Liibaan

Nomads
  • Content Count

    4,722
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Liibaan

  1. You are wrong Sakhar, I am not angry, the truth is we don't share Puntland But that doesn't matter, we are all somalis from one country Somalia, one people, one flag, One nation, one country, one culture, under one God
  2. Duke, At least we share the noble Blue Flag unlike snm/Somalidiid
  3. Buuhoodle:-Xaflad si weyn loo soo agaasimey oo maanta ka dhacdey Hutel Garsoor ee Magaalada Buuhoodle ayaa waxaa ay Gudiga Diyaarinta Axdiga SSC ay ku soo bandhigeen qoraal qabyo ah oo ka mid ah Axdiga SSC waxaana ay ku wareejiyeen Hogaanka midaynta iyo Badbaadada SSC, iyadoo ay halkaas khudbado ka jeediyeen Gudiga soo diyaariyey Axdiga iyo Hogaanka SSC. halkan ka daawo sawirada Abshir C/casiis Shiikh oo ah Gudoomiyaha Gudiga soo diyaariyey Axdigan oo uu magacaabey Hogaamiyaha SSC Saleebaan Ciise shirkii dharkayn ka dib ayaa waxaa uu ka warbixiyey arimaha dhaliyey in la qoro lana dadajiyo diyaarinta Axdigan,isagoo sheegey in uu qayb ka ahaa arimhii lagu heshiisyey shirkii Dharkayn,kaasi oo lagu turxaan saareyey Hogaanka SSC. Intaas ka dib waxaa sharaxaad dheeriya Axdigan ka siiyey Hogaanka iyo Golaha Khusuusiga Ibraahin Maxamed Guure oo ka mid ah Gudiga soo diyaariyey waxaanna uu sheegey in dustuurkani isku jiro mid ay ka soo miin guuriyeen Axdigii Kenya lagu qorey oo ku qornaa Afka Ingiriisiga iyo kuwo Dustuuro kale laga xigtey. Ibraahin Max’ed Guure ayaa sheegey in Axdigani yahay kii afraad ee ay bulshadda Sool,Ssanaag iyo Cayn ay samaystaan ilaa iyo 1993 wuxuuna intaas raaciyey in samaynta Axdigan cusubi uu yimi ka dib markii ay Bulshadda SSC ku hungoobeen in ay ka helaan darisyadood: Nabad ku wada noolaansho,Xal siyaasadeed iyo maamul cadaalad ah, islamarkaana la lunsadey Kaalmooyinkii beesha Caalamku ugu talo ssc. Sidoo kale waxaa uu Guure sheegay in uu yahay midkii lagu dhaqmi lahaa Marxalada hore ee uu Hogaanka SSC Hananayo deegaanka la haysto, sidoo kale waxaa uu kala qeexayaa ayuu yidhi awoodaha shaqo ee Golayaasha Hogaanka SSC sida Fulinta, Khusuusiga, Maaliyada iyo qaybaha kala duwan ee maamulka SSC. Hogaamiyaha SSC Saleebaan Ciise Axmed ayaa isaguna halkaasi ka jeediyey khudbad aad u qiimo badnayd oo taabanaysey dhinaco badan waxaana uu ugu horayn u mahad celiyey Gudiga soo diyaariyey Axdigan oo boqolaal kun oo doolar lagu bixiyo samayntiisa ayuu yidhi balse iyagu si Mutadawacnimo ah ku shaqaynayey. Md: Xaglotoosiye ayaa waxaa uu sheegay in hogaanku uu soo diyaariyey qorshayaal kala duwan oo lagu dardar galinayo Ciidamada, Dhaqaaaha Siyaasadda iyo waliba dhaqaajinka iyo dhisidda maamulada Gobolada iyo degmooyinka ssc,wuxuuna intaas raaciyey in qorista ciidamo rasmiya oo aan ahayn mid beeleed ay haatan si joogta ah uga socoto Buuhoodle deegaamada kalena laga bilaabi doono. Hogaamiye Saleebaan Ciise ayaa waxaa uu xubnaha Golaha Khusuusiga ku booriyey in ay sida ugu dhaqsaha badan ay u soo dadajiyaan Axdiga marka hogaanku u soo gudbiyo maalinta Salaasada ah, waxaa kale oo uu hogaamiyuhu Golaha Khusuusiga iyo kan fulintaba ka codsadey in si weyn loogu guntado ka midha dhalinta masuuliyada culus ee ay bulshadu ka sugayso Hogaanka SSC Dhinaca kale hogaamiye Saleebaan Ciise ayaa ku baraarujiyey Golayaasha kala duwan ee ssc in ay soo dhawdahay sanad guuradii koowaad ee ka soo wareegtey Aasaaskii Hogaanka SSC 15/10/2009 iyo sidoo kale sanad guuradii afraad ee qabsashada laascaanood 15/10/2007, wuxuunna ugu baaqey Bulshadda SSC ee dal iyo dibad in ay maalintaas si weyn u xusaan. Golayaasha SSC ayaa mudo todobaad ah kaga soo baaraan dagaya qodobada kala duwan ee Axdigani ka kooban yahay, iyadoo maalinta la ansixinayana dadweynaha Gobolka Cayn loo soo bandhigi doono. Xafladan ayaa waxaa ka soo qayb galey Hogaamiyaha SSC Saleebaan Ciise Axmed, hogaamiye ku xigeenka Cali Sabarey,Gudoomiyaha Khusuusiga C/risaaq Xasan Gacamey, dhamaan xubnaha goaha Khusuusiga , Xooghayaha Maalliyadda Cismaan Xaaji Cali ,Taliyaha Ciidanka SSC Faarax Nadiif iyo Gudiga soo diyaariyey Xeerka cusub Abshir C/casiis, Ibraahim Maxamed Guure,Yaasiin Axmed Sulub,Cumar Jaamac Saleebaan iyo Mukhtaar Xirsi Jaamac. C/casiis Saleebaan Axmed Jidbaale
