Liibaan

Nomads
  • Content Count

    4,722
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Liibaan

  1. Quljeednet.com: Warar Degdeg ah Shacabka oo muujiyey taageereda weyn ee u hayaan Awdal-LAND iyo Calanka Awdal-LAND Dadka Magaalada Boorame oo aad uga soo horjeeda Jabhada qabiil SNM (ee labaxday Somaliland) Waxa magaalada Boorama ka socda mudaharaadyo aad u balaadhan oo dad Afar qof gaadhayina ku dhaawacmeen taas oo la isla dhexmarayo in nin kamida dadkaas dhaawaca ah oo layidhaa Cabdo Dio uu haatan xabad dhuunta kaga dhacday uu u dhintay. Dadka mudaharaadaya ayaa waxay gubayaan calanka Soomaliland iyagoo dhanka kalana lulaya calakna Somaliya iyo calan lasheegay in loo sameeyay gobolka Awdal. Mudaharaadkaas oo kadhashay kadib markii ciidama Ethiopiana oo rabay in loo dhiibo sadexdii dirawal ee reer Awdal ahaa ee ay falaagadii dalka soo gashay ka afduubtay xeebaha gobolka Awdal, kuwaas oo ahaa ragii soo sheegay in ay ciidamada falaagada ahi soo galeen wadanka. Hadaba maanta oo ay ciidama aad ubadan oo uu hogaaminayo Janaraalka ciidamada Ethiopia ee kilinka shanaad ee soomalidu soo galeen magaalada Boorama iyada oo dhanka kalan lasheegay in maamulka gobolka iyo booliskaba laga soo amray djinaca Hargeysa in ay ku wareejaan nimankaa dirawaliinta ah ciidamada Ethiopianka waxayna taasi dhalisay in ay gadood iyo kacdoon balaadhan shacabaka booram kudhaqani sameeyaan. Waxana dhacday markii loo diyaariyay in loo dhiibo nimankaa dirawaliinta ah ciidamada xabshida in ay qaraabadii iyo shacabka boorama kusoo qamaameen iyada oo baabuur kuwa SURFka loo yaqaano lagu soo weeraray baabuurkii ay saarnaayeen nimanku halkaana ay mid kamida dirawaliintii reer Awdal ay kula fakadeen shacabkii gadadoodsanaa. Shacbka Boorama ayay sida muuqata kamuuqataa cadho ay hayaan maamulka Hargeysaad oo umuuqda in uu eedihii nimanka dablayda ah oo dhan dusha kasaaro dadka dega gobolada Awdal iyo Salal taasi oo looga danleeyahay in la iskaga laaluusho laguna xaal mariyo dawlada Ethiopia oo aad uga cadhaysan sida dhibta yar ee uu cadawgeedu uga soo gudbay xuduuda Somaliland. Hadaba waxa kamida erayada dadku maanta isla dhexmarayaan magaalada boorama ee ay dadka mudaharaadayi isticmaalayaan erayad ay kamida yihiin RAGAYA LAALUUF LOO BIXIN MAAYO iyo erayo kale oo lidi ku ah maamulka Hargeysaad. Wixii wara ee kasoo kordha xaalada goblka AWdal ee kacsan kala soco Quljeednet.com Omar Farah Boorama, Awdal
  2. Thank for the update walaal Xudeedi Every more and more SSC troops are leaving so-called Puntland to join SSC Freedom Fighters and Movement, Masha Allah, Mahad Allah leh So-called Puntland troops suppose to protect theiR people NOT waging a war against people of SSC and Maakhir
  3. Tan iyo intii uu madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole la wareegay hoggaanka dawlad goboleedka Puntland, waxaa isa soo taraya xadgudubyada iyo cabudhinta lagu hayo saxaafadda xorta ah ee ka hawl gasha Puntland, hadday yihiin kuwa gudaha ama weriyayaasha wakaaladdaha iyo idaacadda dibadda uga soo warama deegaanada Puntland Waxaa cad in maamulka Faroole uu sas iyo xasaasiyad ka qabo saxaafadda xorta ah. Awaamiirta ay hadda wasaaradda warfaafinta ee Puntland ku mamnuucayso in saxaafadda Puntland faafiyaan wararka mucaaradka Puntland, waa arrin si cad xadgudub ugu ah xoriyadda hadalka ee uu jidaynayo dastuurka Puntland. Waxaa muuqata in maamulka Faroole uu colaad weyn u hayo saxaafadda xorta ah ee ka hawl gasha Puntland. Waxaa mar walba soo ifbaxaya dhacdooyin iyo xad gudubyo is daba joog ah oo ay xukuumadda Puntland kula kacayso saxaafadda madaxa bannaan. Waxaa dad badan la yaab ku noqotay in madaxweyne Faroole oo muddo badan ku noolaa qurbaha, islamarkaana qoyskiisu gacanta ku hayo qaybo ka mid ah warbaahinta Puntland, aadna uga war haya hannaanka ay