A_Khadar
Nomads-
Content Count
4,252 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by A_Khadar
-
Old lady Barni Axmed Cumar response to faroole's latest outburst+VIDEO
A_Khadar replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
bilan;716803 wrote: adiga sidee usoo heshay islaantan? He wakes up every morning and, before he washes and brushes, sits on his computer and googles SSC,Puntland, Faroole, Galkacyo etc. There you go, this morning, google returned nothing but Islaantan. So he has to post because wax kale wuu waayey.. -
Ciidamada Sirdoonka ee maamulka Somaliland ayaa saaka subaxnimadii weerar waxashnimo ah ku qaaday dugsiga sare ee Muuse Yuusuf.. Halkaas oo ay ka soo qabteen Macalin Sh. Maxamed Macalin Xasan oo ahaa bare dhiga Af Carabiga iyo Diinta Islaamka xili uu ku jiray Xiisad oo uu waxbarayey in ka badan 100 Arday. Iskuulka Sare ee Muusue Yuusuf waxa saaka weerar ku qaaday Shan nin oo ku habaysnaa Afar qori iyo waliba Baaskoolad, kuwaas oo ay Amaanku u furnaayeen oo Argagax naxdinleh galiyey Ardaydii Iskuulka iyo Macalimiintaba, kolkii ay Maamulka u bandhigeen in ay doonayaan Macalinka Carabiga iyo diinta dhiga waxa uu maamulku u sheegay in uu xiligan ku jiro Cashar balse kolka uu ka soo baxo loogu yeedhayo ee inta ka horaysa ay hubka kala baxaan Dugsiga. Kolkii intas la isweydaarsay ayaa Malayshiyaadkani Ku yaaceen Fasaladda Iskuulka waxana ay qoro ku qabteen Arday oo ay ka dalbadeen in uu tuso Macalinka Carabiga iyo Diiniga kaas oo tusay, Malayshiyaadkani waxa ay jirdil u geysteen Macalinkii iyaga oo Qori dabadii iyo Laabadba la dhacay waxana ay ula dhaqaaqeen dhinac Baabuurkii ay wateen, Ardaydii Dugsiga ayaa bilaabay in badbaashadaan Macalinkooda kuwaas shiid ku bilaabay malayshiyaadkan waxana iyaguna ay ku jawaab Rasaas ay Ardayda hoos ugu dhigeen, Ardayda gadoodsan ayaa muraayadaha ka jabiyey Baabuurkii ay wateen waxana ay ku guulaysan waayeen in ay soo furtaan Macalinkooda. Macalinkan ayaa malayshiyadku ula dhaqaaqeen dhinac Saldhiga dhexe waxana Ardayda Muuse Yuusuf Bilaabeen Mudahaarad xoogan oo xidhay guud ahaan isku socodka magaaladda waxana ay ku dhawaaqayeen eryo ka dhan ah Maamulka Somalididka inkasta oo Malayshiyaadka Police-ka ahi ay raasaso ku rideen hadana Maamulka Macalimiinta Gobalka Sool iyo Maamulka Dugsiga Sarre ayaa ka codsaday in ay Ardaydu is dajiso ayna u Ergo tagayaan oo ayka warsugaan. Maamulaha Dugsiga Sare Cabdilaahi Aflahaar ayaa kolkii uu ka soo noqday dhinac Maamulka waxa uu warbaahinta siiyey hadal kooban waxana uu yidhi sidan " Macalinkii waa xidhan yahay, markii aanu damacnay in aanu Damiinano oo waraaqda nala sexeexi lahaa ayaa Sirdoonku diideen kuwaas oo yidhi lama sii daynayo waxanuna doonaynaa oo kale Maamulaha Dugsiga Cabdilaahi Aflahaar iyo Macalinka Tarbiyadda ( Cabdirashiid). Ilo lagu kalsoon yahay waxa ay noo xaqiijiyeen in Sirdoonka SNM-tu ay u haystaan macalinka in uu xidhiidh la leeyahay Alshabaab kuwaas oo doonaya in ay dusha ka saaraan falalkii dhacay, shacabka Laascaanood ayaa rumaysan in wax kaliy ee Macalinkan lagu haysto ay tahay Jinsidaydiisa maadaama uu ka soo jeeda Gobaladda Koonfurta Soomaaliya iyada oo cunsirinimadda hore loogu yiqiinay Maamulka Xooga ku haysta Magaaladda Laascaanood. Guud ahaan shacabka Laascaanood oo ay horkacayan Ardaydda magaalada ayaa aad uga xun falkan waxashinimadda leh, waxana ay Ardaydu ku hanjabeen in ay dhigayaan Mudahaarado waa weyn maalmaha soo socda. Xafiiska Wararka Laascaanood
-
^^ Reminds me when I visited Miyi a while back and I was walking with two other guys, then lady appeared far away, and they both could tell if she is married or not by saying don't bother she is already taken.. I was like what? how do u guys know, you can't even see her face.. Later they explained to me that you can tell by the hear cover she has.. IF it's malkhabad, she is married, if masar, still AV..lol. Now tell u the different, malkhabad is the black one with small holes.. like nets.. Masar/shash colorful, me think..