  4. Buuhoodle(Riinji.com):-Hogaanka SSC ayaa maanta salaan saraf ka qaatey cutub ka tirsan ciidanka cusub ee qoristiisu ka socoto Magaalada Buuhoodle, waxaanna halkaasi khudbado ka jeediyey Hogaamiya ,ku xigeenka,Xooghayaha Difaaca, Cuqaal iyo Abwaano uu ka mid yahay Xine Xiiriye. Taliyaha ciidanka cusub Col Bakayle ayaa waxaa uu hogaanka salaantii ka dib uga xogwaramay ciidaman oo uu ku sheegey in ay iskugu jiraan kuwii Xooga dalka Soomaaiyeed ee 20 sano dawlad la’aantu haysey iyo qaar ka tirsanaan jirey ciidamada Puntland tababarana ku soo qaatey dalalka Ugaandha iyo Itoobiya. Xooghayaha Difaaca SSC Yaasiin Cali C/dile Tamaad ayaa isaguna hadal dhiiri galin ah u jeediyey Ciidamada isagoo dhanka kalena sheegey in uu ku faraxsan yahay inuu hortaagan yahay Ciidamo ka tirsanaan jirey Xoogii Dalka Soomaaliya ee uu ka midka ahaan jirey. Hogaamiye ku xigeenka SSC Cali Xasan Axmed (Cali Sabarey) oo cod baahiyihii lagu soo dhaweeyey ayaa waxaa uu ciidamada u sheegey in SSC ay Qadiyad iyo Mabda sax ah ku socoto kuna dagaalamayso maadaama ay dalkooda ka saarayaan Beel la mid ah, wuxuuna u sheegay in ay heli doonaan wixii xuquuq ah ee ciidan lahaan jirey, iyagana looga baahan yahay in ay Hantaan kana saaraan Malayshiyaadka ***** ee ku soo duuley Deegaamada Sool,Sanaag iyo Cayn. Intaas ka dib ayaa wxaa hadalkii qaatey Cuqaal ay ka mid ahaayeen Caaqil Max’ed Nuux Sanweyne iyo Caaqil C/laahi Maxamed Dheeg, sidoo kale waxaa Gabayo iyo Geeraaro Guubaabo iyo dhiiri galin iskugu jirey halkaas ka jeediyey Abwaanka weyn Xine Xiirey Jaamac. Gabagabadii Munaasibada ayaa waxaa hadalkii lagu soo dhaweeyey Hogaamiyaha SSC Saleebaan Ciise Axmed waxaanu ugu horayn u mahad celiyey Halyeyada ku soo biirey Ciidamada SSC, isagoo kula dardaarmey in ay adkaysi iyo dulqaad badan muujiyaan inta lagu jiro halganka lagu Hananayo Deegaamada ka maqan gacanta Hogaanka. Hogaamiyaha ayaa dhanka kale ciidamada u sheegay in ciidamo laga qorayo Dharkayn iyo dhanka Nugaasha kuwo fara badana sida warbaahinta laga daawada ay ku soo biireen Ciidamada SSC ee Aaga Tuka-raq. Dhanka kale hogaamiye Saleebaan Ciise ayaa hadalo kulul u direy maamulka Siilaanyo iyo kooxaha uu Calooshood u shaqaystaal ku tilmaamey oo deegaanka u dhashay kuwaasi oo uu sheegey in ay baryahan la wareegayeen suuqayada SSC waa burburtey, isagoo arintaas ka hadlayana wuxuu yidhi” Waxay suuqayada baryahan danbe la wareegayeen shaqsiyaadka u adeega reeraha kale oo calooshood u shaqaystayaal ahi ssc waa burburtey, waxaan u sheegayaa in aaney Qadiyadi burburin ee wixii mashruuc ah ee si xun lagu soo qaataa ay burburaan, SSC waa jiraysa waana jiro doontaa” “Sidoo kale waxaan lee yahay Hagar daamooyinka aad shacabka SSC ku haysaan ka daaya haddii aad dayn weydaana waxaan idin lee yahay sii laban laaba, waayo haddii aanu nahay Hogaanka SSC waa ka faa’iidnaa dhibka aad nagu samaysaan oo ilaahay ayaa wanaag iyo khayr nooga dhiga. Ugu danbayntii hogaamiyuhu wuxuu fariin u direy maamulka Siilaanyo isagoo sheegey in aan Bulshadda Sool,Sanaag iyo Cayn marnaba jeclayn in uu daato dhiig soomaaliyeed oo danbe haddii aan lagu kaliifin,wuxuuna ugu baaqey in ay Maleeshiyaadkooda kala baxaan dadka iyo dhulka SSC ee aan marnaba raaliga ka ahayn. Hogaanka Midaynta iyo Badbaadada SSC ayaa u muuqta mid haatan laba kacleeyey tan iyo wixii ka danbeeyey shirkii turxaan saarida ahaa ee ka dhacey Dharkayn geenyo 19/08/2010, waxaana ay dadweynaha SSC isha ku hayaan talaabada tan xigta ee hogaanku uu ku talaabsado. C/casiis saleebaan Axmed Cummaani2010@hotmail.com This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it Buuhoodle SSC Soomaaliya
  5. Originally posted by General Duke: ^^^lol@removing the post I am now sending a PM as to admin as to why it was removed. Anyhow, dont get me wrong again Saado is more effective than Saleban & Co and is having a whale of a time. Stop removing your posts waryaa, tuug la qabtay tala malaha Xaglotoosiye and SSC movement are much better than Fool Faroole & his SSDF pirates
