nuune

Nomads
  • Content Count

    12,988
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by nuune

  1. Muraad, good point, waan kugu raacsanahay, waayo badbaadinta shacabka ayaa muhiim ah had iyo jeer. Laakin sheekada haddey waanwaan noqoto waxaan ogahay xattaa gudoomiyaha baarlamaanka shariifka inuu ogolyahay waanwaan iyo waliba xildhibaanada TGDa oo dhan, laakin Yeey iyo Geedka ayaa maskaxdoodi maar noqotey, wax galayo ma jiraan, maskax uu Melez maamulo mariid ma ogiyee wax kale haka filanin
  2. oooh no more "lines", I just listened to it, classic stuff, wax layn la yiraah ma jiraan lool
  3. eega waxaanu u sii carraabeenaa dhankaas iyo beydhabo
  4. Bu'aale sheekadeedi wey aamustey waayo guusha iney Maxaakimta raacdey ayaa la wada ogaadey, haddee juuq iyo jabaqba laga waa dhankii Barre, imika waa dhankaas iyo Daynuunaay Inshaa Allaah
  5. Paragon, cammuu sheekadaada sheekooyin badan bey isoo xasuusisey oon anna Dhoobleey iyo Libooye kiinya kula kulmey, illeen hadda unbaan helay reer waamihii assalka ahaa ee Kudhaa Raskanbooni iyo Badhaadhe Afmadoow soo wada jibaaxey, sxb sheekadaadu waa inaad u soo guurisaa qeebta Dood Wadaag, geedaha aad taxdey gumarka gacandhiga abaqa bisiqa xodeyga bardaha dad badan ayaan aqoonin ee sheekadan soo guuri oo halkaas ina keen Paragon, wiilasha cawlyahanka lool iyo cawsha lool ma reer afgaab bey ahaayeen, Sayidka makula kulantay dhoobley I met him in 1990,
  6. loooool@ Olol, I was about to post the same picture now then saw yours, I found it on Somaliweyn.com too. This is classic, we should forward this to Idaamale Website LooL I am still laughing wallaahi, this is beyond joke. PS: Also note how they erased the copyright owner which says BY: SIIDI</b
  7. ^^ I agree with you, I remember this picture very well too, Idamaale should have done better than this, shame on you
  8. Originally posted by Paragon: quote: Daaxuur buu u egyahay luqunta siduu u godey Lol, nuune. I can't remember the last time I heard Daaxuur, Xoor iyo Curri - reer-Waamo asli ah inaad tahay ayaad sheegtay sxb. LooL Paragon, I wish inaan ahaan lahaa reer waamo sal ah, qixii baan cag ku soo jeexay dhulkaas waamaha oo dhan magaalooyinkaan aad u xasuusto waxaa ka mid ah Bilis Qooqaani oon bil hilib gari iyo goodir ku cuneenay iyo Taabto oon duhurkii soo marney hal maqaaxi oo ku taal aan ka cunney hilib dagiiran oo adeeg badan iyo garanuug hilibkeed oo aad u jilicsanaa, miyaan kuu sheegay inuu libaax igala dagi gaarey baabuur aan saarneyn habeen anagoo u socono Qooqaani, libaaxya fara badan baa isbaaro noo dhigtey siteey aan wadaney baan dusha ka saarnaa kuray baan ahaa waa sagaashankii, haddee far ciddi leh baan ku fakadey
  9. actually dadkaas halkaas daggan anagaaba dhaanno oo online news-feeders heesano oo run iyo been u dhaxeeya, iyagu BBC Somali ayaa akhbaar u ah, mida kale wararkooda waxa uu u badanyahay suuq ka hadal iyo propoganda af ah, hebel baa halkan heeetso iyo saan, marka machinetan wax noo dhaamo ma lahan adba waad ogtahay inaadan aamineyn waxaad ka maqasho baardheere ama bu'aale iyo dabanyuluq
