nuune

Nomads
  • Content Count

    12,988
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by nuune

  1. ^^^ Afkaan xirtey Borfasooroow Heyhaata Heyhaata Limaa Tuucaduuna
  2. Ilaahay ha u naxariisto dhammaantoodba, waa ayaan darro, masuul Soomaaliyeed oo iska xil saarey ma jiro in qalab miino-baaris lagu sameeyo wadanka! =============================== Haween howlo Nadaafadeed ka waday Wadada Makka Al-Mukrama oo ay Miino ku qaraxday Axad, August 03, 2008(HOL): Ku dhawaad 15 haween ah ayaa geeriyootay, tiro kale oo intaas ka badanna dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii ay ku qaraxday miino u ekeyd midda remote-ka laga hago, taasi oo ku aasneyd meel ay haweenkan oo ka shaqeeya nadaafadda ay ku nasanayeen. Halka qaraxa uu ka dhacay oo ah Wadada Makka Al-Mukarrama, gaar ahaan inta u dhaxeysa Shineemo Soomaaliya iyo Hotelka Ambassador ayaa waxay haweenka ka wadeen howlo nadaafadeed oo ay horay uga soo qabteen Waddooyin dhowr ah oo ku yaala Magaalada Muqdisho. Dad goob-joogayaal ah ayaa waxay sheegeen in markii ay Haweenka Miinada ku qarxeysay ay fadhiyeen meel ay ku nasanayeen, waxaana la sheegay in qaraxaas oo ahaa mid xooggan oo jar-jaray jirka haweenkaas, kuwaasi oo xubnaha jirkooda la kala garan waayay. Ma ahan markii ugu horeysay oo Haween nadaafad ka shaqeynayay ay waxyeello ka soo gaarto waxyaabaha qarxa, waxayna ahayd bartamihii sanadkii hore ee 2007 markii haween howlo nadaafadeed ka waday inta u dhaxeysa Isgoysyada Howl-Wadaag iyo Bakaaraha uu qarax haleelay, iyadoo halkaasina ay ku geeriyoodeen shan haween ah. Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia
  3. I still do support him sxb. Juje, Yes sxb, I know you support him, blindly, and whatever reasons you may have, daba soco waligaa, ma wuxuu ka duwanyahay Yeey oo qasaaro socoto ah, kan ayaaba ka daran Yeey, wax allaala wax uu soo kordhiyey maba la garanayo, at least Yeey amarkiisa ayaaba soconayo shul iyo shalba. Only thing Nuur Cade done was to organise firing Maxamed Dheere, even that he failed miserably, I really feel sorry for this guy! He failed the nation, added nothing new to the current situation in our country, done nothing at all that can be remembered, security was his main concern as he said in his first speech when he got the post, he never uttered the word "security" ever after that speech. Sxb, waa la wada ogyahay, qof kastaa inuu jagadiisa iyo shilimaadkiisa ilaalsanayo iyo danahooda u khaaska ah, marka hadaad ileedahay I support him because he did nothing, waan kaa aqbalayaa, you can support Adeero Nuur Cade, laakin waxbuu Soomaalia iyo Soomaalida u qabtey hadaad ku support gareeneeso I support him too, balse ma jirto wax uu qabtey adna waad ogtahay. Waxaaba dhaamey kii waalnaa ee Geedi ee amxaarka ahaa, kana firfircoonaa dhan kasta, kan waxaad moodaa in afka laga heesto, addimahana laga gooyey, oo la yiri halkaa un fadhi oo daawo waxa ka dhacayo Soomaaliya.
