
Rokko
Nomads-
Content Count
887 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Rokko
-
The Indhacade apologists on this forum will not like this article na'mean. On Hiiraale: "Barre Hiiraale waan isnaqaan waxaana leeyahay Barre miyaad hilmaantay maalintii ay taariikhdu ay aheyd 24kii janaayo 1991dii inaan maalin cad aan kaa eryey adiga iyo Kurtun taliskii Ballidoogle idinkoo baqo ahna aad u cararteen Villa Somaliya oo uu markaas uu ku sugnaa†Afweyneâ€. 25kii Janaayo 1991 waxaan soo gaaray warmaxan subaxii ku xigay ee janaayo ay aheyd 26janaayo 1991kii imeydaan sugin intaan Afgooye soo caga dhiganayey ee habeenkii ka horeeyey ayaad xeebta Jazeera baqo ku marteen waxaana wadadda laamiga ah aad kaga soo dhacdeen dhanaane,maalintaasna Barrow dowlad baad aheyd ana jabhad baan ahaa waase ilaahay mahadiis hadaan maanta labo jabhadood wadanahay waxaana leeyahay Barre hiiraale Maanlaawe waxaa ku seegan marka c/qaasim ku leeyahay Kismaayo nooqabo inuu kaasoo fogeystay kursigii adeerkaa Cali Shire Warsame uu Baarlamaankii 1969kii kaga soo galay Dhuusamareeb , Markaa waxaan kuu sheegayaa in Magaalada Kismaayo uusan wax boosa kaaga banaaneyn". On Shaydaan Indhacade and Aweys: "â€waxaa wax la’la yaabo ah in ninka leh Ethiopia ayaan dhoobley ka raadinayaa miyuusan Joqraafiga soomaaliya uu wax ka aqoon?Isagana waxaan leeyahay hadaad Ethiopia rabtay ama SPM aad rabtay kama foga meesha aad ku dhalatay ee aad ariga ku raaci jirtay Matabaan iyo Guriceel .Go’aanka aad qaadateen adiga iyo C/qaasim iyo beeshiinaba waxaa horay u qaatay Daahir Riyaale Kaahin natiijadeedana wuu hayaa maanta,Sidaad ****** aad ula dhaqanteena ayuu SPM uu go’aansaday inuu idinkula dhaqmo laga bilaabo(17 September 2004) taasina waxay noqotay mid Xeerka gashay". full article
-
Morgan IGAD hold talks in Nairobi..Hiiraale to join talks
Rokko replied to General Duke's topic in Politics
^^ similar to what Morgan is doing. -
Morgan IGAD hold talks in Nairobi..Hiiraale to join talks
Rokko replied to General Duke's topic in Politics
Rahima, let us include Indhacade. Deal? -
People of LAS-ANO demonstrate against Somaliland's reckless actions
Rokko replied to General Duke's topic in Politics
Originally posted by Xarago: You see the approach of Somaliland is through governess and statehood while your call is simply based on tribal status how more demented could it be. -
Speaking of restaurants and going out to eat, I've one advice to those of you who do the drive through and take pleasure in fast foods, NEVER....EVER....EVER EVEr...Evaaaaaaaaah piss or show an attitude to folks who take your order/make your food both at the window or at the counter. I'm saying this from what a friend who used to work one of them places told me. So let's put it this way, You pissed'em off, they'll mess with your food and after he gave me more than a few examples,...ewwww I swear I nearly started throwing...YUCK...and more or less stopped going to them placees... So SMILE NEXT TIME>>>>LOL
-
Bille Qabawsade left Boosaaso and is in Kismayo tonight na'maen. listen here Skip the first couple of minutes. Ka naxoo nafta waa. The situation is so caotic, Hiirale is for the first time thinking of pulling out of Kismayo after today's and testerday's great losses na'mean. The fool Hiiraale is injured, his men are feeling the heat. The fools from Indho cade militia who destroyed Dhooble and run to Kismayo will pay for this na'mean. Read this text interview with a JVA official in Kismayo. Waraysi: Sarkaal ka tirsan Isbahaysiga dooxada Jubba. Waxaa noo suurtagashay in aan khadka telephonka ku wareysano, asagoo gurigiisa jooga, sarkaal sare oo horay uga tirsanaa maleysiyada Isbahaysiga Dooxada