A_Khadar

Nomads
  • Content Count

    4,252
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by A_Khadar

  1. Buuhoodle(Jidbaale):- Gudoomiye Ku Xigeenka Gobolka Cayn ayaa ka warbixiyay xaaladda guud ee degaanadda Cayn Halkan ka Dhagayso Isaga oo sheegay inay jiraan diyaar garow dagaal oo dhinaca somaliland ay wali ku soo daad guraynayaan jiida hore,Gudoomiye ku xigeenka ayaa ugu baaqay Shacabka SSc dibad &gudaba in diyaar garow dheer la galo in xaaladan ka taagan mandaqada mudo dheer loo soo afjaro. http://www.somali24.net/podcast/1160
  2. Suldaanka intii hore waan la socday laakiin markuu yidhi shacabka reer buhodle 90% waa somaliland baanu kala baydhnay. Nabad diid waa ninka dhul uusan shaqo iyo shuqul ku lahayn soo weeraro in the name of dream government.. If anyone with sanity is among s/l, just stop pouring your militia in to that area. That is how far the peace is a way.. Very close!
  3. The armed clashes at Kalshaale between Sool, Sanaag and Cayn pro-union supporters and Somaliland’s pro-secession forces coincided with the publication in the Daily Telegraph of Wikileaks cables about UK ASSISTANCE TO POLICE SPECIAL PROTECTION UNIT AND COAST GUARD in Somaliland . “The UK is funding training to the Somaliland Special Protection Unit (SPU), a branch of the police force, at the level of GBP 375,000 (USD 600,000) in the current fiscal year and GBP 230,000 (USD 368,000) in the next. In order to increase the UK’s and international community’s ability to access Somaliland, the UK is providing training to the Somaliland Special Protection Unit (SPU), a branch of the police force. The UK Ministry of Defense (MOD) personnel will focus the training on 450 police officers and will implement the training in three phases. Phase one, beginning in March 2010, will train approximately 40 officers in Ethiopia for five weeks.” wrote a Robin Quinville, a political counselor on 2/12/2010. The British policy towards Somaliland is in sharp contrast with America’s dual-track policy of engaging the Transitional Federal Government of Somalia and autonomous administrations such as Somaliland, Puntland, Galmudug and Ximan iyo Xeeb . Before the publication of Wikileaks documents on Somaliland, the funder behind Somaliland forces being trained in Ethiopia was unknown. Prime Minister Meles Zenawi of Ethiopia pledged support for Somaliland security forces when Somaliland president, Ahmed Silanyo, paid a visit to Ethiopia last year. Britain hosts more than 200,000 Somali refugees and a large community of Somali-born British citizens . Pro-union and pro-secession communities constitute a large number of the Somali Diaspora in the United Kingdom. “ I believe the British government is not evenhanded in its support for people in what was known as British Somaliland. Has Somaliland made assurances that British aid will not be used for clan warfare?” asks Ali J. Hassan, a pro-union Somali from Sool region in northern Somalia. “We will write to our MPs to ask for clarification about the British taxpayers ‘money for Somaliland whose forces attacked peaceful civilians,” says Ali. In another Wikileaks cable on Somaliland dated 8/8/2008 and posted on the Daily Telegraph website on 4/2/2011, political counselor Richard mills wrote: “ There is no evidence to indicate that HMG[ Her Majesty’s Government] will recognize Somaliland as