Liibaan
Nomads-
Content Count
4,722 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Liibaan
-
Who said this is a real photo
-
Originally posted by Jacaylbaro: Now THIS Should shed the light on something ............ Lies and fabricated story by Qabiilnews.com Jb iyo Somalidiidkii u rajeenaya in mar kale xabashidu xasuuq ka bilowdu Buhoodle, However, Its true that 100% people of Buhoodle/SSC support the noble struggle of their brothers/sisters from Western Somalia against cruel Ethiopian occupation, unlike secessionists Halkanka ee ku jiraan walaaladeen Somaali Galbeed waa muqadas, waa gaf in kooxda xabashidu macmishay 1980skii ee ladhaho snm (somalida midnimada necab) ee kaalmo kaga raadsatu xabashida onlf baa halkan martay
-
Towns of Widh-Widh and Balli-Hadhac Somalia Widh Widh Online, as a result of a naked aggression by the terrorist and secessionist one clan so called bogus Somaliland, the news coming out from the town of Widh Widh in Somalia’s Sool, Sanaag Ayn regions indicate the existence there of an acute humanitarian crisis. Widh Widh Online, as a result of a naked aggression by the terrorist and secessionist one clan so called bogus Somaliland, the news coming out from the town of Widh Widh in Somalia’s Sool, Sanaag Ayn regions indicate the existence there of an acute humanitarian crisis. The residents who flew their homes moved out of the town. The civilian population is out in the open and has faced a lot of difficulties such as, lack of shelter, food, drinking water, medical supplies and other most basic living essentials. The attack of bogus Somaliland clan militia has caused the population’s exposure for the last four days to the heavy rains currently underway in the area. So far the rains has resulted in the death of 4 children and 3 elderly individuals. Unfortunately, there is no assistance from the Humanitarian Aid Agencies is forth coming to help the destitute population. On the other hand, the clan militia of bogus Somaliland has massacred in the town of Widh Widh and Balli-Hadhac a total of 15 civilian population including a pregnant woman and nomadic live stock herders. Also, in the town of Widh Widh they have destroyed private propertied – civilian owned homes and the place of warship (Grand Mosque) using heavy artillery. These clan militias of one clan secessionist bogus Somaliland hailed from the towns of Burao, Hargeisa, Berbera, and Gabiley in the North West of Somalia with only one intention to massacre and displace the peaceful unionist civilian population of Sool, Sanaag, and Ayn – SSC. In particular, we contacted Farah Ommade a local medical doctor in the area who reported the dire medical situation that unfolded. The doctor says, “ due to heavy rains and the poor sanitarian cir*****stances, the displaced populations are in the brink of experiencing diseases like cholera, flu, malaria, and malnutrition”, He continued to add, “I express more concern for the infants, small children, the elderly, and women, therefore, I urge the humanitarian aid organizations and the international community to send urgent humanitarian assistance of food, medical supplies and shelter, because all of these essentials are lacking at the moment” All in all, the situation in WidhWidh, Balli-Hadhac, and Buhodle warrants urgent attention from the aid organizations and the international community to address the aggression carried out by the secessionist one clan militia of bogus Somaliland, and provide the urgent humanitarian assistance for the displaced populations whom were forcefully evicted from their homes, while some of them have already been massacred. Widh widh Online News Desk
-
Reer Buuhoodle Oo Bilad Taariikhi Ah u Soo Hooyay Magaca Soomaaliyeed- Lasanod Online. Monday, May 24, 2010 Lasanod Online,(Faallo)- Indhawaalaba Soomaali waxay ku caan baxday dirirta dhexdooda ah, iyagoo ka mashquulay cadowyadeedii soo jireenka ahaa, taasi waxa ay dhaxalsiisay in ay walaal iyo waalidba ka dhigtaan waraabayaashii hororada ahaa ee jiritaankooda hortaagaana abid. Waraabayaashani ha ahaadeen kuwii gumeysiga amase kuwii usoo tafaxaytay sidii dhulka iyo dadka Soomaaliyeedba qariidada uga suulin lahaayeen. Mar walba waxaa la helayay halgamayaal Soomaaliyeed oo sifo kasta haku qaadatee u diidayay in ciida Soomaaliyeed ka hirgasho Himilo aan tooda aheyn, horror walbana hootada u qaaday. Nasiib daro hankii noocaas ahaa guyaal badan dib u dhac xoog leh ayaa hareeyay, horaradii laga hortaagnaa ayagaaba maangaabyada soo kacay lahoos galeen himiladoodii. Maanta intii cadowga loo yaqaanay ayaa naga harsan la’, iyadoo kuwo naga mid ahi albaabadooda ayaga oo hortaagan qoraxdu ugu soo baxdo, uguna dhacdo, waa laynaga harsan la’yahay, waxa ayna gaadhay heer dal iyo dad beec ah sidii loogu hoos waday, laftigoodii ay ku