Jubba oo ku sugan magaalada Kismaayo. Sarkaalku waxuu ka mid ahaa ciidamadii wax ka qabtay Kismaayo, waxuuna ka mid ahaa mas'uuliyiinta sare ee hoggaamiya ciidamada Isbahaysiga, haatana sidaad waraysiga ka arki doontaan ka soo horjeeda siyaasada Barre hiiraale. Sarkaalku waxuu oggolaaday in aan magaciisa shaacinno, ha yeeshee waxaan door bidnay in aanan shaacin magaciisa dhabta ah, nabad galyada awgeed. Waraysigiina sidaan ayuu u dhacay: Nooga warran magaalada Kismaayo? Waa Kismaayo iyo caadadeedii. Magaalada Kismaayo waa goob dagaal. Dagaal culus ayaa soo food saaray. Guri walba baroor ayaa ka yeereysa. Isbtitaalku asagoo dhaawacii hore la ciirciiraya, ayaa wali dhaawacu iska daba imanayaa, markii meel la kala dhigo la waayeyna [hiirale/morgan's clan] ayaa guryaha magaalada loo qaybiyey, ispitaalkana dhaawacii USC ayaa loo daayey. Nasiib darro, ayaga laftoodii oo kali ah ayuu isbitaalkii weynaa ee magaalada Kismaayo ku fillaan waayey. Ma aqaan meel la geyn doono haddii dagaalku sii socdo. Sida kale meeshu waa Kismaayoo waligeedba balo u joog ayey ahayd, sida kale waa la badbaado qabaa. Ma jiraan dhaawac magaalada la keenay ama maxaabiis laga qabtay ciidammada General Morgan? Isbitaalka waxii shalay ka horreeyey waan tagayey si aan dhaawaca u soo eego, lama keenin ilaa hadda cid ka tirsan maleysiyada Morgan. Maxaabiisna ma jirto, mana filayo in maxaabiis Morgan laga qabtay Kismaayo nabad lagu keenayo. Waxay Hiiraale ka yeeli lahaayeenba, xooggagga USC oo aagga hore ka dagaallamaya ayaan oggalayn in cid la bixiyo nolol. [hiiraale] waxba kama diidi karo si ayan xulufadoodu u kala daadan. Misaal waxaan kuu ah General Axmed Warsame waa fiirsanayey, kolkii [indhacadde] Dhoobley gubeysey oo ay kula kaceen magaalada foolxumooyinka ay ka mid yihiin bililiqada, dhaca iyo kufsiga. Damiir ma leh ninka [hiiraale] ee meesha marayaa. Dhinaca Morgan waa jiraa rag ay soo daayeen. Qaar ka mid ahna saacaddan ayey ila fadhiyaan. Maxaa ka jira guulaha ay tirsanayaan Isbahaysiga Dooxada Jubba? Waa mid aan raad lahayn. Meeshaan qasaare weyn ayaa ka dhacay. Qasaarahuna waxuu u badan yahay sida muuqata dhinaca Isbahaysiga. Ma tiraahdid dhaawac, ma tiraahdid dhimasho, ma tiraahdid gaadiid. Heer waxaa la marayaa la la'yahay cid dagaallanta, oo cod baahiyayaal magaalada gawaari lagu naadinayaa in ay soo baxaan rag aan meesha joogin. Raggaa oo waa' hore geeloodii iyo degaankoodii ku laabtay kolkay u adkeysan waayeen maamulxumada iyo musuqmaasuqa Barre Hiiraale iyo xoogaaga USC ah ee ku adeegta. Wax guul la yiraahdaa ma jirto, asaga laftiisa ayaa dagaalka ka baqaya oo ku marmarsoonaya dhaawac aad u sahlan oo ilaa hadda Kismaayo ka bixi la'. Waxuu iska dhigayaa nin xabbadu ku dhacday, ayadoo la ogyahay in xabbadu garabka ka sartay. Waa dhaawac been ah oo baqdin iyo fulaynimo ku saleysan. Guul baad sheegeysaaye, shacabkii iyo masaakiintii ayaa la qafaalayaa si xabbaddana la isaga xijiyo. Marka been weeye in ay guul soo hoyiyeen ama soo hoyin karaan. Ciidammada Isbahaysiga u soo hiilliyay oo ka yimid Xamar iyo meelaha kale maxaad kala socotaa tiradooda? Ciidamadaas wixii ka imaan karey waa ka yimaadeen. Ilaa hadda ayagii ayaa jabaya oo haaddu ka dharagtey, jabka aad u badanna haleelay. Waa ciidammo badan oo aan filayey in aan loo babac dhigi karin, maxayse kuugu taallaa Barre oo kale oo miiran ayaa wata oo meel uu ka yimid iyo meel uu u socdo aan midna garanayn. Waa jabayaan haddiiba ilaa hadda lala dagaallamayo. Yaad hubtaa in ay ka mid yihiin ciidammada soo duulay? Waa niman dano badan isugu yimid, Shiikh Xasan Turki, Shiikh Xasan Daahir Aweys, Shiikh Indhacadde (shiikh fatuud miiran), Suudi Yalaxaw, Caato iyo niman badan oo ganacsato