nuune

Nomads
  • Content Count

    12,988
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by nuune

  1. Buaale: "Col Barre Hiiraale iyo Col C/risaaq Biixi oo baxsaday iyo Khasaare weyn oo dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo gaaray maleeshaydii Barre Hiraale iyo kuwa Ethiopianka" Sarkaal sare oo kamid ah ciidamada MMI Bu,aale!! War degdeg ah oo hadda naga soo gaaraya telofoonka guurgura oo kusugan furunta ciidamada maxaakiimta islaamiga Jubbooyinka ayaa noo xaqiijiyay in khasaare badan soo gaaray maleeshiya beeleedkii Barre Hiiraale iyo kuwii Ethiopianka ee isaga lasocday. Khasaarahan soo gaara maleeshiyada Barre Hiiraale ayaa isugu jira dhimasho, dhaawac iyo dad nolosha lagu qabtay oo isugu jira saraakiil Ethiopian iyo soomaali badan oo calooshood u shaqeystayaal ah. Khasaarihii soo gaaray ciidamada Ethiopianka iyo kuwa Barre Hiiraalle oo tafatirana waa kan. 1-Dagaalku waxuu 14:30 duhurnimo saacada afrikada-bari kaqarxay Dujuuuma oo Bu,aalle 15km ujirta 2- Waxaa dagaalka dhinaca Barre Hiiraale kadhintay oo meydkooda lahayaa 16 maleeshiyo beeleed ah, iyo 1 sarkaal oo Ethiopian ah 3- Waxa gacanta lagu dhigay iyagoo nool 21 calooshu ushaqeystayaal oo soomaali ah 2 Sarkaal Ethiopian ah iyo 3 askari ciidamada Ethiopianka laakiin loo maleynayo inay yihiin soomaalida kudhaqan Ethiopia 4- Waxaa gacanta lagu soo dhigay gaari N3 ah oo hub kala gedisan kabuuxo. Waxaa kaloo gacanta lagu hayaa 11 gawaarida dagalka ah oo 6 kamid ah u saran yahay qoriga dhisheegaha Maleeshiya beeleedkan lajibiyay ayaa waxaa kala watay Col C/risaaq Biixi iyo Col Barre Hiiraale iyo waliba ugu yaran 4 sarkaal Ethiopian ah oo illaaa iyo haada aan lagaraynin meel ay cag-dhigeen. Ciidamada midowga maxakiimta islaamiga ayaa hordhacoodii oo sii baacsanaya waxii kaharay kuwa Barre Hiiraale ay hadda 5km ujiraan magaalda Saakoow oo Bu,aale ujirta 45km. Dhinaca kale masuul katirsan ciidamada maxaakiimta islaamiga Juubboyinka oo aaga hore kusugan ayaa noo sheegay inay Bu,aale karareen laba gaari oo sida cunto iyo biyo lagaarsiinayo maleeshiyada firxadka ah ee Barre Hiiraale iyo C/risaaq Biixi ka carareen kuwaasoo lagu uruurinayo meel udhaxeeysa Bu,aale iyo Saakoow. C/laahi Sheekh, Godeynews.com Kismaayo.
  2. Fartaag oo gacanta u galay ciidanka maxkamadaha. Published: 22 October, 2006 14:15 Dagaalkii degmada Bu’aale ku dhex marayey ciidamada maxaakiimta iyo kuwa Barre Hiiraale ayaa iminka noqday mid qaraar oo labada dhinac ay isku adeegsanayaan dhamaan hubka ay heystaan. Wararka ka imanaya degmada Bu’aale ayaa xaqiijinaya in labada dhinac uu soo gaarayo gurmad joogta ah oo ka kala imanaya magaalada Kismaayo iyo degmada Baardheere ee gobolka Gedo. Sarkaal qariyey magaciisa oo u hadlay ciidamada maxaakiimta islaamiga ayaa sheegay in dagaalkii maanta ay la galeen ciidamada Barre Hiiraale ay kaga qabsadeen 18 gaari oo kuwa dagaalka ah waxaana uu sheegay in dagaalkii maanta ay guulo wax ku ool ah kasoo hoyeen. Waxa uu sheegay sarkaalkan in gawaarida ay maanta qabsadeen inuu ka mid ahaa gaarigii gaar ahaa ee wasiirka gaashaandhiga dawlada federaalka Barre Hiiraale. Sarkaalkan waxa uu sheegay in dhankooda uusan soo gaarin khasaare sidaa u buuran oo la shaacin karo waxa uuna tilmaamay in ciidamada maxaakiimta ay ku guuleysteen in waabiyaan ciidamadii maanta kusoo duulay degmada Bu’aale. Dhinaca kale sarkaalkan ayaa tilmaamay ciidankooda ay gacanta ku dhigeen C/laahi Sh Ismaaciil Fartaag oo ah sarkaalkii hogaaminayey ciidamada Barre Hiiraale waxa uuna intaasi ku daray in ciidankooda ay joogaan degmada Saakow. Sheegashada sarkaalkan maxaakiimta ka tirsan ma jirto cid kale oo madax banaan oo xaqiijisay in dagaalkii maanta ciidamada Bare Hiiraale lagaga qabsaday gawaari gaareysa 12 gaari ,balse wararka halkaasi naga soo gaaraya ayaa xaqiijinaya in dagaalkii maanta labada dhinac dhex maray uu geystay khasaare xoogan oo labada dhinac ee dagaalamaysa gaaray. Jibriil Nuur Alghamidi Xafiiska MarkaCadey Muqidisho - Somalia
