Liibaan
Nomads-
Content Count
4,722 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Liibaan
-
Mr. Somalia Hada waxaa latimi sheekadii caruuta ee ku sheekeen jireen Cadde iyo Faroole in Puntland mas uuliyada ka saarneen dhulka maqan, oo ah xaabsade baa qabsadey iyo qabiilka SSC baa kala qeybsan, waxaa waa nonsense Runta ma larabaa Maamul/jabhad qabiilka snm baa dagaal kusoo qaaday Gobolada SSC, Shacabka SSC waxa ee isku haleenayaan Maamulka Puntland 1998 sababta ugu weyn ee shacabka SSC ugu biireen Puntland waxa ee aheed sidii looga difaaci lahaa Gobolada SSC somalidiidka, hadii maamulka Puntland uu ku fashilay arrintaa, shcabka SSC Puntland waa ee ku khasaareen Calaa kuli xaal, si kasta ha wax ha u dhacaane, hada Shacabka SSC waxa ee ku tashadeen in maamulka Puntland waxba laga sugin ee ayagu gacmahooda ku xoreeyan dhulkooda oo ee jabhad sameestaan, no more waiting Puntland Markaa Mr. Somalia hadii Shacabka SSC ee xoreeyaan dhulkooda? maxee ku falayaan Puntland waxba tareen Hadalkii oo kooban, bal anagaa xoreena dhulkeena bal reer Puntlandow naga daaya lugooyada iyo qashqashaada, bal idinku dhibta naga daaya Shacabka SSC waa tashadeen , oo waa is afgarteen, oo hada waa diyaar garoobeen, oo hurdadii waa ka kaceen. Shacabka SSC waa ku heshiiyeen Buuro Wadal, Hogaan bee sameesteen, Parliament (Khusuusi) bee sameesteen, Ciidaanka SSC baa la abuuray, Sanduuq lacageed baa la furay, Shacabkii gudaha ee Laacaanood, Buuhoodle, Boocame, Buura Wadal, Xudun, etc iyo Jaaliyadihii dabada laga bilaabo Sydney ilaa Dubai, Nairobi, London, Minneapolis, dhamaan shacabkii gacmaha bee is qabsadeen oo waa heegan
-
Mr. Somalia, Walaalo, Puntland waanu ka quusanay, rajo malaha, marna cadde, marna waa faroole, kala daran Cadde iyo Faroole labaduba waa diideen inay ayagu xoreeyaan ama caawiyaan shacabka Laascaanood iyo SSC hada shacabka SSC waxa ee garteen inay ayago isku tashadaan ee waxba ka sugin Puntland, 2 sano iyo badh ayee Puntland ka lumisay Puntland shacabka SSC Markaa reerka hadii aad runta u sheegtaan in Puntland ee daacad ka tahay inay Laascaanood xoreeso ama in Puntland ee diidan tahay inay xoreeso Laascaanood, reerku kama xanaaqayo runta, waayo runta lagama xanaaqo Lakiin reerku waxey ka xanaaqeen beenta, khaa-in-nimada iyo munaafaqnimada Cadde iyo Faroole Sida ee video ga ku sheegeen shacabka Buuhoodle ee mudaharaadayey Dadka Puntland waa dad aanu walaalo nahay oo aanu wada dhalanay,oo wax badan bey wadaagaan Puntland iyo SSC, sida hal wadan, hal calan, midnimada dalka, etc Markaa dadka SSC marna kama maarmayaan dadka Puntland, lakiin Maamulka Faroole waa laga maarmay oo looma baahna
-
Boocame Online: Mudaharaad Lagaga soo horjeedo maamulka Faroole oo ka dhacay magaalada Buuhoodle Mudaharaad Lagaga soo horjeedo maamulka Faroole oo ka dhacay magaalada Buuhoodle. Waxaa maanta magaalada buuhoodle ka dhacay mudaharaad balaadhan oo loogasoo horjeedo maamulka C/raxmaan faroole ee ka arimiya magaalada garoowe mudaharaadkaasi oo ay ka qayb qaateen dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada kunool magaalada Buuhoodle. Dadwaynahan mudaharaadayay ayaa waxay wateen Boodhado ay ku qoran yihiin halku dhigyo kaladuwan oo ay ku muujinayaan taageerada balaadhan ay uhayaan midnimada Gobolada SSC waxayna dadwaynahan mudaharaadayay socdaal dheer oo luga kusoo wada mareen wadooyin waaway ee dhexmara magaalada Buuhoodle. Dadwaynahan ayaa intii ay soconayeen waxay ku dhawaaqayeen halku dhigyo ay kamid ahaayeen , Doonimayno Maamulka Puntland, Doolar qaate dooni mayno iyo halku dhigyo kale oo ay ku canbaaraynayaa horgalada maamulka faroole usoo diray magaalada Buuhoodle si ay usoo kala furfuran shacabwaynaha deegaanka Buuuhoodle. Socdaalkaasi dheer kadib ayaa dadawaynahan mudaharaadayay waxay isuugu yimaadeen fagaaraha hore ee dugsiga darwiish halkaasi oo ay kula hadleen masuuliyiin tiro badan kuwaasi oo dhamaantoodba maamulka C/raxmaan Faroole uga digay faragalinta uu kuhayo danaha gobolda SSC , halka masuuliyiintaasi qaarkkkodna