  4. ^^^ Yaa Baxrul Axmar, all "ME" wanted was you to say "WE" and not exclude yourself, so when mentioning anything to do with Somalis, remember, you are in that problem, since you are Somali yourself. Soomaalida qurbaha hadaan nahay, dhib kastoo jira waa iska fogeenaa, we use use terms like: Alla Soomaalida dhib badnaa Soomaali waa habaarantahay intee laga inkaarey Intee Sooomaali laga heestaa Ilaah aa u maqan Soomaali Ilaah Soomaali ha u gargaaro Soomaalida rajaba ma lahan Thus the indvidual talking is excluding himself/herself, bal maxaa noo diidaayo inaan dhahno ama isku darno dhibka jiro, xataa Ilaahoow yaadan ka mid ahaanin waxa dhibka wado! It is fair to say: Soomaali hadaan nahay meel baan ka habaaranahay We are hopeless hadaan Soomaali nahay In that case, waxaa meesha ka baxey adigoo dhinac ama gooni iskaga taagayo dhibka jiro ee wadankeena iyo umaddeena heesata, iyo putting the blame on others while you clearly avoding and standing alone from it!
  5. Duke, good point, laakin waa inaan fahanaa sababta waxan dhan keenay, illeen horey looma mucaaradeenin Nuur Cade ama shaqadiisa waxba lagama sheegeenin oo lama oraneenin uma qalmo jagada uu haada hayo, Ma markuu Maxamed dheere xilka ay wasiiradu ka xayuubiyeen baa la nacey Nuur Cade oo la yiri shaqadiisa si qumaati ah uma gudanayo. Kolleey minja-xaabin baan u arkaa iyo dhagar iska cad, iyo meesha anaa ku amar-taakleyn
  6. Juje, adigu you supported this guy, waxaan xasuustaa inaan mar kaaga digey ma aqaano inaad taladayda qaadatey Duke, adeer waxaan u maleenayaa markii horeba Nuur Cade waxba meesha kama uusan aheyn dhan kastaba, joogistiisa iyo ka tagistiisaba waa isku mid in my opinion!
  7. And where is your comments on this, I like to know your opinion on Nuur Cade adeer Duke
  8. Shukran yaa Sayyid, waan ku faraxsanahay in qof kastoo Soomaali sheegto uu aad uga helo Suugaanta Carays Ciise Kaarshe(AUN) Bal qeebtan fiiri ka hadlayso Gumaysiga 1. Ga’ gabay baa laga galaa 2. Gawaan waa lagu kufaa 3. Gadiid waa la cuskadaa 4. Goowaa laga dhaadhacaa 5. Ga’dii kale waxaan lahaa [Hee] 6. Kol waa gaajo iyo dharag 7. Kol waa guud iyo gohaad 8. Kol waa roob soo gud ciya 9. Abaar xooluhu go’een 10. Waa yoom labadii gelin 11. Adduun geeri iyo nolol 12. Mid uun baa kula gudbane 13. Gumaysi iyo gobanimadu 14. Ma labo lays garab dhigaa? [Maya] 15. Ga’dii kale waxaan lahaa [Hee] 16. Kadeed baan soo marnoo 17. Maantana gaashaandhig iyo 18. Gaadiid baanu leenahayo 19. Gembiga waan geli karnaa 20. Gumaysi iyo gobanimadu 21. Ma labo lays garab dhigaa? [Maya] 22. Ga’dii kale waxaan lahaa [Hee] 23. Gaagabe wiil taagayoo 24. Korkiisii giijay iyo 25. Gurgurtaa taariikh iyo 26. Kumaan dood-gaar hayiyo 27. Daraawiish gaardidiyo 28. Kolkii aan gees kadayo 29. Galiilyaa iga kacdee 30. Gumaysi iyo gobanimadu 31. Ma labo lays garab dhigaa? [Maya] 32. Ga’dii kale waxaan lahaa [Hee] 33. Hub aad kuu gubahayiyo 34. Gantaalaan yeelanoo 35. Hadii meel lagu kacshaa 36. Kor iyo hoos lama gafna’e 37. Gumaysi iyo gobanimadu 38. Ma labo lays garab dhigaa? [Maya] 39. Ga’dii kale waxaan lahaa [Hee] 40. Calooshii gocan jirtiyo 41. Guhaaddii laga baxyoo 42. Galladi noo soo gashaye 43. Gumaysi iyo gobanimadu 44. Ma labo lays garab dhigaa? [Maya] 