nuune

Nomads
  • Content Count

    12,988
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by nuune

  1. Kaasi wixiisa wuu cadeestee, bal ka warran maxaad dhaantaa kii islaanta intuu hor fadhiistey ku yiir Innallaaha ghafuuru raxiim ee kaalay aan isla dhacnee ulaha, maskiinka wey ka turuqdey oo wey ka halloowdey islaan khattar ayey aheyd koklaas bey ugu jawaabtey Innallaaha Shadiidul cadaab, wadaadkii orodkuu is dhigey dib danbe islaan uma hor fariisan, summun bukmun cumyun ayaa ku dhacey maxaa ka raacey hee. Marka awliyada Alle tix gali sxboow, shiix aan ku dhahay shiix
  2. ^^ cabdiyo lool, ninkan JB isku xer ma nihin ee iga ag fogee lol JB, asxaabul kahfi maxaad ka garani adigu, awliyada unbaa garan kartee orodo dhisko dhaansa iska tumo, anagguw aanu wardinaa afar iyo labaatanka qaaxood
  3. JB, adi unbey kaa bilaabi oy ku oran sakhashaan lol, aniga iy AT&T asxaabul kahfi ayaan iska nahey
  4. oo markii horeba farahaan kula jiree, waa un fara xalkii un imika, niyahow danbaab socdaa tahay
  5. hadee anigu meelahan aan joogo ayaan ka hadlayee ee orodoo miyiga ka ag dhawoow adaa iiga dhaw, hada waan isla fahanay qiimaha romantica uu leeyahay, waxaa ugu fiican idinkoo shaah isla cabayo inaad shaaha ku daadiso hadee waa shaah qaboow, miyiga ayaan ka hadlayaa yaah, ma waad sameesay sidaa adu
  6. Aduunka hadba suu yahay ayaa loo galaa sxb, anigu miyi imika uma dhawi, nacnac qorigaan iska dhuuqi oo hadaan miyi joogo bal ii sheeg yaan ku doorsan lahaa gabar timaha tidcanoo qeydku ka dhacayo oo habeeda geela leh koklaasna aad ciirta isla dhantaan
  7. JB, ur idea of romantic is not upto date, you need to upgrade it sxb, halka caanaha ciirta ah booskeeda waxaad galisaa nacnac qori, meesha aad ariga cowska daaqaya ka daawan laheed waxaad ku badashaa idinkoo daawanaya horror movie, meesha aad tiri islaantu tintey tidceysaa, maba ahan ineyt wax tidicdo odeygoo jooga meesha, maba dhici karto, wax yaala badan baa sxb kaa khaldan, ma sidan baad hawlahaaga diir-murux u hagtaa
  8. ^^ Su'aashaas wax is weydiiyey malahan Dhubadoow, seef laboodyaal unbaan iska noqoney.
  9. Ethiopianku iyagaaba falal fool xun kufsi iyo jirdil iskugu jira geesanaya, koleey iyagaa atoore ka ah meeja
  10. Who will stone the wadaado when they commit adultery!!
  11. ^^ Dhulqarneyn, sxb odey iska dhig, waa ku sidee, saaxiibkaa ha ugu wicin Jiijo, magaca waa juje and you know it well, bikoorad inaan kula dhaco miyaad rabtaa go'e yaan ku oraninee. Beezaani iska dhig sxb, see waaye adi
  12. Abwaan, anigu waxaan aaminsanahay sheydaanba sheydaankuu ka weynyahay ayuu ka shar badanyahay, meeshan inuu Mareekan soo galo ayey ku wanaagsantahay, wuuba ku dhax jiraa hada balse si qaabdaran ayuu ugu jiraa oo waxbuu qasayaa. Juje is Rageedi, odey dhaqmeed weeye [Edit], Oodweyne, Thanks for your input, jinni ninkii keenaa baxsha miyey aheyd wixii la oran jirey, Mareekan unbaan arkeenaa siyaasadiisa cusub ee sanadka cusub waxa ay noqon doonto ee ku aadan Soomaaliya.
  13. ^^ lol@Xiin, adigu ciidanka BOB iyo BAASHE ayaad abaanduula u tahay oo dhanka Kismaayo mararka qaarkood lagaa mari maayo. Koolo, lool, aaw uk dahlaa fa'nijiga lawigeyba, lool@shamaqo, yamee shumkilo hajraweer hedh dahaa barto, da'iga aay uk rabey rohta, xawaan uk rabtey gudsiga xedhe ehehe ii shaabaal naa uk hadhey daaci am hitid lawaahi.
  14. Oodweyne, wlcme back horta, marka ma waxaad leedahay Maroodiga weyn ee adduunka u taliya unbaa wax ka qaban kara Soomaaliya, nabadna ku soo dabaali kara hadii uu rabo, ma kula tahay in Mareekanku uu saluugsanyahay saxiixa nabad ku sheegan, mana uusan ka hadlin haduu taageersanyahay iyo hadii kaleba.
  15. ^^^ Koolo, is jir yaan lagugu goobanin, SOL waxey la ciireeysaa reer Kismaayood kurka cadeestay Waryaa BOB, da'iga xawaa u lameenaa ni'aa uk dahashid fa' reer sikmaayood, hadalkaa soo qaadaba kismaayood lee miyaa, rageedi wallaahi, difaac adag aa ugu jirtaa Waamoodka, Bilis Qooqaani aan soo xasuustey mar aan hilib gari ku cuney
  16. lol@tourist business, JB within few months ayuu billinair ku noqon lahaa, in Somaliland Shiling ofcourse
  17. qoof waalba wuuxu raadiyo ayo heela. That is classic saying, love it
  18. nuune

