Liibaan

Nomads
  • Content Count

    4,722
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Liibaan

  1. Of course they are both an integral part of United Somalia, like other somali regions( Awdal, North Somalia/Darwish State, Maakhir, Galmudug, Hiiraan,southwest somalia, Banadir, Shabeleland, Jubaland, etc)
  2. LAS ANOD — While the rest of Somalia remains in turmoil , Puntland and Somaliland regions have been enjoying relative peace. But a border dispute between Puntland and Somaliland is now threatening that peace. Yassin Juma was in the disputed region to find out just who is in control. VIDEO: Somaliland, Putland in border row Xaqiiqda Safarkii Faarax Macalin Ee Laascaanood Iyo Qurxinta Hargeysa Kenya(Jidbaale.com):-Wariye Kenyan ah kana tirsan NTV lana socdey wafdigii uu hogaaminayey Ku-Xigeenka Barlaamanka Kenya Faarax Macalin ayaa war-bixin maqal iyo muuqaal ah geliyey war baahinta internet-ka. Wariyahu wuxuu war bixintiisa ku sheegay in cabsi darted ay habeen guure ku yimaadeen Laascaanood iyadoo ay la socdeen Malayshiyo ilaalo ah oo xoog leh, isla markaana magaaladu ahayd xero ciidan (Military Barracks) oo dhinac walba kaga gadaaman magaalada iyo isgoys kasta. Wuxuu intaa ku daray in magaalada Laascaanood iyo gobolka Sool ay yihiin meelo la isku haysto oo muddo dheer ku loollamayeen Garoowe iyo Hargeysa , waxaana ay maamulka Hargeysa doonayeen inaanu aragno cudud ciidan oo xoog badan iyo inay magaalada dhinac walba ka joogaan ayna xakamahooda ku jirto. Wariya Yassin Jumca isagoo warbixintiisa sii wada wuxuu sheegay in magaaladu toddoba sannadood oo la soo dhaafay ay ku jirtey gacanta Puntland, isla markaana inkastoo ay labada maamul ee Garoowe iyo Hargeysa ay xassilooni iyo nabad dhaanta Soomaaliya inteeda kale haysteen, haddana ay xiisadda iyo khilaafka ka taagan gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn, gaar ahaan magaalada Laascaanood iyo gobolka Sool uu khatar weyn ka soo socoto isagoo ku tilmaamay BAM (Qarax) waqti ku muddeysan (TIME BOMB) oo marar badan ka dhaco magaalada . Wariye Yaassiin Jumca wuxuu ku soo gabagabeeyey warbixintiisa in ay magaalada ku sugnaayeen laba saacadood oo keliya oo ilaalo adag la dul dhigay isla markiibana dib loogula cararay magaalada Hargeysa oo markii hore laga soo kaxeeyey, iyadoo ciidankii ilaalada ka ahaa iyo guud ahaan ciidamada jiiddas jooga ay heeggan joogta ah ku jiraan iyagoo ka baqaya xilli kasta weerar kaga yimaadda dhinaca Puntland. War bixinta uu wariye Yaasiin Jumca ka soo tebiyey Laascaanood iyo gobolka Sool Inkasta oo uu tilmamaay in ay baqdin ku sugnaayeen haddana waxay ****olka ka qaadaysaa sida Faarax Macalin ugu dadaalay in uu dacaayad u fidiyo maamulka Hargeysa oo safarkii uu ku yimi magaalada Laascaanood uu ahaa mid aanay soo dhaweyn muwaadiniinta u dhalatay deegaanka , Maamulka Hargeysana u adeegsaday goob nabad galyo ka jirto oo ay gacanta ku hayaan cidii ay doonayaana ay ku marti galin karaan. Ulajeedada Safarka Faarax Macalin oo aan ilaa iyo hadda cadayn waxay salka ku haysay isla markaana aanu shacabka deegaanka la kulmi, iskuna dayin xataa in uu soo arko dadka ka buuxa xabsiyada Laascaanood magaaladana ay u soo galbiyeen kuwa la shaqyasta maamulka Hargeysa ayaa waxa aad uga faa,iideystay safarkaasi maamulka Hargeysa oo uu dacaayad u noqday, ilo xog ogaal ah oo aad ugu dhaw Faarax Macalinna waxa ay sheegayaan in Faarax Macalin safarkiisanni ahaa, mid uu ku doonayey in uu xidhiidh dhaw kula soo samaysto Maamulka Hargeysa , isaga oo doonayey in uu heshiis iyo wada hadal u furo beesha uu ka soo jeedo iyo beelaha Hargeysa oo muddooyin badan khilaaf ka dhaxeeyey kaas oo salka ku hayey dad u dhashay qabiilka Faarax Macalin oo loo dhiibay Itoobiya iyo gaadiid ay gubeen qabiilkiisu, waxa kale oo iluhu intaasi ku dareen in Faarax ku faraxsanaa wuxuu kala kulmay Hargeysa isaga oo sheegay in kulankuu la qaatay beelaha Hargeysa uu is afgarad ku soo dhamaaday midhihiisana la arki doono dhawaan, wuxuuna safar ku kala bixiyo goobaha ay gacanta ku hayaan malayshiyada Hargeysa waliba Laascaanood oo uu doonay in uu cududa Malayshiyadaasi iyo siday gacanta ugu hayaan u soo arko, arrintan oo ilo xog ogaal ahi siday cadeeyeen Faarax Macalin ku helay lacag 200kun oo dollarka maraykanka ah oo Riyaale Kaahin farta ka saaray. Faarax Macalin ayaa waxa uu sii kaxaystay wariyaal si ay u soo xaqiijiyaan awooda ay ku lee yihiin Malayshiyada Hargeysa Magaalada Laascaanood, in kasta oo wariyuhu siday jeclaayeen warka u dhigin hadana wuxuu ku soo khatimayaa warkiisa in Laascaanood Somaliland, taas oo ka mid ah Arrimuhuu doonayey Faarax Macalin in uu soo bandhigo. Isku soowada duuboo bulshada deegaanka u dhalatay oo dalkoodii baylaha ka dhigtay iyo maamulka Puntland oo ku gaabsaday soo saarida qoraalo aan ficil lahayn iyo dagaalka hawada ee saxaafadda oo ay hore u sheegeen in ay u badaleen ficilkoodii wuxuu keenay in cid waliba isku soo sawirto Laascaanood oo dadkeedii qaybna qaxday,q aybna xabsiga ku jirto inta kalena aanay ficil qaadan karin Jidbaale.com
  3. kulan wayne oo dhexmay hogaanka SSC. oo weheliyaan Isimada SSC ee jooga Jabuuti iyo Madaxynaha Jabuuti Ismaciil Geelle Waxaa Maanta Kulan ku dhex Maray Aqalka Madaxtooyada Dalka jabuuti Madaxwaynaha Jamhuuriyada Jabuuti iyo wafti ka Socday Hogaanka Badbaadada iyo Mideynta SSC oo ay weheshaaan Issimada Jooga Jabuti . Kulankan oo ahaa Mid Waji wanaagsan ku dhacay ayaa ku dhamaaday is afgarad iyadoo laga wada hadlay dhibaatada deegaanada SSC iyo Xaalada Dalka Soomaliya Guud ahaanba . Madaxwayne Geele ayaa sheegay Inuu taageerayo Hogaanka sidii uu Hawlihiisa u Gudan lahaaa Kuna Baaqay In la raadiyo Midnimo Soomaliyeed Hogaankuna Noqdo Mid Somalida isu keena Kulankan oo qaatay Muddo dhawr saacadood ah ayaa Ku dhamaatay waji is afgarad ah iyadoo laga Balamay sidii wax looga qaban lahaa talooyina looga gaysan Lahaa dhibaatooyinka ka jira Gobalada Sool sanag iyo Cayn iyo guud ahaan Somalia Issimada Ayaa ka Mahadceliyay Madaxwayne Ismail Cumar Geele dadaalka uu ugu jiro Una Galay Raadinta Midnimo iyo Dowlad Soomaliyeed iyo Sida walaalnimada ah ee uu u Garab taaganyahay shacabka Soomaliyeed XLO www.xargaga.com (Jabuuti) 26.12-09 Waxaa maanta kulan dhexmaray Waftigii isugu Jirey Isimadda , Hogaanka iyo Madax ka socota Dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti Dhanka SSC waxaa kulankan u matalayey Labada Garaad , Garaad Jamaac Garaad Cali iyo Garaad Cali Buraale , Hogaamiyaha SSC Dr: Suleiman Ciise Axmed halka Madaxweynaha Jabuuti mudane Ismaaciil C. Gelle iyo Raxan ka tirsan Golaha wasaaradda ee Jamhuuriyada Jabuuti. Kulanka oo saacado badan soconayey ayaa waxaa looga wada hadlay Xaalada SSC iyo dhibaatooyinka lagu hayo shacabka oo halkaas ay ka soo jeediyeen Waftiga SSC ee isugu jira Hogaanka iyo Isimadda. Waxaana dhanka Jabuuti Madaxweynahoodu balan qaaday in uu dhinackastaba dadka SSC wax la qaban doono. ayaodo halkaas lagu balamay iskaashi labada dhinac oo dhankastaba leh. War wuxu intaa ku daraya in Hogaanku ay gudaha geli doonaan ka hor inta uusan shirka Hol hol uga furmaya isimadda uusan bilaamin. Widhwidh Online News Desk
