A_Khadar

Nomads
  • Content Count

    4,252
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by A_Khadar

  1. Culimada Magaalada Laascaanood Oo Baaq Ka Soo Saaray Dagaalkii Kalshaale Lasanod,(Lasanod)-Ka dib markii la maqlay warkii dagaalka shalay ka dhacay degaan ka Kalshaale iyo nawaaxigiisa, kaasoo ahaa mid aad looga xumaado, kana dha sheen dhibaatooyin cul culus oo laga murugoodo, waxay culimada gobolka Sool ka soo saareen arrinka ku aaddan dagaalkaas baaqan 1-Waxay culimadu eedda dagaalkii shalay dhacay dusha u saarayaan maamul ka Somaliland ,oo isagu ku tuntay dhammaan dedaalladii nabad raadineedd ee socda, ka dib markii ciidammadoodu bilaabeen dagaalkaas lagu xasuuqay ummadda faraha badan, waxayna arrintaasi ku soo aaday iyadoo ay jireen dedaallo fara badan oo dhexdhexaadin ah ayna wadeen culimada iyo wax garad ka ka soo jeedda degaammada colaaddu saamaysay, waxaannuna maamulka somaliland u soo jeedinaynnaa inay dib ugala laabtaan ciidammadooda meelihii ay ku soo durkeen dagaalkii shalay , tallaabo danbe oo colaadeedna qaadin . Dhinacoodana waa inay u hoggaansamaan baaqyada nabadda, soona saaraan war cad iyo go’aan lagu qanco,ogaadaanna inaan dagaal xal keenayn balse huri nayo colaad sokeeye oo ku baahda dhammaan degaannada. Sidoo kale waxaan u jeeedinaynnaa shacabka degaanka Buuhodle inay is xakam eeyaan, aqbalaan na baaqyada nabadda oo cid walba dani ugu jirto. 2- Waxaaan u soo jeedinaynaa dhinacyadu dagaalku u dhexeeyo inay u dhego nuglaadaan codadka nabad doonka ah, joojiyaanna colaadda iyo dhiigga daada naya xilligan ummaddu la il daran tahay abaaraha iyo oonka. 3- Waxaan ugu baaqaynnaa culimada ,iyo wagaradka nabad raadinta wadda inaysan caajisin, siina wadaan dedaalka ay isu taageen ee dhexdhexaadinta dadka walaalaha ah. Afhayeenka culimada Sh.Maxamuud Salaad Warsame
  2. Kulan balaadhan oo ay maanta isugu yimaadeen qaar kamida culimaa udiinka magaalada buuhoodle ee xarunta g/cayn oo cadayeey inay ciidamada s/land dhibaato ku hayaan deeganada sool sanaag cayn, ugu horayn waxaa halkaasi ka hadlay sheekh saleebaan sh maxamuud isaga oo sheekhu sheegay inay arintu markii hore taagnayd kalshaale oo ay dadka reer buuhoodle ay lahaayen markii loo garqaadayna ay heleen oo ay keen sadeen makhraati iyo dhaarba, lana leexiyay oo aan si sharciya loo qaadin hadana arintu waxaa aymaba maraysaa buuhoodle inay doonayaa dadkii deeganadaasna ay ladagaalameen taasina waxaa xaqdaro waxaanu naleenahay dadka reer buuhoodle ee shacabka inay difaacaan dalkooda waaana xaq maaha danbi. Culimada reer boorame iyo hargaysa waxaan idinka codsanaynaa inaad maamulka siilanyo aad ku kacdaan maaha wax la eegan karo hadii aydin dulmiga ku taagerayn waa inaad ka hadashaan oo ciidamada laga saara deeganada ay ku soo duulen iyo dadka reer guuraga ay dhibta ku hayaan, intaasi ka dib waxaa isna halkaasi ka hadlay sh maxamuud yuusuf dhuux waxaana uu sheegay shareeca ahaan dagaalkasi in uu yahay mid xaqa oo dadka reer buuhoodle ay ku dagaalamayaa naftoodii iyo maalkoodiiba waxaana leenahay dadka reer waqooyiga ha lahadlaan mamulka silanyo, haydayna ka hadlin waxaanu u arkaynaa inay taasi lasocdaan waxaana ideen sheegayaa inaysan jirin mamulka siilanyo wax ka yaala buuhoodle iyo deeganada hoos yimaada hadaba waxaan leenahay waa fidmawale siilaanyo taasna waalagu taagersan yahay hadii aan lagu tagersanayayn maa laga hadlo, dadka reer buuhoodle waxaan idin sheegaynaa inay banaanta hay ilays difaaco layskana celiyo silanyo ciidankiisa waayo majiraan wax kamaqan waa gardaro cad dhulkiiniba laydin ku soo doontay hays dhiibina isdifaaca waa banaantahay taana anagaa idiiin hayna daliilkeeda ayuu ku soo gabagabeeyay shiikhu, waa markii ugu horaysay ee culimada deegaanka buuhoodle ay tilmaaman in uu xaq yahay dagaalkasi maadama lagu sooduulay dhulkoodii iyo maalkoodi