  6. Duke, Why did you remove your post about Saado ? Are you one of the admin, because members normally cannot remove their posts
  7. Why bring Saado Cali Warsame in this thread??? If you want to know Saado Cali Warsame, she is the most loved Somali singer/writer,also Saado is huge supporter of Somaliweyn, unity, and SSC movement Now Saado IS in South Africa, and all Somalis and SSC fans welcomed her warmly
  8. Originally posted by General Duke: ^^^Liiban adeer the SSDF movement has not existed for 12 years now, so not sure who are attacking and who you speak for. Puntland = SSDF militia, and Somaliland = SNM militia In late 1970 few men from Bari region created SSDF as reaction to Siyad Barre In 1981 few men from Woqooyi Galbeed region created SNM at their apartment in Jeddah Saudi Arabia, as reaction to Siyad Barre In late few men from south created USC as reaction to Siyad Barre In 1998 One Man Abdulahi Yusuf created Puntland as reaction to Somali Conference in Cairo In 2000 Abdulahi Yusuf and Mogadishu warlords created SRRC as reaction to Somali Conference in Arta Originally posted by General Duke: Thus SSC is a faction, a political one created due to the desire of individual men. same thing, Puntland or the SSDF faction is not different, Abdulahi Yusuf created so-called Puntland as a stepping stone to President of Somalia In 2001, Warlord Abdulahi Yusuf started civil war, when elders of Gobalka Bari elected Jama Ali Jama Originally posted by General Duke: you admit this was out of anger for him losing the election for VP position? I didn't admit anything, if you misunderstood its your problem, no one angry, the truth only politicians from SSDF clan can lead the pirateland, others are unwelcome. As result many SSC politicians left so-called Puntland Mohamed Hashi, Xaabsade, and Sulieman Xaglotoosiye, Wasiir Timacadde, Ibraahim Maxamuud Guure, Abshir Cabdicasiis , Cumar Jaamac Saleebaan And the most important so-called Puntland doean't care about Las Anod, Buhodle and SSC region anyways
  9. Originally posted by Kuun-Kuun-Laminaa: ^Adeer Faroole have angered Xaglatoosiye, and all this SSC he created is a reaction to that... Doesn't matter, in 1998 at Somali conference in Cairo Audeed and Cali Mahdi have angered Warlord Abdulahi Yusuf and all the SSDF malitia=Pirateland, he created was just a reaction to Somali Conference in Cairo
  10. Originally posted by Kuun-Kuun-Laminaa: Liibaanow, Buhoodle is part of Puntland, adeer ama diid ama hadiidin. SSC group and their miliria is, have always been and will be part of Puntland, even the leader run for Puntland president. Their beef with Faroole does not change much adeer. Mid kale markii bari ladoortay sheekadaa iska dhamaanaysaa. Kuun Kuu, Reality on the ground, Buhoodle is now part of SSC Somalia, and NOT so-called Puntland, so Whether you like it or not does not matter. What matters is the people of Buhoodle & SSC people, and vast majority of them support SSC state of somalia,and they dont want SSDF militia in thier regoin. Xaglatosiye as somali citizen can run for be Mayor of Mogadishu or Borame tomorrow, In 2007 and 2008, many supporters of SSDF militia thought If Cadde Muse leaves and they they elect new leader somethign will something will change. No matter how many times SSDF militia change their leader, people of SSC State don't want SSDF militia in thier land PERIOD.
  11. If C/kareem Jama is from Buhoodle, that means is NOT from Gobalka Bari (Puntland), because Buhoodle is part of SSC Somalia
  12. No one cares if is from Cabdirashid's clan, dadkan waa in qabyaalada laga daweeyaa As long as he is somali and qualified that should be good
  13. if wishes were horses beggars would ride and Somalidiid-land could become an independent country, However the reality is Somalidiid-land or SNM is just clan faction led by 80 years old Criminal Warlord Siilaanyo Ex- Siyaad Spy Riyaale and Edna Adan Said 2003 was the year of recognition, 20 years of lies, failure, and empty dreams!