  3. ICU said they will bring those 16 technicals to Kismaayo so the press can witness and take pictures, not good news for Barre and his Online Kaaba-laadaryaal. anyway, read it here Barre Hiiraale oo fara cijiyo leh ku badbaaday iyo 16 Gaari oo kuwa dagaalka ah iyo Gaarigiisa khaaska ah oo gacanta lagu dhigay. 22-October-06 ( Qaadisiya.com) Warar xog ogaal ah oo shabakada islaamiga ee Qaadisiya ay ka soo xigatay saraakiisha ciidamada maxkamadaha islaamiga Soomaaliyeed ee ku sugan jiida hore ee dagaalka ayaa xaqiijinaya in ciidamada maxkamadaha islaamiga ee ku sugan degmada Bu'aale ay qabsadeen 16 gaari oo kuwa dagaalka ah iyo gaari khaas ah oo uu lahaa Col. Barre Hiiraale oo maalmihii ugu danbeeyay waday abaabul dagaal oo kadhan ah maamulka islaamiga gobollada Jubooyinka. Maleeshiyaadka Barre Hiiraale ayaa maalmihii laga soo gudbay waxa ay abaabul dagaal ka wade qeybo ka mid ah gobolka Gedo,waxa ayna qal qal weyn geliyeen amniga qaar ka mid ah deegaanada hoos yimaada gobolka Jubbada dhexe. Wararkan oo ah kuwa hordhac ah ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada maxkamadaha islaamiga ay weerar ku qaadeen goob maleeshiyaadka Barre Hiiraale ay ku sugnaayaeen oo ku taallay duleedka magaalada Bu'aale. Saraakiisha ciidamada maxkamadaha islaamiga Soomaaliyeed ayaa sheegay in gaadiidka dagaalka ee gacanta lagu dhigay la geyn doono magaalada Kisamayo oo loogu soo bandhigi doono saxaafada si ay indhahooda ugu arkaan. Lama garanayo halka uu qabtay Barre Hiiraale,ilaa iyo iminka ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalka jabka lixaadka leh lagu gaarsiiyay maleeshiyaadkii Barre Hiiraale ee duulaanka ku ahaa gobollada Jubooyinka. Wixii warar ah oo ku soo kordha arrinkan waxaan u ballan qaadeynaa akhristayaasheena in aanu u soo gudbin doono isla markaana ay na soo gaaraan.
  4. Watch the video Cool video, also watch videos of the imaam and others in the State website
  5. For those who think anyone can have those ID Cards, they are out of their minds, cuz Mustawaqa IDs don't look like this advanced ID Cards which are high-tech machine readable, I myself have one Mustawaqa ID and it is only plain paper similar to teesaraheeni soomaaliya, ID Cardskaan waxaa kaliya oo loo ogolyahay yahandhigta oo ah kuwa ugu axmaqsan ee sirdoonka tigreeyga ah. Mustawaqa ID Cards don't resemble those cards. That is enough clarification
  6. As those ID cards carry alot of information, ICU said they will inspect the ID cards through computer-read-machines, then they will forward and publish those secret information online
  7. The first spy The second spy PS: Where is the lies that some websites were reporting this morning about the capture, isn't this enough for them to see!!
  8. Asagaa cirka roob ku og, ninkii dulli hoosta ku wataa isaga unbaa daadku qaadi!
  9. ^^ lool@Macnawi, aw kamaa qaala Kisaa'i.
  10. is Prof.Ibraahim Xasan Cadow who is the Foreign affairs of ICU
  11. aawey bu'aalada la qabsadey, every report says Maxaakimta ayaa gacanta ku hayyo Bu'aale, jinni ninkii keenaa baxsho bilaash loma oran ninkii been keenay asaa run hog dhurwaa ku og
  12. ^^^ Paragon, believe, am not joking, when ever I want to have some laugh or comedy, I go to those websites you mentioned plus idaamle include also dayniile laakin dayniile dhawaanahan sidii Qanyare looga adkaadeyba run wax u dhaw bey soo tabiyaan beenna ka dheereyn, they all offer classic jokes, waxaa ugu darneyd markey idamaale report gareeyeen about that xildhibaan Fowsio, they said she had contacts with Al-qaeda and Al-itixaad, waa yacni sidee beey ooga soo horjeedsan kartaa dowladda. illeen mararka qaarkood beenta waala sheegaa laakin in yaroo xishood ahna waa la raacsiiyaa si loo qariyo beenta aad sheegtay, kuwan beentiii ayeyba bac madoow intey huwiyeen bey xabag meyrax wadato dusha ooga dhajiyeen kolkaas bey meelaha ku wareen, haddee xabagtu kolkey qorraxdu qabato wey yara dhalaali, dhalaalkas ayaad ku garani iney tahay waxani wax ay soo dhoodhoobeen oo waliba carro madoow dhul ah lagu qasey, been cad baan arki jiree ma haddaan arkey been anqaas u eg, war kobtan aan iskaga cararo intaan la i oran clan hebel clan juj wama juuj clan dajjaal
