Liibaan

Nomads
  • Content Count

    4,722
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Liibaan

  1. President Sheikh Sharif is from South, so the PM will come from Northern regions ( SSC, Puntland, Northwest, or Awdalland )
  2. Dadweynaha Reer Hargysa Oo Caawa Universil TV,Daawanaayay Iyo TV-Qaranka Oo Hawda Ka Baxay Cajiib Written by Qaran news Oct 11, 2010 at 05:00 PM Hargysa,(Qaran news)- Waxa gabi ahaanba hawada laga waayay TV-Qaranka oo ay dadweynaha reer Hargysi ay aad u daawan jireen, kadib markii ay la soo gudboonaatay cilad loo taag iyo maaro waayay. Wararka aanu ka helayno ilo xog ogaal ah ayaa sheegaaya in qaybta wararka lalisa ay gubatay oo la samyn kari waayay isla markaasina ay u baahntahay qalab cusub oo lagu badalo kan hada xumaaday. Mudo hada laga joogo laba bilood iyo xoogaa ayaa ay TV-Qaranka ay ciladan oo kale ku dhacday ama ay la soo gudboonaatay, iyada oo qaybta TV-Qaranka ee dibada u baxdaana ay in mudo ah hawada ka maqnayd waloo markii danbe la hagaajiyay hadana dadka u dhuun daloola TV-Qaranku waxa ay sheegayaan in ciladan caawa haleeshay TV-Qaranku ay saamayn ku yeelanayso qaybta dibada u baxda oo aan shaqaynaynin Hadaba goobo badan oo aanu caawa soo marnay ayaanu ku aragnay dadweynaha reer Hargsya oo aad u daawanaaya TV-Universil oo dhawaan laga mamnuucay dalka in ay wax war ah ka diraan. TV.Qaranka ayaan gaadhin ama aan laga daawan dhamaan gobolka Hargysa waxa aanu ku meeraystaa caasimada oo laga daawadaa, sidoo kale idaacada qaranka ayaan iyana aan wada gaadhin ama laga wada dhagaysan gobolka Hargysa, mudadii ay xukumada cusub xilka haysay ayaan wax wax tar ah lagu soo kordhin TV-Qaranka iyo Idaacada Radio Hargaysa toona. - - - - - - Telefishanka Qaranka oo xalay Bakhtiyay, iyo CID-da oo Baadhaysa sababta keentay Wasiirka Warfaafinta Somaliland C/laahi Geel-jire oo aanu isku daynay inaanu wax ka weydiino cilada ku timid Telafishanka Qaranka Hargeysa (GNS):- Waxa xalay guud ahaanba Hawada ka maqnaa Telefishanka Qaranka Somaliland oo ay haleeshay cilad aan ilaa hada xalkeeda la garanaynini. Wasiirka Warfaafinta Somaliland C/laahi Geel-jire oo aanu isku daynay inaanu wax ka weydiino cilada ku timid Telafishanka Qaranka ayaa ku jawaabay “ Mashquulbaan ahaye ii kaadi” dabadeedna waxa uu ka baxayba khadkii telefoonka ee uu ku jiray. Waa markii labaad ee uu Telefishanka Qaranku bakhtiyo tan iyo intii Xukuumadda Cusub ee Siilaanyo talada la wareegtay, iyadoo Transmitterka xalay bakhtiyay uu yahay mid muddo afartan cisho wax ka yar shaqaynayay, kadib markii uu gabi ahaanba istaagay Tarnsmitterkii hore ee TV’gu kaasoo markii ciladan oo kale ku timid lagu bedelay kan isla xalay bakhtiyay. Transmitterka xalay bakhtiyay oo ahaa mid Mustacmal ah ayaa la sheegay in ay Xukuumaddu siisatay 1,37000$( boqol iyo toddoba iyo Soddon kun oo Dollar) taasoo la sheegay inay ku baxday sifo aan marin Nidaamka Xukuumaddu wax ku iibsato ee Qandaraasyadda Qaranka, balse mar uu wariye ka tirsan Waaheen weydiiyay Wasiiradda Maaliyadda Maxamed Xaashi Cilmi iyo wasiirka Warfaafinta C/laahi Geel-jire ay ku jawaabeen in laga bixiyay Akawnka Gurmadka Deg-dega ah ee Madaxtooyadda, iyagoo ka gaabsaday inay faahfaahin ka bixiyaan. soo iibintii Transmitterka xalay bakhtiyay ayaa la sheegay inay Dilaalistiisa gadhwadeen ka ahaayeen Af-hayeenka Madaxtooyadda, Chief Of Cabinet-ka iyo Rag kale oo ka ag-dhaw-dhaw Qasriga Madaxtooyadda kuwaasoo u dhuubay Madxtooyadda IibsashadaTransmitterkaas oo ahaa mid Mustacmal ah oo Telefishanka Madax banaan ee Somaliland Space Channel isticmaalayay muddo badan isla markaana laga soo furay markii la helay fursadan oo baahi Deg-dega ah ee loogu qabay kicinta Telefishanka. Iyadoo laga dhe qaaday Macaash buuran Qiimaha la siistay Transmitterka fadhiistay Xalay ayaa la sheegay haddii loo mari lahaa sifaha Sharciga ah ee Dalka u yaala inuu goyn lahaa Sadex Transmitter oo cusub iyo Studyo yaal Casri ah oo muddo badan Anfici lahaa Qaranka illaa hada lama garanayo sababta rasmiga ah ee keentay inuu bakhtiyo telefishanku hase yeeshee waxa ay sheegeen warar aanu ka helnay Xarunta Telefishanku inay halkaa gaadheen Ciidanka CID’du isla markiibana ay ka bilaabeen baadhitaan la xidhiidha wixii keenay shilkaasi, iyagoo su’aalo weydiiyay shaqaalihii xalay ku sugnaa Telefishanka iyo Mulkiilihii laga Iibsaday Transmitterka oo la yidhaahdo Cali Faarax Xarbi, kaasoo sida ay wararku sheegeen laga dalbaday inuu hagaajiyo ama keeno Transmitter cusub. Dhinaca kalena waxa isna Muddo ku dhaw labaataneeyo cisho hawada ka baxay telefishanka Qaranka qaybtiisii Satelite’ka ee dibedaha laga daawan jiray, taasoo isna ay ku timid cilad dhinaca farsamadda ah, kaasoo mar wasiirka wax laga weydiiyay uu ku sheegay inay ku timid cilad dhinaca qalabka hawada ku tuura ahi” Modem” oo ay shirkaddii laga soo iibsaday ka dalbadeen inay usoo dayactirto Dhacdadan oo ah tii sadexaad ee la soo derista telefishanka Qaranka ayaa ku soo hagaagtay wakhti aad loo hadal hayo jaha-wareer Maamul oo ka taagan Wasaaradda Warfaafinta oo haatan la hoos geeyay Telefishanka Qaranka oo markii hore ka madax-banaanaa, waxaanay waji Gabax ku tahay Xukuumadda Siilaanyo oo wakhtigii ay Mucaaradka ahayd ku dhaliili jirtay Xukuumaddii Rayaale inaanay keenin Warbaahin Dalka wada gaadha. gaar ahaana waxay arrintani Falaadh ku tahay Wasiirka Warfaafinta C/laahi Geell Jire oo maalintii uu Xilka la wareegayay si dheel dheel ah u dhaliilay warbixin uu wasiirkii hore ka siiyay Wasaaradda balse uu arkayay inaanay xukuumaddii hore waxba ka qaban warbaahinta isagoo ugu soo hal qabtay Dubbe iyo Doolaal waxay idin leeyihiin “Xeradayadu waa wada uloo Ul la qaato ma leh” ma Idaacadda gaadhi weyday Haleeya ayaad waxaas oo dhan ka qabateen Arintani waxay xalay ku keentay Masuuliyiinta xukuumadda werwer, iyagoo xalay masuuliyiin badani gaaf wareegayey xarunta Telefishanka waxaanay isku dayayeen inay xal u helaan mushkiladan. http://www.gabiley.net/pages/tDetails.php?source=news&ID=14018&permission=1&audioFile=
  3. Somalia:Puntland needs evenhanded conflict resolution By: Liban Ahmed Puntland in 2010 has a few in common with Puntland in 2002 when forces led by Mohamud Musse Hersi (Puntland president 2005-2009) waged hit and run attacks against Puntland security forces. It was the decision to remove Abdullahi Yusuf Ahmed (Puntland president 1998-2004) to be replaced by by Jama Ali Jama that threw Puntland into a security crisis. Traditional leaders elected the first Puntland president and disagreed on his removal, causing supporters of Jama Ali Jama to take up arms and set up a base at Ceel Afwayn where Somaliland administration supplied the militias of Mr Hersi with arms although Mr Jama Ali Jama renounced violence when his forces were defeated in 2002. The clashes between the Puntland forces and Hersi’s militia nearly dragged Puntland into clan warfare. Former Puntland president Abdullahi Yusuf described Shimbraale, a place where a group of Hersi’s militia regrouped, a terrorism base. Talks were organised by traditional leaders led by Boqor Bur Madow who brought Abdullahi Yusuf Ahmed and Mohamud Musse Hersi together for talks, and facilitated the absorption of disaffected sub-clan militia into the Puntland security forces. This conflict resolution initiative paved the way for the sub-clan