  4. Sooyaal.com: " Madaxweyne Daahir Riyaale Oo Maleegaya Falal Argagixiso Lagu Wanjalo Doorashada" Kadib markii Ummadda Somaliland iyo Beesha Caalamku ku sandulleeyeen madaxweyne Daahir Riyaale iyo kooxdiisa in dalka dhawaan laga qabto doorashada madaxweynaha si loo ilaasho deganaanshaha iyo nidaamka dimoqaraadiga ah ee dalka ayaa waxa uu madaxweyne Daahir Riyaale dalka ka bilaabay falal argagixiso oo qarsoon si loo wanjalo doorashada madaxweynaha. Falalkan argagixiso waxaa lagu ugaadhsanayaa saraakiisha iyo mas`uuliyiinka Axsaabta Mucaaradka, Xubnaha Golayaasha Qaranka, saraakiisha Sare ee Ciidanka Qaranka iyo culimada dalka caanka ka ah ee caadiga ah ee ka soo horjeeda Maamulka Daahir Riyaale dabadeedna waxaa lagu masabidayaa in dilalka qorshaysan iyo nabadgelyo-xumada dalka uu ka dambeeyo ururka argagixisada ka dagaallama Somalia ee lagu maagacaabo Al-Shabaab si ummadda loo majara-habaabiyo. Daahir Riyaale oo ka rajo-dhigay muddo-kordhin dambe oo Golaha Guurtidu u sameeyo waxaa uu falalkan argagixisada ku rabaa inuu ku khalkhaliyo nabadgelyada dalka, ku wiiqo Axsaabta Mucaaradka iskana horkeeno Beelaha Somaliland si markaas uu sabab ama cudurdaar ugu helo inuu ku baajiyo doorashada madaxweynaha nabadgelyo-xumo awgeed. Falalkan argagixiso ee dalka hadda ka socda oo qaar lagu tuhunsanyahay qaarna ku cadyihiin inuu ka dambeeyo Maamulka Daahir Riyaale waxaa ka mid ah: November 1, 2009 : Waxaa qarax miino lagu dilay Taliyihii Qaybta 12aad ee Ciidanka Qaranka Somaliland Eebbe haw naxariiste Gaashaanle Sare Cismaan Yuusuf Nuur isaga oo maraya magaalada Laas Caanood dhexdeeda. Dilkan qarsoon waxaa la aaminsanyahay in loola jeeday sidii la iskaga horkeenilahaa Beelaha kala dega Togdheer iyo Sool (Habarjeclo iyo ***********). Dilkan argagixiso waxa uu salka dhigay madaxtooyada Daahir Riyaale Kaahin. 2. November 4, 2009 : Waxaa dil gaadmo ah ka baxsaday Xildhibaan Moxamed Faarax Qabille oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliland isaga oo ay weerarkaas ku soo qaadeen laba nin oo afka ka xidhan goor uu sii gelayay gurigiisa. Mudane Qabille waxa uu ummadda iyo saxaafaddaba u sheegay in madaxweyne Daahir Riyaale ka dambeeyo isku dayga dilkiisa. 3. November 24, 2009 : Ninka lagu magacaabo Cismaan Cabdullahi Cigaal (Cismaan Hindi) oo ah mas`uul ka tirsan Xisbiga talada dalka haya ee UDUB waxa uu sheegay in Xisbiga Kulmiye iyo taageerayaashiisu ay ka tirsanyihiin ururka argagixisada ee Al-Shabaab. Dhawaaqaas oo gef weyn ku ah Xisbiga iyo ummaddaba salkana ku haya qaran-dumisnimo waa arrin uu ka dambeeyo Daahir Riyaale si madaxda iyo saraakiisha Xisbiga Kulmiye (Rayid iyo ciidanba), ummadda taageerta iyo culimada Diinta dalka ee caadiga ah loogu qaado wax lagu magacaabo : La dagaallanka Aragagixisada oo ah dhagartii uu Cabdullahi Yuusuf u adeegsanjiray Beesha Hawiyaha ee Muqdisho si uu ciidan, hub iyo maalba uga helo dunida uu ku baaba`sho beeshaas. Malaha Daahir Riyaale iyo Cismaan Hindi ismaweydiin inay ka soconayso beenta intaas le`eg iyo inay leeyihiin awood ay ku fushaan beentaas. December 2, 2009: Waxaa Ciidanka Qaranka ee aagga Sool xabsiga dhigeen Cabdifataax Muuse Yuusuf oo ah sarkaalka sirta ugu sarreeya Gobolka Sool ee Maamulka Riyaale. Cabdifataax waxaa Ciidanka Qaranku xidheen markii uu qirtay inuu ka dambeeyay dhigidda laba ka mid ah miinada qaraxda oo la dhigay meherada laba nin oo ganacsato ah oo arrintaas awgeed loogu xidhay labadaas nin Laas Caanood si loogu eedeeyo looguna wanjalo dilkii Taliyihii Qaybta 12 aad. Miinooyinka qarxa ee uu qirtay inuu ka dambeeyay dhigidooda Sarkaalka sirta ee Daahir Riyaale, Cabdifataax Muuse Yuusuf, waxay isku noocyihiin miinadii lagu dilay G/Sare Cismaan Yuusuf Nuur. Dawladda ayaa arrintu salka dhigtay. Markii sirta dilka Taliyihii Qaybta 12aad ay ka fashilantay Madaxeyne Riyaale ayaa waxa uu xoogsaaray in xukunka Cabdifataax loo soo wareejiyo Hargeysa si keligii loogu eedeeyo dilkii G/Sare Cismaan Yuusuf isna ka badbaado fadeexadda weyn ee soo food-saartay halkii maxkamad lagu saarilahaa magaalada Laas Caanood oo ah meeshii falka dembigu ka dhcay. 5. December 7, 2009 : Mr. Yuusuf Ciise Tallaabo oo ah Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda, booqashana ku jooga Gobolka Sanaag waxaa uu sheegay in Qabriyadda Eebbe haw naxariistee Muuse Ismaaciil iyo Mataanaha Ilma Daawuud ay dhawaan argagixiso burburisay iyo inuu hayo oo la soo qabtay waxyaabaha qarxa ee argagixisadu isticmaasho, waxaa kale oo uu sheegay in Gobolka Sanaag ay ka buuxdo argagixisada Al-Shabaab. Madaxda Gobolka Sanaag waxay caddeeyeen in aanay argagixiso waxyeellin qabriyada balse carruuri ku ciyaartay, waxay kale oo ay caddeeyeen in Gobolka Sanaag aanay joogin wax argagixiso ah. Arrintanu waxay muujinaysaa in Daahir Riyaale uu Yuusuf Tallaabo ugu diray Gobolka Sanaag inuu ka soo abaabulo shirqoollo lagu ugaadhsanayo madaxda gobolka, madaxda ciidamada, madaxda Axsaabtaa Mucaaradka iyo culimada Diinta ee ka soo horjeeda Maamulka Daahir Riyaale dababdeedna lagu eedeeyo ururka argagixisada ee Al-Shabaab ee Gobolka lagaga sii been abuuray. 6. December 8, 2009: Waxay Maxkamadda Sool sii deysay oo xorriyadoodii u soo celisay labadii ganacsato ee Laas Caanood lagu xidhay dhawaan kuwaas oo uu Maamulka Daahir Riyaale rabay inuu ku wanjalo dilkii Taliyaha Qaybta 12aad ee Ciidanka Qaranka G/Sare Cismaan Yuusuf Nuur. Labadan ganacsato waxay kala yihiin Cabdiraxmaan Ibrahim Muuse iyo Mustafe Daahir Axmed. 7. Falalkii argagixisada ahaa ee dalka ka dhacay falalkan kor ku xusan ka hor wax raad ah lagama hayo taasuna waxay dhalisay tuhun weyn oo ah inuu ka dambeeyay Maamulka Daahir Riyaale. Waxaa muuqata in Maamulka Daahir Riyaale isu bedalay nooc la mid ah ururka argagixisada ee Al- Shabaab si loo wanjalo doorashada madaxweynaha loona burburiyo qaranimada iyo aqoonsiga Somaliland, shirqoolkaas oo ay kula jiraan Maamulada Somalia iyo Jabuuti . Waxaa kale oo iyadana xusid mudan in dhallinyaro ku biirtay Xisbiga Udub kana tegay Xisbiga Kulmiye haddana dib ugu soo laabtay dhawaan Xisbiga Kulmiye ay 6dii December, 2009 ummadda Somaliland ku baraarujiyeen in nabadgelyada laga ilaashado dawladda taas oo caddaynaysa inay hayaan sir weyn oo Maamulka Riyaale wax ku ugaadhsanayo. Maamulka Daahir Riyaale waxaa qorshahan qaran-dumisnimada ah ee ku salaysan argagixisada kula jira Maamulada Jabuuti iyo Somalia oo si weyn iyagu uga soo horjeeda qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland, fal kasta oo fool xumo ahna la maleegaya Daahir Riyaale si aan doorasho dalka uga dhicin loona aqoonsan. November 28dii, 2009 waxaa magaalada Laas Caanood lagu xidhay xubin ka tirsan baarlamaanka Somalia oo lagu magacaabo