-
bilan;716612 wrote: From what I heard the meaning behind the xeero is not that innocent. heehe,, Bilan is expert.. she knows subtle irony of Xeedho... Bilan bal soo daa aniga iyo Aliya and the rest nagu akhri.. Hope, Alliya wouldn't hate the Xeedho after that.. As I said, I am not fun of this Xeedho because of it's irony..lol
-
Wargeyska "The Telegraph" ee 27kii April 2011, ayaa qoray warbixin uu sheegay in shebakadda caan baxday ee "Wikileaks" ay ka heshay Guantanamo, kaasoo laga helay warbixinta hoos ku qoran in Maxamed Saleebaan Barre oo ku dhashay Magaalada Burco Sannadkii 1964-kii, Maraykankuna gacanta ku dhigay una taxaabay Xabsiga weyn ee Guwaatanaamo Sannadku markuu ahaa 2002-kii. Warbixintan uu daabacay Wargeyska "The Telegraph", waxa uu xusay in Maxamed Saleebaan Barre lagu tiriyo inuu ahaa dadka gacan saarka la yeeshay Usama Binu Laden iyo Ururkiisa Al-Qaacida Sannadkii 1992-kii. Wargeysku, waxa uu sheegay in Maxamed uu ahaa Mujaahid u qaabilsan dhinaca dhaqaalaha iyo hawl-fududaynta shebekadda jihaadiinta ee Al-Qaacida, waxaanu sheegay Wargeysku inuu Lacago toos ah siiyey Maxamed Saleebaan kooxda Agagixisada ah ee "Al-Wafa" oo ka mid ah kooxda Al-Qaacida iyo kooxo kale oo argagixiso ah oo ku sugan Soomaaliya, kuwaasoo uu Lacagta usii mariyey Shirkadda Xawaaladda Dahabshiil ee Soomaaliya. Links Guantanamo Bay detainee file on Muhammad Sulayman Barre, US9SO. Sida uu daabacay Wargeyska "The Telegraph", waxa uu Maxamed si toos ah u diraayey Lacago faro badan oo Xawilaad ah ka hor intaan la xidhin, taasoo sida uu Wargeysku xusay loo isticimaalay Weeraradii 28-kii Novembar 2002-dii ee Al-Qaacida ka fulisay Magaalada Mombasa ee dalka Kiiniya. Sidoo kale, waxa uu qoray Wargeyskaasi in Maxamed Saleebaaan oo ahaa la haye "Detainee" ku jiro Xabsiga Guwaantanaamo uu xidhiidh la lahaa dad Soomaali ah oo kale oo ay suurto gal tahay inay ku xidhnaayeen Al-Qaacida, kuwaasoo ku nool Maraykanka oo iyana laga yaabo inay ku lug-lahaayeen dirista Lacagaha ay argagixisadu ku fuliyaan hawlgalada. Ugu danbayn sida uu daabacay Wargeysku, waxa uu Ninkani tababar sare oo dhinaca hubka culus ah sida artileriga kusoo qaataya xarunta "Al-Faaruuq Jihaad" Sannadkii 1992-kii, waxaanu kasoo dagaalamay oo ka qayb qaatay dagaalkiii eheliga ahaa "Civil War" ee Afgaanistaan, sidoo kalena waxa uu sheegay inay suurtogal tahay inuu ka mid noqdo shaqaalaha Machadka Islaamiga ah ee Al-Qaacida ee ku yaal Magaalada Qandahaar ee dalka Afgaanistaan. Source: Yool
-
ooh about the song, It was Shooli's song.. Sida laaga roob helay Casarkii Ka lagac yidhi Lala raacay indhahee Arooskiinu Laacee Ladnaan Ladnaan Ladnaan ku waara Labadii Is dooree.....
-
^^ lol.. Yp, you are right, groom's family open the xeedho. That one, wasn't related to either, just friend of the groom and happened to be there know the askariyad, xaasid nimo ayey ii soo kicisay.. Workshops will cost u, so soo ururi arday badan..