    iOrgane :)

    Am waiting for the Google Android Phone, cool stuff there. The chineese even copped the Boeing Jumbo, yaa wax ka qaadi karo horta.
  19. The sky is clear and sunny, and ti is freezing, what da hell. I am planing escape from the winter, after November Inshaa Allaah, longhaul somewhere, might come to Dubai for few days
  20. War bal maxaad sheegteen, subax wanaagsan
  21. lool niyahow waad danbeysaa adigu, mida kale adigu maxaan kaala hadli, waa romantic baad orani xataa hilib la cunayo, geeloow maxaas indha kuul ka kasaa kurtunkaas ruugaaye
  22. ^^ taasi romantic ma ahan niyahow, taas waa falfalxumo iyo xodxodasho xiimeeysa
  23. 3)- Guuritaanka ciidamada Itoobiya A)- laga bilaabo 21-ka November 2008, ciidamada Itoobiya waxay ka guurayaan goobaha ay dadweynuhu deggenyihiin ee magaalooyinka Beledweyne iyo Muqdisho sida, Towfiiq Garoonka Ciyaaraha, Warshadda Baastada, Xayle Bariise iyo xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga. B)- Nabadgelyada goobaha ay baneeyaan ciidamada Itoobiya waxaa marka hore la wareegaya mas'uuliyadooda Ciidamada AMISOM oo kaashanaya Ciidamada TFG-da iyo Ciidamada ARS-ta, inta dalka la keenaayo ciidamada Nabad Illaalinta ee Qarramada midoobay. C)- Wejiga labaad ee bixitaanka ciidamad Itoobiya waa inuu ku gebagaboobaa 120 maalmood gudahood, sida uu qabo Heshiiskii Jabuuti ee 19-kii Agoosto 2008. Qodobka "A" ee Heshiiskan waxa uu dhigayaa in ciidmada Itoobiya ka guuraan goobaha dadweynaha ay daganyihiin laga bilaabo 21ka November, balse qodobkan ma cadeyn mana sheegin halka ay u guurayaan ciidamadu. Qodobka "C" ee heshiiskan ma sheegin 120ka maalmood ee bixitaanka Itoobiya goorta uu bilaabanayo, mana la dhihi karo waxey ka bilaabanaysaa 21ka November maadaama ay tahay 21ka November halka ay ciidamada Itoobiya ka guurayaan goobaha ay dadweynaha daganyihiin balse aan la garanaynin halka ay ciidamadaasi qabanayaan.
  24. Mogadisho 27- 10 - SHAACIYE HIRGELINTA HSHIISKA JABUUTI:- JOOJINTA COLAADDA HUBEYSAN 26 OKTOOBAR 2008-10-26 HOR DHAC: Iyadoo la raacaayo Heshiiskii Jabuuti ee 19-ka Agoosto 2008, laga billaabo 26-ka Oktoobar 2008, dhinacyada, TFG iyo ARS waxay go'aansadeen:- 1)- joojinta colaadda iyo kor u qaadista wacyiga dadka A- inay joojiyaan abaabulka colaadda, iyadoo la adeegsanaayo warbaahinta dalka gudihiisa iyo dibeddiisaba B- waxay ugu baaqayaan taageerayaasha labada dhinac iyo dadka Soomaaliyeedba in ay u hogaansamaan, taageeraanna joojinta colaadda hubeysan, si loogu daneeyo maslaxadda Soomaaliya. 