  14. Xudeedi, You right SSC Movement is getting bigger everyday, Now SSC has thousands of troops, millions of supporters inside Somalia and world wide alhamdulilah. SSC Darwishland and Makhirland of Somalia will succeed and prevail Insha Allah Tumor/Timur, Pirate/Coward in-chief Abdurahman Fool and his SSDF pirates are the worst cowards Somalia has ever known. SSC Freedom Fighters or Daraawiish are brave and patriotic men who fighting to liberate their land from invaders, and protect the sacred unity of Somalia
  15. Xiin, Cadaaladu waa 2-way street, maxaa magaca Gobolka Woqooyi Bari Somalia loo qori waayey baad ka cabanasaa? is weydii Jabhada barigu sababta ee uga soo horjeedaan xoriyada iyo Jiritaanka Sool, Sanaag iyo Cayn. Somali oo dhan baa la socota in Jabhada Gorowe ee kasoo horjeedo xoreynta SSC, Cadde Muuse, Faroole ma rabaan inay xoreeyaan SSC, Reer SSC uma ogala inay xoreystaan dhulkooda SSC laakiin qoloda barigu waxay galabsadeen baanan garan ? La yaab malihid, Sidoo kale Faroole qoloda barigu waxay galabsadeen ma garanayo, isku xishooda Jabhadaa Garowe ayaa dhulkii SSC bixisay, Walaalaheen Soomali Galbeed bixisay, ayaadoo raali galinasa Xabashida iyo SNM-somalidiidka Markaa labada jabhadood SSDF, iyo SNM-Somalidiika isma dhaamaan, waa dameer iyo labadiisii dhagood
  16. Xiin, warka waa la hubaa, see Awdal websites like Quljeednet and Hiildan Somalia: Ethiopia troops arrive in Somaliland to hunt down ONLF rebels Somalia: Ethiopia troops arrive in Somaliland to hunt down ONLF rebels 14 Sep 14, 2010 - 11:33:56 AM A group of rebels who were reportedly "surrounded" by security forces in Somalia's separatist Somaliland region have successfully crossed the border into Ethiopia, while Ethiopian troops have entered border towns in northwestern Somalia (present-day Somaliland), according to reports reaching Puntland-based Radio Garowe. Somaliland Interior Minister Dr Mohamed Abdi Gabose told reporters Monday that the ONLF ethnic Somali rebels who are fighting against Ethiopia's government were being searched for by Somaliland security forces in Awdal region, at a mountain range where the international borders of Somalia, Ethiopia and Djibouti intersect. Somaliland President Ahmed Silanyo Somaliland officials claim that the group of ONLF fighters, who reportedly number between 200 and 700 men according to conflicting reports, landed secretly at Zeila coast in Awdal region of northwestern Somalia (present-day Somaliland). Dr Gabose, the Somaliland government's interior minister, alleged that the suspected ONLF rebels wer "trained in Eritrea." But a senior member of ONLF who identified himself as the rebel group's deputy commander told Mogadishu-based radio stations that "no ONLF fighters are trained in Eritrea." He also denied that any ONLF fighters landed in Somaliland. Some Somaliland-based media agencies have reported that fighting broke out in the mountain area, but these reports have not been independently verified. Inside sources say the reports of fighting could be an attempt to "save face" for the performance of Somaliland security forces. Ethiopian troops arrive Somaliland-based Jamhuuriya newspaper has reported that a force of 1,000-strong Ethiopian troops has entered parts of Awdal region in northwestern Somalia (Somaliland) to conduct military search operations in the mountain range. There are reports saying that the group of suspected ONLF fighters have "already crossed into Ethiopia," where the ONLF has waged an insurgency since 1984 and is seeking self-determination for the Somali-inhabited ****** region of southeastern Ethiopia. Somaliland has enjoyed relative peace and stability for nearly two decades. But analysts say the continued unrest in southern Somalia and the low-level insurgency in ****** region of Ethiopia is affecting Somaliland's security. The bulk of Somaliland's security forces were sent to Sool region in 2007, leaving parts of the region vulnerable to security risks. Reports that heavily armed anti-Ethiopia rebels landed on the coast and traveled by land for hundreds of kilometers creates problems for Somaliland's new administration, led by President Ahmed Mohamed Silanyo. Since President Silanyo's election in June, Ethiopian government officials have expressed frustration with the new Cabinet ministers, some of whom Addis Ababa accuses of having links to Al Shabaab militants in southern Somalia. In 1991, Somaliland unilaterally declared independence from the rest of Somalia but has not been recognized internationally. Somaliland claims colonial-era boundaries, but neighboring Puntland contends that Sool and Sanaag regions belong to Puntland due to centuries-old kinship and blood ties.