ay ku nuux nuux sadeen in ay inaanayso isku dhac ka dhex dhasha beelaha ***** ee hadeer walaalaha ah hadii uu maamulka faroole faraha kala bixiwaayo arimaha dib usoo celinta gobolada ilaa iyo haatan ku maqan dayaca Maamulka Puntland. Sidoo kale waxay masuuliyiintii halkaasi ka hadashay aad ugu mahad naqeen shacabka deegaanka caabud-waaq oo ay sheegeen inay iyagu muujiyeen walaaltinimadii iyo wada dhalashadii uu garan waayay maamulka Faroole kuwaasi oo soodhaweeyay hogaanka Gobolada SSC Dr,saleebaan Ciise Axmed iyo Cali Xasan Axmed , una ogolaaday inay deegaankooda kazoo dagaan. Dhanka kaleqaar kamida dadwaynihii mudaharaadkaasi kazoo qayb galay oo aanu waxka waydiinay ujeedada mudaharaadkan maanta ku dhalisay ayaa waxay ii sheegeen inay dareenkooda ku muujinayaan, iyadoo warbahinta qaar dhawaan laga baahiyay in shacabka Buuhoodle ay taageersan yihiin maamulka Faroole ayaa waxay ii xaqiijiyeen in mudaharaadkan ay ku muujinayaan inaysan marnaba taageero uhayn maamulja Faroole iyagoo arintaana ku tilmaamay wax laga xumaado. Iskusoo wada duuboo mudaharaadkan maanta oo soconayay mudo saacado ah ayaa waxuu kusoo gabo gaboobay jawi qurux badan manajirto ilaa iyo haatan wax khasaare ah oo cidnaba kazoo
-
Waa runtaa CHE, Kan Xunjuf ladhaho suu isku lahaa Soomaali ka carar buu somaalidiid noqday, oo afkiisi badalay, afkiisa hada soomali kale ma fahmeed, somalidiidku hadaa noola yimaadeen Israel baanu walaala nahay, Cigaal warqadiisii bey wali daba socdaan baan maqlay
-
Mudaharaad aad Weyn oo Lagaga Soo Horjeedo Maamulka Faroole oo ka Dhacay Magaalada Buuhoodle Waxaa maanta magaalada buuhoodle ka dhacay mudaharaad balaadhan oo loogasoo horjeedo maamulka C/raxmaan faroole ee ka arimiya magaalada garoowe mudaharaadkaasi oo ay ka qayb qaateen dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada kunool magaalada Buuhoodle. Dadwaynahan mudaharaadayay ayaa waxay wateen Boodhado ay ku qoran yihiin halku dhigyo kaladuwan oo ay ku muujinayaan taageerada balaadhan ay uhayaan midnimada Gobolada SSC waxayna dadwaynahan mudaharaadayay socdaal dheer oo luga kusoo wada mareen wadooyin waaway ee dhexmara magaalada Buuhoodle. Dadwaynahan ayaa intii ay soconayeen waxay ku dhawaaqayeen halku dhigyo ay kamid ahaayeen , Doonimayno Maamulka Puntland, Doolar qaate dooni mayno iyo halku dhigyo kale oo ay ku canbaaraynayaa horgalada maamulka faroole usoo diray magaalada Buuhoodle si ay usoo kala furfuran shacabwaynaha deegaanka Buuuhoodle. Socdaalkaasi dheer kadib ayaa dadawaynahan mudaharaadayay waxay isuugu yimaadeen fagaaraha hore ee dugsiga darwiish halkaasi oo ay kula hadleen masuuliyiin tiro badan kuwaasi oo dhamaantoodba maamulka C/raxmaan Faroole uga digay faragalinta uu kuhayo danaha gobolda SSC , halka masuuliyiintaasi qaarkkkodna ay ku nuux nuux sadeen in ay inaanayso isku dhac ka dhex dhasha beelaha ***** ee hadeer walaalaha ah hadii uu maamulka faroole faraha kala bixiwaayo arimaha dib usoo celinta gobolada ilaa iyo haatan ku maqan dayaca Maamulka Puntland. Sidoo kale waxay masuuliyiintii halkaasi ka hadashay aad ugu mahad naqeen shacabka deegaanka caabud-waaq oo ay sheegeen inay iyagu muujiyeen walaaltinimadii iyo wada dhalashadii uu garan waayay maamulka Faroole kuwaasi oo soodhaweeyay hogaanka Gobolada SSC Dr,saleebaan Ciise Axmed iyo Cali Xasan Axmed , una ogolaaday inay deegaankooda kazoo dagaan. Dhanka kaleqaar kamida dadwaynihii mudaharaadkaasi kazoo qayb galay oo aanu waxka waydiinay ujeedada mudaharaadkan maanta ku dhalisay ayaa waxay ii sheegeen inay dareenkooda ku muujinayaan, iyadoo warbahinta qaar dhawaan laga baahiyay in shacabka Buuhoodle ay taageersan yihiin maamulka Faroole ayaa waxay ii xaqiijiyeen in mudaharaadkan ay ku muujinayaan inaysan marnaba taageero uhayn maamulja Faroole iyagoo arintaana ku tilmaamay wax laga xumaado. Iskusoo wada duuboo mudaharaadkan maanta oo soconayay mudo saacado ah ayaa waxuu kusoo gabo gaboobay jawi qurux badan manajirto ilaa iyo haatan wax khasaare ah oo cidnaba kazoo gaadhay.
