Abdulladiif Al-Fiqih
Nomads-
Content Count
716 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Abdulladiif Al-Fiqih
-
Please, all of us, lets call the CSPAN and ask them to cover this important even. I attached their contact info at the bottom so, please call them. Thank you all very much. Please cover this hearing: Subcommittee on Africa and Global Health Room 2172 of the Rayburn House Office Building Date: Tuesday, October 2, 2007 Subject: Ethiopia, Democracy and Human Rights This is an urgent matter that affects the live of many in a remote region of Ethiopian. This is an issue that many voter care about. People are concerned that their tax dollars are going to a regime that practices torture and the suffering is inline with Darfur. Please add this to your schedule for Tuesday morning Here is their contact info. Tel: (765-464-3080) leave them a message. Email: viewer@c-span.org & online@c-span.org See the link please for more info
-
Scholars have differed on this but the strongest opinion is 8 plus 3 witr. Allah knows best
-
Waa Cilmi qof hurdo lugu tiso ana markaan dhageystey waxaanba umaleyey mid aan maalin dhaweyd Toronto ku arkey. Waxaan xusud mudan Dabshidow dumarka inaan layska amaanine e la amaano uun inta uqalanta. Ma samaynin waayahan tixdii saaniga ahayde Waataan ka saahiday tan iyo sebenkii dayreede xaluun ba saqdii dhexe hurdada wax isalaameene Aan sifeeyo inantii tiriig saxan la moodaayay Ilkaa sadaf la moodiyo wajiga lagu saruureeyey Timaha basari baan subkine saaran garabkeeda sanka iyo indhaha iyo afka sida sabiibeed ah Suniyaal madoobey qalbigu saakin kaa noqoye Soomaali, carab iyo hindiga sooyo laga keenay Inta sabada joogtiyo khalqiga waad u sidataaye Soo soco sidciyo qaaliyey saanad baad tahaye ************************************************** Jaaheeda iyo faayaha ay jibo ku qaadayso Jidhka labada qaaree sidii Jaraha loo soohay Sida jeex intuu doog lahaa jir u gadaaleeye Oo ubaxyo kala jaad ah iyo jimil ka soo boodey Goortaad jalleecday qalbiga jiidataa hodane Waa midaan jilfaha qoorta iyo Jiman u baahnayne Jidhkeedaaka qaaliban waxay yara jecleeyaane Muuse Galaal A.Y. ************************************************** Dumarku waxay ku roon yihiin inay damac lahaadaane Waa inaanay da'weynayn middaad guur u dayataaye Dabci waa inay leedahoo waana dabartaaye Waa inay dulqaad badan tahoo daacad kuu tahaye Deriskeeda waa inay xaqdhawr ugu dedaashaaye Doorkaad wax fari waa inaan lagu dadduucayne Waa inaanay ehelka u darrayn duul xigaala ahe Waa inaanay ubadkana dayicin dhab u daryeeshaaye Waa inaanay kaa dudin markaad yare is diiddaane Waa inaanay xidid kaa dacweyn doodna kuu qabine Waa inaanay kaa digin markaad duullimaad tahaye Waa inaanay debed meerinoo kaa dan badisaaye Waa inaanay dibindaabyo iyo duudmarka aqoone Waa inaydareen lexejecliyo doojin leedahaye Waa inay diyaafadin xarrago dookh u leedahaye Waa inay darmaan gaariyoo daran ahaataaye Duhur iyohabeen waa inay kuu diyaar tahaye Waa inay gacalo diirranoo debecsanaataaye Waa inay sidii daawad geel kugu dul reentaaye Waa inay ku deeqsiin kartaa waxadan doonayne Waa inay doc haasaawin iyo duluc lahaataaye Aqalkay dugsido waa inuun lagu dangiigaaye Waa inuu ku daaraa udgoon deyrka ka horowe' Derinteeda waa inaad tebtaa sida dalxiiskiiye Dar ilaahay waa inaad qalbiga uga ducaysaaye
-
Ps. not all ladies here r 20ish. ^^Very few will sign on to that. For the last 5,6 years that I've been on SOL, habluhu 20ish kaa lee ahaayeen
-
The brother makes alot of sense. I think he got the finger at the heart of Africa's problems. If only our leaders could think like Andy.
-
^How do you know him? Is the story true or a fiction? Teedakale, maxaad ku qosli....ma wax aanaan ogeyn baad ogtahay? Mise waxaas qosolba maahe waad yarehe ilko-waaweyntahay JB-ow? Nin ilka waaweyn haduu dhimana inuu qoslibaa lamoodi ileyne
-
RUMAYSO WAA RUNE(1) Waa 24/05/94-kii aniga oo ah C/KARIIM FAARAX SIRAAD SUGULLE iyo mujaahid kale oo iga da’ yar FAARAX SIRAAD ROOBLE ayaa waxaa naloo soo diray inaan hawl gal ka samayno magaalada Dh/buur gudaheeda, xoogga waxaan saarnay haddii kolba ay tahay inaan Naftayada khatar galinayno inaan ugaadhsanno gaalo saraakiil ah. Aroor hore oo salaadda subax la tukaday ayaannu soo gallay magaalada, hubna waxaan sidannaa Bastoolad iyo Hal Bambo. magaaladii ayaan ka shaahaynnay oo ka quraacannay, waxaanan mar-marnay jidadkeeda bal inaan wax baylah ah la kulanno. Waxaan ka warqabnay in kuwa saraakiil ahi subax walba u soo dhaadhaacaan magaalada oo QABALAHA la shiraan waxaanan fadhiisannay meeshii aan is lahayn seegi maayaan. Goor ay tahay 1:30 aroornimo ayaa waxaa noo muuqday (6) nin oo Askar ah oo laba ka mid ahi Buugaaag gacanta ku sitaan qoryana aan wadannin, 4-ta kalena ay hubaysanyihiin. In muddo ah ayaan iska garab soconnay bal in ay kala baxaan, sidaan filaynayana 4-tii ayaa meel ku hadhay, mid kuwii buugaagta sitay ah iyo mid Askari ah oo qori sitana horey ayay u dhaqaaqeen. Saaxiibkay ayaan ku reebay 4-tii oo ku idhi kuwan ayaan ugaadhsanayaaye marka xabbaddu billaabato hadday xaggayga u soo ordaan Bamka dhex dhigo. 