  17. Borame News War-Deg-dega:Mudaharaad Xoogan oo ka socda Magaalada Borama Borama(Bnn) Mudaharaad xoog badan ayaa waxa uu goor dhawayd ka bilaabmay magaalada Borama, mudaharaadkan ayaa waxa uu ka daneeyay markii ay magaalada soo gaadheen , maxaabiis laga keenay ,Saylac iyo Buuraha Maar-maar, maxaabiistan ayaa waxa ay iskugu jirtay, Dirawaliintii gaadiidkii Falaagadu raacday waday, iyo Saddex ka mid ah , falaagadii ragii maalintii ugu horeysay la soo qabtay. hadaba markii magaalada Borama la keenay ragaasa ayaa isla waqtigaas waxaa soo galay, Gudoomiyaha Degmada Awbare ee kilinka shanaad oo ay ciidan soomaali iyo itoobiyan ahi la socdaa, isaga oo u yimid xog waraysi labada dhinac waa somaliland iyo itoobiya, kaas bishiiba mar dhaca, labada dhinacna ay isku tagaan bishiiba mar. Hadaba markii la keenay maxaabiista saldhiga dhexe ee degmada Borama, ayaa waxaa isla markiiba saldhiga hortiisa soo buux dhaafiyay, dadwayne aad u cadhaysan , taas oo shaki ku abuurtay itoobiyaanka jooga iyo maxaabista xiligan la keenay, iyaga oo ka shikisanaa in lagu wareejinayo, saddexdan dirawal ee aan danbiga lahayn waa sida ay hadalka u sheegayeene, waxa ayan lahaayeen, saddexdan falaagada ah ee ONLF,anagu ma diidani in ay qaataan itoobiyaanku, laakiin saddexdan muwaadin raali kama nihin, in loo gudbiyo itoobiya, wixii ay danbi galeen halkan ha lagu maxkamadeeyo ayay lahaayeen. iyada oo xaaladu sidaas ay tahay waftigii itoobiyaanka ahaana uu rays u shaahdoontay, ayaa waxaa saldhigii Borama ka dhacay arin aad iyo aad u la yaab badan, taas oo ahayd, ragii maxaabiista ahaa ee dirawaliintii ayaa waxaa la soo saaray gaadhi toyota landcruieser si loo geeyo jeelka dhexe, isla waqtigii uu ka soo baxay ilinka hore ee saldhiga dhexe ee degmada, ayaa waxaa ku soo dhaqaaqay gaadhi seeraf ah, gaadhigii booliska ahaa, ee ay saarnayeen maxaabiistii dirwaliinta ahayd, gaadhigii marii uu u soo dhawaaday, ayaa waxaa uu afka ku dhuftay fuqa hore ee gaadhigii maxaabiistu saarnayd, halkaasna waxaa ka dhacay arin la yaab leh , waxaana halkaas kala baxsaday dirawalkii , booliskii iyo dadwaynihii halkaas joogay iyaga oo ka baqa qabay in gaadhigu qarxayo, waxaana halkaas ka fakaday, laba ka mid ah maxaabiistii Dirawaliinta ahaa, iyaga oo markiiba dhex galay dadwaynihii,dabadeed dadwaynihiina waxa ay dhagax u qaadeen booliskii eryanayay maxaabiista, dabadeedna waxaa halkaas ku fakaday,saddexdii dirawal laba ka mid ah. wixii intaas ka danbeeyay waxaa la isku fara saaray afaafkii hore ee saldhiga booliska shacabkii godoodsanaa iyo ciidanka amaanka, waxaana halkaas la isku waydaarsaday rasaas iyo dhagxaan.iyada oo ay balaadhatay mudaharaadkii iskuna badalay kacdoon socday mudo, soddon daqiiqo ah, rasaastana ciidanku waxa ay u ridayeen kor.si ay u kala eryadanaan shacabkan gadooday. waxaana ilaa imnka la maqlayaa Rasaasta iyo guhaadka mudaharaadlayaasha wixii ka soo kordha iyo sawiradaba gadaal ayaan idinkula soo socodsiin doonaa Reporter:Jaabir Ali Omer
  18. Tikniko Iyo Ciidamo Uu Taliye U Yahay Maxamuud Foorteyn (410) Oo Si Rasmiya Ugu Soo Biirey Ciidamada SSC. Friday, 17 September 2010 06:35 Tuka-raq(Jidbaale.com):- Sida uu warbaahinta u sheegey afhayeenka Aagga bari Cabdi Daahir waxaa maanta magaalada Tuka-raq xaflad soo dhaweyn ah loogu sameeyey Tikniko iyo Ciimado uu taliye u tahay Maxamuud Max’ed Cabdi Geelle, kuwaasi oo horey uga tirsanaan jirey Puntand. Tirada ciidmadan oo lagu sheegey Lix Tikniko ah iyo Boqol Askari ayaa waxaa si rasmiya ula wareegay Taliyaha Aagga Bari Col Faysal Maxamed Xasan Falaalug ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha Khusuusiga ee SSC. Xaflad lagu soo dhaweynayo ciidamadan oo maanta ka dhacdey Tuka-raq ayaa waxaa ciidamada loogu qaley xoolo, iyagoo soo dhaweyn weyna kala kulmey dadweynaha deegaanka Tuka-raq, waxaanna ciidamadan doorweyn ka qaatey xubno jaalliyadda ka mid ah, oo uu hormuud u yahay Aadan Cali Ducaale (Aadanka Hawada). Maxamuud Maxamed Cabdi Geelle Taliyaha ciidankan oo warbaahinta u warramayey ayaa sheegay in ciidankani uu muddaba ku sugnaa aaga Tuka-raq, ayna ku faraxsan yihiin ku soo biiriddooda ciidanka SSC. Warar lagu kalsoon yahay ayaa waxaa ay sheegayaa in maalmaha soo socda ciidamo tira badan oo ku kala sugan Taleex, Awrboogays iyo deegaamo kale ay ku soo biiri doonaan Ciidamada SSC ee Aagga bari. Dhanka kale waxaa 14ka bishan soo gaadhey magaalada Tuka-raq Cabdi Qawdhan iyo xubno ka tirsan maamulka waqooyi bari ee Faroole, kuwaasi oo dadweynaha deegaanku dhagxaan kaga saareen magaaada. Jidbaale.com
  19. Awdalland patriots around the world continue to show the international community that they also have a ‘Land’ worth noting, in the far north Somalia there is ‘Awdalland’ sitting silently. The region has its own flag and songs. This week Criminal Siilaanyo claimed 240 armed men belonging to the ‘ONLF’ entered Awdalland, an accusation which was later reported to be ‘false’, after even the ONLF claimed its fighters have no interest in Awdal and only fight for Western Somalia. The fact is that many Awdalland patriots are waiting for the chance to call their region independent as majority of Awdalland civilians hope to gain international recognition similar to that of other regions of Somalia such as Puntland, Galmudug, Somaliland and SSC. - - - Qurbo joogta Awdalland ayaa sameeyay video oo ay aduunka ku tusayaan madax banaanida carada **********. Taasoo weliba reer ********** maalmahan farxad gelisay markay 240 dhalinyaro is aruursadeen buurta Libaaxley aageeda ku dhuuntay si ay u bilaabaan dagaal lagu xoreenayo carada Awdalland. Ra’yiga kasoo horjeedida dowlada ***** ayaa dadka reer Awdalland aysan isku raacsanayn oo qaar lacag ka qaato dowlada ***** weli rajo ka qabaan maadaama wasiiro jilibkooda hoose ka tirsan uu shaqo siiyay Qabiiliiste Siilaanyo.