militia leader, Mr Hersi, to win Puntland presidential selection in January 2005. Mr Hersi appointed Abdirahman Farole, a Minister of Planning but sacked him after a disagreement over policies. In 2006 “ Gunmen loyal to Planning Minister Abdurrahman Farole entered the building on Sunday, before being forced out by security forces on Monday,” BBC News reported. (Militia attack on Puntland’s MPs”). The tension was diffused and Farole left for Australia where he gave the BBC Somali Service interviews critical of his predecessor. In Janaury 2009 president Farole inherited a Puntland plagued by piracy, corruption and an economy run by money-printing business clique. The autonomous administration’s coffers were emptied to fund the Transitional Federal Governmnet under president Abdulahi Yusuf Ahmed whose government lacked funds to run a parliament and cabinet based in Baydhaba and Mogadishu. Today President Farole faces challenges—the war between Puntland security forces and forces loyal to Sheikh Atom who , among other things, now demands, the disbandment of Puntland Intelligence Service. Sool, Sanaag and Cayn Leadership Council led by Saleban Ahmed Essa (aka Xaglatoosiye) whose supporters have withdrawn support for Puntland as a clan-based autonomous administration is another challenge. President Farole’s response to the Sheikh Atom (regarded by Puntland leader as a man “ who has been hiding out in the mountains for a few years” and his description of SSC Leadership Council as an “armed militia” modeled on the clan-based opposition groups of pre-1991 Somalia shows a total failure to apply conflict resolution evenhandedly in Puntland. President Farole admitted the Galagala issue has been dragging on for few years but had handled it in a manner that undermined sub-clan cohesion on which Puntland is based. Puntland Intelligence Service is agency formed without clan-wide consultations. Why does a clan need to have an Intelligence Service? Quoting the former TFG president, president Farole said: “ Abdullahi Yusuf Ahmed told me that he would not have set up an armed opposition group if he could have foreseen the disintegration of Somalia at the hands of opposition groups,“ in reference to the SSC Leadership Council. Somali Salvation Democratic Front (SSDF) led by Abdullahi Yusuf Ahmed was the first armed opposition movement against former military regimes of Mohamed Siyad Barre. Initially set up by a group of clansmen as Somali Democratic Action Front (SODAF) with a base in Ethiopia, the membership of the armed group swelled after the leader was supported by his clansmen living near the border between Somalia and Ethiopia. Few members from other Somali clans joined in an attempt to make the opposition to the military regime a multi-clan initiative. The one-clan organisation image had impact on leadership decision-making and interactions between the front’s members, causing members from other clan to set-up a clan-based opposition groups that eventually toppled the military regime but failed to form a broad-based-government . President Abdullahi Yusuf Ahmed benefited from failures of SSD and used the political skills he gained to reconcile with the leader of sub-clan militia that challenged his authority as Puntland president and campaigned to be selected as president of the Transitional Federal Government of Somalia in 2004. President Farole seems to be ignoring the need for reconciliation in Puntland but quotes a leader whose past political failures helped him to give concessions to his opponents to avoid administrative collapse. Liban Ahmad
  4. Jangeli will all his experience as a long time Somali diplomat and Foreign Minister is qualified to be the next Prime Minister of Somalia, or he can run for Somali President in 2011
  5. Madaxweyne Shariif oo Sirta u dhoofay isagoo aan magacaabin Ra’iisul Wasaaraha cusub. Madaxweynaha dowladda Federalka Soomaaliya Sh. Shariif Sh. Axmed iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalasda Sirta ee dalka Liibiya, Madaxweynaha iyo wefdigiisa ayaa halkaasi kaga qeyb galaya Shir madaxeedka dalalka Carabta, waxaana haalkaasi horey u sii joogay wefdi ka socda dowladda KMG ah oo si hordhac ah u sii joogay magaalada Sirta. Madaxweyne Shariif oo la filayey shalay iyo maantaba inuu magacaabo ka hor ambabixiisa Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda cusub ayaa taasi dib u dhac ku timid, waxaana lagu wadaa inuu ku dhawaaqo marka uudib dalka ugu soo laabto sida uu noo xaqiiyey Agaasimaha warfaafinta xarunta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdirashiid Khaliif Xaashi. Warar lagu kalsoon yahay oo aynu ka helnay qaar ka mid ah siyaasiyiinta dowladda ayaa noo xaqiijiyey in Madaxweyne Shariif uu dib u dhigay magacaabidiisa kaddib markii ay kulan la qaateen waqti yar ka hor xilligii laga filayey ku dhawaaqidda Ra’iisul Wasaaraha xildhibaanno, odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda heybta Siyaasiga cusub ee la hadalhayey inuu ku dhawaaqo kaasoo lagu magacaabo Cabdi Faarax loona yaqaano (Saacid). Beesha ********* oo uu siyaasigaasi ka soo jeedo ayaa inta badan siyaasiyiinta iyo dhaqanka beeshaasi ee muqdisho ku sugan waxay ka soo horjeesteen magacaabidiisa, kuwaasoo si weyn ugu ololeynaya Siyaasiga Cabdiwaaxid Cilmi (Goonjeex), waxayna ku doodayaan ineysan waxba ka garaneyn Siyaasiga lagu magacaabo Saacid, balse ay si aad ah ula dhacsan yihiin hoggaanka Cabdiwaaxid Goonjeex, sidaa daraaddeed ayay uga digeen Madaxweyne Shariif inuu ku degdego magacaabiddaasi. Siyaasigan doonaya inuu markii ugu horreyaya ka soo dhexmuuqdo saaxadda siyaasadda Soomaaliya ayaa la sheegay iney gadaal ka riixayaan dowladda Itoobiya iyo siyaasiyiin kale oo Soomaali ah, kuwaasoo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Barlamaanka Sahriif Xasan Sh. Aadan, Wasiirka Amniga Axmed Cabdisalaam iyo Wasiirka Qorsheynta Mustaf Dhuxulow, laakiin lama saadaalin karo waxa ay ku soo kordhin doonto mowqifka madaxweynaha oo isaga qudhiisa doonistiisii hore lagu sheegay inuu ku niyad samaa magacaabidda qof wax badan ku soo dhexjiray siyaasadda dalka isla markaasna dalka ku sugnaa xilliyadan kala guurka oo dhan. Waxaa jira mushaarraxiin kale oo iyagu u heellanaa qabashada xilkaRa’iisul Wasaarenimada, kuwaasoo badankooda ka soo jeeda beelaha *******, gaar ahaan beesha **********, baalse Shariifka ayaa markan u muuqda mid isbeddel sameynaya oo doonaya in markan uu xilka xukuumadda u dhiibo beesha ********* oo noqoneysa markii ugu horreeysay oo ay xil noocaan oo kale ah helaan. Xafiiska Wararka Dhacdooyinka Muqdisho.
  6. Nassir, Jangeli has solid experience, I am sure he would make a great prime minister
  7. axaan Dhawaan hawada Soogalay idaacad cusub oo lamagacbaxday SSCradio Codka Shacabka SSC, idaacadan oo hada sitoos ah looga dhagaysto internetka www.SSCradio.com ayaa dhawaan lagu rajaweyn yahay in ay sitoos ah uga howlkasho wadankii kana soo geli Doona Shortwaveka SW. Hadaba Howlwadeenada idaacadan ayaa kacodsanaya Dhamaan Shacabka SSC meelkasta ay joogaan in ay ka qaybqaataan Hirgelinta mashruucan oo noqon doona mid waxtar Muhiim ah u leh Shacabka SSC. idaacada oo hada Sitoos ah ubilaabi doonta barnaamijyo badan , waraysiyo, iyo warar Joogto ah waxay hada Bilaabeen barnaamij loogu magacdaray Codka Shacabka SSC oo ay Sahcabku kusoo Gudbin doonaan Codkooda. Wixii Faahfaahin ah kala Xiriir Howlwadeenada idaacadan. SSCradio@hotmail.com This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it 44(0)7534388848 Waxad live uga dhagaysan kartaa barnaamijyada iyo wararka www.SSCradio.com waxaanu jecelnahay in aan Codkiina gudbino qofkii doonaya in waraysi ama Fariin , fadlan nala soo xiriir sscradio@hotmail.com This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it meelkasta aad joogto anaga diyaar u ah in aan kulasoo hadalno. Mahadsanidiin Maamulka SSCradio