  10. lool Libaax, can you believe, some Somali websites ayaa Daily news u soo qaatey saakayto alaabtaas quraanjeesan, then I digged on google and found out it was on Somalitalk.com originally 4 years ago
  11. lol waraada caadi iska dhiga, aniga Bu'aale iyo Salagle toona abidkey maan arkinee, waaxey tontoobada iyo toobinta aad ii leexineysaan yaa weger baw. Horn:, If you can remember, Salagle waxaa daggan asxaabteyda qaar ka mida iyo familkooda, remember that incident aan kuu sheegi jirey dagaalkii qaraaaraa ee nagu helay suuqa xoolaha huruwaa iyo General Jaamac shire oo watey ciidamadii Hiilweyne eber looga dhigey iyo qoysas fara badan, qaar ka mida jaamac shire wiilal uu dhalay ayaa daggan Salagle. Balo, ma imikaan noqdey reer Salagle, naw, waryaadha hee dee Burcaawi ayaanba iska dhigi imika
  12. Tusbaxaa idiley sida loo heesto, sida sunnada ah ee loo fadhiisto ayaaban la sii yaabanahay, cimaamadaa waxaas dhan been tiri, khamiiskaa ka darey oo yiri kuligiin meel wada fadhiista. Daaxuur buu u egyahay luqunta siduu u godey
  13. ^^^ Paragon, cammuu anaaba ooga dhaw oo Salagle la hadley la iguna yiri khadka Bu'aale shaqeyn maayo, marka garan maayo Horn wuxuu sheegayo mar kastaa wuxuu soo taaganyahay Bu'aale ayaan la hadley, bal maxaa lagu yiri oo muu nooga dhigo News-feed ayaan u buknaayee.
  14. Waraysgii ibraahim maxamadeeq ee Somalitalk ee uu la yeeshay Korneyl Barre Hiiraale Ibraahim : Magaalada Kismaanyo ma leedahay maamul ka baxsan is bahaysiga aad adigu madaxda u tahay?. Col. Barre: Magaaladu maamul is bahaysiga ka baxsan way leedahay, maamulkii degmada ayaa dhisan, bilayskii baa shaqaynaya, guddoomiyihii degmada, Dawladdii hoose, maamul caadi ah bay degmadu leedahay oo dhisan. Ibraahim: Sida aad maamulkaas u dhisteen ma qaab qabiil baa mise waa qaab maamul oo aad is bahaysigiina ka dhex xusheen?. Col. Barre: Dabcan qabiilku waa ku jiraa oo wuu ku xusan yahay laakiin is bahaysi ahaan baanu anagu u dhisnay oo u magacownay. Ibraahim: Maamulka aad ii sheegtay inuu Kismaanyo ka jiro ma yahay mid shaqeeya oo ilaa iyo hadda wax horumar ah ku tilaabsaday?. Col.barre: Waa mid hir galay oo aad u shaqeeya, hadda waxaanu u gudubnay horumar oo hawlo badan baanu qabanay annagoo iskayo isugu tashanayna, Dekedda waanu dayac tiray oo lacag ilaa 300 oo malyan ah baanu gelinay, xabsigii weeynaa oo aan 12kii sanoo ee u dambeeyey waxba laga qaban baanu lacag ilaa 50 milyan ah gelinay oo hadda farta laga qaaday, iminkana meel kasta oo aanu is leenahay wax baa laga qaban karaa ayaanu ku talo jiraa inaanu wax ka qabano. Cashuur baa la qaadaa, Bilaayskii baa shaqaynaya, mmaxkabadii baa shaqaynaysa, waa maamul caadi ah oo shaqaynaya. Ibraahim: waayahan dambe Soomaalidu wax bay is dhex geliyaan oo marka qolo meel qabsato ee qolo kala wareegto qoladdaas uun baa wax iska sheegata marka taageerayaashii ninkii hore ee meesha ka tegey Gen. Morgan ee magaalada ku nooli wax cadaadis ah is bahaysigiina ma kala kulmaan?. Col. Barre: Maya, maya, arintaas waxaa fiicnaan lahayd inaad tagtaan oo aanu idinku marti qaadno iyaga laftoodana aad waraysataan si aad xaqiiqda u gaartaan. wax kala duwan iyo wax cadaadis ah iyo wax dhib ah oo dadkaas lagu hayaa ma jiraan dadkuna isku mid