Liibaan

Nomads
  • Content Count

    4,722
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Liibaan

  1. Certainly, Northlanders had in mind the old adage that your enemy's enemy is your friend, when they invited Morgan to their conference, the objective was to send a clear message to SNM clan militia, telling them the illegal occupation of SSC regions is unacceptable and intolerable, and the fact that people of SSC are serious and ready to defend and free their homeland from the invaders However, in reality Riyaale and Morgan are both same, they both worked for same adminstration, Riyaale was long time spy officer, and he was very loyal to NSS (National Security Services) and government of Somalia to the last days in 1991, Even Waraabe was informer for NSS. Some people wish to rewrite the history according their sick tribal politics, so they can pick and choose who was part of Siyad's Government.
  2. 2.In beeshu ay qayb ka tahay Dowlada Soomaaliyeed ee Puntland ayna diyaarna u tahay doonista midnimo Soomaaliyeed .
  3. JB, Those who are meeting in Nairobi, are hardline pro-union, and they more anti-somaliland than Puntland Admin, at the meeting they decided that SSC regoin will stay as an integral part of Puntland and United Somalia They also agreed to free their land themselves, and hold accountable Puntland admin, when right time comes after they accomplish the mission and succeed to achieve their goal of free SSC and drive out the invaders
  4. 2.In beeshu ay qayb ka tahay Dowlada Soomaaliyeed ee Puntland ayna diyaarna u tahay doonista midnimo Soomaaliyeed . 3.In beeshu ay dib u xoreyso Gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn iyadoo kaashanayso Dowlada Soomaaliyeed ee Puntland . JB, I guess you cannot read simple somali, or you just want to daydream, I know it is hard for you to accept the harsh truth that SSC delagates decided to renew their support for Puntland State of Somalia, You prefer lias and fabrications, as it is your norm
  5. I think he is impostor as well, he is not a new nomad in this forum, how else he posted close to 400 posts within month
  6. AllPuntland: Laascaanood oo ka maqan gacanta Puntland 2 sanno, Faragalinta Itoobiya ee Sool &Dhinacyada gobalka isku haya hada xaaladooda……Warbixin dhinacyo badan leh……. Puntland oo laga qabsaday magaalada Laascaanood, kama muuqdo dardar xoog leh oo ku aadan soo laabashada magaalada Laascaanood 16. oktober 2009 Garoowe(AllPuntland)- Magaalada Laascaanood oo ah xarunta gobalka Sool ayaa sannadkii labaad ay u ahayd shalay oo ay ku sugan yihiin ciidamo ka socda Maamulka Somaliland,kuwaas oo ka qabsaday ciidamada Puntland sannadkii 2008-dii, markaas oo xoog Somaliland ku qabsatay deegaanadaasi. Maamulka Somaliland ayaa hada magaaladaasi ka wada dadaalo ku aadan hirgalinta nidaamyadooda, inkastoo ay ku adkaatay Somaliland in ay si rasmi ah uga hirgalayaan gobalkaasi adeegyada iyo mawqifyada ay ubaahan yihiin,maadaama ay shacabka badankoodu diidan yihiin Maamulka Somaliland. Puntland oo laga qabsaday magaalada Laascaanood, kama muuqdo dardar xoog leh oo ku aadan soo laabashada magaalada Laascaanood,inkastoo ay Warbaahinta Soomaaliya laga maqlo hadalada ay is dhaafsanayaan dhinacyadan. Madaxdii hore iyo wixii ay ku waayeen Kalsoonida Shacabka… Xukuumadii Madaxweyne Maxamuud Muuse Boqor oo laga qabsaday magaalada Laascaanood, ayaa weyday kalsoonida shacabka Puntland, markii la qabsaday magaalada Laascaanood,waqtigii lugu jiray doorashadii Madaxweyne-nimada Puntland, waxa ay dadku aad usoo dhaweynayeen fikrad kasta oo dib loogu soo celinayo magaalada Laascaanood. Howshii lugu galay doorashada & Balan qaadkii Faroole iyo C/samad. Musharaxiintii utaagnaa in ay noqdaan Madaxda Puntland, waxa ay jaanis weyn ka heleen qabsashadii Laascaanood, waxa ayna ahayd Madaxda Puntland ee hada qodobadii ugu weynaa ee ay ku soo baxeen Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisu hada jooga, kalsoonida laga qabay in ay dib usoo celiyaan deegaanada ka maqan Puntland, dad badan ayaa rumeysan in aysan uga soo bixin sidii ay rabeen,hadana dawladda ayaa leh dadaal ayaa socda. Masuuliyiinta Puntland ugu sareysa ayaa sheegay in ay ku howlan yihiin dadaalo ku aadan sidii magaaladaasi dib loogu soo celin lahaa gacanta Puntland, balse fikradaasi ayaa noqon mid talaabadeedu ay muuqato, marka laga yimaado hadalada ay ka jeediyeen Warbaahinta. Siyaasiinta aad ula socda xaaladaha magaalada Laascaanood iyo hanaanka Siyaasadeed ee Puntland ayaa cabiraya in ay Madaxda dawladda ee Puntland ay ku jiraan howlo kale, oo aysan baryaha dhow usoo jeedin xaaladaha magaalada Laascaanood, ayna ka hor marin doonaan xaalado kale. Difaacayaasha Madaxda dawladda ee hada. Saraakiisha difaacaya dawladda Puntland ayaa xaqiijinaya in aysan dawladdu