45. Ga’dii kale waxaan lahaa [Hee] 46. Nin goomoonaan jirraba 47. Garaadkiisuu hadloo 48. Geesbuu gaawe u cuftaye 49. Gumaysi iyo gobanimadu 50. Ma labo lays garab dhigaa? [Maya] 51. Ga’dii kale waxaan lahaa [Hee] 52. Gurrac iyo gacambid hayn 53. Af-xumaddii goor walbiyo 54. Ganaaxii lama arkee 55. Gumaysi iyo gobanimadu 56. Ma labo lays garab dhigaa? [Maya] 57. Ga’dii kale waxaan lahaa [Hee] 58. Gamboonaantii horiyo 59. Godkii laga soo baxyoo 60. Gudcurkii kuma jirna’e 61. Gumaysi iyo gobanimadu 62. Ma labo lays garab dhigaa? [Maya] 63. Ga’dii kale waxaan lahaa [Hee] 64. Mudanayaal geesiyoo 65. Kursiga loo doortay iyo 66. Gudoonshe Mineestar iyo 67. Madaxweyne guud 68. Garsoorraan yeelanaye 69. Gumaysi iyo gobanimadu 70. Ma labo lays garab dhigaa? [Maya] 71. Ga’dii kale waxaan lahaa [Hee] 72. Xornimadaa gaamurtiyo 73. Luulyow Gawdeeda iyo 74. Gegada loo soo baxiyo 75. Garwaaqsiga maalintiyo 76. Ganuuniga dhacahayana 77. Waa guul noo soo gashaye 78. Gumaysi iyo gobanimadu 79. Ma labo lays garab dhigaa? [Maya] 80. Ga’dii kale waxaan lahaa [Hee] 81. Waaggii gaaladdu fadhiday 82. Garaada haddii la xulo 83. Korkeeni loo dhigaa 84. Isbatoor gaasfuriyo 85. Kablow lama dhaafi jirin 86. Maantana geeddanaan watiyo 87. Taleeti is giija iyo 88. Mindir gaasmeera iyo 89. Kabtankii iyo kormeer 90. Garoon haasaw leh baa 91. Garbaha loo xuubsadaye 92. Gumaysi iyo gobanimadu 93. Ma labo lays garab dhigaa? [Maya] 94. Ga’dii kale waxaan lahaa [Hee] 95. Xafiis aad soo gashoo 96. Nin gacalkaa ihi fadhiyo 97. Dantaada uu kuu gudiyo 98. Afkiisaba kaan la garan 99. Haloo fiirsha’e gadaal 100. Gumaysi iyo gobanimadu 101. Ma labo lays garab dhigaa? [Maya] 102. Ga’dii kale waxaan lahaa [Hee] 103. Arday kumanyaal ahoo 104. Galaas wada dhaatayoo 105. Tacliintoodii gutoo 106. Kooris qaar galahayana 107. Haloo fiirsha’e gadaal 108. Gumaysi iyo gobanimadu 109. Ma labo lays garab dhigaa? [Maya]
  9. aaah, xasuus wallaahi, Carays aad baan uga danbeeyaa, Halkan ka dhageeso dhammaan alaabihiisa khattarta ahaa oo dhan, waa saarka, Carays wuxuu ahaa Saaryahan Inshaa Allaah, qofkii waqti heesto wuu soo qori karaa miraha maqaaladan, aniguna qaarbaan soo qori hadduu Eebe idmo. Macaanaa Dowladnimo Maantaan Dhallanoo Hooyadu waa lama huraan Walaalo hadii la yahay Ma Seexan uumi baa iga baxay Waa murugee ma ogtihiin
  10. ^^^ Yes Bro, in Dublin, not far from where Robbie Keane lives.
  11. ^^ lool I am already her fan, haye should we dedicate a topic of her own, before dat, lets wait her third post bal, it maybe some cracking stuff there, can't wait, it just gets better
  12. This is for the desperados people I think, I doubt it means dat way, is all about makin money. But that service is not new thing, here in our end, you can add extra digit to the person's number(differs from country to country though), and you go straight to their voicemail, simple, why subscription bal or through third-party company where you end up payin some money by trying to remove the ads(this is real bsiness for the company though ), reer Ameerika waa danbeesaan runti
  13. nuune

