Liibaan

Nomads
  • Content Count

    4,722
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Liibaan

  1. " frameborder="0" allowfullscreen> VIDEO: Soo Dhoweyntii Prof Cali Khaliif Galeydh Iyo MadaxWeynihii Hore SSC/KHaatumo Dr. Sulieman XaglaToosiye, Jaaliyada KHatumoState Imaaraadka UAE [June 2012]
  2. " frameborder="0" allowfullscreen> Prof. Cali Khaliif Galeydh Iyo MadaxWeynihii Hore ee KHaatumo/SSC Dr. Sulieman XaglaToosiye oo La Kulmay Jaaliyaada Maamul Goboleedka KHaatumo State Of SOmalia (Video)- Lasanod Online. Saturday, June 09, 2012 Abu Dhabi,(lasanod Online)- Magaaladda Abu Dhabi waxaa ka dhacay kulan balaadhan oo ay kasoo qeybgaleen masuuliyiin magac weyn ku leh.. bulshadda Khaatumo State, oo ay ka mid ahaayeen Prof. Cali Khaliif Galeydh, oo kamida aasaasayaashii Khaatumo State, Mudane Saleebaan Ciise Axmed Kaar, Madaxweynihii hore ee SSC iyo Dr. Cali Cige oo qaabilsan dhinaca dhaqaalaha, waxaaana layska xog waraystay horumarka ay ku taabsatay Maamulka khatumo mudadii ay jirtay iyo arimaha u baahan in qabto. Shirka waxaa lagu furay Aayado quraanka kariimka ah, kadibna xidhiidhiyaha shirka Mudane Axmed Maxamuud Siciid Suufi, wuxuu Microfoonka ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha Jaaliyadda Khaatumo State ee Imaaradka Col. Maxamed Cumar Cigaal (Tacabir), wuxuuna ka warbixiyay waxqabadka Jaaliyadda oo uu sheegay inay door muhiim ah ka qaadatay horumarka dalka. Kadib, waxaa lagu soo dhaweeyay Dr. Cali Cige, wuxuu ka warbixiyay dhaqaalaha soo xarooday wuxuu bayaamiyay in meel walba xisaabiye joogo, isla markaana uu jiro Audit madax banaan oo howlahaa u xilsaaran, isagoo jaaliyada uga mahadceliyay sida ay uga qaybqaateen hawlaha wadanka kasocda kuna dhiiriyay inay sii wadaan dadaalkooda. intaa kadib Waxaa microfoonka lagu soo dhaweeyay Prof. Cali Khaliif, wuxuu ka warbixiyay qaabkii ay u dhiseen maamulka khaatumo, iyo fikradda ka dambeysa in maamulku khaatumo noqdo maalmulkii ugu horeeyay ee yeesha 3 madaxweyne oo wareega ah mid waliba uu mudo kooban xilka hayo, habkaas oo ah mid ku cusub soomaaliya, wuxuu ka sheekeeyay waxqabadka guud ee khaatumo, degaanka maqan ee u baahan in laxoreeyo. Wuxuu kaloo ka warbixiyay sida qiimaha leh ee ay masuuliyiinka khaatumo uga qaybqaateen hawlaha kasocda magaalada muqdisho iyadoo ay awood u yeesheen inay kasbadaan umada soomaaliyeed. Ugu dambeyn waxaa micoroofka lagu soo dhaweeyay Mudane Saleebaan Ciise Axmed kaar, wuxuu ugu horeyn mahadnaq u soo jeediyay jaaliyadda Imaaraadka doorkooda waxqabad, isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi 'fulay xantiina ma moogee baryahan waxaan maq maqlayay in la leeyahay Saleebaan wuxuu u socdaa Hargeysa, waxaan hortiina ka cadeynayaa inaan Hargeysa u socon, wuxuu tusaale u soo qaaday markii Daraawiishtii laga xoog roonaaday ayaa gumeysigii Ingiriisku wuxuu soo xidhay Ismaaciil Mire, waxayna ku yiraahdeen 'Seer “Sir” dheh, wuxuu ugu jawaabay Afkii aan Sayid ku idhi Seer ku odhan maayo, aniguna afkayga somaliland ku odhan maayo, .. Dhinaca kale wuxuu bayaamiyay inuu yahay mucaarad wax toosinaya balse uusan ahayn mucaarad wax duminaya, isla markaana wuxuu ku baaqay in la saxo tabashooyin jira, taasina waxay meesha ka saartay warar been abuur ah oo saxaafadda maamulka somaliland sheegayeen in Xaglatoosiye Hargeysa ku soo wajahan yihiin. Copyright © 2012 Lasanod.com