saxaafadda xorta ahi u dhaqanto iyo kaalinta ay kaga jirto dawlad wanaagga iyo ilaalinta hab dhaqanka dawladnimo, uu xilligan dagaal aan gabbasho lahayn ku qaaddo saxaafadda. Waxaa caado u noqotay muddooyinkan dambe in madaxweyne Faroole iyo maamulkiisu ay had iyo jeer saxafiyiinta xabsiyada u taxaabaan ama shaqada ka joojiyaan, iyagoo ugu marmarsiiyoonaya in qof aanay raalli ka ahayn maamulku ay wareysteen ama war aanay jeclaysan ay baahiyeen. Tacaddiyadan oo ah kuwo taxane ah oo soo noqnoqda ayaa waxaa ugu dambeeyay xadhiga loo geysta dhawaan agaasimihii idaacadda Horseed Media Md.Cabdifataax Jaamac Mire, iyadoo si degdeg ah oo aan sharciga waafaqsanayn loogu xukumay 6 sano xarig ah. Arrintaas oo iyana si cad u muujinaysa xaaladda uu ku sugan yahay garsoorka Puntland. Waa nasiib darro halkii ay dawlad goboleedka Puntland wax ka qaban lahayd dhibaatooyinka la soo darsay waayadan dambe in ay xalka ka raadiso marinno khaldan oo sumacad xumo mooyaane wax kale oo ay ka faa’idayaan aanu jirin. Khataraha soo wajahay Puntland waxaa habboon in maamulku la yimaaddo tabihii uu kaga badbaadi lahaa, halka uu ka sii abuurayo dhibaatooyin kale oo sii murginaya xaaladda ka aloosan Puntland. Waa in Faroole iyo maamulkiisu aqoonsadaan in xilligii ammaanta iyo buunbuuninta mas’uuliyiinta laga soo gudbay, saxaafadduna ay tooshka ku ifin doonto dhacdo kasta oo u qalanta in laga warramo, maamulku ha jeclaado ama ha necbaadee. Xigasho Wardheernews.
  4. Ururka Darwiish Media Association oo Si Adag u Canbaareenaya Xadhiga Agaasimaha Horseed Media August 15, 2010 Ururka Warbaahinta SSC ee Darwish Media Association ayaa wuxuu ka hadlay xadhiga iyo xukunka xaq darada ah ee lagu xidhay Agaasimaha ilaacada Horseedmedia ee magaalada Boosaaso. Ururku wuxuu canbaareyn dusha ka saaraya Maamulka Puntland talabada cabudhin , cago jugleynta iyo handaadada ah ee lagu sameeyey weriyaayasha Horseed oo ku guda jirey shaqo maalmeedkoodii ay u hayeen umada Soomaaliyeed guud ahaantood. Ururku wuxuu si weyn u canbaareenayaa xukunka 6 sano ah ee xeerka iyo dastuurka toona aan ku xusnayn ee sida hal haleelka ah loogu xukumay Eng; C/Fataax jaamac Mirre. Ururku wuxuu u arkaa xukunkaas mid ay ka muuqato kelitalisnimo , Cabudhin saxaafada Xorta ah, Bur burin xeerka Caalamiga ah ee Geneva, Ku talaxtegid xuquuqda weriayaha ee gaarka ah iyo bahdilid saxaafada xorta iyo suxufiyiinta Mandaqada oo idil. Ururku wuxuu ugu baaqaya xukuumada uu madaxweynaha ka yahay Mr: Faroole in ay si deg deg ah u sii dayaan Agaasime C/Fataax isla markaana ay u ogolaadaan Qareenada u doodaya in dacwada weriyahaas si rasmi ah oo cadaaladi ku dheehan tahay loo furo loona dhagaysto. Ururka Darwish media wuxuu si weyn uga dhiidhiyayaa isla markaana gaashaanka u daruurayaa in Saxaafada lagu cabudhiyo waxyaalo aan caqliga saliimka ah xeerarka saxafada ee calaaamka kuwa Soomaaliya kan bini’adanimadaba aan geli karin. Taasoo ah in danbi laga dhigo waraysi ay ilaacad ka qaaday hogamiye ka mid ah kuwo ka soo horjeeda mamulka hada jira ee Puntland. Isla markaana u dhashay deegaanada maamulkaasi uu sheeganayo. Waxaana xasuus mudan in uusanb ilaawin maamulka Puntland in warbaahinta caalamku ay waraystaan, Osama Bin Laden, Ayman Al Dawaahiri iyo xubno kale oo fara badan isla markaana laga soo daayo warbaahinta waa weyn oo ay ku jirto CNNka oo Maraykanku lee yahay. Ururku wuxuu ugu baaqaya mar kale maamulka C/Raxman Faroole in ay joojiyaan tacadiga aan kala go’a lahayn ee ay ku cabudhinayaan Saxafada gudaha iyo debeda ayaodo ay Todobaadkan uun ahayd markii ay shaqada ka joojiyeen weriyihii VOA ee magaalada Garoowe Nuur Muuse Birjeeb. Ururku wuxuu u sheegaya maamulkaas in tacadiya weriyaasha iyo ilaacadaha madax banaan aan la sooga hadhi doonin isla markaana ururkasta uu meesha uu joogo dacwad kaga furi doono Maamulka