Indha-Buur isaga oo lagu eedaynayo inuu gacan ku lahaa dilkii Taliyihii Qaybta 12aad ee Ciidanka Qaranka Cismaan Yuusuf Nuur taasuna waxay caddaynaysaa in loo wadajiro la dagaallanka qaranimada iyo aqoonsiga Somaliland. Saddexdan (3) Maamulba waxay aaminsanyihiin in haddii doorasho dalka laga qabto uu xukunka dalku gelayo gacanta madax daacad u ah qaranimada iyo madxbanaanida Somaliland dabadeedna la aqoonsandoono muddo aan fogeyn. Sida lala wada socdo waxaa Daahir Riyaale hore u laalay Dastuurka dalka, waxa uu wiiqay dhaqaalaha dalka, waxa uu dhawr jeer horjoogsaday doorashada madaxweynaha, waxa uu dil, dhaawac iyo xadhigba u geystay dad rayid ah oo si salmiya u banaanbaxayey, waxaa uu sabab la`aan xabsi ku tuuray siyaasiyiin can ah iyo weriyaal, waxa uu waxbadan isku dayay inuu iska horkeeno beelaha Somaliland, waxa uu horjoogsaday shaqada qaranka Golaha Wakiilada ee sharci-dejinta, waxa uu khalkhaliyay nabadgelyada dalka, waxa uu jebiyay heshiisyo heer qaran iyo heer caalamba ahaa, waxaana uu si hoose ula dagaallamay welina ula dagaallamaa aqoonsiga dalka si aanay u hanaqaadin dawladnimada iyo qaranimada Somaliland loona helin aqoonsiga Beesha Caalamka. Dhammaan arrimahanu waa dembiyo khiyaamo qaran lagu mijaxaabinayo jiritaanka Somaliland. Waxaa qaran-dumisnimada kula jira Daahir Riyaale cadow sokeeye iyo cadow shisheeye. Nabadgelyada oo hirgasha iyo doorashada madaxweynaha oo si nadiif ah waqtigeeda loo qabto waa labada arrimood ee ugu muhiimsan oo aqoonsi dhakhso leh u keenaya Somaliland waana labada ay Daahir Riyaale iyo cadowga la safan ay rabaan inaan midna hirgelin oo ay ka hortagaan markasta waana sababta Daahir Riyaale u jebiyo markasta heshiisyada uu galo. Safiirka Masar u jooga Somalia, Saciid Moxamed Morsy, oo dhawaan booqasho ku yimid Somaliland waxa uu si cad u inkiray jiritaanka Jamhuriyadda Somaliland kadib markii uu kulan la yeeshay Daahir Riyaale waxaana la sheegayaa inuu kula dardaarmay Daahir Riyaale inaan Somalida la kala goyn. Safiirku waxa uu iska-indhatiraya in Masar iyo Suuriya oo ah laba dal oo carbeed ay ku heshiinwaayeen kuna kala tageen midnimadii ka dhaxaysay maantana midnimo ay Masar hore u diiday ayuu ku wacdiyayaa ummadda Somaliland. Waxaa lagama maarmaan ah in aad looga fejignaado shirqoolada, dhagarta iyo qaran-dumisnimada ay maleegayaan Maamulka Daahir Riyaale iyo cadowga sokeeye iyo shisheeye ee la safan isaga lalana socodsiiyo ummadda markasta xaaladda dalku meesha ay marayso isla markaana la adkeeyo nabadgelyada xafladaha iyo kulamada. Haddii Daahir Riyaale iyo kooxdiisu ku wanjalaan doorashada madaxweynaha falal argagixiso iyo khalkhalin nabadgelyada dalka ama inta doorashada la qabto ay qas iyo musuqmaasuq ku boobaan, waxaa markaas khasab iyo waajibba noqondoonta in dulmiga iyo qaran-dumisnimada loogu galo daaraha si loo samata-bixiyo dadka, dalka iyo qaranimada. Somaliland xaq aan la duudsiyikarin ayey u leedahay aqoonsiga Beesha Caalamka sida loo aqoonsaday dalal badan oo kala noqday kadib markii ay heshiinwaayeen. Somaliland waa la aqoonsan lahaa mar hore laakiin kuwii xukunka lagu aaminay ay dhagar iyo khiyaamo qaran u maleegay aqoonsiga. Qofkii shaki kagajiro xaqnimada ay Somaliland u leedahay dawladnimo, qaranimo, iyo aqoonsi fadlan akhriso labada maqaal ee kala ah: Xuduudaha Afrika Waa Xuduudihii Isticmaarka iyo All African Borders Rose from Colonial Borders (Just Google these titles of the two articles). Ibrahim Hassan Gagale
  5. Somaliland.Org: " Dawlada Riyaale Oo Qarsoodi U Qorsheenaysa Dilal Iyo Qaraxyo Ay Ku Suntayso Ururka Al Shabaab" Dawlada Riyaale Oo Qarsoodi U Qorsheenaysa Dilal Iyo Qaraxyo Ay Ku Suntayso Ururka Al Shabaab December 11th, 2009 Comments Off Dawlada Riyaale Oo Qarsoodi U Qorsheenaysa Dilal Iyo Qaraxyo Ay Ku Suntayso Ururka Al Shabaab Waxay Bartilmaameed Ka Dhiganaysaa Shakhsiyaad ay ka mid yihiin Gudooyiayaasha Golaha Baarlamaanka iyo Gud Xisbiga Mucaaridka Kulmiye Si ay Ugu Ekaysiiso in Xoogaga Alshabaab Soo Maleegeen Hargeysa, Somaliland December 12, 2009 (Somaliland.Org) – Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa dhawaan Dawlada Rayaale ku eedeeyay in uu ka dambeeyay isku-day dil oo horraantii bishan lala beegsaday Mudanaha. Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in isku-day dil oo 4-tii bisha Nov 2209 ay saddex Nin isku dayeen in ay goor habeenimo ah toogasho ku dilaan, balse uu ka badbaaday. Dilkaas oo uu ka dambeeyay Madaxweyne Rayaale, ka dib markii sida uu sheegay uu Madaxweynuhu amar ku bixiyay in la sii daayo Taliyihii Dembi-baadhista ee Berbera. http://www.somaliland.org/wp-admin/post.php?action=edit&post=11664 Sidoo kale ayaa Bishii November 1, 2009 : Waxaa qarax miino lagu dilay Taliyihii Qaybta 12aad ee Ciidanka Qaranka Somaliland Rabi haw naxariiste Gaashaanle Sare Cismaan Yuusuf Nuur isaga oo maraya magaalada Laas Caanood dhexdeeda. Waxa kale oo bishii July 11 2009 wadada u dhaxeesa Hargeisa iyo Awdal lagu dilay dad rayid ah, oo u socdaygobolka Awdal. Dadkaas oo ilaa iminka cidii dishay aan la horkeenin sharciga. Balse qaarkamid ahaa dadkii iyagu ka bad baaday shirqoolkaa, ayaa sheegay in ciidankii laayay wateen gawaadhi watay number plate ka dawlada Somaliland. Hadaba iyada oo waxaasi oo dhami dhaceen lixdii bilood ee ugu danbeesay, ayaa waxaa kale oo iminka soo ifbaxay in Xukumada Riyaale ay ku gudo jirto hawlagalo gabaabis ku dhow, oo ay dalka Somaliland kaga fulinayso qaraxyo cusub oo uu la beegsanayo goobo caanka ah, oo ay ka mid yihiin guryaha qaarkamida Madaxda dalka Somaliland i.e. Gud Guurtida Mr Saleebaan Maxamoud Aadan, Gud Baarlamaanka Mr Cabdiraxmaan Ciro, Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Kulmiye Mr Ahmed Silanyo iyo goobo kale oo ay ka mid yihiin Xafiisyada Wasaaradaha Dawlada oo iyagana la daadraaciyo. Xukumada Riyaale ayaa isu tustay in hadii dalka ka dhacaan doorasho, aanay marnaba suurtoobeen in shacabka maanta joogaa mar danbe soo dooranayaan. Sidaa darteed, hadii qarax baaxada caynkan lihi dhaco, oo keeni kara dhimasho iyo dhaawac waxa ay adkaanaysaa in dalka ka qabsoomaan doorasho. Isla markaana falkani waxa uu wadanka u horseedi karaa in dalku galo waji tacsiyadeed iyo khalkhal mudo dheer sii jiitama. Hadalkan dhawaan kasoo yeedhay Gudoomiyaha Olalaha Xibiga UDUB Cismaan Cabdilahi Cigaal (Cismaan Hindi), ee uu ku sheegay Xisbiga Kulmiye mid gacansaar la leeyahay Al Shabaab. Hadalkaasi ma ahayd mid si fudud ku yimid, balse waxa uu ahaa hadal si weyn looga soo shaqeeyay, ujeedadiisuna ahayd sidii loo abuuri lahaa jawi baqdineed iyo dareemo hoose oo la galiyo shacabka Somaliland. Ku waas oo loogu sii diyaarinayo shicibka falkan argaxisadeed ee Xukumada Riyaale maleegayso wakhtiga doorashada ka hor. Dhawaan ayaa waxaa soo if baxay dareemo xukumadu soo galisay suuqa oo tibaaxaya in ay jireen dhaqdhaqaaqyo ay ciidanka bilayska Somaliland todobaadkan ku hawlanaayeen. Kuwaas oo tibaaxayay