2-dii markay kuwii ka durkeen walina suuqii magaalada oo aan dad badnayn socdaan ayaan kii buugaagta sitay dhafoorka kaga dhuftay xabbad markuu dhacayna kii kale ee qoriga sitay oo arga-gaxay ayaan isagiina 2 boobsiis ah shafka kaga dhuftay isna waa dhacay, anigana waxaan u dhaqaaqay kii sarkaalka ahaa oo aan doonayay inaan hubsado mid [xabbad] ayaan u dhiibay markaan bakhtigiisa hubsaday ayaa waxaan doonay inaan qoriga ka qaato kii kale oo isna dhaawac ahaa, laakiin markaan ku foorarsaday ayuu haraati lawga igaga dhuftay oo dib ii riday, ka dibna Bastooladdii ayaan is idhi dhafoorka kaga dhufo balse mid macawis iyo shaadh caadi ah qaba ayaa aniga oo ninkii buursan xabbad Bastooladeed qar-qarka igaga dhuftay, aniguna ma dhugane kii ayaan dhafoorka kaga dhuftay. Isla markiba intaan booday ayaan kula jeedsaday kii xabbadda igu dhuftay Balse wuxuu ku cararay Maqaayad noo dhaweyd oo dad badani raashin ka cunayay, kama hadhine aniga oo baacsanaya ayaan ka daba galay. Dadkii wax cunayay ayaa Tawxiidka boobay aniguna xabado ayaan ninikii bawdyaha kaga jabiyay oo Bastooladiisii ayaa inta ay ka duushay waxay ku dhex dhacday halka raashinka lagu kariyo markuu dhacay ayaan mid kale ku riday Balse waan la gafay. Ninka waxaan u haystay Jaajuus Soomaali ah oo makhaayaddana qabiilkoodu leeyihiin marka Bastooladdii uma hawoonin oo waxaan ka baqayay in dadkaasi I qabtaan laakiin inatay arga-gaxeen ayuu nin waliba cuntadii gacanta ama afka ugu jirtay dibadda ula cararay ninkuna wuxuu ahaa Tigree ee ma noqon Soomaali aniguse bastooladdii ayaa xabbadaheedii iga dhammaadeen oo isaga oo dhaawac ah ayaan ka tagay. Ka dib aniga oo dhiiggu iga qubanayo oo xabbaddu naaska iyo qar-qarka isaga kay baxday ayaan ku soo laabtay kii qoriga la bakhtiyay oo tar-tiib ugala baxay qorigii . Ninkii saaxiibkay ahaa kuwii aan ku ogaa markii ay xabbadda maqleen xeradii ayay u yaaceen ee ma soo birmannin marka wuxuu ii yimid isagoo bamkiisii wata markuu arkay dhiigga iga baxayana wuxuu I yidhi war ma dhaawac baad tahay qoriga ii dhiib. Waxaan ku idhi maya ee waa kuwii aan laayay dhiiggoodii ee iga hadh oo aag kale ka bax, dhowr goor ayuu igu cel-celiyay ma dhaawac baad tahay isaga oo shakisan aniguna sidii ayaan ku adkaystay markaa aag kale ayuu ka baxay oo waa tagay isga oo bad qaba oo aan Bastooladdii u dhiibay. Anigu qorigii ayaan suuqa la soo dhex maray markaa raggu waxay I lahaayeen(war na garab mar ha na gubine) Dumarkuna inta ay shafka garaacaan ayay lahaayeen iyagoo ii naxsan [Allah....Allah... war horey u tallaabso intaan lagu soo gaadhin, Alla.. Alla.. waa dhaawac]iwm. Mawduuceenan oo aan cadadkii hore kaga soo hadalnay qisadii yaabka badnayd ee Mujaahid C/kariim Faarax Sugulle ku qabsatay Dh/buur, ee innoo joogtay ragga oo naga carar iyo Dumarka oo lahaa Alla.. war horey u tallaabso ka dib markii Mujaahidkii isagoo dhaawacan oo sita qori uu ka furtay gaaladii uu laayay uu soo dhex maray Suuqa. Innagoo halkii ka sii wadaynnaa bal aan idiin kala baxo C/kariim oo halkii ka sii wada:- Wax yar markii aan socday ayaa dhiig bixii wuxuu igu keenay in Indhuhu I madoobaadaan Waxaan fadhiistay meel jidka dhinaciisa ah Gabadh aanan garaneyn oo markay dhiigga igu aragtay I soo daba gashay ayaa dhowr jeer i tidhi walaalow meesha isaga kac goor dambe ayaan wax arkay waxaanan go’aansaday inaan xaafad igu dhaweyd galo, balse markii aan galay oo qol ka mid ah dhex fadhiistay ayaa reerkii lahaa ka qaxay intuu qolkii aan ku jirey mooyee labadii qol ee kale qufullo ku jabiyey. Markii reerkii iga cararay ayaa waxaa iga daba timid oo ii soo gashay gabadhii oo intay I waraabisay Faashad aan sitayna igu duubtay. Gabadhii waxay u kacday reerkoodii waxayna ii keentay Macwiis, Funaanad suuf ah iyo 2 go’.Funaanaddii intay isku laalaabtay ayey ku gufaysay meeshii Naaska korkiisa ahayd ee dhiiggu ka socday, ka dibna 2-dii go’ midkood intay jeex-jeexday ayey si jeeni qaar ahaana ugu xidhay goobtii dhaawaca, waxa kale oo ay i siisay xanuun bi’iye waxayna iigu muuqatay mid khibrad dhakhtarnimo leh. Inta ay xaaladdaasi dhacayso ayaa waxaa Magaalada la saaray bandoo, waxaana dhex wareegaya gaadhi makarafoon saaran yahay oo ku dhawaaqaya ninkii Magaalada ayuu ku jiraa, waa dhaawacan yahay ee ha la soo saaro…. Ninkii qariya ciqaab xun ayuu mudanayaa. Dhiiggii ayey soo raad qaadeen oo yimaaddeen halkii aan fadhiistay ee an ku dhiig baxay, cabbaar ayay fiir-fiiriyeen oo dabadeedna wareeggoodii sii wateen iyagoo ku dhawaaqaya waa ka dhiiggiisii aaggan ayuu ku jiraa ha la soo saaro. Wakhtigu waa is gurayaa oo markaa waa 4-tii saac ee Subaxnimo. Gabadhii ayaa waxay billowday inay Yaasiinka igu dul akhrido Balse iyadoo akhriyeysa ayaa aaggii waxaa soo kuuriyay koox (30) Tigree ah oo loo soo diray inay baadhaan 3 guri oo kan aan dhex fadhiyo uu ka mid yahay. Gabadhii ayaan ku idhi orodoo gaaladii waa tane adigu isga kaaya dhex bax, Balse way diidday oo waxay tidhi “waan kula dhimanayaa” gabadhii waan bixin kari waayey illaa aan qoriga ku cabsiiyo, aakhirkiina waxay iga baxday iaydoo ooyeysa wax yar ka hor soo galitaankii Gaalada. Gaaladii ayaa jabisay 2-qol ee kale Alaabtiina dibadda u soo saartay anigu qolka aan ku jiray Albaabka ayaan soo riixay oo daaqad shabaq leh ayaan dhaq-dhaqaaqooda kala socdaa. Waxaan go’aansaday maaddaama aanan rasaas haysannin inaan sugo kan u horreeya ee irridda soo riixa si intaan ku dhufto baagga ooga qaato oo ugu