nuune

Nomads
  • Content Count

    12,988
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by nuune

  1. Sabtidii ugu danbeesay bishii September ee la soo dhaafey ayaa anigoo joogo Istanbul dhowr maalmood ayaa waxaan la kulmey qoys Soomaali ah, kana koobnaa odeyga reerka, habarta, iyo gabadhii curada aheyd oo labada ilig ee kore midkood ka maqnaa gabi ahaantiisa, waxaana reerka ugu yar wiil yaroo xanuunsan isla markaana inuu istaagsanyahay iyo inuu socda aan la kala garaneyn. Qoyskii baanu is baraney, si wanaagsana ii soo dhaweeyeen, iguna casuumeen qado sharaf maalinta axada ee barri ah, taleefankeygi ayaan u qorey si aan iskaga war qabno, balse aan ku iri qoyskii Inshaa Allaah anaa idiin kugu imaan guriga ee hada iska sii socda, odeygii reerka ayaa yiri mayee waxaan kuu soo dirayaa gabadheyda oo kaa soo kaxeeneyso meeshaad dagantahay. Anigoo xushmeenayo qoyska reerka ayaan waxaan odeygii ku iri gabadha ha iigu imaato isla wadadan janbigeeda aadna uga fogeyn hotelka Conrad, macsalaama iyo nabadey, sidii baan ku kala tagney reerkii, waxaana la gaarey maalintii Axada aheyd, anigoo isu diyaarinaya ballantii aheyd inaan gabadha kula kulmo jidkii hoteelka Conrad ayaan ka soo amba-baxey meeshii aan daganaa, waxaana ku soo socdaa goobtii ballanta, waqtigii ayaan ka soo yara dib dhacey illaa 40 daqiiqo wax dhan, markaanse goobtii ballanta imaadey ayaan ka waayey gabadhii iliga kisiga laheed, waxyar baan sugey illeen anoo soo daahey hadana goobta kama tagi karo, dhowr iyo toban daqiiqo ayaan kolba dhinacyaha eegayey iney bal meelaha ka dhowdahey. 20 daqiiqo markey dhaaftey sugitaankeyga ayaan gadaal intaan u soo tallaabsadey ayaan ka soo yara dhaqaaqey goobtii ballanta, waxaan isha ku dhuftey gabadhii oo bac cagaaran gacanta ku wadato isla markaana culees dartiis la qaadi la' waa saan u maleeyay aniga, dhankeyga ayey ku soo socotaa aniguna is leeyahay raali gali waad soo daahdayee bacda culeeskana ka qaad oo la caawi, markaas aniguba daal yar baa iga muuqda, qoraxduna aad bey u kululeed. Gabadhii markaan isku soo dhawaaney ugu yaraan afar meter ayaan intaan hadley ku iri aad baan uga xumahay inaan soo daaho ee ii dhiib bacdan culeeska badan eed gacmaha ku daalisey, sidii baan bacdii kaga qaadey gabadhii, bacda waxa ku jiraa waa wax aad u culus laakinse aan u maleeyay iney yihiin lafaha xoolaha oo markaas kawaanka laga soo qaadey, waxey iila ekaadeen ineey yihiin lafaha lo'da illeen lafa geel ma gali karaan bac afar qaad ah, lafo arina saas uma cuslaan laheen, digaag warkiis ha sheegin!. Gabadhii baa igu tiri culees miyaad dareemeysaa, markaas baan ku iri haayee meesha maxaa ku jira ma nooliyee, markaasey igu tiri aniga ii dhiib anaa qaadayee bacda oo adiga culees bey kula noqon, waxaan ku dhahey sababta aan aniga culeeska