
A_Khadar
Nomads-
Content Count
4,252 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by A_Khadar
-
53 locals were murdered in Kalshaale, one year ago for no reason other than revenge and s/l project by SNM militia led by Siiraanyo.. AUN.. Now Cerigabo may see the same bloodshed.. War kuwan s/l-ta sheegta wax miyir qaba kuma jiraan miyaa? Where NG?
-
SNM Militia Massacre Women and Children In Ceerigaabo
A_Khadar replied to Knight of Wisdom's topic in Politics
Clans in somalia fought and will fight but always men with cool heads go in between and make peace between them.. However, since this project came in to the fold, that clan's head goes nothing but the project... Way duushay!! Alle ha kala qaboojiyo.. -
Ceerigaabo,(lasanod Online)- Dagaalkii shalay galinkii dambe ka qarxay gudaha Magaaladda Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, ayaa waxaa ku dhintay.. 8 qof oo sadex ka mid ahayeen ciidamada Somaliland iyo dad shacab ah, waxaana jira dhaawac gaadhaya shan iyo toban qof. Dagaalkan oo bilowday salaadii Casar ka hor ayaa waxa uu dhexmaray ciidaamo beeleed oo ka soo jeeda SSC iyo ciidamada maamulka Somaliland. Dagaalkan oo ahaa mid xoogan isla-markaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxa uu qarxay ka dib markii Wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade iyo taliyaha ciidanka Asluubta Xiirane ay ergo ahaan ugu tageen beesha *********** ee gudaha Magaalada, balse ciidamada beeshaas ayaa dagaal ku qaaday nimankaas, waxayna is-faro saareen ilaaladii labadaas nin la socotay, waxaana ilaaladii ku guuleysteen inay wasiirka iyo taliyaha asluubta ay soo samato-bixiyaan sida uu sheegay Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo ku sugan Magaaladda Ceerigaabo. Duur wuxuu intaa ku daray in markii labada nin ay soo badbaadeen kadib ay ciidamada Somaliland oo ku sugnaa meel aan ka fogayn halka is-rasaaseynta hore ka dhacday ay bilaabeen hawl-gal ka dhan ah ciidamo beeleedka, halkaana uu ka qarxay dagaal culus. “Arrintu waxay ka dhalatay kulan doceed wasiirka Warfaafinta Axmed Cabdi (Xaabsade) iyo taliyaha ciidamada asluubta Somaliland (Xiirane) beeshoodu la yeesheen oo ay kaga wada hadlayeen xaaladdii taagnayd ee nabadgelyo xumada iyo sidii loo soo afjari lahaa ka dib-na dhalinyaro cadhaysan oo isla beeshooda ah ayaa weerar qaawan ku qaaday, halkaas oo wasiirka iyo taliyaha aan waxba la gaadhsiin oo ay soo samata-bixiyeen ciidankoodii ilaalada gaarka ahaa waxaana arrintii ka hawlgalay ciidammada qaranka” ayuu yidhi Duur oo warbaahinta u waramay markii dagaalku joogsaday. Wasiirka maamulka Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur) waxa kale oo uu sheegay in ciidamada Somaliland qabteen shan ka mid ah ciidamo beeleedkii Somaliland dagaalka la gashay, kuwaas oo uu xusay in qaarkood dhaawacyo qabaan “Shan dhalinyaradii dagaallamaysey ka mid ah oo qaarkood dhaawacyo qabaan ayaanu qabanay oo laga hayaa” ayuu yidhi Duur, isaga intaa ku daray “Ciidanka Somaliland labo askari ayaa ka dhintay shan kalena waxa soo gaadhey dhaawacyo, waxa kale oo iyaduna geeriyootey hal qof oo dumar ah waannuna ka tacsiyadaynaynaa dhibaatadaas”. Warar madax-banaan oo laga helay Magaaladda Ceerigaabo ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland ay ka dhaawacmeen 10 askari, dhimasahduna intaas ka badantahay shacabka iyo askartaba. Ciidan Beeleedyo Gurmad ah oo ka imanaya deegaanada gobolka Sanaag ayaa kusoo jeeda dhinaca magaalada Ceerigaabo, kuwaasoo laga baqayo inay sii hurinayaan xaalada Gobolkaasi ka aloosan ee u dhaxaysa Beelaha wada dega magaalada oo qaarkood garab ka helayaan ciidamada Somaliland, taasoo u eg arrintii dhacday dagaalkii Kalshaale oo kale. Warar kale oo xalay soo baxay ayaa sheegayay in Ciidamada Somaliland Magaaladda Ceerigaabo laga saaray si aanay magaaladda culays iyo colaad kale ugu sii kordhin, magaaladana ay dibedda ka joogaan. Si kastaba ha ahaatee xaalada Gobolkaasi ayaa faalooyinka laga bixinayaa sheegayaan in weftigii ugu danbeeyay ee loo diray xaalada Cirka ku sii shareereen. Waxaana arrimaha Isha lagu hayo ee