dagaallamo, Balse intay is hor tubeen qolkaygii oo had-hadleen farahana fiiq-fiiqeen ayey dareemeen oo igaba tageen.Waxaa jirtay halkan oo aan xusayaa in markii nimanku guriga isa soo hor tubeen anna aan sugayo soo galitaankooda in Hurdo Allah igu riday oo aan soo baraarugay nimankii oo meesha ka maqan. Gabadhii oo ordaysa ayaa ii soo gashay aniga oo kitaab dhiig ka buuxo akhrisanaya, waxayna i warsatay siday wax u dhaceen anna waan uga warramay markaas ayey tidhi [Huunnooy awliyo ayaan kuu malayne miyaad tukataa?] Haa ayaan ugu jawaabay. Ka dib intaas waan seexday oo toosay makhribka agtiisa iyadooy ila joogaan gabadhii iyo mid kale oo aan anigu u farriin faray. Reerkii guriga lahaa ayaa yimid makhribkii aniga oo ay 2-dii gabdhood sahan I hor socda ii yihiin ayaan magaalada ka baxay in kastoo gaaladu jidadkoo dhan taagnayd. Sidaas cajabta leh ayuu C/kariim kaga baxay magaaladii isagoo sita qorigii qaniimada ahaa wuxuuna haleelay Mujaahidiintii uu ka soo hawl galay ee Akhristow waa RUNE RUMAYSO. RUMAYSO WAA RUNE!!!.(2) Waa 8/05/94-kii waxaannu ka soo kacnay Ciidan mujaahidiinta ka tirsan oo tirsigiisu dhan yahay 20 Nin joogayna Tuulada Suryada agteeda, taas oo u dhaw magaalada Dh/buur una jirta 60Km, Dhawr Cidmaal(2Beri) waxba ma aannan cunin oo Baahi ayaan la liidannaa. Waxaa Tuulo nagu dhaweyd loo soo diray Aniga C/RISAAQ YUUSUF DIIRIYE iyo Nin kale oo Saaxiibkay ah si aannu uga soo gadno Raashin. Xilligaas waxay ahayd wakhtigii ay Mujaahidiintu ka baxeen Saldhig-yadoodii ku yiillay Aagga nogbeed sida:- Xaangey,Ugunje, Ceel-ciiri, Garasley iyo kuwo kaleba ka dib markii Cadawga oo kaashanaya Maraykanka iyo Ciidamo Ereteriya ah uu Duullaan Cir iyo Dhulba ah ku soo qaadday Fadhiisimadaas. Mujaahidiintu waxay Go,aansadeen Dagaal Dhuumaalaysi ah, Cadawguna wuxuu ku sheekeeyay in Nimankii Asal raaca ahaa uu Bur-buriyay oo ay ka hadhee wax yar oo ay Ugaadh-sanayaan , taas oo shacabka Niyad Jab iyo Cabsi badan ku Abuurtay, marka ayArkaan Nin Mujaahid ahna waxay isku dayi jireen inay yidhaahdaan na gara mar ha na Gubin waa la idinka Adkaadaye oo Gaalada hannagu laynin, sidaa darteed marka aan Doonno inaan Tuulo ama Shacab si uun ula Macaamillo way nagu adkayd annagoo Hubaysan oo naloo garanayo Mujaahidiin inaan ka dan qunsanno. Markii aannu Tuuladii sii galayno ayaan waxaan Aragnay Gaadhi ay Gaaladu leedahay oo taagan oo aannan meesha ka filaynnin, waardigii Gaalada ayaa nala hadlay oo kaalaya na yidhi Balse aniga iyo saaxiibkay Dheg uma aannan dhigin oo waxaannu iska dhignay waxaan maqlayn oo kale Tuuladii ayaan galnay Maqaaxidii ugu horreysay ee aannu galnay waxaan ugu dhex tagnay 6 Gaal oo ay 4 Bastoolado qabaan 2-na Qoryo haystaan, Shaah ayaannu Dalbannay ka dibna waa nala waraystay, waxaan u sheegnay in aan ka nimid reer Degay meel Xoogey jirta oo sonkor iyo Raashin soo doonnay. Gaaladii ayaa naga baxday markaa Dadkii waxaannu waydiinnay waxa ay Qabanayso Bahasha halkan joogta, waa naloo sheegay in Gaadhi halkan kaga Hallaabay oo ay sideen Raashin iyo Rasaas ay u wadeen Ciidamada Duurka lagu sii daayay ee Raadinaya wixii ka hadhay Nimankii Gadhka Fiiq-fiiqnaa. Waxaan kale oo aannu waydiinnay Tirsigooda marka Dadkii qaarba waxbuu noogu sheegay, qaar 40, qaarna 70, qaarna waxayba lahaayeen Nimanka xalay buu Ciidan badan u yimid. Sonkortii iyo Raashinkii intaan Gadannay ayaan xaggii Ciidanka u dhaqaajinnay waxaan Go’aansannay inaan ka Shaqaynno sidii aan Nimankaas ula Dagaallami lahayn, Wiilkii ila socday ayaan ku idhi haddii lagu warsado waxaad sheegtaa 7-dii Gaal ee aannu aragnay illayn waxaad hubto sheeg ayaa la yidhiye, waxaana ka codsaday in ku tidhi-kuteentii shacabka uusan waxba ka sheegin oo aniga warka ii daayo. Waannu sii Oradnay oo meel 1:30 Daqiiqo loo soconayo oo Ciidanku joogay ayaannu 30- Daqiiqo ku gaadhnay, waxaan ku idhi Ciidankii Niman-yahow baahibaa inna dilaysa waxaana Tuulada joogta Gaalo Raashin iyo Rasaas wadda oo tiro yar magaciin jirye meesha innaga wadiya aynnu Nimanka jarnee.Waxaa la I waydiiyay inta ay ahaayeen waxaanan u sheegay in aannu aragnay 7 kaliya laakiin Dadku sheegayeen 40 meel Afartan Nin ku qarsoomi kartana iima muuqan. Markiiba Annagoo (2) Unugood ah ayaan soo dhaqaajinnay Weerar ayaan ku qaadnay, Allah fadligii waxaan ku soo hagaagnay iyadoo kala Daadsan oo Qaarna Gaadhigii hoos jiifo qaarna Raadiye diraha Unugta aan la socday oo 9 ahayd ayaa soo horreysay waxaannu Dabka saarray kuwo 6 ahaa oo Gaadhi hoos hadhsanayay, midina kama uusan bixin oo iyaga oo aan Xabbad qudha soo ridin ayaan ka faro xalanay. Kuwii kale ayaa meelaha ka soo bax-baxay iyagana kama aannan leex-leexane Foodda ayaan ku qaadnay Allaahna waa nooga Gar-gaaray. Intii kuwaas dambe aannu la diriraynay ayaan 2 Mujaahid u dirray inay bixiyaan Rasaas badan oo Gaadhiga saarreyd iyo Qoryihii aannu Nimanka ka furannay. Dagaalkaas dhexdiisa waxaa aad noola diriray Nin Sarkaal ah oo aan Filayo in uu Dhakhtar ahaa oo marka Xabbaddu ku dhacdaba inta uu is duubo nagu soo Ordayay inta aan la yaabay ayaan waxaan idhi:- (War Inkaar qabuhu muxuu Naarta kaga qamaamayaa?) waanan dillay marka uu marayo Xabbadii 7aad oo ku dhacda. Ka dib waxaan hareeraynay kuwo 4-ah oo colkii ka hadhay oo Meel Qorrof ah ku gabanayay, Cabbaar haddii ay nala Dagaallamayeen ayaa