caan ka ku noqday ku tumashada Xuquuqda weriyaasha iyo tan Aadanaha. Ururku wuxuu baaq u diraya Hay’adaha xuquuqda aadanaha ee Q,M, Amnesty International , Human Right Watch, RFJ iyo dhamaan hay’adaha daneeya arimaha bini’aadanimada in ay maamulkaas Puntland ku cadaadiyaan sidii uu u dhimin lahaa weerarada saaxafada lagu hayo, cabudhinta iyo tacadiyada joogtada ah. Ugu danbeyntii wuxu ururku ku boorinaya warbaahinta Horseed ee madax banaan in aysan hawlahooda shaqo , dhex dhexaadnimadooda , adeega dadweynaha ay u hayaan iyo Hunaanta wararkoodii aysan u dhimin una naaqusin handadaada xadhiga iyo Jidh dilka lagu ahyo. Isla markaana ay sii labo labaan dedaalkooda iyo tayeynta wararkooda ayagoo u maraya wado kasta oo ay ku heli karan warar isku dheeli tiran. Waxaana Aan ku amaanaynaa sida habsamida leh ee aan niyad jabka lahayn ee ay wrarka Geyiga Soomaaliya guud ahaan u soo tebiyaan. Waa Bilaahay Tafiiq Gudoomiyaha Darwish Media Association
  5. Now SSDF fans are talking about 1 Journalist is mistreated, just one, Hypocracy.com Well Fool Faroole and his SSDF pirates mistreated and waging war against All People of SSC and Maakhir
  6. Excellent Job People of Maakhir, they already taught Pirateland militia an unforgettable lesson in Galgala Insha Allah, very soon People of SSC & Maakhir will defeat the Axis of Evil War Criminals; 1. Meles-Habashi, 2. 80 years old Warlord Siilaanyo-SNM /Somalidiid land and 3. Chief Pirate Officer Fool Faroole-SSDF/Pirateland The three warlords melez, siilaanyo, and faroole must face justice for their crimes and atrocities against Somali people and Somalia
  7. Fool Faroole now the mayor of Garowe is worse than a thug, The of problem is not PIS, the problem is Faroole, blaming PIS and Not the Chief Pirate Officer, is like blaming CIA and American troops and NOT Bush Some people want to make excuses for War Criminals like Siilaanyo and Faroole
  8. Inta Dunida la joogo, Woqooyi Galbeed will always and forever be part part Somalia like other somali regions Hiiraan, Awdal, Puntland ,SSC, Maakhir and Galmudug , you can have your clan dreams but it is never a reality. you need to wake up, and face the truth that you are somali from Somalia Forget about SSC, because SSC will never be part of Somalidiid-land/snm clanland
  9. Insha Allah, Western Somalia will be free and join Somalia, because Western Somalia is the heart of Somalia. Ha Noolatu Midnimada Soomaaliyeed
  10. SNM/Somali-diidland is Garbage (Qashin), it will be eliminated soon
  11. Laascaanood ku daaddihi haddaad daacadda u jeeddid Faroole haa loo sheego Nin Kuu Digey Kuma Dilin, lakiin Faroole waa Fool waxba fahmimaayo
  12. Originally posted by Xudeedi: The general should be held as accountable. He came to popularity as a result of a vacume and if he fails to fill it, he will be denounced, thus his significance is at risk. Makhiri interest will not be tied to an individual. We shall see how this unfolds. Well Said Brother Xudeedi, People are more important than one man Insha Allah, Maakhir will prevail Long Live Maakhir
  13. We don't need advice from Opponent Red sea - SNM Secessionist and fake mujahid SSC Freedom Movement is a success story and is working fine. SSC is not and it was never jabhad SSC is already Autonomous Regional State of United Somalia, We have SSC President, SSC Vice-President, SSC Parliament (Khusuusi), and SSC army, and most importantly the new SSC State has the support of SSC People, Masha Allah ordinary people raised millions of dollars to help the establishment of SSC State There is no country called Somaliland, so stop dreaming, secession and dividing Somalia will never work, you need to try something else, secessionist fantasy didn't work for last 20 years, and it will never work for the next 20, 50, 100 years, because the world doesn't want to welcome clan-state 21 century