-
Originally posted by Xaji_Xunjuf: quote:Originally posted by Jacaylbaro: quote: Burburasaa Hadii Doorashadu Baaqatu Afsoomaaligaa xagee lagaga hadlaa xaaji ? sounds like the koonfurians Soomaalidiid, af-soomaaliga toosan ha bartaan, koonfir ma dhihi karaan, wax kalaba iska daa Soomalidiid waxa ee ku hadlaan af-somalidiid, cidna ma fahmaso
-
The Government of Somaliland in February handed over a woman named Mrs. Bishaaro [bih- SHAH-ro], a registered refugee in Somaliland, to Ethiopian security forces. A few years ago she was arrested and tortured by Ethiopian security and her husband was executed. Insha Allah, Illaah baa la jira Bishaaro, waxaanu rajeenana inay dhakhso xoriyadeedii dib ugu hesho Amiin
-
AXMED-SIILAANYO: “Haddii Doorashadu dib u dhacdo waxaynu ka mid noqonaynaa dalalka Dawladnimadoodii waayay” Khamiis, 25 March 2010 (HOL)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka digay dib-u-dhac mar kale ku yimaadda Doorashada Madaxtooyada Somaliland, waxaanu Xukuumadda Madaxweyne Rayaale ku dhaliilay wax-qabad-la’aan. Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo maanta meel munaasibad ah kala hadlayay qaar ka mid ah taageerayaashiisa, ayaa hadalkiisa ku bilaabay oo yidhi, “Waa ta maanta Cusbatalkii Hargeysa ee aynu ogayn waqtigii Dhalinyarta Hargeysa u gurman jireen ee dadku ay dhisi jireen ee halgankii SNM uu ka bilaabmay, waynu ognahay oo waa taa oo markii Madaxtooyadii ka soo horjeedday Cusbatalku ay wax u qaban wayday, guddidii, shacabkii iyo dadkii is-xil qaamay ee dibedda wax uga doontay ee dhaqaalaha dibedda uga soo ururisay ee maamulka wanaagsan u samaysay, waa ta Dawladdii maanta ka takhalustay ee Dhaqaatiirtii caanka ahaa ee dalka iyo umadda wax u qabanayay, waa kuwaa yidhi Shaqadii waanu idinka fadhiisinay, waxna laydiinkama baahna. Kuwa aynu isku hallaynaynaa ee umaddu wax ka sugaysaa waa kuwaa.” Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE wuxuu sheegay in dadweynuhu ay inta ugu badan waydiiyaan waqtiga ay Doorashadu dhacayso, isla markaana wuxuu xusay in kaliya la sugayo in Guddida Doorashadu shaaciso waqtiga Doorashada la qabanayo. “Haddii Daahir Rayaale Kaahin iyo maamulkiisu ku kalsoon yihiin inay cod wax ku helayaan oo dadku taageero u hayaan, waxay maraysaa 7 sanno iyo badh inta Doorashadii la qaban waayay, waynu ognahay oo Dunida oo dhan baa isugu keen timi. Maanta Telefoonada ugu badan ee dibedda ka yimaadda waxaanu ka haynaa dadka Doorashadii ma dhacaysaa, goorma ayayse dhacaysaa? Anagu inta kaliya ee aanu dadka u sheegno iyo kalsoonida aanu ku abuurnaa waxa weeye, Doorashadii way dhacaysaa oo waqtigeedii ayay dhacaysaa, Dawladdana gacanta uguma jirto. Waxaanu leenahay oo aanu uga digaynaa Dawladda in aanay wax dambe oo musuq-maasuq ah oo dhibaato ah oo luggooyo ah ula iman geeddi-socodkaa Dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka. Waxaynu maanta ku talo-galaynaa oo aynu sugaynaa oo dhegteenu u taagan tahay waa Guddida Doorashada oo inoo sheegta oo ku dhawaaqda maalinta ay Doorashadu dhici lahayd.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE. Waxa kale oo uu Guddoomiyaha KULMIYE ka warbixiyay nuxurka socdaallo ay Weftiyo ka kala socda Xukuumadda, Shirguddoonnada Baarlamaanka iyo Axsaabta siyaasadda Somaliland ku joogaan dalalka Jabuuti iyo Maraykanka, halkaas oo ay kulamo kula leeyihiin qaar ka mid ah madaxda iyo masuuliyiinta Dawladda Maraykanka. “Waa tii Axsaabta loogu yeedhay Jabuuti iyo Weftiga jooga Maraykanka, waxa kaliya ee ay Deeq-bixiyayaashu hubinayeen iyo waxa kaliya ee la waydiinayay waxa weeye Doorashadu ha dhacdo oo waqtigeedii ha ku dhacdo, si hagaagsan oo caddaaladna ha ku dhacdo. Haddii Doorashada maanta la waayo, haddii Dimuqraadiyadda la waayo, Dunidu way inaga qancaysaa oo wixii aynu rejo lahayn ee aynu umad ahaan ka sugaynay, way lumaysaa oo waxaynu ka mid noqonaynaa Waddamada la magac-baxay inay Dawladnimadoodii luntay.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha KULMIYE, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi,”ILaahay waxaynu ka baryaynaa oo inoo ballan ah, in inaga oo wada-jirkeena ilaalinayna oo iska hor imaadka Dawladdu meel walba ka abuurayso iska ilaalinayna inaynu Doorashadeenaa u diyaar garowno, Insha Allaahu waynu ku guulaysanaynaa.” Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online barqad@hiiraan.com Hargeisa, Somaliland.
