Liibaan
Nomads-
Content Count
4,722 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Liibaan
-
cuqdad iyo cudurka qabyaaladu aday lafaha kaa galeen, iska duwee oo dadkaaga dhinac ka raac, waxba kuma taraso inaad dadka iska soocdid oo aad cuqdad qabiil daradeed la cadhooto. Aduunkii oo dhan baa ku diiday inuu ku aqoonsado, waayo nin magaalo ka dudaw yaa ku og
-
Norfsky, Maskiin baa tahay aduu wali maa toosin, Only confused qabiil secessionist mafia like you dreams about somalidiidland I believe in Qaran, unlike you who believe qabiil My dream is United Somalia Peninsula, one country, one people, One nation, one religion, one language, one flag Insha Allah, I will visit my homeland Somalia, Mogadishu, Kismayo, Garowe, Bosaaso, Laascaanood,Buuhoodle, and Hargeisa* *marka laga xoreeyo somalidiid mafia insha allah
-
Rayaale Oo Siilaanyo Ka Mamnuucay Inuu Yimaado Somaliland Maamulka lamagac baxay Somaliland ayaa magaalada Hargeysa ka mamnuucay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ah Musharaxa jagada Madaxweynaha Somaliland Xisbigiisa ugu tartamayo. Siilaanyo ayaa somaliland uu Rayaale ka mamnuucay kolkii uu yidhi siilaanyo waxaan aamin sanahay somaliweyn oo mid ah .................. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda maamulka labaxay Somaliland Axmed Aadan Ismaaciil {Axmed-Kayse} ayaa sheegay inaysan ogolaan doonin in Axmed-Siilaanyo Hargeisa dib ugu soo laabto ilaa uu ka dalbanayo cafis, maadaama sida uu wasiir ku xigeenku sheegay Axmed Siilaanyo uu qirtay inuu aaminsan yahay Soomaaliweyn. Wasir ku-xigeenka maamulka labaxay Somaliland ayaa waxa uu ka codsaday ciidamada nabadgalyada inay la socdaan dhaqdhaqaaqa Axmed Siilaanyo, isla markaana aysan u ogolaan inuu soo galo Somaliland, Wasiir ku-xigeenka Arrimaha dibadda maamulka labaxay Somaliland waxa uu hadalkan ka sheegay Telefishinka maamulka Somaliland, oo uu habeen hore warkan ka baahiyay, isagoo ciidamadana amray inay la socdaan dhaqdhaqaaqa Axmed Siilaanyo. Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye oo hadalkan ka jawaabayay ayaa isna sheegay in Daahir Rayaale uu ka mid ahaa xilligii Axmed Siilaanyo uu ahaa Guddoomiyihii SNM raggii xorreeyey Somaliland, Daahir Rayaalena uu xilligaasi ka tirsanaa kuwii laga xorreeyay Somaliland, uuna la saf ahaa ciidamadii Maxamed Siyaad Barre waa sida uu yidhiyee. < Widhwidh Online News Desk.........Media Center
-
Originally posted by Sikaawe: quote:Originally posted by FIDHIN: Viva UDUB>>>>>>>>>>>>>> ALL THE WAY. Udub all the way to Bossaso like Lascanod before, that is our ambition insha Allah. :cool: Viva Somali Weyn>>>>>>>>>>>>>> ALL THE WAY, to Laas Caanood, Boosaado, Mogadishu, Kismaayo, Hargeisa, Burco, Borame, Gaarisa, Jijiga and Dhagah Bur
-
Confused Secessionists
-
Hambabarkii Burco iyo Hinaasa la kacii Hargeysa Sida la ogsoonyahay Xisbiga kulmiye waxaad moodaa inuu muda badan is lahaa dalka dawlad baa haysata oo u maqan inay hor mariso dhinacyadiisa siyaasada debada,dhaqaalaha,caafimaadka,waxbarashada shaqa la,aanta iyo nolosha ijtiaaciga ah ee bulshada, halka ay dawladuna shaqadeeduba ahayd uun kuwan iska eega meeshay idinka qaadayaane ee aanay waxii loo igmadayba aqoonteeda iyo waxa shacabkeedu uga baahanyahay aanay u ogayn aqoona uba lahaynba. Waxa qudha ee ay nasiibka u heleen waxuu ahaa dawlad iska dhisan oo aanay xilkeeda iyo waxa la soo maray midnaba garanaynin in gacanta loo geliyo dabadeed ay kuba noqotay u qaadan waa waayo sabab ay ku mutaysteen in loogu dhiibaba may garanayn.waayo hadii aan nin lacag aanu filayn oo aanu shaqaysan oo maalaayiin doolar ah uu helo iska helo kaaba dhaadhicimayso lacagtan dad baa lahaa ee waxuun buu is odhanayaa waa lagaa qaadayaa,waxaanu iska illaalinayaa oo uu marba ceeb ka sheegaysaa cidii lacagtaa ehel u lahayd waa asbaabaha lagu yaqaan qofka aan xaaraanta iyo xalaasha kala aqoon. Hadaba canaanta ugu wayn ee kulmiyo waxay ahayd ee dadku iswaydiinaayeen maxay u dhaqdhaqaaqi waayeen waxaanad moodaysay inay iyaga laftooda ka xoog roonaadeen dacaayadahii ay dawladu fidinaysay ee ahaa nabad gelyo daray wadaan, iyo dalka kala saarayaan,iyo kursigay xoog iyo khasab ku doonayaan. Maalmahan danbe waxaad moodaa inuu kulmiyo baraarugay oo sameeyay dhaqdhaqaayo wax ku ool ah oo xagii arimaha debada Sida odaygii oo ka degay Washington oo la shiray madaxdii maraykanka soona ban dhigay mabaadiidii u wadanka ku maamulihaa,una sharaxay sida ay somaliland ugu baahantahay ictiraaf iyo dhaqaale,iyadoo rag kaloo muhiim ah oo dawladii riyaalaba ay u aragto inay siyaasdii arimaha debada kaga dheereeyeena ay la socdaan sida aqoonyahanka da,da yar ee siyaasada arimaha debada ku xeel dheer ee DR Mohamed Abdillahi. Waxaa kaloo si lama filaana u tagey wafti uu hogaaminayey ninka kale ee isna da,da yar Abdirahman Abdul qaadir iyo Faysal Ali waraabe xaruntii midawga yurub ay halkaana kula kulmeen saraakiil sare oo ka tirsan midawga yurub, taasna waxaa ka horeeyey dhaqdhaqaaqyo is daba jooga ay beryahanba ka wadeen debadaha gaar ahaan wadamada yurub,oo ay ku kasbanayaan kalsoonidii dadka reer somaliland aanad odhan karto si wayn ayey u kasbadeen kalsoonidii qurba jooga. Arimahan ay ku dhaqaaqeen mucaaridku waxaad moodaa hababar ay iiminkuun ******** inaan dalkan cidi u maqnayn waxayna arintani wax badan ka taraysaa arinkii ay dadwaynaha reer somaliland iyo xisbiyada mucaariku isku maandhaafsiisanayeen ee ahaa action baa laydinka baahanyahay iyo anagu ma waxbaanu gacanta ku haynaa laakiin ay imminka fameen in aan dakan cidiba u maqnayn mudana ay habsaameen, waxaanad moodaa kaalintii looga baahnaa iany imminkuun bilaabeen waana guul. Hadaba waxaa la yaab leh dawladii riyaale ama riyaale oo si xun uga dharsay dhaqdhaqaaqa wadaniyadu ku jirto ee dalka somaliland wax loogu raadinayo oo ah waxay iyadu garan la,ayd ama aanay aqoon ba u lahay oo Daahir riyaale ku beertay welwel iyo walaac iyo la kicid khudbad hinaase labood ah oo aan loo meel dayin oo ay malaa uga wanaagsanayd inuu sidiisii hore iska huursanaado,tusaale ahaan hadaad u fiirsato khudbadiisii aan cilmiga ku dhisnayn waxaynu naqilaynaa siduu wax u yidhi iyo siday waxa xaqiiqda ah ee jiraa yahiin; 1- waxa uu ka hadlay nabad gelyada oo uu ka hadlay inay argagaxiso ragii la laayeyna ay dishay miinooyina Hargaysa burco dhigtay xaqiiqduse waa (a)ragii la laayey may layn argagiso ee waxaa laayey nabadsugidiisa xidhxidhan ee ay isaga iyo inanka ay ilama,adeerka yahiin ee nabdsugida haystaaba ku doodayaan in la sii daayo ee ay dawladiisii ku kala jabi gaadhay. (b) waxaynu ognahay in ay imiinka joogaan dalka gudihiisa kooxdii xaaraanta ahayd ee ciraaq iyo afghaanistanba dadka ku xaaqday ee la odhan jiray Blackwater oo imminka la baxday XE oo iyadu intay suuqyada iyo masaajidaba qarxiso dabadeedna dawladaas ay la joogto lacagsiisa dawladuna ay ku sheegto si aan loo baadhin arinkaas inay argagaxiso ka danbaysay waana sidii hutelkii shamaw ee Mudisho ka dhacday.Arintaas waxaa si toos ah u cadeeyeen mediayaha reer galbeed iyo tv channelka Ruushka ee la yidhaahdo RT waxaana ka hadlay nin journalist ah oo ku takhasusay arimaha kooxdaa blackwater