Caadi ma ahan alaabtaas yaa Koolo
ayaamahaan halihii yaraa shactirada iyo qosolka aan soo dhiitin jirey isbaaraa loo dhigtey camal, alaaba khatara aan soo wadaa ay ka mid yihiin
nin baa bari wuxuu damcey inuu shukaansado gabar, ninka gabadha ma yaqaano wajigeedana horey uma uusan arkin, suuqa ayuu ku arkey wuxuuna iska jeclaaday inuu la hadlo halkaasna ku guursado durbaba
xariifkii suuqa dhaxdiisi ayuu ku yiri gabadhii "walaal waan ku salaamay isla anigiina ayaana kaa qaadey" intey qososhay ayay tiri oo maxaad iiga qaadeysaa salaanta maba aan hadlinee, markaasuu yiri "anaa iska jeclaaday inaan kuu hadlo waayo waad daalantahay maanta" qosol kale intey ku dhufatey ayey tiri "oo ma alaabta aan gacmaha adeega ku wato ayaan ku daalay" intuu soo boodey ayuu ku yiri "keen aan kaa qaadee alaabat wey culusyihiinee" alaabtii ayuu gacanteeda kasoo fujiyey, intey qososhey ayey tiri "qadaa la iga sugayaa waana daaahsanahay" intuu so boodey ayuu yiri "anigaba waqtigaa igu yar" intey qososhey mar kale ayey tiri "alaabta wey culustahay ee feeraha yuusan ku xanuunin" intuu soo boode ayuu yiri ina keen waxan iyo wax ka badanba waan qaadi jiree, qosol kale ayay la dhacdey xarfaantii, intuu soo boodey ayuu yiri "walaalo qosolka inoo tartiibi qorraxdu wey kulushahayee" qosol kale intey la dhacdey ayey tiri "oo xagee lagaa soo direy"
waa siduu rabey intuu soo haadey ayuu yiri "adigaa la ii kaa soo direy si aan kuu caawiyoon qorraxda kuleelkeeda hoos kuugu noqdo" qosol kaloo laba koonbo ah intey la dhacdey ayey tiri "gurigeena waa la soo gaarey aabo iyo hooyo ayaa isugayo" waaba intuu rabey markaasuu ku yiri "aabahaa iyo hooyadaa ayaan soo salaami" qosol kaloo ashuun mugiis la eg ayey la dillaacdey markaasey tiri "oo maba taqaanid aabahay iyo hooyadey" xariifkii waaba u toostey markaasuu ku yiri "hadaan baranayaa hooyo iyo aabo"
qosol kaloo kildhi buuxa la eg ayey la dhacdey markaasey tiri "gurigeena waa kan" intuu soo boodey ayuu yiri "sug albaabka kore anaa furayee waad daalantahay adu joogso xagaa" intey dhoola cadeesay yaab iyo amakaag isku darsatey ayadoo is leh maxaad hooyo iyo aabo ku oran ninkan qalaad ee kula socdo sidee baad ugu sheegi,
meeshii ardaaga waxaa fadhiyey oo BBCda duhurkii ku dhageesanayay gabadha aabaheed iyo hooyadeed oo meel aan ka fogeyn shaah ku karineyso, gabadhii ayadoo yaxyaxsan iyo kii oo alaabta gacmaha ku wado oo iska happy ah dhoola cadeenayo ayaa albaabkii kore dalaq soo dhahay,
odeygii gabadha dhalay intuu fiiriyey ayuu yaabay gabadhaadina wey yaxyaxsantahay oo maba dhoolacadeeneeyso ninkan qalaad ee la socdana waaba uu iska qoslayaa oo waa happy.
habartii gabadha dhashey ayaa ayadna soo firiisey oo hoosta ka dhahdey gabadhayda waligeed nin ma aysan soo kaxeesan sidee wax u jiraan wax ayna noo sheegtayna ma jirto.
isla markiiba habartii iyo odeygii ayaa isla faqey oo dhagta wax iskugu sheegay waxbeyna ku heshiiyeen in lagu yiraahdo ninka.