  8. Meles Zenawi oo ka afeeftay in madaxweyne Sheikh Shariif uu soo magacaabo Maslax Maxamad Siyaad. Madaxweynaha KMG Soomaaliya, Sheikh Shariif Sheikh Axamad oo booqasho aan lasii sheegin Shalay galinkii dambe ku tegay dalka Itoobiya ayaa kulan uu la yeeshay Ra’isul wasaaraha dalkaas Meles Zenawi , waxay kaga wada hadleen xaaladda guud ee dalka Soomaliya iyo in dowladda KMG ah ee Somaliya gacan laga siiyo sidii ay ku hanan lahayd amaanka dalka Somaliya. Qaar ka mid ah wafdiga madaxweynaha oo codsaday inaan magacooda la sheegin ayaa SomaliSwiss u sheegay in Meles Zenawi uu madaxweyne Shariif kula taliyay, inuu aad uga fiirsado qofka uu u magacaabayo jagada Ra’isul wasaaraha, waxayna ilahaasi sheegeen, in Zenawi uu madaxweyne Shariif kala taliyay inuusan magacabin Masalax Maxamad Siyaad oo sida ilaahaasi diplomaasiyadeed ay sheegayan uu madaxweynuhu doonayay inuu magacaabo, hase yeeshee Meles Zenawi uu sheegay inuu kala fogaynayo Somalida gudahooda iyo Somalida iyo Itoobiya labadaba. Madaxweyne Shariif ayaa lagu wadaa inuu maanta socdaal kale oo latashiya ku tago dalka Jabuuti uuna la kulmo madaxweyne Geele, si uu isagana uga soo dhegaysto aragtidiisa, ka dibna wuxuu ku soo laaban doonaa magaalada Muqdisho, waxaana lasoo sheegayaa in madaxweynaha uu saaran yahay culeys aad u ballaaran, kaas oo ah iyadoo dhammaan dowladaha daneeya arrimaha Somaliya, sida Maraykanka, Europe, IGAD, Qaramada midoobay iyo qaybo ka mid ah kooxda contact group ay qola kastaahi ku talinayso isla markaana doonayso in Ra’isul wasaare loo magacaabo dad ay is af garanayaan (Hebel iyo Hebel). SomaliSwiss London
  9. Gudoomiyaha Golaha Khusuusiga C/risaaq Xasan Gacamey oo Khudbad ka jeediyey Fadhigii Maanta ee Goluhu ku Ansixiyey Axdiga Cusub ee SSC. Buuhoodle:-Gudoomiyaha Golaha khusuusiga C/risaaq Xasan Ismaaciil ayaa mahad naq u jeediyey Golaha inu sheegay in axdigan yahay kii ay mudada dheer ku hawlanaayeen sidii loo heli lahaa Axdi rasmiya oo hogaanka SSC uu lee yahay, islamarkaana kala qeexaya awoodaha iyo habka wada shaqaynta. Gudoomiyaha ayaa sheegay in Axdigani uu meesha ka saarayo isbarbaryaacii iyo kala danbayn la’aantii, ku takri falkii maamul, isqabadkii hogaanka dhexdiisa, kala sooc la’aantii shaqada iyo dareenkii shaki ee dadka qaarkii ay qabeen inaan loo dhamayn. Wuxuu intaas ku darey in Axdigani uu Bayaaminayo Habka wada shaqaynta Hogaanka Midaynta SSC, hawlqabadkiisa mudada uu xilka hayo, wuxuu soo dhawaynayaa in cidkasta oo shaqadeeda gudan wayda ay si fudud u banayso xilkii loo Idmadey. Gudoomiyaha Golaha Khusuusiga SSC C/risaaq Xasan ayaa xubnaha golaha u sheegey in shaqadoodu ay tahay ilaalinta iyo dhawrista Axdiga Bushada Sool,Sanaag iyo Cayn ee maanta oo ay taariikhdu tahay 06/10/2010 saacadu markii ay ahayd 12 Duhurnimo Golaha Khusuusiga Hogaanka Midaynta SSC ee Soomaliya ay Ansixiyeen, waxa kaliya ee u hadhsan uu yahay Saxiixa Hogaamiyaha. Gudoomiye C/risaaq Gacamey ayaa dhanka kale shacabweynaha SSC u sheegey in maanta ay yeesheen Axdi lagu hago hogaanka SSC ee ay u Idmadeen Midaynta iyo Hanashada ,wuxuuna ugu baaqey in ay ilaashadaan kana warhayaan sida ay hawsho u socoto. Colaadda Cagaare ayaa waxaa uu Gudoomiyihu ugu baaqey labada dhinac in ay is xakameeyaan xabadana joojiyaan, arintana wada hadal lagu dhameeyo,wuxuunna yidhi isagoo arinkaas ka hadlaya,”waxaan ugu baaqayaa in ay labada dhinac is xakameeyaan, xabadana joojiyaan, arintana wada hadal lagu dhameeyo”, wuxuunna intaas raaciyey waa in ay labada Beelood fahmaan in aan colaad wiil ku dhalan ee wiil ku dhinto. Wuxuu sidoo kale ugu baaqey Cuqaasha,waxgaradka iyo odayaasha labada dhinac ay dadaal dheeriya iska saaraan sidii ay u xakameyn lahaayeen xiisada dadka shacabka ah ee ood iyo daaq wadaaga ah. Gudoomiye C/risaaq sidoo kale waxaa uu xubnaha Golaha Khusuusiga ugu baaqey in ay doorweyn ka qaataan daminta iyo qaboojinta xiisada Cagaare, isagoo dhanka kalena Canbaareeyey cidkasta lug ku leh siina hurinaya colaadda , kuwaasi oo ayuu yidhi dano siyaasadeed ama mid gaar ah ka dhex arkaya. Buuhoodle SSC Soomaaliya.
  10. Golaha Khusuusiga Ayaa Maanta Ansixiyey Axdiga Cusub Ee SSC Golaha Khusuusiga ee SSC ayaa maanta waxaa uu cod ku meel mariyeen Axdiga cusub ee SSC, kaasi oo ay labadii toddobaad ee aynu soo dhaafney qodob qodob uga doodayeen. Kalfadhigii Golaha Khusuusiga ee uu maanta ku ansixiyeen Axdiga oo ay goob joog ahaayeen 15 xubnood, ayaa waxaa codka haa ku ansixiyey 14 ka mid ah, waxaanna ka horyimi hal xubin. Axdigan cusub oo ay golaha fulinta soo gudbiyeen Golaha Khusuusiga, ayaa waxaa la filayaa in ugu danbaynta uu saxiixo Hoggaamiyaha SSC Dr. Saleebaan Ciise Axmed.Waxaana Axdigan oo ka kooban 68 Qodob ku jira qodobo ka hadlaya awoodaha labada Gole (Khusuusiga iyo Fulinta ee Hoggaanka SSC). Sidoo kale waxaa axdigani uu kordhiyey muddada labada gole, iyadoo uu ka dhigey labo sano iyo badh Golaha Khusuuisga laga bilaabo 11//03/2010, halka Fulinta uu ka danbaynayo saddex bilood, iyadoo xilliga looga bilaabeyo maalintii uu Golaha Khusuusigu ansixiyey Fulinta 18/03/2010. Qodobada kale ee uga waaweyn ayaa waxaa ka mid ah. Qodobka 4aad. XUKUNKA IYO AWOODAHA SSC: 1. SSC waa qayb ka mida Sooomaliya, waxyna aqoonsan tahay dawladda Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya. 2. Nidaamka xukun ee SSC wuxuu ahaanayaa laba mar xaladood, oo kala ah marxaladda kowaad iyo marxaladda labaad a. Marxaladda koowaad: waxaa jiraya hoggaanka maamulka SSC, wuxuuna u hawlgalayaa hanashada dhulka iyo midnimada SSC, wuxuuna ahaanayaa hoggaanka kaliya ee si ku meel gaadh ah umaamula soohdinta deegaanada SSC fara galin la'aan inta lagaadhayo marxaladda labaad. b. Marxaladda labaad: golayaasha hoggaanka maamulka SSC waxay ka go'aan gaadhayaan hannaanka xukun ee SSC qaadan doonto, iyadoo la marayo hab wada tashi ah, oo hoggaanka maamulka SSC qaban qaabiyo. 3. Inta lagu jiro marxaladda kowaad, SSC waxay lahaanaysaa xuquuq ismaamul, oo awoodihiisa gaar ahaaneed leh muddada ku meel gaadhka. Qodobka 5aad. 1. Muddada lagu jiro marxaladda hanashada dhulka SSC waxaa la laaley dhammaan awoodihii iyo saamayntii maamul ee dawlad goboleedka Puntland ku lahayd deegaamada gobollada SSC marka laga reebo, a. Magaca. b. Midnimada shacabka. c. Isticmaalka jidadka iyo dekedaha. d. Istaakulaynta, isu gurmashada iyo talo wadaaga shacabka. e. Dhaq-dhaqaaqa ganacsiga, is dhexmarka gaadiidka iyo wixii kale ee axdiga SSC lagu aqoonsaday. 2. Waxaa reebban ururro siyaasadeed, oo laga aasaaso gudaha SSC inta lagu jiro marxaladda ku meel gaadhka ah. Isku soo wada duuboo waxaa uu axdigani meesha ka saaarayaa madmadowgii ku jirey awoodaha iyo wadashaqaynta golayaasha kala duwan ee SSC, waxaana la dhawrayaa in hoggaamiyahu uu saxiixo.   C/casiis Saleebaan Axmed Buuhoodle SSC, Soomaaliya