u dareemayo ee adiga aadan u dareemeenin maxey tahay, markaasey igu tiri meesha waxaa ku jira lafo xoolo, waana kuwa lo'da, aad baana u jeclahay maraqooda iyo xagxagashadooda, anoo markaas leh naa iga qaad bacda dhintayee ayey igu tiri ayadoo afka kala qaadeyso isla markaasna iligii maqnaa qumaati u muuqdo "waryaahee ma waxaad i moodeysaa gabadh caadi ah", isla markiiba waxaa Ilaah iga yeersiiyey "naa anaguba caadi ma nihinee ina wadi aad baan u daahnayee", intey hadalka iga boobtey ayey bacdii lafaha ku jirey ee culeeska badnaa igu dhufatey inta aayar iga durugtey bey kala taagsatey kadib bey bacdii dhanneed igu soo halgaadey, lafihii culeeskoodi ayaa iiga dhacey dhinaca, isla dhinacaasna dhaawac yar baa iga soo gaarey walaw jugta ay ii qarsooneyd!, bacdii cagaarneedna dillaac iyo wax soo gaarey toona ma jirin, markan ayaa ii muuqatey iney bacduna caadi aheyn oy gabadhu iyobacduba isku midyihiin, wax saas ah ayaan ku fakirey anoo hadalka gabadha tix raacayo ee ahaa ma gabadh caadi ah ayaad i moodey. Anigii baa inta aan hareeraha fiiriyey, kor iyo hoosna eegay ayaan ku iri go'do maxaad tahay ood sidan iigu galeysaa, maxaadse tahay hadaadan gabadh caadi ah aheyn, soo odeygii kuma dhalin shaley aad isla socoteen, aniga iima cada dhaawaca i gaarey iyo lafaha lo'da ee korkeyga ku soo dagey, waxaanse aad u xiiseenayaa gabadhan caadinimadeeda iyo hadalka ay ka dhawaajisey, waxaan doonayaa inaan ka sal gaaro isla maantaba waxey tahay, hadalkeygi ayadoo ka jawaabeyso ayey igu tiri "haa odeygii shalay ayaa i dhalay hadana qado sharftii casuumaada ee aabo kuu fidiyey ayaan u soconaa", intaan ka dhax galey hadalkaan ku iri "inkaar qabto waan ogahay meeshaan u soconee ee balaayada ku wadato maxey tahay", markey ogaatey inaan dan ka laheen lafahii igu dhacey iyo dhaaawacii isoo gaarey aadna u rabo sheekadeeda ayey igu tiri "hadaan ku dhaho iska dhaaf qado sharafta aabahay miyaad iga yeeli" waxana ugu jawaabey "waxaad idhahdo waan yeeli ee bacda lafaha ku jiraan iska tuur", waxey igu tiri ayadoo is difaaceyso "ma tuurayo waxaana u wadaa reerkeyga". Balaaya kugu dhacdey oo lagu sii qaad reerka aad u wado soo kuwa aad hada i leedahay aadi meyno qado sharafta ma ahan, waxey iigu jawaabtey "maya aniga gabadh caadi ah ma ihi". Gabadhan waa gabadh itaal leh, luqunteeduna labo taako la eg, saan horey u sheegayna labada fool ee kore mid baa maqan, waxeyna ku labbisneed cabbaayad isku sii deys ah, iskaalso ama sharabaadna wey xirneed oo dhowr jeer baan hoos u fiiriyey kabaha ay xirneeyd anoo islahaa maxaa dheereeyay gaabdha, timaha fooda hore aad bey u madoobaayeen walaw ay ka muuqdeen afar tin oo cirro ah kuwaas oon u maleeyay iney ahaayeen haboow, quruxley dhuuban oo isku daadsanna wey aheyd qofkii arkaana ku qamaamayo adigoon dan ka laheen