oo si cad u sheegay inay joogaan mudisho iyo Haragaysaba maanuladana ay la xidhiidheen inay arimahaa fuliyaan si loogu tilmaamo kooxda xag jirka ah al shabaab. Arintaasi inay jirto waxay si toosa uga dhadhamaysaa carabka Daahir Riyaale muu odhan waanu baadhaynaa iyadoo la qabtay nabadsugidiisii oo bamamkii dhigaysa oo lagu hayo red handed ayuu leeyahay argagaxisaa dhigtay waynu naqaan argagaxisadu siday wax u dhigto iyo falalkooda waa fal ay samaynayso dawladiisu.wakhtigii inantii madoobayd iyo ninka Germanka laysu taagay wada berebra ayaa Dahir riyaalo oo London jooga oo aanu ku soo socono Hotelkii uu ku jiray ayaa jidka angoo marayna abaaro 11,kii subaxnimo warkii soo dhacay markaanu Hotelkii gaadhnay ayaan la kulmay taliyahii nabadsugida ee Husain kiiniyaaty waxaan waydiiyey siday wax u jiraan iyo cida lagu tuhmayo arrinka waxuu ii sheegay in raadkii lagu joogo war kalana aan lahayn dhawr minut ka dib waxaanu la kulanay Daahir Riyaale su,aashii aan Husain waydiiyeybaan waydiiyey waxuu igu yidhi waa argagaxisada caalamiga wakhtigaas oo mesha nimankaa lagu tilmaamaa ay ahaydba dabsaar dabdeed waxaan idhi oo madaxweyne sawta la leeyahay weli raadkoodiiba lagu joogaa oo waxay yahiin lama hubo dabadeed waxuu yidhi yaad ku sheegi lahayd adigu waxaad ogaanaysaa inuu is leeyahay uun arrintaa aad lacag ku heshide aanu dal iyo dad toona dan ka lahayn 2-waxuu ka hadlay Maxsharka iyo adhiga waxuu yidhi maxshar kale lama furi karo waxuu kaloo yidhi dadka menceeshada keena dabagal halugu sameeyo maxayse xaqiiqdu tahay; (a) waxuu beenyey wasiirkiisii idirs kiiloo oo daraad tvga ka lahaa maxshar cusub baanu samaynaynaa kana waxuu noqonayaa geela IDIRIS KIILO oo ah ninka qudha ee uu u adeegsado cuna qabataynta iyo cadaadin ganacsatada xoolaha dhoofisa ee reer somaliland iyo dilaalista adhiga jaabiri loo xidhay oo markuu baabi.yey waxii la odhan jiray adhiile ee sacuudiga wax ka soo iibin jiray imminkana u soo biyeystay inuu baabi.iyo faashlayaashii adhiga hawd iyo koonfur ka soo iibsan jiray o intuu u yeedhay dadkii aan reer somaliland ahayn ee reer goday iyo gobolada dhexe casuumay u geeyey carabkii oo leh idinku carabka wax ka iibiya anagaa idiinka wakiilahe waxuu meeshaa ka saaray markuu adhiilayaashii reer somaliland ka takhalusay faashlayaashii adhiga ka soo iibsan jiray ********iya iyo gobolada dhexe ee reer somaliland oo uu lee yahay adhigiina nimankii idinka iibsan jiray halkoodii galoo carabkaad idinku xidhayaaye idimku hal koodii gala oo soo qaata hawd iyo gobalda dhexe Waa si aan qof reer somaliland ahiba adhiba uga baayac mushtarayn oo loo macaluulo xoolahooda aan la dhoofin iyana aanay wax dhoofin waa arrin xaqiiq ah oo dhacay oo Idris kiilo TVga Universal ka sii daayey,waxuu kaloo sheegay in markab cudur qaba lagu soo celiyey berbera warkaas oo aan la garanayn meel uu ka keenay, waa sida imminka riyaale leeyahayadhi cudur qaba yaan la dhoofin waa si dadka reer somaliland loogu sheego inay cudur qabaan. (b) markuu leeyahay maaxshar yaan la samayn waxuu u jeedda ganacsatadii reer somaliland ee e loo diiday maxsharkan inay xoolahoodu maraan oo intay isu tageen yidhi mid baan samaysanaynaa si xoolahayagu u dhoofaan oo uu ina idha deero hogaaminayo, waynu maqlaynay in xataa la yidhi berbera shirikadiisu haka baxdo ayaan dhawaydna la yidhi laascaanood ha ka baxo. m daahir riyaalaa ka hadli jiray manceeshad qaaliyawda isagaaba kow ka ah oo aan petrolkii jibine markuu leeyahay hoos ganacsatadu haw dhigto hana la daba gallo waa hanjabaad cad oo ku wajahan in indhadeero iyo waxuu keeno waxaasaanu ogayn in taa sabiguna arko ina dha deero iyo kuwa kalana waxaanu leenahay yaanu idin bajin ee ku qayliyo waa tuug oo wax ka fulaysane waana rafadkii u danbeeyey. 3-Waxuu ka hadlay in laga wada hadlo doorashadii baarlamanka oo leeyahay waxaa lagu heshiiyey markii ay dhacaysay doorashada baarlamnku tani ugu danayso oo ay temprary kuwa soo socdana laga wada hadlo. taasi waa ina wax kama jiraan dastuurkaa qoraya in baarlamaanka si rasmi ah loo soo doorto shantii sanadoodba waxuuse uga jeedaa oo u jeedada uu beryahanba la warwareegayey ay tahay inuu yidhaado baarlamaankani hayska joogo waayo xisbigiisaa u badan oo dabadeedna uu sameeyo arrin madhoodha ah ooaan sabiga lagu maaweelin karin, oo maxay ah in xisbiga baarlamaanka u badani madaxweynaha qaato oo aan doorashaba la samayn arintaana ay guurtidu soo saarto dadwaynahana aan foodba la waydiin oo wax wax doortaaba aanay jirin,waayo waxuu ogyahay hadii doorashada baarlamaanku dhacdo in aanu waxba helayn oo waxuu is leeyahay intan oo kale helimayside iyada iyo guurtida is la kaasho. 4-Waxuu ka hadlay oo uu yidhi siilaayo somaliweyn buu aaminsan yahay taasi waxa weeye habar dhaliweyday aleelo ku waalatay xaqiiqdu waxa weeye siilaanyo waa kii somalilandba jaray keenayna kuna dagaalmayey mudada dheer. Adiguse Daahiraw madaa joogay maalintii lagu dhawaaqayey miyaanad laascaanood u raacin cabdi asis Ali Bare oo aanad dhawrsano ka dib Mujaahid Abdiraman Ali warqad saamaxaada kuu qaadin war qarsooni xaaji waa yaryahay intana waa in is wada og somaliland joogtaa ee is hubso ayaanu ku leenahay kursigu yuu been kuu sheegine,ALLAW YAA KU DOOXOO HADANA AAN KU DILINOO WAXAAD DAMACSANTEE JIRA DEBADA ULA SOO BAXA. Siilayana waxaanu leenahay xaaji hadaladaas way ku qiima ridaysaa jawaabtoodu ee inaad u jawaabtaba maaha. 5-waxaa ku gebagebynayya Daahir afkiisa waxaynu mar walba ka maqalaa dalkay mucaaridku ka daadinayaan oo kala soocayaan waxaad u jeedaa reeraha labda baaloodbay diidanyahiin aan hadalka kuu cadeeyee taa waynu ognahay oo labada ku xigaaba waaba reerkiina taasi way kaa xidhantay hadaba micnahaaga dhabta ahi ma waxa weeye warning aad leedahay iska jira hadii aniga lay rido reerahaygu wey go,aane oo aad ummada dareensiinayso xanuun adiga ku jira dadka se arinkan aad ugu hanjabaysaa miyaanay ahayn kuwii labda oo taagan adiga ku saaray abaal xumidaa ma bisad baa tahay miyaanad xishoonayn dadkuse hadalka cunfiga ah ee khudbadaadii walba ku jira ma waxaad moodaysaa in aanay fahmaynin wuxuu yidhi ninkii jiray waxaad xumaanta u taqaan rag bay samahiisa tahay. 6- Waxaa xaqiiq ah in madaxweynuhu muda dheerba ku jiray siduu umada reer somaliland ugu qaybin lahaa berri iyo gelbeed Burco iyo Hargaysana colaad uga dhex beeri lahaa taa waxaa cadaynaya nimaka hargaysa ka ah badhasaabada, ku guurtida la socota iyo xisbigiisuba imminka waxay taarget ka dhigteen in mas,uuliyiinta qaranka lagu yidhaahdo waxaa tahiin reer burco oo fidmaa wadeen, waxaase ugu daran waxii horeba waa saleele ah mid aan geeridii nebigaba ogayn oo badw ah oo waxii lagu dheh oo aan si uu u dhigaba garanayn iskasoo xambaartay oo yidhi guurtida reer burcaa fidmo kula dhex jira ee kuwa reer Hargaysaa wanaasanaa.Ali asad iyo qolyahii hore si maldanbaabay arintaas u odhan jireene badawgan xarshin ka yimi baa ugu daran waxaanu ku leenahy SHINBIR DHARABTU MEEL AAR FADHIYO SHUUQDA KAMA DAYNE SHAFSHAFADA DUXDA AH LEEFAHA CID U SHAQAYNAAYA IYO SHURUNSHUUR MALAGIISU GALAY HAYSA SOO SHUBO. WA BILAAHI TAWFIIQ Abdulalim UDHIS U abdulalim55@hotmail.com
-
