nuune

Nomads
  • Content Count

    12,988
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by nuune

  1. Abtii, eed iyo cambaareeyn baad ka baqaysaa, anigu waxaan ku oran lahaa sheekooyinka hakkad ha galinin, waxaan soo xasuustey sheeko aheyd. Bal aan maskaxdaada soo yara tuujiyo, bari baa laba isa shukaansaneyso oo isla markaas dhaantada tumayey ayaa isku qaadey hadaladan dhaantada ah, ninkaa ku yiri naagtii uu shukaasanayey: sarwaalkiyo suunka soo dhaafyee siraadeey seen yeelnaa, ayadna waxey ku jawaabtey: saracdiyo sinta soo mari halkii loo sameeyey soo suro, Abtii, inta kale adigaan kaaga tagey sii dhammeestir
  2. Nin Soomaali ah baa bari la weydiiyey, gabdhaha tee baad ugu jeceshahay, markaas buu yiri, - mid calooshu taagantahay - Dhabanadu baruur qariyeen - indhuhu qarsoomeen - Sintu buur la egtahay - lugaha ay ka socon la'dahay - madaxa uu laba dacal yahay - dhaxdu fuusto la egtahay - dhabarkuna joodari yahay - xabadku kiintaal la egyahay - baryahuna ay jiideeyso Ninba Ceesaantii Ceel Keen, markii hore waan la yaabey ninkaas wuxuu ku jeclaaday dumarka uu saas u tilmaamey, then waxaanba ogaadey iney xikmad ka danbeyso oo uu ninkaasi saxsanyahay. PS: Little bit off-topic, but still on track
  3. ^^ Abti, lool oo ma waxaad ku faaneysaa faalka ayaan aqaanaa, sxb dadku sidaada oo kale xidigaha wax kama eegaan calaacashana ma dhawraan France waxa ku dhacey kasoo waaqsan maayaan in muddo ah, they were not concentrating on the games, waxaad moodaa xalay oo dhan iney clubbing ku maqnaayeen, niman qaadireesan ayey u ekaayeen, Talyaanigaa ka daroo kuligood rock and roll stars ay u ekaayeen rather than players Tan kale, wali maba daawanin ciyaar Romania ay ciyaareyso, ma ahan inaan yasayo, balse kansho ayaan u waayey, waala ii sheegay shalayto iney reeyn rabeen balse mentally ahaan baa loo maquuniyey. Abti, Spainteyda hadaad wax ka sheegto qoortaan ku lalmin
  4. Ducaysane, sxb innaba caadi ma tihid wallee, hawlaha bulshada barakaysan aad baad ugu xeel dheertahay. Abtiugiis, oo adiga warkan inteed ka soo quftey, wax xil leh unbaad soo afuuftaa, sheekooyinkaagu ma hakad baa galay maalmahan, mise maskaxdaa wali soo burqan.
  5. Juuje, am sure you know what you are saying sxb, and you know what is right about this character - Gallowey! horaa loo yiri "hadal aan fiirsi loo oran iyo caano aan fiiqsi loo dhamin labaduba feerahay wax yeelaan”".
  6. ^^^ Waa Kiinyaatigii baangadaha iyo budadka isla dhacayey. Mugabe xaalkiisu waa adagyahay, odeyga intuu naceebka westernka u qabo ayuu dib u dhac ku sameeyey, intaas waxuu ka gubanayaa wadanka nimankan reer galbeedkaa la wareegi!
  7. Isse lool, oo miyaad dhalaali filimaanta jaceelka hadaad daawato, dad badanoo waxaan garanayaa isku dhugcayo sidii burcadka u miilmayo kol allaala kolkey daawadaan aflaam hindi ah illintu shalalaq ka oranayso. sxb bal daawo Raja Hindustani, waliba in Af Somali ku daawo, naftaa kaa bixi, in kastoon Af Hindi ku fiirsadey, Af Soomaalina waan ku fiirsadey waxey ku dhax walaaqayaan waad la yaabi, Al-Faghi Studio talaw wali ma jiraan, nimankaas gacan baan u taagey wallee xagga tarjumida, Maxkamadahoo dhulka la simaan ogaa 2006kii qalabkoodi dhannaa.