  3. Madaxwaynaha Maamulka KHaatumo State Of Somalia Mudane Axmed Cilmi Cisman Iyo Golaha Wasiirada oo Kormeer Ku Tegay Jiidaha Higlada iyo Yoocada NugaalMedia.com Wafti uu hogaaminayo Madaxwaynaha Maamulka Khaatumo Axmed Cilmi Cismaan iyo galaha wasiirda ayaa maanta kormeer ku tegay labada jiidoood ee ay ku sugan yihiin ciidamada Maamulka Khaatumo. Ugu horayntii Madaxwaynu wuxuu kormayrkiisa ku soo maray jiida hore ee Higlada iyo jiida bari ee Yoocada halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada Maamulka Khaatumo iyadoo beryihiii u denbeeyey ay ka socdeen Magaalada Garoowe xisado ciidan ururis oo uu wado Maamulka Faroole isla markaana ay ku doonayaan faragelin ay ku samayaan Maamulka Khaatumo. Dhinac kale Madaxwaynaha Maamulka Khaatumo Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karash) ayaa ugu baaqay shacabka Gobolda Bari in ay ka fiirsadan dhibta uu ku wado Faroole Gobolada Maamulka Khaatumo, Madaxwaynuhu isaga oo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi shacabka Gobolda Bari iyo shacabka Gobolda SSC in ay yihiin dad walaalo ah aanayna u baahnayn wax dhib kala dhex dhiga.
  4. Askartii Tukaraq U Joogtay Puntland Oo Ku Wareegay Ciidamada Maamul Goboleedka KHaatumo State Of SOmalia Lasanod Online. Friday, June 08, 2012 Tukaraq,(lasanod Online)- Ciidamadii Booliska ee maamulka Puntland u joogay Kastamka Tukaraq, ayaa si rasmi ah ugu biiray maamulka Khaatumo. Askartan oo sheegay sida ay ugu faraxsanyihiin inay maanta u adeegaan maamulkooda iyo dadkooda. Waxayna hoosta ka xariiqeen inay diyaar u yihiin difaaca maamulkooda, il gaara ahna ku eegi doonaan kuwa isku daya hagardaamada deegaanka maamulka Khaatumo state. Copyright © 2012 Lasanod.com
  5. Daawo Muuqaalka Kastamka Tukaraq Iyo Maamul Goboleedka KHaatumo State oo Shaqo Xawli Ah Ka Bilaabay (Sawirro) Dhawaantan ayey ahayd markii Maamulka khaatumo la wareegay Kastamka Magaalada Tukaraq ee gobolka sool Daawo Muuqaalka Kastamka oo shaqaynaya.
  6. Afbakayle.com Ciidamada Maamulka khaatumo ayaa Gacanku haynta Kastamka Tukaraq la Wareegay Ciidamada Xoogaga Dawlad goboleedka Khaatumo State ayaa Maanta sirasmi ah ula wareegtay gacan ku haynta Kastamka magaaloyinka bura wadal& Tukaraq ee gobolka Sool. Horay ayaa ciidamada & Maamulkuba digniin ugu jeediyeen Calooshood ushaqaystayaashii goobtaasi gaadiidka cashuuraha kaga guri jiray, waxayna maanta lawareegeen dhamaaanba howlaha halkaasi ay kaqaban jireen dadka ka calooshood la ciyaarka ah. Muhiimada Kastamkan. Kastamka degamada Tukaraq ee ay maanta la wareegeen Gacan kuhayntiisa Ciimada Maamulka Khaatumo Stata ayaa waxaa Lagu cashuuraa dhamaan gaadiidka isaga kala goosha Qaybo kamida Dalka Ethopia, Gobolada waqooyi, deegaanada Khaatumo & Guud ahaan Dhamaan gobolada kale ee dalka Soomaaliya. Wuuna kamid yahay kaaba yaasha dhaqaale ee deeganada maamulka Khaatumo State ee kusii hadhsanaa Maamulkii horay uga tirsanaayeen shacabka Khaatumo islamarkaana ay dhisteen , waxan idinsoo gudbin gordho sawirad iyo video hadii ilaahay iidmo yusuf cabdi xasan boocame
  7. Xaaji Xunjuf;840050 wrote: Well done Excellent Job KHaatumo State Of SOmalia
  8. " frameborder="0" allowfullscreen> " frameborder="0" allowfullscreen> " frameborder="0" allowfullscreen>