    Somalia

    Micnaha waxaa waaye, cid kuu maqan ma jirtee adigu is habee, very simple, oo hadii ay Somalia is habeyn weydo oo arrimaheeda xassilin weydo, ma cid baa dan iyo muraad naga leh. Mida kale, Kenya, Cambodia, or Sudan oo kale ma nihin, wadamadaas reer galbeedka kheyraad iyo macdan bey ka helaan oo ma doonayaan in qalalaaso iyo arbushaad uu ka dhaco.
  14. Waaw, tundheer aa mar hore ka saartey odeyga yaah, sabaaxatul wiido kuguma dhicin baashaal wacan hiindo
  15. ^^^ It is sure very strange first post, wot da hell is dat, a flyin Khat maybe, bisinka!
  16. nuune

    Short woman!!!

    ^^^ U naxsanoow ragga gaagaaban ehehehe, Nin gaaban oo fool xun baa wuxuu qabay gabar qurux badan oo dheer qalanjo ah. Maalin buu usoo galay ayadoo si fiican isu qurxisay. Markaas buu isha la raacay awoodina waayay inuu ka jeesto. Markay aragtay siduu u eegayo bay tiri: “Maxaa kugu dhacay?". “Wallaahi aad baad u qurxoonaatay” ayuu ku yiri. Markaas bay tiri ayadna: “Ku bishaareyso inaan aniga iyo adiguba Janno geleyno”. Suu weydiiyey: “Oo xageed ka ogaatay?”. “Anoo kalaa lagu siiyey markaas baad shukriday, adoo kalena waa la’i siiyey markaas baan sabray, qofka shukriya iyo ka sabraana waa ehlu janno” bay hadal ugusoo jartay
  17. ^^^ Labadiina armaad luuqa ku fiicantihiin ood isku wareesataan, MMA, waraa innaba caadi ma tihid, adi wax kala waroow lee sheeg ilaa 77kii, meeshaan hadii lagu daba dhigto bas waaye malagaa fuqaayo is jir hee, koo aa waxaa soo xasuustey hada ka hor yiri, caagaan soo buuxinaa isii suga, laakin instead of caag, he said Jiirgaankaan soo waraabin
  18. nuune

    Short woman!!!

    ^^^ no one said they are ugly, they are beautiful Maasha Allaah, waa kala xiranyihiin ayuka dhanbo asasiino waaye, Laakin xoogaa kibir aa ku jiro aa la yiri, and that is not just them, but every nations's gurls who are gaagaaboos, micnaha waa saas! Gabar gaaban oo foolxun maba arkin ani, foolxumo iyo gaabnaan hadee isku darsato najjaynaa yaa canbaruud
  19. nuune

    When is Ramadan?

    This Ramadan would be over 18 hours, expect more than that in 2-3 years time
  20. Robbie Keane's move to Anfield is welcomed in Ireland with joy Ngonge, you are right, Lpool don't have strikers, about time though, but I don't think Keane will achieve alot in da near future in terms of goal scoring, let him mature bal, ma jecli cunugaas ani
  21. ^^^ You are only halfway there, waxba kuu ma harin to achieve Jacaylbaro Clan
  22. nuune

    Short woman!!!

    ^^^ maxaa tiri ihiida iyo gogoasha ay ku fiicanyihiin, oo ma adaa soo arkey oo ka wardooney, balo, tahluukaa tahay abaa