  8. Last Bollywood Movie I watched was Raja Hindustani by Amir Khan & K.Kapoor in 1997, it was one of the biggest hits of the 90s. But my all time favorite is movies by Hema Malina & Darmendra, folowed by Govinda, and the famous comedian Shakti Kapoor. Indian movies went from best to worst, they no longer have the good entertainment, even the songs that used to be in the movies are now converted to hip hop iyo jinni kale. Who remembers Mintun & Cali Dheere
  9. lol Baashe, dhanka horumarka weeye adeer, miyaanu iska indha tireynaa horumarka ay gaareen Waqooyiga! Sheekadu olol hadey marayso, Kudhaa, Badhaadhe iyo Kuntugaareyba ma holcayaan
  10. Emperorial, Odeyga Yey madax adeega ku jiro Soomaaliyoo dhan hadii loo qeebiyo wuu ka badnaanayaa, my point is madax adeega iska dhaafa nimankiina dowladan habawsan taageera. Dawlad dhicis ah oo ku soof oolatey Mpgatati hadana ku umul baxeyso Jabuuti meeleey u socoto garan maayo.
  11. lol, wots wrong with dat, JB is telling da truth, Somaliland is not burning
  12. Anigoo xaq dhawraya labada gabdhood ee fiican? Sheekadaadu waa fududahay adeer, gabar baa ku rabto inaad is guursataan, adna mid kalaad dooneysaa inaad guursato, hadalku hadduu saas yahay maxaa keenaya meesha xaq la dhawrayo! Sheekadan waxbaa ka khaldan, naxwo malahan gabi ahaanba, no ficil mudaaric, no masdar, no jaazim iyo majzuum. Awaakhirul kalimaat wax ka soo badal yaa Baxrul-Axmar.
  13. ^^^ Caanuhu wali ma quban, daba qabad bey leeyihiin! Money sidii kheyr qaba Ilaah ha idinkaga dhigo.
  14. 1- In muddo 120 maalmood ah laga shaqeeyo sidii ciidamada Itoobiyaanku uga bixi lahaayeen dalka Soomaaliya. Bal ummadyahay ila fiiriya erayada aan madoobeeyey, ma waxas baa heshiis ah! Jumladaas gabi ahaanteedaba wax weyn baa ka khaldan. in 120 maalmood gudahood uga baxaan ciidamada Itoobiya wadanka sidaas haduu hadalka ahaan lahaa waan ku farxi lahaa Laakin xuruuf iyo afcaal mustaqbal sal ku hayyo waxba sheegi maayaan!
  15. is lookin good, great oranges How can Nistoo missed dat goal, should have being 3-0 at first half
  16. Waligey ma aanan akhrin maqaal qoraal kan la mida ama u dhigma, waa mid aan aad uga helay akhrintiisa, maqaalku wuu yara dheeryahay balse haddaad billowdo adoo durba dhameeyey ayaad is arki oo xaraarto kuu sii qabanayso inaad wada dhameyso. War niman yohow Raggii meeye Ninka qorey maqaalkan aftahansanaa, siduu luqada Soomaaliga ugu xeel dheeryahay iyo aqoontiisa suugaaneed. Maqaalka waxa uu aad uga hadlayaa siyaasada Soomaalida, balse qaab ka duwan sida looga hadlo ayuu uga hadlayaa! Intan yar ayaan kala soo dhax baxey maqaalka oon aad iyo aad uga helay sida uu u qorey iyo macdanta ay xambaarsantahay. --------------------- From the article ===================== Tan iyo wixii ka dambeeyey markii jirka Soomaaligu isku dhex raftay, waxaa nimanka Soomaaliyeed hadba qabanayay fool beenaad. Dhawr iyo toban jeer oo hore ayaa isbitaallo dibedda ah la jiifiyey ( lugu shirey!), waxna kama soo bixin. Isbitaalkii Carta ayay cunug (dawlad) fadhiid noqday ku dhaleen. Isagiina markuu socon kari waayay oo waaridkiis iyo qaraabadiis dayriyeen oo uu cunno iyo cabid waayay buu macaluulay, keddibna dugaag baa cunay. Markii u dambaysay oo ay keenya laba sano ku soo foolanayeen, ayay dhaleen cunug dhicis ah (premature baby)!!! Waayadii hore, dhicisku rajo ma lahaan jirin oo inta badan waa dhiman jirey. Nin Soomaaliyeed oo beri loo soo sheegay in naagtiisii dhicisay, baa laga hayaa,”Awal baan waalnaa oo weel foorara wax ku shubtay!” . Hadda rajada dhicisku ku badbaado aad bay u korortay, waxaana u sabab ah horumarka laga gaaray cilmiga daawada(medicine). Niman baa intii maskaxda jirku koomaha ku jirtay, lasoo baxay awood ku salaysan gariiso (instinct) oo aan marnaba rabin in dhicisku noolaato. Si kastoo wax loogu sheegaba, unugyadan(nimankan) marna lama fahansiin karo waxtarka ay maskaxdu(dawlad) u leedahay xubnaha jirka oo dhan. Halkan ka sii akhriso War niman yohow Raggii meeye
  17. lol, dat was good one, except the ookiyaalaha la eg buurtii naasa-hablood!