Sacad, widhwidh, meel kasta oo caalamka ka mid ah waa ka warheysaa oo cid na kuma gaaraso wararka lagu kalsoonayahy iyo kuwa ugu danbeeyey
-
Kulmiye Oo Magacaabay Ninkii Isku Xidhi Lahaa Donald Payne Mashruuciisa Iyo Kulmiye Washinghton, (Qarannews)-Xisbiga Kulmiye ayaa maalintii arbacdii ee todobaadkan magcaabay masuulkii isku xidhi lahaa arimaha siyaasada ee dhamaan xafiisyada iyo tageeryaasha uu xisbiga Kulmiye ku leeyahay dhamaan caalmka oo dhan. Masuulkani magacaabsitiisa ayaa ka soo baxday kulankii ay dhawaan wada galeen gudoomiyaha xisbiga Kulmiye oo uu ku weheliyay xoghayahiisa arimaha dibada iyo ninka aaminsan in Somaliland la kala diro oo la baabiiyo Congressman Donald Payne. Hadaba masuulkani ay hada magacaabeen xisbiga Kulmiye oo hore u ahaa raga tageersan ama garab istaagajiray kooxdii Imbigaati ee C/laahi Yusuf isla markaasina goobo badan ka sheegay in uu Somaliland ka soo hor jeedo oo uu aaminsanyahay habka fadaraalka in ay Somaliland la qaadato Somaliya inteeda kale, ninkani oo aan marnaba qarsan jirin mabda'iisa ku aadan Somaliweyn ayaa hada loo magcaabay xidhiidhiyaha mashruuca Congressman Donald Payne, iyo dhamaan xafiisyada Kuylmiye. Ninkani oo lagu magcaabo Cismaan Saxardiid waxa ay shaqadiisa ugu wayni noqon doontaa sidii loo hirgalin lahaa sidii xisbiga Kulmiye uu dalka ugu soo dabaali lahaa habka fadaraalka hadii ay ku guulaystaan doorshooyinka soo socda, waana ninka masuulka ka noqon doona miisaaniyada laga heli doono dadka ka soo hor jeeda gooni isu taaga Somaliland waana ninka isku xidhi doona tageeryaasha xisbigaasi ee gudha iyo kuwa dibada isga oo adeegsanaaya tabo badan oo ay ka danbeeyaan rag hore u cadaystay in ay yihiin cadawga Somaliland. Hadaba qoraalkii maalintii arbacadii ee todobaadkan uu soo saaray xoghayaha arimaha dibada ee xisbiga Kulmiye Dr Maxamed Abdilaahi Omar waxa uu ahaa mid shicibka Somaliland gaar ahaan tageerayaasha kulmiye lagu marin habaabin lahaa isla markaasina looga dadi lahaa xaqiiqda dhabta ah ee ka danbaysa magacaabista ninkaasi oo la siiyay ninka labaad ee ugu awooda badan arimaha dibada ee xisbiga Kulmiye. Qarannews Washinghton
-
Daahir Riyaale oo amar ku bixiyay Siilaayo inuusan soo gali karin Somaliland Waxaa xalay shir ku yeeshay Madextooyada Hargaysa Wasiiro iyo ragii ugu sareeyay dhinaca ciidamada somaliland. shirkaas ayaa waxaa la isla soo qaaday sidii dalka uusan ugu soo noqon lahayn Axmed siilaanyo oo ah guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ee kulmiye. intaas kadib ayaa qaar ka mid ahaa wasiirada shirka ku jiray ayaa aad ugu hor yimid. Kadib markii shirka laga soo baxay ayaa waxaa shir jaraa'id ku qabtay Madaxtooyada Wasiir ku xigeenka wasaarada Arimaha Dibada ee Maamulka isku magacaabay Somaliland, Axmed Keyse oo ay ku sugnaayeen Tv-ga dawladda maamusho, waxuu sheegay innuusan soo gali karin Axmed Siilaanyo dalka illaa uu warqad u soo qorto Daahir Riyaale, uuna amar ku siiyay dhamaan Ciidamada airportada innay qabtaan hadii uu yimaado. Mid kamid ah warsiirada shirka ka soo baxay oo ay WidhWidh Online la hoos carartay Microphone ayaa waxay waydiiyeen maxaa Axmed siilaanyo loogu diidan yahay inuu ku soo noqdo dalka, waxuu ku jabwaabay horta waxa caawa dhacay waa wax aan qaadan kari waayay, balse waxaan idiin sheegayaa in la yidhi waa somaliweyn ninkaasi iyo arimo kale. Wasiir ku xigeenka wasaarada Arimaha Dibada , Axmed Keyse ayaa ah nin asalkiisii ka tirsanaa xisbiga mucaaridka ee Asad, kidbna ku soo biiray Xisbiga UDUB ee uu hogaamiyo Daahir Riyaale, waxaase lala socon waxa ay keeni karto hadii arintani dhacdo. Maxamed Siyaad Faarax-(Kabaweyne) Hargaysa (Wariye Madaxbanaan) Radio WidhWidh
-
:::::::Sir Culus:::::::::: Mid kamid ah taliyayaasha saldhigyada Laascaanood oo fashilay Sir culus "Taliyaha Qaybta booliska Gobolka Sool Maxamed Saleebaan Gooni ayaa ka danbeeyay dilkii loogeystay Cismaan Macalin Faarax Cabdi(Suxufi) waxaana dilkan garab kusiiyay Daahir Rayaale Kaahin" Masaajidka Al-huda waxaa si kadis ah uga ka kacay mid ka mida taliyayaasha saldhigyada magaalada laascaanood, Gaar ahaan saldhiga koonfureed (daami) kaas oo dadka hortooda ka sheegay hadal dardaaran ah oo uu ku iftiiminayay hadiiba Lagu fuliyo fal la mid ah kii lagu khaarajiyay labadii taliye ee ciidamada cismaan Yuusuf Nuur (AFDHILO) iyo Suxufi cida ka danbaysa ee dhiigiisa loo qabsadaa tahay maamulka Rayaale. Taliyahan oo lagu magaacaabo Jaamac Tarshad ayaa wuxuu taliye ka yahay Saldhiga Daami ee magaalada laascaanood kaga yaala dhanka Koonfureed, taliyahan ayaa isagoo iftiiminaya cida uu ka cabsi qabo in ay khaarajiso waxa hadaladiisii ka mid ahaa Reer Laascaanoodow waad ogtihiinoo ilaa hada cid looma hayo Marxuum Suxufi, cid u xidhanina ma jirto, Waxaanse Idiin sheegayaa in aniga la igu daba joogo oo la doonayo in la i khaarajiyo, saas darteed waxaan maanta idin ogaysiinayaa cida hadii la i khaarajiyo falkaas ka danbaysa Waa Taliye GOONI iyo Rayaale. Ninkan uu magacaabay Taliyuha saldhigu ee uga shaki qabo in uu khaarajin doono ayaa ah Taliyaha Qaybta booliiska Gobolka Sool, iyadoo labadan taliyeba yihiin Raga u dhuun daloola xaalado badan oo shirqoolo ahaa iyo Dabino siyaasadeed oo la maleegay, hase yeeshee iyagii ay maanta is khaarajinayaan. Taliyuhu Markuu intaas sheegay waxaa sida la sheegay buuq iyo sawaxan is qabsaday Masaajidka iyadoo Xiligii taliyahani arinkaas sheegayayna uu Dhinaca ku sitay qori AK47 ah . Sidoo kale Taliyahan ayaa Mar kale u waramay warbaahinta madaxa banaan gaar ahaan Radio Widhwidh wuxuuna iisheegay in Dilalkaasi aanu Dhaafsanayn maamulka uu u shaqeeyo ee Daahir Riyaale Madaxda ka yahay. Waxaan sida la shegay weli jawaab ka bixin eedayntan ninka loo soo jeediyay ee Gooni oo ah Taliyaha qaybta booliiska Laascaanood < Widhwidh Online News Desk.........Media Center
-
Taliye ka Tirsan Beleyska Magaaladda Laascaanood oo Shaaca ka Qaaday Saraakiil Ciidammada ka ka Tirsani Qorshaynayaan inay si Qarsoodi ah u Dilaan. Saraakiil ka tirsan Booliska Somaliland oo isku Tuurtuuraya masuuliyadda qaraxyadii Laascaanood “Waxaanan Taliyaha Qaybta u arkaa inuu kow ka yahay cidda doonaysa inay i khaarajiso.” Taliyaha Saldhiga booliska koonfurta magaalada Laascaanood Laascaanood (Jam)- Taliyaha Saldhiga booliska koonfurta magaalada Laascaanood ee gobolka Sool Jaamac Cabdi Faarax, ayaa shaaca ka qaaday in Taliyaha Qaybta Booliska gobolkaasi uu u maleegayo shirqool la doonayo in isaga lagu khaarajiyo. Taliyaha Saldhiga Koonfurta Laascaanood waxa uu sheegay in la damacsan yahay in si hoose loo khaarajiyo sidii saraakiishii ka horreysa, balse markii uu ogaaday qorshahaasi uu ummadda ku wargelinayo oo aannu qarinayn, isla markaana uu fagaarayaal iyo masaajidaba kala hadlay dadka oo uu u sheegay shirqoollada la maleegayo. Mr. Jaamac Cabdi Faarax waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi xalay Idaacadda Horyaal la yeelatay, kaas oo uu kaga hadlay arrimo xaasaasi ah, isagoo ka marag-furay eedayn qaraabada Taliyihii Hawlgelinta Ciidanka Booliska gobolka Sool oo dhawaan lagu dilay magaalada Laascaanood ay ku sheegeen in dadkii dilay ay xidhnaayeen dirayska ciimadda Somaliland. Ugu