A_Khadar

Nomads
  • Content Count

    4,252
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by A_Khadar

  1. Magaalada Buuhoodle Waxa Maanta galinkii hore ka dhacay shir Balaadhan oo ay ka soo Qayb Galeen Dhamaan Isimada Cuqaasha iyo Qaarkamid ah Waxgaradka Kale ee Deegaanka Buuhoodle oo Maanta kulankii ugu horeeyey kadib Shirkii Maygaagle ku yeeshay Gudaha Magaalada Buuhoodle, oo kaga Hadlayeen Xaaladaha haatan ka taagan Deegaanka Buuhoodle. Kulankani ayaa Maanta Waxa Hadal Jawaab ah Saxaafada loo Mariyey Waxgaradka Bariga Burco oo Qaarkood Warbaahinta ka sheegay in Beesha Buuhoodle tahay Nabadii isla Markaana ka soo Horjeesteen go,aamadii ka soo shirkii ka dhacay Maygaagle ee Culumadu go,aanka ka soo saartay, Waxana Maanta kulankani Waxgaradka Buuhoodle laga soo saaray dhinacooda Qodobo kala ah. 1. in Beesha Buuhoodle diyaar u tahay inay ka shaqayso Dhinacooda Guud ahaan Nabada diyaarna u yihiin inay Wadahadal la galaan Beesha Bariga Burco. 2. in Baliga Kalshaale yahay Deegaan Reer Buhodle leeyahay oo aan buran ku jirin Horayna u lahaan jireen Maxkamadii Maygaaglena Markhaatiyaal keeneen. 3. in Dhibaatada Kalshaale ka taagan uu Masuul ka yahay Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Gaal, Waxana Halkaasi Go'aamadaasi oo farabadnaa akhrinayey Labo Caaqil oo kala ah Caaqil Hindi Maxamed Adan Caws iyo Caaqil Abdiraxmaan Axmed oloe oo Waxgaradka Buuhoodle u Wakiishay inay saxaafada la hadlaan. http://www.ceegaag.com/2010/Dec%202010/isimada_cuqaasha_buuhoodle_oo_sh.htm
  2. Nuune ninka adigaa yaqaane, ma bribe (laaluush) kuu qaataa? Waxaan xasuustaa isgaoo somaliland u ololeeya, and now wuxuu taagan yahay somaliland iyo puntland waa baaba'e. Any reason behind this peice, at least many things are true about the ssc and its leadership and supporters...way dhaqaaqeen...
  3. Horn.. odayga maaxaad noogu yeertay now deal with his pages of writings..
  4. Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac oo ah Garaadka guud ee beesha *********** ayaan telefoonka kula hadlay 23 November 2010 mar ay saacadu ku beegneed 9:30 fiidnimo ee saacada Africa ka dib markii aan ka war helay in Garaadka ila joogo Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya oo aan socdaal hoowleed ku joogay. Garaadka oo ay ahayd markii ugu horeeysay taariikhda ee aan telefoon kula hadlo,waxaan u sheegay inaan salaan ugu tegi doono,anigoo ku gaabsaday waxaa i wehliya rag badan oo masuuliyiin ah. 24 Bisha oo ku beegneed habeenkii aan wada hadleeynay maalintii xigtay ,3:30 galabnimo ayaan u dhaqaaqnay Hotelka ay deganaayeen Garaad Jaamac,Madaxweynaha SSC Mr Xaglatoosiye iyo Wasiirkiisa arrimaha dibadda.waxaana gaarnay 10 daqiiqo kadib,oo ku toosneed xilligii aan balanta kulanka dhiganay. Intii aan ku soconay Hotelka iyo mudadii aan saarneeyn wiishka ama leftiga na geeynayay qolkiisa waxaaan niyada iska waydiinayay muuqaalka Garaadka iyo da’diisa maadama aanan waligeey arag sawir ahaan iyo Live. Niyadeyda waxay sawiraneysay ugu yaraan Garaad Lixdan jir ah,waxaa sawirka nuucaasa i siinayay xilkiisa culus ee Garaadka guud,marna kuma fikireeyn sida xaalku noqday. Waxaa i wehliyay Masuuliyiin uu ka mid yahay Safiirka Somalia u fadhiya Kenya Amb Mohamed Ali Amerika,waxaana xusid mudan dhamaan masuuliyiinta ila socday waxaan ka wada sineeyn qiyaasta iyo fikrada Garaad Jaamac. Markii aan ka degnay leftigii na siday,ilinkiisa waxaa nagu sugayay wiil dhalinyaro ah,oo markiiba aqoonsaday Amb Amerika laakiin aniga sedex jeer markii uu fiiri ii celiyay si filan waaya iigu yiri ” Waa wareey,waar ma Dahir Calasowbaa”? haa ayaan si degan u iri,maxaa yeelay waxaan wejigiisa ka akhrisan karay inuusan iga fileeyn Nairobi. Wiilka aanan magaciisa waydiin wuxuu noo sheegay balanteena Garaadka kadibna wuxuu noola dhaqaaqay Apartmentiga uu Garaad Jaamac deganaa. Wax ka yar daqiiqad ayaan tilaaba qaad sameeynay,waxay indhaheeygu qabteen nin dhalinyar oo taagan qol hortiis,indhahiisuna ay na soo eegayeen,waxaan u gartay inuu ka mid yahay wafdiga la socda Garaad Jaamac ama inuu yahay wiilkiisa. Wiilkii nala socday ayaa nagu yiri”Waa kaas Garaad Jaamac idinku sugaya ilinka gurigiisa,taasi waxay igu noqotay lama filaan guud ahaan bedelay sawirkii aan hore u heystay,. Read More
  5. OMG.. Alle ha u fududeeyo miskiinta.. I deeply sorry... I found few numbers and names of where to send money to her but I am lately skeptical and mistrust most people. Anyone knows a reliable place/people to send the help of the sister....