  13. lol @ this discussion clan hebel clan saas, clan support clan birif clan dhuguc clan qoyan clan cagaar clan qooleey clan juuj wama juuj clan turki clan hiiraale clan cirif balo anagaa aragney, claaanoow maxaad aheyd claanoow goormaa lagaa weynaan, jinni clan baad qabtaan Ilaah ha idin ka korshee, bismillaahi, this is by far the most disgusting topic I have ever read in politics section
  14. We have similar men and women in Somalia, Ethiopia and in Kenya doing undercover marriage, lets say qudbo siro. Todobaadkii hore unbey aheyd markey Maxaakimtu qabteen haweeneey la qabo oo isla markaasna laba nin oo dibada ku nool qudba sira ku qabtey, sheekadu waxey qaraxdey markey labadan nin ee dibada ku nool isku mar wada yimaadeen Soomaaliya, ceebtii adduunka ayaa ka dhacdey, naagtina xukunkeeda ayaa hadda socda, reer kaambo amxaaro waaye, I hope iney Maxaakiimtu cafiyaan naagta aysan dhagax ku dilin.
  15. ^^^ meesha waa in loo raadsadaa jagooyin muhiim ah maadaama uu YEEY iyo GEEDI ay xarash iyo xoola jaban ku bixinayaan xilalka xildhibaaninimada iyo wasiirnimada. lool@Geedi qofta ka helay, war dad badan oo SOL baa ka helay gabadhaasi markii sawirkeedi lasoo galshey halkan
  16. ^^^ looooooooooooool Seylac, aniga gacan baan kuu taagey Nuune ahaan
  17. Walaal, marka hore salaan, marka xigtana kusoo dhawoow SOL. Arrintaadu saad sheegtay waa arrin aad u culus, una baahan in lala adeegsado culumo ama dad arrimaha bulshada mar kasta ku dhax jiro. marka hore aan soo koobo in yar oo tusmo ah: - Wiilka waad is guursateen - Waalidiintaaduna raalli bey ka ahaayeen guurkiina - isku waddanna ma joogtaan hadda - Wax jaceeyl la dhahana uma qabtid waqtigan la joogo - Mustaqbalkaagi waxbarasho ayaad beerdareesay si aad asaga u sponser gareeso - Saddex sano mudda ahna waa laga joogaa intaad is guursateen. - Furriin baad ka dalbatey wuuna kaa diidey - Qoyskaaguna kuguma raacsano arrinta furniinka Pointiyadaas kor ku qoran een kala soo dhax baxey qoraalkaaga waxey ii cadeenayaan: - In aadan ku faraxsaneyn ninkan guurkii aad guursatey markii horeba - In xattaa wax yaroo jaceyl ah aadan u qabinba - In arrinta guurka uu ka danbeeyey waalidiintiina ama qoorta kuu galiyeen ninkaas - In sababta ay waalidiintaadu/qoyskaagu kuu caawin karin hadda ay tahay wiilkaas ay kula rabaan inaad keento waddankaaga ood isla noolaataan. Hadaba anoo sii tix raacayo hadaladaas, oodna go'aansatey inaad iska fasaqdo, kuna adkeesatey in hadduu ninka ku furi waayo aad fasaqdo, waxaan ku oran lahaa marka hore bal sheikh ka mid ah sheikhyada magaalada aad joogto u tag una sheeg arrintan, markaas sheikha waxa uu isku dayi karaa in uu xiriir la suubiyo familkiina kana dhaadhiciyo in aad rabto fasaqitaan maadaama uu ninkaagu diidey in uu ku furo. Haddii lacalla ay dhacdo in waalidiintaadu ay kasoo hor jeestaan arrinta fasaqitaanka ama wax furniin la dhaho, waxaan kugu la talin lahaa arrinta kaligaa bey marka kugu ekkaani oo sheikh baad u tagaysaa warkana halkaas buu ku ekkaani adna halkaas ayaad mustaqbalkaaga ka sii wadan adoon lagugu dhibeeninn waxaadan raali ka aheyn, fakkir iyo walwalna halkaas kugu dhaafi, mustaqbal iyo nolol cussubna sameesan. Marka anoo soo koobayo waxaad sameesaa tala ahaanteyda talooyinka isku mid ma ahanee tii kula wanaagsan unbaad qaadani: - familkaaga mar kale ku noqo una sheeg ina aadan rabin ninkan furniinna rabto - ninkaaga mar kale xiriir la suubi una sheeg inaadan dooneyn mar danbe ood rabto furriin labadaas haddaad diidmo qayyaxan kala kulanto oo familkaaga iyo ninka kugu gacan seyraan wxaad kalood sameeni sidan: - familkaaga usheeg inaad iska fasaqeeso ninka - ninkaaga laftirkiisana la hadal una sheeg inaad xaq u leedahay inaad iska fasaqdo maadaama uu diidey inuu ku furo. Markaad intaas ogeysiiso, ood hubsato inaad arrintaada familkaaga iyo ninkaagaba u bandhigtey ayaad la tashanaysaa sheikh, kaa soo kaa caawin doono qaabka wax loo fasaqo. Ilaahey hakuu fudeediyo walaal, haddey taladayda kula gurracantahay ama kula fiicneyn ha qaadan, waxaa laga yaabaa inaad hesho talooyin ka fiican kana wanaagsan kana wax tar badan.
  18. Libaax, lool, adaaba sawir falanqeeya ah, adduunka intuu batey Balkans waaye aa dhahdey. It looks like the city of Ulan Batuur to me
  19. ^^^ Qof taageerada dadkiisa heesta deegaankiisana jooga wuxuu raadinaya waa faruuroow maxaa berbera ku geeyay dee waa faduul!
  20. nuune