-
Hogaanka SSC Oo Ku Sugan Grandy Regency Hotel & Dawlada Kenya oo Raali Gelin Bixisay Friday, March 26, 2010 Madaxda Sar sare ee SSC ayaa waxay hada ku sugan yihiin Hotelka weyn ee Grandy Regency ee magaalada Nairobi. Hogaamiyaha SSC Mudane Suleimaan Ciise Axmed Kaar ku xigeenkiisa Col: Cali Sabaray iyo Mohamed Hussein Hashi Dheere ayaa dhamaantood hada ka casheenaya Hoteelka Grandy Regency ee ku yaala bartamaha Nairobi. Madaxdan oo socdaalkooda ay dib rideen qaar ka mid ah Askarta dalka kenya oo lacago laaluush ah ka qaatay Maamulka Puntland ayaa waxay ku guuleysteen dacwadii ay ka fureen saraakiishii ka soo celisey Garoonka Wilsan ee degmada Langata. Waxaana dhamaan Jeelka loo taxaabay Saraalkiishii heshiiska la gashay xubno halkan ku sugnaa oo bixiyey lacag dhan 54 kun oo dolar taasoo sida ay sheegeen Saraakiishu laga soo xawilay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland. Hadal kooban oo uu siiyey Shacabkii faraha badnaa ee Hoteelka soo buux dhaafiyey ee SSC ayuu ku sheegay Hogaamiyuhu in si wacan loola dhaqmay isla markaana aysan jirin wax Xabsi ah oo ay is arkeen uuna deganaa Guri hoteelkan oo kale ah {Grandy Regency}. Wuxuu sheegay in uu beri qaban doono Shir saxafadeed , ayadoo uu ka cudurdaartay warbaahinta caalamiga ah qaarkood oo irida Hoteelka taagnaa. Waxaana warbaahinta qaar sida AP iyo Reutures war kooban siiyey Afhayeenka Hogaanka ee Nairobi wuxuuna u balan qaaday in beri la qaban doono shir saxaafadeed heer sare ah. Dhanka kale Afhayeenka Booliska dalka Kenya Eric Kiraithe aya raali gelin buuxda Siiyey Bulshada ay metelaan Hogaanku iyo shakhsiyadoodaba, wuxuuna sheegay Amaanka dalka oo heegan ahaa in ay keentay qaladka dhacay wuxuuna sheegay in lala xisaabtami doono dhamaan dadkii ku lugta lahaa arimaha. wuxuu sheegay in ay socdaalkooda sii wadan doonaan, wuxuuna hadalkiisa intaas sii daba dhigay in aysan haboonayn in Siyaasadaha ka soconaya dalka Soomaaliya gudihiisa ee u dhexeeya maamulada aan la dhexkeeniin Kenya oo ah dal dhexdhexaad ah sida uu hadalka u dhigay. Si kastaba ha haatee maamulka Puntland ayaa wuxuu markii shanaad ku fashilmayaa shirqooladii is daba jooga ahaa ee uu kula kacayey shacabka SSC asagoo hada Kubada dhan kale u dhigay oo ah iska horkeenida shacab SSC dhexdiisa. Dhawaan ayey ahayd markii shir ay wada yeesheen Golaha wasiirada ee Puntland kuwaada SSC iyo qaar ka mid ah Madaxdhaqameedka SSC ay wasiiradu sheegeen in Beelaha *********** is dilayaan dhexdooda taasoo laga dheehday in uu jiro qorshe Noocaas ahi. Shirka Jaraa'id, wararka kale ee Faah faahsanba Beri Insha Allaah. Horufadhi.com
-
Well done walaakeen CHE
-
AfNugaal.com: Afhayeenkla Beelaha D Oo Ugu Baaqay Dadka Reer SSC Inay La Dagaalamaan Somaliland Iyo Puntland Afhayeenka Ku Dhaqanka shareecada islaamka beelaha ******* sh,axmed c/laahi shanle oo maanta shir jaraa,id ku qabtay magaalada muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in hadalkii kasoo yeeray gudoomiyaha muccaaridka kulmiye axmed maxamuud siilaanyo ee ahaa inaysan u dhaxayn wax dagaal siyaasadeed ah Gobolada sool ,sanaag iyo cayn uu yahay mid uu indhaha iska tirayo islamrkaana ku baabinayo dhibaatada lagu hayo dadka reer SSC . Sh,axmed c/laahi shanle ayaa intaasi ku daray inuu ugu baaqayo maamulada Somaliland iyo Puntland inay faraha kala baxaan gobolada sool ,sanaag iyo cayn islamrkaana ay mustqbalka la xisaabtami doonaan kuwa dhibaatada haya shacabka reer ssc oo ah labada maamul ee puntland iyo Somaliland . Sidoo kale afhayeenka ayaa shirkiisa jaraa,id kaga dhawaajiyey in maxaabiistii hore loo geeyey caynaba iyo kuwii dhowaan loo qaaday ber bera iyo mandheera aysan ilaawi doonin islamarakaana ay abuuri doonto colaad aan hadhin isagoo intaasi ku daray inay dadka reer Sool ,sanaag iyo cayn iska qaadaan heeryada Gumaysiga islamrkaana ka dagaalamaan arintaasi . Sh,axmed c/laahi shanle ayaa intaasi ku daray in dadka reer SSC ay ahaayeen dadkii la dagaalamay Gumaysigii ingriiska islamrkaana dalka ka xoreeyey Huwantii reer waqooyi iyo Gumaysigii is watey maantana looga baahan yahay inay iska xoreeyaan maamulada ka guranaya waxgaradkoodii islamrkaana u dhiibaya Cadowga Ethiopia . Hadalka afhayeenka ayaa kuso beegmaya xili uu habeenkii xalay uu saxaafada muqdisho ka sheegay gudoomiyaha xisbiga kumiye inaysan jirin wax dhibaato siyaasadeed ah oo u dhexeeya iyaga iyo Reer SSC islamrkaana ay isku mid yihiin waa siduu hadalka u dhigaye isalmarkaana ay magaalada laascaanood dhowaan laga qaaday maxaabiis jeelka laascaanood ku xidhnayd oo gaaraya ilaa 9-maxbuus islamrkaana loo dhaadhiciyey jeelka mandheera iyo ber bera Xafiiska Muqdisho Info@afnugaal.com