dabagal ugu jireen shan nin oo ka mid ah masuuliyiinta sare-sare ee ururka Al-shabaab, oo dalka u yimid inay ka fuliyaan hawl-gallo Argagixsanimo ah, oo muddaba u qorshaysnaa ururka Al-shabaab inay qaraxyo Somaliland ka samaynayaan ka hor intaanay dalka ka qabsoomin doorashada madaxtooyada Somaliland ee dhawrka goor dibu dhacu ku yimi. Xogo lagu kalsoon yahay oo arrintan ku saabsan ayaa sheegay in Xukumada Riyaale qorshaheedu yahay in qaraxyadan isdaba jooga ku beegto wakhti yar ka hor marka mudada doorashada ka hadhsan yahay. Wararka hoose ee laga helay cida maleegaysa falalkan argagaxisnimo ayaa sheegaya in ay adeegsanayaan tabo iyo xeelado casriyaysan oo u eg kuwa kooxaha Al shabaab isticmaalaan, waxaana doorkan ku wajahan yahay, qaraxyo laga samaynayo goobo istaraatiji ah iyo dilal gaadmo ah oo lala beegsanyo shakhsiyaad ka midda masuliyiinta Xukuumadda iyo Mucaaridkaba. Daba gallada ku aadan baadhitaanka qoshaha hawl-gallkan ayaa waxa lagu ogaaday in Xukumada Riyaale ka faa’iidaysanayo xidhiidho dahsoon oo ay la samaysteen shakhsiyaad iyagu lagu dhextuuray Ururka AlShabaab. Kuwaa oo iyagu noqon doona kuwa hirgalinta amuurahan loo adeegsado. Hargeisa, Somaliland Somaliland.Org
  6. what they support? United Somalia what is happening,? for the last 20 years, all countries of the world jointly prevented successfully the balkanization of Somalia, and they said NO clan based factions like Somalidiid-land Also As Thankfulsp said, what is happenning is that Riyaale the dictator of NW Somalia welcomed the Egyptian Ambassador to Somalia, who declared his strong support for United Somalia and opposition to the partition of Somalia Both Same not different
  7. Originally posted by 'Dalmar': Thank You Mr. Ambassador, We appreicate Egypt's commitment and unwavering support for the unity, territorial integrity and independence of Somalia. In addition we welcome your country's total rejection of the secessionist faction and the balkinization of Somalia. we know Egypt was always a true friend of Somalia and Somali people, our friendship is a result of our deep and strong bilateral relations between our two brotherly countries (Somalia & Egypt) that have existed since time immemorial. The Muslim & Arab ummah will never allow the partition of one single muslim & Arab country. AfricaOwn, I have already made my stance very clear; also I don’t have to respond to every cheap comment in this forum, however, Thank for your interest in my opinion As I said before all countries of the world particularly Muslim & Arab countries led by Egypt and Saudi Arabia fully support United Somalia, therefore they prevented successfully the balkanization of Somalia, since they know the opening of the Pandora box problem in Somalia, will encourage numerous other tribes/ethnic entities within Africa and other parts of the world to demand secession, when there is no room for tiny tribal enclaves in our global village of the 21st century. The vast majority of Somali people appreciate the fact that all countries of the world respect and committed to the unity, sovereignty and the territorial integrity of Somalia, and strongly oppose to divide Somalia into mini clan-lands. On the other hand, the clan faction of somalidiid-land is very isolated today more than ever. After 20 long years most secessionists realized that their tribal enclave is unwanted in this world. Because they are more and more desperate and hopeless each day, they started to use cheap and contradictory excuses, by claiming that they will keep seeking the imaginary recognition and support from international community even if it takes 100 years, while at the same time they argue as obvious in this forum, the international recognition and support for Somalia is worthless and doesn’t mean anything after they failed to secure outside backing themselves.
  8. Warsaxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyadu waxa uu isaga oo faahfaahsan u qornaa sidan; “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, waxa maanta uu qasriga madaxtooyadda ku qaabilay wafti ka socda dalka Masaarida oo uu hogaaminayo danjiraha dawlada Masaarida u qaabilsan arrimaha Somalida iyo Somiland Ambassador Saciid M. Morsy " Rayaale oo si Diiran u Qaabiley Safiirka Masar ee Hargeysa kaga Dhex Dhawaaqay in Somaliland Tahay Gobol ka Mid ah Soomaaliya --- Safiirka Masar Ee Soomaaliya Oo Ku Nuux Nuuxsaday Midnnimada Soomaaliya Isagoo Ku Sugan Hargeysa Hargeysa(Jidbaale.com):-Safiirka Dalka Masar ee fadhisgiisu yahay Somaliya Saciid Maxamed Almasri ayaa shaaca ka qaaday mawqifka dalka Masar eek u wajahan midnimada Soomaaliya waraysi lala yeeshay isaga oo ku sugan Magaalada Hargeysa, wuxuuna sheegay in dalka Masar aamisan yahay hal dal oo la yidhaahdo Soomaaliya, umana kala saaraan Waqooyi iyo Koonfur. Wuxuu na yidhi Annagu midninmada Soomaaliya ayaanu ka shaqaynaa , Soomaaliduna wa aisugu kaaya mid , waxbarashana waanu wada siinaa si siman, wuxuuna sheegay in aysan Masar wax cadaawad ah u hayn qof Soomalaiya ,Soomaliduna isugu mid tahay. Waraysigan oo oo siiyey Saxaafadda Hargeysa , oo uu waraysigani cajabin waayey ayaa si qalafsan ugu soo bandhigay saxaafadda Hargeysa iyaga oo Safiirka ku sheegay in uu si kibir ku jiro uga jawaabay Su,aalo ay weydiiyeen. Dawladda Masar waxay ka mid tahay dawladaha aad ugu dhagan midnnimada Soomaaliya iyada oo markasta mawqifkeeda ka cadaysa goobaha aduunka ee laysugu yimaado, mawqifkaas oo ah mid ay waligeed masar istaagi jiray mudan tahayna in loogu mahad celiyo. Jidbaale.com Halkan ka Akhari , Waraysiga iyo Safiirku sida uu uga jawaabay
  9. Dhanxiir Waaryaadhaheen, waxaan la yaabay safiirkan Masaarida ah ee indho adaygiisa isaga oo Somaliland jooga la soo taagan figradii gaboobayd ee Somaliweynta, yaa u sheega in qadiyadda Lantan uu yaraysanayo lagu waraabiyey dhiiga kumanaan halyey, caawimadiisana mooyaane dalka nooga bax yaa yidhaa!!!! Weger; adeer; ninkan dhiiranaantiisa markaad eegto siyaasiyiinteena ayuu ishooda arkay oo hadii maantaba bustahaaga qaado lagu yidhaah rag badan bay cibro ugu filaan lahayde iga daa warkiisoo, waxaad ka warantaa taliyahan sirdoonka ee Laascaanood ku xidhani ma lagayaabaa inuu rag badan oo shaadh dawladeed gashan oo shulo hoose ku jira fashiliyo; Alloow sahal amuuraha.
  10. Thank You Mr. Ambassador, We appreicate Egypt's commitment and unwavering support for the unity, territorial integrity and independence of Somalia. In addition we welcome your country's total rejection of the secessionist faction and the balkinization of Somalia. we know Egypt was always a true friend of Somalia and Somali people, our friendship is a result of our deep and strong bilateral relations between our two brotherly countries (Somalia & Egypt) that have existed since time immemorial. The Muslim & Arab ummah will never allow the partition of one single muslim & Arab country.