horreyn Taliyaha oo la waydiiyey inay jiraan warar sheegaya inuu shalay masaajid kala hadlay dadka oo uu sheegay in ammaankiisu halis ku jiro, waxa uu ku jawaabay, “Haa, anigu meel fagaare ah ayaan ka hadlay, waxna ma qarin, waxaan arkay mishino badan oo aniga igu socda, waxaanan idhi waxaad ogaataan shacabow, wixii aniga i waxyeeleeya ama i dila inay yihii wixii dadkii hore layn jiray ee la garan la’aa. Raggii hore si qarsoodi ah ayaa loo dilay, aniguna hadda ilaalo ayaan iska hayaa.” Taliyaha oo la waydiiyey waxa ku dhaliyey dareenka iyo shakiga ah in la dilayo, waxa uu ku yidhi, “Anigu Somaliland baan ahaa, raggii halkan soo galay, laakiin Puntland baa madax nalooga dhigay, waxaan u jeedaa dad aan Somaliland asal ah ahayn oo laba shaadhle ah ayaa madax nalooga dhigay oo ah raggii markii horeba aannu magaalada ku dagaalanay. Markaa dagaalkii qoriga ahaa ee markii Somaliland soo gashay Laascaanood ka dhexeeyey dadkaa ayaa hadda siyaasad isku beddelay.” Taliyaha oo la su’aalay waxa ka jira in meelaha uu ka hadlay uu ka xusay rag saraakiil booliska ka tirsan oo uu ka mid yahay Taliyaha Qaybtu, waxa uu kaga jawaabay, “Anigu wixii aan sheego kama noqdo, way jirtaa, waanan caddaynayaa oo intaas oo jeer baan arkay, cid walbana waan la socodsiiyey oo intaa waxaan lahaa anigu sidan kuma jiri karo. Waxaanan Taliyaha Qaybta u arkaa inuu kow ka yahay cidda doonaysa inay i khaarajiso.” Isaga oo ka jawaabayey su’aal ahayd sida uu ku ogaaday in Taliyaha Qaybtu uu ka mid yahay ragga u qorshaynaya inay khaarijiyaan, “Waxaan ku oggaaday waxyaabo aan macquul ahayn ninkii raggiisii la laayey baa qaraxa ka dambeeyey oo saldhigiisii qarxiyey wax macquul ah iyo wax bani’aadam ku sheekeeyo midna maaha, haddii aan anigu wax qarxiyeyna ma joogeen hadda meeshaydii ayaan taaganahay oo saldhigaygii ayaan joogaa. Isaga ayaa arrintaa igu eedeeyey oo yidhi ha la baadho, markii laga wadahadlayna wuu dafiray.” Taliyaha Saldhiga koonfurta Laascaanood oo weriyihii waraysanayey waydiiyey in shirqooladii lagu dilay saraakiishii hore iyo arrinta uu sheegayaa xidhiidh leeyihiin, waxa uu yidhi; “Anigu naftayda ayaan ka hadlayaa, taa hore cid ku caddaynmaayo, laakiin shacabka waxaan ku idhi maadaama dadkii horeba la la’yahay aniga haddii arrintaasi igu dhacdo way caddaan doontaa in kuwii horena ay ku lug leeyihiin. Anigu ninkii islaam ah ee aan dilkiisa wax ka ogahay ma qariyeen, qarinamaayo, waxna kama ogi raggii la laayey. Meesha waxa ka jira waxaan la garanayn, kiis kasta oo dhaca waxa la odhanayaa dhinaca koonfureed ayaa ka dambeeya, iyadoo looga dan leeyahay Somaliland waxa keentay beesha Koonfurta Laascaanood ee ha la isku diro ayaan u arkaa.” Taliyuhu waxa uu sheegay in aannu ka warqabin halka ay marayaan baadhitaanada dilalkii hore ee loo gaystay saraakiishii ammaanka ee uu ka mid ahaa Taliyihii Qaybta 12aad ee ciidanka qaranaka iyo cid loo hayo toona. Ugu dambayntiina waxa uu xukuumadda iyo dadweynaha reer Somalilandba ugu baaqay inay il feejigan ku eegaan arrimaha ka dhacaya magaalada Laascaanood, isla markaana oggaadaan hadii isaga la dilo in dilkiisa uu masuul ka yahay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Sool. Source; Wargeyska Jamhuuriya.
-
http://www.somaliland.org/2010/01/22/laascaanood-sarkaal-ka-tirsan-ciidamada-booliska-oo-xukuumadda- ku-eedeeyay-inay-dil-u-maleegayso/ Hargeysa (Somaliland.Org)- Taliyaha Saldhiga booliska koonfurta magaalada Laascaanood ee gobolka Sool Jaamac Cabdi Faarax, ayaa shaaca ka qaaday in Taliyaha Qaybta Booliska gobolkaasi uu u maleegayo shirqool la doonayo in isaga lagu khaarajiyo. Taliyaha Saldhiga Koonfurta Laascaanood waxa uu sheegay in la damacsan yahay in si hoose loo khaarajiyo sidii saraakiishii ka horreysa, balse markii uu ogaaday qorshahaasi uu ummadda ku wargelinayo oo aannu qarinayn, isla markaana uu fagaarayaal iyo masaajidaba kala hadlay dadka oo uu u sheegay shirqoollada la maleegayo. Mr. Jaamac Cabdi Faarax waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi xalay Idaacadda Horyaal la yeelatay, kaas oo uu kaga hadlay arrimo xaasaasi ah, isagoo ka marag-furay eedayn qaraabada Taliyihii Hawlgelinta Ciidanka Booliska gobolka Sool oo dhawaan lagu dilay magaalada Laascaanood ay ku sheegeen in dadkii dilay ay xidhnaayeen dirayska ciimadda Somaliland. Ugu horreyn Taliyaha oo la waydiiyey inay jiraan warar sheegaya inuu shalay masaajid kala hadlay dadka oo uu sheegay in ammaankiisu halis ku jiro, waxa uu ku jawaabay, “Haa, anigu meel fagaare ah ayaan ka hadlay, waxna ma qarin, waxaan arkay mishino badan oo aniga igu socda, waxaanan idhi waxaad ogaataan shacabow, wixii aniga i waxyeeleeya ama i dila inay yihii wixii dadkii hore layn jiray ee la garan la’aa. Raggii hore si qarsoodi ah ayaa loo dilay, aniguna hadda ilaalo ayaan iska hayaa.” Taliyaha oo la waydiiyey waxa ku dhaliyey dareenka iyo shakiga ah in la dilayo, waxa uu ku yidhi, “Anigu Somaliland baan ahaa, raggii halkan soo galay, laakiin Puntland baa madax nalooga dhigay, waxaan u jeedaa dad aan Somaliland asal ah ahayn oo laba shaadhle ah ayaa madax nalooga dhigay oo ah raggii markii horeba aannu magaalada ku dagaalanay. Markaa dagaalkii qoriga ahaa ee markii Somaliland soo gashay Laascaanood ka dhexeeyey dadkaa ayaa hadda siyaasad isku beddelay.” Taliyaha oo la su’aalay waxa ka jira in meelaha uu ka hadlay uu ka xusay rag saraakiil booliska ka tirsan oo uu ka mid yahay Taliyaha Qaybtu, waxa uu kaga jawaabay, “Anigu wixii aan sheego kama noqdo, way jirtaa, waanan caddaynayaa oo intaas oo jeer baan arkay, cid walbana waan la socodsiiyey oo intaa waxaan lahaa anigu sidan kuma jiri karo. Waxaanan Taliyaha Qaybta u arkaa inuu kow ka yahay cidda doonaysa inay i khaarajiso.” Isaga oo ka jawaabayey su’aal ahayd sida uu ku ogaaday in Taliyaha Qaybtu uu ka mid yahay ragga u qorshaynaya inay khaarijiyaan, “Waxaan ku oggaaday waxyaabo aan macquul ahayn ninkii raggiisii la laayey baa qaraxa ka dambeeyey oo saldhigiisii qarxiyey wax macquul ah iyo wax bani’aadam ku sheekeeyo midna maaha, haddii aan anigu wax qarxiyeyna ma joogeen hadda meeshaydii ayaan taaganahay oo saldhigaygii ayaan joogaa. Isaga ayaa arrintaa igu eedeeyey oo yidhi ha la baadho, markii laga wadahadlayna wuu dafiray.” Taliyaha Saldhiga koonfurta Laascaanood oo weriyihii waraysanayey waydiiyey in shirqooladii lagu dilay saraakiishii hore iyo arrinta uu sheegayaa xidhiidh leeyihiin, waxa uu yidhi; “Anigu naftayda ayaan ka hadlayaa, taa hore cid ku caddaynmaayo, laakiin shacabka waxaan ku idhi maadaama dadkii horeba la la’yahay aniga haddii arrintaasi igu dhacdo way caddaan doontaa in kuwii horena ay ku lug leeyihiin. Anigu ninkii islaam ah ee aan dilkiisa wax ka ogahay ma qariyeen, qarinamaayo, waxna kama ogi raggii la laayey. Meesha waxa ka jira waxaan la garanayn, kiis kasta oo dhaca waxa la odhanayaa dhinaca koonfureed ayaa ka dambeeya, iyadoo looga dan leeyahay Somaliland waxa keentay beesha Koonfurta Laascaanood ee ha la isku diro ayaan u arkaa.” Taliyuhu waxa uu sheegay in aannu ka warqabin halka ay marayaan baadhitaanada dilalkii hore ee loo gaystay saraakiishii ammaanka ee uu ka mid ahaa Taliyihii Qaybta 12aad ee ciidanka qaranaka iyo cid loo hayo toona. Ugu dambayntiina waxa uu xukuumadda iyo dadweynaha reer Somalilandba ugu baaqay inay il feejigan ku eegaan arrimaha ka dhacaya magaalada Laascaanood, isla markaana oggaadaan hadii isaga la dilo in dilkiisa uu masuul ka yahay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Sool. Somaliland.Org Hargeisa News Desk