ah oo dekadda Kismaayo bilaash wax ugala soo degi jirey ayaa meesha maraya, inta aan arkay. Xoogaa ka yimid dhinaca RRA oo uu watey, ma arage sida la sheegayo Saransoor, Bu'aale ayey ka soo gudbeen, ha yeeshee dagaal xun ayaa ku qabsaday agagaarka Xagar. Halkaasna ma ayan soo dhaafin, mana filayo in ay soo dhaafi doonaan. Ma hubtaa Shiikh Xasan Turki iyo Shiikh Xasan Daahir Aweys in ay dagaalka ku jiraan? Labadaa nin cidi ma aragto oo waa dhuuntaan, laakiin ciidanka weerarka galay ciidankooduu ayuu ahaa. Waliba kuwa in Aweys waxay ku jireen ciidammadii Kismaayo maray oo Dhoobley gubey. Degaalka hadda ogaantaa xaggee ka socdaa? Dagaalka ugu weyn waxuu ka socdaa dhulka loo yaqaan Joorre. Waana dagaalka ugu qaraar uguna adag. Isbahaysiguna halkaa ayey ku jabeen. Kuwa u soo hiilliyeyna waa ka war wareeggeen intii karaankood ah, labadaan berise waa galeen, taasna waxaa caddeynaya dhaawaca iyo dhimashada soo gaarey magaalada Kismaayo. Shacabka degaanka Joorre dega ciddii ay gacan siiyaan wax weyn ayey u tareysaa. Taknikadu iyo baabuurtu micne weyn kama sameeyaan halkaa. Ciidan hubaysan ninkii ku haystaa cidwalba waa jabin karaa. Halkaa ayey ku jabeen Isbahaysigu. Mudugonline.com
-
Morgan attacked by Al-Itixad Millitias...Twist in Kismayu
Rokko replied to General Duke's topic in Politics
Originally posted by HornAfrique: I thought you would! -
How desperate is the Riyaale administration getting? http://www.puntlandpost.com/News.php?id=2534
-
Maleeshiyada Jeneraal Moorgan oo 30km dib loo riixay saakay dagaal ka dhacay agagaarka tuulada Xaliimo Caddey ee gobolka Jubbada Hoose. Ruunkinet 16/09/04 Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa ku waramaya in dagaal culus uu ka dhacay agagaarka tuulada Xaliimo Caddey oo 100km u jirta magaalada Kismaayo. Dagaalkan ayaa dhex maraya maleeshiyada kala taageersan Jeneral Moorgan iyo isbahaysiga dooxada Jubba oo ay ka taliyaan Col. Barre Hiiraale iyo Seeraar. Dagaalkan oo weli soconaya ayaa lagu warramayaa in 30km dib loo riixay maleeshiyada Jeneraal Moorgan ayadoo khasaaro weyn ay soo gaartay labada dhinac dagaalka saakay dhacay oo weli soconaya. Meyd iyo dhaawac badan ayaa la sheegay in la keenay magaalada Kismaayo kadib dagaalkii saakay dhacay kuwaasoo u badnaa dhinaca Isbahaysiga dooxada Jubba ayadoo aan la ogeyn khasaaraha dhabta ah ee soo gaaray maleeshiyada Moorgan. Dhinaca kale, maleeshiya aad u hubeysan oo taageersan Seeraar ayaa la sheegay in ay ka soo bexeen magaalada Muqdisho, Afgooye iyo Marka si ay gacan uga geystaan dagaalka isbahaysigu kula jiro maleeshiyada Jeneraal Moorgan. Warka ayaa intaasi ku daraya in lagu gubay gawaarida tiknikada loo yaqaan oo ay leeyihiin labada dhinac ee ku dagaalamaya dhulkan ay doonayaan in ay kala wareeraan oo ay ka taliyaan ayadoo dadka degaanka ay isha ka fiirsanayaa dhacdooyinka dagaalka. C. Cali, Ruunkinet, London http://www.ruunkinet.com
-
^^ Xarago ***** Sista, in this forum ... nomads always have heated exchanges but we don't keep Mindiyo in our pockets to murder the last person we debated with. I have never had anything against Horn and I won't have anything against him na'mean. We disagree on issues but at the end of the day, he is just another nomad I respect na'mean. This is all a game na'mean. This is a game sis. don't let political talk on the forum get to ya na'mean. lol Calm down sista. Get out of this morgan/hiiraale stuff. Riyaale is burning your house as we speak. Mind your own business as Landers say to us. [ September 17, 2004, 03:36 AM: Message edited by: Admin ]
-