iligaa ka maqan ee afkeeda, balse aniga ayada hammi igama heyn ee odeygii Soomaaliyeed ee i sharfey unban fulinayey hadalkiisa, markii danbena gabadhan sheekadeeda ayaan damcey inaan ku sameeyo baaritaan oon xiiso saa'id ah u qaadey.. Markey itiri mar labaad gabadh caadi ah ma ihi ayaan ku iri, caadigan baas iyo cuduradaad qabto eed lafaha iigu dishey ayaan rabaa inaan ogaado, markiiba waxey igu tiri "bacdan lafaha waan xoorayaa ee ballan iiga qaad inaad hadhow ii raacdo kawaanle ka mida kuwa magaalada", haye ayaan ku iri waliba lafo geel iyo kuwa digaagba waan kugu caawin saad u heli laheed, markan ma doonayo iney xanaaqdo oo waan iska dhisayaa, lafa danbe in la igu qaraacana diyaar uma ihi.. Anigii iyo gabadhii meeshii baan iska soo raacney, qado sharaftii odeyga aan moodayey inuu aabahed ahaana waan u jarney, iyadaa magaalada iga kala taqaano oo kolba dariiq bohol ah iyo jiiro qaabdaran iga rideysay, garanna maayo meel ay ii wado iyo qorshaha wuxuu yahey, waxoogaa ayaan soconey, kadib ayaa waxaan ku soo dhacney meel fagaaro ah, ban cidlo ah oo dad saas u badan aysan joogin, laba iyo hal hal qof oo kolba mid mirqayo unbey isheydu qabaneysay, fagaarahan aad ayuu uga baxsanaa magaalada, anigii waxaan garan waayey sida dhakhsaha badan een durbaba magaalada uga baxney anagoo lug ku socono waliba, Istanbuul ninkii arkey baa arkey waa magaalo aad iyo aad u weyn gaari adoo watana kugu qaadaneyso saacado inaad dhanka kale uga baxdo, calaayata xaal waxaan dhanneen daqiiqado ayaan gees ka gees lug uga baxney, daalna ma dareemin, intii yareyd ee daalka qorraxdana waa iga baxey, cidla aan cidna joogin ayaan aniga iyo gabadhii wada joognaa, meel guri ka dhisan iyo wado la maro ma jiraan, qof qofkii aan arkayeyna markii baa isheyda ugu danbeesay. Waqtigu waa duhur, qorraxdaa cirka kala badhey, intaan istaagey oon hareeraha fiirshey ayaan hoosta ka iri maantana ma halkan ayey kaa tuurtey, gabadhii baa igu tiri maxaad la fakireysaa meesha aad joogta se maxaa kaa galey, si qallafsan oo xanaaq ku jiro ayey hadalkaa iigu tiri, aniguna si dabacsan iyo adkeysi ka muuqdo ayaan uga jawaabey hadalkeeda oon ku iri "haa walaal, maan fakireyn ee cirkan is heesta ayaan la yaabnahay ee magaaladii waad naga soo saartee see wax u jiraan", intey qosol ku dhufatey af laba daan cirridkeedina aad moodo magaad tubaakada lagu qastey mariidka iyo maarta ka muuqato ayey igu tiri "jaaniskaan raadinayey intaan magaaladan ku cusbaa ayaan maanta helay" LA SOCO QEEBTA LABAAD
  2. is it a breaking news or a bleeding news! PS: Maslax weeye PMka, but due to complaints lodged by various clans against the appointment of In Siyaad, Shariifka with-held the appointment since the UN assembly, but he will officially appoint Maslax tonight at 11:00pm-MT(Mogadishu Time)!