-
Madaxweyne Rayaale Oo Sheegay In Calaamatul Su’aal Saaran Tahay In Axmed Siilaanyo Aamin Sanyahay Gooni Isku Taaga Somaliland “Waxaaban Maqlaayey Meel Laga Waraystay Axmed Siilaanyo Inuu Lahaa, Anigu Faderaal Baan Aaminsanaa Qoraal Baanan Qoray Dadka Ayuun Baan Joojin Kari Waynay Oo Na Khasbay, Calaamutul Su’aal Baana Saaran Waxa Uu Aaminsan Yahay”
-
Soomaalidiidku Cabaad Badanaa MADAXWEYNE GEELLAA JABUUTI OO NOQDAY CADWGA KOWAAD EE SOMALILAND Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismacil Cumar Geelle ayaa muddooyinkii u dambey qorshayn arrimo lagu minjo xaabinayo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland ee haatan ka xasiloon dhulkii laysku dhan jiray Somaliya. Madaxweynaha Jamhuuriya Jabuuti ayaa dabayaaqadii sanadkii tagay kulmo la yeeshay madaxda jabhadda mucaaradka ku ah Somaliland ee la baxday SSC ,waxanna uu madaxwaynuhu Jamhuuriyadda Jabuuti sheegay inuu taageeri doono jabhadda SSC. Jabhadda SSC ayaa sanadkii 2009 lagaga dhawaaqay magaaladda Nayrobi ee xarunta wadanka Kenya hogaanka ugu sareeya jabhadda SSC oo maalmahanba booqasho dhaqaale uruuris ah ku joogay magaaladda Addis Abab ee xarunta dalka Ethiopia ayaa la sheegay inuu marlabadaad marti-qaadka ka helay madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismacil Cumar Geelle waxaanna wararka naga soo gaadhaya magaaladda Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti ay sheegayaan inay halkaasi gaadheen weftiga jabhadda maalinimadii shalay. Weftiga uu hogaaminayo madaxda sare ee jabhadda SSC DR Saleban Ciise Axmed Kaar (Xagla-Toosiye)oo uu weheliyo garaadka guud ee jabhadda Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa la filayaa inay dib ugu laabtaan magaaladda AddisAbab maadaama aanay u dhamaan hawlihii ay halkaasi u tageen . Weftiga jabhadda ayaa lafilayaa inay dib ugu soo laabtaan magaalooyinka Buhoodle iyo Holhol si ay uga qayb galaan shirka uga qabsoomaya magaaladda Holhol . Cadaawadda oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismacil Cumar Geelle u qabo jamhuuriyadda xasiloon ee Somaliland ayaa soo shaacbaxday ka dib markii uu sanadkii 2008 diiday inay dalka Jabuuti laga xuso munaasibadda 18 May maalinta qaranimadda Somaliland. Sidoo kalenna shirka jabhadda SSC ee lagu waday inuu ka dhaco magaaladda Holhol ayaa khilaaf hadheeyay ka dib markii ay garaadada Beesha Dhubantante ee Garowe ku sugani ay ku taleyeen in shirka laga wareejiyo magaaladda Holhol. Isku soo duuduuboo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa dhimbiil naar ah ku ah jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland taasi oo ay inta badan dadka reer Somaliland aanay dareensanayn. Saleban Sahal Jamac salosahal@hotmail.com Burco Somaliland tell:0025224343677 --------------- Dawlada Jabuuti Oo Hawlgashay Sidii ay Dagaalo uga hurin lahayd Gobolada Bari ee Dalka Somaliland Bristol-UK (Somali Voice) Xukuumada Jabuuti ee uu hogaamiyo kaligii taliye Ismaaciil Cumar Geelle ayaa geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii ay colaado hor leh uga hurin lahaayeen gobolada Bari ee dalka Somaliland, iyaga oo kaashanaysa Maamulka ******teeniya iyo kooxo ka tirsan Garaadada debad wareega ah ee Gobolka Sool. Warar sugan oo ay jariidada Somali Voice heshay ayaa tilmaamaya in Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu kulamo joogto ah oo aan kala joogsi lahayn la yeeshay Garaadada reer Sool ee debadwareega ah oo uu hor kacayay Garaad Jaamac Garaad Cali oo isagu ah nin si weyn uga soo hor jeeda Somaliland isla markaasna ahaa ninkii abaabulay shirkii fashilmay ee Nayroobi ay ku qabteen xubno qaxooti ah oo ku abtirsada Beesha Sool. Waxaana uu Ismaaciil Cumar Geelle ku dhiirri galiyay kooxahaas Somaliland ku kacsan inay dagaalo ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka bilaabaan gobolka Sool, maadaama aanay u babac dhigi karin Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland oo ah geesiyaal ka adag cadawga Somaliland. Sida ay ilo xogagaal ahi tilmaamayaan waxa uu Maamulka Ismaaciil Cumar Geelle go'aansaday in Colaad uu ku furo Somaliland si aanay fursad ugu helin horumarka dhaqaale iyo siyaaso ee sii xoogaysanaya ee Somaliland ay ku talaabsanayso maalinba maalinta ka danbaysa, waxaana uu Ismaaciil Cumar Geelle uu ka werwer qabaa in doorashooyinka Somaliland oo si cadaalad iyo nabadgelyo ah u dhacaa ay horseedi doonto aqoonsi buuxa oo Somaliland la siiyo, iyada oo Jabuuti u aragta Somaliland oo aqoonsi heshaa inay Jabuuti ka dhigi doonto gego laga hadaafay oo aan miisaan siyaaso iyo mid dhaqaale toona ku yeelan doonin Geeska Afrika hadii ay Somaliland noqoto qaran la aqoonsado. Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxa uu maanta iyo shalay kulamo googoos Jabuuti kula yeeshay Madaxweynaha Maamul Gaboleedka Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo imika ku sugan Jabuuti, waxaana ay ka wada hadlayaan qorshaha dhagareed ee uu Ismaaciil Cumar Geelle ku doono iyo Somaliland gudaheeda dagaalo lagaga huriyo. Hadaba Dagaalka cad ee uu maamulka Jabuuti kula jiro Somaliland oo ah mid aan cidna daah ka saarnayn ayaan ilaa imika Xukuumada Somaliland aanay wax war ah kasoo saarin, waxaana jira shaki weyn oo muujinaya in masuuliyiin sare oo ka tirsan xukuumada Rayaale ay qorshahan wax ka ogyihiin, iyada oo la is weydiin karo sababta ay xukuumada Somaliland ee loo dhaariyay ilaalinta amaanka qaranku aanay uga hadlin faragalinta qaawan ee uu kaligii taliyaha Jabuuti ku hayo Somaliland. Dhinaca kale waxaa jira dhul balaadhsi ay xukuumada Jabuuti ku doonayso inay ku hanato deegaano ka tirsan galbeedka Somaliland, waxaa sidoo kale socda qorshayaal lagu doonayo in ugaaska beesha Ciise lagu caleemo saaro degmada Saylac ee Somaliland, waana qorshayaal is daba taxan oo uu Ismaacil Cumar Geelle uga dan leeyahay inuu ku hantiyo qaybo ka mid ah deegaamada Somaliland isaga oo adeegsana habab kala duwan. Xukuumada Somaliland waxaa ku waajib ah inay degdeg uga hadasho gardarrada qaawan ee ay xukuumada Jabuuti ku hayso Somaliland, waxaana ku waajib ah inay dawlada Somaliland ku dhaqaaqdo talaabooyin lagaga hor tagayo falalka shaydaaniga ah ee Kaligii taliye Ismaaciil Cumar Geelle. Golayaasha Baarlamaanka Somaliland iyo Xisbiyada Qaranka ayaa iyagana laga sugayaa inay jawaabo ka bixiyaan farogalinta Jabuuti ay ku hayso Somaliland. Kaysar Cabdilaahi Bristol. UK kaysar@europe.com
-