wali heysan ciidamadii loo baahnaa, ayna dhowrayso baaqyo nabdeed oo ay udirtay Maamulka xooga ku jooga gobalka Sool, waxaana ay sidoo kale sheegeen in ay lagama maarmaan tahay in latashiyo lugu wajaho xaalada gobalka Sool. Dadka rayidka ah ayaa aaminsan in ay Madaxda dawladda Puntland ee hada xilalka haya, ay ka soo bixi waayeen balantoodii ku aadanaa arrimaha soo celinta gobalada ka maqan Puntland, ayagoo xaqiijinaya in aysan socon wax horumar oo ku wajahan deegaanada ka maqan Puntland. Somaliland iyo Laascaanood. Somaliland ayaa bilowday canshuur qaadid ay ka bilowday magaalada Laascaanood, taasoo oo ay ku dooneyso in ay horay ugu dhaqaajiso adeegyadeeda ku aadan dhanka Maaliyada iyo xoogeysiga habka Maamul ee Somaliland, hadana ilaa hada dadka Laascaanood uma dhaqaaqin ka dhabeynta in ay bixiyaan habka lacagaha Canshuuraha oo ay bixiyaan. Itoobiya iyo xaaladaha Sool. Dawladda Itoobiya oo xiriiro la leh Maamulada Puntland & Somaliland ayaa ka biyo diidsan dagaalo ka dhaca gobalkaasi, waxa ayna madaxda labada dhinacba usoo jeediyeen in aysan marnaba udhaqaaqin dagaalo ku aadan xaaladaha Sool. Siyaasiinta Puntland ee aadka ula socda xaaladaha Laascaanood, waxa ayna ku eedaynayaan Madaxdii hore ee Puntland oo ay qaarkood ku jiraan Madaxda maanta xilalka haysa in ay Itoobiya ka aqbalaan dagaalo aan ka dhicin Sool, taasoo ay mid xun uarkaan dadka gobalada Puntland. Itoobiya ayaa xiriir wanaagsan laleh Somaliland, isla markaasna waxaa ka dhaxeeya Iskaashi dhinaca amaanka ah, ayadoo wararku ay sheegayaan in ay taageerto ciidamada Somaliland oo ay ka taageero dhanka saadka, ayna ciidamada Somaliland hada ay ku joogaan gobalka Sool, xaalad Siyaasadeed oo ka weyn Somaliland, taasoo la aaminsan yahay in ay wadato dawladda Itoobiya, oo aaminsan in ay gobalkaas maraan Jamhadaha ka soo horjeeda hanaankooda Maamul oo ay ula jeedaan ONLF. Madaxda Puntland iyo tagidoodii Addis Ababa. Madaxweynaha hada ee Puntland Dr. C/rixmaan Sheekh Maxamed Sheekh Maxamuud iyo Kuxigeenkiisa Jeneraal C/samad Cali Shire horayna u ahaa taliye kuxigeenkii ciidamadii Daraawiishta Puntland ee laga qabsaday Laascaanood, ayaa tagay Itoobiya marar kala gedisan, waxa ayna kala hadleen dawladda Itoobiya arrimahaasi sida ay xaqiijiyeen labadooduba. Dr. Faroole ayaa shaaciyey markii uu ka yimid Itoobiya, in uu la kulmay RW Itoobiya Meles Zanewi, uuna Meles ka codsaday in aan dagaal lugu wajihin xaalada Laascaanood, oo ay labada dhinac dhinaca nabadgalyada umaraan, taasoo uu sheegay Madaxweyne Faroole in uu soo jeediyey mawqifkiisa ku aadan in deegaanada Puntland ilaalintoodu tahay mid ku wajahan dastuurka Puntland, uuna ku dhaartay sidii loo soo celin lahaa magaaladaasi. Laakiin Madaxweynaha ayaan ka gaabsaday in uu shaaciyo wararka sheegaya in ay jiraan siyaasiin udhalatay Puntland oo saxiixay in aan dagaal lugu qaadin Sool, wuxuuna Madaxweynuhu ka war-wareegay waqtigaas shaacinta arrintaasi. Jeneraal C/samad Cali Shire Shalay,taliye kuxigeenka ciidankii laga qabsaday Lascanod, maantana ah Madaxweyne kuxigeen.. Madaxweyne kuxigeenka Jen. C/samad Cali Shire oo isaga si gaar ah loogu leexiyo xaalada Laascaanood, maadaama uu dawladda Puntland ka soo galay gobalka Sool, uuna ahaa waqtigii la qabsanayay Laascaanood taliye kuxigeenkii ciidamadii Daraawiishta Puntland, ee maalintaas ku jiray dagaalka. Jeneraalka ayaa marar badan sheegay in ay soo celin doonaan Laascaanood, laakiin hadalka Madaxweyne kuxigeenku ma noqon mid gaaray halkii looga baahnaa, sida ay rumeysan yihiin dadka dhaliila waxqabadkiisa, sidoo kale siyaasinta dhaliilayaa ay sheegayaan in uusan ka soo bixin balantii uu qaaday markii la doortay, sida ka muuqatayna qorshihii uu ku soo galay tartanka doorashadu uu ahaa soo celinta magaaladaasi. Taageerayaasha C/samad ayaa sheegay in ay jiraan siyaasado hoose oo ku aadan soo celinta Laascaanood, waxaana lasheegay in uu Jeneraalku markii uu booqday dalka Itoobiya, ay Addis Ababa usoo jeedisay mawqif ah in aan la wareerin magaalada Laascaanood, isagoo APL arrintaasi uga jawaabayay markii uu dalka dib ugu soo laabtay kana yimid dalka Itoobiya sannadkan bartankiisii, wuxuu ku sheegay in uusan waxba tafaasiil ah ka bixineyn arrintaasi. Sidoo kale taageerayaashu waxa ay sheegayaan in aysan dawladdu wali jaanis weyn uhelin oo ay uga tashato arrimahaasi ama ay ku wajahdo ayna ku howlan tahay xalinta mashaakilaad ka jira gudaha Puntland. Waxa lafilayo labo sanno oo ay Laascaano maqan tahay ka dib. Dadka Puntland ayaa shalay oo ahayd 15-October-2009, waxa ay uahayd sannadkii labaad oo ay gacanta Puntland ka maqan tahay, magaalo shacabkeedu wax ka dhisteen dawladda Puntland ee maanta jirtaa, waxa ayna sheegeen in ay doonayaan in baarlamaanka Puntland oo 31-October-09, kalfadhi ku leh Garowe ay lagama maarmaan tahay in ay uyeeraan Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa ayna su’aalo ka weydiiyaan xaaladahaasi. F. C. Maxamed AllPuntland