ugu waaweyn ah in weftiga loo diray aan uahayn kuwo ku haboonaa oo durtaba Beelaha is hayaa ka dhex arkeen arrimo Siyaasadeed iyo qabyaaladeed labadaba. Sidoo kale waxa loo arkaa wasiirka Warfaafinta Xaabsade oo kale inaanu munaasib ku ahayn in loo diro beesha *********** ee Aanadu dhex taalo beesha kale ee Habaryoonis, taasoo ay sheegayaan aragtiyaha Samakataliska ahi in ay ku wanaagsanayd Siyaasiyiinta Reer Ceerigaabo in hawshaas loo daayo, gaar ahaana C/raxmaan Talyanle iyo Siciid Maxamed Cilmi oo hawsha hore ugu jiray, balse la sheegay in dhinaca Siilaanyo laga diiday. Isku soo duuboo arrinta ka taagan Gobolka Sanaag ayaa iftiiminaysa siyaasadaa maamulka Hargeysa ee ah beelaha qaar cadaadis iyo xasuuq lagu hayo, waxayna keeni kartaa inay sii fogaato in gobolkaas lagu soo dabaalo deganaansho iyo nabad kuwada noolaansho, shacabkuna ka gilgishaan oo ka dagaalmaan in Maamulka Somaliland gacanta ku hayo gobollada SSC.
-
AUN Inta dhimatay.. War is always bad, but I am seeing the same thing happening all over again where SNM never learns its lesson. Let us see what follows in the next few days. The so called minister came all the way from Hargayse with armors and militia to ignite the fight and he is responsible everything that happened yesterday.. This war is between two clans lives in the city. Gurmad badan baa ku sii qulqulaya Ceerigaabo so let us hope that worst never comes... Alle ha kala qaboojiyo..
-
Valenteenah.;755870 wrote: Crazy, aint it? I like the line 'may be in contact with terrorists'. It goes with everything, doesn't it? MI5 will surely get on the case tout de suite, Mr Omar! Why not anything that gives attention to the case if that is even my mom is terrorist sympathizer.. So called an official person running a department with website yet using personal hotmail account.. How poor! Where is JB when you need him, help the fellow with what you learned from SNet, SLife and SOL.. Don't put your email on any website to avoid hacking, spamming and fishing...
-
Azaaniya leader gandi visits Ethiopia for talks
A_Khadar replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
The Zack;755819 wrote: Somalinimada ma dad gooni ah bey la dhalatay, imisaanu laheyn war ka jooga. Baruuro mar hore bey qudhmeen, kuwii kalana eegga bey galaafteen. Zak, I can get your point here. I have heard similar arguments many times yet still someone has to keep the somalinimo.. -
Say insha'alah.. Safar Salama waryaa Oba.. Have a safe trip insha'alah.. Try to get some pics from Buulo Xuubey now known (Buulo Beezaani)..
-
Carafaat;755619 wrote: Gheelle, I seem to have touched a sensitive issue as you are reacting so emotional. But still its a legitime questions. Can you give an answer? A_Khadar, Somaliland doesnt consider itself to be part of Somalia. But Puntland does, it even holds the PM seat and Puntland even gets a lio share of the TFG's resources. Yet the Defense Minister is from s/l how rediculous is that.. Make no sense..
-
do we bring everything now? Why not s/l next?
-
I wonder if they already captured Beled Hawo yet? Where is this town Bwale? They listed far a part towns in distance so I am not sure how Kenyan's air raid can cover this fast territory.. Mise waa booto iyo AS ka cabsiin.. War nimanku nimanka afka duuban ma yaqaaniin miyaa waa inay bal soo waraystaan ethios marka hore.. All I can say is at the end only innocent famine affected people will get hurt.. Alle ha u sahlo.. Tollow may duurka isku baacsadaan??
-
NGONGE;755593 wrote: Didn't the leaders of the Islamic Courts also go to Xaj when the Ethiopians were invading Somalia? It seems that whenever the country gets invaded, Somali leaders run to Xaj! On a serious note, a couple of days in Saudi Arabia are neither here nor there. Can't really blame a man for going to Xaj. Shariif Sakiin and Xaj.. Xadiithkii arbiciinka ayaa igu soo dhacay.. ninkii wuxuu xidhanaa iyo waxa calooshiisa kujiraaba ay xaaraanta ahaayeen ee gacmaha kor utaagey lahaa Yaa rabi.. Fanaa yustajaabo lah.. Umadii uu sidaan kasoo reebay xaj buu adaayaa.. Allow alle..