    The SNM was beaten

    ^^^ Why Riyaale is not in that list of pictures since he was in dat regime, maybe u forgot it
  21. nuune

    The SNM was beaten

    ^^^^ Me, you just want to make Oodweyne write none-stop holly molly stuff, he really enjoys that
  22. The manual is not that hard as it may sound to you, you can learn an easy way and take a short cut, if you have the car now , why not give it a try and do these steps: Assuming you have a normal car. Go to this link and do the steps, it will help you understand the overall picture of driving your first manual car: How to drive a car with manual transmission Hope you like it, also if you have friends who got cars, why not ask them to give you short drives and some practices
  23. Haldhaa aniga wiilka aan raac sanahay... Aduunka waa is badalay gabdhihiina badankood qaa'inoolayaal ee noqdeen... you can never trust a woman now a days... Maybe the guy had a bad experience in the past and he got played hard before or maybe he didn't trust your sister because of her back ground..who knows..... But I don't think what he did was wrong... I agree with him... Tuujiska, Ilaahoow advice hanoogu kaa dhiibin, acuuudkoow qaw ka tuur bohol ka rid waadi ka xoor, balo Haldhaa, walaalo haddey cawda u jarto soo baabi'i maayo dareenkay u qabtey asaga oo halkaas iyadu khasaari meyso, haddey xiriirka sii wada wataana ma ay hilmaameyso dhagarta iyo beenta uu ku abuurey, marka waa arrin u baahan falanqeyn iyo in loo shaaheeyo, anigu xaggeyga tala ahaan oran maayo cawda ha u jarto, kaliya waxaan oranayaa xiriirkii siduu ahaa hala sii wado laakin kii hore mid ka dabacsan ha ahaado xiriirka, yeysan nafsadeeda dhan u dhiibanin ninka.
  24. ^^^ Classic Words, ha hagaagto iga dheh