-
Aaliyyah;716454 wrote: ^^Are you Somali-Canadian?.. Just came back..and the guy sitting at the table was like are you 18? lol totally caught me off guard....man do I look younger than 18 *feeling flattered! =) :D Dadka waa khaldi kartaa markaase..lol..
-
^^^ Bilan, it could be Buhodle meesha loo wareejiyey, but for sure buuhodle it's not moutains and highland area.. Statement sounds like the dude was sent of to Qaabo qoosayn, between mountains. could that be Dayax? Sayidka ma sheegataa? If so, let him represent Qardho untill KK comes back.
-
Lol@che- Caadi maaha.. You must be thinking balan aad lahayd nooh.. Isleah waa ku waashay ninyahow.. Was this your first time u ever led a prayer.. It would have beenworse if you forgot one Rak'a, and people started yelling @u saying Subhanalaha when you sit for the last At'xiyaat and no idea what is wrong..
-
I will put together workshop sessions about these tradditions (shaash saar, xeedho, diiqo,baroosimoo, madaxshub,etc) online!Comming soon, anyone interested...lol..
-
^^^ Xeedho is only fun when asking people questions like "which is heavier 1kg of cotton and 1kg of rocks...".. lol.. Many answer, the 1kg of rocks is heavier..lol.. I asked to open it once because askariyada knew me.. darn it.. embarrassing when u never got that close to the thing.. then later asked me to sing when I couldn't untie it.. lol.. Ceebay taacaal... Shaash saar is strickly for ladies where Xeedho is for men mostly. I even heard and saw when the Xeedho is opened, only men eat the "Muqumada" and other snacks/macmacaan is provide for wemen in the event. Plus there are additional Xeedhos beside the opened one, and those are given to the married women who are related to the groom like his siters, ant, cousins etc.
-
Lafoole is rocking one of the good new singers.. ;)Qardho?? I recall this dude busaaradsatay used say "Qardhoo quman baan ka qaylinayee ma hadaan qaaba qoysayn galay.." Sayid must know about the history behind this statement.
-
Meesha heeso jacayl aa ka dhacayee.. Real note though.. Every nice/love somali song, I heard someone saying it's anti-gov/anti-Siyad..Few already mentioned in here like Saado's famous song, naftaydaa kuu jirabanow waxaa ihaysa jamashadaa. I can't recall who, but I listened interview of a singer declinning that some of his songs were anti-gov, but people translated them as such. Somali inay wareer soowaday when they started interpreting every song as anti-song, and then hesaayaashii iyo mu'alifitiin stopped composing naftooday u baqeen..
-
^ You responded your own!
-
thanks Alliya.. I corrected.. Link embed sometimes acts up.. thanks.
-
Anyand indepedent outlet covered this visit? Both lots cliam that they photoshopped the images?
-
Wariye Mashqac oo safar deg dega ku tegay Kuwait markii uu arkay Madaxweyne Siilaanyo oo socod ku hurdaya”Wareeysi- Weriye Mashqac-geliye ayaa si kedis ah ugu booqday Hotelka uu degan yahay Shariif Axmed (Ex-Siilaanyo) ee magaaladda Kuweyt xilli ay labada dhinac ka fadhiyeen Af iyo dhego hayeenkiisa Baandheeye (Ex-Cukuso) iyo Sim Memory cardkiisa Xirsi Bartileeye. Bariida ka dib waxa aan Shariif Axmed u sheegay in aan gurmad ahaa oo aan deg-deg u soo baxay ka dib markii aan arkay Sawir adiga oo socodka ku hurda. Waxa aan is idhi ninkii Axmed Abaar xaalku waa ku xun yahay ee bal gaadh. Shariif Axmed wax jawaab ah ima siinin ku dhawaad hal daqiiqo iyo badh, waxa aanu iska sii watay hees loo qaadi jiray xuska maalinta shaqaalaha adduunka ee 1-da May…#waa maalintii dhiig miiratada la muquuniyee Maayoo..waa maalintaydii Maayoo…waa maalintiinii Maayoo.. waa maalinteenii Maayoooooooooooo#. Waxa uu ii sheegay in uu aad u fiican yahay oo waxa uu ugu yidhi ishaada ayaa kuu macallin ah oo waanigaa heesaaya ee aad i aragto. Waana been