-
Dhanka kale C/raxmaan Faroole oo shalay ka khudbadeeyey magaalada Qardho ayaa ka sheegay halkaasi in ay heshiis wada galeen madaxdhaqameedka *********** oo ay ku wareejiyeen hawlaha deegaanka SSC, hasa yeeshee waxaa arrintaas waxba kama jiraan ka dhigaya mawqifka cusub ee ay qaateen madaxdhaqameedka SSC oo kala kulmay gudaha iyo dibada shacabka SSC diidmo xoogan iyada oo ay warbaahinta SSC shacabka u soo bandhigtay shirqoolada loo maleegayo shacabka SSC , kuwaas oo ka soo kala burqanaya Hargeysa iyo Garoowe.
-
Xildhibaan Guure:-SSC Yaanay Isku Halayn Puntland Ee Hawshooda Ha Wataan Tuesday, March 23, 2010 Xildhibaan Ibraahim Maxmuud Guure oo ka mid ah golaha wakiilada Puntland kana soo jeeda SSC ayaa sheegay in la joogo xilligii ay shacabka SSC hawshooda si dhamaystiran u qabsan lahaayeen deegaanada ka maqanna aysan cid kale ka sugin in ay u soo celiso, Puntlandna aysan ka sugin wax talaabo ah oo ay qaado. Xildhibaan Ibraahim Maxmuud Goore mar la weydiiyey xaaladda ay maanta ku sugan tahay Puntland ayuu sheegay in Puntland ay maanta ku sugan tahay xaalad halis ah, haday noqoto dhinac kasta , wuxuuna sheegay in Puntland xuduudihii distoorku dhigayey in aanay ku sugnayn oo ay maqan yihiin gobola muhiim u ah Puntland ilaa marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay Puntland markasta Gobolada SSC ka sii darayeen. Mar Xildhibaanka la weydiiyey waxa ay uga hadli la yihiin xildhibaanada ka soo jeeda SSC xaalada murugsan ee ka jirta Goboladda SSC , oo ay cadaadis ugu saariwaayeen Maamulka xilligan jira in uu wax ka qabto deegaanka maqan ayuu sheegay xildhibaanku in ay dadaal ka dhaxwadeen golaha dhexdisia, dhawr jeerna su,aalo weydiiyeen madaxda sare ee Puntland su,aalahaas oo ay ku weydiiyeen golaha wakiilada dhexdiisa, dhamaantoodna markastana ay sheegaan in ay wax qabanayaan, laakiin aanay hadda muuqan in ay wax qabanayaan , layskuna halayn Karin, wuxuuna intaasi ku daray in aysan marnaba hagran shacabka ee ay ku xiiqeen siday u daba ordayeen maamuladii ka soo qabtay Hogaanka. Xildhibaan GUure oo ka jawaabayey bal in uu jiro xidhiidh u dhaxeeya Hargeysa iyo Garoowe oo lagu carqaladaynayo xal u helida xaaladda Gobolada SSC, ayuu xildhibaanku qiray in uu isagu aaminsan yahay in uu jiro xidhiidh qoto dheer oo u dhaxeeya madaxda Puntland iyo kuwa Hargeysa oo uu sheegay in ayba si toos ah uga wada shaqeeyaan hawlaha haatan soconaya, wuxuuna sheegay kulankii Tukaraq ku dhexmaray xubno ka tirsan golaha wasiirada, iyo golaha wakiilada in uu qayb ka yahay xidhiidhkaas qotoda dheer. Xildhibaanka oo ka jawaabayey su,aal laga weydiiyey shirka ku dhexmaray madaxdhaqameedka SSC qaarkood iyo madaxda Puntland, madaxtooyada Garoowe sida uu u arko, ayuu sheegay in aanu heshiiskaasi wax weyn u dhimi Karin hawlaha uu ay wataan shacabka SSC, Puntlandna loo sheegay waxay hore u ogayd oo ah haday dalka wax ka qabanayso in ay dhaqaaqdo, hasa yeshee maaha ayuu yidhi xildhibaanku in la carqaladeeyo shacab isu xilqaamay waxay maamulka Puntland qaban wayeen, "shacab barakay oo waxkasta ay ka lumeena oo la doonayo in dib loogu celiyo deegaankoodii, maanta caruur badan oo waxbaran jiray ay duurka ku jiraan taasina ay tahay arrin aad looga murugoodo". Xildhibaan Guure oo la weydiiyey samaynta golaha Khusuusigu in ay tahay dhaliil ku jeeda xildhibaanada SSC ee gaadhaya 17 xubnood markii ay kaalintoodii gabeen, oo haday dadaal muujin lahaayeen si kale xaalku noqon lahaa, ayaa waxa uu ku jawaabay in aysan isdiidayn golaha Khusuusiga iyo xubnaha ka soo jeeda gobolada SSC ee ku jira golaha wakiilada wuxuuna qiray in dadka ka soo jeeda SSC dadaalka ay wadaan noqon kara mid midho dhala haddii taageero gudaha iyo dibada ahba la helo. Waraysiga xildhibaanka oo dhinacyo badan taabanaya isaga oo cod ah ayaanu xillidhaw idiin soo dayn doonaa. Horufadhi.com
-
