Liibaan

Nomads
  • Content Count

    4,722
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Liibaan

  1. MadaxWeyne Mudane Axmed Karaash Iyo Madaxda KHaatumo State oo Xadhiga Ka Jaray Garoonka Diyaaradaha ee Sayid Mohamed Abdulle Hasan Airport
  2. Wadani;831979 wrote: Good job by Khaatumo State. Thank You Brother Wadani, You are patriot masha Allah.
  3. Carafaat;831451 wrote: Congrats to Khatumo people with the Sayid Abdulle Hassan Airport. Cant imagine a better and more historic name. Thank You Carafaat, We also wish our Brothers from NorthWest (Somaliland), the best. Nabad Iyo horumer ayaanu idiin rajeenanaa. I agree with you Sayid Mohamed Abdulle Hasan is historic name.
  4. Dowlada Federaalka Somalia Oo Ku Hawlan Sidii Deegaanka Maakhir Looga Dhisi Lahaa Maamul-Goboleed http://ramaasnews.com/index.php/News/News/Dawlada-Sheekh-Shariif-Oo-Ku-Hawlan-Sidii-Deegaanka-Sanaag-Bari-Looga-Dhisi-Lahaa-Maamulka-Maakhir-State-Oo-Hore-U-Fashilmay.html?print=1&tmpl=component Minneapolis (Ramaas) May, 14, 2012- Dawlada Sheekh Shariif ayaa si cad ugu muujisay in ay taageersan tahay in Maamul-Goboleedka Maakhir State Of SOmalia laga hirgeliyo deegaanada Maakhir ee degto beesha Maakhir. Masuuliyiin ka tirsan xukuumada Soomaaliya oo toddobaadkan ka qaybgalay shir loogu magacdaray Maakhir 1 oo ka dhacay Magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka , ayaa sheegay in nabad raadinta Soomaaliya lagu hirgelin karo maamulo ay beelo leeyihiin ee laga dhiso Awdal, Sanaag , Sool iyo Cayn. Saraakiil ka tirsan ergada dublumaasiyiinta ah ee Magaalada New York u fadhiya Soomaaliya ayaa sheegay in ay taageero xoogle siinayaan maamulka Maakhir State oo ay doonayaan in uu ka shaqeeyo jiida ay ku dhaqan tahay beesha Maakhir,iyada oo la siin doono xaquuq la mida maamulada kale ee ka jira Soomaaliya. Waxa ay ka codsadeen odayaasha dhaqanka in ay bilaabeen wacyigelin dadka loogu sheegay maamulka ay dhisteen taageerada uu uga baahan yahay. Dawlada Soomaaliya ayaa hore taageero ugu muujisay Awdal State iyo Khaatumo State. Ramaasnews Desk
  5. Midnimada Soomaaliya waa furaha horumaka Soomaaliya
  6. Reuters : "In an interview in Puntland's capital Hargeisa ....." http://www.somaliaonline.com/community/showthread.php/64822-Row-between-Somalian-regions-slows-oil-exploration
  7. XILDHIBAAN CAWAD AXMED CASHARO"SIDA WAX U SOCDAAN MAAHA TUBTII SAXDA AHAYD OO AY SOOMAALI DHIBTA KAGA BIXI LAHAYD" NAIROBI::Sida wax u socdaan ma aha tubtii saxda ahayd oo maanta ay ay Soomaalidu kaga bixi lahayd dhibaatada dheer ee ay kusoo jirtey muddadii 20-ka sano ahayd, taas oo maanta dad badani ay ku dhimanayaan badaha iyo ayadoo sidii la rabay laga yeelay Soomaaliya sida in wasakh (sun) lagu shubay badda," sidaas waxaa yiri Xildhibaan Cawed Axmed Cashara oo u waramayey idaacadda Codka Maraykanka. Waxana uu intaas raaciyey: