nuune

Nomads
  • Content Count

    12,988
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by nuune

  1. Neyruus, sxb weedhaasi waa oraah caan ah waadna taqaan waxa laga wado, weyna micna badantahey, yacni ula jeedadaan kuugu soo qaatay ayaa waxey aheyd, mar kastaa ciddaas baad saarantahayee iska daa oo ka naso Anigu calanka buluuga waan iska tuuri dhawaan, itoobiyaankaan u nacey iyo wax matarayaashey wataan.
  2. Neyruus, I still insist: "Odeyga habarta la saar"
  3. In that picture, Yeey looks like Joqoro
  4. caanihii daata, Soomaali baa qubtey, alwaax bololey, Soomaali baa cuntey, ibriiq afka hore ka go'ey, Soomaali baa jiidey, ashuun jabey, Soomaali baa dhulka ku ridey, onkod baa meel ka yeeray, Soomaali weeyaan, habar baa umushey, Soomaali baa ka danbeesay falkaas, geel baa habeed ku taal, Soomaali weeyaan waxa u yeelay, Kenyaati dhaka duleelana goormuu na bartey Amxaarkii tuunjiga ku saxaroonayey ayaanba taag u la'eenee
  5. ^^ lol I think it is some Joqoro organisation that are behind the bombing, the person who died is the Joqoro himself, this is from KBC News Agent
  6. waxey kaloo dhahdaa "weylasha biree dibigu ha ku quustee" Now Abdiqasim inta la qawracayey dadkiisa ma in la dhaafayuu moodey
  7. waxey kaloo dhahaan Soomaalida, "Uur mudane iyo uur Berde, midna lama baadho." That maahmaah is for Duke and our Itoobiyaan Kingdom
  8. Waxey kaloo Soomaalidu tiraahdaa "Ninkii belaayadaada raba, bawdkaagu qori ka jabsadaa." Marka waa la iskaga danbeeyaa, ciyaari waa galin danbe!
  9. Ilaahay ha u naxariisto, samir iyo Iiman qaraabadii iyo eheladii marxuumka, aamiin
  10. two weeks is too small, you can't make all that judgements in just two weeks. haddaan ahaan lahaa nin Burcaawi budh baan kula dhici lahaa badankaagaan baxdin iyo boogo miidhan ka soo saari lahaa As always, people usually spend their first week recovering from the long journey not to mention the noisy planes. the second week, most people visit qaraabo and eheladii in their homes or they visit you in your home. so that is it, you didn't explore anything, the only place you went is small market they sale camel meat and that is where you have seen heads of sheep being sold there plainly kam yasir kam yaqum waa imisa wax iga dhin. One more thing, about the miyi you went, did you drink camel milk, if you didn't, you should try it so the fish and chips will come out! Other than that, next time, make sure you have a good time and explore everywhere not just the mini market where you spotted 25 daqsi or flys, that put you off I guess and ruined your trip, the tables that serve the meat, of all the places, you went meesha xoolaha lagu qalo iyo lagu kala wadho Finally enjoy your trip and may you have save home back.
  11. MIJINTAYDA QAADKA AH Mudduc iyo maddaacalay, Muran iyo isweydiin Maya iyo adaa yidhi, Gar munaasabkii iyo Madashiiba seegtoo, Madaxiyo minjaha iyo Isla-dhaaftay maankii, Adigaa macneeyoo Marinkeeda joojee, Mijintayda quruxooy Maxaan kugu masaalaa, Ma middii la ii qoray Illeyn maalin iyo leyl, Adigay mashquushoo Mar waxaan ilaashaa, Soo muuqadkaagoo Midhiq iyo tallaabiyo, Socod maararowiyo Marba koone joog iyo, Ismaroorin qaadiro Anigoo la muhayaad, Dhawr jeer maqnaataa (jaadkiibaa soo dhiciwaayay) Midkaleeto raacdaa, Meel kale la aaddaa (gaadhigii baa nala dhaafay) Misna kaama maarmee, Intaan maalmo dhoolkiyo Masruufkii la ii qoray, Anoon qado ka maarayn Intaan meel ku biirsado, Adi kugu macsuumaa Waxaan maantadaa helo, Marriin kaaga yeelaa. Mijintayda quruxooy, Horta maadba weeyee Meherkaagu badanaa, Ma magtii bacayrbaa Markii aynu kulanniyo, Madashaynu joognaba Waa uun midh kooke ah, Iyo moos sigaariyo Mahadhooyin kale oo, Lagu maararooboo Naftu ay markaasuun, Muhatoo u-tara khayr Ku masuugimaayee, Horta waxan u ahay marag Maskaxdaad safaysaa, Ninka meheraddaadiyo Macnahaaga badiyaa, Markuu kugu murqaamuu Kolba maayad riixaa, Mayay soo dhoweeyaa Intuu mooso gacamada, Webi mala-awaaliyo Mawjado is-dhaafiyo, Badda kala macneeyaa Haddba muudsigaaguu, Marba daan dhaqaajaa Ka ku xiga mar eegaa, Hadal uu mar hore yidhi Midh yaroo kasoo hadhay, Mid kasii kacaayiyo Oday meesha soo galay, Hadba mid u talowshaa.... Markuu laasto miiddana, Hadba macawistiisiyo Bac yar oo murguxanbuu, Markuu dhaafo koonaha Mefreshkuu kasoo kacay, Meeshii