  7. AllPuntland.com: Siyaasiin iyo Waxgarad ka soo jeeda Sool oo go’aamo ka soo saaray shir ka socday dalka Kenya. Sida In dawladda Puntland ay ku guuldareysatay wax ka qabashada gobalada ama soo celintooda 16. oktober 2009 Nayrobi(AllPuntland)- Siyaasiin iyo waxgarad badan oo ka soo jeeda gobalada Puntland, gaar ahaana gobalada Sool, Sanaag iyo Cayn oo maalmihii ugu dambeeyey ay wada hadalo uga soconayeen magaalada Nayroobi ee dalka Kenya, ayaa soo dhameeyey wada xaajoodyadaasi, waxaana laga soo saaray xaalado ku wajahan deegaanada Puntland, gaar ahaana kuwa ka maqan gacanta dawladda Puntland. Siyaasiinta joogtay mudadii uu socdey shirkaa waxaa ku jiray Siyaasiin aad looga taageersan yahay guud ahaan Puntland, oo ugu horeeyo Madaxweyne Maxamed Cabdi Xaashi, oo aad utaageersan yihiin dadka Puntland,maadaama uu ahaa ninkii ugu horeeyey ee Madaxweyne-nimada Puntland ku wareejiya si wanaagsan. Ka qeybgalayaasha kulankaa oo ujeedadoodu ahayd sidii loo soo celin lahaa magaalooyinka ka maqan gacanta dawladda Puntland, loona adkeyn lahaa dawladnimada Puntland ayaa isku raacay qodobo khuseeya xaaladahaasi iyo go’aamo kale oo si gaar ah ukhuseeya beelaha Sool, Sanaag iyo Cayn. In dib loo soo celiyo gobalka Sool (Laascaanood), ayadoo la kaashanayo dawladda Puntland ee laga qabsaday gobalka Sool, In ay usheegayaan guud ahaan dalalka Caalamka in xoog lugu heysto Laascaanood, In lamideeyo Beelaha gobalada Sadexda ee SSC, In dawladda Puntland ay ku guuldareysatay wax ka qabashada gobalada ama soo celintooda, In Beeshu ay qeyb ka tahay dawladda Soomaaliyeed ee Puntland iyo qodobo kale oo ku wajahan xaaladaha gobalada maqan ee Puntland. Ka qeybgalayaasha oo ka yimid dalacada aduunka ayaa ugu dambeyntii isku raacay doorashada cid fulisa qodobadan, waxaana hogaamiya looga dhisay Saleemaan Ciise Axmed (Xagla toosiye), oo ahaa Musharaxii la tartamay Jeneraal Cabdisamad Cali Shire, halka Kuxigeena loogu doortay G/sare Cali Xasan Axmed,waxaana labadaba lugu dhaariyey madashii ay ka dhacayeen wada xaajoodyadan. Shirka waxaa sidoo kale ka qeybgalay Siyaasiin ka soo jeeda Puntland, Xildhibaano iyo dad taageersan qadiyada Puntland ee ku dhisan midnimada Soomaalida, waxaana ka mid ahaa Xildhibaan Axmed Aaden Gabyoow, Jeneraal Maxamed Siciid Xirsi (Morgan) iyo Siyaasiin kale oo aad uga soo horjeeda heysashada Somaliland ee gobalka Sool. Isimada ka soo jeeda gobaladaas ayaa sidoo kale joogay madashan oo uu hogaaminayay Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah hogaanka Isimada gobalada Sool, Sanaag iyo Cayn, waxaana dhamaantood ay isku raaceen mawqifka soo celinta magaalada Laascaanood oo ay hada gacanta ku hayaan Maamulka Somaliland. F. C. Maxamed AllPuntland
  8. 3.In beeshu ay dib u xoreyso Gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn iyadoo kaashanayso Dowlada Soomaaliyeed ee Puntland. 4.In Dowlada Soomaaliyeed ee Puntland ay ku guul daraysatay wax ka qabashada Gobolada maqan iyo qodobo kale oo salka ku haya. Meaning Puntland let down people of SSC, that is why SSC people created their own organization and elected a new leader, because after 2 years of inaction and the lack of willingness to free SSCland, Puntland proved to be unreliable partner that cannot be trusted anymore. Therefore all SSC delegates agreed that people of SSC themselves should free their own land from somali-diidland, and take matters into their own hands. No more waiting to Puntland Although, the majority of SSC people don't mind to stay part of Puntland because Puntland is part of United Somalia , but reality on the ground is Puntland lost most of SSC territories to Somalidiid militia, so currently territorial wise SSC is NOT part of Puntland As well the delegates agreed to hold Puntland accountable when the right time comes, after they expel the invaders from their land Horaa looyidhi biyo gacmahaaga ayaa lagaga dhargaa, markaa reer SSC oo qudha ayuu sugayaa gobolada SSC,
  9. somalilandglobe.com: A Four-Step Plan to Destroy Somaliland in Action Many Somalilanders, living in the country and abroad, have been warning the nation for several years that president Riyaale is not committed to Somaliland cause for independence but he is a committed betrayer who is digging deep grave for Somaliland sovereignty and recognition to destroy it for Somalia. The sequence of the subversive, political developments in Somaliland undoubtedly prove that what has been warned of before has materialized. Dahir Riyaale is a national traitor whose dictatorship has nothing to do for power-love but for bringing down Somaliland. Dahir Riyaale, his supporters, and foreign conspirators, who are in the