Liibaan

Nomads
  • Content Count

    4,722
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Liibaan

  1. Kool_Kat;753008 wrote: Very moving!!! Belated Happy 2nd Anniversary! Keep waving the beautiful blue flag, ever so proudly! GUUL KU WAARA ILMO'ADEERAYAAL!!! Inaadeer Kool Kat, waad ku mahadsantahay walaaltinimada iyo hambalyada SSC, sidoo kale waxaanu u rajeenanaa in walaalaheen Puntland iyo dhamaan Ummada Soomaaliyeed Guul ku waaraan, Alllah ha siiyo Somalia Midnimo, nabad, iyo horumar. amiin SSC People will keep waving the beautiful and the blessed blue of Somalia, for ever Insha Allah. Generations of patriotic SSC-Daraawiish fought, bled, and died for to ensure that our beautiful blue flag of Somalia flies proudly above the SSC-Daraawiishland and all Somalia .
  2. Xafladii SSC Sanad Guuradii Labaad, Seattle, USA
  3. Xafladii SSC Sanad Guuradii Labaad, Columbus, Ohio
  4. oba hiloowlow;752746 wrote: Liibaan haa waakula qabaa governor iney la baxaan bey aheyd madaxda maamul goboleedyada, Nabada iyo horumarka Dalkeena Somalia si loo gadho, waa in midnimo soomaaliyeed la helaa iyo Dowlad wanaagsan oo hal madaxweyne leh.
  5. Abdul;752628 wrote: People seem to be happy and united.Let the coming conference seal the deal and move forward. Yes, SSC People are very happy and excited to celebrate the second anniversary of SSC State of Somalia &SSC Movement. Insha Allah the SSC Khaatumo #2 Conference will be a success. Shacabka SSC meel ee jooganba aad bey duceeyaan si ee u helaan xorinimo iyo midnimo, Allah ducada haa ka aqbalo, amiin.
  6. oba hiloowlow;752477 wrote: ^^ U wlc sxb Liibaan, one question horta Dowladdgoboleed maa rabtiin inaad noqotiin waa maxay wasiiradda, madaxweynaha,,, Guddomiye, guddomiye ku xigeen,xogheyn, afhayeenka maamulka etc ayaa ku habboneyd. Oba, Madaxweynaha Dalka iyo Qaranka Somalia waa Shaikh Shariif Sheikh Ahmed, markaa dalka Somalia hal madaxweyne ayuu leeyahay, inta kale waa wada madaxyar Wakhtiga hada la joogo, nimanka Madaxda u ah Maamul-Goboleedada Somalia sida Maxamed axmed caalin (Gobolka Galmudug), Siilaanyo (Gobolka Woqooyi-Galbeed Somaliland), Cabdiraxman Faroole (Gobolka Woqooyi Bari Puntland), Sulieman XaglaToosiye (Gobolka Woqooyi Dhexe SSC), dhamaan waxa ee wada sheegtaan Madaxweyne Maamul-Goboleed. Waxaa haboon oo fiican in madaxda Maamul-Goboleedada Somalia la baxaan Badhasaab ama 'GOVERNOR"
  7. oba hiloowlow;752471 wrote: Sanadguuro wacan reer SSC sii wada howsha wacan! Oba hiloowlow, Walaal aad iyo aad ayaad ugu mahadsantahay hambalyadaada iyo walaaltinimadaada
  8. Xafladii Sanad Guuradii 2aad ee Maamul Goboleedka SSC, Holland http://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=sJviPgNvJBo" frameborder="0" allowfullscreen> Sanad Guuradii 2aad ee Maamul Goboleedka SSC
  9. Sanad Guuradii 2-aad ee Maamulka SSC oo Lagu Qabtay Minnesota Minnesota (Horumar Online) Wararka naga soo gaaraya magaaoolyinka mataanaha ee Minnespolis iyo Saint Paul ee gobolka Minnesota ee dalka mareykanka ayaa lagu qabtay xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay taasi oo lagu xusayay sanad guuradii 2-aad ee kasoo wareegatay markii dhidibada loo taagay maamul goboleedka SSC (Sool Sanaag & Cayn). Xafladdan ayaa mid si aad u qurux badan loo soo agaasimayay waxaana kasoo qeyb galay siyaasiyiin, aqoonyahano, ganacsato, arday, haween, dhalinyaro, suxufiyiin iyo inta badan qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolka Minnesota oo ah halka ay Soomaalida ugu badan ay kaga dhaqantahay dalweynaha Mareykanka. Waxaa ugu horeynba xafladda lagu furay aayadaha quraanjka iyadoona markaasi si toos ah ay xafladdu u furantay, waxaana si rasmiya xafladda u furay maamul guddoomiyaha maamul goboleedka SSC