  20. SSC President Receives Welcome from TFG, Ethiopia and Djibouti Cayn (ssctimes.com) SSC Sources in Cayn confirm that the President of SSC has received welcome from the Somali Transitional Federal Government and two important neighbouring countries Ethiopia and Djibouti. This welcome is expected to be based on building relations between the SSC and current Government in Somalia as well as the neighbouring countries of Somalia. Criminal Siilaanyo is expected to make a visit to both Ethiopia and Djibouti prior to the SSC President’s visit. There are also reports that Faroole of Puntland has been ordered by the Ethiopian government in his recent visit to Ethiopia to keep out of the affairs of the SSC region. It seems as if both Ethiopia and Djibouti understand the plight of the SSC civilians and are equally concerned of the safety of the region and the never ending attacks of the Somaliland Clan Militia. The Somali TFG’s welcome of the SSC president does not come as surprise, given the increasing international support of the SSC movement.
  21. Hoggaanka SSC Oo Casuumado Ka Helay DFKS, Itoobiya Iyo Dalka Jabuuti. Boocameonline.com Warar aanu ka helney xubo ku dhawdhaw Hoggaanka SSC ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in hoggaanku uu marti qaad rasmiya ka heley Dalalka Itoobiya, Jabuuti iyo Xukuumadda Soomaaliya. Warku wuxuu intaas ku darayaa in wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Saleebaan Ciise Axmed ay dabayaaqada bishan safar ugu bixi doonaan xukuumadda ay casuumadaha ka heleen. Inkasta oo aan si dhab ah loo ogayn ujeeddada socdaalka hoggaanka SSC uu ku tagi doono Jabuuti, Muqdisho iyo Addis Ababa ayaa haddana waxaa ay warar hoose sheegayaan in uu la xidhiidho sidii hoggaanka SSC iyo xukuumadahaasi ay isku soo baran ahaayeen, maadaama aaney horey si rasmiya u kulmin. Xogo kale ayaa waxaa ay sheegayaa in Jabuuti iyo Itoobiya ay u sheegi doonaan hoggaanka SSC wixii ka soo baxey shirarka ay la yeesheen Madaxweynaha Maamulka waqooyi bari Faroole, oo haatan ku sugan dalka jabuuti iyo Siilaanyo oo la filayo in isaguna uu safar ku tago dalalkaas ka hor socdaalka Hoggaanka SSC. Warar laysla dhex marayo ayaa waxaa ay sheegayaa in Itoobiya iyo Jabuuti ay Faroole u sheegeen in uu faraha kala baxo arrimaha SSC, haddii aanu taas yeelinna ay ka faai’adaysan doonaan kacdoonka shabanka Sool, Sanaag iyo Cayn kooxaha ay reer galbeedku Argagixisada u yaqaaniin, sidoo kalena waxaa la filayaa in ay Siilaanyo mid taa la mid ah u sheegi doonaan. Isku soo wada xooriyoo waxaa uu safarka Hoggaanka SSC noqonayaa kii ugu horreeyey ee uu dibadda ugu baxo tan iyo markii uu gudaha soo galay 15/5/2010. Waxaana ay sheegayaan dadka la socda arrimaha SSC in dhanka dibadda uu Hoggaanka Midaynta iyo Badbaadada SSC aad uga dhisan yahay, balse xoogaa habacsanaan ahi ay ka muuqato gudaha. C/casiis Saleebaan Axmed
  22. September 16, 2010 Cabsida iyo fulaynimada xad-dhaafka ah ee maamulka Siilaano ka haysata Dowlada toobiya malaga ayabaa in lagu waxyeeleeyo muwaadiniin reer Awdal/Salal ah oo aan waxba galabsan. Marka hore waxaan salaamayaa umada soomaliyeed iyo shacabka reer Adal/salal markalabaadna dhamaan warbaahinta iyo wareyaasha reer Awdal/salal ee sharafta badan. Sida aan lawada socono dowalada itoobiya iyo Soomaliland waxaa ka dhexeeyn jiray xidhiidh saaxiibtinimo oo qotodheer xiligii dowaladii madaxwayne Rayaale balse taasi waxay isbadashay markii uu xisbiga kulmiye ku guulaystay doorashadii 26jun. Sobobta oo ah wuxuu madaxwayne siilaanyo wasiiro ka dhigtay xubno xidhiidh saaxiibtinimo iyo mid wadashaqayneedba la leh Ururka al-shabaab iyo