treason together, have been plotting against Somaliland independence since the beginning of his wrongful presidency in 2003 with the final objective of plunging Somaliland into civil wars to create a situation similar to that of Somalia where lawlessness and anarchy reign for 19 years. These anti-Somaliland groups believe that civil wars is the only weapon to kill the dreams of Somaliland people for independent Somaliland assuming that it would create a desperate situation that leaves Somaliland people no option or choice other than reuniting with Somalia unconditionally. Dahir Riyaale, Ismael Gelleh, the dictator-at-dusk of Djibouti, and the changing leaders of the failed state of Somalia have been involved in a Destroy-Somaliland-plan for the last 7 years. This devised political conspiracy against Somaliland independence has four-step plan designed to succeed in bringing down Somaliland. To succeed in killing Somaliland independence, the order of this Four-Step Plan to Destroy Somaliland is set up as follows:- 1. Discarding and abandoning Somaliland constitution to create a subversive dictatorship in the country eliminating the powers of the judicial and legislative branches and blocking or disrupting their constitutional services with coercive police force. 2. Ruining and bankrupting Somaliland economy with massive corruptions and bribes to weaken national sustainability, survivability and viability so that the country can not stand on its own feet. 3. Undermining and secretly fighting Somaliland recognition during visits to foreign countries creating suspicion and hesitation in countries that would otherwise recognize Somaliland. The country would be recognized by now if not damaged. 4. Holding onto the power of the country blocking presidential elections with all costs and with limitless term extensions by bribed Guurti members until civil wars are created in the country that turn it into failed state where violence and anarchy reign so that Somaliland people live in despair that forces them to reunite with violent Somalia unconditionally. Riyaale`s deafening silence about Eil Bardaale armed clashes is a part of this conspiratorial plan. It is clear now that the traitor, Dahir Riyaale, and his anti-Somaliland groups, with the help of worthless penny-chasers who do not care the people and the country, have succeeded in carrying out the first three steps of the Four-Step Plan to Destroy Somaliland and now they are actively involved in implementing the fourth step. Without the existence of this Four-Step Plan to Destroy Somaliland, Somaliland would never be in the current heart-breaking political situation. Because Dahir Riyaale is committed to bring down Somaliland, he has to reject all national and international calls to respect the constitution of the country and he has to purposefully breach all agreements intended to solve the political impasse. One should not or must not expect that Dahir Riyaale and cronies are willing to hold fair and free presidential elections in the country knowing what they have done to it. The only solution to save Somaliland from total destruction is, as recommended by many, to immediately remove Daahir Riyale and his regime from power as soon as possible with an organized and prepared popular uprising (Kacdoon Qaran) led by the Opposition Parties and other opposition movements targeting the residences, offices, and barracks of clan-based presidential police of Dahir Riyale and his regime. Now it is time to choose liberating uprising over killing silence. It is the nationalistic, patriotic duty of the armed forces and police to support the national uprising for Somaliland salvation. After removing Dahir Riyaale from power, the Opposition Parties have to form an interim government of national consensus that restores Somaliland reputation around the world and that paves the way for democratic presidential and parliamentary elections in one year. During this struggle for Somaliland cause, Somaliland politicians and writers should be careful of using statements like: “It is the end of Somaliland”, “It is the beginning of Somaliland destruction”, “It is over for Somaliland.” Somaliland is a country and a nation and will survive well the current unfavorable situation. This nation survived the atrocities of Siyad Barre`s Regime and will defeat the current treasonous regime headed by Dahir Riyaale, even if necessary with the sacred blood of its sons and daughters as done before. No nation disappears from the surface of the Earth but sometimes faces difficult time. These statements will only give political victory to the enemies of Somaliland and it is wise to stop. Long Live Somaliland!. Ibrahim Hassan Gagale Email: ibrahim_hg@yahoo.com September 27, 2009.