an independent nation, especially with HMG officials focused on promoting a foreign policy that will help stabilize south Somalia and support the Djibouti Agreement.” The only flaw in this Wikileaks quote is that Djibouti Agreement was not existence in August 2008. Talks between Transitional Federal Government and a wing of the Asmara-based Alliance for the Re-liberation of Somalia were being organised. Foreign and Commonwealth Office faces the task of ensuring that British assistance for Somalia’s regions is not used for clan warfare. Liban Ahmad libahm@gmail.com Liban Ahmad is the author of Map of Confusion: Somaliland, Puntland and people of Sool region of Somalia (2006) Source: horseed Media
  4. Daawo Warbixintii Soo dhaweynta Col: Dalbac uu ka soo Duubay TV-Ga Universal. Written by Jidbaale.com Wednesday, 09 February 2011 15:44 - Video - Universal TV
  5. Talaado, 08 Feberaayo, 2011 (HOL) – Xildhibaanno baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan ayaa mar kale ku celiyay in la joojiyo colaadda ka taagan deegaanka Kalshaale, iyagoo ugu baaqay dhinacyada ay colaaddani khuseyso inay qaadaan taallaabooyin ay dagaalka ku joojinayaan. "Waa laga soo gudbay xilligii ay Soomaalidu u dagaalami jirtay beel-beel, waxaa ku baaqaynaa in colaadda Kalshaale sida ugu dhaqsiyaha badan lagu xalliyo," ayuu yiri xildhibaan C/raxmaan Kuliye Xirsi (C/raxmaan dheere) oo ku hadlayay afka xildhibaannada baaqan soo saaray. Deegaanka Kalshaale ayaa waxaa shalay ka dhacay dagaallo culus oo u dhexeeyay malleeshiyo taageersan ururka SSC iyo ciidammo ka tirsan maamulka Somaliland, iyadoo dagaalkaas uu sababay dhimashada 20-qof oo isugu jira dhinacyadii dagaalku u dhexeeyay iyo dhaawac intaas ka badan. "Maanta lama joogo waqti dhiigga Soomaalida la daadiyo, cadow ayaa maanta na haysta, kaasoo loo baahan yahay in la isku garabsado, sidaa daraadeed waa in la joojiyo dagaalka," ayay xildhibaannada baaqan soo jeediyay ku sheegeen shir ay saxaafadda u qabteen. Dowladda Soomaaliya ayaa iyaduna maanta soo saartay baaq ay kaga codsanayso dhinacyada uu dagaalku u dhexeeyo inay xal ka gaaraan colaadda, iyadoo la sheegayo in maanta ay xisaad dagaal ka taagan tahay deegaanka Kalshaale. Baaqyada lagu dalbanayo in colaadda Kalshaale la joojiyo ayaa ah kuwo isa soo taraya, iyadoo waxgaradka, culummada iyo qaybaha kale ee bulshada ay ku baaqayaan in colaaddaas sida ugu dhaqsiyaha badan lagu joojiyo. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiran Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  6. Dalbac oo Somaliland iska soo dhiibay Wednesday, 09 February 2011 08:38 | Written by Buhodle.net soo dhaweyntii Dalbac Ninka lagu magacaabo Dalbac oo hore uga tirsanaan jirey ciidamada maamulka Somalidiidka ah ee SNMta ayaa maanta isu soo dhiibay ciidmada gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ee xaruntoodu tahay magaalada Buuhoodle. Dalbac oo lagu tilmaamo Ina Xaabsadaha ciidamada oo intaanu u gelin maamulka Soomaalidiidka ah ka hor ka tirsanaan jiray kuwa Puntland ayaa dad badani iswaydiinayaan waxa uu ku soo kordhin doona ciidamada gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn oo hada ku jira hawl culus oo ay dhulkooda dib ugu hananayaan. Dalbac waxa uu ciidamada maamulka Soomaalidiidka ah ee ka taliya magaalada Hargeysa maanta kala soo galay lix gaadiid ah oo afar ka mid ah lagu tilmaamay kuwa