gabadhii iyo ninkii horey ayey usoo dhaafeen albaabkii, ninkii salli ayaa lagu fariisyiey shaahna loo keenay, odeygii ayey BBCda isla dhageesteen intii ka harsaneed,
odeygii gabadha dhalay islaantii ayuu u yeeray illeen horey ayay iskula faqeen wixii ninka lagu oran lahaa gabadhiina waa loo yeeray, afartoodi ayaa isku hal meel wada fadhiistey
odeygii ayaa hadalka bilowdey oo yiri "maandhoow waan u jeednaa inaad gabadha aan dhalney aad gurigeena la soo gashey, sababta aad ula soo gashey mid aan hada ka wada hadleeno ma ahan, meeshaad ku baratayna gabadha mid aan hada ka wada hadleeno ma ahan, ee go'aan waxaan aniga iyo gabahda hooyadeed ku gaarney inaan ku siino gabadha oon kuu guurino "
gabadhii iyo ninka wey iska soo horjeedaan, xariifkaan kama qasna shaahiisa aa la iska cabaayaa markuu maqley hadalkii odeyga ayuu shaahii ku sixdey dhuunta u istaagey, gabadhii ayaa naxdey oo istaraasho iyo waxbey doontey si ay u caawiso gacaliyaheeda soo caawiyey ee jidka suuqa ilaa guriga la soo marey,
ninkii jawaab baa laga sugayaa illeen gabadhii waan ku siiney ayaa la yiri waana kuu guurineenaa, wax uusan filaneenin ayuu maqley waana indha adeegiisa waxa gurya dadow soo galiyey, hadal baa wali laga sugayaa walina wuxuu ku marmarsiyoonayaa qufac aan jirin iyo dhuuntoo xanxantooneyso
odeygii ayaa hadalka sii watey gabahdii ayuuna la hadlay, gabarteydiyey, waan ku siiyey ninkan waadna guursan kartaa ee horta magaciis ma uu hadli karee waa uu qufacayaayee
gabadhii ninka magaciisa ma taqaano afar daqiiqo unbey jidka la soo martey horena uma aysan arag afar daqiiqoo kalena halkan ayay wada fadhiyaaan, gabadhii su'aashaas argagax iyo yaxyax bey ka qaadey laakin meel cidla ah isma aysan dhigin wey u jeedaa sheekada meesha ay maraayso iyo sidey u fogaatey,
gabadhii baa tiri aabo magaciisa waxaa la yiraahdaa Cawaale Xaaji, odeygii markuu magaca xaaji maqley ayuu yiri alla waa reer xaaji oo yuu ka yahay aabo, gabadhii waxey gashey dabin aad u xun iyo isbaaro aan laga baxsan karin,
xariifkii ayaa cunaha inta uu xiix xiix yiri ayuu hadalkii qabsadey halkii ayuuna odeygii ugu sheegay magaciisa runta ah iyo meesha uu ka soo jeedo,
odeygii ayaa gabartiisa ku yiri aabo maxaad ii tiri ninka cawaale xaaji ayaa la yiraahdaa, markaasey tiri aabo waxaan doonayay inaad afkiisa ka maqasho magaciisa dhabta ah iyo cidduu yahay ee tani waa naaneestiisa
xariifkii ayaa hadalka sii watey, waxa uuna yiri "gabadha aad isiisey aqbaltu wa aqbaltu guurkeeda wa Inshaa Allaahu waan dhaqanayaa oon guursanayaa" gabadhii baa halkan yaab iyo wareer la taagan wey ka soo horjeedaa marka uu saas oranayo laakin meel naxda malahan asaga wuuna iska dhoola cadeenayaa waa nin isku kalsoon,
gabartii ayaa hadal laga sugayaa, markaasey hadashey oy iri "aabo anigana hadalkiina waan yeelay oo hadaad isiiseen ood raali ka tihiin waan guursanayaa"
islaantii gabadha dhashey ayaa mushxarad iyo alalaas ku dhufatay dariskii ayaa isku soo baxay meherkuba isla galabta ayuu dhacayaa arooskuna habeen danbe
sheekada wey dheereed waan soo gaagaabiyey, sheekadan nin aan saaxiibo nahay for a long time ayay ku dhacdey waana joogaa xariifkaas iyo xaasikiisa