nuune
Nomads-
Content Count
12,988 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by nuune
-
^^^ Jaceylbaro, sxb maansadan waad halleesay, iyadoo buuxda inaad keento ayey aheyd, markaas ayuu micnaheedu toosi lahaa, laakin jajabkeedi ayaad keentay halkan, saasna iskuma aysan aadaneen. Waatan iyadoo buuxda maansadii caanka aheed, Hambabeer baa la yiraahdaa Maansadan, waana maansooyinkii lidka ku ahaa dowlaadii Siyaad Barre. Habeenada weysha Dhurwaa habarteeda Dorraad ku hiraabtay Haan-haabadka naaska Haaneed ka deyeysa Nirgaa hugun yuuska Halkii lagu ooday Hammuunta ka yaw leh Riyaa hoganaaya Idaa tuban heelka Cadceedda hagoogtey Haleelada weydda Dhaqaaq hidin waaga Hareeriga taagan Dantaa ku habsiisey Inay hakadaane Dhulkoo hanad joogo Intaan gadadh heerin Ka sii degin heerka Hadeer la yaqaano Intaan habqan beeshu Huluulaha oodan Ku saan go'in hawdka Intaan habac jiitan Badhkeed ku hallaabin Markay habaq baahdo Dugaaggu hilbaysan Intaan hawa boodka Fardaa higil raacay Kuwii higsanaayey Hummaaggu ka reebin Xayeeshku habaabin Intaan halladaadka Hayaanku is waayin Habeenku dhex qaadin Hadhow la shallaayin Hadaadunka naaftay Sidii habas daalka Hawaarsadey ciidda Anaa hiddiddiida Hobey hobe hooda Durbaankiyo heesta Ku soo hoga geyne Adaa hal abuurka Tixraaca ha'leyda Ujeeddada hoose Hawaala yaqaane Haruu orod Faarax Horweynta jiciirtay Hadhaaga u jooji Haydaartiyo doogta Hantaaqada ciilka Dareenka huqdiisa Qamuunyada haarta Caloosha hugmaysa Hiirtaanyada raagtey Dhinbiisha hulaaqday Dabkaan hurin doono Colkaan humin doono Hargaa igu laalan Dhowaan henggel baasta Ninkaan huwin doono Sabaanka hagaagey Barwaaqada hoortay Daruur iyo heego Waxaa hogol gaaxsan Hadhaysay dushayda Harooyinka buuxa Hoobaanta bislaatay Haraaciga daadka Caleenta hiraysa Indhaa halacdooda Hibaaqiyo laaca Naftayda hankeeda Waxay hibanayso Haddii wedku daayo Inay heli doonto Anaa huba taase Hambaaber dhowaanta Dareen ma hurdaana Dagaal wata heeso Hidday u lahayde Hargeysi ma toostay Hogaanka ma diiday Harqoodka ma tuurtay Inaanay hummaaga Hadoodilan yeelin Sidii hebel geel ah Heshii Nebi Saalax Horaadada dhiibin Hankeedu ma siiyey. Waxay hibanayso Ninkay la hadlayso Hagaag ma u sheegtay Hadday sama weydo Inay hantideeda Nafteeda hurayso Hubaal ma caddaysay Allaylehe waa hog Shax aan la hilmaanin Malaa Hugur tiisa Waxaabu u haystey Inaan hayal toosan Harraatii aqoonne Maskii Hilqadaale Ma soo hardaf boodey Horaanse u sheegay Inaan hadda beeshu Hadhiimo ahayne Haddeer waxa jooga Hadmaan ka afeeftay Hasaasaha muuqda Wallee hagar daamo Falkaagu habeensay Higlooy gabbalkaa dhac Hangaalli hungaalli Hegaan hega gaalli Hunjaalli hantoolli Bidhaan had-hadowga Hiwaali hahoodka Jibaanjib hunnuunnu Huraalka hiraalka Hambaaber mardaali Hadeedab mardaadi Kallaal himbiriirsi Hawaawir hayaayir Sadaad herimooya Hunnnuushle hannaashle Sareedo hamboori Hankooble hayooshe Falaad habbabbaale Hanquusle halowle Garaad himhimowle Hayaayub xumaanta Humbaalle dhaqaaqa Hallaallimo soofka Hallaasiga sheelka Harawsiga qaawan Hiliiliqa jeexa Higiishis boqoolka Galbeed hiyi raaca Maraykan ku hiilka Shirqool la hadaafka Habheeb alalaaska Hinraag qayayaabka Haraaryada neefta Hantaatac ergeynta Hagaas caga jiidka Walaaac haghagoodka Tawaawac higgoodka Hamuun taltalawga Calaacal hungowga Heshiis macaluulka Hunfey salsalaaxa Hinfaal wax u sheegga Wasiiro habaynta Hoggaanno samaynta Hadhuubada daatay Hareero ka leefka Jalbeebta hal leyda Rogaal halalleyda Hamaal shaqalkeeda Higgaadda shanlleyda Halkaan ka abbaaray Hadhauudhku Carraale Huftoo hufmi waaye Maxaad kala haadin? Intaas haqab beelka Hadhoodho horteed dheh Hal baase xasuus ah Nin tiisa u heellan Haddaan taladayda Hayaankiyo beesha Hoggaami idhaahdo In taydi haallawday Annaa huba taase