  3. ^ you making some valid points, but you sure are missing the points, options bey kaaga dhagtey
  4. Originally posted by Jacaylbaro: He needs to be more diplomatic and focus on the national policies rather than blaming the NGOs or anyone else. I thought he is better than that ,, really if he says NGOs achieved NOTHING or contributed ZERO, what is the blame in there,mise waxaad leedahay muxuu wasiirku fandhaalka xeerada ugu walaaqayaa
  5. Originally posted by Jacaylbaro: The minister ....... this shows his weakness to understand the NGO and/or aid context. No worries, if the minister bans all NGOs from the region, you will not be affected, adigaaba NGO socda ah
  6. That article appeared on December 2006 SOL also discussed it on December 2006 Here
  7. Originally posted by NGONGE: What a rubbish, rubbish manager. If he does not get sacked this week he sure will when we lose to Everton. I believe he won't resign even if he loses at Everton, and he will lose, nothing to expect from 2 struggling teams both of them same level one win and 6 points enjoying the bottom table. Liverpool can only settle with Spanish manager or Italian, or French, that Houlier shouldn't have gone to Aston Villa, would being great come back to Liverpool!
  8. Where are those who were calling the removal of RAFA, come out
  9. There is one called Yaasmiin Hoteel, JB knows what I am talking about
  10. It is flooding, and I am not liking it at all, it is dreadful, but it will be sunny in one hour time
  11. Tuujiska please explain this
  12. ^^ lool Zu, lol@win is a win kulahaa, what flatter! yaa kaa celinaayo Tuujiska, mar dhaw uu imaana asuu ku rifaa markaasuu dhahaa kooxdiina balaq waaye Zu, why blame the manager, he is fine, it is the attitude of the players! at least Liverpool fans can say Hodgson is messing up things and not the players, NORF already gave up and thinks Lpool is relegated while NGONGE is keeping eye on Lucas
  13. ^^ That is not funny yaa OZ The Liverpool camp are calling Roy to resign quickly. PS: Liverpool is not the type of club that would settle for an English manager!
  14. ^^ Waa kheyr, illeen SOL siyaasiga saxda ah ee arrimaha caalamka ku takhasusey waa un kaligaa Waan soo wadaa in intaas ka badan sagaaashan jeer Inshaa Allaah, halaga faaiideesto iyo mowduucyo kale haduu Eebbe waqtiga ii saamaxo.
  15. Ibti you need daylight jimicsi
  16. ^^ Ibti lool stop diverting my interparateeshan, my facts are an arab friend died, but in your case you would have said 20+ by probability intersection!
  17. ^^ Ibti lol I am not dee, bal look deep into her dream, and you will come to the same conclusion I reached(I did not reach by the heck of it, waala ila hadley). chaotic situation, exam stress glass to my mouth none stop swallow Surah Yassin fast motion- like a tape recorder gone mad tip my head down grab the sink and cry throat is killing me Ibti, if you add divide and multiply that list you will come to the conclusion that 20+ people died in a bomb blast.
  18. nuune

    I am Muriidi!

    Garbihii Muriidi wey kugu yaalaan, laakin gowsihiisaadan laheen!
  19. Sheh, your dream is not something of a series nature, at least to yourself, but say Alxamdulillaahi(that you are alive) & Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun, someone(a fellow distant Arab friend) died and you are not aware of the news, but don't rush and try to find out who that person is, you will come to know it Inshaa Allaah.
  20. Originally posted by *Ibtisam: Illah ammarkii 3 different times I eat Xalwo, I got hargab markaan habenkii seexdey!!! :ekk: Step 8th, is Jimicsi after eating xalwada and before going to bed,you missed that step, hense the hargabka doofaarka, or the flu
  21. Ibti, don't follow Juxa's ways of eating xalwad, her way is aggressively dangerous way, you need to empty your mind before consuming it, that is the first step, second and 6th step depend on your preparation, tenth step never use istakiin after consuming xalwada.
  22. Originally posted by Rain: its strange xalwad iyo hargab waxa isku keenay! Only a rookie will say xalwad cunisteed baan hargab ka qaadey, thus Ibti needs urgent lessons on how to consume xalwad
  23. Originally posted by shawty: so how will i ever get him that far that he ask me to marry him again? This is to confirm that Shawty has 5 children with the guy she was talking about.
  24. maxaanu mabruuk dhahnaa musbaar baaba dhuunta ii istaagayee