Xarago, Check the number one Morgan hater on the net. DAYNIILE.COM. Claims and counter claims. Here is what they say ... Dagaalada ka socda Gobolka Jubadda Hoose oo qasaarooyin ba’an geystay Kismaanyo Dagaalo qaraar ayaa maanta mar kale ka dhex socday maleeshiyooyinka kala taageersan Isbaheysiga Dooxadda Jubba iyo kuwa SPM-ta Jen. Moorgan, iyadoo qasaarooyinka dagaaladaasi geysteen ay iska soo daba dhacayaan. Maanta ayay dagaaladu dib uga curteen saddex aag oo ka mida DULEEDKA Hosingow ilaa Xaliimo Xaaji, waxaana magaalada Kismaayo la keenay ilaa 10 maleeshiyo oo dhaawac ah kuwaasoo ay ka mid yihiin laba sarkaal oo magacyadooda lagu kala sheegay Cali Yaasiin iyo Indha-raadaar, Duhurnimadii. Madaxda Isbaheysiga Dooxadda Jubba ayaa sheegtay inay qasaare lixaad leh geysteen maleeshiyada Moorgan kana qabsadeen gaadiid dagaal oo fara badan iyagoo intaas ku daray inay ka saareen laba saldhig oo uu ku lahaa afk hore ee Hosingow, dhinacooda ayaa la sheegay inay uga dhinteen laba maleeshiyo. Dhinaca Moorgan ayaa iyaguna sheegtay inay qasaare weyn dhabarka u saareen kooxda Dooxadda Jubba, waxayna wararkii ugu dambeeyay sheegeen inay dagaaladu weli soconayaan, iyadoo labada dhinac ay dib isu abaabul hor leh ku jiraan. Xaalada magaalada Kismaayo ayaa ah mid kacsan iyadoo laga deyriyay xaalada Isbitaalka magaalada Kismaayo oo daawo la’aan ba’ani ka jirto, Jen. Axmed Warsame oo hogaamiya Isbaheysiga Dooxadda Jubba kana mida xildhibaanada Baarlamaanka cusub ayaa ugu baaqay hay’adaha samafalka gaar ahaan ICRC-da inay gargaar caafimaad la gaarto Isbitaalka magaalada Kismaayo. Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray Kismaayo ayaa sheegaya in Isbitaalka Kismaayo la keenay 20 qof oo dhaawac ah oo lix ka mid ahna ay ku geeriyoodeen halkaasi. But on the other hand check PUNTLAND POST and HORSEEDNET.COM Nin la dhashay Col. Bare Hiiraale oo la sheegay inuu ku dhintay dagaalada ka socda J/Hoose iyo Saraakiil kale oo dhaawac ah Muqdisho:- Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in magaalada galabta la keenay in kabadan 30 dhaawac ah ayadoo wararku ay intaa ku darayaan in uu xalay ku geeriyooday magaalada nin la dhashay Col. Bare Hiiraale hogaamiyaha ururka Dooxda Jubba. Col. Bare Hiiraale walaalkiis ayaa ku dhaawacmay dagaalkii shalay wuxuuna u geeriyooday dhaawacii soo gaaray xalay. Mar aan la xariirnay qaar kamid ah xubnaha ururka Dooxada Jubba ee ku sugan magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo ayaa ka gaabsaday in ay xaqiijiyaan geeriyada Ina Bare Hiiraale oo kamid ahaa saraakiisha sar sare ee ciidamada Dooxada Jubba. Hasayeeshee waxa ay saraakiishaasi qireen in khasaare baaxad leh uu soo gaaray dhankooda. 12 kamid ah dhaawacii la keenay Isbitaalka Kismaayo ayaa maanta u geeriyooday dhaawacooda, sida ay noo xaqiijiyeen dad soo booqday Isbitaalka. Wararka aanu ka helayno illo lagu kalsoon yahay oo ku sugan magaalada Kismaayo ayaa intaa ku daray in dadka dhinac Dooxada Jubba ka dhintay in ay ku jiraan Sarkaalka lagu sheegay Col. Saacid iyo Sarkaal kale oo lagu sheegay KORONTO. Wararkan ayaa sidoo kale sheegay in mid kamid ah abaanduulayaasha dhinaca Col. Bare Hiiraale oo lagu magacaabo INDHO RAADAAR uu hada asagoo dhaawac ah la keenay Isbitaalka magaalada Kismaayo. Dhanka kale maleeshiyada kamid ah kuwa Col. Bare Hiiraale balse kasoo jeeda beesha Cayr oo uu abaanduule u yahay Mr. Seeraar ayaa maanta mid kamid ah gawaarida Tiknikadooda ahi ay miino kula qaraxday meel Kismaayo u jidha 6km. Qaraxaan miino ayey ku dhinteen sadex kamid ahaa maleeshiyadii gaarigaa saarnaa halka ay ku dhaawacmeen 2 kale. Maleeshiyooyinka hoostaga Gudoomiye kuxigeenka kooxda Dooxada Jubba Mr. Seeraar ayaa ayagu maanta diiday in ay ka qeyb qaataan weerarkii lagu qaaday goobaha uu degen yahay Gen. Morgan, isla markaana difaac ka galay intooda badan meel