Hadhow iyo fullan Waxaanan huraynin Inaan hadda yeelo Ayaa ka hagaagsan Qabiil ku hadaaqa Hobsheyntiyo faanka Masayrkiyo haybta Hinaase la boodka Holayntiyo maagga Hirrooda qab dhaafka Tollaay hebel meeyey Sidii horror waalan Hilbaa igu yaalla Halgaad kula duulka Colaad hurgumootey U sii hangagaarka Heleysada dhiiggu Markuu heleleyda Sidii harawaati Hamuun tiro ciidda Dagaal lagu hoobtay Halyey ku idlaaday Ka soo hindiwaaska Tabaalada huursan Hangoollada qaybta Fulaa halistiisa U sii gacan haadsho Halkay godobtaydu Ka soo hullanayso Ninkay huntutuulka Ku soo hullaanayso Inaan dib u haybsho Hillaabta ka qaado Ayaa ka hagaagsan Hanraawe I boobay Markuu iga haago Inuu hadhadaydu Hafeefta xanuunka Markay hurgumooto Hoosaaso afuufo Halbawlaha kayga Sidaas kula hoydo Nin haad I cunsiiyey Inaan horror siiyo Ayaa ka hagaagsan Hawraar iyo sheeko Haween laga reebay Beraa habar guurtey Hayaan rarygeeda Culaab iyo haamo Waxay hilif saartay Haldhaa kici waayey Hiyeeda gadh jiidka Markuu hollan waayey Ayey hindiskeeda Halaanhal ku keentay Midaan kolkaa haabka Markaa lagu haynin Waxay tidhi "Hoogey Hayaay Cabdi-Qaadir Hareer qabo awrka" Markuu hayinkeedu Hagaag isu taagey Ayey tidhi " haakah" Hebloo gabanteed ah Hilowna basteeda Malaa u han weynna Karaamadan hiirta Ku soo hormanaysa Hilmaanina weydey Wadaadka hoggiisa Ka soo hangallaystay Siduu ugu hiishey Ayaa tidhi "hooyo Muxuu horta sheekhu Inoo yahay haybta"? Waxay tidhi "heedhe Hibooy ratigeennu Markuu hingan waayo Ayaan huriwaaga Haleel cuskadaaye Habeen ma wadaagno Haddaan magaciisa Dantaydu higgaadin Ma soo hadal qaado" Ujeediyo haatan Nin tiisa u heegan Halyeynimadiisa Hashiisa ku dheelmay Iddiisa ku hoystey Inuu hantidayda Habaynta xilkayga Dhismaa hodankayga Hiddaa sharafkayga Waxaan nolol haysto Horsed ka ahaado Ka haayir idhaahdo Ayaa ka hagaagsan Hashayda nin maalay Markuu hordhaceeda Habniin kaga daalo Inaan hanbadiisa Hafriinyaha beenta Habeedda qalaysan Ku hoorsado weelka Gobaad ka hillaabto Inaan ku hagoogto Ayaa ka hagaagsan Anoo qaba hawsha Habeen iyo maalin Intaas sida heeryo Habaaska I fuushan Inaan ku hungoobo Hulleeka madhnaanta Hamaansiga quusta Hamuun la carrawga Heshiis ku ahaado Naftayda ka hiisho Hugaas doqonniino Hurrow nin I saaray Inaanan u hoogin Calaacal harraaddan Xaqayga ku haybsho Ayaa ka hagaagsan Habkii xidinxiidka Dugaag huwantiisa Horyaal ka ahaaye Markii hankakoobka La soo helay guusha Libtii lala hoydey Tukaa yidhi "hoy day Hashaan qalay saami Hagaagna u qaybi Hadhowna I toosi" Tukow hayedaadu Waxbay huwanayde Dantiisa ka haybi Qorshii hiyigiisa Halkay talo joogtay Ka sii wadey hawsha Ninkiina hilmaanyey Saqdii dhexe hawda Ninkii hurdey toosyey Hareeraha eegyey Raqdii ku hungowyey Hanqaar warwareegga Hankaag jaljaleeca Haqdii samri waayey Tukii hanfariirka Waldeys kula haadyey Gar laysu hankaabsey Hamuun gorayaale Ninkii Halac-dheere Wuxuu yidhi "hoy war Intaan hana qaaday Hadeer iyo caawa Haddee weligayba Inaanan hanbaynin Horaad u ogayde Maxaad igu hiifi" ? Ninkayse ka hoostay Mar bay hawireene Ka soo kabey haarta Bahaysiga haadda Hilbaa cuniddooda Habeen gama'iisa Inaanu haweysan Ayuu han fogaanta Halkii kaga dhaartay Ujeeddiyo haatan Rag waa hal adayge Heddeyda wedkeyga Inaan habalyeeyo Tubaa halaq yaalka Hog laygu qaniiney Ku sii hiradkiisa Ka haari agtiisa Ayaa ka hagaagsan Haddaanan haddaanan Haddaanan dhawaaqa Hireyda wireyda Hayaay ka kacayda Jahaadka Hargaysa Barbaartu hagayso Haweenka godoodey Ka qayb gelin hawsha Haddaanan haddaanan Intii isku hiila Hargaysiyo Bayla Intii la hal maasha Bakool hilinkeeda Heeraarta Kismaanyo Ilaa Hobyo geynin Hiiraan u tallaabin Runtay la hudmeene Haddaanan haddaanan Sidii hanqar yeedha Hillaac iyo maayad Dhulkoo dhan hadhaynin Banaadir ka heesin Wixii hurda toosin Halyeyada ciilka Ka haajirey ciidda Halkay talo joogto U sii farin haadda Haddaanan haddaanan Waxaan huro caawa Dhammaan huga xaaska Hayla maryahayga Sariirta hanbaadha Kuraasta hagoogan Ashuunka hunbuuca Haraaq iyo haadyo Waxaan jaqaf haysto Haddaanan xaraashin Waxay hanti goyso Intaan hub u siiyo Dadkayga habaynin Dagaal u hormaynin La soo hadhin guusha Hawraartiyo luuqdu Cabdow hadalkaygu Hawaawi kac weeye Ninkii hebel miihi.