  14. Originally posted by RedSea: I think this man [Faroole] is good for Puntland. He seems more reasonable and a man willing to compromise for the sake of peace in the region. Only SNM fans and SSDF fans like Fool Faroole & Warlord Siilaanyo, both Public Enemy No.1 of SSC people
  15. Originally posted by General Duke: ^^^ Nonsense adeer, this is a "war" between men from the US, Garad Jama & Saleban and a man from Oz, Faroole. Dont bring the people into it... Cadowga Kowaad ee SSC waa SSDF/SNM Stop telling lies Mr. SSDF, the war is between Fool Faroole/SSDF pirates VS. people of SSC And now the war is between Faroole vs former Ministers, and MPs of so-called Puntland Xaglotoosiye is one man, there so many SSC politicians who are willing to lead and replace him, BUT Fool Faroole and his SSDF Fans (Many of them in SOL Forum) because they are NOT smart they focusing on one man, when the issue is bigger (SSC Freedom Movement) Just like Warlord Riyaale, Warlord Siilaanyo will leave, and like Pirate Cade Muuse, Pirate Faroole will leave as well , and another pirate will lead the pirateland
  16. Farooole iyo Jabhadiisa SSDF ayagaa dagaal kula jira shacabka SSC iyo hogaanka SSC
  17. Dhegayso: Khudbadihii Soo Dhoweynta Xildhibaanada ee Maanta Ka Dhacday Buuhoodle-(Maqal)- Buhoodle,(Lasanod Online)- Waxaa maanta lagu qabtay garoonka Kubadda cagta ee Magaalada Buhoodle Xafald ballaadhan oo lagusoo dhoweeyey Xildhabaanadii.. Dhowaan Maamulka Puntland ka qaaday xilka Xubinmada Golaha wakiilada. Xildhibaandan oo ay maanta soo dhoweeyeen shacab aad u tiro badan oo isugu jira isimo, odayaal, waxgarad iyo qaybaha bulshada ee kala duwan. Xafaldan ayaa waxaa ka hadalay garaad jaamc Garaad Cali, Hogaanka SSC iyo xildhibaanadii.. Hoos ka dhegayso khudbadihii xafalda.. 1. Khudbadii Garaad Jaamac Garaad Cali 2. Khudbadii Hoogaamiye Saleebaan Xaglotoosiye 3. Khudbadii Xildhibaan Ibrahim Guure 4. Khudbadii Xildhibaan Abshir Cabdicasiis
  18. Xildhibaanadii Dhowaan Xilka Laga Qaaday Oo Si Diiran Buuhoodle Loogu Soo Dhoweeey(Sawirro)- Lasanod Online. Wednesday, August 04, 2010 Shir-balaadhan iyo banaanbax ay soo qaban qaabiyeen Hogaanka SSC ayaa Maanta waxaa Lagu qabtay Garoonka Kubadda Cagta ee Buuhoodle,Shirkaani ayaa waxaa Shirkaani ayaa waxaa lagu soo dhowaynayey 3 xildhibaan oo hore uga tirsanaan jirey Baarlamaanka Puntland. kuwaasi oo dhowaan xilalkii ay ka hayeen Baarlamaanka Puntland laga qaaday kadib markii loo cuskaday in ay la shaqeeyeen Hogaanka SSC sida ay sheegeen xildhibaanaddu. 3-da Xildhibaan oo kadib markii xilka laga qaaday Maalintii shalay soo gaadhey Magaaladda Buuhoodle ee Xarunta gobolka Cayn ayaa maanta waxaa Loo qabtay Munaasibad Balaadhan oo lagu soo dhowaynayo. Xildhibaanadda oo shirkaasi ugu horayn ka hadlay ayaa eeedayn dusha uga riday Madaxweynaha Dawlada Puntland C/raxmaan Maxamed "faroole" kaasi oo ay ku sheegeen Mid kasoo horjedda danaha Iyo dib u soo-celinta Deegaanadda SSSC sida ay hadalka u dhigeen. Dhanka kale waxaa halkaasi ka hadlay Hogaamiyaha Hogaanka SSC Dr saleebaan Xaglatoosiye oo nasiib daro ku tilmaamay in xildhibaanadda xilka looga qaado taageeradda SSC. Waxaa isna halkaasi ka hadlay Garaaad Jaamac Garaad Cali , Garaadka ayaa ka hadlay Hadal dhowaan uu jeediyey Madaxweynaha Cusub ee Somaliland axmed maxamed maxmuud siilaanyo kaasi oo uu ku sheegay in madax dhaqameedka Goboladda Sool, Sanaag Iyo Cayn ay la hadlayaan isla markaana ay fidfinayaan googol nabadeed. Garaadku wuxuu arintaasi ku sheegay mid aysan aqbalayn.. sida uu hadal-kiisa u dhigay. Halkan Ka Daawo Sawiradii Xafaladii Soo Dhoweeynta Xildhibaanda. F.G: Waxaanu dhowaan idiinsoo tebin doonaa hadii Allah idmo khudbadihii laga jeediyey xafladan. Xafiiska Wararka Lasanod Online.