idaadeen, leeyihiina, “Waar qurub xaaraankiina naga leexiya”. Taariikhda dunidan wali laguma hayo damiir xumida aan ku suganahay dad gaarey, mar walba waxa la helay kuwo ka dhiidhiya sifayaasha dadnimada ka soo horjeeda. Liidnimada hareysay Soomaali waayahan ayaa waxa ay ka mid ahaa in markii Wiil Ethiopian-ah ay arkaan in ay Amiir ka yeeshaan, hadii ay dirir tahayna markii layiraahdo ciidamadii Ethiopian-ka ayaa soo galay goobaha la baneeyo. Tani waxa ay sahashay in ayba shaqo u noqotay dhalinyarada ciidamada Ethiopianka hogaamiya in ay Odayada, Culimadii, waxgaradkii, haweenkii, hablihii iyo kureydiiba, dariiqyada ku jiidaan, kuna karbaashaan, xabsiyada ka buuxiyaan, kii ku hadal ceshana ifkaba laga waayo. Reer Buuhoodle diritii iyo diidmadii ay ka muujiyeen dulinimadii lala maagaanaa, waa mid taariikhdeena danbe baal dahab leh ka gali doonta, waa mid cadowga dareen naxdin leh ku abuuri karta, waa mid muujineysay sida kuwo naga mid ah anaga Soomaali ah wali dadnimadoodii u nooshahay. Waa mid fariin hor leh ku noqondoonta Ethiopia, taasoo oraneysa 20sano ka dib Soomaali wali waa diidan tahay dulinimo, waa diidantahay damiir xumo, waa diidan tahay in danaheeda cid kale u dabafariisato, waa diidantahay dilaalada aad dabada ku wadatid. Reer Buuhoodle waxa ay markii ugu horeysay deegaanada kale ee Soomaaliyeed u fureen albaab tusinaya in hadii ciidooda iyo dadnimadooda taako lagu soo xadgudbo, waxa kuu furan ay tahay buntukha oo aad deegta u radatid, cadowgana wadada kaliya ee uu fahmi karo la martid. Deegaanada kale ee xadbudubyada noocaanoo kale lagu wado, waxaa u banana in ay wadadaas maraan. Waxaan rajeynayaa sida maanta Reer Buuhoodle oo Degmo kaliya ah, ay u muujiyeen dadnimadooda, Soomaalina u wada muujiso,kuwa badan oo hoos hoganaya maanta Ethiopian-kana waxaa cad in Reer Buuhoodle tixgalinta iyo dadnimada ay u hayaan Ethiopian-ku ayan u hayn ayaga, oo laga yaabo in magac maamul ama Gobalaba hawanyihiin. Waxaa wax laguu aqoonsanayaa marka aad kolka hore wax jira isku aragtid, waxa aad diidan tahay iyo waxaa dooneysidna kuu kala asteysan yihiin, balse hadii caynaan kugu jabsan yahay, nacamlena sheekadaadu tahay, dee wax kale ma mudnid eebe weyne oo in uu xaqa ku tuso laguu baryo maahane. Reer Buuhoodlena waxaan leeyahay Dabkii bakhtiyay ayaad shideen, Soomaalina baal dahab leh ayaa ka gasheen marlabaad, nin diidi karana ma jiro. Biladii Geesinimada, Reer Buuhoodlaa leh. Biladii Xornimada, Reer Buuhoodlaa leh Biladii Dadnimada, Reer Buuhoodlaa leh. Waxaana ku soo xirayaa tixihaan maanso aan hore u tirshay ku jirtay. BILAD AAN HORAANTEED HORAY LOOBA ARAGOO AADMIGA MIDKII HELA RABI UU U HIILSHOO HAREERTIIS ISTAAGAAD BUUHOODLAAY LA HOYATAY Muxyadiin Ciid
-
JB Adaa ooyaya oo cabaadaya , maxaa ku daba dhigay oo aad ka rabtaa Garaadada, hadii aadan adigu calaacaleen Baafi Suldaanadaadii caqliga xayawaanka lahaa, ee bari hore dhintay Markii Widhwidh lagu dilay taliyihii snm, ayaa bilowday meeya Garadadii, iyo aad ku hadashid wax aan lagaa akhriseneen sida towba, towba i daaya Adaa awalba diiday inaad dhageysatu baaqyadii nabada ee Garaada SSC, markaa haa kaa saarto
-
Waa adi qofka narba gidaar ku xoqo bilaabay Dagaal iyo xasuuq ayee wadaa snm/somalidiid in SSC Markaasaa Garaado ka hadlasaa?? Garaadado, Suldaanadiina hoosta ka galy maamulka Riyaale ayee la hadli lahaayeen, lakiin nasiib daro caqli malaha suldanadiinu, waayo waxa ee dhaheen Maamulka snm/ somalidiidka la hadla arrintu waa arrin maamul, waxba ma qaban karno, Runtii Suldaanadiino bari hore ayee dhinteen oo waa xoolo u shaqeeya Riyaale
-
Baafi Suldaanadiinii kudaba dhuumanayey snm-somalidiid militia ?? Arrintu wey dhaaftay issim, nabad-doon, iyo oday dad waaninaya, nimankiinan snm kuwa wax maqlaya ma tihidin, dagaal uun baad ka heshaan, bal ha la arko waxa aad ka heshaan Hada dagaal baa socda u dhaxeeya daalimiin soo duulay ee maleeshiyaadka snm-somalidiid iyo ciidamada xaq-udirirka SSC Marka ee ku deeqdo Hargeysa iyo Burco, maleeshiyaad beeleedka snm ka baxaan SSC, markaa raadi Suldaanadiinii iyo Garaadada SSC Intaa ka hor haa isdaalin oo haa xiigin, Garaadada waxba u ma aad dhiiban, cadowgooda tahay
-
Adi maxaa kaa galay, ha ku deeqdo Hargeysa iyo Burco
-
Tana ma ku farxasaa? jabka somalida miyaa ku raaxeesataa Ninyahow iska dawee cudurka qabyaalada lafaha kaa galay, somalidiid meel kuma gaadhasid
-
What is the difference? both somalidiid and habashi are same, both are killing ssc people somalidiid nomads in here SOL forum like ducaale, xaaji and jb were all celebrating when they heard the news that many people were killed in Buhoodle and widhwidh For sure, Garaads spoke about Buhoodle massacre by habashi and widhwidh massacre by somaliid/snm malitia, Most importantly they are present in Buhoodle, and other towns inside SSC region, they know firsthand about the situation.