WAA GUUL: Madaxdhaqameedka SSC Oo Isku Raacay Inay Hawlaha Wadaan Khusuusidu News (Buurawadal) 22.03-10 Shirkii maanta lagu balansanaa magaalada Buurwadal ayaa ku soo gabagaboobay guul iyo is afgarad waxaana halkaas layskula qaatay in go,aamadu yihiin kuwii hore ee lagu gaadhay deegaanka Buurawadal , isla markaana beesha SSC hawlaheedii u wadato ,sidii hore loogu sheegayna maamulka Puntland ay u furantahay in uu kaalintiisa qaato dibindaabyadana joojiyo. Kulankan oo ay soo xaadireen dhamaan madax dhaqameedka SSC marka laga reebo Suldaan Siciid Cismaan oo aan mawqifkiisu cadayn wali ayaa waxa ay dhamaantood madax dhaqameedkii heshiiska ku saxeexay Madaxtooyada Garoowe dhaar ku mareen in aanay waxba iska badelin mawqifkooduna yahay kii hore ,waxa dhaqaale ah oo ay qaateena aysan jirin, isla markaana aysan marnaba diyaar u ahayn in ay iibsadaan qadiyada dadkooda , go,aamaduna yihiin kuwii Buurawadal lagu gaadhay , arrinta kaliya ee aanu Puntland ogolaanshaha u siinay ay tahay in ay garanayaan wadada Laascaanood loo maro haday wax qabanayaan.. Madax dhaqameedka Garoowe ayaa waxaa u hadlay Garaad Saleebaan Garaad Maxmed, Boqor C/laahi Daba gooye, iyo Garaad Abshir, waxayna shacabka hortooda ka cadeeyeen in ay arrimaha ku wareejiyeen golaha Khusuusiga oo golahaasi yahay kan hawsha wadaya, aaminsanna yihiin go,aamadii shirarkii Nairobi, Holhol, Iyo Buurawadal, oo ah midayn Iyo Badbaadin deenka SSC. Dhinaca madax dhaqameedka Buurawadal ayaa waxa u hadlay Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo sheegay in ay aad u soo dhaweynayaan mawqifkan madaxdhaqameedka Garoowe inooga yimi , waxaanu sheegay in ay halkaasi ka cadeeyeen Madaxdhaqameedka SSC in ay wali ku sugan yihiin mawqifkoodii ahaa heshiiskii Buurawadal isla markaana aynu meel uga soo wada jeesano sidii loo hir galin lahaa heshiiskii Buurawadal waxaana hawsha inoowadaya Golaha Khusuusiga iyo Hogaanka , Puntland haday wax qabanayso wadadu waa u furan tahay, hasa yeeshee waa in aysan dibin daabyo u gaysan hawlaha socda ee shacabka SSC maamulanayo ayuu yidhi Garaad J.G. Ismaaciil. Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil waxa uu sheegay in madaxtooyada Garoowe aan lala hayn maxaad u tagteen hasa yeeshee heshiiskii aynu gaadhnay sidiisii u hirgalo oo loo fuliyo. Dadweynaha ku sugnaa madasha shirka ayaa aad u soo dhaweeyey mawqifka cusub ee ay qaateen madaxdhaqameedka saxeexay heshiiska Madaxtooyada Garoowe, waxayna shacabku sheegeen in aan loo baahnayn in laga noqdo heshiiskii Buurawadal isla markaana hore loo socdo. Dhanka kale C/raxmaan Faroole oo shalay ka khudbadeeyey magaalada Qardho ayaa ka sheegay halkaasi in ay heshiis wada galeen madaxdhaqameedka *********** oo ay ku wareejiyeen hawlaha deegaanka SSC, hasa yeeshee waxaa arrintaas waxba kama jiraan ka dhigaya mawqifka cusub ee ay qaateen madaxdhaqameedka SSC oo kala kulmay gudaha iyo dibada shacabka SSC diidmo xoogan iyada oo ay warbaahinta SSC shacabka u soo bandhigtay shirqoolada loo maleegayo shacabka SSC , kuwaas oo ka soo kala burqanaya Hargeysa iyo Garoowe. Mawqifkan cusub ee ay qaateen Madaxdhaqameedka SSC ayaa waxa uu guuldaro weyn ku yahay madaxda Madaxtooyada Garoowe fadhida kuwaas oo doonayey in la soo afjaro shirarka ka soconaya Buurawadal , lana kala diro golaha Khusuusiga , taas oo maanta dhiciweyday, midnimo iyo is afgaradna lagu dhameeyey hawsha. Golaha khusuusiga ayaa dhawaan samayn doona sadex gudi oo kala ah, Gudiha dhaqaalaha, gudiga abaabulka iyo gudiga hawl galinta, waxaana lagu wada in uu ku dhawaaqo guddoomiyaha golaha khusuusiga Mudane C/risaaq Gacamey dhawaan. News Desk WidhWidh Online
-
AT, Reer SSC waa tashadeen, no more waiting to Puntland Now we have:- - Supreme Leader, - Vice-President - Executive Council - Parliament (Khusuusi) - SSC army, not long ago defended Buuro Wadal Insha Allah soon we will free all SSC regions from invaders
-
I think you did walaal, go fix
-
Duufaan, Did you blocked Private Messages? no one can send you private message
-
Puntland "Khilaaf Soo kala dhex-galay Issimada ka soo Jeeda Gobalada SSC iyo Dowlada Puntland"
-
A Talk with Somali President Sharif Sheikh Ahmed 18/03/2010 By Muhammad Nassar Dubai, Asharq Al-Awsat- Somali President Sheikh Sharif Sheikh Ahmad denied that there exists a US proposal for direct military intervention in his country. However, he affirmed that he does not object to a US military support to strengthen the government institutions. To justify his stand, he said that it would be an indirect US support for Somalia. In an interview that Asharq Al-Awsat conducted with him during his visit to Dubai to attend a conference, Sheikh Sharif Sheikh Ahmad said Somalia turned into an ideal environment for Al-Qaeda and its ideas. He added that all attempts to remove him from power will fail because Somalia's history is full of failed attempts of this kind, as he put it. However, the Somali President stated that he extends his hand to all Somali parties that are opposed to him, without exception, including the Mujahidin Youth Movement. He said it is no secret that the armed parties in Somalia embrace the thought of Al-Qaeda and receive support from it and