nuune
Nomads-
Content Count
12,988 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by nuune
-
Sxb, waxyaala badan baad dirdhaba ka xasuusataa, anigu in kastoon dirdhaba arkey laba jeer oon fasax ku tagey, laakin dadka halkaasi daggan innaba caadi ma ahan, markii iigu darneyd waxay aheyd mar ay qorraxdu godka sii galeesay ayaa nin naag tunta saartey indhaha saarey, markaan weydiiyey dadkii i ag joogey baa waxaa la igu yiri ninkan naagtiisa galab kastuu soo dheelmanayo dhabark ayuu soo saartaa, wey caafimaad qabtaa waxba ma ka maqna, markaas baa la igu yiri aad iyo aad buu u jecelyahay naagtiisa umana ogola iney lugeeso
-
AT&T, sheekadaadu wey sii nuglaaneysaa
-
Baashe loolz, armaad iga deysid sxboow, waxaan ka baqayaa in olole tarxiila la igu qaado haddii aan wax yar ka iraahdo wax allaala wixii ka dhici kara mundulkaas yaree nabsigu haleelay. Sheekada uu AT&T keenay meeshan waa laba marxaladood mid soo martey, marxalad waa wixii habeenka arooska dhacay ee dhax marey labada qof ee isku cusub, lagdintii iyo qalaama-rogadkii dhacayey iyo indho caseyskii, taas waa mid, tuna waa marxaladii ay subaxdii ku waabariisteen taa soo ah xaalad cakiran oo wareersan, maxaa keenay oo sabab u ah! marka xaalada wareersan iyo iney gabadha ninka kab u soo qaadato ma mid bilaabataybaa goortuu waaga baryey ee la kala dhargey habeenkii, mise waa mid bilaabatay intii la isku kor dhididayey ee urugta iyo gurxanku yeerayey. Sheekada labadaas marxaladood ayaan u kala qaadey, marxalad kastana waxyaala badan bey ku oran kartaa ninka oo ka xanaajiyey, bal adiguba garo
-
ATT&T, sbx soo quf sheekooyinka
-
injir booda ladiina kallaa law taclamuuna
-
Sxn, buugaas ma hayo, soo quf aan ku dhahay macdanta ku aasan, buugaas oo kale waanba u oomanahay helitaankiisa
-
Faarax, Yeah in wajeer, I hold his hands as well outside the main suuqa xoolaha market in Wajeer
-
^^^ lool Maraxaas waa arkey, madaxa suu ka sii naayey lee
-
Maxaad ka taqaanaa magacyada Geedaha ka baxa Soomaaliya, baro afkaaga soomaaliga ah, ku raaxeeso: Ashacad Argeeg Askax Baar Baaxuur Babaay Badhi-booto Bal Balanbaal Barde Barkin Dhurwaa Baxar Saaf Beeru u eke Beeyo Biile Bilcil Bisiq Booco Booga Dhaye Bugle Buhood Bun Cadaad Caday Cagaar Canbe Canjeel Carmo Cayo Ciid Ciin Cilal Dacar Dal Damanyuluq Dano Dareemo Dhafaruur Dhagmaanyo Dhamas Dhammaajo Dharkayn Dhay Dhebi Dheen Dhidin Dhigri Dhiigsaar Dhikil Dhirindhir Dhunkaal Dhurbo Dhuundhas Dhuur Dhuuse ure Dhuyac Digir Dixi Doofaarqod Doonbir Duur Faramog Gaad Gabaldaye Gabro Gacandhi Gahaydh Galiile Galool Gasaangas Gawlale Garawle Geed Harag Geed-hindi Gob Gogobe Gomashe Goosay Gubtaanyo Gumar Gumre Hadi Handhurwaa Hareeri Higlo Himir Hohob Ilgeesh Ilko Caddeeye Iriir Jadeer Jaad Jaleefan Jaleelo Jarmi Jeerin Jiic Jillab Kabxan Kariir Labi Liin Liin dhanaan Like Maadh Madaxbuq Madheedh Madheedh Qoox Majabe Malmal Mandooye Maraa Marmar Mawe Mayay Maxaansugaa May Subag Maygaag Midhafur Mirdhis Mirimiri Moos Ontor Qabo Qadow Qalaanqal Qalfoon Qansax Qarari Qare Qare Dameeraad Qaydar Qudhac Qundho Raqay Ridhmo Sabansabdho Salaalmaco Sarin Sarmaan Sarmaanyo Siiq Tawaad Timir Tincad Tiin Tukelalmis Uneexo Urundhi Wacanri Wadhi Washaaqaar Xagar Xajiin Xamakoow Xamudh Xangeeyo Xankookib Xaskul Ximre Xoday Xule Xumboox Yaanyo Yaaq Yamaarug Yicib Yucub
-
Nin gaaban oo fool xun baa wuxuu qabay gabar qurux badan. Maalin buu usoo galay ayadoo si fiican isu qurxisay. Markaas buu isha la raacay awoodina waayay inuu ka jeesto. Markay aragtay siduu u eegayo bay tiri: “Maxaa kugu dhacay?". “Wallaahi aad baad u qurxoonaatay”. Markaas bay tiri: “Ku bishaareyso inaan aniga iyo adiguba Janno geleyno”. Suu weydiiyey: “Oo xageed ka ogaatay?”. “Anoo kalaa lagu siiyey markaas baad shukriday, adoo kalena waa la’i siiyey markaas baan sabray, qofka shukriya iyo ka sabraana waa ehlu janno” bay hadal ugusoo jartay Ninka waxa wanaagsan inuu gabadha uu guursanayo saddex dheer yahay: da’ iyo nasab iyo duunyo, si aysan u yasin. Gabadhana waxa wanaagsan ninka ay guursanayso inay saddex dheer tahay: samir iyo edeb iyo suurad wanaag, si uusan u yasin.