tiknikada ah oo ay saaranyahiin qoryaha sida qumaatiga ah loogu dagaalmo. Ninkaa sarkaalka ah iyo ciidamadiisa ayaa maanta si aad u balaadhan loogu soo dhaweeyey badhtamaha magaalada Buuhoodle oo ay ku sugayeen dadweyne aad iyo aad u tiro badan wateyna calamo iyo caleemo qoyan. Dadweynaha goobahaa isugu yimid ayaa badankoodu ka doodayeen waxa uu mudane Dalbac soo kordhin karo maadama uu daawede wanaagsan ka ahaa dagaalkii kululaa ee maaltii doraad ahaa ka dhacay degaanka Kalshaale. Sarkaalka ayaa sida la xaqiijinayo ka fogayn goobta dagaalku ka dhacayey oo ku sugnaa meel u dhaxaysa magaalooyinka Maygaagle iyo Sooljoogto oo dhowr iyo toban kiilomitir u jirta degaanka Kalshaaale ee dagaalku ka soconayey. Hadaba Dalbac soo gelye ma damiir cusub baa loo iibinayaa oo uu kaga leexdo wadooyiinka khaldan, jawaabtu waa maya ee waxaa kaliya oo la danaynayaa afarta gaadhi ee qoryahu saaranyahiin ee uu kala soo galay maamulka Hargeysa. Ninkii hore u lumi jireyna waxaa laga hayaa “maxaa helidayda lagaga farxayaa beriba waan lumiye” taana waxaa la mid ah dalbaca maanta ka soo galay maamulka Somaliland daawanayeyna xasuuqii dadkiisa iyo dalkiisaba lagu samaynayey. Buhodle.net
  7. True, he should have a principal and I guess he does now.. Wareysi- Ahmed Mohamed Adan (dalbac) Wednesday, February 09, 2011 - 06:49 PM Listen Ex-Dabaqoodhe Ahmed Mohamed Adan (Dalbac) oo soo gaadhay magaalada Buuhoodle oo wareysi xiiyey Xargaga Online.. Halkan ka dhegeyso
  8. Wareysi- Ahmed Mohamed Adan (dalbac) Wednesday, February 09, 2011 - 06:49 PM Listen Ex-Dabaqoodhe Ahmed Mohamed Adan (Dalbac) oo soo gaadhay magaalada Buuhoodle oo wareysi xiiyey Xargaga Online.. Halkan ka dhegeyso
  9. Berbera(Jidbaale):- Warar lagu kalsoonyahay oo naga soo gaadhaya magaalada Berbera ayaa xaqiijinay in sarkaalkii ugu sareeyey ee ciidamada dagaalka ka riday degaanka Kalshaale ee maamulka Somaliland maalintii shalay ahayd lagu aasay magaaladaa oo uu asal ahaan uga soo jeeday. Sarkaalkan oo dadka badankiisu u yaqaaneen Il-Bir horeyna fadhiigiisu in mudo ah uu ahaa magaalada Maygaagle ayaa wararku sheegayaan u uu ninkaasi u dhintay dhaawac ka soo gaadhay dagaalii Kalshaale ee maalintii doraad ka dhacay degaankaa. Sarkaalkaa ayaa hogaamin jiray guuto ciidamo ah oo laga soo xawawariyey galbeedka gobolka woqooyigalbeed loona yaqaaney guutada 17naad, in mudo ahna iminka ku sugnayd degaanada gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn dhibaabo badana hore uga geystay goboladan. Waxaa kale oo wararku intaa raacinayaan in guutadii uu ninkaasi hogaamin jiray laga dhigay wax dhintay iyo wax dhaawac ah oo lagu daaweynayo magaalooyinka Burco iyo Hargeysa. Ninka labaad eek u soo xigay ciidamadii maamulkaa ee ku sugnaa gobolka Cayn oo isna lagu magacaabi jirey Fanax ayaa isna la xaqiijinayaa in uu dhaawac aad u culusi ka soo gaadhay dagaalkii Kalshaale oo isna ku suganyahay dhakhtar ku yaala magaalada Burco. Labadan sarkaal iyo ciidamadii ay hogaaminayeenba sida wararku xaqiijinayaan waxaa dagaalkii Kalshaale kaga dhacay haantaa hadhuubla ku noqday lama filanwaa aanay hore uga baran gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn. Wararkii ugu danbeeyey ee khasaarahii ka soo gaadhay maamulka Somaliland dagaalkii Kalshaale ayaa hada sida la xaqiijinayo ku sii dhawaanaya dhimasho ahaan 75 askari halka dhaawacu ku sii siqayo in kabadan boqol askari.