weeye, way ganacsadaan, guryahooday ku nool yihiin, shacabku waa isku mid. Ibraahim: Maalintii Jimcihii waxaa shir wada fadhiyey adiga iyo Gen. Moragan, idinkoo is gacan qaadayana waan arkayey xaalku waa sidee ma wax baa colaaddii iska bedeley? Col. Barre: Maya, laba nin oo macruuf ah oo shir isugu soo galay baanu ahayn, salaantaad arkayseyna waa midda Islaamnimada laakiin wax heshiisa oo aan galay ma jiraan. Ibraahim: Had iyo goor waxaa la idinku eedeeyaa inuu isbahaysigiinu Kismaanyo xoog ku haysto oo aydan deegaanka u dhalan eedayntaas maxaad ka leedahay? Col.Barre: Edayntaasi waa dulmi ayaan anigu ka leeyahay, nin Soomaaliya oo nin Soomaaliya meel ka lihi ma jiro, jifo ahaan meel waa lagu kala badnaan karaa balse meeshan annagu wax baan ku leenahay, keligayana ma lihin, in la yidhaahdo xoog bay ku soo galeen ama ku yimaadeena dulmiga dadka lagu samaynayo baan u aragnaa inay tahay. Ibraahim: Laakiin Col. Barre marka laga qiyaas qaato arinta ah ciidan maanta la jebiyey oo magaalo laga qabsaday inuu isla markiiba haddana meeshii qabsado miyeeysan u ekayn inay awoodi ku soo korortay, awoodaasi ma idinkay idin qarsoonayd? Col. Barre: Adeer taas taatik ahaan isagaa ku khaldamay sababtoo ah maalintuu Kismaanyo soo galay maalintii ka horaysey ayuu Jilib dagaal nagu dhex maray oo ciidamadiisa lagu jebiyey dabadeed xoogagii la dagaalamay oo maqan ayuu inta daba maray sidaas magaaladii ku qabsaday, marka taatiik xumo uu la yimid bay ahayd taasi. Ibraahim: Ergooyinka kula socda ee aad hogaaminayso ee gobolka aad ka timid matalaya beelaha deegaankaas degani ma u dhan yihiin? Col.Barre: Adeer waa u dhan yihiin beelaha deeganku ergada anigu aan hogaaminayo jileec iyo jareer wax ka maqani ma jiraan, waana joogaan. Ibraahim: Qolyihii markii hore magaalada ka talin jirey markaynu soo qaadano inagoon qabiil iyo waxba toona magac dhebayn yaa idin kala socda?. Col. Barre: Dee waa kan gudoomiye ku xigeenkaygii Col. Yeey baa igala socda, oo aad aragto inuu haddaba I garab fadhido, waana loo dhan yahay. Ibraahim: Ayamahan waxaa igu soo duul duulaysey inaad kulamo is daba joog ah wada yeelateen xubno ka tirsan SPM'tii Gen.Morgan oo ah ragii aad Kismaanyo ku dagaalanteen oo Odayaal, Saraakiil iyo Wax garadba leh, aadna ka wada xaajootaan sidii aad ku heshiin lahaydeen, arintaasi hadda halkee bay idiin maraysaa?. Col. Barre: Meel fiican bay noo maraysaa oo waxa weeye ragii hore ee uu Kismaanyo dagalku nagu dhex maray dhamaan marka laga reebo Morgan waanu is aragnay waana wada hadalay, wejigii koowaadna xalay (22kii Oct) buu soo geba geboobey, kan labaadna waanu u ballansanahay, waxaanuna haddii Alla idmo ka soo saari doonaa bayaan cad oo aanu u gudbin doono dadku meeluu jiraba. Ibraahim: Goormaad ku talo jitaan inaad bayaankaas soo saartaan?. Col.Barre: Guddi baanu u saaray soo diyaarisa laba beri ilaa saddex beri baanu jecelahay inuu ku soo baxo. Ibraahim: Shaqsiyaadka aad heshiiskan wada waddaan kuwa ugu cad cad yaa ka mid ah? Col.Barre: Ragu wuu badan yahay waxaana ka mid ah Xaabsade, Cali-baashe, Xagaafe, Col. Labatinle Ugaas Xasan Hilaali, intaas ayaan kaaga sheegi karaa. Ibraahim: Sow sidaas oo kale idiinma fiicna inaad u sii gudubtaan tan idinka iyo Gen. Morgana idinka dhaxaysa ? Col. Barre: Taas xagayaga diyaar baanu u nahay laakiin bal hadda tan aniga iyo Morgan caalamkay u gudubtaye, halkanse waan u joognaa in la is hor fadhiisto. Dhamaad Ibraahim Maxameddeeq Somalitalk Oct 23, 2002