  6. Originally posted by Xaji_Xunjuf: quote:Originally posted by Qodax_iyo_Qarax: Xaaji, when do you think the Somaliland flag will fly high over Buuhoodle? I cant wait for that day. I hope its during Christmass. it's very soon ha sugi wayin , the people of buhoodle are our people they are just being held hostage by some clan warlods from abroad but they shall be free at last. haday ugu dhowato it's christmass haday ugu fogaato na it will be on valentines day Having Chrismass celebaration in Hargaysa??? Keep dreaming about Buhodle people are your people.. They are somalis and will never second to give up the hope of Somali Unity abti marka iskaga jir luuqaaqa, they chose to remain the larger Somalia than triangle qabiil dilooday gooni goosads..
  7. Originally posted by Qodax_iyo_Qarax: Xaaji, when do you think the Somaliland flag will fly high over Buuhoodle? I cant wait for that day. I hope its during Christmass. I cant wait for that day. I hope its during Christmass. Ar kuwaanaa caadi maahaba..
  8. Originally posted by Ismahaan: Liberate from whom?? :confused: Good question!
  9. Alle umada Somaliyeed ha kala qaboojiye..
  10. Oo haada Haatuf na maxanuu qoraa? "Ciidamada Somaliland ee xalay u ruqaansaday magaladaasi Buhodle masaafo u jirta 2Km ayaa waxay ilo wareedyadu noo sheegeen in magaalada Buhoodle gudaheega dadka ku dhaqani ay dareemeen dhaqdhaqaaqyada ciidanka qaranka Somaliland ee jiidaasi isku balaadhiyay, kuwaas oo ujeedada ay heeganka ugu jiraan ciidamada Qarankuna ay la xidhiidh inay ka difaacaan Maleeshiyada nabad diidka ah iyo maamul goboleedka Puntland inay wax farogalin ah ku sameeyaan gogosha wada hadalka labada beelood ee Qori-lugud iyo Buhoodle, iyadoo xukuumadda Somaliland ay si weyn uga taxadirayso inay saamayn ku yeelato Shirkaasi nabadaynta Beelahaasi.".... lol.. Caadi maaahee Xaji, i know you are not a warmonger but you only over joy with the fake news of that your militia is moving close to Buhodle.. Keep dreaming abti...
  11. Originally posted by Xaji_Xunjuf: khadar what are you talking about two clans fought unfortunately and now there should be peace between the neighboring clans in the buhoodle district. The Somaliland elders are there to restore the peace between the brotherly clans, unless you want war between the two neighboring clans ???? You have an issue Xaji.. an issue of unable to understand a thing.. I and people of ssc always are begging peace from your side and we are still want peace. Remember peace don't come by itself, it sometimes cost you like now. Marka adeer go listen the speaches of buhodle elders.. their message is conssitent, we all want peace, but stop politicising and trying score mini s/l game craps here and there.. We are not that for here, if you want peace, wecome if not too bad.
