumo2na uu daba socday, oo gogol xaadhka u ahaa, ujeedadiisu way cadayd, marnana Laguma sheegin shir dhaqan, bal wuxuu ahaa shir aayo ka talin ah, natiijadii uu ku dhamaadayna ma ahayn wax kediso ah, oo waa la filaayay,ogolaansho loo waydiistay SNM na, haba yaraatee ma jirin, awood ay isku hortaagaana may lahayn, hase yeeshee way iska ducaysanayeen, iyagoo Allaah ka baryaayay in shirkaasu burburo, haday dhici waydayna, waa in ay beentaa ka hor geeyaan, wejigabaxa Halkaa kaga dhacay, mee dhulkii ay 20ka sanadood, ay idiinku sheekaynayeen anaga ayaa haysana? Waxa kale oo ceeb iyo caqli daro ah, inaad ku hadaaqdaan, oo ku sifaysaan maamulka Khaatumo state of Somalia, maamul debed wareeg ah!!! iyagoo ka talinaaya dhulkoodii boqolkii 90%, waxa ka maqan oo keli ah waa magaalada Laascaanood iyo dariiqa laamiga ah ee isku xidha iyada iyo Burco!!! Oo iyana aan Ka war hayno qaabkii aad ku timaadeen, iyo kaad hada ku joogtaanba.Waxaad kaloo qorteen in Prof. Cali Khaliif meel walba la taagan yahay yeelimayno, aanu xal raacinayn Soomaalidu waxay ku maah maahdaa “waran kugu soo noqonaaya lama rido”, waxa la qorayona waxa haboon in ay xaqiiqo ku salaysnaadaan, oo aanay noqon iska uun dheh, waa in aad ku abaartid hadalkaaga bartilmaameedka ku Haboon, marka waxaan shaki kaga jirin in qof kasta, oo Soomaaliyeed, oo caqli u saaxiib ah, kana nabdoon cudurka caadifada qabiilka, uu qiraayo kuna qancaayo,inaad hadalkan kula kufteen Prof. Cali Khaliif, bal ay yihiin kuwa ku haboon in hadalkan lagu yidhaahdaa, ay yihiin horjoogayaashiina SNM, ee 20ka sano la soo taagan uun, oo ku hadaaqaaya hadal aan gar iyo garowshiinyo toona lahayn!!! Goonaan Isu taagnay, ictiraaf baan raadinaynaa!!! Ee lagu kari la’yahay, war waxanu maaha wax idiin suuragelaaya, oo aad awood u leedihiin, Soomaaliyana midnimadeedu waa lama tabtaan, ee xal la imaada ay ummadu wada aqbali karto, oo aynu dalkeena kuwada badbaadsano, kuwaas ayaa runtii ku haboon hadalkan aad sida ulakaca ah ugula dul kufteen Prof. Cali Khaliif xafidahu Allaah, hadalkiisa aad soo Xiganaysaana, wuu ku sheegay xalka Soomaali looga baahan yahay, la yaab se ma lihidin, oo dhegihiinu ma maqlaan waxaan ictiraaf iyo gooni isu taag ahayn, tan kale shirkii Taleex ee Khaatumo2, wuxuu ahaa warqad furan, oo loo diraayay guud ahaan Soomaalida iyo beesha caalamkaba, in ay haboon tahay in ay Soomaalidu shirwayne loo dhan yahay, ay ku qabsadaan wadankooda gudihiisa, kana madax banaan Faragelin shisheeye, oo ay kaga tashadaan aayahooda, taas oo aan shaki ku jirin haduu dhaco, in lagu gaadhaayo guul iyo is afgarad, waana fikirkaas kan uu Prof. Cali Khaliif dabada ka riixayaa. Ugu dambayntii iyo geba gebadii, burushka wasakhaysan, ee aad Prof. Cali Khaliif la daba joogtaan, maaha mid aad wax ugu dhimi kartaan, waayo qorax dharaareed nina sacabada kuma qarin karo, eek u Mashquula horjoogayaashiina, if iyo aakhiroba idin seejiyay, ee xaaraanta idinku haysta ee dhiigiina jaqaaya sida gafanaha. Halkan ka aqrista waxa ay shabakada doqon mawaydo mal maluuqeen, oo ay is leeyihiin ku dura Prof. Cali, kana daawada hadalkiisa ay ka hadlayaan. Wabillaahi atowfiiq Ciise Maxamuud Aadam Awdal People are Khaatumo People's loyal and historic allies
-
Xaaji Xunjuf;827780 wrote: He did say it listen to it ka bilow when he says Puntland maxay tahay, ya ah Puntland start from there the Professor is a genius. Beenta jooji, waan dhageystay wareysiga oo dhan, mana maqal waxa sheegasid. Malaa dhagahaaga ayee Puntland Iyo Garawo Clan Enclave ka guuxayaan. Start worrying about your Hargeisa Clan-Enclave and habro business.