waxaa soo hadhay mid kaliya oo aannu saari waynnay ayna nala noqotay inuu dhaawac yahay.3- aan ku jiro oo Mujaahidiinta ah ayaa loo diray inay Dhabarka kaga yimaaddaan sidii aannu u soo xulaynnay Fardaan uu ku jiray ayaannu dhabarka Qori ka saarnay isaga oo Shiishaya nin Mujaahidiinta ka mid ah, Qorigiina waannu ka laadnay Illayn waa Fayoobaaye Carar ayuu Cagaha wax ka dayay Anana Xabbad ayaan kudhufannay. Sidaas ayaa Allaah Gaaladii noogaga Gar-gaaray oo waxaan ka dillay (18) Annana waxaa naga Shihiiday (2) Mujaahid, waxaana Gaalada ka Furannay 7-Qori oo[Ak-47]ah, Hal qori oo (M-14)ah, Hal qori oo (Pkm)ah, 3- Bastooladood iyo 4- Raadiye[is-gaadhsiin] 2 yar-yar ah iyo 2- waaweyn, (5000)Birr, 10,000[Rasaas Ak iyo Pkm] iyo Dhar badan. Waxaa kale oo aannu ka qaadannay Raashin Buskud u badan wixii aannu ka qaadi karnay, wixii aan u Tabar waynay Illayn Gaadiid ma aannu wadane waxaan ugu yeedhnay Shacabkii oo qaatay Rasaas aannu ku qiyaasnay(20,000) oo isugu jirta Pkm iyo Ak iyo Raashin Badan Gaadhigiina Dab ayaannu Saarnay ee Akhristow Rumayso Waa Rune!!. RUMAYSO WAA RUNE!!!.(3) Waa wakhti Aroor ah 5/10/96-kii mid ka mid ah Mujaahidiinta oo Shalay 4/10/96-kii Alaab ku soo Illoobay Ceelka Qorra ayaa dib ugu soo kallahay Ceelka si uu Alaabtii u soo baadi goobo. Ceelka Qorra wuxuu Degmada Dhanaan u jiraa 25 Km dhinaca Galbeed, wuxuuna is arkay isaga oo dhex taagan ciidan Tigree ah oo Xalaynimo halkaas soo dagay, isla markiibana si tartiib ah ayaa isagoon la arkin u soo baxay una wargeeyay Raggii kale. Ceelka waxaan ku ballansanayn Ciidan kale oo Mujaahidiinta ka tifsan oo aannu maalmahaas halkaas ka filaynnay, 5 ka mid ah Mujaahidiinta oo aan anigu [DAYIB HEEBAAN] ka mid ahay ayaa meeshii loo soo diray si ay u soo xaqiijiyaan cidda meesha joogta. Waajibka nala siiyay wuxuu ahaa haddii uu Cadaw noqdo, Dagnaanna aannu ka helno inaan doc ka wareen ku samayno isagana soo baxno, Mujaahidiintuna waxay galeen diyaar garow buuxa, waxaa kale oo naloo diray in cadawga dhumucdiisa aannu ka soo war bixinno. Sidii aannu u soo Gaatamaynnay ayaannu ka soo gudubnay Ilaaladii Ciidanka iyo Safkiisii hore ee soo jiray dhankayaga annaga oo aan ogayn in an soo dhaafna, waxaana soo gaadhanay Taliskoodii dhexda ku jiray, si kadis ah ayaan Rasaas ugu furray oo dhawr meeshii dhignay wixii ka hadhayna waxay u carareen wajigooda. Waxaannu doonnay in aan u laabanno dhinicii aannu ka nimid mise waxaan dar-darnay Ciidankii aannu soo dhaafnay oo diyaar garoobay Dhufaysna noogu jira oo raba inay na qab-qabtaan. Annagu bannaan ayaan soconnay iyagu geed qab ayay ku jireen, markibana waxay isku dareen Rasaas ay nagu furaan iyo kicid ay nagu soo yaacaan. Bannaankii ayaan is daadinnay oo si adag ugu jawaabnay Rasaastii ka dibna Faraq Geed qab ah oo nagu dhawaa ayaannu xaggiisa isu majiirray, 3 ka mid ah saaxiibbaday ayaa iga horreeya midina Bannaankii ayuu ku hadhay oo waxaannu u qaadannay in uu Shihiiday. Saaxiibbaday Faraqii ayay durbadiiba gooyeen oo markaana wajigoodii oo ay cidla u haysteen ku sii dhaqaaqeen Balse rasaas xoog leh ayaa ka hor timid, Anigana ii diidday inaan gudbo. Rasaastii nalagu soo ridayay ayaa waxay gubtay Shaadhkaygii iyo macawis an qabay jidhkaygase waxba ma soo gaadhin, waxaan ku noqday Fadhigii waxaanan arkay Saaxiibkaygii inuu Shihiiday aan u haystay oo xaggayga u soo kacay, waan u gacan haadiyay si uu ii soo haleelo balse markii uu5 tallaabo ii soo jirsaday ayay Xabbadii haleeshay oo uudhacay. Raggii kale e 3 da ahaa Rasaastii ka hor timid awgeed ayay xaggayga u soo rogmadeen waxayna u kala jeedsadeen 3 jiho oo rasaasi kaga imaanaysay Dagaal aad u khadhaadh ayayna ku jiraan.Anigu waxaan markaa doonay in saaxiibkaygii Shihiiday[MAX’ED HAYBE] aan ka soo qaado qorigii balse markii aan dul imid ee ku foorarsaday ayaa waxaa ilagadday rasaas kulul oo la I qabadsiiyay, waxaana iga duulaya Qorigii aan sitay. Gaalkii isoo rasaaseeyay iyo aniga ayaa qorigii u soo tar-tannay isagoo qorigiisuna gacanta ku sita balse waan ugu hor maray markaan gacanta ku dhigay ayaa waa wax Allaah iigu gar-gaarayee inta uu hilmaamay inuu isagu Qori sitay ayuu dhulka isku lagday, aniguna uma sugine Feedhaha ayaan kaga dhuftay, Saaxiibaday intaan hawshaas ku Mashquulsanaa ayay Cadawgii hor fadhiyay Rasaas iskaga banneeyeen, balse inatay dib soo fiiriyeen ayay isha ku dhufteen markii Rasaastu Iga go'day. Markaas ayay iyaga oo is caraabinaya dib iigu soo laabteen, Balse aniga oo bad qaba ayaan ka hor imid oo 4-tayadii is hellay iyadoo dhinac walba nalaga jiro, waxaanan go’aansannay Rasaasta Khasnad- khasnadda ah ee noogu hadhay Qoryaha aannu jiho uun ku bannaysanno. Waxaan isku darray Rasaas xoog leh oo aannu furray iyo Takbiir(ALLAAHU-AKBAR, ALLAAHU-AKBAR) Allaah fadligiina annaga oo bad qabna[marka laga reebo shihiidkii] ayaan ka baxnay Dagaal socday ugu yaraan 45: Daqiiqo Annaga oo aan sidan Dhar Cawradayada Astura. Gaaladii waxay dadkii ugu shekaysay dadkii in cidda ay la dagaallamayeen aynan ahayn insaan caadi ah Balse ay ahaayeen dad yaab leh oo Xabbaddu garab marayso ee Akhristow Rumayso waa Rune. RUMAYSO WAA RUNE(4) Waxaanu ahayn koox ka mid ah ciidanka Mujaahidinta S/galbeed oo joogtay Xagal oo ah laas ku yaala laagta Milmileed, tirsiga yaguna waxuu dhamaa ilaa 26 nin, waxaa