-
Wararka uu Minja Qodax soo tabiyey waa dhacdooyin mar kasta laga hirgaliyo xaafada Eastleigh, xaafadan wey hoogtey, ba'dey oo lagu tuntey, nimankan budhcada ahna la iska qaban waa, dowladiina iyo askartooduba dan kama lahan, waayo badanaa dhaca waxaa ka danbeeya police iyo niman baarqabyaal ah oo iyagu la shaqeeya. War Paraganoow, is ilaali, feejignoow, anoo kale ha noqon, intii 12th street laiga kaxeestay anoo Matatu kasoo dagey xilli danbe from Section 3 ayaa la ii taxaabey Shauro Mooya Station, marka niyahow is jir bal meesha caadi ma ahanee, nimanka anagaa lacagta barney oo badraaminey.
-
Originally posted by Jacaylbaro: Wazni iyo Qaafiyah are the back bone of every poem/song ...... hadaanay lahayn oo weliba aanay isku dubadhacsanayn maba dhegeysto. dadkan ma kuu garanayan sxb wazni iyo qaafiyah, dad yar baa garanaya sida odayaasha Baashi iyo LST though I suspect LST never heard of Qaafiyad
-
Canbaroos, I think Cons will give you the details, there are many ways of setting up simple pages. But before anything else, you need to buy a Hosting account, I will assume you already bought the Hosting with your Domain name, if not, do so. Then when you have the Hosting account ready, all you have to do is get an Editor to write or design your simple pages, save them somewhere in your computer, and then FTP the pages to that Web Hosting company you bought from the account(Hosting). How to FTP them is simple, the easy way is to open IE, and type: "Ftp://theusername@thedomainname.com" and hit ENTER, then awindow will pop up asking you for your Username and Password, these are the Username and Password you chose when signing up(buying) the Hosting Account. after you put your username and password, you will get a normal window which would have one or two folders, all you have to do is copy the files of the simple pages you designed and saved in your computer to this directory of FTP, paste them into this window. Remember, your first main front page would always be index.html, so this is your first page, so make sure to copy this index.html to your new ftp directory window, this goes for all pages you designed. when you pasted all your simple pages to the FTP window, open new IE browser, and type your domain, then you have your website in function. That is it, I took a short cut, and I love simplicity, that is how I done when I started building websites many years ago, similar to Ngonge era You can always visit my websites, some of them have the simple pages you want to write. hope that would help, take care
-
Not Only Somaliland ----- Look at the rest including Arabs
nuune replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Ethiopia could get "a huge amount of foreign currency," the officials were quoted as saying I would be surprised if they export the power to their residents and towns, rather than selling it to others for generating revenues only. This is the case of Ethiopia, always looking for money, we are starving they yell around the world, and get donations etc, only spending it on military hardware. Silly article by Afrol! -
Of course, they are getting help from USA, so they can attack Eritrea anytime and establish a base in Asmara as they did in Mogadishu and surroundings. They can always say the people of Eritrea invited us to liberate them!