-
Professor Cali Khaliif Galaydh: "Wax badan bey Shacabka Khaatumo State u soo hureen Xoriyaddoonkii Iyo Midnimada Soomaaliya, Cidna Magan Ama Marti uga noqon meyno Dalka Soomaaliya, Cidna madaba Fadhiisanano. Waanu diidnay in Dalka Iyo Qaranka Soomaaliya lakala gooyo. Somaliland waa snm, waa jabhad qabiil" Xaaji Xunjuf;827735 wrote: Garowe clan enclave on the brink of Collapse Professor cali khalif Galaydh interview+AUDIO Listen here http://www.lasanod.com/details.php?num=7397 I listened the entire interview and Professor Cali Khaliif never said Puntland on the brink of collapse, and never mentioned Garowe Clan Enclave. So Xunjuf, stop telling lies. Dadka muslimka aad isku dirasid jooji ayagaa isxiga oo waxbadan wadaaga.
-
Wafti Culus oo Ka Socda Maamul Goboleedka KHaatumo State Ayaa Soo Gaadhay Caasimada Muqdisho {sawiro} wafti culus oo uu hogaaminayo garaadka guudee khaatumo oo gadhay muqdisho si aada loogu soo dhaweeyey wafti balaadhan oo uu hogaaminayo Garaadka Guud ee Khaatumo oo isku jira Golaha Sare ee Dhaqanka Khaatumo,G10 iyo Waxgarad kale ayaa soo gaadhay magaaladda Muqdisho iyada oo ay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ay ku soo dhaweeyeen madax ka tirsan Dawlad Fedraalka ah, Khaatumo, Golaha sare ee dhaqanka khaatumo ee horay u sii joogay iyo Bulshada qaybaheeda kala duwan oo isku jira reer Muqdisho iyo reer khaatumo sidoo kale waxaa waxaa isna ku soo wajahan magalada muqdisho garaad c/laahi garaad soofe sidoo kale waxaa isla shalayba loo qaybiyey waftiga khaatumo ee ay kagaga midnoqon lahaayeen golaha dhaqanka somaliyed
-
Wiil Cusub;827294 wrote: SXB Liiban kama soo hor jeedo anigu Khatumo/SSC/Darw....waliba waan u duceeyaa oo waxaan idhaa: Cadaalad daro haddii lagu hayo ALLOW u gargaar ku dayasho ama ku jiqsii haddii ay u socdaana ALLOW kuway ku dayanayaan kala mid dhig . Haddii aad cadayn iiga keentid xasuuqa aad sheegaysidna waaban habaarayaa kuwa gaystay oo ALLOW doori baan odhan ee adigu car bal iska daa kumaankunkaba oo 500 oo dhimasho ah ii sheeg warkood. Munafaqada iskadaa, waxaad taageersantahay maleeshiyaadka reerkaaga. Anuu kaama filayo inaad xaqa ama cadaalda garato. Qof dafirayo in shacab isugu jira dumar, caruur iyo rag aan waxba galabsan ee naftoodii ku waayeen dagaalada ee Somaliland kusoo qaaday Deegaanada KHaatumo Sida Laas Caanood, Buuhoodle, Widhwidh, Bali Hadhac, Gambadhe, etc Kumaakunka kale ee Ku barakacay ee Guryahoodii Lagu Khasbay inay katagaan oo maanta wali qaxaya ee aaday Gobolada kale Soomaaliya, Itoobiya, Iyo Kenya. Kumaakun kale oo Maleeshiyada Somaliland qafaalatay oo maanta ku xidhan Hargeysa, Maandheera, Iyo Burco. Nin dafirsan waxba lama murmayo, wax kasta oo aad u sheegto ma galayaan, waayo meel baa u cad, meelna waa madowdahay.