ee gobolka Minnesota Mudan Cabdisalaan Saleebaan Najax iyo ku xigeenkiisa mudane Taani. Waxaana intaasi kadib goobvta ka hadlay masuuliyiin isugu jiray rag iyo dumar kuwaasi oo dhamaantood hambalyeeyan labada sano ee kasoo wareegatay jiritaanka maamulka SSC iyagoona bulshada ku booriyay in laga shaqeeyo nabadda iyo Horumarka umadda Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaana bulshada ku dhaqan gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn. Dhalinyarada kasoo jeedda gobolada SSC ee ku dhaqan cariga Minnesota ayaa iyaguna dhinacooda goobta kusoo bandhigay riwaayad ka turjumeysa marxaladda iyo xaaladda haatan ay ku jiraan bulshada ku dhaqan goboladaasi. iyagoona sidoo kale bushada tusaaleeyay sida ugu fudud ee dhibaatada looga dulqaadi karo dadka ku dhaqan gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn. Dareenka bulshada ayaa ahaa mid si rasmiya ugu milmay fariintii ay xambaarsanayd riwaayaddu waxayna noqotay mid ay si aad ah ugu riyaaqeenka dadka kasoo qeyb galay sanad guurada 2-aad ee kasoo wareegatay aasaaska maamul goboleedka SSC, waxayna dadku tilmaamayeen in riwaayadaasi ay wax badan ka badali doonto xaaladda Goboladaasi. Dhinaca kalana fanaaninta Soomaalida ah ee Gobolka Minnesota ayaa dhinacooda soo bandhigay maaweelo iyo caweyska aad u xiise galiyay kasoo qeyb galayaashii kullanka. Waxaana ay madasha kusoo bandhigeen heeso isugu jiray kuwa hore iyo labo hees oo cusub, labada hees oo cusub ayaa ku kala saabsanaa shirka loo bixiyay Khaatumo II iyo hees ku saabsanayd sanad guurada 2-aad ee kasoo wareegatay aasaaska maamul goboleedka SSC. Somali Media
  10. Xafladii SSC Sanad Guuradii Labaad, Kampali, Uganda
  11. Madaxweynaha SSC SOMALIA Mudane Sulieman Xaglatoosiye Madaxweyne Kuxigeenka SSC SOMALIA Mudane Cali Sabarey Wasiirka SSC ee Arrimaha Federaalka Ibraahim Guure Wasiirka SSC ee Warfaafinta Cumar Jaamac Saleebaan War Saxaafaadeed ka Soo baxay Aqalka Madaxtooyada SSC ee Buuhoodle,{Sawiro} Waxaa Maanta Kasoo Baxay Aqalka Madaxtooyada Maamulka SSC Ee magaalada Buuhoodle Ee xarunta G/cayn Warsaxaafadeed Dhinacyo Badan Taabanaya Ugu Horayn Waxaa Halkaa Ka Halday Xoghayaha Xidhiidhka Federalka Iyo Arimaha Dastuurka Ibraahim Maxamuud Guure Oo Ka hadlay Arimo Badan Ugu danbayna Ugu Baaqaay Dhamaan Bulshwaynta SSC inay Iskaashadaan kana Fogaadaan Waxkasta Oo dhibku ah danaha SSC. Intaa Kadib Ayaa Waxaa Akhriyey Warsaxaafadeedka Xoghayaha WarfaafintaCumar Jaamac Saleebaan Warsaxaafadeedkan Oo Dhinacyo Badan taabanyey Sida shirka Khaatumo 2 Laguna Xusay Inay Muqadastahay In lamideeyo Mabaadiida Cuqaasha Iyo Garaadada Beelwaynta *********** Oo Laga Dheeraada Kala Fogaanshaha Iyo Waxkasta Oo Caqabad Ku noqonkara Qabsoomida Shirka Khaatumo2. Sidoo kale Waxaa Lagu xusay warsaxaafeedka Inaysan Gudida Qaban Qaabada Iska soo Magacaabin Cida Ay Doonaan wada Tashina Lasameeyaan Maamulka SSC. Warsaxaafadeedka Kadib Ayaa Waxaa halkaasi Ka hadlay Hogaansare Ee Maamulka SSC Dr: Saleebaan Ciise Axmed Oo Shaagay Inay Taageersanyihiin Qabsooomida Shirka Iyo Weliba Meelkasta Oo Lagu qabanayo. Ayna Ku baaqayaan In wada tashi Guud, Oo Shirka ka Hor ah Ay isugu Yimaadaan Dhaaman Garaadada Iyo Cuqaashu Si Golaha Loo Tago Mowqif Midaysan Oo wax Ku Oola. Sidoo kale waxaa Halkaasi Ka hadlaya Hogaamiye Ku XigeenKa Maamulka SSC Cali Sabarey Dhankoodana Waxaa kahadlay Xubno Katirsan Golaha Khusuusida Maamulka SSC Oo Ay kamida ahaayeen Mukhtaar Xirsi Jaamac Jaamac Siciid X Cige Kayse Cali Jaamac Xubnaha Khusuusida Ayaa Sheegay Dhankooda Inuu Jirto Wada Shayn Wanaagsan Oo kadhexjirta Maamulka SSC Madaxwaynuhu Uu Kumaqnaa Howlo Shaqo Uuna Yahay Madaxwaynihiisii Waxayna Sheegeen Inuu Jiro Axdi Qarameed Lagu Dhaqmo Oo Cidi Aanay Ka Talaabsan Karin.