  11. Waa Kuma Musharax Prof Muxiyadiin Cali Yuusuf Tan iyo Markii uu Xafiiska Baneeyay Raisalwasaarihii Hore ee Somaliya Dr Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa waxa sare u sii kacayay Masuuliyiinta Xafiiskaasi u hanqal taagaysa waxana ka mid ah kuwa Siyaasada Somaliya Mudo ku soo dhex Jiray iyo kuwa Shacabka Somaliyeed ay Magacooda Maqleen Maanta Kaliya oo Qurba ka Yimi, hadaba Prof Muxiyadiin Cali Yuusuf oo ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliya xaalkeeda in badan La socday isla markaana ahaa Musharax Madaxwaynanimo Wakhtigii Gobolada Puntland loo Tartamayay ayaa dhawaan ku dhawaaqay isaga oo Muqdisho Jooga inuu Jagadaasi Raisalwasaaraha danaynayo oo Rabo in loo doorto uuna wax wayn ka bedelayo Siyaasada Jaah Wareersan ee Somaliya. Isaga oo Kulan wareed ku qabtay Muqdisho waxa uu sheegay inuu Ka shqaynayo hadii la doorto. 1- Soo Celinta Qarankii Somaliya ee Lumay 2-Dibu Hashiisiin deg deg ah oo uu u qabanayo Umada Somaliyeed. 3-Kobaca Aqoonta iyo Heerka Tacliiniid ee Somaliya oo uu Xooga saarayo. 4-Wada Hadal uu la Galayo Kooxaha Dawlada ka soo Horjeeda si dalka Amaan Looga dhaliyo. Taariikhda Musharaxa 1aad ee Puntland Ku dhashay Beyra, Gaalkacyo, March 1959 Ku soo koray yaraantiisii Gaalkacyo iyo Boocame. Dugsi Hoose Gaalkacyo 1970 Fasal 5aad ilaa 8aad Dugsiga Dhexe komershaale Xamar1975 Ka qayb galay Ololaha Horumarinta Reer Miyiga 1974-75 1976 ka qalin jabiyay tababarka Macamlimiinta Xalane 1976-1979 macalin iyo maamule ku xigeen Dugige Dhexe Raage Ugaas, Xamar January 1982 ka soo qalin jabiyay Lafoole January-July 1982 Macalin Dugsiga sareBenadir. Sep.1982-July 1984 Maamule Dugsiga sare ee Bartamaha Xamar. Sep.1984-July 1986 Maamule Dug. Sare Cusmaan Geedi Raage. Sep.1986-July 1987 Maamule Dug.Sare Xamar. Sep.1987-88 Maamule Dugsiga sare Wadajir 1986-1990 Macalin Jaamcadda Lafoole 1991-1997 Lataliye waxbarasho Somalida ee Toronto iyo ganacsade. 1997-1999 ka qalin jabiyay Humber College, Toronto(English academics and Computer programming) 1999-2001 Tababare waxbrashada iyo Computerada.Columbus, Ohio 2001-2003 Macalin iyo La taliyaha arrimaha Soomaalida iyo adeegyada dawladda Minnesota 2002 Shahaadada sare Education, Hamline University, St. paul 2003 Master of Education, University of Minnesota PhD Candiate Bircham International Univrsity, Idaho USA Puntland 2004 Maareeye Guud, shirkadda Hilaac Real Estate company 2005 Wuxuu asaasay Kulliyadda waxnarashada ee Jaamacadda bariga Afrika 2005 wuxuu wax ka dejiyay manhajka waxarashada Jaamacadaha Afrika, Nairobi 2006 wuxuu wax ka dejiyay manhajka waxbarashada macalimiinta Puntland 2006 Wuxuu diyaariyay siyaasadda waxbarashada macalimiinta ee dawladda Puntland oo baarlamaanka laga ansixiyay 2006 wuxuu ka qayb galay ansixinitii sharciga teknolijiyada cusub ee Somalia Nairobi 2006 wuxuu ka qayb galay diyaarintii waxbarashada aqoondirsiga iyo onlineka Somalia oo lagu qabtay Kenya, Tanzania iyo South Afrika 2006 Wuxuu asaasay xiriirka ururka tacliinta sare ee Puntland oo uu guddoomiye ka yahay (Puntland Tertiary education Commission) 2006 Wuxuu wax ka asaasay Bosaso College of Computer Engineering and training. 2007 wuxuu ka mid noqday aqoonyahanadii Djibouti ku asaasay ururka aqoonyahanada Geeska Afrika, 2007 Wuxuu la taliye ka ahaa eraybixinta eryada Sayniska ah ee maadooyinka dugsiyada lagu barto. 2007 wuxuu diyaariyay siyaasadda qorshaha horumarinta waxbarashada haweenka Puntland Wuxuu xubin ka yahay ururka qorayaasha Soomaaliyeed. Wuxuuna qoray buugaag iyo maqaalo ay ka mid yihiin Buugaag 1. Labadii dagaal weyne ee dunida 2. Difficulties facing Somali students in America 3. Understanding of Somali Diaspora 4. Habka koriimada wanaagsan ee ilmaha Maqaalo § Parenting in America § Somali students in America § Children of bilingual education. § Philosophy and modern education § African view toward history subjects. Waxyaabihii uu qabtay Markuu ahaa Musharaxa Puntland. Booqasho Goob Waxbarasho ee Bosaaso. Sare u Qaadida Caafimaada Himilada Musharaxa. Prof Muxiyadiin Cali Yuusuf oo ah Musharax u Taagan Raislawasaaraha Somaliya wuxuu ka soo Jeedaa Gobolada Puntland isaga oo in badan ka shaqaynayya Horumarinta Waxbarshada oo uu Maamule ka ahaa Machad wayn oo lagu Barto Tacliinta Maadiga, sidoo kale Jaamacada Bariga Africa ee Magaalada Bosaaso ayaa Mar ka ahaa Madaxa Waxbarashada taasi oo ku Tusinaysa sida uu Muhiimada koowaad u Siinayo in Dalka Somaliya Laga dhiso Aqoonta.
  12. Dr Cabdikariim oo Khamiista Loo Magacaabayo Raysal Wasaraha Somalia, Waa Kuma Dr Cabdikariim? Tan iyo intii uu is casililey raysal wasaarihii hore ee Somalia cumar c/rashiid cali sharmarke ayaa waxaa soo baxaya musharixiin badan oo doonaya inay ku fadhiistaan kursiga uu baneeyey mr sharmarke, Magacabida raysalwasaraha oo ah awood dastuuri ah oo madax waynuhu iska leeyahay isla markaana aanu baahnayn campaign ayaa waxaa sacadaha soo socda la sugayaa cida uu ku dhawaaqo madaxwaynhu, Waxaa soo baxaya ilaa 3 musharax oo danaynaya inay noqdaan raysalwasaaraha soo socda kuwaas oo cv gooda u gudbiyey madaxaynaha in kasta oo uusan wali jawaab ka bixin cida uu xushay, Hadaba lama cadayn karo shaqsiga uu noqon doono raysalwasaraha soomaliya madama ay siyaasadu is bedel badan tahay waxaase wararkii ugu dambeeyey ee laga helayo madax tooyada somaliya ay sheegayaan inuu miiska saran yahay Dr C/kariin xasan jama oo ah agaasimaha madaxtooyada. Waa kuma Dr C/kariin hassan jama? Cabdi kariin waa waa siyaasi dhalinyaro ah oo ka mida qurba jogta soomaliyeed Dr cabdi kariin wuxuu wax ku bartay wadanka maraykan ka kaas oo uu ka haysta shahaada PHD Dr cabdi kariin wuxuu kale oo si wayn u bartay cilmiga diinta islamka isaga oo gudoomiya u ahaa gudigga islaamka ee cariga maraykan ka, Dr kariin wuxu mudo dheer ka soo shaqaynayey safaarada sucuudiga ee wadanka maraykanka, Dr cabdi kariin waxaa lagu sheegaa nin dabeecad wanaagsan degan isla markaana si daacad ah u guta shaqada uu hayo, Dr cabdi kariin wuxuu siyaasada somalida soo galay waqtigii dawladii jabuuti isaga oo markaa damiciisu ahaa inuu noqdo raysalwasaraha Somalia Hadaba waxaynu sugnaa waa saacadaha inagu soo aadan iyo madaxwaynuhu cida uu ku dhawaaqo,
  13. C/waaxid Cilmi Goon-jeex oo loo Magacaabay sii hayaha xilka Ra'isul Wasaaraha DKMG ah. Muqdisho,(WNT):-Wararka naga soo gaaraya xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in galabta Madaxweyne sheekh shariif Magacaabay sii hayaha xilka Ra'isul Wasaaraha. Wararka ayaa intaasi ku daraya in xilkaasi loo dhiibay C/waaxid Cilmi Goon-jeex oo horay u ahaa Ra'isul Wasaare ku xigeen. Saraakiil ka tirsan xarunta Madaxtooyada ayaa carabka ku adkeeyay in magacaabistaan ay timid kadib markii Madaxweynaha soo galay safar uu ugu amba baxayo dalka Mareykanka. Sheekh shariif ayaa dalka Mareykanka kaga qeyb gali doona kulanka Golaha amaanka ee QM kaasi oo halkaasi ka socanaya. Madaxweynaha ayaa la filayaa in halkaasi ka jeediyo qudbad dhinacyo badan leh kaasi oo uu kaga hadlayo marxaladaha kala duwan ee iminka dalku ku sugan yahay. Si kastaba Ra'isul Wasaarihii dowlada KMG ah Cumar C/rashiid ayaa Maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay is casilaadiisa kadib markii in mudo ah khilaaf kala dhaxeeyay Madaxweyne Sheekh Shariif. Xafiiska Wararka Waayaha.net,Muqdisho.