  11. Dhanxiir Waaryaadhaheen, waxaan la yaabay safiirkan Masaarida ah ee indho adaygiisa isaga oo Somaliland jooga la soo taagan figradii gaboobayd ee Somaliweynta, yaa u sheega in qadiyadda Lantan uu yaraysanayo lagu waraabiyey dhiiga kumanaan halyey, caawimadiisana mooyaane dalka nooga bax yaa yidhaa!!!! Weger; adeer; ninkan dhiiranaantiisa markaad eegto siyaasiyiinteena ayuu ishooda arkay oo hadii maantaba bustahaaga qaado lagu yidhaah rag badan bay cibro ugu filaan lahayde iga daa warkiisoo, waxaad ka warantaa taliyahan sirdoonka ee Laascaanood ku xidhani ma lagayaabaa inuu rag badan oo shaadh dawladeed gashan oo shulo hoose ku jira fashiliyo; Alloow sahal amuuraha. ----- Taliyihii Ciidamada Sirdoonka Somaliland ee Gobolka Sool Xabsigga loo Taxaabay Taliyaha guud ee nabad-sugida oo codsaday in la sii daayo sarkaalka la xidhay iyo ciidanka qaranka ee fadhiisinka Laascaanood oo ka gadooday sii dayntiisa “Waxaan kuu xaqiijinayaa in la xidhay taliyaha sirdoonka Gobolka Sool iyo saddex nin oo la socday, waxaana lala xidhiidhinayaa oo loo haystaa labadii nin iyo walxihii qarxayey ee boolisku ka qabteen Laascaanood” Taliyaha qaybta booliska Gobolka Sool Laascaanood (Jam)- Ciidammada millatariga iyo booliska oo iskaashanaya ayaa xabsiga u taxaabay taliyihii ciidammada sirdoonka Somaliland ee Gobolka Sool Mr. Cabdifataax Muuse Yuusuf iyo saddex nin oo la shaqaynayey oo uu ka mid yahay darawalkiisii. Sidaana waxa Jamhuuriya khadka telefoonka xalay ugu xaqiijiyey taliyaha qaybta booliska Gobolka Sool Maxamed Saleebaan Gooni, isaga oo sheegay in taliyaha sirdoonka iyo ragga la socdayba lagu eedaynayo inay ka dambeeyeen labadii nin iyo walxaha qarxa ee maalintii Salaasada lagu qabtay magaalada Laascaanood oo la tuhunsan yahay in taliyaha sirdoonka gobolkaas uu walxaha qarxa isagu dhigay guriga labada nin laga qabtay. Waxa kaloo taliyuhu xusay in baadhis lagu hayo taliyaha sirdoonka iyo ragga lala qabtayba, iyada oo looga shakisan yahay inuu wanjalay labada nin ee Salaasadii toddobaadkan boolisku qabteen oo ah ganacsato shacab ah. “Waxaan kuu xaqiijinayaa in la xidhay taliyaha sirdoonka Gobolka Sool iyo saddex nin oo la socday, waxaana lala xidhiidhinayaa oo loo haystaa labadii nin iyo walxihii qarxayey ee boolisku ka qabteen Laascaanood, baadhistiina way socotaa, waxaana laga yaabaa inay arrintani rag kalena lugaha la gasho, laakiin waxaan kuu sheegayaa in baadhista ka bacdi wax waliba kala cadaan doonaan.” Sidaa waxa yidhi; taliyaha qaybta booliska Gobolka Sool. Hasayeeshee sida ay xalay Jamhuuriya u xaqiijiyeen ilo xogogaal ahi, waxa la filayaa in taliyaha sirdoonka Gobolka Sool iyo ragga lala xidhayba loo soo dhaadhiciyo dhinaca caasimadda Hargeysa, iyada oo tallaabadaasina dareen iyo shaki badan ku beertay dadweynaha reer Laascaanood oo ka cabsi qaba in la sii daayo oo kiiska loo haysto la masaxo, iyada oo xadhigga sarkaalkan ka tirsan sirdoonka qaranku dareen xaasaasi ah ka abuuray Gobolka Sool. Dhinaca kale sida ay ilo xogogaal ahi sheegeen taliyaha guud ee sirdoonka qaranka Maxamed Nuur, ayaa codsaday in la sii daayo sarkaalkaa nabad sugida ah, hasayeeshee waxa la sheegay inay arrintaa ku gacan saydheen ciidanka qaranka ee fadhiisin koodu yahay Laascaanood ee uu madaxda u ahaan jiray taliyihii qaybta 12aad ee ciidanka qaranka ee lagu dilay shirqoolka qaraxa ah bishii hore ee sannadkan, kuwaasi oo dilkii taliyahooga ku xidhiidhinaya sarkaalkan la xidhay, kana shaki qaba in sii dayntiisu tahay qorshe lagu baabiinayo baadhista dilkii marxuumka. Warar kale oo aanu ka helnay ilo ku dhaw dhaw madaxtooyadda, ayaa sheegaya in xalay ay madaxweynaha la kulmeen xubno wasiiro ah iyo taliyaha guud ee ciidanka qaranka Somaliland, iyada oo tibaaxaasi xuseen in markii laga wadahadlay xadhiga sarkaalkaas madaxweynuhu amray in aan la sii dayn sarkaalkaas inta baadhis lagu samaynayo arrintiisa. Jamhuuriya Online ---- Faldembiyeedkan lagu xidhey Taliyihii Nabadsugidda ee Gobolka sool, Galal badan oo furraa ayuu xidhayaa!! Khamiistii iyo jimcahan shaley, waxay ku ahaayeen maalmo adag Madaxtooyada iyo Madaxweynahaba, waxa laysku deyey in amar madaxweyne lagu sii daayo Taliyaha u xidhan Ciidanka qankaaaaa ee Guutada 12aad, ee Bishii hore Taliyohoodii lagu diley qarax kuwan lagu haysto tliyaha Nabad-sugidda ee Gobolka sool, waxase si xooggan ugu gacan seydhey, Ciidanka Mas'uuliintiisu oo adkeystey in waxyaabo caddaan ah lagu hayo, laguna sii wadayo baadhitaanka laas-Caanood. shaley jimcihii waraka ka imanaya laas-caanood,waxay sheegeen in Madaxweyne Riyaale amrey in ninkas loo soo dhadhiciyo Hargeysa, si baadhitaanku halkan uga sii socdo, taasi oo ay ka biyo diideen Mas'uuliintu, laguna kala kacay iyada oo laysku jiq yahay!! Dhinaca kalena labad Cisho ee toddobaadka ugu dambeeyey , waxa ay Gobolka Togdheer kusoo kordhiyeen Togdheer Guux weyn oo Bulsho , cadho iyo Caddaaladda qaddiyadda Taliyahan Geeridiisa cidda ka dambeysey oo raadkeedu ula galey Madaxtooyada,sida ay rag door ah oo Mutamaca Togdheer ka caan ahi ay tibaaxayaan. Wararku waxay intaa ku dareen in uu Mas'uulkan Nabadasugidda Gobolka isla shaley uu bilaabey in uu is-waalid uu isdhaaf ku hadlayo, ku dambabaso jariimadaha uu faraha la galey, in uu Miyir qabo oo aanu waalleynna waxa u daliil ah in ilaa imika uu yahay Taliyaha Nabad sugidda ee Gobolka Sool. Arrintan Taliyaha Nabadsugidda ee Gobolka soo eeMaamulka Riyaale, waxa uu dib inoogu celinayaa qaddiyaddii qaraxyada Goobaha Cidlada ah , Maamulku ku qarxinayey ee loo Xidhi jirey Odey deyr, Madaxweyne ku Xigeenka 2ad ee Kulmiye, iyo ubno Xisbigaas ka tirsan, waxaanu raadku dib inoogu celinayaa Madaxtooyada Dalka oo Nabadsugidda Dalka laga Xukumo. Ma jiro Sarkaal milateri ah, oo iska gala waxaan cidiba u diran. Dilkii Taliyihii hore ee Ciidanka 12aad, waxay u eegtahay in uu Galkiisu ku soo xidhmayo, xadhigga Taliyahan la qabtey!! isla mar ahaantaasina, arrimo badan oo tuhun ka taagnaa iyana waddo u furan tay loo maro radkeeda. Dawladdu baadhitaankii ay Irbadda Maroodiga ku qaleysay waqti iibsasasho, is-hortaag caddaaladeed, raad habaabin, ka ay doonto ha ka ahaatee, waa lays kala tegey tuhun oo Madaxtooyada ayuu soo galey dilkanuye, ha jid bixiso Madaxtooyadu!! Ciddii Amarka bixisey lagu diley Taliyaha Ciidanka 12aad waa in la helo, haddii kale, shicibkuba wuu soo heli!!! Baaqii Xildhibaan Cali Marreexaan , muu ahayn madadaalo warbaahineed ee wuxuu ahaa hoga tusaleyn Maamulka uu ka tirsan yahay in aanu arrinku sahlaneyn!! Sida ay odey dhaqamoodyo xaleyto sheegeen, waxa ay Odeyaal, Aqoon yahan , Ganacsato iyo Madax-dhaqameedyo reer Burco ahi ababulayeen, baaq ay Guddi qaran oo arrintan faraha ku qabata l saaro , kuwaas oo aan ka mid ahayn Maamulka Talada Dalka imika haya aan u shaqeyn!! Dr. Cali Cabdi Muhumed.