-
He is irrelevant, and he failed Somalis, all this wouldn't happened if Abdiqasim made Baidoa as the temporary capital as was agreed in carta Charter in 2000, insetad he came to Xamar, created chaos with the warlords, calooshiis shaqeeste waaye, qofka hadduu yahey daneestana dad waxba uma qabto tiisa ayuu ka fakiraa!
-
Here is da full one jamaadeey waxan jaceyl aan modaan intuu jilibka ii dhigay i jibaaxay anigee jiribtiyo dhibtaan qabo jini qabe shabeeliyo aar jimicsanaayaa jeenyaha i saree jamal kaagu inanyahay igu noqey jawharad wadnahayga jiiftee cilmi kii jilbi u dhiga jare ii maleego jeeqadaa ii goyee jamaadeey jiilaal abaariyo gagi laga hayaamiyo waxan jabaqla soo maray jarmaad iyo caraababa jidka waxan ku soo jiray hadba jimicsi iyo taah jabkaan anigu soo maray jamal kaagu inanyahay igu noqey jawharad wadnahayga jiiftee cilmi kii jilbi u dhiga jare ii maleego jeeqadaa ii goyee jamaadeey gulegole jiin yidhi subax laga jiciirtaan ka jeedaaliyaaye jiribtiyo dhibtaan qabo jini qabe shabeeliyo aar jimicsanaayaa jeenyaha i saree jamal kaagu inanyahay igu noqey jawharad wadnahayga jiiftee cilmi kii jilbi u dhigaa jare ii maleego jeeqadaa ii goyee
-
If there was a real government in Somalia as we used to have many years ago, our airspace would have got the respect of dowladnimo, but since they know that there is no government at all in Somalia, they can do whatever they want, land or circle wherever they want!
-
Good move Mr Horn, adduunya markaad qastey ood walaaqdey baad tiri tawbad baan u raadsan Islamic Sectionka, waa wax loo baahanyahey. Hope others will follow your steps. And Aaamin to all the Duca aad soo taxdey Ha ubixin sxb, waa kaftan waxaas
-
As my friend Bob said, Henry is overrated, I don't believe he was the greatest player in premiership standard or even CL standard, most of his time in Arsenal was shattered by injuries, the hard work was done by his colleagues, he had some mini-adventurous with Arsenal and his goal-scoring abilities has to be acknowledged too, but he wasn't the greatest and that is why he left Arsenal so he can become the greatest in somewhere else, he failed Arsenal, and the fans equally!
-
^^^ Wey kaa dhicistey adeer, magaca Saxaabiga Jaliilka ahna waad ku tumatey
-
Kismayu: Governor tours areas + Locals led by Afgaduud are at the gates
nuune replied to General Duke's topic in Politics
Mr Hornoow, balaayaa SomaliaOnline ku habsatey dheh, balaayadaasna Mr Duke baa koobka dahabka u qaadey, adna koobka qalinka ayaad u qaadey, no offense to my dear friend Duke and to you as well sxb Meesha waxaa ku qadey oo koob la'aan noqdey dad badan oon anigu ka mid ahey! -
Kismayu: Governor tours areas + Locals led by Afgaduud are at the gates
nuune replied to General Duke's topic in Politics
Waa waalnidii oo kaba dacas ah loo xirey -
Maashaa Allaah, Mabruuk Yaa Ummu Zakaria, you have chosen the best name for your son, wonderful.
-
Wot is with the sad faces, get used to the Tigree renewed guumeeysi!
-
So he will be based in Nairobi to make sure the money donated to Somalia never goes to Somalia and be consumed in Nairobi, good idea, I like how they appoint envoys and never to be heard from them ever since.