-
SOMALILAND: Canadian, American warlords, Al-Shabab vow to disrupt elections
Liibaan replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Here are some of the comments Full cycle, isn’t it! The Siyaad regime use to say same thing about the SNM leadership. Is Buhodle becoming the Haargeisa of Siad Barre for Somalilaaand entity? The bottom line is the clan entities of SNM as well as USC, SSDF, SPM and the Socialist party of Siad exacerbated Somalia’s clan problems; consequently, t he Somali people’s struggle against clan injustice and inequality continues. It is not smart move to complain to the authorities in the US and Canada regarding the two individuals the writer mentioned. It will turn into a clan war. The North needs pragmatic leadership competent enough to address these new developments effectively. ------------------------------------ As always, totally confused, misleading, and tribalist Dalmar Kahin. Ask yourself, why the SNM attacked Hargeisa and Burao towns in 1988 while the residents were peacefully living and minding their business? Ask yourself who is to blame for the current conflict the SNM clan who send their militias to other Somali tribes territories, or the those tribes who just defending their regions (Sool, Sanaag, and Cayn - SSC)? Again ask your self, did not the SSC people were patient, and trying to convince the SNM and supporters to stop these madness, aggression, and illusion of the so called Somaliland theater? And, by the way, unfortunately you're trying to say Somaliland is a legitimate Administration fighting terrorism, but the fact is this Somaliland is the terrorist who is terrorising other peaceful jurisdictions and you personnally is a terrorist supporter from the comfort of your couch and computer in Canada- cyber terrorist and warlord!!!!! The international community and international media know better than you think and write. Somalia tribes will eventually wake up, come together including the illusioned SNM supporters and sort out their fabricated differences once the each and everyone of them face the deadlock and no exit sign infront of them. The SSC entity is leading the way for that outcome. Therefore, the corocodile tears will not do it, wait and see the realities it just started to unfold. --------------------- I would ask Mr. Dalmar or the honorable readers, who is the terrorist? Why Mr. Dalmar would ***ociate the residents who are defending their homes with alshabaab who have no homes? What an absurd distortion! Mr. Dalmar falsely wrote about NSUM and Puntland in connection of the Buhodle event. NSUM is a political organization representing the regions of SSC who advocate for the union of all Somalis. They have no army that participated in the war. It is the SSC forces that engaged with the Ethiopian troops who have no connection to NSUM. Mr. Dalmar falsely spews that the patriotism of the NSUM is terrorism. His logic is anyone against Somaliland is a terrorist. What a leap of logic. He does not see the invasion of Somaliland in the land of ***********, and the incarceration of young boys in lasanod, killing civilians in Bali-hadhac and Widhwich as TERRORISM. Another distortion of Mr. Dalmar is how he characterized the opposing forces in the region. He wrote a lot about Puntland which has no implication whatsoever. The forces who are fighting against the Ethiopian and Hargeisa administration are entirely *********** defending their land. The SSC regions do not belong to Somaliland or Puntland. -------------------------- Mr. Dalmar seems delusional when he calls for the rounding up *********** leadership. I ask him, who should be doing the rounding? He also, with empty pride, instructs Somaliland to ask Ethiopia for the compensation of the victims in buhodle. How can a stooge command his master, wake up Dalmar. The victims who martyred in buhodle died for a noble cause. If they have to get compensation from Ethiopia, it will be negotiated by their SSC comrades and Garaads, Somaliland has no place or responsibility in that regard. In conclusion, I