-
It's Time To Create Two Administrations In Ceerigaabo !
A_Khadar replied to Knight of Wisdom's topic in General
1. The topic belongs to Politics section. 2. Ceerigaabo and entire Sanaag region is shared city and region by multiple clans. Back when p/l was functioning better than now, that city and region had two admin though both admins s/l and p/l didn't have strong presence. However in the last several years s/l admin increase its authority in Ceerigaabo where p/l diminished.. 3. For sure if SSC stands and have its own admin the part of Sanag and city of Cerigaabo will fall under that admin.. -
Xaaji Xunjuf;755443 wrote: Interesting so Yasin Xiinfaniin who was part of the Somaliland police was killed by an Unknown Murderer apparently it was a revenge killing for another police chief killed few months ago.This silly revenge killings needs to stop. As much revenges sucks, this is another proof of after all s/l is clan/beel.. Great NG said "Everything is about CLAN".. Alle labada beelood hakala qaboojiyo.. inta dhimatayna alle ha u naxariisto.
-
Knight of Wisdom;755452 wrote: Libaan, definitely !! May SSC unite and prosper 4 ever ! Khadar, you mean "KOW" not "Kof". For a minute I thought you were calling me Kofil. lol Lol.. My bad.. i meant KOW..
-
Xaaji Xunjuf;755439 wrote: ilahaay ha u qaboojiyo Amiin.. Alle ka la qaboojiyo..
-
Dagaal khasaare geystey ayaa ka dhacay fiidnimadii caawa magaaladda Ceerigaabo ee caasimadda Gobolka Sanaag. Dagaalkan ayaa ka bilaabmay sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska oo maleeshiyo hubaysani ku dileen badhtamaha magaaladda Ceerigaabo. Dagaalka caawa fiidnimadii ka dhacay halkaas ayaa la sheegayaa inuu khasaare geystey ay ku dhinteen sadex ay laba ka mid ah ay ka soo jeedaan maleeshiyaadkii falka dilka ah geystey halka ka kalena aanu ka fogayn beel ahaan. Magaaladda ayaa caawa laga kala xerooday iyadoo aanay jirin haba yaraatee wax isku day ah oo lagu joojinayo colaadan oo kasoo bilaabantay sarkaal Boolis ah oo laba bilood ka hor askari ay is qilaafeen uu rasaas ku furay isla markaana uu baxsaday. Beelaaha degaankaasi dega ayaa isku day ku beegan colaadaas damcay inay sameeyaan balse waxa ay todobaad ka hor u qabteen laba bilood in dib la isugu soo noqdo. Boocame.com
-
Ceerigaabo,(Lasanod Online)- Wararka aanu ka helayno magaalo madaxda Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo, ayaa sheegayaa in gudaha magaaladaas.. ay caawa ka taagantahay xiisad colaadedd oo cirka isku shareertay. Xiisadan ayaa katimid kadib markii la dilay nin Taliye ciidan ah oo ka soo jeeda SSC. ninkan oo la sheegay inuu ahaa taliyaha ciidamada Booliska ee magaalada Fiqifuliye oo magaciisu yahay Shiine Yaasiin. Ninkan ayaa lagu dilay suuqa magaalada isagoo wata baabuur. waxaan la sheegay in loo dilay qaab aar goorsi ah, kadib markii hore loo dilay nin Taliye ciidan ah oo kasoo jeeda Beesha somaliland. Warar kale waxay sheegayaan in labo nin oo kale isla caawa loo dilay Shiine Yaasiin, dhimashaduna ay marayso saddex iyo qaar kaloo dhaawac ah. Magaalada Ceerigaabo ayaa caawa ah mid aad u kacsan oo colaad xoogan laga dareemayo,waxaana laga baqayaa in dagaalku ku faafo xaafadaha magaalada.
-
Supporting your own country's invaded and destructed.. . Only Somalis..
-
Knight of Wisdom;755037 wrote: Awesome thread. Beautiful pictures and videos, masha'allah. That's my STATE !! Thanks A_Khadar ! First and foremost, SOMALIA 4 Life ! then SSC State of Somalia 4 LIFE ! You welcome Mr. KoW.. Hope SSC moves forwards and helps itself..
-
Justice served though lost lives can't never be replace.. AUN marxuumiintaas..
-
Lol.. The Nomads.. Alx as long no one got hurt. But it's really important to find out what was that and where it's from..
-
Jacaylbaro;754774 wrote: As a member of the SSC political party ,,, I think the conference will be success for Somaliland. That isn't one of the option.. :D Anyway, only Allah knows the end results however, the intention and the plan is self-governance that is independent from both sides, s/l and p/l but will have a good relationship and mutual respect with them. Yeah, move it to politics section please ya admin..