  10. Hehee, Salax, don't force me to dig claims your mad men made while back about this subject and he was one of yours. Odayga Taani needs to have speaker cause he sounds out of touch like he said last time that shabaab killed his malitia. Odayga aad buu u murqaamaa
  11. That is what XX can't comprehend. Plus whether they are with you or without you, it won't change a thing about the people's destiny. No successionist as long they live.
  12. Xaaji Xunjuf;693949 wrote: maya waxay fahmeen hadanay fikirkooda beesha calaamka u dhibin siday somalia nabad u noqon Somalia waligeed nabad iyo xasiloono yeelan meyso:D ;);) You are right XX.
  13. So after all it's beel admin isn't it? If I take your word and as you put it, why don't we see and hear an other Beel in the so called s/l beside your beel supporting this aggression? Do argue against the obvious for the heck of arguement...
  14. Plus stop misleading the strugle. It's not between puntland vs s/land. It's between s/l militia and people of ssc. Puntland admin didn't help these people when they were invaded and occupied their homes by Silanyo militia.
  15. According the above pics is neither but joined to his people. XX. Are you relying on the lost men in Hargaysa (likes Xaabsade) or you beleive the above avidences. If Dalbac joins to puntland/ssc, you can argue one or the other if that makes you feel better but the man is no longer on your side rather against you. That is the facts.
  16. Sarkaal sare oo hore uga tirsanaan jirey Ciidamda Somaliland ayaa kasoo baxay Ciidamadaasi, isagoo sheegay inuu la mowqif yahay shacabka Buuhoodle, sarkaalkani oo lagu Magacaabo Col Axmed Maxamed Aadan ‘dalbac’ ayaa lasoo galay ciidamo gaadhaya 250 askari, iyo 12 gaadhi oo tikniko ah, waxaana sarkaalku sheegay in ay somaliland isaga soo baxeen isaga Iyo Ciidamadiisu kadib markii ay u adkaysan waayeen, dhibaatooyinka ay Ciidamda Somaliland ku-hayaan dadka shacabka ah ee Goboladda sool. sanaag iyo cayn. iyagoo dhowaan dad shacab ah ku xasuuqay deegaanka kalshaale, sida uu hadalka u dhiagy, Kumanaan kamid ah dadweynaha kudhawan magaaladda Buuhoodle, oo isugu jira, cuqaal, isimo, waxgarad, ururadda bulshadda, siyaasiyiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada buuhoodle, ayaa siweyn ugu soo dhoweeyey magaalo Madaxda Gobolka Cayn ee Buuhoodle, Dadka soo dhoweynayey sarkaalkan ayaa kaga hortegey tuuladda shangale oo katirsan Gobolka Cayn, taasi oo 5 km dhanka waqooyi ka xigta magaaladda Buuhoodle ee xarunta Gobolka cayn, Hadaba dadweynahaaasi ayaa usoo gelbiyey dhanka magaalada buuhoodle isagoo kumanaan dad ah kula hadlay fagaaraha kubadda cagta ee magaaladda buuhoodle, sarkaalkan ayaa sheegay inuu difaacayo deegaankiisa isagoo shacabka Gobolka cayn ugu baaqay inay isdifaacaan sida uu hadalka u dhigay, Iskusoo wadaduuboo colnel ka ayaa noqonaya kii ugu danbeeyey ee kasoo gala maamulka somaliland iyadoo uusan xiligan jirin shaqsi kamid ah shacabka gobollka cayn oo katirsan ciidamada maamulka somaliland, waxaana sarkaalkani imaatinkiisa aad usoo dhoweeyey qaybaha kala duwan ee bulshadda buuhoodle, xasme xasan geelle buuhoodle soomaaliya