  12. waxaa maanta oo taariikhdu tahay 22,11,2010 magaalada maygaagle kafurmay gogol nabadeed oo lagu heshiisinayo beelihii dhawaan dirirtu ku dhexmartay baliga kalshaale, labada beelood oo ka soo kala jeeda Bariga Burco iyo buuhoodle hadaba waxaa gogosha dhigay odayaash deeganka buuhoodle.waxayna odayaashu gogoshaa udhigeen madax dhaqameedka soo jeeda dhinaca waqooyi, waftigaas oo ka koobnaa 40 xubnood ayaa waxaa kamid ahaa 13 suldaan. boqoro. cuqaaal. nabadono.culumaa u diin waxayna dhamaantood ka yimaaden deegaanada ay kamid ka yihiin ceerigaabo,sheekh,boorame,saylac,galbeedka burco,iyo deegaano kale oo badan yagoo markii hore ku soo horeeyay labada dhinaca dhica Bariga Burco. Xubnaha oo halkaas ku sugnaa mudo shan casho ah oo ay halkaa ka wadeen arimo nabad galyo iyo xabad joojin hadaba maanta ayaa waxaa ay si rasmiya u soo gaadheen magaalada maygaagle halkaas oo gogol loodhigay ka dib waxaa halkaasi ka furmay wada hadalkii, ugu horayn waxaa halkaasi ka hadlay garaad c/laahi garaad soofe isagoo halkaasi ka soo jeediyay qudbad kooban oo isugu jirta salaan iyo soo dhawayn.intaasi kadib waxaa halkaasi ubaxay hadalka dhinaca kale yagoo halkaa u hadlay suldaan saleeban cali ismaaciil oo isagu ka soo jeeeda gobolka boorame isagoo suldaanku uu halkaa ka soo jeediyay qudbad aad u dheer oo uu kaga hadlayo safarkoodii iyo ujeedada ay usocdeen ay ahayd in ay dhexgalaan dadkaa walaalaha, ee dirirtu dhexmartay si ay uga dhaliyaan nabad.waxaana hadala diisi kamid ahaaa(walaalayaal waxaanu joognay mudo shan habeen ah magaalad qorulugud waxaana halkaa kula shirnay beesha q Bariga Burco waxaanuna kala hadalnay ugu horayn nabad inay qaataan xabad joojina ay sameeyaan taana way naga aqbaleen illaahay mahadii. hadaba walaalayaal waxaan idinkana idinka rabanaa inaad taa mid le eg aad qaadataan xabad joojina aad samaysaan marka aanu intaa idin ka helno baanu wixii kale ee howl ah galaynaa) intaa ka dib waxaa hadalkii ubaxay oo uu ku soo wareegay dhinaca buuhoodle yagoo uu halkaasi uga hadlay caaqil c/laahi xasan qanbi oo isagu sheegay in ay ka aqbileen ismada uuna sheegay inay diyaar u yihiin nabada awalana ayna cidi naga jeclayn hadaba fadhigan ayaa maanta waxaa uu wareegii koowad uu ku dhamaaday xabad joojin ayna isla qaateen labada dhinac ismada dhexdhexaadinta iyo kuwa buuhoodle waxa lasugaana ay tahay hawshii oo lagudo galo waxaana lafilayaa inay inta howshu dhamaanayso joogayan isimadani shirkuna soconayo, Read more + audio and pics
  13. Xaji, Keep barking as you wish but two things are facts.. reer buhodle and as whole ssc are not the invaders to others homes and later they don't cry for peace secondly your malitia are not welcome to these area..End of story adeer. Keep dreaming for ciidama qabiilka/tolka as wish.
  14. ^ Reer barigaa dhaha "boowe aa say kula tahay." Ciidanka tolka are those who started invading other's land/towns and they later started robbing and killing innocent travellers. Waxay ku kala dhexjiraan ma jirto ee tolkood bay la safanyihiin, and the facts I have proof for is they took a part the second conflict already and they were among the deads.. Marka oday warka waa la hayaa ee relax and stop acting wax kale in here.. SSC society/community didn't started this conflict nor did they attacked anyone, they are defending themselves so if anyone needs peace send the message to the right people, right to your tol... No ergo allowed to come to Buhodle. Neither your malitia is allowed to stay an inch of ssc area and no nogetition over what ignited this conflict from the begining, that is the issues on the table whether you like it or not - that is where ssc stands..
  15. Odaygan Xaaji wuxuu ku waashay ooy kaga dhegtay ciidamada Qaranka. If he spots the word ciidamada qaranka in any place, he has to copy and paste it in here... adeer xishood dee sometimes - War ciidamada tolka, qabiilka weeye have them come in buhodle ASAP, they will be welcome with...
  16. Thanks liiban sharing these videos... Danmark rocks.. I loved it...
  17. Originally posted by Jacaylbaro: Few nabadiids cannot stop on Somaliland's way. I know those SSC junta are fueling clan wars but it aint happening ..... Iska hadle ina JB...
  18. Originally posted by Jacaylbaro: This is what the SSC group want ,, they must be smiling now and celebrating coz people died and there is a bloodshed. Not even respecting the Eid day ..... so sad Ilaahay ha u naxariisto intii ku dhimatay ,,,, JB why are you blaming ssc instead of your malitia who are qaaducul dariiqiin...