ayuu igu yidhi wararka uu faafinaayo warxumo tashiilka Boqor Ballo Madow. Balse adeer ha ka tegin nin dal aan la ictiraafin madax u ah, Carab dhegaha cudbi ugu jirana raba in uu qadiyadda Somaliland ka dhaadhiciyo , labadan ninna had iyo jeer dhinacyadda ka fadhiyaan in uu socodka ku hurdo waaba saleelo hadii aanan fadhiga ku luloon waayo hurdada fadhigu waa astaamaha faqriga iyo camal la’aanta. Shariif Axmed waxa uu ka cudur daartay in uu i siiyo wareysi, balse waxa uu iga codsaday in aan ka qaado su’aalo iyo jawaabo deg-deg ah ‘quiz’ si loo ogaado ‘Intelligence Quantum ama IQ’ si loo fashiliyo kutiri kuteenka Ballo Madow ee uu markhaatigana u furay Buubaa Federal. Su’aalihii iyo Jawaabihiina oo koobanina waa kuwan. S: Sheeg Caasimadda dalka Kuweyt? J: Baqdaad. S: Magacii hotelkan aad degan tahay?J: Maansoor Kuweyt. S: Shaadhkaagu imisa badhan (botton) ayuu leeyahay?J: 33 badhan. S: Sheeg midabka shaadhkaaga? J: Kaarbat Cas (red carpet). S: Ma noo sheegi kartaa magaca amiirka Kuweyt? J: Afartan Mooto. S: Ma noo sheegi kartaa magac madaxa weftigaaga? J: Qardhaas (Xirsi). S: Minjaha weftigana waa kuma? J: Jaxaas (Cukuse) S: Waa kuma madaxweynahay JSL? J:Maxamed Dahir..Daahir Rayaale ..adeer raalli ahow..halmaan hadal kuma jiro..Axmed Abaar..waa maanta waaba sanadguuradii ka soo wareegtay maalintii aan xilka la wareegay..miyaanay maanta ahayn 27 July? S: Madaxweynaha Jabuuti waa kuma? J: Xasan Guuleed Abtidoon..istaqfurulah..afkaygoo buus..maxaa marxuunkiina ii geeyay..adeer waa Ismaaciil Buur Awr. S: Ka dowladda KM ee Somaaliyana? J: Shariif Sakiin S: Baravo..well-done..Yaa madaxweyne ka ah dalka Kenya? J: Jooma Kenyatta…adeer su’aalo adag i weydii waa maxay waxa aad ninkeygan weyn ee ‘master-ka’ sita aad kula meereysanaysaa. S: Waayahay eh tan uu ka jawaab. Yaa heysta dalka Ethiopia? J: ninkii aanu saaxiibka ahayn markii aan hogaamiyaha ka jabhadii SNM..magac laga miskiin maha.. waa Mingiste Xeyle Maryaaaaaaaaaaaaaaaaaaaam. S: Shariif ilaa hadda su’aal keliye maad qaldin. Dalka Somaliland imisa gobol ayuu ka kooban yahay? J: 21-ka Oktoobar iyo Burco…waa 22 gobol. S: Anta Kuweys yaa Abu Kulmiye..Waa kuma gudoomiyaha golaha wakiiladda Somaliland? J: Cirro Go’da S: Sax..sax..100%.Yaa wasiir ka ah wasaaradda Daakhiliga? J: Cirro Xaraf S: Waa kuwama gudoomiyayaasha xisbiyadda qaranka? J: Ina Biixi Taar Wale waa Kulmiye..Ina Waraabe Cadde waa Ucid..ilaahow aanan caqliga waayin Udubna waa Daahir Rayaale Axmed Yusuf Cali Warancadde Cawil Cali.. Udub gudoomiyaheeda waan u abtirinayaa oo waa nimankii aan xilka kaga qaaday doorashadii la magac baxday Xaaraan-Xalaasha-Xorta ah (3x). S: Axmed Guddi ma xasuusan kartaa gudidii iyo gudoomiyihii ugu cadaaladda badnaa ee abid ku soo mara? J: Haywa yaa Mashqac..annaa takalam luqul carabiya fusxa..calimnii bintu camii Xirsi..Walaahay Guddiga Doorashooyinka Qaranka Fii Ardo Somaal (Somaliland) Axsan guddi fiil caalim, walahaa gudoomiye Ciise Dawiil Kuweys Jiddan..Kuweys Jiddan…anaa ma naseyto hadaa rijaalal axmar…Miyaad garaneysaa waxa an afka carabiga ugu hadlay..Kuweytigaas ayaan isleeyahay ha u sheego Sheekha si shaxaadka iyo sooryadu noogu badaan. S: Su’aasha ugu denbeysa waxa lagu bixinayaa 10 darajo ee ka fiirso Shariif Axmed. Waxa aad kala sheegtaa magacyadda Abaarihii dalka soo maray sannadihii 1974-75 iyo tan ugu denbeysay ee ahayd 2010-11? J:Alla..alla..max waxaasaad ku bixineysa toban…abaartii 1974-75 waxa ay ahayd ABAARTII DABA DHEER; tan ugu denbeysayna ee 2010-11 waa KA SII DABA DHEER..ahaahhhhhhhhhhhaaa, inkasta oo aan magac kale Carabta ugu imid oo ah in loo bixiyay Abaartan Denbe ABAARTII KULMIYE. Waad mahadsan tahay Shariif Axmed ‘IQ-kaagu’ aad iyo aad ayuu u fiican yahay marka loo eego da’da aad jirtay, noqoshada ama ahaanshaha hogaamiye dal aan la aqoonsaneyn oo uu weliba irsaaqada u xisaabiyo Keligii Saxane, duruufaha iyo xubnaha weftiga ee kugu xeeran oo qaarkood kugu noqday Qardhaas iyo Jaxaas. Well done..Kuweys. Shariif Axmed..adeer hadii aan IQ sareynin maanigaa doorashadaba ku soo bixi lahaa?Ma Ballo Madowgan warkiisa ayaad qaadateen..bal waa kaas eh muxuu iminkana sheegi..Annaa Xariif.. Annaa Xariif.. Annaa Xariif.. Annaa Xariif..Kufurtu bilaahay Annaa Xariif.. Xigasho:Wargeyska Yool