  15. ^^ Sakhar meesha sawirro kama muuqdaan sxb, meeshii dhanneedba puntlandpost label ay ku wada qariyeen maxaaba la arkaa, waaba yaabee saana maxeey aheed
  16. ^^^ Ok walaalkiis, and ciid mubaarak
  17. ^^^ Whether he was ambushed or died in the battle doesn't make sense, he was killed by the ICU, just admit it buddy, gar laba nin kama wada qosliso. and why are you saying he wasn't leading the Barre army, that must be a classic joke Col. Fartaag Oo La Xaqiijiyay Inuu Ku Geeriyoday Dagaalkii Shalay Taliyihii ciidanka wasiirka gaashaandhiga dowladda Embagathi Col. Fartaag ayaa lasoo sheegayaa inuu ku geeriyooday dagaalkii shalay ay ciidankiisu kusoo qaadeen degmada Bu’aale. Dagaalkaas oo ahaa mid si wayn loogu hoobtay isla markaana looga qabsaday ciidamada wasiirka gawaari dagaal kuwii ugu tiro badnaa oo dagaal fool ka fool ah lagu kala qabsado ayaa waxa ka baxsaday ciidamo tiro yar oo ilaalinayay amaanka wasiirka Gaashaandhiga. Taliyaha ciidamada weerarka soo qaaday Col. Fartaag oo la isla dhex marayay shalay in la qabtay iyo inuu baxsaday ayaa saakay aroornimadii lasoo xaqiijiyay inuu ku geeriyooday dagaalkii shalay. Ciidamada golaha maxaakimta ayaa wali ku sugan degmada Saakow waxayna sugayaan amar uga yimaada madaxdooda iyo talaabada tan ku xigta oo ay qaadi lahaayeen. wadanka.com
  18. Yesterday we had a report about the capture of Fartaag, now it is being confirmed he died in that battle of yesterday. C/llaahi Sh.Ismaaciil “Fartaag†oo la xaqiijiyay in uu ku geeriyooday Dagaalkii Dhex maray Maleeshiyada hiiraale iyo kuwa Maxaakimta. kismaayo, 23-October-06 ( Qaadisiya.com) Dagaal qaraar ah oo Maalintii shalay gelinkiisa dambe uu ka bilowday duleedka Degmada Bu'aale halkaasi oo ay isku fara saareen Ciidamo katirsan Golaha maxaakimta iyo kuwii uu Barre Hiiraale watay kuna doonayay in uu dib u hanto Maamulka Gobolada Jubbooyinka. Dagaalkaasi ayaa waxa uu bilowday sida Saraakiisha Sar sare ee Maxaakimta kujiray ay ugu warameen Shabakadda Islaamiga ah ee Qaadisiya duhurkii Saacaddu markii ay aheyd 1:45pm xilliga Muqdisho taasoo meesha ka saareysa Wararka ay qoreen Warbaahinta Soomaalida qaarkood oo sheegayay in Subaxdii hore uu halkaasi dagaal ka qarxay. Ciidamada Maxaakimta ee kusugnaa Degmada Bu'aale ayaa waxa ay mar qura weerar ku qaadeen Maleeshiyada Barre Hiiraale oo iyaguna xilligaasi weerar kusoo ahaa kuwa Golaha maxaakimta waxaana markii Dambe uu Allaah qadaray in Barre Hiiraale uu ku badbaado far Cijiyo leh. Dagaal Ooge Barre Hiiraale ayaa waxaa laga qabsaday illaa 25-gaari oo isugu jira kuwa dagaalka iyo kuwa kale ayaa waxaa kamid ahaa Gaarigii u khaaska ahaa Barre Hiiraale oo uu Cagaha wax ka dayay markii labada Ciidan ay is fara saareen. Dhinaca kale Abaanduuliyihii Hore ee Maleeshiyada Barre Hiiraale C/llaahi Sheekh Ismaaciil “Fartaag†ayaa shabakadda islaamiga ah ee Qaadisiya loo