-
Boqor Maxamed Jaamac Oo kusugan Muqdisho Ayaa Siilaanyo Ugu Baaqay Inuu Soodaayo Isimada uu Hargeysa Ku Cabudhinayo Odeyaasha dhaqanka Ee Gobolada Togdheer&Woqooyi-galbeed ee ka qaybgalaaya shirka ay magaalada Muqdisho ku yeelanayaan Odeyaasha dhaqanka Soomaaliyeed ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadal kasoo baxay Maamulka Siilaanyo. Hadalka ayaa ahaa mid looga digaayay Odeyaasha iyo Siyaasiyinta Goboladaas in ay ka qaybgalaan ansixinta dastuurka cusub ee Federaalka oo la filaayo in ay dhacdo bartamaha bishaan. Boqor Maxamed Jaamac Cumar oo kamid ah Isimada Togdheer ayaa ka qaybgalaaya shirka kana soo ambabaxay magaalada Hargeysa sheegayna in ay kusoo laaban doonaan degaanada ay u dhasheen markey soo dhameeyaan hawlahan qaran ee ay ku jiraan. Boqor maxamed ayaa sidoo kale ku eedeeyay Siilaanyo in uu ku fashilmay wixii shacabkiisa ay u doorteen isla markaana dadka oo dhan cabudhin ku sameeyay. ‘’Waan soo noqonayaa oo dhawaan ayaan ku soo noqonayaa Burco iyo Ceerigaabo-ba, hadii aad u jeedo waa lagu xidhayaa xadhiga rag ayaa loo sameeyey oo imikaba waxa xidhan rag aan is leeyahay waxba may galabsan oo uu ka mid yahay Badhasaabkii Maroodii Jeex, Agaasimihii guud ee Dib-udajinta iyo la taliyihii Madaxwayne ku xigeenka oo xaqdaro ku xidhan, waxaanaynu ognahay inaan ragaas iyo kuwo kale oo badanba aan wax cadaalad ah la horkeenin. Markaa xadhigu maaha wax mishkilad ah oo hadii ay dadka oo dhan xidhi karto xukuumadda Siilaanyo ha waa xidhxidho bal cida ay wax kaga xumaanayaan’’,ayuu yiri isagoo wareysi siinayay Wargeyska Haatuf ee kasoo baxa Hargeysa. Boqor Maxamed Jaamac ayaa hadalkiisa ku daray in ay xaq u leeyihin in ay ka qayb qaataan wax kasta oo looga baxaayo dhibaatada ka taagan Soomaaliya isla markaana haddii ay sii socdaan saamayn ku yeelan karaan Hargeysa oo iminka nabadi kajirto. ‘’Waxaan jeclahay had iyo jeer inaan ka qaybqaato wixii dhibaatada iyo colaadaha Soomaalida lagu soo afjari karo, waayo hadii ay colaada iyo dagaalada Muqdisho ay sii socdaan Hargeysa-na way saamaynayaan oo sidaa nabad u ahaan mayso’’,ayuu yiri. Issimo iyo Waxgarad ka socda Togdheer&Woqooyi-galbeed ayaa ku sugan magaalada Muqdisho kuwaas oo ka qayb qaadan doona ansixinta dastuurka cusub ee Federaalka. Maamulka Siilaanyo ayaa dhowaan si cad u diiday ka qaybgalka wada hadal la filaayo in ay la yeeshaan Dowladda Federaalka kadib markii ay ka hor yimaadeen labo xubno ka socda Puntland oo ay dalbadeen in laga saaro. Isku soo wada duuboo doraad ayay ahayd markii Isimo farabadan oo laga soo uruuriyay magaalooyinka Goboladaasi ay maamulka Siilaanyo shir ugu qabteen Hotelka Maansoor EE magaalada Hargeysa iyagoo kaga codsanaaya inaay ka qaybgelin shirka Xamar ka dhacaaya uguna hanjabeen in uu xadhig mutaysan doono ninkii ku kaca arintaasi. ugu danbayntii ififaalaha siyaasadeed Ee iminka ka soconaaya woqooyi galbeed ayaa u’eg mid maamulku doonaayo inay ku cabudhiyaan Isimada iyo wax garadka doonaya inay mar labaad xedh fadhiistaan walaalohooda Somaliyeed Ee ay u jeeleen. Realtaleex News Desk.