  12. Carabta ayaa lagu Amaanaa sida buuxda ee uga shaqeeyaan una ilaaliyaan Midnimada Somalia, iyo inay isu bahaysteen sidii ay u tirtiri lahaayeen gooni isku taaga Somalidiidka Somaali-diidka oo ka cabanaya wadamada Carabta
  13. Haatuf News: Gudoomiyaha UCID Oo Sheegay In Doorashadii RayaaleKu Soo Baxay Aanay Ahayn Doorasho, Balse Ay Ahayd Ku Xumee Gudoomiyaha UCID Oo Sheegay In Doorashadii RayaaleKu Soo Baxay Aanay Ahayn Doorasho, Balse Ay Ahayd Ku Xumee Hargeysa November 18, 2009 (Haatuf) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ka digay in haddii doorashada madaxtooyada si degdeg ah loo qaban waayo ay Somaliland halisi kaga iman karto wax uu ugu yeedhay cadow Sheekh Shariif oo hada u xusul duuban sidii uu Somaliland uga takhalusi lahaa.Eng Faysal Cali Waraabe waxa uu intaa ku daray, in reer Somaliland u midoobaan difaaca wadankooda islamarkaana codkooda ku aarsadaan doorashada madaxtooyada ee dhawaanta qabsoomaysa, tilmaamayna in ay dadweynaha u taalo sidii loo dhisi lahaa dawlad tayo leh, isagoo sheegay in xukuumada talada haysa ee uu Rayaale hogaamiyaa ay ku fashilantay hogaamintii siyaasadeed ee dalka Gudoomiyaha xisbiga UCID waxa uu sidaa ku sheegay xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo loo qabtay taageeyaasha UCID ee degmada Axmed Dhagax ku dhaqan, xafalasi oo ay soo qabanqaabiyeen xisbiga UCID oo shalay ka dhacday Hotelka Dalxiis ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qaybgalay ,asuliyiinta UCID, taageerayaasha degmada Axmed Dhagax iyo ururo dhalinyaro oo hore u taageeri jiray Udub, balse haatan UCID uga soo digo rogtay. Waxana halkaa ka khudbado koob-kooban ka jeediyey masuuliyiinta xisbiga UCID oo sheegay sida weyn ee ay ugu faraxsan yihiin dadweynaha ku dhaqan degmada Axmed Dhagax ee taageerida weyn ee ay u qabaan Xisbiga UCID inay codkooda siiyaan doorashada ku muujiyey munaasabadan, oo sheegay inay si weyn u soo dhoweynayaan, tilmaameena sida loogu baahan yahay doorasho xalaala oo dalka ka dhacda, islamarkaana xukunkan hada talada haya ee faashilka cod lagaga tirsan lahaa talada in lagala wareego. Sidoo kale waxa iyaguna halkaa ka hadlay xubno ka tirsan degmada Axmed Dhagax oo sheegay inay ******** in xisbiga UCID uu yahay ka keliya ee dalka ka saari kara xaalada siyaasadeed ee cawajka ah ee hada ka taagan, gaadhsiina kara mustaqabka horumar iyo barwaaqo iyo shaqo abuuris, waxayna intaa ku dareen in UCID ay ku bahoobeen aqoontii iyo caqliyadii fayoobaa, taas darteedna ay codkooda ku dooranayaan madaxdiisa musharaxiinta u taagan madaxtinmada dalka. Ugu horan Faysal Cali Waraabe oo xafladaasi ka hadalay waxa ka mid ahaa hadalkiisa “Degmada Axmed Dhagax taariikhdeeda horaa loo sheegay oo waa la ogaa kaalinta ay ka soo qaateen halgankii SNM, markaa taageeradoodii haday UCID siiyeen inta kale ee Somalilandna way ku xigtaa sidan oo kale. Waa ogaydeen ilaa lixdankii dawladnimadeenii godka inagaga dhacday ilaa maanta ayay hogaan xumadu ina haystaa” “xilligii xisbiga UCID fikirkiisa bailaabay waxay ahayd markii dalka la soo galay ee dagaalkii Buco ee sokeeye dhacay oo xalkii khilaafaadka uu damintiisa qayb laxaadle ka qaatay. Doorashadii marxuum Cigaal madaxweynenimada loogu doortay shirweynihii Boorame 93kii xal bay ahayd oo haykalkaa maanta jira ina soo gaadhsiiyey., laakiin madaxweynahan hada talada dalka haya caqli iyo barnaamij siyaasadeed laguma dooran eek u xumee baa lagu doortay, isna wuxuu is yidhi iska ururso dhaqaalaha dalka, markaa degmada Axamed Dhagax maanta inay UCID taageeraan waxa weeye dadku imika uun bay soo miiraabeen oo wax kala garteen” Mar uu ka hadlayay siyaasada sheikh shariif ee baryanba uu wado siyaasad xumo ka dhan ah Somaliland, islamarkaana hadii an imika laga hortagin ay halis inagu tahay, tilmaamayna in xukuumadani aanay dalka difaaci karayn taasna lagaga bixi karo doorashada ooh ore loo qabto hogaanna loo dooran, waxanu yidhi “wadaadyar oo reer koonfireed ah ayaa la inooga taag la’yahay oo meel walba la taagan Somaliland ma jirto iyo dadkaba dhibtu way ku wada dhacday, xagee ayay iyaga kaga dhacday inaga dawladii calanka huwanayd baa ina xasuuqday , iyaguna iyagaa is laayay oo badda isku guray, ma dadkeenii diyaaradaha lagu duqeeyay iyo waxa uu is barbar dhigayaa kuwo iyagu dagaalamaya oo kursiga kala jiidanaya, hadaba waxaan idiin sheegayaa dawladani dalba ma difaaci karayso ee walaalayaal inagu aynu midowno oo dalkeena aynu ilaashan, carabka ayaanu ka jaraynaa sheikh shariif iyo kooxdiisa hadii ay ina nabadgelin waayaan, doorashada waa in la qabtaa oo codkiina ku ciil baxdaan” “waa la ina khiyaameeyay oo waxa la inala sugayay inta koonfuri hagaagayso markaa hadaynaan hogaan wanaagsan oo inaga samata saara waa in la hela, xaafada axmed dhagax way biyo laadahay halka madaxweynahana xilli walba uu biyo helo, cisbitaalka waxa ka taagan waad arkaysaan. Berigii dhoweyd waa ogaydeen komishankii yaraa ee xumaa guurtidu inay lahayd sanad ha loogu daro, odayaasha caaqiladan maanta salaadinta cashuurta yar un baa wax yar looga dhiibaa markaa talo kaleba ma hayaan sida wax loo wadana ma fahmayaan, dawladani haday mar dambe inagu soo baxdo lix bilood gaadhi mayno waa la bakhtiyayaa, markaa xaafada Axmed Dhagax waanu soo dhoweynaynaa gacmo furan, taariikh bay leeyihiin waa dad soo halgamay Somaliland baanay laydh caafimaad u yihiin is bedel doonkoodu”. Sidoo kale waxa iyaguna halkaa ka hadlay Musharaxa madaxweyne ku xigeenka UCID Dr M/rashid Sh Xasan iyo gudoomiye ku xigeenka xisbiga Aadam Maxamed Mire Waqaf iyo xoghayaha guud ee xisbiga UCID Maxamed Xasan Baashe oo sheegay mawqifka xisbiga UCID iyo mabaadiidiisa ku taagan cadaalad, daryeel shaqo abuuris iyo horumarin dalka uu gaadhsiiyo, waxayna sheegeen oo kale in ay daruuri tahay wakhtigan xaadirka ah in si degdeg ah isbedel siyaasadeed uu dalka ka dhaco, taana lagaga bixi karo dorasho xor oo xalaala oo dalka ka qabsoonta, waxayna dadweynaha reer Somaliland gaar ahaan taageerayaasha degmada Axmed Dhagax ee muujiyey inay codkooda siinayaan UCID ugu baaqeen inay codkooda ku kala saaraan musharaxiinta jagada madaxtinimada u tartamaya doorashada madaxtooyada. Xubno ka mid ah taageerayaashii iyo djhalinyaradii u soo digo rogtay UCID oo xaflada ka hadlay ayaa iyaguna sheegay inay diyaar u yihiin in hiil iyo hooba ay la barbar taagan yihiin xisbiga UCID, kaas oo ay sheegeen inay u arkaan mid horumar dalka gaadhsiin Kara in uu yahay.