Naxar, Halkan haa la imaan hadalada labada maangaab(Cali Baashe iyo Baashe Maxamed) The Garaad and Geelle's focus is peaceful settlement for all Somali issues, and it will always remain like that is because peace, unity and reconciliation is their top priorities. The cooperation between Geelle and Sheikh Shariif/PM Omar in one hand, and the cooperation between Gheelle and Garaad/Suleiman Xagla-toosiye on the other hand is in the interest of all peace-loving somali people, what you talking about??? President Geelle has tirelessly worked over the last 20 years to restore Somali Republic, as result he hosted numerous national conferences, from the first conference in 1991 to last one in January 2009 Hambalyo iyo bogaadin aan la soo koobi karin baanu u soo gudbinaynaa Madaxweyne Geelle iyo Shacabka Djibouti ee walaalaha ah, Geelle aad buu ugu mahadsanyahay dadaalada aadka u Badan ee uu sameeyey Dibu Hishiisiinta, Midnimada &Nabada Somaliya
-
www.jamhuuriya.info Madaxweyne ismacil cumar geelle oo noqday dhimbiil dab ah oo ku baxaysa jiritaanka somaliland madaxweynaha jamhuuriya jabuuti ismacil cumar geelle ayaa Muddooyinkii u dambey qorshayn arrimo lagu minjo xaabinayo jiritaanka jamhuuriyadda Somaliland ee haatan kaxasiloon dhulkii laysku dhan jiray somaliya madaxweynaha jamhuuriya jabuuti ayaa dabayaaqadii sanadkii tagay kulmo la yeeshay madaxda jabhadda mucaaradka ku ah Somaliland ee la baxday ssc waxanna uu madaxwaynuhu jamhuuriyadda jabuuti sheegay inuu taageeri doono jabhadda ssc jabhadda ssc ayaa sanadkii 2009 lagaga dhawaaqay magaaladda nayrobi ee xarunta wadanka Kenya hogaanka ugu sareeya jabhadda ssc oo maalmahanba booqasho dhaqaale uruuris ah ku joogay magaaladda addis abab ee xarunta dalka Ethiopia ayaa la sheegay inuu marlabadaad marti-qaadka helay madaxweynaha jamhuuriyadda jabuuti ismacil cumar geelle waxaanna wararka naga soo gaadhaya magaaladda jabuuti ee xarunta dalka jabuuti ayaa sheegayaan inay halkaasi gaadheen weftiga jabhadda maalinimadii shalay weftiga uu hogaaminayo madaxda sare ee jabhadda ssc DR:saleban ciise axmed kaar (xagla-toosiye)oo uu weheliyo garaadka guud ee jabhadda garaad jaamac garaad cali ayaa la filayaa inay dib ugu laabtaan magaaladda addis abab maadaama aanay u dhamaan hawlihii ay halkaasi u tageen . weftiga jabhadda ayaa lafilayaa inay dib ugu soo laabtaan magaalooyinka buhoodle iyo holhol si ay uga qayb galaan shirka uga qabsoomaya magaaladda holhol . cadaawadda oo madaxweynaha jamhuuriyadda jabuuti ismacil cumar geelle u qabo jamhuuriyadda xasiloon ee Somaliland ayaa soo shaacbaxday ka dib markii uu sanadkii 2008 diiday inay dalka jabuuti laga xuso munaasibadda 18 may maalinta qaranimadda Somaliland sidoo kalenna shirka jabhadda ssc ee lagu waday inuu ka dhaco magaaladda holhol ayaa khilaaf hadheeyay ka dib markii ay garaadada beesha dhubantante ee garowe ku sugani ay ku taleyeen in shirka laga wareejiyo magaaladda holhol isku soo duuduuboo madaxweynaha jamhuuriyadda jabuuti ayaa dhimbiil naar ah ku ah jiritaanka jamhuuriyadda Somaliland taasi oo ay inta badan dadka reer Somaliland aanay dareensanayn
-
Sarkaal Sare Oo Ka Tirsan Booliiska Somaliland Oo Caawa Lagu Dilay Badhtamaha Lasanod Online Laascaanood,(Lasanod Online)- Waxaa goor dhowayd toogasho lagu dilay badhtamaha magaalada Laascaanod,sarkaal sare oo ka tirsan Ciidanka Booliiska Somaliland. Sarkaalkan ayaa lagu dhexdilay suuqa Wadhacda oo ku yaala badhtamaha magaalada, iyadoo dilka sarkaalkan ay gaysteen koox hubaysan oo baxsaday markii ay dilka gaysteen. Allaha ha u naxariistee ninkan dhintay oo lagu magacaabi jiray Cismaan Macalin Faarax Cabdi(Suxufi), ayaa ahaa hogaanka abaabulka Booliiska horeyna u ahaan jiray nin ganacsadaa oo ka tirsan ganacsatada magaalada Laascaanood- Warar lagu kalsoonyahay oo kasoo baxaya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in dilkan sarkaalkan ay gaysteen 5 nin oo hubaysan,kuwaasoo ku dhexdilay suuqa wadhacda gudihiisa. Qaar kamid ah shacabka magaalada Laascaanood ayaa noo xaqiijiyay in sarkaalkan la dilay uu kasoo baxay salaadii cishe masjidu Nuur, isagoo marayay wadada gurigiisa tagtana halkaas lagu dilay. Lama oga cida ka danbaysa dilka sarkaalkan balse arrintan ayaa shacabku ku tilmaameen mid la xidhiidha xaalad nabadgelyo xumo ee beryahan kusoo kordhay magaalada Laascaanood.. Sarkaalkan la dilay ayaa isagu dhalasho ahaan kasoo jeeda deegaanka Ceegaag ee SSC.
-
Xuquuqda waraysiga waxaa iska leh oo aanu ka soo xiganay website-ka www.ceegaag.com. Lasanod Online: Yaa Ka Danbeeyey Dilkii Marxuum Suxufi? Waraysi Marxuumka Walaalkii-(Maqal)- Laascaanood,(Lasanod Online)- Maxamed Macalin Faarax oo ay walaalo yihiin marxuum Suxufi oo dhowaan lagu dilay magaalada Laascaanood, ayaa waraysigan ku sheegay.. Cidda lagu tuhmayo dilka marxuumkaas iyo meesha ay marayso baadhitaankii dadka ka danbeeyey falkan dilka ah. Halkan ka Dhegayso Waraysigii Maxamed Macalin Faarax Source:Ceegaag Xafiiska Wararka Lasanod Online
-
Beesha Bariga Burco Iyo Dilkii Suxufi Iyo Waraysi Ceegaag.com La Yeeshay Marxuunka Walaalkii Laascaanood(Jidbaale.com):-Tan iyo intii uu dhacay dilkii Suxufi ayaa waxaa jiray warar isa soo taraya oo sheegaya in dilka suxufi ay geysteen malesyhiyaad ka tirsan beesha bariga Burco, ka dib markii ninkan la dilay aad ugu dooday in la sii daayo tiro yar oo ka mida dadkii buux dhaafiyay jeelasha Laascaanood oo wax denbi ah lagu waayay. Sida ay ku warameen dad goob joogayaal ahi dilka waxaa geystay shan nin oo lebisnaa tuutaha ciidanka kuwaas oo marxuunka ooda kaga qaaday rasaas ilaa afar xabadoodna jidhkiisa la helay. Raga dilka geystay ayaa la sheegayaa inay aad uga cadhoodeen maxaabiistan oo ay hab qabiil ugu ilaashanayeen xabsiga Laascaanood ee ooda laga qaaday. Sida la wada ogyahayna dadka ku jira jeelasha magaaladu waxay u xidhanyihiin beesha Bariga Burco, ka dib markii ay beeshaasi shir kaga go`aansatay in dadka maleeshiyadoodu soo xidhxidhay la saaro maxkamad miletery. Halkan ka Akhri Go,aamada Beesha Bariga Burco Ku Saabsan Shacabka Ku Jira Xabsiga Laascaanood. Dhanka kale waxaa jira warar tibaaxaya in dilka ka hor ay jireen hanjabaado qaar maleeshiyada Burco ka tirsani ti toosa ugu gudbiyeen Suxufi. Dad goob jooga yaa sheegay in ragii dilka geystay ay isla markiiba u baxeen dhinaca waqooyi iyagoo toos ugu gudbay deegaanka ay ka soo jeedaan ee beesha Habarjeclo, iyadoo gacankudhiiglayaashaasi ay mareen jidka laamiga ah ee isku xidha Laascaanood iyo Burco maadaama aanay wax cabsiya ka qabin oo ay gacanta iyagu ku hayaan. Waxa intaa dheer in warbaahinta beesha Habarjeclo bilawday dadaalay ku doonayaan inay ku majarehabaabiyaan beesha SSC iyagoo doonaya ina abuuraan kala shaki iyagoo og inay ku badbaadikaraan keliya hurin colaad SSC gudaheeda ah. Dhinaca kale webka Ceegaag.com ayaa waraysi uu la yeeshay marxuunka lagu dilay magaalada Laascaanood walaalkii oo lagu magacaabo Maxmed Macalin ayaa sheegay in marxuunka la dilay iyo maamulka hargeysa xubno ka tirsani aad isugu kacsanaayeen, iskuna qabteen dadka deegaanka ee sida xun loola dhaqmayo,wariyaha Ceegaag.com oo weydiiyey marxuunka walaalkiis in khilaafka marxuunka iyo maamulka hadda Laascaanood ku sugan ay xidhiidh leeyihiin dilka loo gaystay Suxufi ayuu waxa uu sheegay in aanu dilka Suxufi fogayn sababahaasi. web'>http://www.ceegaag.com./Qoraalada/2010/Jan%202010/Max%27ed%20Macalin%20Faarax.mp3]web page Source: Xuquuqda waraysiga waxaa iska leh oo aanu ka soo xiganay website-ka www.ceegaag.com.