-
^^^ Isma laheen Horn baa afkiisa waxaas ay ka soo qubanayaan, ICU ayaa sabab u ah aa, Innaa Lillaahi. Adduunya wareersan oon war la isku heenin talaw yaa u warrama warmoogayaasha!
-
^^^ So you are saying the occupation has to end in order to strengthen the TFG institutions, good point, many would agree with you on this part!
-
^^ lol Xiinfaniin, waan ka harey hadaba, anigu ma faagfaago alaabaha Duke, but it would be nice if he tells us what he thinks of this matter. Should DUKE say Caato the MP has been wronged or Caato's hanti is illegal and in laga xayuubiyo waa dastuur qoran oo muqaddas ah.
-
Alla maxaa been la isku sheegay lana isku maaweeliyey meel cidlana la duur xulay
-
Next target would be Suudi and his CO friends Finnish, Raage, Beebe, Baranbaro, Buskut, ayagana waxey la soo shir tagi doonaan shaatiyadii ayaa nalaga siibtey. What is Duke's take on this news, since Cusmaan Caato is an MP!
-
Caato “Ciidamada Itoobiyaanku waxay gurigeyga ka qaateen lacag Dollar $ 369,000 iyo Diinaar 4000, Mobile-lo Thuraya ah iyo..” Iyadoo ay dhowaan baaritaano xoogan ku sameeyeen ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa Booliska dowladda guriga xildhibaan Cusmaan Xasan Cali (Cusmaan Caato), ayaa waxaa maanta ka hadlay Mr. Caato oo sheegay in dhac ay u geysteen ciidamada Itoobiyaanka ha gurigiisa ayna ka qaateen lacag kala duwan, hub, Mobile-llo iyo qalab kale, sida uu yiri Caato. Cusmaan Caato oo maanta ka hadlay idaacaddaha Muqdisho ayaa sheegay in gurigiisa ay ciidanka Itoobiya kala baxeen dhamaamba hubkii isbaheysiga SNA, garabkii uu hogaamin jiray iyo lacag uu tiradeeda ku sheegay $ 369,000 (Saddex boqol lixdan iyo sagaal kun) Dollar iyo Diinaar gaarayay 4000, Dahab ay laheyd xaaskiisa oo aad u tiro badnaa, Mobile-llo saddex ah oo nooca Thurayaha, Mobile-llo kale oo Nokia ah iyo qalab kale. “Waxay la baxeen lacag Dollar ah oo tiradeedu gaareyso 369,00, waxay kaloo la baxeen lacag afarkun iyo ka badan ah oo Diinaar ah, waxay la baxeen Dahab Dumar leeyihiin, waxay la baxeen oo kale, Saacad anigu aan leeyahay Teleefano Thuraya ah, kuwa Nokia ah, waxayna ka eryeen gabadhii guriga joogtay markii ay sidaasi sameynayeen” ayuu yiri Cusmaan Caato oo sheegay in arrintaasi ay wax u dhimeyso sharcigii iyo qaabkii lagu soo dhisay dowladda federaalka. “Anigu ma diidani in hubka la uruuriyo, balse waxaan aad u diidanahay oo sharaf dhacna ah, in haddii la baarayoba gurigeyna inay baaraan ciidamo Soomaali ah, ee ma aheyn in ciidan shisheeye in aanu isku adeegsano, waana waxa dadka Soomaaliyeed diidan yihiin, anigu gurigeyga markii la galay xittaa Boorsooyinkii waa la jejebshay, oo Boorsooyinkii waa la jeex jeexay wixii nacfiga lahaana waa la qaatay. Baarista ay dhowaan ku sameeyeen ciidamada Itoobiya iyo kuwa Booliska dowladda guriga xildhibaan Cusmaan Caato ayaa ku soo beegmaya xilli dhowaan guddoomiyaha gobolka Banaadir uu ka dhawaajiyay in ay ciidanka ku war geliyeen inaan la baari karin guryaha ay degan yihiin 275-ta xidlhibaan, safaaraddaha Ajnabiga iyo xarumaha madaxweyneyaashii hore ee dalka Somalia. Source: Daynile
-
Abdisalaam Hereri codkarnimo iyo hadal faseex baa usii dheer khibrada uu u leeyahay xagga warbaahinta. Who knows, maybe he went to VAO, cuz they pay good wages than those in Bush House, and that is why many old reporters of BBC SOMALI are leaving since the wages are not good enough.
-
Grant, Welcome to SOL, and please look for those pictures, it would be a gift to SomaliaOnline, thanks.
-
Popular Contributors