markaa burburay Hudno u dhaxaysay Mujaahidiinta S/galbeed iyo Tigreega waxaana si kulul u biloowday dagaaladii. Gaaladu waxay biloowday dhaqdhaqaaq xoog leh waxaana nagu soo baxay ciidan afar madax ah oo tirsigiisu gaadhayo 420 Askari oo ay ujeedadoodu tahay inay naga faraxashaan oon dib naloo arag ama aan gobolka ka baxno. Dhowr maalmood ayaan ku jiray raad gadasho laakiin jihadaan u baxnaba waxaa nagaga yimid ciidan, Ninkii mas’uulka naga ahaa Allaah ha naxariistee C/raxmaan Xasan Wacdi ayaanu u soo jeedinay inaanu shan shan u kala baxno wakhtina ballano, balse waa naga diiday asagoo u arkayay in kala ******o iyo cadowga oo gacanta loo galo ay keeni karto. Dadka waxa u wada muuqtay in dagaal lama huraan yahay, sidaa darteed maalin kahor dagaalka oo ku beegnayd 5/11/1995kii ayaanu iska reebnay 4 nin oo aan labo kamid ah u dhiibnay raadiyihii labana gaadiidkii si aanu ciidan fudud u noqono. Xaaladuna aad ayay noogu adag tahay oo afar cidmaal waxaanu cunay ma jiro waxaana noo dheer socod raad gadasho ah.Subaxdii dagaalka oo ahayd 6/11/1995kii habeeenimadkeedii ayaan anigu (Daahir Macalin Caraale) aad u walbahaaray, waxaan tukaday (salaatu-layl) waxaanan Allah ka baryay Shahaado ama wax indhahaygu ku farxaan, waxaan habeenkaa ku riyooday wiil iigu dhashay meel ka fog dhulka S/galbeed oo aan meeshii ugu tagnay Aniga & labo mujaahid oo kale, Riyadaas waxay ila noqotay qarow waayo? waxaan u heensays nahay dagaal barri la sugayo marka waxaan Allah ka baryay Shahaado. Waagii ayaa noo baryay salaadii subaxna waanu tukanay, anigoo akhrisanaya adkaartii subax ayaa loo diray labo wiil oo roondo ah jihadii aanu shalay kasoo soconay oo la filayay in col naga raad gurayay, waxyar kadib ayay arkeen col lixaad leh oo soo socda, warbixintii ayayna noo keeneen. Taliyihii ciidanku waxuu noo qaybiyay saddex qaybood 2 min 7 ah & mid 8 ah. Meeshii aanu daganayn 2 dii isla ekayd ayuu aagag difaac kala galiyay, anagoo 8 ahayna inaan dhabar jabin ilaalino ayuu noo diray, markaa waxii ka danbeeyay saaxiibadayo shanqadha rasaasta mooyee waxba iskama aanan ogayn. 8-dayadii oo dhisan dhismaha unugga ciidan oo aan anigu sido (PKM) ayaa waxay rasaastii ka bilaabatay dhanka labadii 7 aad, oo doogaad bay ahayde Qiiq, Daryaan iyo Caydh mooyee waxkale ayaa la arki waayay. Hadday 30 daqiiqo wax kayar socotay waxaa dhankaanagii ka soo baxay ciidan badan oo ah kuwii naloo diray ayagoo u socda si warmooganimo ah iyo sidii rag guushu gacanta ugu jirto oo is huba. Goor ay nagu soo dhawaadeen ayaanu ooda kaga qaadnay, Anigu shiishka ayaan aad u aqiinay oo xabadaydu way gafid yarayd waxaanan arkay wax daadsan, wax sii daba gadoomaya iyo wax sii cararaya uun , Qoriga 500 oo xabbo ayaan ku sitaa markaana waxaan riday 200 oo xabbo, labo nin ayaa naga dhaawacantay labana iyagii ayay bixiyeen waxaanan ku soo hadhnay 4 kaliya. Gaaladii dib ayay nooga baqatay, Taliyihii unugtaa Lamaange 10 xabo ayaa qoriga ugu jirta, RBG7 kana labo xabo kaliya ayaa u soo hadhay, ninka kalana hal khasnad ayaa u soo hadhay, anigana qorigaygii xabad ayaa isku goysay oo markaasaanu jiid jiidnay waanse kari waynay. Intaanu isku jeednay ayay gaaladii isa soo caraabisay oointay meeshayadii garab martay doontay inay saaxiibadayo dhabar jabiso, waanu garab galay waxaana u tartanay meel buur ah, Allah fadligii waan ooga hormaray maxaanse haynaa oon kula dagaalanaa? !! Buurtii ayaan 4-yadii isku qaybinay oo midba meel istaagay intuba inta ka dhaqso lehe waxay nasoo gashay ayadoo siqaysa, Aniga iyo ninkii saaxiibaday iigu dhawaa ayaa waxaa na dhex martay tashi gaaban oo ah inaan qoriga PKM ah aan bixino maadaama uusan dhacaynin si aynan gaaladu u qaadan. Asagu aniga ayuu ilahaa bixi, aniguna asaga ayaan lahaa, Waxaabase naga soogaadhay gaaladii oo waxayba nagu noqotay (Alamtara Libaaxii soo dhaaf). Intaan Bisinka qabsaday oon Allaahu akbar idhi ayaa xagii gaalada u foorariyay Mise wuu daldalmayaa !! aad ayaan ugu farxay markaas ayaan la istaagay oo si fiican u hurgufay mise gaaladii waa agalaxa oo aad ayay u daadatay waana sifaysmay jawigii nagu cakiraa. Mark uu saaxiibkay maqlay qorigaygii oo dhacaya ayuu asaguna dhexdhigay hal xabo oo RPG7 ah, meeshaas ayay gaalo ku luntay. 73 xabbo markaan ka riday galana sidaan sheegnay noqotay ayuu qorigii ku soo noqday xaaldiisii Hore (Hallowgii). Waxaanu kabaxnay dagaalkii iyadoo dhankii kalana ay ka joogsatay xabbadii kadib dagaal kulul oo socday 6 saac waxaan iskugu nimid meel aan bar kulan ku lahayn wakhti casar ah. Waxyaabaha iigu yaabka badnaa waxay ahaayeen:- Goobtii aan daganayn ee dagaalku ka dhacay waxii aan kaga tagnay ee qalab ahaa oo uu ku jiro silis anigu aroortii aan culays dartii iskaga reebay, 4 cisho kadib waxaan u nimid iyagoo sidoodii ah. Waxaa kale dagalkaas oon cidna nagaga Shahiidin oo gaaladii ay qiratay inay kaga dhinteen 65 askari iyo 90 dhaawacantay. Waxaa kale oo yaab lahyd waxa qabsaday dadka shacabka ah oo sida caadada ah soo hubiya meelaha dagaalku ka dhaco, Oday la yidhaahdo Daahir fanax waxuu ii shegay inuu 4 jeer isku dayay inuu galo goobtaas balse mar walba uu maqlayay shanqadh qori la koon garaynayo ka dibna uu soo cararay. Xoolihii iyo ciyaalkii ayaa diiday inay u dareeraan aagii dagaalku ka dhacay oo ka soo didaya sida odaygaasu ii