-
^^^ Bishy ehehe, soomaaliya markey curateyba waan joogey anigu, waxaana la kowsadey saddex madaxweyne, meeshaad idinku hal madaxweyne kaliya haleesheen
-
By Abtigiis Isku fac unbaan nahay saaxiib. Wax weyn igama waynid . 1973 ayaan dhagaxbuur ku dhashay. wax weyn ayaan kaa weynahay sxb, 1971kii markaan geela foofinayey 14 jir baan ahaa
-
Kurey baan ahaa 71kii, geela kolba dhinac u foofinayey Markii iigu darneyd waxey aheyd mar uu libaax iga qawrcey hashayda anoo xagar iyo xuskaas maraya una jeeda dhankaas iyo weeb gudcur yahay habeenku dhulkuna uumi iyo qaac sii deenayo kuleelk awgiis, anigu laftirkeyga isla habeenkaas waxaa i kala goyn gaarey dhurwaa, balse waan iska celiyey
-
Since all his major fund-raisers were from the Jewish Lobby groups, he can't be un gratefull to them, at leasst before he gets the office if that happens. Laakin deep down, Obama feels the sufferings of the Palestinians, by sayin I give full support to Palestinians would undermine his status as being the democratic presdiential candidate, and would give the Republicans more credit, So he has to watch what is he saying about Palestinians, and hence give any support to Yahuuda, verbally or siyaaba kale!
-
Labadiina maxaa isku ersanaysaan, waad iska hesheen yaah, ilax Abtigiis, magaalooyinkaagana waan tagey, dhulalkaas oo dhan 71kii ayaan cagta mariyey
-
Abtigiis, sxb waan kula kaftamayaa sxb dhulkaas oo dhan cagtaan soo wada marshey sxb, min wardheer illaa afdheer hargeele abaaqaroow godey ceel karre godcube jarrati baarreey fiiq sagag gallaadi danood bookh
-
Abtigiis, maya dooni maayo inaad off-side gasho, ashidanti-naabulo aa mar hore ku dhacdey Laakin anigu arkey magaalooyinkaad sheegi, dad wada u eg madax idaad unbaan ku arkey kolleey adiga kumaadan jirin dadkaas
-
lool Abtigiis, madoow wuu ku yaryahay, gartey Soomaaliyoo dhan inee isku wada color yihiin baan filayee ma anaa is lahaa tuulo ama magaalo ayaad carab ka wada dhigi
-
waa kuwee reerkaas waryee, abtigiis yuusan ku maqlin
-
lol@ight skinned Kolleey wax wada dhogor madoow un baan ku arkey qabridahar, godey, iyo agagaarkooduba, ku dar wardheer, afdheer
-
Somaliland President: Djibouti Conference Is Not Our Business
nuune replied to Jacaylbaro's topic in Politics
^^^ Ma aadan fahmin waxa uu North leeyahay, Wise words from Northener -
^^^ Jb LOOOOOOOOOOOOOL, kaas kuba ma aheyn, bismillaahi, waa waalnidii oo buufiska si xawaali ah ku dhaaftey MMA, waa wax laga naxo sxb wallaahi waxaad sheegtay
-
Ameerikaan iyo Mareekan waa isla halkii un, Ayoub waa runtaa, Swaxiligu Mrekani buu yiraahdaa, sida aan anagana u dhahno ingiriiska, asna wuxuu yiraahdaa Ngreesa or mwangareesa
-
Popular Contributors