xukuumada shacbiya oo itoobiya ay cadawad badani ka dhaxayso taasina waxay sobobtay in ay itoobiyo aad uga biyodiido dowlada silaanyo kana dayriso xidhiidhkii u dhexeeyay soomaaliland iyo itoobiyo. Iyada oo xaalku sidaas yahay ayaa hadaba bishan 11 waxaa si lama filaana uga soo degay xeebaha soomaaliland cutubyo ONLF ah oo ay soo taba bartay xukuumada shacbiya ku waas oo sirdoonka soomlailand loo sheegay inay soomalliland ku soo fooleeyihiin ciidama ka yimana elatariya balse sirdoonka soomaliland iyo wasaarada daakhiliga ayaa dhagaha ka furay warbixintaa uga timid sirdoonka itoobiya waxayna ka baaqdaseen inay ciidanka xeebaha wargaliyaan. Tani waxay sobobtay in itoobiyo siilaanyo ku soo eegto indho libaaax taasoo ka sasisay madaxwaynaha iyo xukuumadiisaba .Sidaas darteed Mr siilaano iyo wasiirkiisa daakhiligu waxay hada ku howlan yihiin sidii loo helilahaa cid la isgaga mooso falaadhan haleeshay. Hadaba, malaga ayaabaa cabsida iyo walwalka xad-dhaafka ah ee ka soo wajahday siilaanyo dhinaca itoobiya in lagu waxyeeleeyo oo laysgaga mooso dad muwaadiiniina oo aaan waxba galabasan? Jawaatu waa haa waayo guuldarada ku habsatay sirdoonka soomaaliland ee reernimada lagu magacaabay iyo fashilaaada ku timid wasiirka daakhiliga ee al-shabaab maxaa loogu soo rarayaa Awdal/salal ee xaqiiqo aan jirin looga raadinaya, hadiise xaqiiqo la rabo waxkastaa waa cadyahay oo wax mugdi ku jiraa ma jiro waxkasta waxaa cadeeyay xassan Bosasaaso oo ah sargaalkii hogaaminayay kooxdan falaagada ah kaa soo lagu qabtay dagaal ay isgu haleeleen ciidamada gaar ka ah ee loo yaqaan layu booliska ee ka howlgala deegaanka soomaalida itoobiya markaa xaqiiqo kale oo laraadiyo looma baahna in shacabka la xagxagtana looma baahna. Ugu danbayntii hal waxaan leeyahay Mr siilaanyo ta labaadna waxaan leeyahay Dr gaboose ta sedexaadna waxaan leeyahay shacabwaynaha reer Awdal/Salal Mr. siilaanyo waxaan leeyahay, ilaahay madaxwayne ayuu kaa dhigaye cabsida iyo fulaynimada jooji oo isgu kalsoonoow wadan jira ayaad madaxwayne ka tahaye takale waxaan ku leeyahay hadii aad jeceshay dowladnimada soomaliland inay badbaado hadii aad jeceshahay shacabka Soomaliland inay nabadku seexdaan hadii aad jeceshahay in wadamada jaarka wanaag iyo iskaaashi ina dhexmaro fadlan xilalka ka xayuubi nimanka argagixisada ah ee aaad wasiirada ka dhigatay oo wasiirka daakhligu ugu horeeyo. Mar Kale waxaan kaaga digayaa inaad shacabkaaga ku gafdo adiga oo wadamo kale ka baqaya ama waji kaga raadinaya Dr. Gaboose waxaan leeyahay qofkastaa wuxu ku fiicanyahay inuu ka shaqeeyo wuxuu yaqaano hadii taala waayo sheekadu waxay noqonaysaa ta Manta lagu jiro. Waxaad ka shaqaysaa shaqooyin badan oo aanad aqoon u lahayn, waxaatahay wasiirka daakhiliga soomaliland waxaatahay wakiilka al-shabaab ee soomalliland waxaa tahay wakiilka ONLF iyo shacbiya u fadhiya soomaliland Cajiib!!!!!! Shaqadaadii dakhtarnimo iyo shahaadadaadiina waad tuurtay hadaba waxaan kugu boorinayaaa inaad iscasisho intaanad umada reer soomaliland iyo nafdaadaba galaafan oo aad Doctor nimadaadii iskaga noqoto. Reer Awdal/Salal waxaan leeyahay arintan waxaa la rabaa in la idinku shirqoolo oo danbi ay iyagu lahayeen idinka qoorta la idiin galiyo ujeedada laga leeyahayna waa laba ariimood: 1- waxaa larabaa taliyayaasha ciidanka xeebaha ee ******** in xilalka lagaga qaado arintan isla Markaana la keeno taliyayaal Isaaqa waayo inta markii hore sirdoonka soomaliland ka qariyay in ciidamo ONLF ihi xeebaha ka soo dagayaan ayaa imikana larabaa in la yidhaa waxbaad ka qaban waydeen. 2- in dad aan waxba galabsan iyo baabuur la afduubay la yidhaahdo xidhiidh ayay lala haayeen jabhadii meesha ka soo degtay oo itoobiyo la isgaga masloxo wajina lagaga raadsado. Hadaba, waxaan idiin soo jeedinayaa inaad ogaatan oo aad ka tashataan dowladan yar ee sumaysani waxay ku hamiyayso iyo jalaafooyinka farsamaysan ee ay la gaadayso bulshadan aqoont iyo aqliga iyo nabada u saaxiibka ah ee ilaahay daganaanta iyo sharafta ku manaystay. WABILAAHI TOWFIIQ Ahmed Mohamed - Sweden