sheegay, waxayna markii ugu horeeysay dagaalka dabadii ee ay na arkeen reeruhu yidhaahdeen Owliyaad tihiine noo fasaxa in xooluhu noo daaqaan dhulkaas dagaalku ka dhacay. Waxay Odaygii iyo dadkii kale ee goobta ka ag dhawaa na waydiiyeen (Kuwii buurta saarnaa ee qur’aanka makrafoonka ku akhrinayay ma waxay ahaayeen kuwo aan dagaalka kujirin) Laakiin anagu waxba ma aanan maqlaynin ayaan ugu jawaabnay wayse naga rumaysan waayeen !! Gaaladu dadka waxay ugu sheekaysay dagaalku dhexda yada ayuu ahaa oo is laynay. Akhristow riyadii Daahir Macalin Caraale ee habeenkaas waxay rumawday labo sano ka dib 15/9/1997kii oo wiil ugu dhashay meel ka durugsan S/galbeed oo ay ugu tageen asagaya iyo labo Mujaahid oo kale ee Rumayso waa Rune !! RUMAYSO WAA RUNE !! (5) Waxaan ka imid Godey oo aan si khatar leh kaga soo baxay, waxaanan imid Dhanaan. Waxaan helay dhowr Mujaahid oo loo soo diray inay dilaan nin ciidanka cadowga ee dhanaan madax u ah oo shacabka aad u dhibay. Waxay ila noqotay inaan howgalkan ka qayb qaato saaxiibadayna ima ayan diidin. 2 Maalmood markii aannu sugaynay ayaa gaalkii maalintii 3aad soo dhaadhacay iyadoo ay la socdaan ku xigeenkiisii, nin jaajuus ah oo dadka iyo isaga u kala turjubaana iyo 2 askari, laba askari oo kalana ay xoogaa ka yara danbeeyaan. Ninku makhaayad la sahamiyay ayuu tagaa oo dadka kula hadlaa kana hanjabaa. Annagu markaa waan is qaybinay, labadii nin ee Amiirka iyo ku xigeenka naga ahaa waxay dhaheen annaga ayaa nala soo amray oo ninka gacantayada ku dilayna, markaana qoryahoodii ayay kusii xasaysteen meel u dhow Makhaayaddii, Aniga iyo ninkii kalana waxaa naloo diray inaan difaac ka galnno guryaha u xiga xerada ciidanka si aan uga hortagno gurmadka, halkaa ayaan anaguna qoryahii ku sii qarsannay. Afartii gaal ee wada socotay waxay tageen makhaayaddii labadii kalana waxay soo galeen aaggii aan joognay. Aniga iyo saaxiibkay haddii aan cabbaar shanqadh xabbadeed sugaynay oo aanu waynay, waxay nala noqotay in saaxiibadayo fuloobeen, sidaa darteed waxaanu is nidhi soo hubiya saaxiibadiin, balse waannu waynay, anagoo yaabban ayaa wiil yar na yidhi farriintan ayay saaxiibadiin ii kiin soo fareen oo yidhi:-(Gaaladu intii aynu ku talo gashanayn waa ka badan tahay ee arrinta barri ayaan dib ugu dhignay ee la socda). Warkaas waa nala khadhaadhaaday labadayadii waxaan go’aansanay dagaal, haddii aan saaxiibadayo raadin lahaynna waxaan aragnay nimankii oo soo baxay oo raba dib inay xerada ugu noqdaan markaas ayaan aniguna qorshaystay afartii, Saaxiibkayna u diray labadii kale. - Annagoo dag-dagayna oo ka yaabban in cadowgu naga baxsado ayaan doonanay qoryahii, oon la soo laxaadsannay, ciddii dhawaaqda oo iska jira dhahdana waxaa noo go’aan ah inaan kor dhigno xabbad oo aan cabsiinno. Sakad dheer oo wareeg igu fog ah ayay ahayd inaan la wareego si aan nimanka aan rabay u gaadho, balse waxaan arkay guri labo af leh oo Makhaayad ah lagana dhex dusi karo, qorigana go’ ayaa ka koreeya oo waa ii asturanyahay. Gurigii anigoo dagdagaya ayaan soo galay waxaan isha ku dhuftay 4 Askari oo labisan, hubaysanna oo shaah ku dhex cabaysa. Soo galitaankaygii ugu horreeyayba waxaan daadiyay oo lugtaydii ku dhacday shaahii uu cabayay askari ka mid ah nimanka. - Intaan naxay oon dib u baxay ayaan qorigii soo rogtay ayagiina sidaydii oo kale way naxeen waxayna u qaateen nin reer baadiye ah oo si kadis iyo warqab la’aana meesha ku soo galay oo haddana qorigiisii la baxsanaya. Waan ku soo noqday oo aan soo kala dhex istaagay ayagoo isku diyaarinaya inay iga daba yimaaddaan. Waxaan go’aansaday inaan labo dilo labada kalana aniga ay i dilaan. Mid ayaa igu soo booday oo wajiga, Indhaha iyo sankaba I qabtay oo sacabka iga saaray, balse Allah ma guulaynin ee waan ku kala jeexay mid kale ayaa soo booday oo aan asagana kor dhigay labadii soo hadhay mid miis ayuu hoosta ka galay midna gabadhii makhaayadda lahayd ayuu isku duubay, markii aan doonay inaan dilana gabdhihii ayaa yidhi walaal hana laynin, Anigu ismaba ogi qoriga laba khasnadood ayaan ku ogaa midi dhexda ayay deg-deggii suuqa igaga dhacday middii kalana labadii gaal ayaan ku dhameeyay. Markaan labadii dilay ayan ka baxay gurigii labadii gaal ee hadhayna midi miiskii ayuu iskaga hoos jiray midina intuu irridda ka baxay ayuu i soo xabbadeeyay markii aan is idhi ku ridna waxaan arkay in aanan xabado haysan oo waan is tuuray oon galgashay asagana xagga xeradiisii ayuu u cararay. Arrintii naga fashilantay oo raggii aan rabnay waxay ku carareen xeradii, Saaxiibkayna markii uu rasaastaydii maqlay ayuu labadii askari ee lagu aadiyay ka takhalusay oo intuu qori ka qaatay iska baxay. Anigu waxaan dhex raacay dadkii baqanayay qorigiina meel dooxo ah oo qoyan ayaan ku xaseeyay kadib waxaan arkay haweenay leh waryaa Islaam ah oo qorigan iga qaada. Qorigu wuxuu ahaa mid nin aanan ogayn oo magaalada dhinac kaga jira uu dhigtay guriga haweenayda ayaduna intay baqday ayay iska fogaynaysay. Waan ka qaaday waxuuna sitay 6 khasnadood mar haddii aan xabado helay anigoo labadaydii qori sita ayaan dib ugu soo noqday magaaladii waxaana imid ayadoo afartii bakhti ay niman boolis ahi sii qaadeen oo xeradii gaalada geeyeen waxayna ila noqotay inaan soo dhaadhacooda sugo oo dhinicii xeradoodu jirtay ayaan dhufays ka galay, wax soo dhaadhacase waan waayay. Goor danbe oo ay makhrib agtiis tahay ayaa midi ka soo baxay oo markuu iridda marayo ayaan ku dhajiyay waxaana maalintii danbe la ii sheegay inuu dhintay. Habeenkii oo dhan ayaan sugayay bal wax soo dhaqaaqa aroortii markay tahay ayaa la igu yidhi aan kuu ducaynee ama magaalada aan ka baxno oon caruurta gacmaha qabsano ama iska tag gaalo kaa cabsataye. Gaaladii waxay odoyaashii u tagay ku tidhi magaalada ciidan ayaa haysta oo u soo dhaadhici maynee nimanka la hadla oo magaalada ka saara. Goor danbe oo ay 3 saac oo subaxnimo tahay ayaa inta Beer si fiican laygu qureeciyay ayaan iskaga baxay magaada. Hadaba Akhristoow taasi waxay ahayd Xaqiiqo uu sameeyay Mujaahid Maxmuud Xirsi Duulane ee Rumayso waa rune.