  14. Baaq Taageero iyo Xaal marin oo ku socda SSC Warkii 20-Nov-2009 Qormadii: Afnugaal News Desk Kadib markii uu dhamaday shir ay yeesheen Beesha **** ayaa waxa ay bahda saxaafada u qabiyeen nuqulo kamid ah qodobadii kasoo baxay shirkaasi oo lagu taageerayay Shirkii Horseed ee beesha SSC laguna canbaaraynayay Boqor Buurmadow. Ujeedo: Baaq Taageero iyo Xaal marin oo ku socda SSC Kadib kulan iyo wadatashiyo ay yeesheen odayaasha iyo waxgaradka beesh **** ee kudhaqan yurub maraykanka iyo Canada waxay sibuuxda utaageerayaan una soo dhowaynayaan Go aamada wadatashiga ah ee kasoobaxay Shirkii Horseed ee beesha **** ee SSC ee kadhacay nayrobi Waxaanu dhamaan sibuuxda u soo dhowaynaynaa Go aamada iyo wada tashiga iyo midaynta beeshu kugaadhay Shirka Horseed waxaanuna kubaaqaynaa in qodobadii dhamaan lahirgaliyo beeshana laga saaro kaladaadsanaanta ku habsatay tan iyo burbur kii dawladii dhexe Waxaanu sidookale ku boorinaynaa waxgarasdka aqoonyahanada iyo madax dhaqameedada sida goonida ah isugu xilqaamay midaynta iyo ururinta bulshada in ay siikordhigaan dadaalkooda kuwajahan aslaaxinta iyo samo katalinta Waxaanu cadaynaynaa in aanu si hagar la.aan ah ugarab istaagayno muruq iyo maalba Shirka iyo wixii ka soobaxayba. Xalmarin isimada SSC oo uu ku gafay boqor buurbadow Waxaanu xaalmarin siinaynaa anagoo ah aqoonyahanada beesha HJ ee ku sugan daalka yurub USA canada Isimada SSC ee hada fadhigoodu yahay emaradka carabta markii horana jooga nairobi waxaanu leenahay ka raali noqday hadalkii ka soo yedhay boqor bur madow oo ahaa mid lagu aflagaadeenayo ismada SSC waxaanu leenahay ka raali noqda. Qaasatan waxaan u diraynaa raali gali Garaadka Guud ee beesha DH ee SSC Garaad Jaamac Garaad Cali waanu leenahay ka raali noqo sida aan haboonayn ee uu u hadlay boqorka adigana uu farta kuugu goday Garaad jaamac. Waxaa baqan soosaaray dadkakala ah 1 Eng:mohamed aadan faarax 2 D.r Jaamac cawil aadam 3.Eng: cali xirsi axmed 4 D.r Mohamed saleeban cali 5 oday dhaqameed Yuusuf sulub aadam 6 shiikh cali aadam guure 7 csamed mohamed 8 zakariye c gaas 9 xirsi magan gaas 10 magan gaas cali 11 siciid cali axmed 12 sidiiq cali guray 13 c haybe aadan 14 sahal axmed diiriye 15 cali maxamed qaal 16 claahi axmed cartan 17 maxamed jaamac abokor 18 sacad adan 19 cismaan cali axmed 20 jamac darwiish siciid 21 guray saalax 22 c xamiid jamac cartan 23 axmed maxamed maxamuud 24 xirsi cartan boos 25 xaad farax boos 26 muuse xali xirsi 27 saleeban bootaan 28 cabdi salaan axmed 29 cali caydiid bootaan 30 war same farax candi Afnugaal News Desk [ November 21, 2009, 01:34 AM: Message edited by: Miskiin-Macruuf-Aqiyaar ]
  15. Waxa uu hogaanka cusub ee SSC muujiyey firfirconaan, dadaal xad dhaaf, marka la eego sida ee durbaba u kasbadeen kalsoonida shacabka SSC, howsha fiican ee qabteen, iyo xowliga ee howlihu ku socdaan Heshiiskan cusub ee dhexmarey SSC iyo Puntland, waa horumar aad u wanaagsan
  16. Hogaanku wuxuu ugu Baaqayaa waayeelka iyo waxgaradka Beelaha Burco iyo Hargaysa inay wiilashooda kala baxaan Mandaqadda SSC ee ay dulmiga iyo Gardarrada ku Haystaan. Si looga hortago Shirqooladda maamulka Hargaysa maleegayo loona baajiyo Dhiig daata & Colaad cusub oo Aagaas ka bilaabata. Waa nabadeed oo ee ka muuqatu sida uu hogaanka cubi u tixgalinayo jaar wanaaga shacabka soomaaliyeed iyo gobolada soomaaliyeed ee jaarka ah Horaa loo yighi NIN KUU DIGEY, KUMA DILIN
  17. Gen:Abdullahi Ilkajir's Marna Dhici Mayso in xad gudub lagu sameeyo Hogaanka SSC Waxaa dhowaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya lagu doortay hogaan siyaasadeed oo loogu magac daray SSC kaasi oo ay ula jeedadiisu tahay sidii loo midayn lahaa shacbiga beesha *********** dibna loogu soo celin lahaa gobolka Sool gaar ahaanna magaala madaxdiisa Lascaanood ee uu xoog milateri ku qabsaday maamulka Somaliland kana arrimiyo haatan siyaasad, ciidan iyo dhaqaaleba. Waxaa dhowaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya lagu doortay hogaan siyaasadeed oo loogu magac daray SSC kaasi oo ay ula jeedadiisu tahay sidii loo midayn lahaa shacbiga beesha *********** dibna loogu soo celin lahaa gobolka Sool gaar ahaanna magaala madaxdiisa Lascaanood ee uu xoog milateri ku qabsaday maamulka Somaliland kana arrimiyo haatan siyaasad, ciidan iyo dhaqaaleba. Waxaa shirkaasi ka qayb galay Isimo, siyaasiyiin iyo waxgarad ka kala socda qaybaha beesha *********** oo uu hor kacayo Garaad Jaamac Garaad cali garaadka guud ee ***********. Haddaba tan iyo xiligaasi oo hogaanka loo doortay Dr. Saleebaan Ciise Axmed( Xagla toosiye) iyo ku xigeenkiisa Mr. Sabarey, waxay xaalada SSC ku socotay xawli kulul waxaana dhinacyada Puntland iyo Somalilandba ka soo yeedhay diidmo iyo digniino ku saabsan siyaasada ururkaasi iyo in talaabo laga qaadi doono hogaankiisa haddii ay soo caga dhigtaan dhulka ay ka taliyaan labada maamul. Arrintaasi waxay ku abuurtay siyaasiyiin ku nool gudaha iyo dibaddaba gaar ahaanna u dhashay deegaanada Puntland in ay u arkaan talaabooyin khaldan oo aan marnaba la qaadan Karin oo ay banaan tahay in laga hortago sida ugu dhaqsaha badan. Waxaa in muddo ah socday dadaalo iyo xiriiro laga dhex wado wasiirka arrimaha gudaha ee Puntland Generaal Cabdullahi Jaamac Axmad (Ilka jiir) oo isagu in kasta oo uu in badan dhegaha ka furaystay arrimahaasi ay haatan u muuqato in uu seefta galka kala baxay iyadoo ay weliba qaraabo hoose yihiin Dr. Saleebaan Ciise, ka mid ahaayeen u tartamayaashii jagada madaxweynenimo ee Puntland, kana soo wada baqooleen carriga Maraykanka, horena ay wadaageen siyaasad isku dhow ka hor intaan la dooran Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdirahmaan Faroole. Waxaa waday dadaaladaasi rag magac weyn ku leh beelaha *********** iyo ********** oo ku kala nool Garoowe, Boosaaso, Dubai, London iyo maraykanka waxaana ugu dambayntii sida ay noo xaqiijiyeen lagu guulaysatay hordhac ahaan in ay wada hadal ka dhex abuuraan labada masuul ee jaangooya siyaasadda labada beelood. Waxaana dhacday in lagu heshiiyey qodobo muhiim ah ilaa hadda kuwaasi oo loogu jiro suxul duub sidii looga dhab sheegi lahaa kana mid yihiin: 1.. In la abuuro guddi hawl wadeenno midaysan oo ka kooban labada beelood gudaha iyo dibaddaba kuwaasi oo u xil saran dabagalka iyo fulinta qodobada uu dhigayo heshiisku. 2..In aanay marnaba dhicin in xad gudub lagu sameeyo sharafta iyo muwaadinnimada hogaanka SSC lana xiri Karin haddii ay soo caga dhigtaan deegaannada Puntland haddii ay dhacdona meel looga soo wada jeesto falkaasi. ( Generaal Ilka jiir oo aad u soo dhoweeyey arrinkaasi) 3..In mustaqbalka si xeel dheer looga wada hadli karo isticmaalka hogaanka SSC ee deegaanno ka mid ah beesha ********** gaar ahaanna xeebaha Sanaag si loo fududeeyo hirgelinta ujeedooyinka ururka SSC loona ilaaliyo nabadgelyada hogaanka sare ee SSC. In hogaanka SSC uu sida ugu dhaqsaha badan u baqoolo socdaallo dibaadda si markaasi uu ula kulmojaaliyadaha dibadda: Loogana dhaadhiciyo ujeedada dhow iyo tan fogba ee ururka SSC. In la diyaariyo qorshe dhaqaale ururin aad u fara badan oo lagu taakulaynayo hirgelinta ujeedooyinka ururka. Warkaasi waxaa na soo gaarsiiyey waxgarad lagu kalsoon yahay oo ka mid ah guddiga wada jira ee la abuuray. Mr. Daahir shire Warsame Nairobi-Kenya dahir.shire@yahoo.com