magaalada Kismaayo u jidha 10km dhinaca waqooyi ee jidka aada magaalada Jilib. Col. Bare Hiiraale ayaan asaguna weli dib ugu soo noqon magaalada Kismaayo illaa iyo shalay waxayna wararku qaar sheegayaan in khasaaro balaaran ay soo gaareen maleeshiyada illaalada u ahayd. Gen. Morgan ayaa lagu soo waramayaa in uu ku sugan yahay deegaanka Buulo Xaaji illaa iyo maanta waxayna wararka ugu danbeeyey ay sheegayaan in cutubyo kamid ah ciidamadiisa ay ka dagaalamayaan goobo ka baxsan Buulo Xaaji ee dhanka jidka soo aada magaalada Kismaayo waxaana lagu soo waramayaa in ciidamada Dooxada Jubba ay difaac uga jiraan caawa goob 60km ka xigta dhinaca koonfureed magaalada Kismaayo. Dagaalkii maanta ayaa joogsaday galabnimadii saacadu markay ahayd 5:30 waxaana lagu wadaa in dagaaladan ay sii socon doonaan ayadoo ay gurmad baaxad leh ay diyaarinayaan dhinaca dooxada Jubba oo dhaq dhaqaaqa ka wada Kismaayo iyo magaalada Jilib. Maxamed Cabdi HorseedNet.com Muqdisho, Somaliya Jubada Hoose oo maalintii labaad dagaal kharaari ka dhacay By Maxamed Posted to the web 16-09-2004, 20:42:06 Kismaayo:-Wararka maanta aanu ka helay magaalooyinka Hoosingow iyo Kismaayo oo xarumo u kala ah labada ciidan ee ku dagaalamayay Jubada Hoose, ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay dagaal kharaar oo u dhexeeya dhinacyada Gen. Maxamed Siciid Xirsi Moorgan iyo Col. Barre Aadan Shire “Barre Hiiraaleâ€. Dagaalkan ayaa qarxay saaka aroor hore, markay saacaddu ahayd 7:00dii subaxnimo, ka dib markii ay weerar qaadeen malayshiyada daacadda u ah Barre Hiiraale. Dagaalka oo ilaa iyo makhribadii maanta soconayay, ayaa wararka ka soo baxayana ay sheegayaan in khasaraha dhimashada iyo dhaawucba ay aad u badan yihiin, Warar aanu ka helnay Isbahaysiga dooxada Juba oo iyagu maantay weeraro is daba joog ah ku qaadayay dhawr goobood oo ay fadhiyeen ciidamada,Gen.Moorgan ayaa khasaaraha dhinacooda ku sheegay, In ka badan 20 ka tirsan malayshiyadooda inay geeryoodeen maanta, laba gaari oo Tikniko ahna laga gubay. Cisbitalka magaalada Kismaayo ayaa lagu soo waramayaa in si isdaba joog ah ay u soo gaarayaan dhaawac aad u tiro badan oo laga keenayo Jiidda hore ee dagaalka. Dhinaca Gen. Moorgan oo aan iyagana xiriir la samayay ayaa sheegay in ay mar labaad jabiyeen weerarkii kaga imanayay dhinaca Col. Barre Hiiraale, waxa kaloo ay intaas ku dareen in qabsadeen Saraakiil ka tirsan ciidanka u hogaaminaayo Col.Barre Hiiraale oo iyagu ahaa kuwa mar walba soo qaadayay weerarka ayna ka gubeen afar gaari oo ah kuwa dagaalka laba kalana ay ka qabsadeen waa siday hadalka u dhigeene.hase ahaatee waa ay ka gaabsadeen in ay ka hadlaan dhankooda khasaarihii soo gaaray maanta. Dhanka kale qaar ka mida dad ku dhaqan magaalada Kismaayo oo ka gaabsaday in aan magacooda la xusin ayaa Puntlandpost u sheegay in ay badankoodu geeriyoodeen dhaawicii shalay la keenay Cisbataalka magaalada Kismaayo oo gaarayay ilaa 25 qof ayna u dhinteen dhaawicii ka soo gaaray dagaalkii shalay. Maxamed A.Ali Puntlandpost,Frankfurt,Germany HornAfrique is a good man. I just hate to see him go through this clan hype between dad walaal ah. Stop the dira diraale business girl. Ya are playing with lives of innocent civilians na'mean.
-
HornAfrique, calm down waryaa. This clan war is not Jihaadkii Asxaabaha. These two warlords who are fighting are the worst of the worst na'mean. Ya are trying to make us believe Hiiraale is defending to save the human civilization na'mean. Hiiraale went to Huusingow for a war na'mean. He is not defending the freedom of anyone na'mean. He is a wanted war criminal and run-away member of parliament. He is a warlord occupying a land owned by innocent people na'mean. By the way, what did Hiiraale gain from going to Huusingow? He lost the battle and his own brother is dead. He gained nothing na'mean. Calm down son. Don't let the clan hype get to ya old man na'mean. peace!!!!!!!!