-
^Adeer caadi ma tihid...waan kaa baqey Saacaddii inay joogto oon helay sifaadkeedi Oo salaadi nagu waajibtay koley anigu saadaashay ! Xiinow labadan sadar ee ugu dambeeya waxay i xusuusiyeen gabaygan uu oday awoowgey ahaa tiriyey 1945-WWII. Sidan buu ku dhamaadey Aniguna adduun laga samray baan, soobirta hayaaye Salligii Rasuulkiyo intaan, saxayo tawxiidka Sakaraad qiyaamaha haddaan, cidiba seegeynin Su’aasheeda aakhiro intaan, suurka la afuufin Kolka maan salaada uun tukudo, sahalka ii dhaafi Allow talo matahay!
-
Yaa tiriyay gabayga ??? ....... i don't think you even know. Jacaylbaro, adeer hadii aadan garaneynin cida tirisey maad aayar iisheeg tidhaahdid intaad igu dayeeysis? Gabay waxaa layidhaa MAXAA SABABAY? cida tiriseyna google kuraadso adeer. OK! Waaka gabayga qaybtiisii kalena: Sumbadaa wayaanuhu haday idin sabaalaysay. Amay sixir idiin gunuday waa saan koleey qabo e. Soohdin lama wadaagtaane waad sahal dhaqaaqdeene. Saqsaqdiyo intaad Aayartaan siigsadiyo boodhka. Sakaarkiyo hamiga naga lalee samada dhawraaya. Indhaha saabka loo yeelay iyo suusad lagu jiiday. Ee suursan kala qaada waa laga sokeeyaaye Sidaadaba Hargaysaay inaad seegto marinkaaga. Waa soo jireen dhaqan ahoon idinka suulaynne. Soomaalidoo nabad ah oo samo kudaaqaysa. Seedhibaad Afuufteen intaad salaw abuurteene. Calankii sudhnaayee bulshadu wada salaamaysay. Sarihiyo guryihi Aad dhistee nee sanado qaatay. Sal fudaydku Waa waxaad digada uga samayseene Siiroo kolkii laga dhigiyo saylad laga guuray. Dadkiina wada sabooloobay ee aad u asxariiray. Sonkorta dabaqyadii wada noqdiyo suuqi laga yaacay. Seeskii bur buraybaad markale dib usan cayseene. Saxalkii inuu idinka baxay baad sawirateene. Khaladkiina lama saxahayee waad ku socotaane Soomalilaan sheega iyo sawrac madhadkiina. Siqiir iyo kab biir waan hubaa inaad sexeexdeene. Sarajoogsi gooniya haduu sahanku goobaayay. Masal kaa itoobiyo Ahaa yood ku socoteenba. Sal saloolashaad gacalka iyo Cadaw la saaxiibku. Sahli mayso citiraaf hadii aydun sugaysaane Saylac iyo Hargaysoo Tigrey wada sabaynaayo. Saldhigyana intii looga furay goobo laga siiyay. Soomaalida in loo diido ooy seexan kari waydo. Oo siyaaradii timid Xabsiga lagu dhex seeteeyo. Sarwadna loogu daro iyo garaac diirka laag siibay. Maxaa sababay oo keeni kara waa su'aal kale e? Sinjigaaga lama diido iyo siidhka aad tahaye. Saaxiibku way kala hadhaan la is naseegaaye. Sinalooam jaro dhalasho oo way sal wayntahaye. Sokeeyaha intaad riixdo oo saado nacabkaaga. Surka xadhig nin kuu galinhayoon rabin samaantaada. Sadiiq inaad u aragtiyo ninkii uurka kula seexday. Maxaa sababay Oo keeni kaar waa su'aal kale e? Salaadiin wax garadiyo cilmiga qoladi loosoocay. Siyaasiga fayoow een caqliga dhoobo laga saarin. Saadaasha iyo aragtidii umada Soomaali. Sakal inaad gasheen lagu cadee ood sirgaaxnteene. Suuntiinu way gu i hadaad sidan ahaataane. Sumad guur inuu idinku dhoco yaad ku socotaane. Sikastaba hanoqotee anaga magaca Soomaali. Sibraarbuuba nooyahay biyaha aan ku sidanaaye. Samaantiina waan jecelihiyo inaad sinaataane. Sadnadeeqi weeyaan hadaad saafi noqotaane. Saxma weeye hadalkani haduu idni solaayaaye. Saqajaanka naaga daaya waa dawgu suuyahaye
-
Nayruus, the elite of ONLF never resist the change of the name. Why would you focus on un-important matters such as name while hundreds of innocent somalis loose their lives in the wayane hands every day? Why when over 15,000 innocent somalis are in wayane prisons? Why when somali women are raped day in day out? Why when somali children are systematically starved to death? Why? I guess because their lives and deaths make no difference to you. 1. In fact, in 1994, ONLF took part of what thought to be the first democratic election in Ethiopian and won 85% of the somali region parliment seats. 2. As soon as they won the majority, the ONLF put together a committee of 11 members to debate and decide whether the name should be changed and to what? 3. While the committee was still expolring this issue, Meles gave an order to close all ONLF's offices and capture the president alive. Fortunately, they couldn't capture the president but they killed 84 people in the process of capturing the president. Its worth mentioning that the wayane lost hundreds that day. This is what forced ONLF to take the arms. Ask yourself if its necessary to spend their energy and meagre resources on name change or to fight off this somali enemy this time? The goal is to free somalis from Wayane and let them decide their future.