  17. Hadaanu Nahay Dhalinyarada Beesha Hashim waxaanu taageero buuxda u diraynaa Ciidamada Qaranka Somaliland..lol.. Qabiil and Qaran in the same sentense, you can only find from successionists.. http://www.hadhwanaag.com/detail.asp?id=29356
  18. Buhoodle,(lasanod Online)- Col. Axmed Maxamed Dalbac oo horey uga tirsanaan jiray saraakiisha Somaliland, islamarkaana kasoo jeeda deegaanada SSC.. ayaa maanta si rasmi ah uga baxay ciidamada Somaliland isagoo galabta ku soo biiray ciidamada SSC ee deegaanka buuhoodle ku sugan. Col. Dalbac ayaa ka goostay maamulka somaliland isaga oo watay gawaadhi tikniko ah oo gaadhaya 7 iyo ciidamo 240 oo askari Waxaana la sheegey inuu sarkaalkaasi u dulqaadan waayey hadaladda iyo talabooyinka ay qaadeen maamulka Somaliland,waxaana uu sheegey in xaaladii dagaal isu bedeshay mid Qabiil. Sarkaalkan lagu magacaabo Col. Axmed Maxamed Dalbac,waxaa uu sheegey inuu aad ugu faraxsan yahay inuu shacabkiisa la safto,waxaana uu ciidamada Somaliland ee degaankaasi la soo dhoobey ku tilmaamay kuwo qabiil balse aysan ahayn maamul amase wax loo dul qaadan karo oo maamul dhexe ku shaqeyn kara. Col: Dalbac waxaa uu maanta sheegey inuu mawqifkiisu cad yahay isla markaasna uu diyaar u yahay inuu difaaco degaanka Kalshaale, dagaalna kala hortago ciidamada Somaliland oo saacado ka hor ka tirsanaa,waxaana uu sheegey inuu dhamaan hayo khariirada dagaalka ee ay dhigeen ciidamada Somaliland ee ku sugan degaanada ku dhaw Kalshaale. Xafiiska Wararka Lasanod Online.
  19. London,(BBC)- Dalka Britain waxaa maalmahan ka socday shir lagaga hadlayo arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya, waxaana ka qayb gelaya dowlada ku-meel gaarka Soomaaliya, maamul-goboleedka Puntland iyo Somaliland. Waxaa shirkan qaban-qaabisay wasaaradda arrimaha dibadda iyo common wealth-ka ee Britain, waxaana uu ka socdaa xarun ku taalla meel u dhow magaalada Brighton ee Ingiriiska. Mohamed Abdillahi Waa markii ugu horreysay ee Somaliland ka soo qayb gasho shir noocaan oo kale ah oo lagaga hadlayo arrimaha siyaasadda ee dalka Soomaaliya tan markii ay gooni isu-taagga ku dhawaaqeen sanadkii 1991-kii, hase ahaatee wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland, Maxamed Cabdillaahi Cumar, waxaa uu BBCda u sheegay inaan waxba iska beddelin mowifka dowladdiisa ee ka bixidda midnimada Soomaaliya. Waxaa kaloo shirkan ka qayb gelaya dowladaha, ururrada caalamiga ah iyo kuwa goboleed ee daneeya arrimaha Soomaaliya, waxaana diiradda la saarayaa waxa ka dambeyn doona marka uu dhammaado xilliga dowaldda ku-meel gaarka ah bisha August ee sanadkan. Source: BBC
  20. kkk, are you serious? Who creates Findna? the one who is his home/towns or the one traveled miles to invade others in the name of xad baan soo xidhaynaa... War caqligu ha shaqeeyo..
  21. It's not, neither it's SSC's, it's in between the two arms. Plus nomads inner live in and around these areas. So have your militia some sense and stop creating more conflicts between the people who depend on each other especial this hard time which they already have water and grass shortage.