  19. Banaanbaxyoweyn iyo Kulano Balaadhan oo Lagu Soo Dhaweynayo Sadexdii Xildhibaan Ayaa Maanta Ka Dhacey Magaalada Buuhoodle:-Kulankan oo ka dhacey Badhtamaha Magaalada Buuhoodle ayaa waxaa ka soo qayb galey Isimo, Hogaanka SSC, Maamulka cusub ee Gobolka Cayn ,Xubnihii Garoowe ka yimi iyo dadweyne fara badan,waxaana halkaas laga jeediyey Gabayo,Buraan buro iyo Khudbadi dhinayco badan taabanayey. Waxaa kulanka ugu horayn ka hadley kana warbixiyey sidii xilalkooda looga qaadey sadexdii Xildhibaan ee Golaha Wakiilada Mamaulka Waqooyi bari ka tirsanaan jirey, kuwaasi oo kala ah Cumar Jaamac Saleebaan,Caaqil Abshir C/casiis iyo Ibraamin Maxamed Guure,waxaana ay sheegeen in xilalkii looga qaadey SSC ayaad la shaqaysaan. Waxay intaas ku dareen in ay Bulshadda SSC Wakiil uga ahaayeen Golaha Wakiilada ayna waajib ku ahayd in maamulka ay ku cadaadiyaan hadii uusan soo celinayn Gobolka uu faraha kala baxo Maamulka Bulshadda Sool, Sanaag iyo Cayn ay arinkaas u xilsaarteen. Xildhibaanadu waxaa ay dhanka kale Bulshadda SSC u sheegeen in dadka ay walaalaha yihiin ee Mudug,Nugaal,Qordho iyo Boosaaso aysan cadaawada kula socon Faroole ,ayna aad uga xumaadeen qaabka sadexda xildhibaan loola dhaqmayo iyo guud ahaan SSC. Ugu danbayntiina waxaa ay u mahad naqeen Isimada,Hogaanka iyo Bulshada Gobolka Cayn ee soo dhaweynta balaadhan u muujiyey waxaana ay ku booriyeen in la garab istaago hogaanka si loo soo celiyo dhulka maqan. Madaxa Hay'adda Difaaca Yaasiin Cali C/dile Tamaad ayaa isaguna dhaliiley kulan u jeediyey maamulka Faroole ee cadaw tinimada balaadhan u muujiyey ummada Sool,Sanaag iyo Cayn, dhinaca kalena waxaa uu amaan balaadhan u jeediyey Ciidamada Jiida hore ee uu dhawaan booqdey, isagoo sheegey in ay yihiin Halyeyo dalkooda u diyaar ah in ay u dhintaan, wuxuuna ugu danbayntii bulshadda ssc ugu baaqey in ay gacmaha is qabsadaan una midoobaan Mustaqbalkooda danbe. Intaas ka dib waxaa cod baahiyaha lagu soo dhaweeyey Abwaan Buraale Yuusuf Magan iyo Faadumo Cabdi Xuseen oo Gabey Guubaabo ah iyo Buraanbur qiiro badan xanbaarsanaa halkaasi ka jeediyey. Hogaamiyaha SSC Saleebaan Ciise Axmed oo munaasibadaasi isaguna ka Hadley ayaa sheegey in aan sadexda xildhibaan xilal laga qaadin balse xilal kuwii hore ka sharaf badan ay heleen,maantana ay yihiin halyeyo bulshadda ssc, sida labada wasiir ee horey xilalkoodii iyaguna ku waayey difaacada iyo ilaalinta sharafta dadkooda Faraax Aadan dhalac iyo C/laahi Cali Xirsi Timada-cade,wuxuuna ugu baaqey xubanaha ku hadhey Golayaasha Faroole in ay dadnimo muujiyaan oo inta aan xilalka laga qaadin ay iskaga yimaadaan ,kuna soo biiraan dadkooda iyo danta ummadooda. Dhanka kale waxaa uu Xaglo-toosiye ka Hadley hadalkii ka soo yeedhey Siilaanyo waxaana uu sheegey in ay nabad diyaar u yihiin balse aaney nabad imaanayn inta dhulkooda ay ku noqonayaan Jabhadda SNM,wuxuunna ugu baaqey in ay ciidamadooda la noqdaan markaas ka dibna ay labada maamul iyo labada Beelood ay daris ku wada noolaan karaan. Garaad Jamaac Garaad Cali oo shirka soo xidhey ayaa waxaa uu isaguna ka Hadley warar baryahan laysla dhex marayey oo lagu dhaliilayo SSC oo la lee yahay heshiisyo hoose ayaa jira ama SSC waa mashruuq xilal lagu doonayo,ayaa waxaa uu sheegey in ay arimaashi yihiin kuwo dacaayado ah,hawshani ay tahay mid Bulshadan loogu adeegayo marka Ciidamada inaka ku soo dulay laga saaro deegaanka waxaa uu noqnayaa arin mustaqbal u noqota ummada Sool,Sagaan iyo Cayn Garaadku waxaa kale oo uu sheegey in ay dhammaatey xiligii afar isim qol lala gali jirey masiirka ummadana sidaa lagu lumin jirey,wuxuu Garaadku cadeeyey in maanta Bulshadda SSC ay lee yihiin Siyaasiyiin iyo maamul u matalaya wixii siyaasad ah,Isimaduna ay wixii dhaqan ah ku kooban yihiin,oo ay la kulmi karaan dhigooda dhaqanka. Isku soo wada duuboo waxaa uu ahaa isku soo baxii ka dhacey Garoonka Xabado ee magaalada Buuhoodle mid si weyn dadweynaha Gobolku u soo dhaweeyeen aada loogu diirsadey Khudbadihii Isimada iyo hogaanka SSC ay halkaas ka jeediyeen. C/casiis Saleebaan Axmed galoose@yahoo.com Buuhoodle SSC Soomaaliya
  20. Sadexdii Xildhibaan ee Dhawaan Jabhada SSDF iyo hogaamiyaha Budhcad Badeeda Faroole xilalkii ka qaadey oo Buuhoodle si weyn
  21. Buuhoodle(Jidbaale):-Waxaa maanta duhurkii si weyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn Sadexdii Xildhibaan ee dhawaan maamulka Faroole uu SSC ayey taageeraan sida sharci darada ah uga qaadey xilalkii Golaha wakiilada. Waxaana soo dhaweyntooda ka qayb qaatey Hogaamiye ku xigeenka SSC Cali Sabarey,Madaxa Difaaca Yaasiin Tamaad,Gudoomiyaha Gobolka Cayn C/risaaq Muuse Faarax,Duqa Degmada Axmed Ibraamin Kaarshe iyo Masuulinyiin kala duwan,waxaana la filayaa in ay meel fagaare ah dadweynaha reer Buuhoodle kala hadlaan. Jidbaale.com
  22. Originally posted by Nassir: We the majorities of Sool and District of Buuhoodle and Sanaag and western Bari had made a major political mistake when we helped the formation of Puntland. It will take us years and years to eliminate all the opportunists (both the ignorant elders and the self-styled or appointed politicians) and rise to the challenge of putting our regions before the Federal or Centralized form of Government of Somalia. Why do we need a middle man to represent our regions. Gen. Ilka-jir, Haabsade and their equals have only added to the plight of these regions, being content with a mere ministerial post that mean nothing in the long run..