-
Also I'd like to prove that somalilanders are more somali loving and have shown time and again that they do indeed feel sorry for other somalis who are suffereing Arintan horeybaa looga hadley e bal maqal tuducdan adeer: Sarsar orodkiibaa idinku jira wali sunaysnaaye Maamulkaad samayseen haduu suruq idiin raacay. Ama suus dhex galay shacabku waa inay saluugaane Saqajaanka iyo ceebta waa laga sariigtaaye. Sumcadiinii qaarbaa ka gaday Xabashi suudh leeye. Suniyihii miyaad xiirateen kaama siqaysaaane Ehelkiinii siicdee hadii laga san taagaayo. Amaad saahansateen qolo kaloo sagal idiin muuqdo. Saantiyo badala hadalku waa baadi kala sooce. Sa daan(soomaalinimada) daaya oo magac la baxa meelo kale saaraan. Calaankaydun sidataanba waa suurad gooni ehe.
-
A letter from Hooyo (so funny!, read till end)
Abdulladiif Al-Fiqih replied to Shumey's topic in General
Keyf ukhtii? Horta ma ogtahay dumarka waaggii hore sida geela in loo dhicijirey/qaadijirey? somalis have came along way...ilaah ku mahadiya gabdhow. Hadaba'masaafo' waa marka gabadha intaa lala baxo lawado in masaafo la eg si loo meheriyo hadii kale oon meel reerkooda ka fog lageyn meher maqabanayo wali-geeda/waalidkeed/walaaloheed oon fasixin marka waa in lala cararo. PS: Waagaas inaan joogaa fiicnaan lahayd, mid yar oon garan baan soo dhicilahaa ala geeljire style . -
A letter from Hooyo (so funny!, read till end)
Abdulladiif Al-Fiqih replied to Shumey's topic in General
^Never heard of. Bal maad ka wardoontid ood saas samaysid...yacni tijaabi nooh markaasna nala soo socodsii! -
Abdinadif ya waxa kugu shekeeyey, mise adiga iska hadlaya :rolleyes: . Caaliya, abti indhaha sidaas haw war-wareejin yeysan kaasoo dhicine. Bal tartiib yaah!
-
^You're still not helpful Aw-Jimcaalow! Iska daa ninku hayska muusa-naabe e hadaadan waxba utareyn
-
But Ali was also a serious poet: Naagtii gambada taabatee gacanta loo mayray Oo gelisay meeshii xumayd gabaygu soo maaha. he once said to Salaan (i believe it was salaan). Middaan taariikhdeedii ma hayyo ee bal Sharmaarkow nagu sadaqayso~~ Xiinow, gabayga waxaa iska lahaa Qamaan Bulxan sheekaduna waxay kutimid sidaan kuhayo mar Cali iyo Qamaan oo habro-wadaag ahaa lugu heshiisiiyey inayna mar-dambe isu gabyin maadaama ay walaalo yihiin. Marka maalin maalmaha ka mid ah ayaa cali iyo qamaan oo shax duleedka reerka kuciyaari ayaa waxaa soo agmaray iyadoo haan biyo ah dhabarka kusida Qamaan hooyadii oo dhinacakalena Cali habo u ahayd. Cali intuu heshiiskii jabiyey ayuu sida kubilaabey: Maxaa loo hogaan barey duqdii innugu hawshootay? Kanaan degey! Qamaan oo fahmey duurxulka cali ayaa sidan u celiyey: Sidii naagtii gambada taabatee gacanta loo madhay ee hadana meeshii xumeyd galisey gabaygu sow maaha Kanaan degey!
-
^Why Close it....a change of heart? Did you know that few faaraxs ran to canada right after the bridge fell? They (faaraxs) instructed their families to throw their cars into the Mssissippi river and morn them claiming their beloved farax has falling and was one of the deceased and give him the 4-1-1 after they collect the gov. compensation. Mr. Ugly could've been one of these corrupt faarax thus, you have a good shot at a $$million
-
^Cajiib!!!War Xagee igala qaaday adigana..Ma daba-dhilifka ayaad igu qaladay ninyahoow Abti far baa kugu godan kow dheh.......saan saan Tadhaaqina waad leedahay e laba dheh.....teedakale, magucu waa siduu observer kuu sheegey 'kilil 5' e laqabso hadii kale labada dhinac intaad iska fiirisid dhabaha cagta saar
-
^Adeer yaabaad leedahay. Dadka wadankii joogaa masidanbey bored u yihiin? Bal sxb iisheeg meeshaad kashaqeyso aan shaqo usoo raadsade e
-
Ethiopian Military loot, burn over 45 villages
Abdulladiif Al-Fiqih replied to BiLaaL's topic in Politics
I just wrote to Amy Klobuchar and hope she adds her name on that list. I suggest y'all write to your reps. -
35W Bridge collapsed…many feared dead!
Abdulladiif Al-Fiqih replied to xiinfaniin's topic in General
Devastating Scene! My cousin was there. The Second car infront of her went down but she made it ok..little shakened. My friend went on that bridge twice and the third time, it collapsed just before he reach there...Eebaa mahadle -
Reer Qansax: Not ready to learn to forget and move on
Abdulladiif Al-Fiqih replied to Jacpher's topic in Politics
^Adeer Cabdullahi cidna kama haysid awoowe hadaad rabtana soodaa bal hala arke e! Teeda kale, dambiga aan ka hadlaayo waaka arintan haatan taagan(civil war) keeney waadna ogtahay cida ka dambeysey. Dambigaba waxaa dhigey siday aniga ilatahay USC iyo caqli xumidooda waayo markey wadanka lawareegi lahaayeen ey dawlada dhisi lahaayeen ayeey waxay dheheen D BLOCK oo dhan wadanka halaga saaro taasaana keentey inaa taad dhigteen soomaali iloodo hadana waa gartiin inaad lasoo shir tagtaan waa nala-laayeey. Tan iyada ah qolya kale oona hada sheegeyn ayaa caan ku ah soomaalibaa nalaysey idinku dhako kale keena -
^^How abt sticking to our own soomaali names such as: Galool Geedi Garuun Gaas Geediyo Gaabey Guduudo Gaabo...iwm
-
Popular Contributors