Dariiqa loo marayo in laga baxo muddada kumeel gaarka ah waa dariiq khaldan. Odayaasha la isu keenay si ay axdiga ansixiyaan waa gardarro, waayo Soomaaliya waxay lahayd dastuur la sameeyey 1960. Marka dastuur la sameeyona waxaa lagu sameyaa uun ammendment ama wax ka bedelid haddii wax is bedeleen. Laakiin dariiqa hadda loo maray waa dariiq aan sax ahayn, kharsh badana in uu ku baxo sax ma ahayn. Raodmap-kana baarlamaan lama keenin. Xildhibaan Cashara waxa uu hadalkiisa ku adkeeyey sida aysan suurtagal u ahayn in dastuur la sameeyo ayadoo aan dadweynaha guud ahaan cod bixin laga qaadin, waxana uu tilmaamay in taasi aysan dhici karin hadda waayo, ayuu yiri "Ayadoo aan goboladii oo dhan la tegi karin" ama dawladda KMG aysan tegi karin goboladda dalka Soomaaliya oo dhan sidee loogu samaynayaa axdi qaran. Xildhibaan Cawad Axmed Cashara waxa uu sheegay in sababta loo dedejinayo in xukuumadda laga saaro kumeel gaarka ay tahay sidii badda Soomaaliya faraha looga bixin lahaa, isagoo arrintaas ka hadlayeyna waxa uu yiri "Annaga danigayaga waxaan u malaynayaa dadka dedejinaya waxay rabaan sidii badda faraha uga bixi lahayd oo hawlo kale lagu dhamaystirto dawladaha kale oo imanaya ee la sheegayo in laga saarayo Kumeel gaarka." Waxana uu hadalka ku adkeeyey "Kumeelgaar lagama bixi karo ilaa la helo codbixin oo dadka la tiriyo oo xisaab la sameeyo oo doorsho dhacdo." Xildhibaan Cashara waxa uu sheegay "in sharci daradani ay ka soo bilaabatay kuwo Jamciyadda Quruumaha sheeganaya oo hadda dadka u hanjabaya oo dhahaya dad ayaan xirxirneynaa haday ka hadlaan danta Soomaaliyeed. ()." Waxna uu sheegay "in aysan jirin qodob la waafajiyey waxa la wado oo dhan oo ay tahay qarjajeex. Waayo lama marsiin nidaamkiisaxda ahaa, waxay ahayd in qorshana la marsiiyo golaha wasiirada, markaasna loo gudbiyo Baarlamaanka, baarlamaankuna uu go'aankiisa u gudbiyo madaxweynaha si uu u saxiixo, markaas ayuu noqon lahaa in lala sugo afti dadweynaha oo dhan." Arrinta maanta la wado waa arrin la rabo in lagu xalaalsado hawlahii badda laga wadey," ayuu yiri Xildhibaan Cawed Axmed Casharo. "Ujeedooyin ayaa lagu fushanayaa qabyo-qoraalka la leeyahay sharci halaga dhigo ee ummadda Soomaaliyeedey ka digtoonaada," ayuu hadalka ku adkeeyey Xildhibaan Cashara. Digniinta uu xusay Xildhibaan Casharo waa qoraal aan lahayn taariikh aysoo baxday iyo tixraac-xafiiseed toona oo May 1, 2012 uu faafiyey xafiiska Nairobi ee Qarammada Midoobey ee qaabilsan Arrimaah Soomaaliya, taas oo ay ku saxiixan yihiin: Kipruto Arap Kirwa, oo ah fududeeyaha IGAD ee nabadda iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya (oo xilkaas ay Kenya u magacawday 21 December 2008 shirkii lagu qabtay magaalada Addis Ababa), Augustine Mahiga, wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya, iyo Boubacar Gaoussou Diarra, oo AU u qaabilsan Soomaaliya - AMISOM.