  18. Great achievement indeed, we are proud of him and the likes There maybe more like him, so they need the encouragement to come out and show their talents be it sports or anything else. Aawey, ma jiro miyaa gudiga dhiiragalinta iyo maamuuska, waa tabar la'aanta waxyaalaha ay wadamada kale nooga hor mareen, no appreciation, no encouragement, no support for the rising stars, it means alot to them if they receieve welcome and encouragement, and at the same time more will come out from hiding.
  19. ^^^ lool you two! At that time of the year 1982, kissing between laba is qaba wasn't ceeb, though ay nimanku ka xanaaqaan waxa barey dumarka dhunkashada! I remember one time, nin baa bari la weydiiyey I think waxey aheyd 1986kii meelahaas, waxaa lagu yiri xaaskaaga ma dhunkataa?, markaas buu la soo boodey "uff ufff ma naag baan afkeyga la gali". Later on, in 1996kii, the same man was asked the same question by the same people, xaaskaaga ma dhunkataa?, he said "aduunya waa is badashey, af baad sheegiyee meel kastoo jirkeedana waan ka dhunkan", and this is baadiyaha and not in magaalo.
  20. Taasi kugu raaci maayo sxb, oo xaq bey u leedahay iney weydiiso sababta ku xambaartey inuu arrinkaas ku dhaqaaqo, waayo waxa meesha yaala waa wax labada qof dan u ah, laba qaawani isma qaado ma ahan sheekadu , inuu seeftiisa la boodoo warqada siiyo taasi dagdag mina sheydaani baan u arkaa, kii saaxiibkiis ahaana qaw buu ka sii tuurey! Anigu khaasatan xal dagdagaan keeni lahaa si aan u asturno dhibka yaala, si hawshii muhiimka aheyd halkaas looga sii ambaqaado, illeen dhib kastoo jira xal buu leeyahay. Wuu dagdagay caruuska, saaxiibkiis baa se arrinkii sii walaaqey oo ku durduriyey. Waa runtaa wax laga tashan karo uma ekko arrinka, balse labada qof ee is qaba unbaa ka tashan kara una heli kara xal daa'im ah, odeyguse wey ka dhicistey xaajadu
  21. Sxb, sheekadu kolkaan akhriyey ayaan ogaadey naagtu waxey ka didsantahay durbaba, balse waxaan qalbiga gashtey in ay habeenkaas isla dhidideen kadibna ay subaxdii soo xasuusatey wixii ay xalayto la xanaaqdey balse hilmaansiiyey caweyskii ay la ciyaareeysay odeyga! si kastaba ha ahaatee malahaygu run buu noqdey and thanks for confirming it Ina Gadhyare laftirkiisu wuu dag-dagey, ma aheen inuu saaxiibkiis ku raaco arrinta, inuu gabadhana gooni ula tashado ama ula faqo ayey aheyd sidii xal loogu heli lahaa waxa keenay kala yaaca iyo qalalaasaha. Ina Gadhyare kuma raacsani inuu saaxiibkiis gooni ula istaago, taghyiir waa lagu suubin karaa xaalada hadii la sugo ayuu soo jeedin lahaa sxbkeen Ina Gadhyare
  22. waa tahay sxb, xataa computerkiina ma kaa soo horjeedaa, xaruuftaad qortaba wuu kaa qarribayaa
  23. Sxb, markii iigu danbeesay dirdhaba waxey aheyd sanadii hore, Jaziira iyo Lagaharre area ayaa aad iyo aad u dhisantey, khaasatan Jazeera, hoteelada ku yaala ee caalamiga ah iyo guryaha ma maleen kartid mana ku arag Hargeisoon ayadna tagay mar aan fogeyn. Waa runtaa, Dabamusbaarka meesha laga cuno iyo Dhajjiska waa mid ummadii waalay daba iyo dacalba u rogey. Laakin ninkaas aan kuu sheegay waa galab kastaa waxa uu tunta saaranyahay naagtiisa, marka dabamusbaar ka weyn xaajadu