  12. Heestii Loo Qaaday Madaxweynaha Maamul-Goboleedka SSC SOMALIA , Mudane Sulieman Xaglatoosiye
  13. Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka Maamul-Goboleedka SSC SOMALIA OO Furay Tartan Ciyaareed loogu Talagalay Sanad Guurada Labaad ee SSC(+Sawiro) Buuhoodle (Allssc) 16 oktobar 2011 Waxaa galabta Ka furmay magaalada Buuhoodle Ee xarunta G/cayn Tartan Ciyaareed Kubada Cagta Ah kaas oo ay ku tartamayaan Kooxaha Ka jira Gobolka Cayn. Koobkan Ayaa Dhigay jaaliyada Imaaraadka Wuxuuna Qayb kayahay dabaaldega Sanad Guurada Maamulka SSC. Furitaankii Koobka Ayaa Waxaa Kasoo Qayb Galay Hogaanka Sare Ee midaynta Iyo Badbaadinta Gobolada SSC Xormadle Dr Saleebaan ciise axmed iyo kuxigeenka maamulka SSC Xormadle: Col. Cali Sabarey ka dib markey ka yimaadeen xafladii weyneyd ee loogu dabaal degayey sanadguuradii labaad ee ka soo wareegtey markii la dhisey maamulka SSC. Madaxwaynaha ayaa Ugu Horayn Umahad Celiyay Qaban Qaabiyaasha Koobkan waxaanu kula dardaarmay Dhalinta Inay Muujiyaan Ciyaar wanaag. Dhalinyaradii Sports ka ayaa iyana dhankooda Sheegay Inay aad utaageersanyihiin Maamulka SSC lana Shaqaynayaan, intaa kadib waxaa madaxwaynaha Mid mid usalaamay Dhalinta Sportska Ee G/cayn. Waxaanu Madaxwaynuhu laaday Kubadii Si uu u daah furo Ciyaartii Koowaad ee Lagu Bilaabay koobkan, waxaanu xusay inay kasoo qayb gelidoonaan Gunaanadka Koobkan Loo dhigay Sanad Guurada Maamulka SSC. Waxaa isna hadalkooban ka jeediyey goobtii madaxweyne ku xigeenka maamulka SSC xormadle Col: Sali Sabarey.
  14. Holland Oo Lagu Xusay Sanad Guuradii Labaad Ee SSC Isla Markaana Lagu Taageeray Gudiga G6 Iyo Shirka khaatumo II.
  15. SSC GABAY Midnimadii dhulkeenaa dhallaal badan ka muuqdaa..Dhalintii dhaqaaqdoo waayeelki dhowryoo dhanwalbaba ka eegyoo Khaatumo Dhankaa Qabo Midnimadii dhulkeenaa dhallaal badan ka muuqdaa Dhalintii dhaqaaqdoo waayeelki dhowryoo dhanwalbaba ka eegyoo Dhiraandhiri aqoon yahay ku dhameeye meel wacan Midnimay dhallaasheen, ciidoo la dhiciyay qalinkii ku duugeen Isku duubni aaday dhidibada u taageen. Dhamaanteen ku raacnoo u dhaqaaqanay howl weyn Soo dhowaynay khaatumo. Dhinacyada aduunkana dhaantaa la tumayaa Khaatumo ha dheeliyin dhanbaalkaagu sare noqoy Dhool soo baxaad tahay dhextaal loo dhanyaad tahay. Rabigeen dhulkeenii dhibicdii raxmaadkuu dharaar iyo habeen wadhay. Khaatumona waa dhays goojey dhabarka saartoo Candhadii dhardhaar iyo dhagax baa la moodaa Dhul shisheeye dhuux ma leh geed dheer caleentiis howd dhinacyadiisii Dhoodi daran ku taal bay jeel badan u haysaa Ninkii dheef ka sugayow illa dheelmi khaatumo Magaaladan la dhibayee bandow dhabarka loo sudhay Illihii dhaqaaliyo laga dhowray dheef kale Ninkii yare dhibaysoow khaatumo dhankaa qabo Dhalinteer tacliin iyo looga dhaartay dheeraad Ninkay yare dhibaysoow khaatumo dhankaa qabo Manhajkeer la dhumiyee dhabadii cadaydiyo Dhacdadii daraawiish dhoodi meer dhulkuu maray Beerdhiga dhulkeenii dhirbaaxadii guumaysiga Loo dhigin dhalaankeen dhalandooriskaa dhacay Ninkuu yare dhibaayow khaatumo dhankaa qabo Dadkeenoo dhamaantiis dhabarka iso saaroo dhumuc iyo awood helay Ninkay dhiiri galisow khaatumo dhankaa qabo Aan dhamayno howshaan dhinacyada ka qabanoo u dhaqaaqno hawyl weyn.