  14. Taageerayaasha Saciid Qoorsheel ayaa sameeyeen xaflad lagu taageeyrayey Wednesday, 6th October 2010 qorsheel Taageerayaasha Saciid Qoorsheel ayaa sameeyeen xaflad lagu taageeyrayey | read this item Boqolaal xubnood oo ka tirsan qeybaha Isboortiga kala duwan ee dalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah fannaaniinta hobalada Qarabnka Soomaaliyeed, kuwaasi oo iyagu si weyn u soo dhoweeyay isla markaasina u taageeray Saciid Maxamed Qoorsheel oo isu taagay musharaxnimada jagada Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya. Sidoo kale musharax Saciid Qoorsheel waxaa xaruntiisa saakay ku soo booqday qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka KMG ah, iyadoo halkaasi uu khudbad ka jeediyay Xildhibaan C/rashiid Aadan Gabyow ayuu sheegay inay taageersan yihiin Mudanayaasha Baarlamaanka intooda badan, wuxuuna tilmaamay in Saciid Qoorsheel shaqsi ka mudan aan loo magacaabi doonin jagada Ra’iisal Wasaaraha. Anigoo ku hadlaya codka Xildhibaanada Baarlamaanka ee taageersan musharaxnimada Saciid Qoorsheel waxaan Madaxweyne Shariif ku boorineynaa inuu u magacaabo Ra’iisal Wasaaraha mas’uulkaan oo shacabka Soomaaliyeed iyo caalamka ay wada garanayaan” ayuu yiri Xildhibaan C/rashiid Aadan Gabyow. Saciid Jaamac Cali (Qoorsheekl) ayaa uga mahad celiyay xubnaha kala duwan ee isugu jira Isboortiga, Fanka iyo ururrada bulshada rayidka ah qaarkood, isagoona sheegay in dhammaan ururrada bulshada ay ka wada tirsan Fanka iyo Isboortiga oo laf dhabar u ah horumarka iyo is dhex galka bulshada Soomaaliyeed. “Waan idinka aqbalay taageerada aad ii muujiseen musharaxnimadeyda Ra’iisal Wasaaraha, waxaana ballanqaadayaa in haddii la ii magacaabo xilkaasi aan qaban doono wax badan” ayuu yiri Saciid Jaamac Qoorsheel oo sheegay in ninka qoriga wata ee aagga difaaca jooga iyo qofka calanka Soomaaliyeed adduunka geyneysa ay isku mid yihiin oo labadooduba wada difaacayaan qaranimada iyo jiritaanka dalka iyo dadka Soomaaliyeed. gobolkabanadir.com __ Premier of Good Background can lead the Nation “Korshel” A man of dreams, ambitions, talents, and a man of Nation”Mr. Korshel”. Somalia has been lack of functional government for the last nineteen years, people put hope, and they lose tolerance.Consecutive wars, displacement and political instability of residence that forced thousand of society to across borders, no turning back home. The people of horn are in need of competent leader, a nation with one body and stable politic, Said Jama Ali Korshel a man of polite political background be worthy of by the next prime minster of Somalia. Political family, Said Jama the son of late father Jama Ali Korshel, a Major General of the Somali Democratic Republic from 1960, Mr Jama was a leader in the Somali National League (SNL) when British Somaliland gained its independence in 1960.Korshel would later emerge as one of the key figures in the putsch which saw the military junta of Major General Mohamed Siad Barre into power. He was appointed Vice President of the new Supreme Revolutionary Council that assumed office, and put in charge of Internal Affairs.[1] Said Qorshel grown up and educated in Mogadishu. He worked for Nation as a hero of basketball player. The Somali political expert Said Korshel worked with Punt land regional state. He held the ministry of youth and sports; he formed a peacefull gathering among Somali youth. At the end of 2005 he become the minister of livestock of Punt land states, where he shaped a good relationship between Punt land and neighboring Arab countries, he won to remove the embargo of Somali livestock. Later he resigned at 2007, returning back to Canada, whereas he was up to the beginning of 2008, while he joined the Transitional Federal Government of Somalia in the office of the former premier Sharmarke and a member of sports ministry. A community activist, he serves Somali people, who are in need of help, hundreds of young shoe shiners in Mogadishu those are not able to go school. Korshel decided to pay their school bill monthly, he take part the formation of Mogadishu city council after disputation. He won to solve the conflict. A sports man; Korshel was a former basketball player of the Nation, he brought back home victories, during his work in Punt land he formed more groups of football teams from different regions of Punt land, also he joined punt land sports and Somali Diaspora in Europe and Canada, Korshel thinks wise , he is flexible person of local and internationally. In a net of shell, Korshel from a rich, educated, sports and political family, he is the only one can connect the different Somali people, with the international community he is the only man can work with world, he is a flexible, sports and open mind man, he listens to an old and young people. Korshel is a man with open relation in international community and Somalia people inside and out, he is understandable man with his colleagues and he is the only gentleman that we “Youth” can appreciate. He deserves to lead the nation and he can work with different parts of Somalis whether, politicians, sports, youth, elder merchants’ men and women…Mr. Korshel is a respected national leader who has responded to his people’s call for help in their darkest hour.
  15. Candidate from Gedo Region C/waaxid cilmi Goonjeex: Mas'uul mudan in loo magacaabo jagada R.Wasaaraha Md. C/Waaxid Cilmi Goonjeex oo ah K/S jagada Ra'iisal Wasaaraha Dowladda KMG ah ayaa noqday mas'uul sida bisha oo kale uga muuqday waxqabadkiisa dhammaanba magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka, kaddib markii muddo ka yar hal bil oo xilkaasi uu u magacaabay Madaxweyne Shariif Sh. Axmed Dowladda KMG ah ay ku tallaabsatay guulo aanay gaarin tan iyo markii lagu soo dhisay dalka Jabuuti. Horumarka ay Dowladda KMG ah ku tallabsatay kaddib markii xilka K/Simaha Ra'iisal Wasaaraha loo magacaabay C/Waaxid Cilmi Goonjeex in Dowladda KMG ah ay guulo ka soo hoysay dagaallo ay kooxaha Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam kula gashay wadada Warshadaha, waxaana sidoo kale noqotay arrinta aadka loola yaabay inay meesha ka baxday dabeecad horay looga bartay ciidamada Dowladda oo iyagu had iyo goor dib uga laaban jiray aagagga dagaalka. Sidoo kale ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM oo Dowladda KMG ah ka caawinaya sidii ay ula wareegi lahayd magaalada Muqdisho ayaa iyana sameeyay isbedel aan horay looga baran, iyagoo horay ugu durkaya fariisimaha ay ka bixiyaan kooxaha mucaaradka ah taasi oo toddobaad la soo dhaafay aad u yareysay waxyeelada rasaasta iyo madaafiicda habowga ah u geysaneyso dadka rayidka ah. Isbedelada laga dareemay ciidamada Dowladda KMG ah kaddib markii uu is casilay Cumar C/rashiid oo ahaa Wasiirkii koowaad isla markaana Madaxweynaha uu xilkaasi Kusime u magacaabay C/Waaxid Cilmi Goonjeex waxaa taageeray shacabka Soomaaliyeed ee degan magaalada Muqdisho, gobolada dalka iyo Soomaalida ku nool dalka dibadiisa, iyadoo maalinimadii shalay qaar ka mid ah gobolada dalka ay ka dhaceen bannaanbaxyo lagu taageerayo C/Waaxid Cilmi Goonjeex oo lagu dalbanayay in loo magacaabo jagada Ra'iisal Wasaaraha. "Noolow Daljire C/waaxid, cimrigaa ha jiro waxaad mudan tahay in Ra'iisal Wasaare laguu magacaabo" ayay ku dhawaaqayeen boqolaal dadweyne isugu soo baxay magaalada Muqdisho, waxayna Madaxweyne Shariif haddii uu doonayo horumarka xukuumada KMG ah uu Ra'iisal Wasaare u magacaabo C/Waaxid Cilmi Goonjeex ka codsadeen inuu Ra'iisal Wasaaraha u magacaabo C/Waaxid Cilmi Goonjeex oo ay sheegeen inuu yahay mas'uul geesi ah oo karti u leh inuu ka soo baxo xilkaasi. Sidoo kale qaar ka mid ah gobolada dalka ayaa waxaa ka dhacay bannaanbaxyo lagu taageerayo halgamaa C/Waaxid Cilmi Goonjeex oo dib u soo celiyay rajadii shacabka Soomaaliyeed ee nabadda jecel ay ka qabeen in dalka ay ka hirgasho xukuumad dib u soo celisa qaranimadii luntay mudada ka badan 20-ka sano. Inkasta oo madaxda Dowladda KMG ah ay aad ugu yar yihiin shaqsiyaadka sida C/Waaxid oo kale ah ayaa hadana hadallo fara badan oo horay uu warbaahinta uga jeediyay waxaa ka mid ahaa "Khilaafka Dowladda KMG ah maanta ma aha waxa ay dadkeenu naga sugayaan, mas'uuliyada Qaran ee aan heyno waa sidii aan dalka uga saari lahayn Al-Shabaab iyo ajaanibta dalka ku soo duushay". Shantii maalmood ee ugu dambeysay oo magaalada Muqdisho ay ka socdeen dagaallo dhex maray ciidamada Dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo kooxaha mucaaradka ah oo iyana taageero ka helaya dagaalyahanada shisheeye ee Al-Qaacida u soo dirtay dalka Soomaaliya halgamaa C/Waaxid waxa uu degenaa guri aan sidaas uga fogeyn halka ay dagaalada ka socdeen. Ma jiro mas'uul darajadiisu gaartay Ra'iisal Wasaare oo gaaray goobaha ay ka socdaan dagaalada Muqdisho, isagoo Madaxweyne Shariif uga warbixiyay waxyaabihii dhacay intii uu dalka ka maqnaa, taasi oo Madaxweynuhu u riyaaqay isla markaana ku ammaanay horumarka uu ka soo hooyay hoggaaminta dagaaladii ka dhacay jidka warshadaha. Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