from some states, which "do not want the war in Somalia to end." The Somali president noted that the most dangerous thing in Somalia is that crimes are committed and Muslims and innocent people are killed in the name of Islam. "All parties are asked to stop the Somali people's suffering", he added. Sheikh Sharif called on the Arab and Islamic states to take a firm stand to stop the bloodshed in Somalia. He said: "These armed groups emerged as a result of the vacuum and internal conflict in Somalia that lasted a long time." He added: "In order to deal with this problem, we must reinforce the government' role because the absence of authority gives these groups an opportunity to continue their activity. Therefore, it is very important to strengthen the state institutions." He continued: "In addition, the dialogue must be advanced forward and the needy and affected people must be provided with relief aid. The Somali people suffer from famine and health problems, and when humanitarian aid is provided for them, their suffering will ease." Asked if military support is important in controlling the situation, the Somali president said military support is important in order to reinforce the government institutions. He noted that he does not object to asking the Americans for military support. He said: "I do not object to seeking military support from the Americans." He said there is no direct US intervention in Somalia and that there is no US proposal for direct military intervention. He added: "What we are taking about is support for the government to reinforce the state institutions. This is what I meant and what I seek." In reply to a question as to whether the Americans bombed the positions of the armed movements that are behind the violence in the country, Sharif said: "With regard to the Al-Qaeda members, if their positions are pinpointed and movements monitored and the Americans want to target them, this is something that we may discuss." Nevertheless, he pointed out that "the government is interested in reaching a solution with" the other armed movements in Somalia. The Somali president affirmed that he is ready to talk to all Somali parties that are opposed to him with the aim of reaching a settlement to put an end to the massacres in Somalia. He said: "I will sit with any Somali party that wants to sit with us, be it the Mujahidin Youth Movement or others, to reach a solution that will stop the bloodshed." But he refused to say which Somali parties are the most difficult ones to reach a solution with. He remarked: "We seek to enter dialogue with all parties. Therefore, I will not name any party." Sharif was in Dubai to attended a tow-day conference called "Somalia ... The Voice of Wisdom and Shariaa" [islamic law], which was called by Sheikh Abdullah Bin-Bih who presented a document to halt the violence in Somalia. All conflicting Somali parties, except the Mujahidin Youth Movement, supported the document, and this stand prompted figures who attended the meeting to describe it is positive. The Somali president said he affirms his commitment to applying the Islamic Shariaa in running Somalia and added that he is ready to sit at one table with all conflicting parties in Somalia, without exception. He noted that Somalia "legalized" the Shariaa laws and turned them into a constitution for which the Somali Parliament voted unanimously and which the president signed. Sheikh Sharif refused to explicitly accuse certain states or parties of supporting militants in Somalia saying: "Their support is well known, and so is Al-Qaeda and its ideas. There are states, which believe that the continuation of violence in Somalia serves their interests, but I do not want to name these states at present." He said that, as president of Somalia, he will not lose hope. However, he admitted that great difficulties face his government. He said: "There are difficulties, and the parties that rebelled against the government are intransigent. These parties continue their attacks on the government, not only to take power, but also to cause bloodshed. But I tell them that taking power does not require bloodshed, as Somalia is rich with experiences showing that these attempts are futile because they fail." Sharif referred to states, which, he said, support the armed parties in Somalia. However, he refused to name them and said that what takes place in Somalia affects world security. He warned: "The parties that support these ideas will suffer adversities, and the same