  3. XX u maylayn maayo inad is fahmaysaan adna qaran baan ahayee baa ku madax martay iyana waa soomali doon. BTW, odgay reer Awdal warkiisa ma ku galay mise dhadhaab baad tahay aan wixii Siilaanyo iyo snm ku shubeen aay dhagaha laxaamadeen oo aan wax kale gelin?
  4. Xaaji u need to watch on the 11th munite of the video. It will help u understand the implication of this project that drove u mad.
  5. Xaaji will say, Awdalits are somalilanders.. Watch the prof on 8s munite he is from awdal..
  6. JB, I thought you were compaigning for peace and called all these as mashruuc. Where this new hope is coming from? Is it because Faroole's sudden departure to his master. Just wait in few more days when he is back, soon after Silanyo will be called as well. At the end, the two entities will do the orders from their master, but the ssc people will continue to resist and will never accept ur militia's aggression. So if you meant and sorry for the human loses, call your clan militia to withdraw from Kalshale, Sool, other ssc towns.
  7. ;);) @XX, get real ninyahow meesha caruuri ma joogtee. You think ssc people is only Xaabsade.... Even others who worked for ur militia publically said nothing.
  8. Whenever XX has no respond, only his option is to kill the thread. This is the Caaqil you used refer and he is calling ur militia snm.
  9. NGONGE wrote: Adeer dee beenta internetka lago qoro iga daa. This has never been about little sub clans fighting over water. If it were, the SL army that was placed in the middle to stop them from fighting would not have been attacked . Who are they, the Somaliland army? Are they AMISOM? Mercenaries? And do tell us the differences between the local militia who started digging wells in Kalshale and somaliland army? Why Silanyo said, my militia will be based on that area? They are two sides of one coin both same clan. Adigiibaa kuwii internetka beentoodi kadaran wadee... <O:p</O:pSo now tell me this aint nothing but clan. Your post conflicts itself. At one point you're justifying that ssc should be dealt because they attacked S/L army and at the end you stated ssc doesn’t want to be part of somaliland. <O:p</O:p
  10. Hope this ain't lip surface this time and Farole's admin won't let LA people down again. Buhodle people defended against aggressions from somaliland militia by their own for the last few months and they will continue to do so. They know and respect peace but they don't accept aggressions.
  11. Waxaa dadku caaq is weydiiyeen arimahan: Ma xuma warka uu ku hadlay Suldaanku, Hase yeeshee, dhowr arrimood baan ka biyo diidey : 1. Haddii uu yidhi, dagaal wiil kuma dhashee wiil baa ku dhinta, muxuu haddana ku falayaa in Puntland weerar lagu qaado? Markee ayuu Suldaanku saxan yahay? 2. Suldaanku muxuu u leeyahay, yaan la odhan dagaal Somali-land iyo Dhulbahnte weeye ee hala yidhaahdo "Waa dagaal laba beelood"...Suldaanku ma wuxuu leeyahay, been hala sheego? Haddii ay beel tahay, maxaa raggii ku dhintay ee dhankooda ahaa ka dhigey Qabaa'ilka uu ***** ka kooban yahay oo dhan? 3. Suldaanku marnaba kama hadal...Gardarada iyo weerarka qaawan ee ay ciidamada Somaliland soo qaadday. 4. Suldaanku marka uu leeyahay Beesha Burco dagaal wey diidey, ma waxay ka tahay inuu madadaaliyo Beesha Buuhoodle? 5. Waxaan Ilaah ka baryayaa inuu Xaqqa tuso Suldaanka...oo uu fahmo inuusan nin gardarani guuleysan abidkii...