  10. Garaad run buu sheegay oo xaqa ayuu ka hadlay The snm malitia should leave the SSC regoin immediately, secessionists have no right to stay in SSC regoins, its a matter of time before people of SSC liberate their land from the clan faction of somalidiid-land At least the Garaad has a real country Somalia, and secessionists have no country at all after 2 decades no one in this world wants to recognize their fake country. The international community rejected to balkanize Somalia, and their support for the unity and territorial integrity of Somalia
  11. Garaad run buu sheegay oo xaqa ayuu ka hadlay The snm malitia should leave the SSC regoin immediately, secessionists have no right to stay in SSC regoins, its a matter of time before people of SSC liberate their land from the clan faction of somalidiid-land At least the Garaad has a real country Somalia, and secessionists have no country at all after 2 decades no one in this world wants to recognize their fake country. The international community rejected to balkanize Somalia, and their support for the unity and territorial integrity of Somalia
  12. hadiiba tii ugu horeesay saa u macno darantay, hadaa kuwa kalana waa ka liitaan
  13. war illeen anagaa wax na latusey, war kan wax kale ma la barin miyaa? maxaad isku tihiin uun buu lasoo taaganyahay!!! cajiib suaal kale ma heysaa, taa horaa looga jawaabay
  14. War hadii aad caqli kugu jiro, Su aasha horaan kaaga jawaabay, waxa aanu isku nahay oo ah inuu Xagletoosiye yahay waa muwaadin soomaaliyeed oo aaminsan midnimada, madaxbanaanida, xoriyada, iyo horumarka dalkiisa Somalia iyo mandaqada SSC, intaa wax ka badan ma jiro agteeda,oo qadarin mudan
  15. waxaa horay loo yidhi, nin tiisa daryeel ayaa tukale ku, markaa JB adoo bal naftaada wax sheeg hadii aad itaal, caqli isku heyso oo is daawee mida kale, caqli yiri ayaa kaa yeedhsiisay inaad? suaal macnodara ah inaad na weesiidid maaxaad isku tihiin baa caqlikaaga ku duuban, wax kale meesha kuma heysid
  16. Xaglatoosiye waa muwaadin soomaaliyeed oo aaminsan midnimada, madaxbanaanida, iyo horumarka dalkiisa Somalia iyo mandaqada SSC
  17. Dadka caqliga yar sida adoo kale, ayaa mooda dadkle inay sidooda kale yihiin , fabrications iyo beenta adaa yaqaan cidna kuugama imanaso, If there is anyone who thinks SOL is the world, it is you Mr. J. baro, with over 26000 posts of lies and fabrications, who can beat that distasteful record? adiga ayee kuu tahay SOL quraac, qado iyo casho,
  18. waxaan ku oran lahaa waxba haa ka naxin, oo naftaada haa ku waayin sida aad u dhaqmasid waxaa cad inaad ka xuntahay, markaa believe Whatever makes you sleep better at night!
  19. Hambalyo iyo bogaadin aan lasoo koobi Karin, iyo taageero xad dhaaf ah ayaa shacabka SSC u hayaan hogaankooda cusub Suleiman Xaglotoosiye Allah kaa dhigo adiga iyo kuxigeenkaaga, iyo dhamaan mas uuliinta kale ee SSC sida xubnaha cusub ee barlamaanka kuwii diintooda isalaamka, dalkooda Somalia, gobolkooda Northland SSC wax tara, nabada, horumarka ,iyo midnimada ka shageeya, khaasatan xoreeya dhulkii SSC, si ee karaamada ugu soo celiyaan shacabka SSC Dhamaan ummada soomaaliyaad iyo shacabka SSC waxaan u rajeenanaa guul, gobonimo, midnimo, horumar, nabad, iyo xoriyad
  20. Garaadada SSC Oo Ansixiyey Go,aamadii Shirka Nairobi Iyo Ururka Lagaga Dhawaaqay Nairobi(Jidbaale.com):-Shir xalay lagu qabtay hoyga garaarada SSC ka degan yihiin magaalada nairobi ayaa Sadexda Garaad ee ku sugan magaalada Nairobi waxa ay ansixiyeen go,aamadii ka soo baxay shirka Tolka SSC uga socday mudada labada todobaad ah, kaas oo soo gabagaboobay 11 bishan, iyada oo halkaas lagu doortay hogaaniyayaasha ururka cusub ee ka shaqayn doona midaynta iyo xoraynta deegaanka SSC ee malayshiyada Hargeysa duulanka ku soo ahayd 19 sanno ee aynu ka soo gudubnay. Garaadada ansixiyey go,aamada shirka ka soo baxay oo kala ahaa Garaadka Guud ee Tolka SSC Garaad Jaamac Garaad Cali, Garaad Abshir Saalax, iyo Garaad Cali Buraale ayaa halkaas loogu duceeyey