ideas will shift to their countries. We urge these states to stop backing these movements because the Somali people wish to live in peace and security. Our people are Muslim, and there is no place for extremism in Somalia." Sharif said that the armed parties, which carry out operations against the government and civilians "are affiliated with groups based in Iraq, Afghanistan, and Pakistan." He added: "These groups' aim is to continue the war and worsen the situation." Noting that these parties have no project to make a change in the country, he said: "The difficulty is that they do not seek security and stability in Somalia and want to enforce the Shariaa. Application of the Shariaa needs security, peace, and an authority to enforce it. The Muslims in Somalia are violated, and these are not the ethics of Muslims." Sheikh Sharif expressed his conviction that the situation will improve. He explained that he wants security and stability to return and the government institutions to end the armed movements' activity. He stated: "These groups receive support and they benefited from the absence of a central government in Somalia for a long time. Therefore, they found an opportunity to establish themselves, transfer Al-Qaeda leaders and other foreign elements from abroad to Somalia, and train Somali youths who did not manage to gain a true knowledge of religion." Asked whether Somalia is an ideal environment for Al-Qaeda, Sharif said: "Somalia turned into an ideal environment for Al-Qaeda. We may say this, because, for many years in the past, there was no government to establish security in the country. These ideas do exist but are concealed. Today, these groups' relationship with Al-Qaeda is obvious, and their acts are similar to the actions that Al-Qaeda carries out in several states, such as Iraq and Afghanistan." When asked if he would give up power in favor of the opposition in exchange for a political program to end the violence, how would you deal with such an offer? Sharif said: "I am not interested in power as much as I am interested in saving the Somali people. But there is a group that tells me that I must leave in order to calm the situation. This is rejected." He added: "We must agree with any party that seeks to take power on means to allow all parties to share power. I have the right to run [in elections] and govern, and they too, as Somalis, have the same right." He continued: "I do not exclude anyone from power and do not allow anyone to exclude me from power. When we negotiate, we will reach a solution. But let us say in the beginning to these groups: Stop the war and come with your demands, so that we may negotiate." The Somali president expressed his optimism that the conference, which he attended in Dubai, will "have a distinctive effect in Somalia, motivate Somali Ulema to respond to this initiative, and prompt these groups to stop the bloodshed to which they are accustomed." He said: "Sheikh Bin-Bih issued a powerful appeal to stop the bloodshed, which has not stopped one single day. This was a good initiative on his part, and I hope that all Muslim Ulema will support it. Wrong ideas cannot be changed by force alone. They also need a change of thought and cooperation between the Muslim Ulema." The Global Center for Renewal and Guidance was established in London in 2007, under the chairmanship of Somali scholar Abdullah Bin-Bih. Its aim is to contribute to resolving the crises that face the Muslim world by explaining the Shariaa provisions regarding concepts and practices that are carried out by some of the parties to these crises and by conducting mediation efforts in this respect. The conference, which was chaired by Sheikh Bin-Bih, was attended by the vice president of the World union of Muslim Scholars, the head of the Global Center for Renewal and Guidance, and former Deputy Speaker of the Saudi Shura [consultative Council Dr. Abdullah Omar. It was also attended by former Sudanese President Marshal Abdul-Rahman Siwar al-Dhahab, Representative of the UN secretary general [in Somalia] Ahmad Ould-Abdullah, and Deputy Chief of the Organization of Islamic Conference Ambassador Abdullah Alim.
-
Khusuusi deserves our full support 100% They are brave individuals who are dedicated and committed to stand up for our people of SSC in a very difficult time, Hogaamiye Suleiman Xaglatoosiye and Khusuusi will lead people of SSC to victory and freedom Insha Allah Go Khusuusi, Yes we can and Yes we will Balanteeno waa Laas Caanood