  18. Wednesday, November 4, 2009 Ka dib dilkii loo gaytey Taliyihii qaybta 12Aad ee Maleeshiyada Hargaysa Cismaan Yuusuf Nuur ayaa waxaa dilkiisa ka soo baxaya Warar kala duduwan. Hadaba waxaa arintan aanu ka waraysanay Saraalkiil ka soo kala jeeda Gobolada Sool iyo Togdheer kuwaasoo ku sugan magaalada Hargaysa, Waxaana saraakiishan ka mid ah mid aad ugu dhaw aqalka Madaxtooyada ee Hargaysa. Sarkaaladan waxay ka cudur daarteen magacooda in aan isticmaalo sababo xaga Amaanka ah Awgood. Markii aanu wax ka weydiiney dilka Sarkaalkan ayaa waxay noo sheegeen in qorshahan lagu Khaarajiyey Marxuumkaas laga Abaabulay aqalka Madaxtooyada. Waxayna si cad u sheegeen in dilka Cusmaan Yuusuf Nuur uu si rasmi ah oga danbeeyo Daahir Riyaale Kaahin. labada Sarkaal ee aanu xidhiidhka la samaynay waxay isku raaceen in Ujeedada ka danbaysa dilka Sarkaani ay ahayd qorshe Siyaasadeysan oo Daahir riyaale ku doonayo in uu kaga takhaluso shakhsiyaadka ka soo jeeda Magaalada Burco ee miiskan ku leh Ciidamda Maamulkaas Somaliland. Xubinta ka soo jeeda Gobolka Togdheer ayaa sidan yidhi " Maamulka Daahir Riyaale wuxuu doonaya in uu la yimaado Istaraajiyad cusub oo uu ku xidhib tirayo dadka Meeqaanka leh ee ka soo jeeda Beeshayda" H J. " wuxuu bilaabay Ugaadhsi loo ekeysiiyey kan ay islaamiyiintu isticmaalaan". Mar aanu waxka weydiiney bal sida ay u ogaa deen qorshahan maadaba uu ahaa mid aad u heer sareeya. ayuu sheegay in oo ka dhuuxay mid ka mid ah raga fuliyey qorshahan oo ay saaxiibo dhaw ahaayeen. Qorshahan lagu Khaarajiyey Cismaan Yusuf ayaa waxaa la doon doonaya cidii lagu eedeyn lahaa , ayadoo ururka Al shabaab la wada ogsoon yahay in ay Geesi ku yihiin sheegashada arimaha ay gaystaan. waxaana sida cad maamulka Riyaale door bidayaa in uu ka Faa'idaysto dhaqdhaqaaq laga yaabo in ay sameeyaan Hogaanka cusub ee SSC. Kaasoo lagu Unkay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaa sidoo kale hawshan Fulinteeda loo xilsaaray Ninka CID qaabilsan ee lagu magacaabo Caare. waxaa la sheegay in Caare iyo Marxuumka dhintay ay ka dhaxaysay Xurgufi, ayadoo sida la wada ogsoon yahay ay habeenimadii uu maalinteedii dhiman dooney u raacay Magaalada Oog, halkaasoo ay guure kaga soo wada noqdeen, waxaana dad goob joogayaal ahi sheegeen in Caare gaadhiga uu wato masaafo 200 oo talaabo ah ka danbeeyey , isla markaana uu isagu Remoteka hagayey, kaasoo lagu qarxiyey Marxuumka Geeriyoodey. sidoo kale Ninka Caare lagu magacaabo ayaa wuxuu bilaabay in uu qab qabto dad aan waxba galabsan ee ka soo jeeda Deegaanka. Kuwaasoo uu ka buuxiyey Jeelasha iyo meelo kale oo ka baxsan deegaanka. arinkaas oo Dambabas kaga dhigayo hawshan ay wada maleegeen isaga iyo Daahir Riyaale. Caare ayaa lagu yaqaana nin raali geliya Daahir Riyaale iy maamulkiisa, waxaana uu gacanta midig u yahay Riyaale iyo culufadiisa. wuxuuna Riyaale damacsan yahay in uu indhaha Shacabka ku soo jeediyo Laascaanood si u sii dheeraysto xukunkiisa. asagoo cuskanaya dalku Nabad maahaa, Hoostaana wuxuu doonaya in uu ka xasuuqo Askarta Magac leh ee ka soo jeeda Beesha Barriga Burco. waxaa sidoo kale la xaqiijiyey in arintan uu daahir riyaale u sameeyey ama u diyaariyey rag dharcad ah , kuwaasoo la sheegay in ay soo barteen miinada iyo qaabka loo qarxiyo, waxaana la sheegay in askartani ku soo tabo baratay dalka Ethiopia. Isku soo wada duubo waxaa maalmaahan soo socda la eegi doonaa, Saraakiisha kale ee ay qaadato Seefta siyaasadeysan ee Daahir riyaale. iyo bal in ay iska Gartaan dadka ka soo jeeda Gobolka Togdheer arintan lala Damacsan yahay ee Gumaadka Qarsoon ah. NB: Waxan dhawaan idin soo gudbin doonaa Magacyada askarta Daahir riyaale u xilsaaray Dilalka qorshaysan, qaar ka mid ah oo aan dabagal ku hayno. Xamse Cabdi
  19. Wareegto Ka Soo Baxday Xafiiska Faroole Wareegto Ka Soo Baxday Xafiiska Faroole Wednesday, November 04, 2009 - 10:51 PM Warqad sir ah kana soo baxday xafiiska madaxweyne Faroole ayaa lagu wargeliyey in laamaha amaanku ka hortagaan Hogaanka SSC lana adkeeyo Garoonada si aanay uga soo degin.. Qoraalkan oo loo qaybiyey dhamaan laamaha amaanka Ee Puntland gaar ahaan ciidanka amaanka Garoonada ayaa lagu tibaaxay in loo fiirsado dadkii ka qayb galay shirkii beelaha SSC ee bishii hore ka dhacay magaalada Nairobi. Madaxweyne Faroole ayaa si gaar ah u magacaabay Hogaanka beelaha SSC Ee lagu soo dhisay Kenya isagoo amar ku bixiyey in la soo qabqabto madaxda Hogaanka hadii ay isku dayaan inay ka soo degaan garoonada ,magaalooyinka Puntland. Dhinaca kale madaxweyne Faroole ayaa Tacsi tiiraanyo leh u diraya qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodey Gashaanle sare Afdhilo oo usbuucan lagu diley qarax ka dhacay magaalada Laascaanood. Abdirahman Faroole ayaa ku tilmaamay Kornayl Afdhilo inuu ahaa saaxiib Puntland aadna looga jeclaa gobolka Nugaal. Sidoo kale wuxuu madaweynaha Puntland Faroole sheegay in Puntland & Somaliland ay iska kaashan doonaan cidii ka dambeysey dilka Kornaylka. Warar aanu ka helnay magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in Xisbiga kulmiye ka biyo diidey baadhidii ay wadeen ciidanka CID kuwaas oo ku tilmaamay in aanay daacad ka ahayn ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya inuu Dahir Riyaale ka dambeeyey Dilka Kornaylkaas. XOL
  20. Buur madow wax aan macno badan sameeneen ayuu ku hadlay, hadii uu rabo inuu nabad ka shaqeeyo, haa la hadlo maleeshiyaadka snmta ee soo duulay dad iyo dhul aan laga rabin, oo haduu daacad yahay xaqa haa ka hadlo ama haa iska aamuso, waa inuu kula taliyaa maamulka qabiilkiisa iyo maleeshiyaadkooda inay dadka nabadgaliyaan iyo inay dadka dhulkooda iyo guryahooda uga soo baxaan, hana u sheego inay ka joojiyaan gardarada iyo xaqdarada ee dadka muslimka ah ku hayaan. Garaad Jaamac laba sano oo dhan ayuu ku adimayey, marna hoos marna kor wax ugu sheegayey marna u tusaaleenayey, nimanka waalan ee gurigiisa ku qayilaya, inay si nabad ah guriga ee xaqdarada ku qabsadeen usoo baneeyaan, ayadoo la xaq dhowrayo dhiiga ummada muslimka ah. markaa cidna wax muu yeelin Garaad waxaa uu ka codsaday nimanka soo duulay inay deegaanadoodii iyo guryahoodii ku noqdaan,si loo tixgaliyo nabada,jaar wanaaga, iyo calaaqaatka kale iwm Garaad waxa uu ku hadlay waa kalmad ee xikmado ku dhantahay, oo waa hadii aan kuu digay kuma dilin
  21. Goorma ayaan ku idhi? miyaad ku riyootay Kumaakunka naftooda la cararay iyo kuwa guryahoodii laga eryey, wali malaayiin baa ku hadhaya, soo Illaahay dhulkiisa dadka kuma abuurin? cid ka tirtiri karta ama ka dhameen karta ma jirtu Kii dhowaan geeriyooday, waxaa uu islahaa dadka wada dil oo dhulka baneeso si uu xaaraan ugu naaxo, lakiin asagiiba la dilay, oo taa kumaba xisaabtamin
  22. Horta sootii lalahaa ninkii waalnaa ee ahaa terroriska ahaa waa uu geeriyooday, sooma la oran jirin afdhilo? magac xumaa wuxu, camalkiisuna kaba sii xun Could Jbaro, Cowke and Xaajiga be the same person sadexdan ma kala gartu
  23. Somalia: Hundreds of Somalis Demonstrate Largely in Las Anod Town 2 November 2009 Las Anod — Hundreds of Somalis have demonstrated against the troops of the break away republic of Somaliland in Las Anod town in north of Somalia, officials told Shabelle radio on Monday. Mohamed Abdullahi, a Somalia peacemaker and one of the scholars told Shabelle radio that the demonstration happened in to more different parts in the country saying that two people were wounded as the troops of the Somaliland opened fire to the demonstrators in Las Anod in Sol region. The peacemaker said that the troops captured more than 20 people during their operations in the town accusing them that they were those who behind the explosion targeted to the highest officials of Sol administration which is part of Somaliland. More people in Las Anod town had annoyed yesterday's land mine explosion which left more lives of high ranking officials in the region and there had been hundreds of irritated teenagers with women and children those were burning tires in the streets of the town. Most of the demonstrators were against the operations of the police forces of Somaliland and it comes after big explosion that caused more casualties in the town on Sunday.