hogaanka ururka Cusub waxaana ilaahay looga baryey in uu u fududeeyo hawsha ay dhabarka u riteen, kulankan oo ay ka soo qayb galeen gudiga qaban qaabada shirka, xubno ka tirsan Ururka NSUM iyo Jaaliyada SSC qaarkood ayaa ku soo dhamaaday jawi wanaagsan, waxaana loo diyaar garoobayaa sidii xalad lagu soo gabagabaynayo shirka loo qaban lahaa. Iyada oo ururkan qaybihiise kale wali hadhsan yihiin sida gole dhexe oo ka kooban 18 xubnood, iyo gole fulineed ayaa waxa horyaala ururkan hawlo baaxad weyn oo ay ugu horayso sidii Tolka SSC ay taageero uga heli lahaayeen hawshan oo baaxad weyn iyo sidii ay u soo dhisi lahaayeen hay,adaha ka dhiman ururkan loogu magac bixiyey Ururka midaynta iyo horumarka Ssc soomaliya iyada oo loo dortay guddoomiye Saleeban Ciise Ahmed. xigeena Col.Cali Xasan (Cali Sabarey). Dhanka kale waxaa muuqata in dhinacaydii shirka isugu yimi ee kala watay fikrado kala duwan ay muujiyeen tanaasulaad iyadoo oo Groupkii watay fikirka ah in gebi ahaanba maamulka Puntland laga baxo oo maamul madax banaan la sameeyo ay ka tanaasuleed fikirkaas iyada oo ay qaateen in cadaadis siyaasadeed la saaro, hasa yeeshee aan la soo afjarin xidhiidhkii inaga dhaxeeyey, dhinaca kale waxaa muuqata in xubnihii ka socday Ururka NSUM ay tanaasul muujiyeen iyaga oo intii markaa ka joogtay ururka ay aad uga shaqeeyeen sidii sharciga ururka cusub lagu hagayo waxa uga samayn lahaayeen. Waxyaalaha horyaala oo ay ugu baaxad weyn tahay soo celinta deegaanka maqan ayaa laga dhursugayaa labadan xubnood iyo golayaasha ururkan halka ay saldhigaan, shirka ayaa laga sheegay in marka deegaanka uu gacanta ku soo noqdo inshaa allaahu in lala xisaabtami doono maamulka Puntland. Dadka Indha indheeya arrimaha Puntland iyo SSC ayaa ku tilmaamay go,aamada ka soo baxay shirka Nairobi oo durtaba aragtiyo kala duwan laga bixiyey in wali loo hamranayo maamulka Puntland, isla markaana uu yahay go,aankani dhanbaal loo dirayo maamulka Puntland , dhanbaalkaas oo xanbaarsan, in marka hore deegaanka gacanta lagu dhigo, iyada oo aan laysku halaynayn maamulka Puntland, ka dibna xisaab adag lalal galo. Jidbaale.com jidbaale.com@gmail.com
  21. Shacabka Gudaha Soomaaliya Shacabka SSC Ee Gudaha Oo Si Wayn U Soo Dhaweeyay Hogaanka Cusub Ee SSC Ee Nairobi Lagu Doortay- Lasanod Online Wednesday, October 14, 2009 Laascaanood,(Lasanod Online)Shacabka SSC ee gudaha ayaa si wayn usoo dhaweeyay Hogaanka Siyaasada ee mandaqada SSC looga dhawaaqay magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya- Shacabka oo dhawaanihii ugu danbeeyay si wayn isha ugu hayay Dhankaa Nairobi iyo Hotelada shirarku uga socdaan beesha SSC degta ayaa qaybo kamid ah Gunaanadkii shirarkaas ay muujiyeen beeshu dareen wanaagsan oo horseedaya guulo ay ku hamiyayeen in qaybo kamid ah la gaadhay. Caasimada gobolada SSC ayna deganyihiin shacabka ugu badan mandaqada ayaa ahayd meesha ay ka baxaysay xuuraanka ugu badan ee hadal haynta shirka beesha SSC ee Nairobi,taasoo ahayd mid hadalhayntiisu ay ku badatay goobaha dadku iskugu yimaado ee magaalada Laascaanood, Dareen ka duwan farxad qofka dushiisa ka muuqata oo ay samayn karayaan ma jirto shacabka ku dhaqan magaalada Laascaanood taasoo aynan u saamaxayn amingooda iyo xaalada ay ku jiraan balse waxaa mar keliya is qabsaday magaalada Meheradaha layskugu yimaado,Xaafadaha iyo sidoo kale khadka isgaadhsiinta ee gudaha wargelinta ah in shirkii Nairobi qaybo kamid ah lasoo lagu guulaystay taasoo ahayd in beeshu yeelatay Hogaan iyo sidoo kale golayaal xukuumad oo ka talisa umada aayeheeda. Shacabka oo wadnaha farta ku hayay ayaa farxad la kowsaday taasoo ahayd in sidii shirarkii horre dhici jirtay in kana uu noqdo mid guulo laga gaadhi waayay, Khadka isgaadhsiinta ayaa Maalinamadii lagu dhawaaqay hogaanka Siyaasada gobolada SSC Ee markaas loo doortay Madaxwayne Dr:Saleebaan Xaglatoosiye iyo Madaxwayne ku xigeen Col:Cali Sabarey,wuxuu noqday mid mashquula dadkuna waxay iska wacayeen taleefanada gacanta lagu qaato iyo kan kale ee guryaha