-
Xukuumadda oo Xayiraad ku soo Rogtay Xarunta Baarlamanka Cutubyo boolis ah oo xannibay jidadka, saxaafadda oo laga xarrimay inay foodda geliyaan & Xildhibaannada Guurtida ee Sh. Nuux Horkacayey oo Fadhiga ka Muquurtay iyo weedhihii Saleebaan gulaha ka dhex akhriyey oo Jamhuuriya helay Hargeysa (Jam)- Xukuumadda Madaxweyne Rayaale, ayaa subaxnimadii hore ee Sabtidii xayiraad ku soo rogtay xarunta Baarlamanka Somaliland, isla markaana saxaafadda ka xarrintay inay foodda geliyaaan fadhigii Golaha Guurtida ee shalay oo xambaarsanaaa xasaasiyad iyo xiisad kulul oo ka dhex oogan mudanayaasha Aqalka Odayaasha. Xarunta labada gole ee Guurtida iyo Wakiillada, ayaa subaxnimadii hore ee shalay loogu waabariistay jewi xasaasi ah iyo ciidamo tiro badan oo ku wareegsan, isla markaana dhaqaaqa gaadiidka laga xannibay dhammaan jidadka kal duwan ee ku dhow xarunta Baarlamanka. Arrintan oo loo aanaynayo inay salka ku hayso xiisadda ka dhex aloosan Golaha Guurtida, ayaa shalay subax xaaladda ka dhigay mid taagtaagan iyo jewi cakiran, kadib markii ciidammada tiro badan lagu xeeray xarunta Baarlamanka, sidoo kalena waxa la xidhay gebi ahaanba jidadka laamiga, gaar ahaan waddada laamiga ah ee hormara xarunta Madaxtooyada oo labada dhinacba dhaqdhaqaaqa gaadiidka laga xayiray, marka laga reebo baabuurta dawladda, iyadoo guud ahaanba laga joojiyey inay maraan gaadiidka dadweynaha, balse loo oggolaa oo keliya baabuurta dawladda. Sidoo kale, bahda kala duwan ee warbaahinta ayaa laga mamnuucay inay foodda geliyaan Baarlamanka, kuwaasoo tan iyo duhurkii ciidammada ammaanku ku hortaagnaayeen kadinka hore ee xarunta labada gole Baarlaman. Xannibaadda lagu soo rogay xarunta Baarlamanka oo aan si cad loo ogayn sababaha keenay, balse loo aanaynayo in ay ka dambaysay saq iyo baqdin xukuumaddu ka qaadday tallaabooyinka uu qaadi doono Guddoomiyaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan oo Jimcihii dalka ku soo laabtay xilli golihiisu dhex dabbaalanayo khilaaf si weyn u kala qaybiyey, isla markaana uu subaxnimadii hore ee shalay tegay xarunta golaha oo aanay ka soo daahirin badi mudanayaasha muxaafidku, balse u cammirnaa oo keliya xildhibaannada mucaaradka ah ee Guurtida. Sidoo kale, waxa iyagana aan shalay golaha ka soo daahirin Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad Md. Sheekh Axmed Sheekh Nuux Furre, halka Guddoomiye-ku-xigeenka labaadna intuu golaha galay isla sikinno gudahood kaga baxay. Sidoo kale, Guddoomiye-ku-xigeenka 2-aad ee Guurtida Md. Siciid Jaamac Cali oo isagoo dayrka hore ee Baarlamaanka maraya suxufiyiintu wax ka waydiiyeen halkay wax marayaan, ayaa si cadho leh u yidhi; “Golaha ninkii lahaa waakaas ku jira ee orda weydiiya waxaad aniga i weydiinaysaan.” Hadalkaas oo uu ula jeeday Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan oo isagu subaxnimadii hore ee shalay dhex fadhiistay golaha. Md. Saleebaan oo saacado kadib dibadda uga soo baxay golaha, ayaa isagoo qaar ka mid ah warbaahinta madaxbannaan ugu warramayey gurigiisa, waxa uu sheegay inay wax kasta oo jira wadahadal ku dhammaynayaan, ranaynayana in isfaham ka dhexdhaliyo golaha, haddii cid wax kala tirsanaysaa jirto. Inkasta oo fadhiga shalay ee Golaha Guurtida saxaafadda laga horjoogsaday, ayaa hadana waxa Jamhuuriya u suurto gashay inuu helo codka hadalkii Salaabaan Maxamuud Aadan u jeediyey mudanayaashii madasha fadhiyey, kaasi oo u dhignaa sidan; “Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad waa kii halkan [Golaha Guurtida] ka lahaa, sidaan warbaahinta ka maqlay maamulkayaga ayaa is-haya, annaga ayaa dhexdayada ka soo heshiinayna, goluhuna wuu oggolaaday, anigu taa haddaba ogi, haddaan anigu is-hayno goluhuna wuu qaybsami, golaha qaybsanina ummad ma hagi karo, ilko wadajir ayey wax ku gooyaan. Waxaanna wax qaban kara Gole u midaysan horumarinta dadka iyo dalka, mawaadicda iyo aragtida ha lagu kala duwanaadee. Golaha dadkaa leh, dadkaan u adeegaa, markaa waa in aynu dadkii u adeegnaa, sida aynu iminka galnayna shaqsiyaad iyo qaran ahaan midna u dan maaha, wixii aynu raadinayaa waxa weeye, markii la yidha waxa qaybsan maamulkii aynu wax isla meel dhigno. Rag badan oo markii golaha la soo galay fadhiyey waxay yidhaahdeen Goluhu isma hayo, waa Illaahay mahadii haddii aannu goluhu is hayn oo uu caafimaad qabo, waxaanse leeyahaya wixii aynu kala tabanayno waynu isku sheegi, hawshii qarankana waa inaynu degdeg u galnaa, goluhuna wuu furan yahay, maalin walbana waa la imanayaa, shirguddoonadiina waa inaan doonaa, Xoghayaha Guud waxa uu saaka (shalay subax) igu lahaa Sheekhii (guddoomiye-ku-xigeenka 1aad) wuu xannuunsan yahay, Illaahay ha caafiyo, markaa waxay ila tahay, annaguna waannu is doonani, maanta ilaa caawa (shalay iyo xalay) waa in aannu is helnaa. Wixii turxaan ahna waa inaynu ka saarnaa golaha Ilaahayna waxaan ka baryeyaa inuu saxalka innaga saaro caal baad moodaa inuu ina soo galaye. Abaaro ayaa jira, saddexdeenaa gole khilaafaadka ka dhexeeya ayuun baa ummadda kala qaybinaya, ummaddu ma qaybsami karto haddii ay saddexdaasi is raacaan, ummaddeenana aynu dhowrano oo aynu dhaqano, waxa iga go’an in goluhu ahaado gole wada shaqaynaya oo ujeeddo iyo horumar leh, golayaasha kalena intii awood ah qaybtayda aan ka qaato sidii waxan looga bixi lahaa ee rugta toosan loo qaadi lahaa.” Guddoomiyaha Guurtida oo Xorriyadoodii u soo Celiyey Mudanayaal Ku-xigeenkiisu ka Xayiray Xarunta Golaha Hargeysa (Jam)- Guddoomiyaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa si rasmi ah shalay xayiraadda uga qaaday afar mudane oo hore Guddoomiye-ku-xigeenkiisa 1aad Md. Sh. Axmed Sh. Nuux Furre ugu soo rogay xannibaad uu kaga mamnuucay inay foodda geliyaan xarunta Golaha Guurtida badhtamihii toddobaadkan. Sidaa waxa lagu caddeeyey qoraal Guddoomiye Saleebaan shalay u diray Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland Jen. Maxamed Saqadhi Dubbad oo uu ku wargeliyey in afarta xildhibaan ee xayiraaddu saarnayd oo kala ah; Cabdilaahi Ibraahim Xirsi (Dhugad), Md. Aadan Shire Faarax, Md. Cawil Xuseen iyo Sahal Iidle Dirir ay laga bilaabo isla Sabtidii shalay fasax u yihiin hawlahooda shaqo ee golaha. Qoraalka Guddoomiyaha Guurtidu xorriyadooda ugu soo celiyey xildhibaannada ku-xigeenkiisu ka xayiray xarunta Aqalka Odayaasha oo nuqul ka mid ah Jamhuuriya helay, waxa uu u qornaa sidan: ““Waxaan kugu wargelinayaa in mudanayaasha xayiraadda laga saaray Golaha Guurtida laga qaaday xayiraadii fasaxna ay u yihiin inay soo galaan xarunta Golaha laga bilaabo manta [shalay] oo ay taariikhdu tahay 16 Jan 2010. Magacyada mudanayaasha Golaha Guurtida 1-Cabdillaahi Ibraahim Xirsi 2-Aadan Shire Faarax 3-Sahal Iidle Dirir 4-Cawil Xuseen Axmed. Sidaa darteed, waxaan mar labaad mudane idinku adkaynayaa in mudanayaasha aan laga celin xarunta Golaha Guurtida.” Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad Md. Sheekh Axmed Sh. Nuux Furre, ayaa Salaasadii toddobaadkan soo saaray qoraal uu ciidammada ammaanka kaga dalbaday in afartaas xildhibaan laga horjoogsado xarunta Guurtida, kuwaasoo uu ku eedeeyey inay sabab u yihiin khilaaf ba’an oo dhinaca awoodda ah ka dhex qarxay Guddiga Joogtada ah iyo labada guddoomiye-ku-xigeen oo iyagu golaha hoggaaminayey ka hor intii aannu Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan dalka ku soo laaban Jimcihii la soo dhaafay, arrintaasoo sababtay in albaabada loo xidho Golaha Guurtida Jamhuuriya Online
-
Wasiir Cawil Oo Loo Diiday Fiisihii Dalka Maraykanka Hargeysa January 17, 2010 (Somaliland.Org) Wasiirka maaliyadda ee Somaliland Md. Xuseen Cali Ducaale (Cawil) ayaa la sheegay in safaaradii Maraykan ee Ethiopia u diiday fiisahii Maraykan oo uu ka dalbaday intii uu halkaa joogay. Safarkan uu Wasiirku hore ugu kicintimay Ethiopia, ayaa ahaa mid gabi ahaanba laga qariyay saxaafada dalka. Isla markaana aanay war u hayn masuuliyiin badan oo iyagu ka tirsan xukumada Riyaale. Hadaba shabakada Somaliland.Org ayaa waxaa ay xogag ay ka heshay Ethiopia u xaqiijiyeen in Wasiir Xuseen Cali Ducaale uu dalbaday mudadii uu halkaa joogay fiisaha dalka Maraykanka, waxaana la sheegay in fiisahaa loo diiday Wasiirka. Inkasta oo aan cadeen sababta loogu diiday Wasiirka fiisaha. Socdaalka safarka Cawil ee hore ugu tagay Addis, ayaa dad badani waxa ay la xidhiidhinayaan mid lagu raadraacayo safarkii Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md. Ahmed Mohamed Silanyo dhawaan ugu kicintimay Maraykanka. Dhinaca kale, Ahmed Silanyo ayaa lagu wadaa in todobaadka soo socda la kulmo saraakiil sar sare, oo ka socda Wasaarada Difaaca ee Maraykanka, iyaga oo ka wada hadli doona xaalada siyaasadeed ee Geeska, waana markii gu horeesay ee Xisbi Mucaarid ihi la kulmo masuuliyiin sarsare, oo iyagu ka tirsan dalka Maraykanka. Somaliland.Org Hargeisa, Somaliland
-
Afhayeenkii Hore Ee Alshabaab Mukhtaar Roobow Muqdisho, January 2010 (W.Wararka) - Xarakada Al-Shabaab oo maalmihii ugu dambeeyey waday dhoolatusyo Milateri iyo qaban-qaabo dagaal ayaa sheegay inay guud ahaan la wareegayaan dalka Soomaaliya, kuwaas oo intaa ku daray inay gaadhsiin doonaan Shareecada Islaamka oo lugu maamuli doono.Afhayeenkii hore ee Al- Shabaab Muqtaar Roobow Cali (Abu-Mansuur), lana rumeysan yahay inuu hada hayo mid ka mid jagooyinka ugu sareeya Al-Shabaab ayaa shaaca ka qaaday inay hadda diyaar u yihiin duulaamo ay ku qaadaan goobaha uu sheegay in lugu xukumo Dastuur gaalaadka waxa ugu yeedhay, waa sida uu hadalka u dhigaye. Muqtaar oo la hadlayey Warbaahinta gobalada Koonfureed ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in Kitaabka Alle lagaadhsiiyo Soomaaliya oo dhan, isagoo u dardaarmay Shacabka Soomaliyeed inay gacan siiyaan Al-Shabaab. Abu-Mansuur wuxuu aad ugu hanjabay Maamulada Puntland iyo Somaliland oo uu ku eedeeyey inay raaligaliyaan dawladdaha Itoobiya iyo Reer galbeedka, isagoo ku eedeeyey inay ka tageen Shareecada Islaamka, waa sidda hadalka u dhigaye, kaas oo ku tiraabay inay gaadhi doonaan gobaladaasi. Marar badan ayay Al- Shabaab u hanjabtay Puntland iyo Somaliland oo ay sheegtay inay cadow ku yihiin dadka Soomaaliyeed, xidhiidhna uu kala dhaxeeyo dawladda Itoobiya, waxa ayna sheegeen inay wadaan wadiiqo kasta oo ay kula dagaalamayaan Maamuladaasi, oo ay sheegeen deegaanada ay ka taliyaan in ay ka dhisi doonaan Imaarad Islaami ah. Afhayeenkii hore ee Al- Shabaab Muqtaar Roobow Cali (Abu-Mansuur) ayaa sheegay in ay dawladdaha Reer galbeedku ay Soomaaliya kala qeybiyeen, una kala bixiyeen magacyo kala gedisan, wuxuuna cambaareeyey magacyadaas oo ula jeeday Magacyada ay ugu dambeyso Land, isagoo tibaaxay in ay Al- Shabaab ka war keeni doonto Land, waa sida uu hadalka u dhigaye. Mar la weydiiyey Muqtaar Roobow sida ay u arkaan Calamada Puntland iyo Somaliland ay sameysteen ayuu sheegay inay taasi tahay ka mid tahay talaabooyinka ay ku qaadanayaan Maamuladaas inay soo fogeeyaan ayuu yidhi shacabka ku nool deegaanadooda, isagoo sheegay in aanay Xarakadoodu ogoleyn wax aan ahayn calamada Cadaanka iyo Madowga ee ay adeegsato Al- Shabaab. Hanjabaada Afhayeenkii hore ee Al- Shabaab Muqtaar Roobow Cali (Abu-Mansuur), hadana ka mid ah Madaxda ugu sareysa Al-Shabaab ayaa ku soo beegmaya, xili ay hore u sheegeen Siyaasiin Soomaaliyeed in Puntland iyo Somaliland ay la kulmi doonaan weeraro uga yimaada Al-Shabaab oo hadda gobalada dhexe ee dalka Soomaaliya kula hardamaysa Ahlu Suna Waljameecah. Ahlu Suna ayaa todobaadkan sheegay in ay og yihiin in haddii ay Al- Shabaab soo dhaafeen Galguduud ay ku wajahan yihiin magaalada Gaalkacyo, ka dibna ay weerari doonaan Puntland iyo Somaliland, iyagoo ka codsaday Maamuladaasi taageero deg deg ah oo dhinac walba ah.
-
Qofku haduu yahay beenaale sida redsea, waa inuu isku dayaa inuu sheego been run u eeg, lakiin been cad oo sal iyo raaad laheen, waa maangaabinimo ta ugu liidata Historically, a separate and independent country called Somaliland never existed. Secessionists claim 30 countries recognized imaginary country called Somaliland but they don't have any evidence, and not a single country in the world can validate their lies. also, they don't have the complete list of those 30 countries. In addition, International Organizations like United Nations never recognized a country that never existed. Now Redsea is claiming that Somaliland became independent in May 1960 that is how you know he is lying. British Somaliland colony received independence on 26 June 1960, and on that night the blue flag of Somalia replaced the British flag. Kana siib kana saar, so even on those 4 day between 26 June and July 1 the territories of former British Somali colony was part of Somalia. The question is why would any country recognize a territory that doesn't have a separate flag and head of state (president/king)?