2)- Xabad joojin. A- laga bilaabo 26-ka Oktoobar 2008, waxaa lagu dhawaaqay dhowris xabbad joojin, waxayna hirgeleysaa laga billaabo 5-ta November 2008. B- Ciidanka hordhaca ah ee soo celinta nabadda iyo amniga magaalada Muqdisho iyo meelaha kaleba wuxuu diyaar ku noqonayaa muddo 45 cisho gudahood, oo dib loo cusbooneysiin karo, kana billaabaneysa 10-ka November 2008. 3)- Guuritaanka ciidamada Itoobiya A)- laga bilaabo 21-ka November 2008, ciidamada Itoobiya waxay ka guurayaan goobaha ay dadweynuhu deggenyihiin ee magaalooyinka Beledweyne iyo Muqdisho sida, Towfiiq Garoonka Ciyaaraha, Warshadda Baastada, Xayle Bariise iyo xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga. B)- Nabadgelyada goobaha ay baneeyaan ciidamada Itoobiya waxaa marka hore la wareegaya mas'uuliyadooda Ciidamada AMISOM oo kaashanaya Ciidamada TFG-da iyo Ciidamada ARS-ta, inta dalka la keenaayo ciidamada Nabad Illaalinta ee Qarramada midoobay. C)- Wejiga labaad ee bixitaanka ciidamad Itoobiya waa inuu ku gebagaboobaa 120 maalmood gudahood, sida uu qabo Heshiiskii Jabuuti ee 19-kii Agoosto 2008. Mas'uuliyadda A) Wejiga hore, TFG iyo ARS waxay diyaarinayaan ciidamo Boolis oo tiradoodu dhantahay 10.000, si ay u ilaaliyaan ammaanka iyo nabadgelyada Muqdisho iyo Gobboladda kale. B)- UNPOS waxaa laga codsanayaa inay dab.oosho baahida dahqaale ee ciidanka laga billaabo 5-ta November 2008. C)- Laga bilaabo 10-ka November 2008, laguna daro 15 maalmood, Guddiga Wada-jirka ah ee Arrimaha Nabadgelyada iyo Guddi hoosaadyadiisa waxay ku shaqeynayaan Soomaaliya, si ay u hirgeliyaan xabad joojinta guud. D)- Gudiga Wada-jirka ah ee arrimaha Nabadgelyada wuxuu u howlgalayaa badbaadada kaalmada Bani'aadaminom iyo gaarsiinteedaba. E)- Tafaasiisha farsamada MIlateriga ee heshiiskani waxaa lagu diyaarinayaa muddo 10 cisho gudahood ah oo ka bilaabaneysa marka la saxiixo Ducomentigan. Dowladda federaalka KMG Soomaaliya­________ isbaheysiga dib u xoreynta n Soomaaliya Goob-joogeyaal Q/midoobay _______________________________Midowga Africa
  25. ^^ Malaha shaahey sonkorta ka badiyaan, anigu khaasatan 4 spoon iyo badh oo sonkor ah ayaan isla dhacaa koob kastoo shaah ah wax romantic ahna iska waayey, la iga quusey