xaqiijiyay in uu ku geeriyooday dagaalkaasi. Wariye Xasan Xanafi oo lasocda Mujaahidiinta kuwajahan Dhanka Buurhakaba ayaa waxa uu kasoo xigtay Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo uu u xaqiijiyay in Ciidamadooda ay kusoo wargeliyeen in Fartaag ay ku dileen Dagaalka sidaasina uu ku geeriyooday. C/llaahi Sh.Ismaaciil “Fartaag†ayaa markii uu dagaalka dhacay ayna isaga carareen Barre Hiiraale Maleeshiyadiisa wixii gawaari ahaa oo ay wateen ayaa waxaa lagu arkay isaga oo dhaawac ah, waxaana markii dambe uu u geeriyooday Dhaawacaasi. Xilligii Gawaaridaasi ay isaga cararayeen Maleeshiyada Barre Hiiraale ayaa la arkayay iyagoo qaarkood qoryahooda la cararaya Xabadna soo ridaya, waxaana suurta gashay in qaarkood lagu laayo goobta inkastoo qaar kale ay isasoo dhiibeen halka kuwa kalena ay baxsadeen. Barre Hiiraale oo lafilayay in uu aadayo Dhanka Magaalada baardheer ayaanan weli gaarin halkaasi, wuxuuna weli kusugan yahay Baadiyaha Halka loo yaqaano dajuuma, wuxuuna kusoo beegmayaa Xilliga dagaalkani uu dhex marayo Barre iyo Ciidanka Maxaakimta kadib markii dhowaan ay kasoo baxsadeen Maleeshiyada Barre Hiiraale
  19. Those so called somali news websites are misleading, far from truth and they are actually the one's that create half of the conflict that are taking place in our homeland. For Allah's sake, where can we find good source, even AP, Reuters and AFP are getting their sources from those so called somali news websites. At least there are some websites that are balanced and may report half of the truth
  20. Where is the source Horn, be it been-abuur or propaganda, lets see and read some sources sxb from gedonet or allpuntland or whatever you rely on PS: I won't call you beenaale though I could say dat cuz I don't see any news source here
  21. ^^^ lool ani maa been sheegaayo, news sourceka aan keenay dheh waa beenaalayaal, laakin aniga ..........., ciid wanaagsan sxb
  22. Buaale: Ciidamada MMI Jubbooyinka oo dagaalka maanta kusoo qabtay Col Fartaag iyo saraakiil kale Ethiopian ah War degdeg ah oo hadda miisak wararka Godeynews soo gaaraya ayaa sheegaya in dagaalkii maanta lagusoo qabtay Abaaduulihii ishabaysigii burburay oo dooxada Jubba Col Fartaag oo in badan laga maqli ideecadaha isagoo hanjabaad usoo gudbinaya midowga maxaakiimta islaamiga soomaaliyeed ee 25 bishii Sept kala wareegay talada Kismaayo. Waxaa kaloo Fartaag lala qabtay illaa iyo 8 sarkaal oo kamid ah saraakiisha dagaal galinaysay meesleeshiyada Barre Hiiraale. Ciidamada MMI ayaa waxaa hadda naloo soo sheegayaa in laisla dhaafay magaalada Saakoow isla markaasna lagu sii jeedo dhinaca magaalada Baardheere oo ah meesha uu Barre Hiiraale kasoo abaabulay daagaalka. Dhinaca kale waxaa lasheegayaa in Ciidamada MMI ay ciidamo badan soo dhoobeen meel aan kafogayn Diinsoor oo lafilayo inay difaac kaga jiraan. Meesha kuwa kalena ay soo buux dhaafiyeen deegaanada Leego iyo Wanlweyn oo katirsan gobalka Shabeelada Hoose, isla markaasna diyaar garow adeg ka sameeynaya ciidamadii shalay gacanta kudhigay magaalada Buurxakabo ee isugu jiray Ethiopianka iyo kuwa Dawladda Soomaaliyeed. C/laahi Sheekh, Godeynews.com Kismaayo.