la dhigto,iyagoo isku hanbalyaynayay HANBALYO DAWLAD AYNU LEENAHAY AYAA LAGU DHAWAAQAY,Farxadu waxay noqotay mid dadku ka simanyihiin, Shacabka oo dareenadooda ka bixinayay shirka beesha ee Nairobi waxay tilmaameen inuu yahay mid loo baahnaa,iyadoo dadka qaar kamid ah ay ku doodayaan maxaa shirka gudaha loogu qabanwaayay balse fikirkaas shacabka SSC mid wacan ayay ka qaateen kaasoo ah in maanta Burburku soomaali ku dhacay ay noqotay in taladeeda meel dalka ka baxsan lagu soo dhiso haddii gudaha la imaanayana wax dhisan la keeno oo hawl gala taasna ay Soomaalida kala simanyihiin,shirarka gudaha ay badato faragelintu talada SSC ayba mar walba jirto fara gelin kaga timaada dhanka maamulada hareeraha ka xiga. Shacabku waxay ku bogaadiyeen dadka isku jira Isimada iyo Aqoonyahanada ee ku guda jira talada iyo midnimada beesha inay halkaas kasii wadaan mar walbana shacabku ay heelanyihiin diyaarna ay u yihiin inay sugaan natiijada shirka Nairobi. Wariye: Cabdiqani I. Goox ________________________ Jaaliyada Dabada ku nool Reer Minnesota oo Taageerey Shirkii Nairobi News {Minneapolis}14-10-09Ka dib markii in dhaweyd shir loo fadhiyey wadanka Kenya, magaalada Nairobi, ayaa waxa ka soo baxay guulo wax ku oola, taabanayana danaha dadka Sool, Sanaag, iyo Cayn (SSC). Gudoomiyaha Jaaliyada SSC iyo dhamaan jaaliyada SSC ee ku nool Minnesota, oo si buuxda u taageeray baaqii ka soo baxay shirkii Nairobi. Gudoomiyaha jaaliyada Mudane Khaliif Jaamac oo isagu ka mid ahaa dadkii ka qayb galay shirka hadana ku sugan magaalada Minneapolis, ayaa waxa uu ku booriyey in si buuxda loo taageero GUULIHII ka Soo BAXAY shirka iyo Hamada ay u leedahay dadka ka soo jeeda Sool, Sanaag, iyo Cayn. Gudoomiyaha ayaa ka codsaday jaaliyada Minnesota in ay isku yimaadaan oo ay xaflad weyn u sameeyaan ay ku muujinayaan taageeronimadooda. Gudoomiyaha ayaa ku dheeraaday muhiimada ay leedahay dad inta isku yimaadaan in ay waxa wada gaadhaan, iyagoo ka duulaya dano gaar ah iyo mid guud. Waxa kale oo uu carabka ku dhuftay in loo baahan yahay in la sameeyo shir weyn, lagu taageerayo shirkan ka dhacay Nairobi. Mar uu Gudoomiyaha Khaliif hadalka sii watay waxa uu ka digay in aan la isku dayin in laga horyimaado , waayo dadkan shirka tagay dhamaantood iyaga ayaa is xilqaamay in ay wax u qabtaan bulshada ay matalaan, waxana fiican in la siiyo waqti ay wax ku qabtaan, laguna xisaabtamo wixii ay qaban waayaan. Gebogabadii ayaa gudoomiyaha waxa uu u duceeyey dhamaan dadkii xilka dhabarka u ritay in ALLe wax la qabto. Somali Media Abdimalik Askar Widhwidh Online News Desk...Media Center
  22. iska cadeeso oo runta sheeg, inaad ka xuntahay beenta iyo fibrications adaa yaqaan, taa adaa laguu dayay,
  23. waa muuqataa, waana la ogyahay kuwa ka xun in shacabka soomaaliyeed ee SSC ka tashadaan horumarkooda,iyo mustabalkooda Waxaan oran lahaa war xaasidnimada iska dayaa
  24. Kulan dhexmaray Hogaanka SSC Iyo Safaarada Marakaynka News {Nairobi}14-10-09Waxaa waanta oo ay tahay taariikhdu 12 October ayaa waxaa kulan balaadhan uu dhex maray safiirka u fadhiyo maraykanka dalka Kenya Michel Runbeger iyo hogaanka ugu sareeyo ee gobalada SSC iyo sidoo kale garaad jaamac garaad cali iyo waliba Madaxweynihii hore ee puntland Mohamed cabdi xaashi sidoo kale cabdirashiid maxamuud Saleyban Ukun kulan kan ayaa waxaa uu ahaa mid lugu soo dhawaynayay Hogaanka cusub oo ay samaysteen gobalada SSC... Ugu horayntii waxaa furay Garaad Jaamac Garaad Cali Ugu horayntii aya waxaa hadalo qiimo badan ka jeediyaya Garaadka guud ee SSC Garaad Jaamac Garaad cali waxaan uu u mahad celiyaya Mr Michel Runbeger, mahadcelinta ka dib ayaa Garaadka waxaa uu ka sheekeeyaya tariikhdii ay Daraawish ay lahayd iyo waliba halgankii ay u soo galeen dhulkooda waxaa kale oo uu sheegay in ay yihiin dadka kaliya ee soomaliya isku xidha aynan doonayn in soomaaliya kala godo hadana ay samaysteen hogaan cusub ayna ku doonayaa in ay dhulkooda ku maamushaan. Waxaa isna ka hadlay goobtaasi Ex Madexweyne Mohamed Cabdi Xaashi