-
Somaliland Oo Sheegtay Inay Ka Fiirsanayso Ka Qayb-galka Shirka Somaliya Loogu Qabanayo Turkiga Oo Casuumadiisii Soo Gaadhay, Kana Hadashay Salaadiinta Muqdisho Tagay. Hargeysa (Ramaas) May 6,2012 – Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in dawlada Turkigu soo gaadhsiisay casuumadii ay kaga qayb-lahayd shirka Istanbul loogu qabanayo Somaliya dhawaan. Wasiirka wasaarada arimaha dibada Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa sheegay in dawlada Turkigu soo gaadhsiisay casuumada shirka Istanbul, waxaanu sheegay inay dawlad ahaan ka fiirsanayaan ka qayb-galka shirkaasi oo uu sheegay in sida loo soo dhigay aanay ahayn si Somaliland kaga qayb-gali karto "Shirkaasi imika sida loo soo dhigay ma ah si aanu ku tagi karno, waxaanu dalbaynaynaa dawladda Turkigu anagoo danaynayna qeybo ka mid ah arrimaha lagaga hadlayo shirkaa qeyb ka mid ah oo xagga dhaqaalaha iyo horumarka u badan inay dib u eegto nidaamka ay Somaliland kaga soo qeyb galayso Somaliland oo aanu jecel nahay inuu noqdo mid la mid ah kii shirkii London aanu kaga qeyb-galay bishii febarwari ee sanadkan"ayuu yidhi wasiirka arimaha dibada Somaliland. Wasiirka Khaarajiga Somaliland waxa uu tilmaamay in casuumada Turkigu u soo diray Somaliland ay tahay mid aan si gaar ah Somaliland loogu casuumin shirkaasi, sidaa daraadeedna ay ka fiirsanayaan inay ka qayb-galaan iyo in kale. Wasiirka wasaarada arimaha dibada Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar oo maanta la hadlay Laanta afka Soomaliga ee idaacada BBC-da ayaa sidoo kale sheegay in Madax-dhaqameedka reer Somaliland ee ka qayb-galay shirka lagu ansixinayo dastuurka qabyo qoraalka Somaliya aanay ahayn kuwo Matalaya dawlada Somaliland iyo shacabkeeda, balse ay yihiin kuwo si shakhsi ah oo faduul ah u tagay Muqdisho. Hadalka wasiirka arimaha dibada Somaliland ayaa ku soo beegmaya xili shalay Magaaladda Muqdisho uu ka furmay shirka lagu xulayo xubnaha ansixinaya dastuurka Somaliya iyo xubnaha baarlamaanka cusub, kaasi oo ay ka qayb-galayaan Madax-dhaqameed 10 ku dhow oo reer Somaliland ah.
-
Boqorkii Siilaanyo oo Daaha Ka Feyday Sababta Keliftay Inuu Ka Qeyb Qalo ShirWeynaha Soomaaliya ee Mogadishu Qaran news May 06, 2012 Muqdisho,Boqor Maxamed Jaamac Cumar oo maalgelinta caleema-saarkiisa iyo boqornimadiisaba uu lahaa madaxweyne Siilaanyo oo ay isku beel ka soo jeedaan uguna talogalay inuu saaxada madax-dhaqameednimo kaga saaro Boqor Buur madow ayaa dhawaan tegay Muqdisho halkaas oo uu kaga qeyb gelaayo shirka madax dhaqameedka Somalida halkaas uga socda isagoo ah ergay metelaaya madax dhaqameedka somaliland. Boqor Maxamed Jaamac Cumar wuxuu ku eedeeyay xukumada Siilaanyo iyo Xirsi Gaab hogaamiyaan inay xakamaha iyo dabarkaba ka furtay xeerkii ka hor istaagi lahaa ama ka mamnuucayey muwaadiniinta reer Somaliland inay shirarka loo qabanaayo Somaliya ka qeyb galaan, wuxuuna intaas ku daray in Siilaanyo bilaabey jebinta xeerkaas oo uu dhawaan London kaga qeyb galay shir kooxaha Somalida halkaas loogu qabtay,wuxuuna yidhi Siilaanyo waa kii Sheekh Shariif la kulmay, wasiir DUURna waa kii Djabuurti kaga qeyb galay shir kooxaha somalida loo qabtay, aniguna boqor ahaan xaq baan u leeyahay inaan shirkan Muqdisho ka qeybgalo,wuxuuna boqorku ku celceliyey in xeerkii xakamaynaayey inaan shirarka Somaliya laga qeyb galin Siilaanyo jebiyey,dabarkana ka furay meel kastoo shir lagu qabanaayana in la tago Siilaanyaa jideeyay. Dhinaca kale wuxuu sheegay boqorku Silaanyo iyo kudladan yar ee uu wataa inaaney dan Somaliland ka shaqeynayaan ee ay dantooda ka shaqeynayaan, wuxuuna yidhi "wey ka shaqeysanayaan dalka, wey boobayaan ee cidna u shaqeyn maayaan,Siilaanyana ma meteli karo shacabka Somaliland maadabaan loo sinayn maalgelinta iyo kheyraadka dalka ee uu koox yar oo xididkiisa iyo xasabadiisa iyo xigtadiisa ah u kooteeyay. boqorku wuxuu intaas u ku daray in Siilaanyo been u sheegaayo umada SL,ururadii la tartami lahaana waa kii iska reebay oo cidii soo bax istaadhahdaba madaxuu kaga joogsanayaa,Boqorku wuxuu hadalkiisa ku soo gebgebeeyay inuu ku soo noqonaayo Somaliland dhawaan markuu hawshaas soo bogo Siilaanyo iyo Xirsi ,xeer iyo cid ka hor istaagi kartaana aaney jirin. Qarannews