  23. Originally posted by Nassir: We the majorities of Sool and District of Buuhoodle and Sanaag and western Bari had made a major political mistake when we helped the formation of Puntland. It will take us years and years to eliminate all the opportunists (both the ignorant elders and the self-styled or appointed politicians) and rise to the challenge of putting our regions before the Federal or Centralized form of Government of Somalia. Why do we need a middle man to represent our regions. Gen. Ilka-jir, Haabsade and their equals have only added to the plight of these regions, being content with a mere ministerial post that mean nothing in the long run..
  24. Kaligii-taliska Faroole oo Cayrinaya Xildhibaannada SSC Faroole ayaa maantay dacwad dhan ka ah sedddex xildhibaan u gudbiyey golaha wakiillada Puntland. Seddexdaas xildhibaan ayaa lagu eedeeyey in ay jawaasiis u yihiin dad kii ay matalayeen xilkooda. Waxaa la yaabay xildhibaano beesha ay matalayaan laga ilaalinayo oo la leeyahay jawaasiis ayaad u tihiin Beeshiina. Golaha wakiillada ayaa ka xayuubiyey xilkii ay ka hayeen baarlamaanka Puntland ee Faroole iyo saaxiibadiis ina Cali Shire iyo Ilkajiir iibsadeen. Waxaa shacabka Puntland eedda dusha uga tuurayaan xildhibaanada baarlamaanka oo khiyaamay beelaha ay matalayaan; kana turjumin damiirka shacabka Puntland. Waxaa qabsatay oraahdii ahayd: labadii xaq-darro ku heshiisaa; Xaqeey ku diriraan. Seddexdaan xildhibaan ee xilka laga xayuubiyey kaddib markii ay lacagtii laaluushka ahayd ee ay qaateen sidii loo siiyeyna ay u isticmaaliwaayeen; beelihii ay matalayeenna ka gadiwaayeen siyaasadda Faroole, daacad na u noqon waayeen maalulkiisa ayaa golaha baarlamaanku ku eedeeyey in ay jawaasiis u yihiin beelaha ay kuraastooda ku fadhiyaan. Seddexdaas xildhibaan ayaa waxaa la kala yiraahdaa: Ibraahim Maxamed Guure Abshir C/Casiis Sheekh C. Jaamac Sulaymaan Seddexdaas xildhibaan waxay ka soo jeedaan qabiilka la baxay SSC oo soo-gaabinta geyigaan: Sool, Sanaag, iyo Cayn. Warkaas waxaa lagu daabacay boggagga ineternetka oo badan. Waxaa sidoo kale wax ka yiri idacaadda Shabeelle Halkaan Halkan Riix Faroole waxaa talladaan siiyey sidaan sheegnay madaxda ka soo jeedda laba beelood ee kala dega Gaalkacyo iyo Qardho. Taladu waxay ahayd in la cayriyo dhammaan madaxda SSC oo uu ku badalo kuwo shacabka SSC soo doorteen. Waxaa la rabay inuu seefta ku bilaabo saaxiibbadiis, madaxweyne-ku-xigeenka Puntland, C/Samad Cali Shire iyo wasiirka arrimaha dibadda, Ilkajiir. Waxaa siyaasiyiin badan saadaalinayaan inuusan qaadan taladii lasiiyey sidii loogu sheegay oo uu wax ka badalay maaddaama uusan ka bilaabin raggii farta loogu fiiqay. Faroole ayaa dagaal ku bilaabay siyaasiyiinta Puntland wuxuuna u diiday in ay joogaan gudaha goballada Puntland sida Sheekh Aadam Gaadaale, C/laahi Yuusuf, Nuuradiin Diiriye, Farjac iyo rag kale. Wuxuu dagaal ku qaaday Wasiirkii hore ee maaliyadda Gaagaab, oo hoos xargo ka xir xiraya, una eg mid raba inuu goosto gobalka Mudug. Mar Faroole isku dayey inuu wiiqo awoodda Cismaan Diyaano oo ka mid ah Ashahaad- la-dirirka waa u suurtoobi weyday; waxayna keentay in beesha Qardho ay tiraahdo: nin walba wuxuu qabo Qardhuu gayn taas oo uu Faroole ka tanaasulay. Maaddaama marinkiisa Boosaaso uu Qardho yahay. Beelaha daga Gaalkacyo ayuu sidoo kale saxaafadda ka weeraray una sheegayn in ay aayahooda ka tashadaan. Sidoo kale odayaal ka soo jeeda beelaha Mudug oo Waqooyiga America jooga ayuu si fool xun u qaabilay sida uu siyaasi reer Puntland ah usheegay Radiowidhwidh.. Maxaa ka dhashay Tallaabooyinka uu Qaaday Faroole inta uu Xukunka Hayey? Waxaa ka dhashay in uu tagi waayey magaalada Gaalkacyo, waji gabax