  8. Daawo Soo Dhoweyntii Prof. Cali Khaliif Galeydh ee Caasimada Mogadishu (Sawiro) Akhyaarta sharafta leh waxaan idiin soo gudbinaynaa sawiro sidii loogu Soo Dhoweeyay Dr. Cali Khaliif Galeydh Caasimada Mogadishu. Madaxda Iyo Xildhibaanada TFG, Wasiirada Maamulka KHaatumo State, Iyo Garaadada Khaatumo oo Ku Soo Dhoweeyay Prof. Cali Khaliif Garoonka Diyaaradaha Caasimada Muqadishu Soo Dhoweyntii Prof. Cali Khaliif Galeydh ee Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Caasimada Soomaaliya Muqdisho Prof. Cali Khaliif Galeydh, Garaad Abshir Saalax, Aqoonyahan Xassan Axmed Ciise Prof. Cali Khaliif Galeydh, Garaad Abshir Saalax, Aqoonyahan Xassan Axmed Ciise Wasiirka Arrimaha Gudaha KHaatumo Mudane Yaasiin Axmed Sulub Iyo Raxan Wasiira Ah oo Ka Socda Maamul Goboleedka KHaatumo State Of SOmalia, Garaad Abshir Saalax, Iyo Garaadada KHaatumo State oo Si Weyn ugu Soo Dhoweeyay Prof. Cali Khaliif Magaalada Muqadisho
  9. Borama News Professor Cali Khaliif Galeydh Oo Goordhow Imanaya Muqdisho Iyo Qaban Qaabada Soo Dhoweyntiisa Oo Siweyn Ug Socota Caasimada http://www.boramanews.com/index.php?option=com_content&view=article&id=3976&catid=66&Itemid=117 Muqdisho (Bnn) War hadda soo gaaray xafiiska war qabadka Shabakadda Raxanreeb, ayaa sheegaya in saacadaha soo socda uu ku soo fooleeyahay magaalada Muqdisho, Cali Khaliif Galeyr oo horey u soo noqday ra’iisal wasaare dowladii Cabdi Qaasim Salaad Xasan 2000. Cali dhawaanahan waxa uu ka mid ahaa dadka ugu cad-cad ee taageersanaa maamulka Khaatumo State oo dhowr bil ka hor laga sameeyay degmada Taleex ee gobolka Sool. Waxa magaalada Muqdisho hadda ka socda qaban qaabo lagu soo dhaweenaayo Cali Khaliif Galeyr, kuwaa soo kuwaas oo ay wadaan xubno ka soo ka tirsan maamulka Khaatumo State. Cali Khaliif Galeyr, ayaa la sheegay in ay la socdaan xubno ka tirsan maamulka Khaatumo State, iyo odayaal kuwaas oo doonaya in ay ka qeyb galaan shirka odayaasha dhaqanka ee ka socday Muqdisho. Ma cadda in Cali Khaliif uu isna ka mid ah odayaasha ka qeyb galaya shirka ka socday Muqdisho ee la doonayo in lagu soo xulo xunaha soo diyaarinaya dastuurka cusub ee la rabo in loo sameeyo Soomaaliya.a
  10. Caasimada Muqdisho Ayaa Waxaa Ka Socda Qabanqaabo Ah Sidii Loo Soo Dhowayn Lahaa Raysal Wasaarihii Hore ee Soomaaliya Prof. Cali Khaliif Galeydh http://kismaayo24.com Prof cali khaliif galaydh ayaa lagu wadaa in uu soo gaadho magaalada muqdisho saacadaha fooda inagu haya isagoo ay ku waheliyaan safarkiisa masuuliyiin sar sare kuwaas oo baryihii ugu danbeeyay safaro kala nooc-nooca kumarayey wadamo kuyaala qaarada afrika oo ay kamid ahaayeen Ethiopia ,Kenya iya wadamo kale oo kuyaala qaarada afrika . Raysalwasaarihii hore ee dalka soomaaliya cali khaliif galaydh ayaa lagu wadaa in uu gaadho saacadahan soosocda magaalada muqdihso isagoo lagu wado inuu kaqayb galo shirwaynaha lagu wado in lagu ansixiyo dastuur ay soomaaliya yeelanayso. Dhinaca kale waxaa kuwahelinaya Prof Cali Khaaliif Galaydh safarkiisa Masuuliyiin katirsan Maamulka Khaatumo iyo siyaasiyiin udhashay dalka soomaaliya . Proff: ayaa kamid ah golaha G10 ee