infer from Dalmar's article that he is either misinformed or delusional about the incidents in SSC region. Probably, he is a demogogue who has no qualms in violating the integrity of others. As for solution to the problems in said regions, Somaliland political leaders, tribal chiefs and peacemakers should recognize the will of SSC people who have no interest in joining their quest of independent Somaliland. It is that simple. Do not come to my home with a different flag on your back and expect me to be obedient to your cause. When the SSC people are ready to join Somaliland, although unlikely , they will declare that, let us respect one another. Allah knows best. ---------------------------- -
SOMALILAND: Canadian, American warlords, Al-Shabab vow to disrupt elections
Liibaan replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Garbage written by a sick man..... -
Jb, waa xaasid, cuqdad baa ka buuxda waxa uu ku farxayaa shacabka lagu xasuuqayo Buhoodle iyo Widhwidh, lakiin ma oga inay xisaabi ka danbeyn doonto xasuuqa Garaadadu were calling for peace and dialogue for 3 long years, and snm malitia to leave SSC region, and respect the will of SSC people to stay as an integral part of United Somalia Unfortunately, snm didn't want to listen, they preferred to wage war and aggression against people of SSC, they invaded Las Anod in 2007, and now they invaded Widhwidh, it seem that somaliid militia don't want to stop their provocations. The Garaads are still insisting that Peace Door Is Still Open, if somalidiid/snm are ready for peace and prepared to leave SSC region immediately
-
Originally posted by Norfsky: I think he is correct on the nile issue. Egypt and Sudan think colonial agreements still apply. At this time, Africaown has a valid point Norfsky sided with Melez/Ethiopia against Egypt and Sudan over Nile Issue, and he says Egypt and Sudan want colonial agreements While on the other hand, Norfsky supports his snm clan militia aggression against people of SSC, he believes that Somalidiid/snm have a right to force people of SSC to accept the old & irrelevant British somali colony maps. So, Norfsky and other somalidiids are hypocritical to support Colonial borders when it is convenient
-
Taliyaha malayshiyada SNMta Ee qaybta 17aad Oo la dilay Wararka ka imanaya jeeda hore ee widh-widh ayaa sheegaya in Col. Axmed Daahir (Doolaal) oo ah taliyaha malayshiyada qaybta 17aad oo ku qudhbaxay Widh-Widh waxa kale oo gacanta lagu dhigay maxaabiis farabadan iyo hub kan fudud ah.... Waxaa galabta lagu aasay Magaalada OOG, waxaya taasi keentay niyad jab aad u weyn oo ku dhacday Malayshiyaadkii SNM ee ku suganaa magaalada OOG. Waxiii warar ah kala soco radiowidhwidh
-
BAALAXOOFTADA GUDDOOMIYAHA XISBIGA KULMIYE Axmed Cali Ibrahim Sabeyse 22/05/10 “AMA LA I DOOREY AMA DAADKU HA QAADO: WAA HEES WALWAALEDA XISBIGA KULMIYE EE OLOLAHA DOORASHADA MADAXTOOYADA; WAA HADDII UMMADDA DALKA LIHI AQBASHO.” Iyadoon ololihii doorashadii si rasmi ah weli loogu dhawaaqin ayaa durba madaxdii Xisbiga Kulmiye waxa ka soo yeedhaya hanjebaado aan hore looga baran. Cagajugleynta iyo handadaada Kulmiye waxay ku koobnaan jirtay kuna jihaysnayd xukuumadda dalka ka talisa waana arrin hore ruqsad loogu siiyey. Laga soo bilaabo bishii Abril, 2010, Waxa si isdabajoog ah uga soo burqanaya hawlwadeenada xisbigaba hanjebaado qaawan iyo dardaarwerin si gaar ah ugu wajahan ganacsato reer Somaliland iyo waxa lagu magacaabo xukuumad wakhtigeedii dhammaaday ama ku-meel gaadh ah ( Care-taker government/Transitional government). Waxa ugu dambeeyey wareysi Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md. Axmed Maxamed Maxamuud siiyey Shebekedda warbaahinta ee hadhwanaagnews bishan May 14, 2010. Wareysiga Guddoomiyaha ayaa xambaarsanaa digniin culus oo kama dambeys ah oo uu u jeediyey ganacsade dalka u dhashay oo ku dedaalaya in maalkiisa gashado. Waxa intaa dheer dhammaan mareegaha warbaahinta iyo Idaacadda Horyaal ee toos u hoos yimaada Xisbiga Kulmiye ayaa hawl maalmeedkoodii noqday ganacsade reer Jibouti ah oon dalka u dhalan ayaa