  19. Wararkii Ugu Danbeeyay ee Dagaaladda ka Socda Degaanka Buuhoodle Tuesday, 16 November 2010 Burco(TogdhNews). Inta la ogyahay saddex qof ayaa ku dhintay seddeed kalena way ku dhaawacmeen ka dib markii saaka dagaal ka qarxay deegaanka Kalshaale oo u dhaxeeya Buuhoodle iyo Burco. saacado badan ,isla markaana gurmaddo badani soo gaadheen labada dhinac ee dagaalku dhex maray. Guddoomiyaha gobolka Togdheer Yaasiin Maxamed Cabdi ayaa sheegay in dagaalkaasi dhacay sababayna dhimasho iyo dhaawac,balse aan ku hawlannahay sidii xiisaddaas dagaal loo qaboojin lahaa loona kala dhexgali lahaa labada dhinac. Wararka laga helaayo dhinaca Buuhoodle ayaa sheegaya, in halkaasi lagu hayo Hal Qof oo ay sheegeen in lagu soo qabtay Dagaalka laguna dawaynaayo shan qof oo dhaawac oo ka tirsan Degaanka Buuhoodle. Iska-hor-imaadkan u dhaxeeya labadan dhinac ayaa ka dhashay xiisad iyo muran beryahan u dhaxeeyey labadaas beelood kaasoo ka dhashay qodista baraago iyo ceelal.Illaa hadda ma jiraan warar madax banana oo si dhab ah u xaqiijinaya khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas,hase yeeshee todobaadyadii u dambeeyey ayaa waxaa soo baxayey warar la sheegay in xiisado ka taagnaayeen deegaankaas oo beelaha isku hayaa halkaas oo ka soo kala jeeda deegaamada Buuhoodle iyo Qul-ujeed ay isku hub urursanayeen. Horraantii bishii tagtay ayaa wafti ka tirsan xukuumadda iyo odayaal labada dhinac ahi ay gaadheen deegaankaas xiisaddu ka jirto,kana soo saareen qodobbo lagu heshiisiiyey labada dhinac,balse waxay u muuqdaan go’aamadaasi kuwo aan hirgelin. Togdheernews.com
  20. Haa waa xiqiiq dagaalku wuu dhacay laakiin ma hubo khaasaaraha.. Alle ha kala qaboojiyo.
  21. Allow umadaada kala qabooji.. Kalshaale(Jidbaale.com):- Wararka aanu ka helayno deegaanada Kalshaale ee Hagoogane ayaa sheegay in dagaal kululi uu ka socdo. Wararku waxa ay intaas ku darayaan in dagaalkani geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba ah. Saddex ka mid ah Malayshiyaadka bariga Burco ayaa la sheegay in ay dagaalkan saaka ku dhinteen, sidoo kalena waxaa jira dhaawac ka badan intaas, oo loo qaaday Burco, dhammaantoodna waa beesha bariga Burco. Sarkaal ka tirsan Ciidanka Buuhoodle, oo isaga oo ku jira dagaalka aanu la xidhiidhay, ayaa noo xaqiijiyey in Goobtii ay gacanta ku dhigeen, isla markaasna Malayshiyaadkii Burco kala didiyeen, waxaana uu sheegay in ay haddeer Aasayaan Barkadihii reer Burco qoteen. Warar aanu iyagana ka helayno Burco, ayaa sheegaya in la gaadhsiiyey ragga dhaawac oo ay ku jiraan Labo halis ah, iyada oo ay jiraan gurmado kasoo baxay Oog iyo Burco, gaar ahaan Malayshiyaadkii Siilaanyo. Wararkii ugu danbeeyey oo aanu goordhaweyd ka helay magaalada Buuhoodle, ayaa waxay sheegayaan in gurmad ka yimi magaalada Burco iyo Hargeysa, oo u badan Maleeshiyaadkii sheegan jiray maamulka Somaliland, ay goor dhaweyd soo gaadheen Kalshaale, halkaasna uu dib uga qarxay dagaal aad u culus oo faraha laysula tegay. Magaaladda Buuhoodle iyo deegaanka ku dhaw-dhaw ayaa 24 saacadood ee aynu soo dhaafnay waxaa ka jiray diyaar garow xoogle, lana doonayo in lagu soo afjaro xaaladda Kalshaale Wixii war ah ee ka soo kordha Dagaalkan Kalshaale kala soco Jidbaale.com Jidbaale.com
  22. Originally posted by Che -Guevara: Seriously---? You couldn't leave it as him being a Somali? Ma la yaabtay.. I am sure puntlanders only didn't vote for him in the office.. more likely somalinimo..
  23. Keep entertaining yourselves.. Right before your face the Garad said "He isn't with successionist".. I don't know how that cab be possible when one says I am not with you - successionist, yet you hoping your admin will function in Widhwidh.. Dream!!