  16. Che, Of course there will be no secession, but Faroole is allergic to SSC, so it will not be surprise if Faroole cuts ties with TFG like Arta in 2000
  17. Candidate from Puntland Region of Somalia Xog hoose oo aan helneyarka:- Mohamed C/risaaq Abubakar oo qarka u saaran inuu noqdo Ra´iisalwasaaraha Soomaaliya Maxamed C/risaaq Abubakar ayaa ah Ruuxa sida aadka ah uga dhexmuuqda Musuuliyiinta Haatan u Taagan in ay Noqdaan Wasiirka koowaad ee Dowladda KMGS waxaana Si baahsan iyo si hoosaba Soomaalidu u Hadal Hayaan Murashaxa ugu Cad cad Xiligan in uu Masuulkan Yahay .Siyaasiyiinta Iyo Dadka ka faalooda Arrimaha siyaasadda ee Soomaaliyana waxay Tibaaxeen Shakhsiga loo gelbin doono Xilkan inuu yahay Mr Mohamed Abdirizak Abubokar. Mohamed Abdirizak waa kuma Waase Qof caynkee ah ? Maxamed C/risaaq waa 40 jir ku dhashay Magaalada Caasimadda u ah Soomaaliya ee muqdisho/Xamar waxna kusoo bartay Dalka iyo Dibedda intaba. Waa wiil Wasiir dhalay oo Aabihiis C/risaaq waxaa uu muddo dheer ahaa Wasiirkii waxbarasha ee Dowladihii Soomaaliya . Aabihiis Wuxuu shaqo lama ilaawaan ah iyo Abaalba u Galay Dadka iyo Dalka Soomaaliya isagoo lahaa Fikirkii ka dambeeyey In dalka lagu baahiyo Afka soomaliga dejiyeyna Ajande sheegayay in ay Ardayda ka baxa Dugsiyada dhexe iyo sare ay Dadka Gaarsiiyaan Afka Hooyo Muddo Halsano ah ka hor inta aysan Jaamacado Gelin Taasi oo Runtii Tiirdhexaad u Noqotay Afka hooyo ee Maanta aynu Intifaacsanayno. Maxamed Markii Tacliinta ilaa Dugsi sare Muqdisho ku dhamaystay waxaa uu Waxbarasho u aaday Dalka Pakistan oo uu ku dhamaystay Jaamacadda Beeraha iyo Wax soo saarka Dalaga ka hor Burburkii Dowladdii dhexe ee Soomaalya. Intaasi Kaddibna Markii Dowladdii dhacday wuxuu u Hayaamay Wadanka Maraykanka oo kasii watey Waxbarashadiisii waxaana Bartay Xiriirka Caalamiga ah Isagoo ka Qaatay Shahaadada la yiraahdo Master-ta. Maxamed waxaa uu Lasoo shaqeeyey United Nationka ( UN) ,Hay’ado kale oo Heer Caalami ahna waa uu lasoo shaqeeyey Isagoo kala shaqeeyey Badannkooda Arrimaha Soomaaliya. Waxaa uu Maxamed Cabdirisaaq ayaa qeyb muhiim ah waxa uu kasoo qaatey shirkii dib u heshiisinta ee lagu dhexdhexaadinayay dowladda federalka iyo kooxihii Mucaaradka ee ARS, isagoona la shaqeyay guddiyada kala duwan ee siyaasadda iyo Amaanka sidii la iskugu dhaweyn lahaa. Waxaa kale oo uu Maxamed lasoo shaqeeyey Dowaladii KM ka ahayd ee uu Hormuudka ka ahaa C/laahi Yuusuf Axmed Isagoo Qayblibaaxle kasoo qaatay Waayo Aragnimana ka dhaxley waayaha Burburka. Ugu dambayntii Maxamed waxaa uu ku Biiray Sanaddii 2008 da Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee la yiraahdo UNPOS Kaasi oo ilaa Imika uu Ka hawlgalo. Maxamed C/risaaq waxaa uu ilgaar ah ku hayey Tan iyo Markii la yagleelay Dowladdan ku Meel gaarka ah Middaas oo ka dhigeysa in uu waayo Aragnimo U leeyahay Gadgadoonka Siyaasadda Soomaalyana Lana socdo waxa Horyaala Marka uu Tago Xafiiska Raysalwasaaraha ee Soomaalya. Madaxweyne Shariif oo Hadda dalka dibadda uga Maqan ayaa la Xaqiijey In ay Soo gaareen Qoraalo faro badan oo lagula talinayay In xilka Ra’isal wasaaraha dowladiisa u magacabo Maxamed Cabdirisaaq, iyadoo ay beesha caalamka iyo siyaasiyiin faro badan aaminsanyihin in uu wax badan ka badali karo howsha dowlada oo Leel leel ahayd Tan iyo Markii la yagleelay Sanaddii 2009 ka. Docda kale sheikh shariif iyo Maxamed C.risaaq ayaa la wariyey inay Xiriir wanaagsan lahaayeen iyagoo is Bartay 2008 dii Markii uu socday shirkii Lagu doortay Shiikh shariif oo ay soo Qaban qaabisay Qaramada Midoobay Howlwadeen iyo eegayaalna ay ka ahaayeen Rag uu ka mid yahay Ahmedou wold abdalla oo ay Xayndaab ku wada jireen Murashaxan Imika Maxamed C/risaaq waxaana la sheegay in ay Kollal Badan oo ka dambaysay Kulmeen shariif iyo Maxamed. Hassan F. Gudal Nairobi-kenya Pundlandi.com
  18. Candidate from SSC Region of Somalia Faroole: Hadii Dr: C/Kariim Ra’iisal Wasaare loo magacaabo Anagu waanu goosanaynaa, iyo Warbixin dheraad ah. Tan iyo intii uu iscasiley Ra’iisal Wasarihii dawaladda Soomaaliya Cumar C/Rashiid Cali Sharmaarke, waxaa soo baxayey warar kala gedisan oo ku aadan cida loo magacaabayo Ra’iisal Wasaaraha beddeli doona Cumar C/Rashiid. Waxaana dadka ugu cadcad loona filayo in qalinku ku dhaco ka mid ah Dr: C/Kariim Xassan Jaamac, oo ah agaasimaha guud ee Madaxtooyada ahna lataliyaha madaxweynaha ee dhanka Siyaasada. Ilaa iyo intii uu saxaafada soo galay Dr: Jaamac, ayaa waxaa dhanka kale soo xoogaysanayey dedaalka ka imaanaya dhanka maamulka waqooyi barri ee uu hogaamiyo C/Raxmaan Faroole. Waxaana la sheegay in Mr Faroole oo suxul duub ugu jiro sidii aanu xilkaas marnaba u qabteen Dr: C/Kariim oo ka soo jeeda deeganada SSC, Wuxuna isku dayey in uu arintan ka hor istaago madaxweyne Shariif mar ay ku kulmeen maagaalada Adis Ababa oo fadhi u noqotay Faroole beryihii u danbeeyey. Madaxweyne Faroole ayaa Madaxweynaha Soomaaliya u sheegay in uusan dooneyn in la magacaabo nin aan ka soo jeedin gobolada waqooyi barri asagoo weliba afka ku dhuftay Nugaal, Mudug iyo degmada Qardho. Wuxuuna ku hanjabey Mr: Faroole in ay gooni goosad ku dhawaaqi doonaan hadii la magacaabo shakhsi ka soo jeeda SSC. Sida ay noo xaqiijiyeen ilo ku dhow dhow Madaxeyne Shariif ayaa arintan si weyn uga horyimid, una sheegay Faroole in arintani ay tahay Awood dastuuri ah Madaxweynuhu xaq u lee yahay in uu soo magacaabo shakhsigii uu u arko in uu dalkan Hogaamin karo. Waxaa la sheegay in Faroole uu shaagay hadii goboladaasi ay waayaan Ra’iisal wasaaraha ay taas micnaheedu tahay in maamulkiisu uusan ka mid noqon doonin Federaalka. Waxaana la sheegay in Madaxweyne Shariif uu arintan aad uga la yaabay, isla markaana uu u sheegay in ay ka turjumayso in waxii Puntland la dhihi jirey lagu kala baxay. Faroole oo adeegsanaya xubnaha beeshiisa ee ku jira Barlamaanka Federaalka ah ayaa waxay wadaan dhaq dhaqaaq xoogan oo ay uga soo horjeedaan Dr: C/Kariim Xassan Gabaydhe oo ay ku Eedeeyeen in uu yahay nin SSC ah isla amrkaana taageersan in dadka deegaanadaasi ay taladooda u madax banaanaadaan, wuxuuna sheegay Faroole in arinta ay uga soo horjeedaan C/Kariim ay tahay qadiyada uu aamisan yahay ee SSCnimada ah. Dr: C/Kariim waa kuma? Dr: C/Kariim Xassan Jaamac, waa Aqoonyahan wax ku soo brtay dalka Maraykanka, wuxuu tagay dalkaasi wakhtigii ay jirtay dawladda Soomaaliya wuxuuna halkaas u aaday waxbarasho, Dr: C/Kariim wuxuu sitaa shahaadada u danbaysa aqoonta maadiga ee PHD-da loo yaqaana, wuxuuna ku qaatay Maamulka iyo maareynta oo ay ku la dhan tahay siyaasadu, wuxuu sidoo kale yahay nin aad uga dhisan dhanka Aqoonda diinta Islaamka, wuxuu madax ka noqday Ururka Islaamka ee dalkaasi Maraykanka. Kaasoo maamula maasaajidada ugu waa weyn ee dalkaasi, iyo kuwa ku yaala Washingtond DC, Wuxuu sidoo kale mudo badan ka shaqeeynayey Safaarada Sucuudiga ee dalka Maraykanka, Dr: C/Kariim dadka yaqaana waxay ku tilmaamaan nin degan, Shaqo badan isla amrkaana Kartidiisu ay tahay mid aad u saraysa, Waxaa kaloo lagu sheegay nin xishood badan, isla markaana meesha ama xafiiska uu ka shaqeenayo ka soo Dhalaala, Wuxuu sidoo kale hada yahay Dr: C/Kariim La taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya ahna Agaasimaha guud ee madaxtooyada. Dr: C/Kariim waa nin ka keliya ee sida daacadnimada ah ula shaqeeyey Madaxweyne Shariif intii u xilka hayey, waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay nin aan xaasidnimo ka muujin shaqada iyo la talinta Madaxweynahaba. Wuxuu sidoo kale ku caanbaxay in uu ka dhigay aqalka Madaxtooyada mid hakayl dawladeed iyo kala danbeyn leh, Aqalka oo wakhtigii Dawladii C/Laahi Yuusuf ahaa mid isku dhex yaacsan, shaqaaluhuna ay ahaayeen kuwa xataa ku dhex qayila Villa Soomaaliya, ayaa hada uu yahay mid ka mid ah Madaxtooyooyinka Afrika ugu nadaamka fiican. Dr: C/Kariim waxaa sidoo kale lagu sheegaa nin aad u qaddiyad wacan, wadinayadiisuna ay tahay mid aad u weyn, wuxuu sidoo kale ka dhex muuqdaa dhamaan kulamada madaxweynuhu la yeelanayo Beesha caalamka iyo dalalka deriska ahba, sidoo kale wuxuu aqoon dheeraad ah u lee yahay beesha caalamka oo uu madaxweynaha Markastaba ku weheliyey safaraduisa debeda oo dhan. Wararkii ugu dabeeyey? Wararkii ugu danbeeyey ee magacaabista Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegaysa in weli DR: C/Kariim yahay magaca liiska Madaxweynaha horyaala ugu sareeya. Wuxuuna Dr: C/Kariim yahay nin aad ugu xidhan xubnaha Barlamaanka Federaalka, wuxuu sidoo kale kaga duwan yahay siyaasiyiinta kale ee daneenaya jagadan asagoo xildhibaaada barlamaaka qolo kastaba cid ka wata. Halka kuwa ka soo horjeedaa ay wataan,xubno beelahooda keliya ka soo jeeda. Waxana la sheegay in madaxweyne Shariif weli uu qalinka dabadiisa hayo, walow siyaasadu daqiiqadkasta is bedeli karto. Isku soo wada duubo, dhaq dhaqaaqa ka socda Villa Soomaaliya caawa oo madaxweyne Shariif dib ugu laabtay, ayaa ah mid aad u sareeya, waxaana arintan ka soo yeedhay Faroole ay dib dad badan u xasuusinaysaa weedhihiisii uu jeediyey sanadkii 2009kii markii uu si cad u yidhi.” Hadii Sh Shariif magacaabo mas’uul ka soo jeeda deeganada SSC, Caabudwaaq ama Galdogob, aqoonsan mayno dawladda Jabuuti lagu soo dhiso, Waxaana Faroole lagu tilmaamay ninka keliya ee aan qabyaalada iyo dhinac u xaglinta qarsan weligiis. Ibrahim Mohamed Hirsi. Riinji.com