-
Maansha Allah, indeed she's such strong sis and may allah reward her for her actions. Associated Press TAMPA, Fla. -- A University of South Florida women's basketball player who wanted to wear Islamic clothing on the court quit the team on Wednesday. Last week, USF had asked the NCAA for an exemption to its uniform policy to allow Muslim convert Andrea Armstrong, 22, to wear long pants, a top with long sleeves and a scarf during games. In a letter Wednesday to coach Jose Fernandez, Armstrong said she was leaving the team because she didn't want the uniform issue "to cause further distraction." Armstrong first said last week that she had left the team and lost her athletic scholarship after Fernandez told her she could not wear religiously mandated clothing during practices or games. In a meeting Friday with Armstrong, university officials and a representative of Council on American-Islamic Relations, officials agreed that the team would accommodate her Islamic attire and reinstate her scholarship. The university also agreed to work with the NCAA on the scarf issue. But Fernandez said Armstrong requested a meeting with him Wednesday and left the team. "I offered her an opportunity to think further on her decision, and she assured me the decision is final," Fernandez said. Armstrong, a senior forward from Lakeside, Ore., played one season with the Bulls after transferring from Kansas State University. CAIR spokesman Ahmed Bedier said Armstrong had not been prepared for the onslaught of attention, including hate messages, that she received. "She wanted to put her team first, after her faith, and she didn't want to be the center of the controversy," he said. Religion and sports have intersected elsewhere. At Towson University in Maryland, star player Tamir Goodman, an Orthodox Jew, wore a yarmulke on the court and did not play on the Jewish Sabbath. At the Olympics in Greece, several female athletes wore head scarves. Florida University Accomodates Basketball Player's Hijab Agreement comes following meeting with CAIR-FL The Florida office of the Council on American-Islamic Relations (CAIR-FL) announced today that a female Muslim athlete at the University of South Florida (USF) in Tampa will be allowed to wear hijab on the basketball court. SEE: http://www.usf.edu The 22-year-old Muslim convert left the USF basketball team and lost her athletic scholarship last week after allegedly being told by her head coach that she could not wear the religiously-mandated scarf during practices or games. In a meeting today between the basketball player, university officials and a representative of CAIR-FL, it was agreed that the team would accommodate her Islamic attire and reinstate her scholarship. The university also agreed to work with the National Collegiate Athletic Association (NCAA) on any issues related to existing headwear policies. "We thank the University of South Florida for its swift and decisive action in resolving this issue," said CAIR-FL Communications Director Ahmed Bedier, who took part in today's meeting. "An athlete should not be asked to choose between engaging in healthy sporting activities and her deeply-held religious beliefs." Ahmed noted that the Prophet Muhammad himself recommended that children be taught activities such as swimming, horseback riding and archery. ACTION REQUESTED: Contact the university to thank them for accommodating the Muslim athlete's Islamic beliefs religious practices.