darteed wuxuuna kula kulmay duqa magaalada Gaalkacyo Axmed cali Salaad tuulada Xarfo, ama Buuryaqab loo yaqaanno. Wuxuuna u sheegay in beel kasta oo Mudug dagan uu ka rabo boqol wiil oo mary-calas ah wuxuuna u raaciyey C/laahi Carays ayaan u magacaabay amniga Puntland. Marka odayaasha u tag iguna salaan. Carays iyo ina Cali salaad ayaa odayaashii beesha Mudug ugu yeeray guriga gobalka waxaana loo sheegay beelkasta nabadoonkeeda in uu keeno boqol wiil oo dhagaha ku dhufta wiilasha beesha Dubbays ee Galgala jooga. Shirkii Magaalada Gaalkacyo iyo Garnaclaydii Odayaasha Mudug Sida Radiowidhwidh la soo gaarsiiyey oday aftahannimo lagu xanto baa Carays ku yiri: adeer wiilashii hadda ka hor aan kuu habaynay oo ahaa kunka wiil ee gaaska cabbi jirtay, jaygana ku luq luqan jirtay, siliggana ku findhicilan jirtay, sooma-jeestayaasha nafta-huurayaalka ahaa oo hadda ka hor Maxkamadihii Shariifka cagta marariyey waa Maxkamadahaad argagaxisada noogu sheegteen. Soow nimankaad lahaydeen waa ****** shaar diimeed soo gashaday een Bandiiradley kula dagaalnay soow hadda waxa wiilasheennu waardiyeeyaan ma aha ninkii Maxkamadaha watay? Waxaan leeyahay ma nihin dad qaddiyad leh. Sheekh Jaamac oo 9 masaajid iyo 5 iskuul oo waaweyn dhisayna waan ka cayrinnay Gaalakcyo; wiilasheenninna Shariif bay Xamar ku waardiyeynayaan. Amni mahaysanno. Magaaladu dhaqan-xumo ayey la ciiraysaa. Marka garan mayno waxaan ku laynno beelaha Sool, Sanaag, iyo Cayn ka soo jeeda. Waana ka baxay ayuu ku hooriyey odaygii. Oday kale oo lagu xanto in uu ka mid yahay Alitixaadkii ka dagaalamay 1993 gobollada Puntland ayaa qosal la dhacay kuna bilaabay: meeshii la rabay ayey maraysaa hadda, xaalku wuxuu u eg yahay in aad maskaxdiina isticmaalaysaan marka waan soo dhaweynayaa awalba mowqifkaygu waa cadaa diinta intaan la idin keenin aan shareecada dhaqan galino Shiikh Jaamac soo celino waayo anagu Ictisaam haddii aan nahay waan fashilanay waxa oday habal ka sheekaynayo oo saafiqnimo ah Magaalada waa ka jiraan dadkii la rabay in ay wax ka qabtaa waa culumada, ma hubaysana Culudeenu waa waran layaal Bakoorado wata faataxada mara ma ahan sida shabaabka oo kale, marka Puntland iyo Faroolay ayey dayatay, ee ha is casilo ama ha casilo Golabada dhibaadatu ka jirto dadka ka soo jeeda ee culumo iyo madax midna maqlaynin waxaa ka fiican xildhinaabadeena Mudug iyo Karkaar oo sugaya in xilka uu ka dago Faroole hala keenomarka hala keeno ku waas oo kale , haddii aan kaftamo qolyaha Karkaar iyo Mudug waxaa lagu xantaa xoogaa in loo tuuro ahaha, qosal yar ka timid carays oo dhidid ka da’ayo ayaa guriga Gobalka ka baxay Garoowe ayuu ku laabtay, guuldaruu ku dhamaaday shirkii Gaalkacyo iyo fashilaad. Carays oo Garoowe ku Laabtay Faroolana la Kulmay Carays oo farabanaan ayaa ku laabtay Faroole warninyahow intaan anigu iska sasabayey koofiyad baclayaashii, Odayaasha ayuu ka wadaa, iyo intaan adiga kaa sasabayey ayaaba wakhti iga qaadatay diide in ay marya calas nasiiyaan marka laba arimood aan mid yeelno horta kaalintooda waa qaateen Reer Mudug allah ayaa nalahe oo Villa Soomaliya ayey joogaan, ee Nimankaan Qardhood oo Raisalwasarahooda aan u waardiyeyno, *****ar Abdirashid ayuu ka wadaa, aan ciidan weydiisano ee Madaxweyna ku xigeen kaaga igu dar Abdisamad Ali Shire,ama lacag keen aan ciidan qornee xataa ********* iyo Beelweynta jareer, Faroolaa soo booday ilaa caloosha waxaa oga jira AL shabaabe war ma waalan tahay horta lacag maafush ma ahayno, mida labaad mar argagaxisaad rabtaa in aad noo qortid oo hubsiino maya maya adeer, waxaan idin dirayaa Qardho ilaa anigu matagi karee waagii Osman diyaano ayaan isku xumaanay oo aan Xilkana ka qaaday Samatar, xataa waxaan damcayn in