xashiishkiyo Masallaha jin geeyaa. Mijintayda quruxooy, Waxan kaaga ahay marag Mucjisaad u tahay hooy, Habar saar marreeyoo Odayada murmaayaad, Hadba kii mar laga helo Iyo kii mid qoonsada, Si aan meeshu 'mee','hooy' Muxuu yidhi u wada noqon, U markhaati tahayoo Dhallintaad masaakiin, Mashaqayste iyo tuug Giddi wada midaysaa, Faraqooda madhisaa..... Mid salaad u jeedaad, Ka mashquulisaayoo Mid dantiisa seegaad, Marmarsiiyo siisaa Mid muraad lahaabaad, Meermeerisaayoo Noloshaba mutuhis iyo, Mugdi baad ku eridaa... Midse iga dardaarana, Mijinyahay lasoo diray Ragga mahadintiisiyo, Waa meel haggaaguye Maryan iyo Saluugliyo, Muxibiyo Sucaadiyo Muna iyo Suheeriyo, Midhihii jacaylkaad Milic kulul ku noqotoo, Raggay maal ka sugayeen Ama midho kalgacaliyo, Meher ula hawoodeen Ayuun baa ku magansaday, Waxse igu maqaalo ah Mijintayda quruxooy, Malaa adiga aakhiro Midab-roga cadaabtaa, Mefresh lagu barjeeyiyo Maqsin kaaga qoranyahay, Muran kalena kuu dheer. C.C. CIGE
  12. waa war lagu farxo, laakin waxaa ka fiicnaan laheed University horteed high schools iyo primary schools aa loo baahanyahey, hadey jiraana in la badiyo aa fiican, haddey jirina in la abuuro waaye, haddii ay kafaaya yihiina kadib la sameeyo jaamacado waaye, waa ka baxey.
  13. Originally posted by rokko: ^ Paragan ma'maqashay gabadhii intey tagtey miyi tiri 'eedo ridani madhiiqayso' intay listay orgi LoooL
  14. Actually, it is the Somali people who lost so much, not Daahir Aweys, Somalia lost to Ethiopia, war dhamaadey!
  15. Bokero, thanks sxb for your insight information.
  16. Si fiican buu alleylahey ula helay, wuxu waaba buufiskii dhabta ahaa ee la yaqiiney, Ilaah aan ka magan galney wax na buufiyo!
  17. lool@MMA, Buuggaas maan akhrin sxb. Laakin Shuhuura waa eray af Carabi ah oon iska isticmaalno, marka erayga saxda ah wuxuu noqonayaa Xidigta Waaberi , xidigta Sukra, badanaa Soomaalidu waxey isticmaashaa Sukra(Suqra) for Venus , waxey kaloo dhahaan, waxaro xir xir ama maqalo xidhxidh . Mercury baa isna jira waad taqaan kolleey waxa la dhaho. Mercury= Libdhe, Dusaa, Hurjub, Dhayl-gaduud Mars= Faraare, Saxal gaduud Jupiter= Cirjeex, Cirjiidh, Saxal-cade Neptune= Docey Saturn= Raage ama Suxal Wali Pluto waxa lagu dhaho Soomaali garan maayo, in kastooba aan maqley in darajada Meerayaasha laga xayyuubiyey. Uranus isna waa ii gooyey, soo raadi bal Planet= Meere, Malluug.
  18. Tahliil, sxb tuuladaa ay shidaalka Chineseku ka baarayeen waxay aheyd Sandhoore, waxeyna ka tirsantahay Gobolka Dhagaxbuur, Sandhoore listiga kuma jirto waayo darajada magaalo ma wadato, darajo tuulo ahaanna lama dhihi karo walaw ayba ka taaganyihiin cooshado iyo doqoshyo.
  19. Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar: Gobolka Afdheer: Baareey Ceelkari Codcusbo [ ] Hargeele Jarati MMA, sxb it is Godcusbo and not Codcusbo, Godcusbo waa meel ay cusbadu ku badantahay, waa tuulo yar oo gabigeeduba cusba miiran, meel baad iska jeexan habeenkii, waaga markuu baryaad u imaan hoggii oo ka buuxo cusbo, waana meesha kaliya ee Itoobiyoo dhan u qeebiso cusbada iyo dhulka Soomaalida oo dhan. Libaax Sankataabte, sxb most of all these towns are under Soomaalida gacantooda though ay iska maamusho Itoobiyaan, intaas oo tuulana Oromo waxba kuma laha mana sheegan karto, tuulooyinka ay muranka nagula jiraan Oromadu waxey badankood ku yaalaan meelaha Harare iyo Jigjiga u dhaxeeso iyo Dirdawa oo ay Oromo iskaba yeelatay, laakin Dirdhaba waa iska federal oo Soomaali xataa maamulka qeeb bey kaga jirtaa, Hararna iyagaaba naga qaatey walaw ayba dagaan Soomaali, marka afarta listiga ugu danbeeso ayagaa nagu heesto inta kale se anagaa maamulno Soomaalida.
  20. ^^^ Ilaahoow nimaan wax ogeyn ha cadaabin, sxb dantaa u geesay iney aadaan Liberia, imisaa Kenya aadey oo xuduudka lagu xirey ama loo diidey iney soo galaan, imisaa Ethiopia aadey oo iyaguna xabbis lagu xayyuubiyey, imisaa Uganda aadey oo Airportka lagu xirey, imisaa Tanzania aadey oo ayaguna tuulooyinka lagu ugaarsadey, imisaa South Africa aadey oo hilibkooda la jarjarey! Dantu markey ku heesato, meel allaale meeshaad is leedahay waxbaad ka heli ayaad u goosan adoon u aaba yeeleenin waxa kaa horreeyo ama aad a kulmi doonto. Marka sxb hala yaabin dadkaas dantu ka tuurtey dhul Ilaah ogyahay. Ilaah ha u gargaaro Soomaalida intii tabaaleesan