oo sheegay in looga baahanyahay Dawlada Maraykanka in ay si buuxda ula shaqeeyaan hogaanka cusub ee madaxda u yahay Saleeban Ciise Ahmed sidoo kale waxaa uu sheegay Mohamed Cabdi Xaashi in hogaan kuxigaynkii isna laga casumay xaflad tan oo kale ayna casumayn Safaarada Norway.. Waxaa hadalkii qaatay Ambassador Michel Runbeger Michel Runbeger ayaa yidhi aad ayaan ugu faraxsan yahay hogaanka cusub oo ay samaysteen Gobalada SSC maadaama ay yihiin gobalada kaliya ee is ku xidha somaliya ayna yihiin dad aad u qaalisan waliba waxaa uu tusaale u soo qaatay in ay badbaadiyeen calankii soomaaliya 19 sanadoodna ay diideen in ay raacan maamulka somalidiidka ah..... Hadalkii waxaa la wareegay hogaanka ugu sareeyo SSC Saleebaan Ciise Ahmed kaar ayaa hadalkii la wareegay isaga oo ah Hogaanka Ugu sareeyo ee SSC Saleeban Ciise Ahmed Kaar waxaana u mahad celiyay Dawlada Maraykanka oo manta u fidisay casuumaadan marka xigana waxaa uu u sheegay in uu sii kordho xidhiidhka Dawlada Maraykanka iyo gobalada SSC isla mar ahaantana aanu diyaar unahay waxa aad nooga soo baahantaan... Sidoo kale waxaa halkaas joogay safiiro aad u badan oo u qaabisan Arimaha somaliya ku waasi oo iyana mahad celin u jeediyaya hogaanka cusub ee SSC ayna u sheegen in arinta cusub mar hore loo baahnaa balse adana aanu aad ugu faraxsanahay aana ka soo qaybgali doono xaflada caleemo saarka ah ee dhici doonto maalinka khamiista ah..... Saleeban Xaashi Dheere NAIROBI KENYA
  25. Hogaanka SSC Saleebaan Saleebaan Ciise Axmed Oo Kulan La Qaatay Madaxda Safaaradda Maraykanka Ee Kenya Written by Jidbaale.com Wednesday, 14 October 2009 08:39 Nairobi(Jidbaale.com):-Kulan maanta dhexmaray safiirka u maraykanka dalka Kenya iyo hogaanka ugu sareeyo ee SSC iyo sidoo kale Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa waxaa kulan balaadhan uu dhex maray safiirka u fadhiyo maraykanka dalka Kenya Michel Runbeger iyo hogaanka ugu sareeyo ee gobalada SSC iyo sidoo kale Garaad Jaamac Garaad Cali iyo waliba Madaxweynihii hore ee Puntland Mohamed Cabdi Xaashi sidoo kale Cabdirashiid Ismail Ukun. Kulan kan ayaa waxaa uu ahaa mid lugu soo dhawaynayay Hogaanka cusub oo ay samaysteen gobalada SSC. Ugu horayntii aya waxaa hadalo qiimo ka jeediyaya garaadka guud ee SSC Garaad Jaamac Garaad Cali waxaan uu u mahad celiyaya Mr Michel Runbeger mahadcelinta ka dib ayaa garaadka waxaa uu ka sheekeeyaya taariikhda ay daraawish la hayd iyo waliba halgankii ay u soo galeen dhulkooda waxaa kale oo uu sheegay in ay yihiin dadkakaliya ee soomaliya is kku xidha aynan doonayn in soomaaliya kala godo hadana ay samaysteen hogaan cusub ayna kku doonayaa in ay dhulkooda ku maamushaan. Waxaa isna ka hadlay goobtaasi Mohamed cabdixaashi oo sheegay in looga baahanyahay dawlada maraykanka in ay si buuxda ula shaqeeyaan hogaanka cusub ee uu madaxda u yahay Suilayban Ciise Ahmed sidoo kale waxaa uu sheegay Mohamed Cabdi Xaashi in hogaan kuxigaynkii isna laga casumay xaflad tan oo kale ayna casumayn safaarada norweyn Waxaana uu sheegay Michel Runbeger in uu aad ugu faraxsan yahay hogaanka cusub oo ay samaysteen Gobalada SSC maadaama ay yihiin gobalada kaliya ee is ku xidha somaliya aynayoihiin dad aad u qaalisan waliba waxaa uu tusaale u soo qaatay in ay badbaadiyeen calankii soomaaliya 19 sanadoodna ay diideen in ay raacan maamulka somalidiidka ah. Waxaa isna hadalkii la wareegay Hogaanka Ugu sareeyo ee SSC Suilayban Ciise Ahmed Kaar waxaana uu u mahad celiyay dawlada maraykanka oo manta u fidisay casumaad marka xigana uu u sheegay in uu sii kordho xidhiidhka dawlada maraykanka iyo gobalada SSC isla mar ahaantana aanu diyaar unahay waxa aad nooga soo baahantaan. Sidoo kale waxaa halkaas joogay safiiro aad u badan oo u qaabisan Arimaha somaliya ku waasi oo iyana mahad celin u jeediyaya hogaanka cusub ee SSC ayna u sheegen in arinta cusub mar hore loo baahnaa balse adana aanu aad ugu faraxsanahay aana ka soo qaybgali doono xaflada caleemo saarka ah ee dhici doonto maalinka khamiista ah . Jidbaale.com