huntidii qaranka si sharci darro ah u boobaya. Waa su’aale: Jinsiyadda Somaliland ma Xisbiga Kulmiye iyo inta taageerta aya bixisa? Aragtiyaha noocaas ah ee cid si gaar ah u takooraya ayaa kow ka ah xagjirnimada Xixbiga Kulmiye ku caanow maalaye dib isugu noqda oo hab dhaqankiina siyaasadeeda deg deg wax uga bedela, ummaddana soo hordhiga wax cuntama oon ka ahayn dagaal iyo xoog ayaanu wax ku muquunin. QODOBKA 1: DIGNIINTA/HANJEBAADA GANACSATADA DALKA Muwaadinka maalkiisii dalka kaga fulinaya mashaariic isgaadhsiineed oo casri ah waxa uu inaga mudanyahay hambalyo iyo bogaadin. Mashuurcan waxa la damacsanaa in la hirgeliyo sideetameeyadii xiligii Afweyne Somalia ka talinayey, hase ahaatee dowladdii soomaaliyeed ayaa toos isu hortaagtay markay shirkadihii mushruuca waday ay soo jeediyeen in halka geeska Afrika ugu habooni tahay Berbera. Sidaas ayu mashruucii ku hakaday. Dalka dhaliyadiisii waxa ragaadisey shaqo la’aan oo waa kuwaa maalin walba tahtiibaya ee badaha naftoodii ku biimeynaya. Sida warbaahinta dalku shaacisey mashruucan inta uu socdo waxa shaqo ka heli doona dad ku dhow 10,000 qof; marka mashruuc dhammadana dad aa u tiro badan ayaa shaqo joogta ah ka helidoona. Taasina waxay suurto gelindoontaa in dhalinyaradu dalka ku negaato. Hadaba haddii muwaadin reer Somaliland ihi dib u soo nooleeyey mashruucan, hantidiisii gaar ka ahayd ku fulinayo, waxaan marnaba haboonayn in hiif, haaraan, iyo hanjebaad lagala hortago. Waxa kale oo xusid mudan in aanu Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye xaq iyo awood midna u lahayn in uu yidhaa marka xisbigaygu talada dalka ku guuleysto, heshiisyada xukuumadda xilku ka dhammaaday la gasho ganacsatada caalamka iyo kuwa wadaniga ahba waxa noqondoonaan waxba kama jiraan (Null and void). Muwaadinka dalka maalgelinaya ma la weydiiyey in uu diyaar u yahay in uu heshiiska Golaha Wakiilada horgeynayo intaan weerarka dhinac walba laga ekeysiin? Waxaynu aragnaa durba Xaajigii oo seeftii xujaaj Ibn Yuusuf Al-Thaqafi galka saaray- Xujaaj wuxu badhasaab ka ahaa Ciraaq: Maalin Jimce ah ayuu masaajid khudbaddii jimcaha ka akhriyey , oo wuxu Yidhi : “ Yaa ahlal Al-Ciraaq, yaa ahlul –Alnifaaq, wal kufr; innii araa ru’usan qad aynacad wa xaan waqtul qidaafihaa; la tacrifuunii mata addicu cimaamatii.”= “Reer Ciraaqoow inta gaalnimo iyo munaafaqadda ehelka u noqotaae; waxan arkaa madaxyo bislaaday oo waqtigii la goyn lahaa gaadhay; marka aan cumaamadda iska rogo ayeydun igaran.” Hadalkaasi muxuu dadweynaha dareensiinayaa? Wuxu inna xasuusinayaa qudhaanjadii ka argagaxday ciidamadii Nebi Suleymaan. Suurada An-Naml waxa jira aayadahan: “Wa xushira li-Suleymaana junuuduhu min-al Jinni wal Insi wad Dayri fa hum yuusacuun* Xattaa idaa attow cala waadi Namli qaalat namlatun: Yaa ayu hal namlu adkhuluu masaakinakum laa yaxdimanakum Suleymaanu wa Junuuduhu wa hum laa yashcuruun*” Waxaweeye dadweynoow sida qudhaanjadaa ciidankii Nebi Suleymaan markay ka fajacaday tidhi: godka inagu hubsada ayaan ciidamada Nebi Suleymaan cidaadaha inaga dhigine. Xisbiga Kulmiye waxa ka go’an in uu sida qudhaanjadaa dal iyo dadba dekan dekan kaga yeelo haddii sandule lagu dooranwaay. Doorashooyinkii lixdameeyadii ayaa waxa halhays u ahaa: “AMA LA I DOOREY AMA DAADKU HA QAADO.” “WAA HEES WALWAALEDA XISBIGA KULMIYE EE OLOLAHA DOORASHADA MADAXTOOYADA; WAA HADDII UMMADDA DALKA LIHI AQBASHO.” Iyadoo weli kursigan la isku maandhaafsanyahay jiro “Sidratal Muntaha” xaalkiisu waxa uu ku dambeyndoonan cidi ogayn, oo weliba uu gaadh dable ka hayo nin la yidhaa Dandaaf Golbakiyaan, xagee kalsoonida intan le’eg laga helay? Tan wax kale ayaa ka salag lehe bal ummadda reer Somaliland si aad ah ha u feejignaato. Sideedaba waxa jirta marka nin siyaasi ihi doorasho u heensaysto waxa hubaal ah in uu ballanqaadyo farabadan hoos ahaan ula galo hadba cidda uu u arko in dhaqaale ka soo geleyo ee fududeyn karta hanashada mansabka uu ku taamayo. Waxa kale oo la ogsoonyahay in ganacsato badan Xisbiga Kulmiye toos u taageerto, waana u xor cidda ay hantidooda ku taageerayaan. Waxa iyana barbar taala in inta badan