  16. Xafladii Sanad Guuradii Labaad ee SSC, Buuhoodle, Maamul Goboleedka SSC SOMALIA Munaasibad Balaadhan oo Loogu Dabaal Dagayo Sanad Guuradii 2 ee Kasoo Wareegtay Asaaskii Maamulka SSC oo Siwayn Looga Xusay Buuhoodle - Caasimada Maamul Goboleedka SSC SOMALIA Waxaa maanta lagu qabtay magaalada Buuhoodle Ee xarunta Gobolka Cayn Munaasabad Aad U saraysa Oo Loogu dabaal Degayey Sanadguurada Labaad Ee Maamulka SSc Munaasabadan Ayaa waxaa Kasoo Qayb galay Dhamaan Qaybaha Kaladuwan Ee kudhaqan magaalda Buuhoodle Sida Cuqaasha Gobolka Cayn, Culimaa’udiinka Gobolka , Ciidamada Qalabka Sida, Ardayda Iskuulada , Ururada Haweenka . Waxaana Xafladaasi Oo Lagu Qabtay Garoonka Wayn Ee Xabado Stadium Waxaana halkaa Lagu soo Ban dhigay Heeso Loogu dabaal Degayo Maamulka SSC, Ciyaaraha Hidaha Iyo Dhaqanka Iyo Weliba Ciidamada Oo sooban dhigay Jaanka Ciyaar Aad Usaraysa Intaa Kadiba Ayay Ciidamadu Salaan Kaqaateen Madaxwayne Ku xigeenka Maamulka SSC( Kornayl Cali Sabarey) Waxaana halkaa Hadal Dhinacyo badan taabanaya Ka jeediyey Madaxweyne Kuxigeen Maamulka SSC Waxa uuna Urajeeyay Dhamaan Bulshawaynta SSC – Guul Iyo Gobanimo waxa uuna Xusay Inuu Alle Karajaynayo Sanadan Sanadeeda Inay Qudbad Noocana Ka Jeediyaan Magaalada Laascaanood Ee xarunta Gobolka Sool Maaha Markii Ugu Horaysay Oo dabaal Deg noocana Loogu sameeyo Magaalda Buuhoodle Maamulka SSC Munaasibadan oo soconaysay Mudo saacado ah Ayaa ku soo Gabgabowday Jawi Heer sare Ah waxaana Dhamaan Joogasaday Dhaqdhaqaaqa Ganacsiga Iyo Isu socodka Gaadiidka Iskuulada Waa la fasaxay Munaasibada Awgeed
  17. Xafladii Sanad Guuradii Labaad ee SSC, SWEDEN
  18. Xafladii Sanad Guuradii Labaad ee SSC, Nairobi Kenya Iyo Khudbadii Qiimaha badneed ee uu soo jeediyey Madaxweynihii Hore ee Maamul Goboleedka Puntland Mudane Mohamed Hashi Former President of Puntland Regional State Hon. Mohamed Hashi is a big supporter of SSC Regional STATE ----------------------------------------------------------------------------------------------- Xafladii Sanad Guuradii Labaad ee SSC, Nairobi Kenya Khudbadii Afhayeenka Maamul Goboleedka SSC Mudane Ahmed Gacmayare Khudbadii Gudoomiyaha Jaaliyada SSC ee Kenya iyo Afrikada Bari Mudane Jibriil Cali Ciise Khudbadii Odey Yaasin Cabdi Galaydh
  19. Xafladii Sanad Guuradii Labaad ee SSC, London UK
  20. NEW SSC SONG: HEES CUSUB DEGANKEENA WEYOO DAAINBAA INASIIY, ABDI HOLLAND
  21. NEW SSC SONG: Taleex Mardhow Waa Tegeynaa (SSC Khaatumo#2)
  22. Great Job Khadar, thank you for sharing videos SSC National Day, October 16, 2011 HAPPY SSC DAY to all SSC People