  12. Waraysigii oo dhan http://www.togaherer.com/2011/02/19/suldaan-maxamed-suldaan-cabdiqaaddir-oo-si-adag-uga-hadlay-ka-qaybgalka-shirarka-soomaaliya-iyo-colaadda-deegaanka-kal-shaale/
  13. NG, may be you're right worriors fighting against other worriors but other worriors aren't fighting nothing but to grab more land and worriors are defending their homes/towns. Plus Silanyo is supporting the other worriors which is a clear indication of clan fight. In the part of silly statements made, all clan sites both sides and your so called officials are making these foolish and dump statements. The fight is between local Cayns vs SNM (aka somaliland)..
  14. Ciidamada snm iyo kuwa beesha ***** ee isgarab sanaya ayaa waxaa ay shalaydagaaladii ka dhacay maygaagle hagoogane oo ay weerar ku soo qaaden subaxnimadii hore ayaa waxaa ay halkaasi wax yeelo ugu gaysteen dad reer miyiya, qaar kamida dadka deegaanka maygaagle oo degan magaalada xageeda sare ee xigta dhinaca qorulugud ayay halkaasi ku wax yeeleyen markii lagaga gacan roonaaday dagaalkasi hadaba hooyo aad da.a deedu wayntahay oo aqal soomaaligeeda hortaagan sida ay noo xaqiijisay tel.gacanta oo ay haysatay oo laga soo garacay magalada buuhoodle ayana ahaayen qaar kamida carurteda oo ka wareysanayay xaalada dagaalka, intaa dabadeed ciidamada s/land oo cararaya ayna ka daba dhacayaan madaafiic badan oo layaaban cida hagaysa ayaa hooyadaasi ku ee deeyay inay hogaaminaysay madaafiicdaa kuna dhuftay rasaas nasiib wanaag maydhiman teedina may galin waxaana ka soo qaadanay goobtaasi iyo hada ku sugan hospitalka dhexe ee buuhoodle waana dhaawac culus, caasha ciise amaan oo noo xaqiijisay inay yiraahden habrtan baa hogaaminaysay madaaficda xaalada caafimaad hooyadani ayaa hada mid wanaagsan ka dib markii lagu dhakhtariyay magaalada buuhoodle, maaha markii ugu horeeysay ee ay ciidamada s/land dadka waayelka ama dhimirka ah ay ku sheegaan hogamiyay madfac waxaana kamid ahaa ibraahim axmed taangi oo ah makaanik matoorada balse aan in mudo ah aan caafimaad qabin xaga maskaxda uu ugalay isagoo lugaynaya dagaalkii hore ee sida xun ugu baaba.een ayna ku sheegeen hogamiyihii madaaficda baan haynaa saxaafadana u soo bandhigeen, ciidamadaas oo badanaaba ku qanciya mamulkoda iyo shacabka maxaabis baan dagaalka ku qabanay intay deeganada reer guuraga ka afduubtaan dad xoolo dhaqataa, waxaana idiin soo gudbin doona cod iyo muuqal hooyadasi ah marka ay xaaladeda cafimaad sonoqoto, xamse xasan geelle buuhoodle soomaliya
  15. Thank you Xaaji. That is exactly right. The invaders to a peaceful region are the "Nabadiids".. In this current issue, snm is the NABADIID.. Will see when sanity comes back to their heads and they stop this madness unsucessful invasion after invation they called to capture Buhodle or closing borders..