-
I forget, I love the oodkac or Muqumad(XX's ******* lingo)
-
^^ The Xeedho parties I went in the qubo are more entertaining than dhaqan... The part I like out of the whole process is questioning those who failed to open and how people could be so dump for not been able to answer simple questions like what it the "5-ta tiir ee islamka"..lol However, the Xeedho and the idea behind it, I am not very fun of it..
-
SSC “SSC waa wax la doonayay in lagu qaraabto hadase iskaba baaba’day, waa dad qar-dheer ka soo hadlaya, waa dad marar badan isku dayay in ay isku dhuftaan Puntland iyo Soomaaliand, waa dad qayb ka ah dhibaatada Gaalkacyo, waa dad lacag la soo siiyay oo doonaya in ay qalqal gashaan ammaanka Puntland, waan la soconaa in ay dad lacago u soo direen oo ay dhaheen dad noo hadla noo noqda ayuu yiri M-waynuhu”. :D I was expecting he accuses SSC anything else but not Galkacyo and P/l's insecurity.. However, his above statement conflicts itself. One point he says, ssc is gone and non-exist at the same time they are behind Galkacye's issues which is a huge issue.lol.. Odayga needs help.. Where is Xiin and GD.
-
Che -Guevara;714634 wrote: ^the one in the picture, Royal Plaza, We went there around 10.00 AM to get breakfast. The only option on the menu (there's no actual menu) was hilib. I mean Hilib so early. Apparently, beer was finished just before we came and other options (limited) were not appetizing. So we heckled the waiter ( a young man who walks fast but seems to be dragging one of his feet)for this lack of options and for serving just heavy hilib meal for breakfast. My friend heckled him in the past as well. My friend came with the brilliant idea of writing a new menu. He asked the waiter for pen and paper. The waiter obliged and brought pen and paper. Half-way through, my friend thought it will even better idea to go to kitchen and deliver the message to the cook in person. Needless, the cook wasn't pleased. We moved away slowly and run into another gentleman whom the waiter was talking. I think the gentleman was from diasporo and owns the place. He might be in the one picture? Naturally, being full of ourselves, we complained to him as well in which case, he said most Somalis prefer the hilib in the morning and in general. He said they had many options in the past but none sold. And then I came with the brilliant idea and told him why not teach them about breakfast meals. He was more reer magaal and entertained our bright ideas.....lool Long story short, we ain't going back there. Never piss off people that handle your food. Che- Sorry man u get pissed.. But many parts of Somalia specially NE, NW, N, and may be centeral (not sure) it's a norm people eat breakfast early morning around 6 or 7am and by 10/11 it's lunch, and by 6pm dinner.. So places like Bossaaso, you don't even get dinner by the maqrib time, restaurants are almost close or serving the last few customers. So could it be that this owner is serving such customers who are expecting lunch by 10am..
-
bilan;715348 wrote: XX malaha hadaysan Daraawiishtu idinla socon malaha ma noolaan kartaa, waxay ahayd markii hore nala go’a si naloo aqoonsado hadana ma waxaad keentay na qald-aamoowa, you guys chose to not be part of Somalia, marka learn to live alone:) :D ^ U rocked my slow day... Bilaney!