  19. Names mentioned so far : - 1. C/kariin Xasan Jaamac 2. Masalax Maxamad Siyaad 3. C/waaxid Cilmi Cumar [Goonjeex] 4. Maxamed C/risaaq Abuukar 5. Siciid Jaamc Cali [Qorsheel) 6. Ali Jangeli 7. Dr. Ali Fatah 8. Khalif Isse 9. Prof C/risaaq Jurile 10. Siciid Deni 11. Muxyadiin Cali Yuusuf Candidates for the first minister increase in Mogadishu DJIBOUTI (Keydmedia.net)-candidates standing for to fill post of prime minister of the Somali transitional federal government headed by President Sheikh Sharif Sh. Ahmed, increased the latest days in the capital Mogadishu, after the resignation of former prime minister Omar A/Rashid Ali Sharma’arke. There are large campaigns which the candidates who are standing for the vacant post of the first minister, carry on by giving speech to the local and international media and promising what they will do if they are elected to that responsibility. The candidates are five in number up to now and possibly the number may rise to ten as there are also tribes having meetings to which they plan to get the post to a man of their own clan and calling president Sheikh Sharif to consider them and informing him their right for their politicians to be appointed. The acting Prime Minister Abdi-weli Ibrahim known as Gonjeh, Mohamed A/risak Abukar from UNPOS officials, A/karim Hassan Jama’, director of the presidential palace, Prof. Mohudin Ali Yusuf, expert for education affairs and Sa’id Jama’ Korshel, and veteran for sport affairs are all hoping to be nominated to the next Somali prime minister post. Somali interim president Sharif Sheikh Ahmed traveled to the United States of America where he had attended UN summit in New York and international contact group conference in Madrid of Spain last month and international community confirmed the seriousness of Somali situation and called for president Sharif to name the prime minister quickly. Mr. Ahmed reached neighboring country of Ethiopia and met Ethiopian Prime Minister Meles Sanawi and equally Mr. Meles urged Sharif to choose the prime minister quickly and Sharif’s travel concluded in Djabuti where he had talks with the authorities of that country and he returned home back. However the choice to nominate the second prime minister is shared by international community and Somali president although the announcement which the final step is will only be particular one for President Sharif Sheikh Ahmed. The candidates which are possibly expected to appointed are both the acting prime minister Abdiweli Gonjeh and Sa’id Jama’ Korshel who arrived in Mogadishu yesterday although there might be other candidate that is not among above ones to be nominated as international community have great influence about Somali political issues and would dictate for Somali heads every thing they (international community) like and the individual should be whom they are satisfied with. By: Nero - Keydmedia.net Correspondent
  20. America should tread carefully in Somalia October 4, 2010 By: Liban Ahmed Johnnie Carson Assistant Secretary of State for the Bureau of African Affairs Somalia has confounded American policy makers several times since 2005. In 2006 the United States funded a group of warlords to set up Alliance for the Restoration of Peace and Counter-Terrorism. The State Department’s former political officer for Somalia, Michael Zorick, criticised “Washington’s policy of paying Somali warlords.” The State Department policy makers had failed to read the mood of the Mogadishu people whose lives were affected by reign of terror of former warlords. The Union of Islamic Courts defeated warlords with help from the public. Is America repeating the same mistake under president Barrack Obama? Johnnie Carson Assistant Secretary of State for the Bureau of African Affairs According to Johnnie Carson, Assistant Secretary of State for the Bureau of African Affairs, the United Stats will engage with Puntland Somaliland administrations to curb terrorist extremism. “We hope to be able to have more American diplomats and aid workers going into those countries on an ad hoc basis to meet with government officials to see how we can help them improve their capacity to provide services to their people, seeing whether there are development assistance projects that we can work with them on. We think that both of these parts of Somalia have been zones of relative political and civil stability, and we think they will, in fact, be a bulwark against extremism and radicalism that might emerge from the South,” Carson said. Puntland and Somaliland are not countries but parts of Somalia. The United States is right to be concerned about the emergence of religious extremist groups with Al Qaida links in Somalia but to view the Al Shabaab as a southern phenomenon is to misunderstand the nature of religious militias like Pan-clan Al-Shabaab. “The United States will reach out to groups in south-central Somalia, local governments, clans and subclans that are opposed to al-Shabaab, the radical extremist group in the South.” In south-central Somalia three regional administrations—Galmudug, Xeeb iyo Ximan and Waax and Waadi—have been formed since 2006 . Ahlu Sunna Wal Jama, one of Al Shabaab’s arch-enemies, operates in south-central regions but its leaders compete for influence with the new administrations. Ahlu Sunna Wal Jama members were incorporated into the Transitional Federal Government of Somalia because of their militias’ war against Al Shabaab in south-central Somalia. In Puntland, the clan agreements that gave political and traditional leaders an opportunity to form a regional administrations in 1998 seem to have run out of their usefulness as evidenced by the emergence of Sool, Sanaag and Cayn leadership council and the militias of Sheik Mohamed Saeed Atom in Bari region. Puntland president, Abdirahman Farole, described Sheikh Atom as an agent of ‘international terrorism’ although Galgala issue dates back to 2007 when, as VOA reported, president Farole’s predecessor, Mohamud Musse Hersi, faced armed resistance from Sheikh Atom’s militias against “exploration rights the government gave to an Australian mining company in the mineral-rich Sanaag and western Bari regions”. Near Bosaso port town, two Puntland-subclans have clashed over land several times this year. The clashes overwhelmed Puntland security forces already stretched by the ‘war’ with Sheikh Atom’s militias descirbed by Galgalanews.com as Sanaag Resources Protection Forces “Ciidamada Difaaca Khayraadka Sanaag”. In Buhoodle district of Cayn region (formerly part of Togdheer region), Sool, Sanaag and Cayn leadership council made a base. SSC supporters no longer regard themselves as Puntlanders, and are against secession promoted by Somaliland. This is an example about the complex political minefield into which America will be stepping into if it does not tread carefully when putting its new policy into practice. Puntland administration is keen on being regarded as the sole administration in districts in the map Puntland drew up in 1998 . Since Puntland is based on sub-clan agreements, customary laws cannot address contradictions and power struggles triggered by politicians and power brokers (traditional leaders). Somaliland has called for talks with SSC leadership council but Puntland regards the group as armed militias . The United States can facilitate talks among political antagonists in north eastern and Northwest Somalia regions. America’s policy will fail if it is seen as backing up clans or corrupted politicians. Reconciliation and accountability ought to be the benchmarks to be used when America is engaging with Somalia’s regional administrations, clans, sub-clans and political groups. The absence of benchmarks will strengthen and embolden forces America wants to deal with head-on. Liban Ahmad
  21. Allsanaag.com Garoowe iyo Hargaysa yeey u heshiiyeen? Saturday, 25 September 2010 16:10 Garoowe:- Diyaarada ay shirkada ku yihiin Qoyska Reer Faroole iyo Itoobiyaanku ayaa hada waxay bilaabaysa duulimaadyo joogto ah oo ay u kala gooshayso Asbuucii dhowr jeer magaalooyinka Axis of evil oo kala ah Garoowe Hargaysa iyo Addis ababa. Maalmahan danbe waxa socda xiriir aad u wanaagsan oo ka dhaxeeya labada Beelood oo kal degta Gobolada Waqooyi bari iyo Gobolda waqooyi galbeed waxaana ugu danbeeyey heshiiskii ay ku kal galeen magaalada Laascaanood oo ay isku waydaarsadeen Gawaarida iyo Ragii ka soo jeeday Beesha Faroole oo horay loogu haystay xabsiyada waqooyiga in ay yihiin Budhcad badeed,halka wiilashii laga afduubay Xeebaha Laasqorey wali xabsiga ugu jiraan maamulka SNM Sidoo kale waxa xabsiyada Mandheera iyo kuwa kale oo gobolada waqooyi galbeed ka buuxa dhalinyaro laga afduubay Magaalada Laascaanooda oo shalay labada Beelood ********** iyo SNM isku dhaafsadeen ragii ay iska haysteen oo qaarkood ahaayeen Budhcad badeed hase ahaatee uuna ka mid ahayn hal qof oo ka soo jeeda Gobolka Sool. Ugu danbayntii maatadan is mahadisay oo in badan magacyo maamul goboleed oo wada shaqayni ka dhaxayso ku dhibaataynayey Bulshada ku nool Sool iyo Sanaag ayaa arintani waxay noqonaysaa mid la soo afjarayo dhowaan ka dib markii bulshadii goboladaas ku nooli ay intoodii badanayd ay hada la socdaan waxa dhacaya Xigasho:Allsanaag.com