  16. Kan wuu soo waalanayaa.. Take it easy abti. Qarnku sidaa maahee.
  17. Who is nabadiid? The invader to peaceful town or those who remain their home? Waa aduun waalan.
  18. Ciidanka Qaranka Somaliland Oo La Wareegay Fadhiisimadii Kooxda SSC Ee Taageerada Ka Haysta Maamulka Budhcad baddeedka ee xaruntiisu Garoowe Iyo Tirada Maxaabiista Laga Qabtay Published By Webmaster On Sunday, February 20th 2011. Under News <<<<---------- Photoshoped pic, armed vichele from Buholde mounted snm flag as their.. caadi maaha.. Burco (QOR) Ciidanka qaranka Somaliland ee ku sugan jiida hore ee duleedka Buuhoodle ayaa gebi ahaanba la wareegay subaxnimadii hore ee saaka saddex goobood oo fadhiisin u ahaa Maleeshiyada Nabad -diidka SSC ee taageerada ka haysta maamulka budhacad-badeedda ee xaruntiisu tahay Garoowe. Talaabada ciidanku kula wareegeen goobahaa oo fadhiisin u ahaa ... Read More
  19. Dhinaca SNM bogagooda War Deg Deg ah: 70 Nin oo lagu tuhunsanyahay alshabaab oo Ciidanka Qaranku Ku wareegsan yihiin Dhaam ku yaala Hagoogane. Published By Webmaster On Monday, February 21st 2011. Under News Hagoogane -(Qori)-Warar Xogogaal ah oo aanu goor dhawayd ka helnay Xogo ku dhaw dhaw jiida hore ee aagga dagaalku ka dhacay shalay ee hagoogane ayaa sheegay in 70 nin oo lagu tuhunsanyahay inay ka tirsanyihiin kooxaha Alshabaab oo ku jira dhaam weyn oo biyaha laga cabi jiray wakhtiga gu’ga oo ka qodan deegaankasi kuwaasi oo dhufays ka dhigtay, isla markaana ku haysta hubkii iyo raashinkii ay isticmaalayeen. Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa ku Wareegsan isla markaana gaadh ka haya Nimankaasi ku jira dhufayska ee lagu tuhunsanyahay inay ka tirsan yihiin alshabab. Warkan oo Qorulugudonline ka heshay ilo lagu kalsoonyahay oo ku sugan jiida hore ee aagga dagaalka ayaa waxa kale oo ay sheegeen in dagaalkii uu joogsatay shalay maqribkii. Dagaalka ka dhacay shalay deegaanadaasi ayaa wararku sheegayaan inay ku dhinteen dhawr iyo labaatan qof oo ka soo kala jeeda labada dhinac ee Dagaalku u dhexeeyo, Warku waxa uu intaasi ku darayaan Maleeshiyadda Nabad diidka ah ee SSC shalay laga dilay ku dhawaad 20 ruux dhaawacuna hadh belay, halka ciidanka Somaliland ay kaga dhinteen 2 Askari kana dhaawacmeen 3 askari. Dagaalka shalay oo ahaa mid baaxad leh ayaa la sheegayaa in khasaaruhu intaa ka balaadhanyahay balse aan lahayn xaqiiqda rasmiga ah ee uu gaystey dagaalkaasi shalay ka dhacay Hagoogane. Waxaa soo ifbaxaya tuhun hore oo laga Qabay in Ciidamo Argagixiso ahi ku lug leeyihiin dagaalka gaadmada ah ee lagu soo qaado ciidanka Somaliland kuwaasi oo gacan siinaya Maleeshiyo beeleedka Nabad diidka ah ee ka soo hor jeeda jiritaanka qaranimada Somaliland, ujeedadooduna ay tahay in la wiiqo jirintaanka qaranimada Dalka somaliland Wixii Warar ah ee ka soo kordha kala soco www.Qorulugud.com.