maamulka khaatumo uu leeyahay isagoona utaagan siyaasada dibada ee maamulka khaatumo state of soomaaliya. Magaalada muqdisho ayaa waxaa ka socda qabanqaabo ah sidii loo soo dhawayn lahaa raysalwasaarihii hore ee soomaaliya ahna xubin kamid ah golaha G10 ee maamulka khaatumo state Prof cali khaliif galaydh, iyagoo na ay kaqayb qaadanayaan soo dhawayntaa golaha sare ee dhaqanka maamulka khaatumo state oo iyagu dhawaanahanba kusugnaa magaalada muqdihso ee caasimada dalka soomaaliya , dawlada dhexe ee soomaaliya iyo qaybaha kala duwan ee bulshada soomaaliyeed ee kudhaqan magaalada muqdisho. goor dhaw lasoco sawirada iyo dabaaldaga soo dhawaynta wafdigan ee magaalada muqdisho ________________________ Prof. Cali Khaliif Galeydh oo Ah Siyaasi Weyn Rugcadaa Ah, Waxaa uu Ka Mid Yahay Shaqshiyaadka Si Weyn u Raadinaya In Soomaaliya Ay Ka Dhacdo Nabad Waarta, Horumar, Cadaalad, iwm Prof Cali Khaliif Galaydh Iyo Wafdi uu Hugaaminayo Ayaa Gaaray Caasimada Muqdisho. Wararka ka Imaanaya Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa Shegaya in Maanta uu Halkaasi gaaray Cali Khaliif Galaydh oo ka Tirsan Masuulyiinta Maamulka Khatumo State. Mudane Cali Khaliif ka soo degay garoonka Muqdisho, waxa halkaas ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan DKMG ah, iyo maamulka Khaatumo oo horrey u joogay Muqdisho. Cali Khaliif iyo xubno la socday oo ka duulay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, ayaa waxa markii ay diyaarada ka soo degayn, ay gacan qaadeyn boqolaal qof oo watay calanka Khaatumo State, waxana markii dambe loo sii galbiyay Hottel Amasator oo ku yaala KM4 ee magaalada Muqdisho, halkaas oo la filaayo in uu kula hadlo Saxaafadda. Mudane Caliq aliif Galydh waxa uu horey u soo noqday ra’iisal wasaare dowladii Cabdi Qaasim Salaad Xasan 2000, Sidoo kale Cali Khaliif oo ah siyaasi rugcadaa ah, waxa uu ka mid yahay shaqshiyaadka si weyn u raadinaya in Soomaaliya ay ka dhacdo nabad waarta isagoona haatan ka tirsan maaulka Khaatuma State .
  11. Muqdisho (RBC) Waxa maanta Barqadii garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka soo degay Cali Khaliif Galeyr iyo xubno ka tirsan maamulka Khatumo State. Markii uu Cali Khaliif ka soo degay garoonka Muqdisho, waxa halkaas ku soo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan Baarkamaanka Soomaaliya, masuuliyiin ka tirsan DKMG ah, Haween iyo xubno ka tirsan maamulka Khaatumo oo horrey u joogay Muqdisho. Cali Khaliif iyo xubno la socday oo ka soo duulay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, ayaa waxa markii ay diyaarada ka soo degayn, ay gacan qaadeyn boqolaal qof oo watay calanka Khaatumo State, waxana markii dambe loo sii galbiyay Hottel Amasator oo ku yaala KM4 ee magaalada Muqdisho, halkaas oo la filaayo in uu kula hadlo Saxaafadda. Cali waxa uu horey u soo noqday ra’iisal wasaare dowladii Cabdi Qaasim Salaad Xasan 2000. Sidoo kale Cali Khaliif oo ah siyaasi rugcadaa ah, waxa uu ka mid yahay shaqshiyaad la dhacsan taageero xooggan ku bixiyay in la sameeyo maamulka Khaatumo State oo dhowr bil ka hor laga sameeyay degmada Taleex ee gobolka