-
LOL..Waraa Shoobaro sxb why didn't you inform me you were going to war after seeing ya in the Neighborhood Halal store buying Hilib adhi etc..damn, No wonder why u were sweating so hard..lol. I could've save ya some time by letting ya borrow "Iskaabulo Cooking Style Guide" As for Nomad sisters, give da guy a break and cheer him up, at least he tried...aight
-
glance over here pls..me stuck with some lil problem
Rokko replied to Maymuunah's topic in Developement | Projects
Dear Sareeda, try this link below and let us know if it helped. Setting Outlook Email -
I like Sue. Ya'all should leave Sue alone na'mean.
-
HornAfrique, you now I want something to come out of Nairobi and if there is a war, there will probably be nothing na'mean. I hope ya feel the same.
-
welcome reer baadiye.
-
IGAD oo Qorshaynaysa inay Xayiraad dhinaca Socdaalka ah ku soo rogto Barre Hiiraale oo uga soo baxday Madasha uu Shirka Soomaalidu ka socdo inuu abaabul Dagaal ka dhan ah Moorgan. Nayroobi - 10 September 2004 – [Mudugonline] Urur Gobaleedka IGAD ayaa qorshaynaya sidii ay Tallaabo uga qaadi lahaayeen Xildhibaan Barre Hiiraale oo iyadoo aysan IGAD ka warqabin Safar ugu ambabaxay Gudaha Somalia. Isla markaana wada Abaabul Dagaal oo uu ku doonayo inuu ka weeraro ciidamada Gen Moorgan oo uu horey uga qabsaday magaalada Kismaayo. Danjiraha Dawladda Kenya u qaabilsan Arrimaha Somalia, Maxamed Cabdi Afeey ayaa xaqiijiyay inay ka arrinsanayaan sidii ay uga qaadi lahaayeen Tallaabo Col Barre Hiiraale. Wuxuuna sheegay in Tallaabadda la qaadayo Barre Hiiraale ay la mid noqon karto tii laga qaaday Gen Moorgan. Afeey waxa uu sheegay in Barre Hiiraale ay isaga shaqsiyan isku arkeen Nairobi uuna ka codsaday inuusan xilligan u ambabaxin Gudaha Somalia. Isla markaana ay Moorgan Beesha Caalamka tallaabo adag ka qaadi doonto. Wuxuuna ii ballanqaaday inuu sii joogi doono Madasha uu ka socda Shirka Soomaalida. Laakiin waxa uu sheegay inuusan garanayn waxa iska badalay Ballantii ay wada galeen Kornaylka. Afeey oo hadaladiisu ay isugu jireen Digniino iyo Baaqyo ayaa ka codsaday Barre Hiiraale inuusan qaadin wax dagaal ah. Isla markaana iska illaaliyo inuu Weerar ku qaado Moorgan oo aan soo gaarin goobaha ay ciidamadiisu joogaan. Wuxuu si gaar ah u waydiistay Barre Hiiraale iyo Moorgan inay Abaabulkooda Dagaal u badashaan Wada Hadal. Barre Hiiraale ayaa haddii laga qaado Tallaabo la mid ah tii Moorgan waxa uu noqonayaa Hogaamiyihii Labaad ee Soomaali ah ee lagu soo roggo Xayiraad dhinaca Socdaalka ah. Waxaana ay u noqon doontaa Tallaabada laga qaado Hogaamiyahan Tusaale Qabqablayaasha kale ee Soomaalida ah. Isla markaana ku lugta leh Abaabuladda Dagaal Doonka ah ee ka socda Somalia. Cabdi Casiis M. Guuleed “Afrika†Mogadishu, Somalia Mudugonline.com
-