aan meel Qardho ka sokaysa aan kula kulmo duqa Qardho waxaan ka baqay warbaahinta Qardho laga leeyahay sida Horseedmedia, in ay igu shidaan marka diyaar garow waa inoo sidaas Qardhaan idin dirayaa, Faroole waxaa cad in uu warbaahinta Mudug ka adkaaday oo Radio daljira AL baabada Iskugu dhuftay Garoowana ku xir xiray Wiilashii ka shaqaynayey. Shirkii Magaalada Qardho Iyo Garnaclaydii Carays iyo ina Cali shire maxishoodayaal ayaa Qardho soo gaaray dhowr baabuur ayaa la wataa buub buub Welcome to Qardho waxay ku jiraan gacan Reert Bari niman aan warkoodu cadayn sida Reer Muduga dagaal shaashiyeed kama dhamaado Reer Bari, shirkii baa furmay, ina Cali shire ayaa hadalka qaatay ilaa ayagaa dan leh waana Madaxweyne ku xigeenkii Puntland Waryaa rahee si baad moodaa in ay usoo fadhi xun tahay, bal horta warama sidee xaal yahay? Odayaashii Qardho Boowe balo ma jirto haddii ay jirtana ma buurna, haye bal idinkaa boorka kicinayeen noo waramaya ma duulaan baad tihiin. Abdisamad Ali Shire ayaa qaatay hadalkii Nin rag ah wuxuu og yahay in aan Nabad gacanta lagu haynin doqonna ha u sheegin argagaxiso ayaa puntland la wareegtay ku waa soo raba gacmaha iyo lugaha in ay idin ka gooyaan marka waxaa la idin ka rabaa 100 wiil oo marya calas ah oo bad baadiya Puntland iyo Boqortooyada Qardho ahahaha waan ka baxay. Odayaashii Qardho, Boowe horta ina ali shirow adigu ciidan ma keentay marya calas ah? saaxiibkaa Carays ciidan Mudug ma ka keenay intaas boowe nooga jawaaba? maya aniga SSC waa la haystaa argagaxiso ayaa haysata waaba middaan idin ka doonayo in aad ciidan aan ku xoreeyo na siisaan, Caraysna hadde waxaad og tihiin ciidamaduu geeyey Villa Soomaliya in ay Ina Cabdirashiid waardiyeeyaan, marka idinkay idin dayatay waan ka baxay ahaha. Waxaa ku soo booday oday aan markii hore hadlin aftahannimo lagu xanto oo dib loo dhigay Back Up wuxuu yiri walaahi warkiina waan dhuuxay horta boowe walaysan u fadhixumayn markii shirka la furay laakiin hadda ayaan fadhi xun iyo fool xumo ii muuqataa, ciidan waan idin siin karnaa laakiin waa in Beeshu u bareertaa in ay dakano gasho oo Beesha Dubays weerarto ilaa ciidan kale gacan kuma haysaane anigu waxaan ku taliyey la iskuma kiin tagayo ciidamo qorta aan qabiil ahayn, Mida labaad ina Cali shirow ma caruur baad noomalaysay markaad dhurwaaga kataga naleedahay Argagaxiso haddii dubays yahay birina Reer Boosaaso, Mudug iyo Qardho Ma saxaabadii ayey noqonayaan ahaha Walaahay waxaa gacanta la ogaynayaa lugaha laga gurayaa Nin kii tuug ah oo faasiga marka mindhaa idinkaa baqaya anagu Masaajidkaan hadda salaad duhur ka soo baxnay waligay koob sii jeedan ma soo jeedin marka yaan la isku bajin Kitaabka oo yaan dadka diinta lagu dirin oo hala iska daayo Magacyada aan ha dhow meel ay ku istaagaan lahayn. Guuldaroo ku dhamaaday shirki Qardho i iyo fashilaad. Laabashii Carays Iyo Ina Cali Shire Carays iyo ina Cali Shire Guul daray la galbadeen Ina Ali Shire wuxuu Carays ku yiri Alow Faroole far ku jabtaa hadde Beelihii iyo Odayaashii xoogaaga la siin jiray laad ayuu dabada ka galiyey markuu maamulka qabsaday albaabkii ay gurigiisa ka gali lahaayeen wiilashiisa ayaa istaagay Siyaasiyiinta Beelaha dajin lahaana wadanka mid uu ka cayrsho iyo mid hoos dab ka shida ayuu ka dhigay marka Itoobiyo in loo yeero Mooyaane xal kale ma lahan maasha yiri wadamada dariskaa waxaan u sheegaynaa in ay na soo gaaran ilaa Faroolow waad is og tahay! Waxaa ka Qayb qaatay Siyaasiyiin Iyo Aqoonyahano Reer Puntland ah Iyo waliba goobjoogayaal shirarka Qardho iyo Gaalkacyo oo ku sugan Qurbaha iyo Gudaha wadanka wali waa socotaa falanqaynta iyo Siyaasad Xumada Faroole. La soo Xiriir widhwidh@gmail.com C/laahi Shire Radiowidhwidh