Sool. Waxa magaalada Muqdisho hadda ka socda qaban qaabo lagu soo dhaweenaayo Cali Khaliif Galeyr, kuwaa soo kuwaas oo ay wadaan xubno ka soo ka tirsan maamulka Khaatumo State. Ma cadda in Cali Khaliif uu isna ka mid ah odayaasha ka qeyb galaya shirka ka socday Muqdisho ee la doonayo in lagu soo xulo xunaha soo diyaarinaya dastuurka cusub ee la rabo in loo sameeyo Soomaaliya. Wixii ku soo kordha warkan waxa aad kala socon kartaa iyagoo watta sawirro boggeena Raxanreeb.com RBC Radio
  12. #1 Sheikh Umal oo Si Xoogan oo Adag Uga Soo Horjeestey Dastuurka Mahiga ee ummadda Lagu Khasbayo http://bulaale.com/2012/05/05/dastuurka-somaliya-khutbah-04-05-2012-by-sheekh-m-cabdi-umal/ " frameborder="0" allowfullscreen>
  13. Waa Mahadsanyihiin Shakhsiyaadkii Shacabka Soomaaliyeed u Iftiimiyay Dhagarta Dastuurka Mahiga ee Iminka Ay Fahmeen Kuwii Hore Tuurta Ugusitay
  14. "Dawladdu Way Ku Fashilantay Shirka Madaxda Dhaqanka" Ismaaciil Buubaa Lasanod Online. Sunday, May 13, 2012 Muqdisho,(lasanod Online)- Ismaaaciil Hurre Buu-baa oo hore u ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Xukuumadihii dalka soo maray ayaa waxa uu sheegay sin Xukuumadda KMG ah oo uu hoggaamiyo Ra’iisul wasaare C/weliGaas ay ku fashilantay shirka Odayaasha dhaqanka ugu soconaya Magaalada Muqdisho, kaasoo ahaa in lagu ansixinayo Dastuurka cusub. Ismaaciil Hurre Buu-baa ayaa waxa uu xusay in goobta uu shirka ka soconayo aysan Maamulin dadkii ehelka u ahaa arrimaha soconaya, wuxuuna sheegay in qalad badan uu ka dhex jiro goobta ,islamarkaana uu sheegay in taasi aysan ahayn wax dawladnimo ah. Sidoo kale Buubaa ayaa waxa uu ugu baaqay Dawladda KMG ee Soomaaliya inay dib isugu laabato si loo saxo khaladaadka badan oo uu tibaaxay in xilligaani uu ka jiro goobta uu ka soconayo shirkaas lagu ansixinayo arrimaha Dastuurku. Shalay ayay ahayd markii Odayaal ka mid ah kuwa ka qeyb qaadanaya shirka ka soconaya Magaalada Muqdisho ay sheegeen in shirkan wax badani ka qaldanyihiin, islamarkaana loo baahan yahay in dib loo dhigo. Copyright © 2012 Lasanod.com
  15. 'Liibaan';829205 wrote: Waa sheekadii moor yaanta, waxaa la isku heystaa nin kale guriigiisa, waa ku qabso ku qada meyside, layaab. Abdul;829206 wrote: loool kaafiNews.com : Somaliland Iyo Puntland oo Isku Heysta Cida Yeeleyneysa Ceelasha Shidaalka ee Deegaanada SSC/KHaatumo State Of SOmalia http://www.KaafiNews.com/2012/05/*****-iyo-**********-oo-markey-dhulkii-iyo-dadkii-ssc-lakala-wareegeen-hada-isku-heysta-cida-yeeleyneysa-ceelka-shidalka-ee-holhol/
  16. Waa sheekadii moor yaanta, waxaa la isku heystaa nin kale guriigiisa, waa ku qabso ku qada meyside, layaab.
  17. Off to Ethiopia... http://www.somaliaonline.com/community/showthread.php/64828-Off-to-Ethiopia
  18. Xaaji Xunjuf;829103 wrote: In an interview in Puntland's capital Hargeisa he said the Nugaal Basin, Who the hell wrote this? lol@Who the hell wrote this... ma sidanaa aqoonsi ku helasaan, cidba idin ma oge. Mise aqoonsigii Puntland baa loo diray Reuters, doesn't know the difference between Somali Regional-states Galmudug, Ximan&xeeb, Somaliland and Puntland.