meelmarinta ballanqaadyada noocaas ihi noqdaan hal bacaad lagu lisay ama laf dhuun gashay oo lagu mergado, haddii Kulmiye ku guuleysto doorashada iyo haddii kaleba. Sida ka dhadhamaysa cagajuglaynta Guddoomiyaha Xisbiga waxad mooda in mashruucan “Fiber-Optic” cid si gaar ah u taabanayo oo arrimo badan qarsooni jiraan oo xisbiga u qorsheysantahay in maamulka dhaqaalaha iyo hantida Qarankaba toos gacanta loogu geliyo ganacsatada sababtoo ah in muddo ahba waxa isasoo taraysa hadalhaynta arrimahan xoos ku xussan: 1) In dhammaan ilaha dhaqaalaha Qaranka sida Dekeda Berbera, Cashuuraha Beriga, Bangiyada, iyo dakhliga garoomada diyaaradaha lagu wareejiyo ganacsatada; 2) In baadhitaanka, soo saarista, maamulka, iyo dhoofinta khayraadka dabiiciga ah ee dalka siday u dhanyihiin lagu wareejiyo ganacsatada; 3) In dhoofinta xoolaha nool la kooteeyo si tartan xalaal meesha uga baxo. Arrimahan qaarkood ayaan sidoodaba u suurto geleyn. Maamulka iyo ururinta dakhliga Qaranka ayaan sinaba gacanta ugu geleyn ganacsatada dalka sababtoo ah waxa ka dhalan kara sebiga iyo dhallaankuba wey garan karaan; sidoo kale khayraadka dabiiciga ah ee ummadda Somaliland ka dhexeeya gacan ku hayntooda waxa mar walba iska leh xukuumadda inta la heleyo aqoontii iyo adduunkii hirgelin lahayd soosaarista khayraadka ku hoos jira beriga iyo badaba. Dhoofinta xoolaha nooli waa mid soo jireen waana laf dhabarta dhaqaalaha dalka; ganacsatada xoolaha nool ayaa iska lahayd suuq geynta iyo dhoofintaba; xukuumaduna waxay lahaan jirta dhowrista caafimaad qabka xoolaha. Sidaa darteed ayaanay caqli gal u ahayn in wax farogelin lagu sameeyo ganacsiga xoolaha nool. QODOBKA 2: IYO DOWLADDA XILKEEDU DHAMMAADAY Waxaynu had iyo jeer axsaabta mucaaridka ka maqalaa iyaga oo leh dowladdan mudadii xilkeedu dhammaaday heshiisyada ay cid la gashaa waxay noqondoonaan waxba kama jiraan marka aanu talada dalka qabano. Sida hadalka loo dhigayo iyo qaab-dhismeedka dowladnimo ee Jamhuuriyadda Somaliland lagaga dhaqmo, sida Distoorka Qaranka ku cad ayaa ah laba arrimood oon marnaba la iswaafajin Karin. Nidaamka barlamaaniga ah ee Wasiirka Koowaad awooda fulineed leeyahay, Madaxweynuhuna yahay mid awoodiisu Koobantahay, ayaa lagu dabaqaa weedhaha dowlad xilkeedii dhammaaday. Sida xildku kaga dhammaadaana waa ka dib marka ay kalsoonida barlamaanka cod ku weydo. Isla markaa ayaa lagu dhawaaqaa xiliga la qabanayo doorashada Wakiilada. Inta doorashada laga gaadhayo xukuumaddaa xilku ka dhammaaday wax heshiisyo cid lama geli karto; wax mashriic cusub ahna ma bilaabi karto. Su’aashu waxay tahay: Distoorka dalka Somaliland meelna ma kaga jirtaa wax lagu magacaabo Ra’iis-ul-Wasaare iyo wax la mid ihi? Jawaabta oo koobani waa maya. In kastoo barnaamijka Xisbiga Kulmiye ku jirto in nidaamka hadda aynu ku dhaqano uu wax ka bedelidoono hadduu talada dalka qabto, haddase sheekadaasi meesha ma taaloe wakhtigeeda ha sugu oo yaan laga hordicin. Distoorka Somaliland waxa ay aad isugu dhowyihiin ka dowladda Maraykanka. Nidaam kaasina sida uu u dhigan yahay xukuumaddu marnaba kalsooni kuma weydo cod barlamaanku u qaado. Sidaa darted marka distoorkeena afti dadweyne lagu bedelo ayaa waxyaabaha hadda axsaabta mucaaridku ka hadlaysaa hirgelidoontaa; inta ka horeysa hadba xukuumadda dalka ka jirta heshiisyada ay gashaa waa sharci ilaa maalinta xukuumaddii bedeleysey xilka kala wareegeyso. Waxana shardi ah heshiisada laga ansixiyo Golaha Wakiilada. Waxan ku soo gunaanadaya: Tacab bay dheh kol haddii maanta Somaliland marayso heer la yidhaa haddaan Xisbiga Kulmiye la dooran dal jirimaayo. Axmed Cali Ibrahim Sabeyse
-
Oodweynenews.com Dhaawaca soo gaadhay Affarta askari, ayaa waxa loola soo cararay dhinaca cisbitaalka magaalada Burco oo hadda lagu dawaynayo, waxaana ku jira Taliyihii guutadaas la soo weerary Axmed-Daahir Cali oo rasaasi kaga dhacday dhabarka, illaa hadana koomo ku jira. Somalidiid Axmed-Daahir Cali oo rasaasi kaga dhacday dhabarka [ asagoo ka cararaya ciidamada SSC, orod ayuu naf ka dayey, waayo naftu orod ayee ku aamintaa, naftu waa macaantahay ], illaa hadana koomo ku jira.