  20. Wareysi- Col: Ali Sabarey Sunday, February 20, 2011 - 06:28 PM Hogaamiye Xigeenka SSC Col: Ali Sabarey oo ku sugan jiida hore Ee Meygaagle oo wareysi siiyey Xargaga Online.. Halkan ka dhegeyso
  21. Madaafiic La Isku Weydaarsaday Jiida Kalshaalle iyo Tikniko laga gubey SNM oo weli Qiiqaysa. Deegaanadii dagaalku ka dhacay shalay ayaa maanta aysan ka jirin iska hor’imaadyo waa weyni, marka laga reebo madaafiic ay labada dhinac isku ganayaan. Madaafiicda waxaa soo bilaabayu maleeshiyaadka Dagaal Ooge Siilaanyo, kuwaasoo loogu jawaabay hubka noocyadiisa kala duwan sida madaafiicda Goobta. Dhanka kale waxaa inta u dhaxaysa Kalshaale iyo Hagoogane ku gubayana labo Taangi oo ay halkaas kaga carareen Maleeshiyaadka SNM, kuwaasoo ka firxaday dagaalkii la isku gabal dhacsaday ee Shalay. Dhanka kale waxaa laga soo bandhigay warbaahinta, labo ruux oo xoolo la joogey, kuwaas oo ay Beebe jiidhsiiyeen maleeshiyaadka Siilaanyo oo ku soo jabay dagaalkii Maygaagle, warar naga soo gaadhaya Burco oo aan weli la xaqiijin ayaa sheegaya in Horjoogihii hogaamianyey dagaalka Maxamed Kaahin uu dhaawac culusi ka soo gaadhay shalay dagaalkii ka dhacaay Hagoogane. Warkan oo aan ilaa hada la xaqiijin ayaa sheegaya in sidoo kale ay halkaas ku hoobteen sraaalkiil badan oo Horjooge u ahaa maleeshiyaadka Damaaciga waalan ee SNM. Horufadhi.com
  22. Correction: SSC maaha Jabhad. Jabhad waxaa ah marka dowlad la aqoonsanyahay ay koox ka soo horjeedo. Meesha dowlad ma jirto qabiil baa raba aar goosi, dhulboob iyo qabsasho dul dad somaliya degan yihiin,qabiilkii kalana wuxuu leeyahay war walaalayaalow nadayaa hadaad islaam tihiin. Marka dadkaa dhulkooda jooga jabhad in loogu yeedho maaha..
  23. Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalkii maanta ka dhacay Hagoogane iyo Maygaagle (Buuhoodle, February 20, 2011 Ceegaag Online) Maleeshiyo hubaysan oo ka soo jeedda deegaanka Buuhoodle iyo ciidamada maamulka Somaliland ayaa saaka abbaarihii 5 subaxnimo dagaal iskaga horyimi degaannada Maygaagle iyo Hagoogane. Dagaalkaas saaka bilaabmay ayaa istaagay galabta galinkii danbe ee manta,kaasoo laysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan dhinacwalibana uu sheeganayo in uu jabiyay dhinaca kale. Wariyaha shabakadda Ceegaag ayaa xaqiijiyay in dhinaca Buuhoodle inta la hubo ay ka dhinteen 9 ruux halka dhaawucuna yahay ilaa 15 iyadoo ay jiraan dadkale oo loomalaynayo in ay maxaabiis ahaan u kaxaysteen ciidanka Soomaaliland .. Dhinaca kale wararka naga soo gaadhaya magaalooyinka Qorulugud iyo Burco ayaa sheegaya in ciidamada Soomaaliland ay ka dhinteen ugu yaraan 6 askari 10 kalana ay ka dhaawacmeen iyagoo dhaawacaas la gaadhsiiyay cusbitaalka Burco, Dhinaca Buuhoodle ma jiraan illaa iyo hadda maxaabiis laga soo qabtay ciidanka Soomaaliland oo la keenay Buuhoodle. Waxaa jira warar iskhilaafsan oo sheegaya in labada ciidan ee dagaalku dhexmaray ay mid waliba sheeganayo in ay gacanta ku hayaaan degaannadii lasyku farasaaray saaka iyo galabta ee Hagoogane iyo Maygaagle. Arrintu si kastaba ha ahaatee lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkii maanta ka dhacay degaannadaas aan kor ku soo sheegnay,umana suuragalin wariyahayaga shabakadda Ceegaag Online ee Buuhoodle in uu arrintaas noo soo xaqiijiyo maanta ,balse waxaan idiinsoo gudbindoonnaa wararkaas wixii ka soo kordha saacadaha innagu soo fool leh. www.ceegaag.com