Mansa: Hadal saliim ah baad tiri. Su'aalo qiima lehna waan arkaa. Haseyeeshee, Wadanka anaa jooga oo hadii aan ka maqnaadana aan waqti yar uun kasoo maqnaadaa.
Maamulka Maakhir waxaa lagu hindisoonaayay tan iyo markii uu lix bilood wadanka xilka loo dhiibay madaxweynaha maanta heysta(nin durbaan garaacay cilaaq dalbey). Haseyeeshee maamulka iyo dhisida Maakhir wuu suuroobi waayay, wuxuuna ka suuroobi waayey dadka reer Maakhir oo runtii laabta ku haya maamulkii Puntland oo ay wax ka tabceen, una arkaayay in Ehelnimada laga horeysiiyo waxwalba.
Laakiin waxaad moodaa, Maakhir in ay dadka maalmahaan taageerayaan. Waayo, kadib markii uu Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf uu yimid Garoowe bishii todobaad horaanteeda. Ayuu wuxuu ku haasaawey in Cade Muuse Term kale loogu daro. Taasi reer Puntland waxay ku noqotey niyad jab. arintaasna wax badan ayaa laga dooday. Reer Maakhir shirkii maalintii afaraad way ka yaaceen markii ay arkeen in meesha howshu si kale isku badashay. Reer Darwiish, waxay yiraahdeen arintaasi caqligayaga uma sheegi karno, iyagana waa ka biya diideen. dadkii kalee reer Punland af dhaban dhaab ayaa ku dhacay.
Ugu dambeyntii waxaa go'aan xoog ah lagu gaarey in Cade Muuse Laba sano loogu daro. Taas ayaana waxay Maakhir State cod badan oo reer Maakhir iyo reer Darwiish ku hantey.
Arintaasi ayaa xitaa waxay keentey dadka kale sida Reer Qandala, iyo reer mudug in ay ku taageeraan Maakhir State inay xaq u leedahay gooni uga beydhka Puntand.
Reer Maakhir ma waxaa ku gudboon in ay la dagaalamaan maamulka sare Puntland mise in ay gooni uga baxaan oo halkaasi umad dadkeeda ka mid ah oo tashatey ay noqdaan.
Dambeeddo horaadka
Dex caano ka maalka
Ha daaqdo barwaaqo
"23/08/2007- 24/08/2007 waxaa la qaaday hawl gal ballaaran oo lagu fuliyay dadkii u hogaansami waayay go’aamadii hore loo gaaray ee dhigayay in ay joojiyaan gubista dhulka , waxaana dadkaas laga soo baabi’iyay dhuxul badan oo ay diyaariyeen iyo qalabkii dhulka ay ku gubayeen , dhuxushaas oo gaaraysa 46 hogood oo ay ku jireen dhuxul dhan : 1380 kiintaal , hawlgalkaas oo ay noqotey in ay wax ka fuliyaan ciidan gaaraya ilaa iyo 250 waxaana loo fuliyay si nabad galyo ah waxaa aad u taageeray dadwaynaha iyagoo si wayn ugu diirsaday hawsha la qabtay".....
Warkii oo dhan hoos ka aqriso
Dhahar.com
Abwaan Maakhiri ah ayaa hada ka hor wuxuu yiri isagoo Soomaali lahadlaaya, runtiina u hoga tusaaleynaaya dhinacyada badbadan uu eebe Soomaali ku muteystey iyo sida ay ugu caasiyeen. Ayaa waxaan ka soo qaatey tuducdan yar ee hoos ku qoran:
Dhirtu waa dharkii ciida iyo dheefta noolaha e
Marna waa hugii dhaxanta iyo milic dharaareede
Mara waa dhismaha guriga iyo ooda dhacameede
Waa dheehashada quruxda leh oo dhaayahaw roone
Dheecaankeeda daawooyinkaa laga dhex miiraaye
Hadii ay dhintaan nololba waad kala dhaqaaqdiine
Nabaad-guurku meeshuu ku dhaco lagu dhaqnaan waaye
Daruurahana lama soo dul dhigo meesha dhagida ahe
Kuwa dhamacda leefsiinayow dhuxusha baas daaya
Col. Maxamuud Cismaan Fooldhuub