-
Excellent Job Somali National Army ...in 1980s Specially 1988
-
The Buhodle Massacre And Its Link To The Somaliland Elections Sunday, 23 May 2010 12:44 | Written by Ali H. Abdulla War, except in self-defense, is a failure of moral imagination. Bill Moyers The Hawd and Reserved Area is a vast expanse of land that is mainly inhabited by Nomadic Somali clans that defy borders and nation states. All Somali clans have a presence in the area because of its bountiful pastoral resources that favor large camel herds. Besides its rich natural pastoral resources, the area is also endowed with oil and gas reserves. The area has never seen peace since the British handed it over to Ethiopia before leaving the region and creating in their wake one of the longest running conflicts in the world. Instead of uniting the Somali inhabited regions in the Horn, the British favored the feudal regime of Ethiopia over the pastoral indigenous population under their occupation against the recommendation of several members of the British Parliament who favored a united Somali speaking country in the horn. The present day Ethiopian regime uses the same tactics of the Dictatorial Communist Regime of Mengistu Haile Miriam before it, to harass and subjugate the residents of the Hawd. T he Meles Regime recruits local mercenaries to levy unreasonable taxes against the nomads without providing them with any services in return. The area lacks proper schools, hospitals, clean water and the other necessary services. About 10 days ago, the local mercenaries accompanied by a contingent of heavily armed Ethiopian soldiers paid one of their dreaded routine visits to a border town known as Buhodleh. After their arrival, they immediately confiscated all the trucks in the area and detained the drivers who were getting ready to transport their usual loads of livestock to the ports of Berbera and Bosasso for export to the Gulf Countries. The local elders did their best to negotiate the release of the trucks to no avail. After negotiations failed to release the confiscated trucks upon which the town residents depended for a living, tensions started building up and matters finally came to a head last Friday. As people started preparing for the Muslim Friday prayers, the mercenaries drifted into the town in search of a mild narcotic known as Kat. Suddenly all hell broke loose and the soldiers started shooting at the unarmed population killing around 14 and wounding more than 30. No one knows what started the carnage, but the soldiers left behind destruction and death. They also caused an exodus of women and children from the town in search of safe heavens on the Somali side of the border. The youth and some of the women did their best to defend the town against the soldiers killing 4 of them and capturing half a dozen. The able bodied men who normally defend the town against such incursions were busy defending another town in Somalia known as Widwidh. The town was invaded by the militias of the secessionist regime of Somaliland whose leaders have vowed to use force against any towns and villages that do not support their secessionist agenda or refusing to participate in the coming presidential elections on June 26th. Many analysts think that the two incidents are related somehow. It is well known that the Ethiopian regime uses the Somaliland and Puntland administrations to hunt down, jail, torture and rendition members of the ****** Liberation Front, ONLF, which fights for liberating the Hawd and Reserved areas from the clutches of the Ethiopian Regime. The action of the Ethiopian soldiers in Buhodleh seems to be a payment in kind. The purpose of the illegal incursion was probably to put pressure on the Buhodleh population and distract them from defending their other towns against the incursions of the secessionist forces who want to show the world that their election is a success and has the support of all the clans in the former British Somaliland. The illegal incursions of the Ethiopians into Buhodleh also coincided with the recent arrival of members of the Council for the Salvation and Unification of the Sool, Sanaag and Ayn regions in the town where they were welcomed enthusiastically by the local population who expressed their full support for the Council. The Council aims to unite the people of these regions to form a united front against the secessionist regime whose aim is to divide the Somali people and desecrate their beautiful flag that stands for the unity of all the Somali speaking peoples in the Horn of Africa despite the seemingly endless in fighting that has perplexed the world. It is unfortunate that the world community is oblivious to the crisis that is unfolding in the area and the abuse of the funds provided by some European countries to help the Rayale Regime to hold a peaceful election. The actions of the Regime are contrary to the original purpose of these funds, to hold peaceful elections in areas that are willing participants. The SSC population are not willing participants and forcing them to participate will only lead to conflict. Such conflict has already started yesterday and caused a number of deaths and a score of wounded combatants on both sides. A number of non-combatant civilians were also caught up in the mayhem including women. Somalia does not need a new round of bloodshed and the world community should start looking closely at