  22. War DegDeg Ah Ururka SSDF Oo Dagaal Ku soo qaadey Saaxdheer Written by Jidbaale.com Thursday, 23 September 2010 16:15 Saaxdheer(Jidbaale.com):-War hada naga so gaadhaya magaalada Saaxdheer oo hilaadii 65 km koonfur kaga aadan Magaalada Laascaanood ayaa waxaa ay sheegayaan in uu halkaasi ka socda dagaal ka dib markii Maleeshiyo beeleed ka tirsan Beesha Cumar Maxamuud ay dagaal qaawan ku soo qaadey magaalada gaar ahaan dhinaca uu degan yahay Garaad Jaamac Garaad Cali, waxaana la sheegayaa in dib layskaga caabiyey. Warka aanu ka helayno aaggaas oo aan sidaas u badnayn xiliga oo Habbeen ah awgeed iyo khadka oo aad u u liita ayaan wax khasaare ah wali naloo soo sheegin. Wararkii ugu danbeeyey ee aanu ka helney Dagaalka lagu soo qaadey Saaxdheer ayaa waxa ay sheegayaan in xabbaddii istaagtey, taasi oo socotey muddo nus caas ah, waxaa kale oo uu warku intaas ku darayaa in aagga Tuulada Qoriey iyadana laga soo sheegayo in Ciidamada labada dhinac ay isku hor fadhiyaan, lagana cabsi qabo in dagaal culisi uu Aroortii ka bilaabmo Aag. Waa markii labaad ee Beesha Cumar Maxamuud ay weerar ballaadhan ku soo qaado Magaalo ay dad shacab ahi dagan yihiin, iyadoo dagaalkan kii ka horreeyey ay ku soo qaadeen Tuulada Mutulka Eerigoo oo 25km dhanka hawdka ka sii xigta Tuulada Saaxdheer. Dagaalka ay Beesha cumar Maxamuud soo qaadey ayaa ka danbeeyey colaad dhawr jeer soo noqnoqotey oo Beelaha Bahararsame iyo Cumar Maxamuud u dhexeeyey 5 sano ee ugu danbeeyey, taasi oo ay ku nafwaayeen ugu yaraan 40 ruux, waxaanna ugu danbeeyey dil aaggaasi ka dhacey dhawrkii maalmood ee ugu danbeeyey. Wixii ka soo kordha kala soco Jidbaale.com
  23. Beelaha Beesha SNM Siilaanyo ee Bariga Burco Oo Weerarro Wareemato Ah Ka Wada Deegaamada Jidbaale, Dhiiri Goobo Iyo Caduur Ee Gobolka Sool. Thursday, 30 September 2010 08:29 Dhiiri-Goobo(Jidbaale.com):-Warar aanu ka heleyno Deegaamada Nugaasha ee u dhaxeeya Xuddun iyo Yagoori ayaa waxaa ay sheegayaan in Beelaha Habar Jeclo iyo Sacad Yoonis ee ***** ay deegaankaas ka wadaan weerarro Wareemato ah, oo ay la beegsanayaan sida la sheegay Geelal Gobolka Cayn laga leeyahay oo dhulkaas u Daran tagtay. Beelaha ***** ayaa waxaa ay iyagoo ka jawaabaya dhacdadii shalay ee ciidamada SSC ay la beegsadeen Saldhig Ciidan oo ku yaal Oog, ayaa waxaa ay deegamada Diiri-goobo, Jidbaale iyo Caduur oo u dhaxeeya Degmooyinka Xuddun iyo Yagoori ka wadaan baadhasho iyo wareemato ay ku doonayaan in ay ku dilaan Ragga wata Geelal Gobolka Cayn laga leeyahay oo Nugaasha u daran tagey. Dagaalkii ay shalay Ciidamada SSC ku qaadeen Saldhigga Ciidan ee Oog ayaan ahayn mid ay dad shacab ah wax ku yeeleen, ayaa haddii ay dhacdo in Beelaha ***** ay waxyeello gaadhsiiyaan dad xoolo dhaqato ah waxaa ay sababti kartaa dagaallo sokeeye, oo ka dhax dillaaca Beelaha iyo dadka Xoolo dhaqatada ah. Jidbaale.com
  24. SSC Autonomous Regional State of Somalia Cautions USA to Side with the Secessionist One-Clan Somaliland (SNM Militia)‏ International media outlets have reported the announcement of a hint of US policy shift toward Somalia. Mr. Johnnie Carson Assistant Secretary for Africa was quoted as saying, " But we will also be pursuing a second track, which we think is also increasingly important, and that is we will work to engage more actively with the governments of Puntland and Somaliland. We hope to be able to have more American diplomats and aid workers going into those countries on an ad hoc basis to meet with government officials to see how we can help them improve their capacity to provide services to their people, seeing whether there are development assistance projects that we can work with them on. We think that both of these parts of Somalia have been zones of relative political and civil stability, and we think they will, in fact, be a bulwark against extremism and radicalism that might emerge from the south. Equally as a part of the second-track strategy, we are going to reach out to groups in south central Somalia, groups in local governments, clans, and sub-clans that are opposed to Al-Shabaab, the radical extremist group in the south, but are not allied formally or directly with the TFG. And we will look for opportunities to work with these groups to see if we can identify them, find ways of supporting their development initiatives and activities." In principle. in the face of endless choas, the SSC Autonomous Regional Administration agrees that the United States of America cooperate with and assist all Somali parties who show respect for law and order, civility, interest for social and economical development, and commitment for peace and security including peaceful co-existence with neighboring regions, tribes, and regional administrationns. However, the SSC would like to point out that the anarchy and the Somali civil war does not only exist in the southern part of Somalia, but also extends to the northern part of Somalia. All the international community is aware of the aggression of the One Clan Somaliland and their occupation of parts of the Sool, Sanaag, and Cayn territories. As the SSC people had formed their own Autonomous Regional Administration for the Sool, Sanaag, and Cayn Regions of North Somalia, the territory has effectively ceased to be part of Puntland and never been associated with the secessionist agenda of Somaliland and its regional administration. Therefore, the SSC would like to draw the attention of the United States to the realities on the ground in Northern Somalia, while the United States is planning its new approach toward Somalia. The SSC specifically cautions the United States not to commit any funds for the One Clan SNM adminstration aka Somaliland, because these funds will be used to fund the Somaliland clan militia fighting in the SSC Autonomous Regional Territories. The SSC forces and Somaliland militia are fighting a difficult war in which the Somaliland militia is trying to occupy the SSC by force and the SSC forces are pushing the aggressors back to their tribal areas. In these circumstances, obviously, any funds the USA grants the secessionists with all good intentions would not be spent on development projects. But, instead would be diverted and used to fuel the civil war raging between the secessionists and the SSC. Thus, the tribal conflict and the dire humanitarian situation in the SSC Northern Somalia warrant that the United States make a thoughtful desicion on the matter and take a balanced approach in all its involvements with the Nothern Somalia territories and communities. The first step that would clear the way for a productive USA involvement in the area is to convince the secessionists to pull out their militia from the SSC territories and commit to a peaceful co-existence and developmental cooperation with the neighbors. As soon as the withdrawal of secessionist militia from the SSC is achieved and peace and stability is restored, the United States new policy of engagement would definitely be successful - USA engaging with all Somali jurisdictions on equal footing, SSC, Puntland, Somaliland, Galmudug State, and other clans/regions in the south. Surely, the process will eventualy facilitate a fruitful Somali reconciliation path. On the other hand, if the United States goes ahead with unbalanced approach with regard to conflicting jurisdictions and assists one party over another, the end product would be the US ending in fueling and funding a disasterous and protracted civil war in the North of Somalia that will be much worse than the situation in the Southern part of Somalia that the United States hoping to pacify. Source: www.xargaga.ne
  25. Originally posted by General Duke: The 20 drunken induced delusions of secession and a separate state is coming to an end. The hangover no doubt will be hard for many gullible folks who believed in the nonsense. The Siilanyu admin under pressure from its handlers are now coming back to the fold. Greater cooperation with Puntland is the start of a move towards shedding Hargaysa’s claim as capital of secession and re educating the population on the benefits of joining the union once again. They have no other options. Cooperation between 2 somali regions is Good news, But Cooperation between Puntland and Somaliland when Laas Caanood is under the occupation of snm malitia is dangerous, and it will only make worse already deteriorating relationship between SSC people and Puntland. People of SSC don't want to be part of Puntland anymore, beceause they cannot trust Puntland