  19. Xunjuf is a sincerely concerned citizen of Somalia, he has the right to express his views in all matters affecting his beloved country SOmalia.
  20. http://warbahinta.com/?p=29986 madaxda sare ee Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljameecaha gobolada dhexe ee dalka ayaa ka hadlay shirka odayaasha uga socda magaalada Muqdisho, wuxuuna ka warbixiyay ansixinta dastuurka iyo cida ay tahay inay ansixiyaan dastuurka dalku yeelanayo. Sheekha oo u waramayay saxafadda ayaa sheegay isagu inuusan garaneynin waxa looga tallaabsaday dastuurka iyo Baarlamaanka wadanka ka jira ee hadana dastuur cusub dalkii loo sameynayo, taasi oo uu sheegay inuu yahay mid dano gaar ah laga leeyahay. ”Anagu ma garaneyno waxa dastuurkii dalku lahaa looga tallaabsanayo ee dastuur cusub loogu ordayo” ayuu yiri Sheekh Cumar Sheekh C/qaadir oo sheegay in 130-oday oo meel la isugu geeyay dastuur ay ansixiyeen aan dalka lagu maamuli karin. Waxaa kale oo uu Sheekhu qeexay dastuur dalka lagu maamulayo sida uu ku dhaqan geli karo oo uu sharci ku noqon karo, wuxuuna caddeeyay in dastuur loo baahan yahay marka hore in afti dadweyne loo qaado, isagoo sheegay in xilligaan aanay dhici karin afti dadweyne. Isagoo ka hadlayay odayaasha dhaqanka ee la leeyahay waxay soo xulayaan ergadii ansixin lahayd dastuurka, ayuu sheegay in qaabka xulitaanka odayaasha ah aanu ahayn mid waafaqsan cadaaladda, waayo buu yiri dhaqanka Soomaaliyeed wuxuu leeyahay Ugaas, Wabar, Malaaq, Isim IWM. ”Waxaa jira oday dhaqameed geeriyooday oo dhinaciisa ay ka soo baxeen 20-oday kale oo qaarkood walaalo yihiin mid baa laga soo qabtay oo la yiri shirka ka qeyb gal, keenso cidii adiga warkaaga maqleysa” ayuu yiri Sheekh Cumar Sheekh C/qaadir. Isagoo ka hadlayay mustaqbalka dastuurka la doonayo in dalka lagu maamulo, waxa uu sheegay inuu yahay mid kala geynaya shacabka Soomaaliyeed iska hor keenaya oo cadaawad iyo xiqdi kala dhex dhigaya Soomaalida.
  21. Xaaji Xunjuf;829128 wrote: Liibaan waad so dabacday we are getting some where now. Xunjuf, goorma ayaa joojini adigu dagaalkaagii aad kaga soo horjeeday KHaatumo State? Anuu markasta waan kasoo horjeeday xaqdarada, dagaalka, Iyo khasab in lagu maquuniyo shacab Soomaaliyeed sida Reer KHaatumo, Reer Awdal, Reer Maakhir, Ama Reer snm/Somaliland. Danta shacabka Soomaaliyeed waxey ku jirtaa Qaranka Soomaaliya Iyo Midnimada SomaliWeyn. Lakiin hadii ee jiraan reer ama gobol diidan midnimada sida reer snm/Somaliland maaha in la khasbo waa sida ee ani iila muuqato.
  22. AT, Ma waxuu lamid noqday J. Peter Pham Iyo Matt Bryden. Mise gabad buu sasabanayaa.... Lakiin runtii, hadii Reer Woqooyi Galbeed diideen Inay Somaalia ka mid noqdaan maaha in la khasbo, Sidoo Kale hadii Reer Khaatumo diideen Inay ka mid noqdaan snm/Somaliland maa in la khasbo. Cid la khasbayo, oo sandule lagu qabsanayo majirtu. Allah Subhanahu watacalaa ayaa noo sheegay "Laa Ikraaha fi diin", Diinta Islaamka ayaa cidna lagu khasbeen. wax kale iskadaa.