the actions of the recipients of their funds that are meant for reconstruction and progress but blatantly diverted to military purposes. Since the Federal government is toothless and cannot defend its regions against the Ethiopian and secessionist incursions, we call on the world community to wake up and start sending fact finding missions to the area and help stop a potentially destabilizing conflict. Instead of listening to the Rayale Regime that paints these regions as fundamentalist enclaves that need to be incorporated into their secessionist realm, the international community should invite the political and traditional leaders of these regions for talks in Djibouti in order to pre-empt a new and senseless round of bloodshed in Somalia. Whatever transpires, there is a need to protect the civilian population from the wrath of the Ethiopian regime and their secessionist cohorts. Ali H Abdulla
-
Africaown, Why do you support Somalidiid-land? Why do you support the aggression and war that Somalidiid malitia is waging against people of SSC? because you suffer from hatred and qabyaalad
-
Caruurtii Mudaharaaday Ee Reer Laascaanood Oo Sanad Xadhig Ah Loo Gooyey- Lasanod Online. Sunday, May 23, 2010 Laascaanood,(Lasanod Online)- Wakiilada maamulka labaxay Somaliland u jooga Laascaanood, ayaa xukun ku riday caruurtii habeen hore laga qabtay magaalada. maleeshiyada maamulkaas ayaa habeen hore saldhigyada Laascaanood ka buuxiyey dhalinyaro sodon ka badan. Dhalinyaradan oo ka gilgalatay dagaalkii xabashidu ku qaaday shacabka Buhoodle, ayaa jidadka magaalada imudaharaad ka dhigay dhawr saacadood ka socday. Warku wuxuu intaa ku daray, in xabsiga la dhigay ilaa 50 dhalinyaro ah oo Dhagxaan iyo taayiro ku gooyey jidadka Laascaanood, ka dib markii ay sameeyeen mudaharaad ay ku muujinayeen siday uga soo horjeedaan dad ciidamo Itoobiyaan ahi doraad ku dileen degmada Buuhoodle . “Ilaa 54 dhalinyaro ah baa loo xidhay mudaharaadkaas, maantana waxa la xukumay 20 ka mid ah, qaarkoodna waa la sii daayay,” sidaa waxa yidhi weriye ku sugan Laascaanood. “Dhalinyaradan oo da’doodu u dhexayso 15-20 jir, una badan ardayda dugsiga hoose/dhexe ee Laascaanood, waxa midkiiba lagu xukumay hal sanno oo xadhig ah,” ayuu raaciyay. Maaha markii ugu horeeysaey ee Maleeshiyada maamulka la baxay Somlailand ee xooga ku haysata magaalada Laascaanood ay cabudhis iyo caddadis saarto shacabka magaaalada. Hore ayaa dad shacab looga kaxaystey oo Mandheera dil iyo xadhig loogu xukumay. Dhinaca kale xiisadii dagaalka ee gobolka Cayn ayaa weli taagan, iyadoo dagaalo shalay ka dhacay degmada WidhWidh cashar lama ilaawaan ah loogu dhigay Maleeshiyada Hargeysa. Wariye: Abdiqadir M. Cali
-
Banaanbixii ugu waynaa ayaa saaka markale ka dhacay magaalada laascaanood halkaasoo ay isugu soo baxeen boqolaal haween iyo carruur iyo dhalinyaro ah kuwaasoo ka soo horjeeda dagaalada ka soconaya magaalada widhwidh. Banaan baxyaasha ayaa waxay ku dhawaaqayeen hadalo ka dhan ah maamulka somaliland iyo maamulka addis ababa kuwaasoo dhibaatooyin u gaystay shacabka gobolada ssc . waxaa kaloo maanta maxkamadda ay leeyihin maamulka riyaale ku xukuntay 20 labaaton qof oo isugu jira haween iyo carruur dhalinayaro min hal sano. Guddoomiyaha Gobolka oo ka hadlay TV ga universal mr askar ayaa sheegay inay xukumeen dadkan shacabka ah guddiga nagabad gelyada gobolka sool waa sida uu hadalka u dhigay.ayna u xidheen si ay u joojiyaan banaanbaxyada ay wadaan ,waxaana jirtta tiro kale oo maantana labqabtay.
-
Farooles lack of response on the fighting in Cayn + occupation of LA
Liibaan replied to General Duke's topic in Politics
Abaabul wayn oo ka soconaya Degmooyinka Gobolka sool iyo gurmada farbadan oo ku sii qul qulaya goobaha dagaalka Abaabul wayn ayaa ka jira degmooyinka gobolka sool sida taleex iyo degmada boocame waxaana jira diyaar garow ay doonayaan inay ku waabiyaan xoogaga maamulka riyaale oo doonaya inay qabsadaan dhamaan degmooyinka gobolka sool. Degmooyinka gobolka sool iyo cayn ayaa horay uga tirsanaan jiray maamulka puntland kuwaasoo joojiyey colaadaha ay la galayaan maamulka riyaale una sheega shacabka reer puntlnad inaanay awood ulahayn maamulka somaliland inay iska celiyaan taasoo kicisay shacabka gobolada ssc oo beryahan danbe wada olole ka dhan ah siday u xakamayn lahaayeen isballaadhinta maamulka riyaale. Waxaa kale oo isimada gobolada ssc ay dhawaan ku shireen magaalada buurowadal oo horay u ahaanjirtay meel ka mid ah maamulka puntland hadese dhamaan deegaanada sscd oo horay u haanjiray maamulka puntlnad lagayqaabo inay qaadacaan ka dib markuu ka horyimi rabitaanka shacabka gobolada ssc kuwaasoo dhamaan tood ku jira inay u diyaargaroobaan inay iska difaacaan maamulka gooni isu taaga oo doonaya inuu gacanta ku dhigo dhamaan magaalooyinka ssc. Abaabulada ka soconaya degmooyinka gobolka sool ayaan waxaan ka raali ahayn maamulka riyaale waxaana bilowday dagaal ay lagalayaan beesha *********** maamulka soomaliland oo ayan puntlnad ku jirin. SHACABKII PUNTLNAD OO LABO WADDO KALA QAADAYA. Shacabwaynaha puntland ayaan iyagu ka raali ahayn qaarkood waxa ka soconaya deeganada gobolada sool kuwaasoo laga yaabo in qaar badan ay is garabtaagaan beelaha dhulbabahte waxaan jira shirar badan oo ka soconaya qurbaha oo ay doonayaan inay reer puntlnad ka caawiyaan sidii beesha dhulbahate loo garab istaagi lahaa. dhinaca kale madaxda sar sare puntland ayaan iyagu raali ka ahayn waxa ka soconaya ssc