  23. Dadweynaha Reer Boorame oo xoog Booliiska kaga furtay Dirawaliintii waday Gaadiidkii Ciiddamadda ONLF kireysteen iyo Magaalada oo Qas ka taagan yahay Hargeysa(Waaheen) Reer Boorame ayaa la sheegay inay xoog iyo Qori caaradii kaga furteen ciidamadda Booliiska ee Boorame laba kamid ah sadexdii Dirawal ee watay Gaadiidkii qaaday Ciidamadii ONLF ee ka soo degay Xeebaha Galbeed ee Somaliland, kuwaasoo sida la sheegay Booliisku u soo dhaadhicanayeen dhinaca Hargeysa Dhacdadan ayaa la sheegay inay Dadweynuhu ku talaabsadeen markii sida la sheegay ay ka war heleen qaadista Sadexda Dirawal oo la sheegay inay Ciidamadda Booliisku u dhiibayaan Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan Magaaladda Goraya-cawl oo u dhaxaysa Boorame iyo Diila. Qaar ka mid ah Eheladda Sadexda Dirawal ayaa Baabuur Surf ah la beegsaday baabuurtkii Booliiska ahaa ee lagu siday Dirawalada kadibna Rasaas ooda kaga qaaday Booliiskii, iyadoo ay u suurtogashay inay laba kamid ah xoog ku qaataan halka kii sadexaad ay ciiddamada Booliisku markii danbe kala hadheen Talaabadan ay dadweynuhu ku furteen labada nin ayaa la sheegay inuu ku dhaawacmay hal qof kadib markii ay isku dhaceen gaadhiga Booliiska iyo ka kale ee hawlgalka loo adeegsaday, waxaana mar kaliya magaaladda Boorame ay isla oogsatay buuq iyo isku soo bax iyadoo gabi ahaanba ay xidhmeen Meheradihii Ganacsigu inkasta oo ay dhacdadani goor dhaweyd dhacday oo aan wax tafaasiil ah oo intaa ka badan laga hayn hadana dad goob joog ah oo aanu la xidhiidhnay ayaa sheegaya in ay jiraan warar sheegaya Boorame inay Joogaan Saraakiil Itoobiyaan ah oo hawlgalo ka wada jiidaasi, balse wixii ka soo kordha waxa aad kala socon doontaan wararkayaga danbe
  24. Itoobiya oo Qabsatay Awdal Ciidamada Itoobiya oo beryahan danbaba raadinayay mar-marsiiyihii ay usoo gali lahaayeen xuduudka Somaliland ayaa waxay ku guulaysteen inay dhigaan nidaamkii u sahli lahaa soo galitankooda Awdal/Somaliland, oo ah in ‘maar-maar’ jabhadi soo degtay. Sida dad badani tuhunsan yihiin, Itoobiya iyada ayaa ka danbaysay dadka la sheegay inay kasoo dageen xeebaha Awdal, ee deetana galay buuraha, isla iyada ayaana ku sheegtay inay yihiin jabhadda ********iya, waana si ay kusoo gasho dalka. Labada kooxoodna waa isla wada Xabashi iyo xulafadooda, waxayna haatan ku wada caweynayaan carrada Somaliland. Imika iyo haatanna cutobyo ciidamada Xabashida ah oo tiradoodu ku dhawdahay 1000 askari, ayay wararku sheegayaan inay ku sugan yihiin degmada Xariirad, ee gobolka SALAL. Waxa kale oo wararkaasi ay intaa raacinayaan in dad soomaaliyeed oo u dhashay degmooyinka Xariirad ay yihiin kuwa iyagu u sahlay inay ciidamada Xabashidu labada jeerba soo galaan dalka Somaliland, oo badda iyo berrigaba kasoo galaan, iyagoo u ah gadhwadeenadooda iyo sir doonkooda. Dadkaas iyaga ah ayaa waxa la sheegayaa inay dan siyaasadeed ka wataan, oo xabashida ay ka sugayaan inay dhul u soo dhiciso. Si kastaba ha ahaatee, waxay su’aali ka taagan tahay awooda sirdoon ee xukumada Somaliland, oo ogaan kari waayay shirqoolka loo maleegayay, isla markaana ku dhicisoobay inay isla markiiba xaqiijiyaan dadka kasoo dagey xeebta Awdal. Wixii warar kale ee faah-faahsan dib ayaanu idiinku soo sheegi doonnaa.