Col.Barre Hiraale oo wato Ciidan Xoog Leh Oo Lagu Soo Dhaweeyay Kismaanyo Una Baqoolay Xagga Dhanka Dhoobleey Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaarayo magaalada Kismaanyo ayaa sheegayo in Col Barre Adan shire oo wata ciidan lixaad leh oo saakay soo gaaray magaalada Kismaanyo uu kulan deg deg ah kula qaatay sarakiisha sar sare ee Isbahaysiga Dooxada Jubba garoonka diyaaradaha oo ku yaalo duleedka magaalada kana mid ah fariisimaha Isbahaysiga Dooxada Jubba. Col.Barre Hiraale oo si aad ah loogu soo dhaweeyayay magaalada Kismaanyo islamarkaana wata dhaaman ciidammo kasoo jeedo jubooyinka ayaa dadweynhihii soo dhaweeyay u sheegay inaysan wax cabsi ah ka qabin ciidamada la buubuuninayo oo la sheegayo inuu wato shaqsi nabad diid ah isagoo sheegay inay soo qaban doonaan una dhiibi donaan Beesha Caalamka. Wararku waxay intaas ku darayaan in Xildhibaan Col barre Adan Shire oo wato ciidan lixaad ah oo kuhubaysan hubka noocyadiisa kala duwan uu markiiba u ambabaxay dhinaca Dhoobleey oo la sheegayo inay ku suganyihiin ciidammo aan badnayn oo uu wato Gen.Max`ed Siciid Xirsi Morgan. Dhanka kale Gen.Mooragan oo ay guddiga Fududaynta IGAD ku soo rogeen cunqabatayn xagga socdaalka ah islamarkaan beesha caalamka ka codsaday in cunqabataynta laga qaado ayaa wararku waxay sheegayaan inuu ku suganyahay tuulada Hoosunguu. Sikastaba ha ahatee maraan la xiriirnay abaanduulaha Isbahaysiga dooxada Jubba Col.Cabdullahi Sheekh Ismaciil ayaa sheegay in xaalada magaalad ay caadi tahay isla markaana goobihii ganacsiga ay caadi u shaqaynaya isagoo uga digay diyaaradaha rayidka ah inaysan ku dagin goobaha uu ku suganyahay Gen.Morgan. Xafiiska Gedonet Kismaanyo-soomaaliya
-
8 gaari oo nooca dagaalka oo ay soo direen Ganacsato reer Muqdisho ah. By RM Posted to the web 10-09-2004, 21:46:36 Kismaayo:-Kismaayo ayaa waxay sheegayaan in halkaas ay gaareen 8 gaari oo nooca dagaalka ee loo yaqaan Tiknikada oo ay soo direen ganacsato reer Muqdisho ah ee lagu kala magacaabo Ini Deelaaf iyo Yuusuf Indha Cadde. Warku wuxuu intaas ku darayaa in ciidanka saran gawaaridaas ay riradoodu dhan tahay 40 nin, waxaa sidoo kale magaalada Kismaayo tegay Xildhibaan Barre Hiiraale oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, horayna u ahaan jiray Guddoomiyaha Isbahaysiga Dooxada Jubba, waxaana weheliyey Saddex Gawaarida Tiknikada ah oo uu kala yimid dhinaca degmada Baardheere. Ciidamadan soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa taageerayaasha Isbahaysigu si weyn ugu farxeen una soo dhoweeyeen, waxayna u gudbeen dhinaca Koonfureed ee magaalada, Barre Hiiraale Shire iyo Isbahaysigiisa ayaa sheegay in ay aadayaan Helusingo oo ah meesha ay joogaan ciidamada Gen. Maxamed Siciid (Morgan). Dhinaca kalena, saldhiga ugu weyn ayuu Gen. Moorgan ciidamadiisa uga sameeyey deegaanka Helosingu, waxaana jira warar xaqiijinaya in ciidamada Generaal Moorgan ay soo gaareen meel lagu magacaabo Kanjiroon oo 70 Km u jirta magaalada Kismaayo. Warku wuxuu intaas ku daryaa in cududa Milateri ee Gen. Morgan ay tahay mid aad uga sareysa tan ay ciidamada Isbahaysigu doonayaan in ay kala hortagaan, mudadii ay joogeen deegaanka Holisingu ayaa Gen. Moorgan waxaa u suurta gashay in ay ku soo biraan ciidamo iyo gaadiid tira badan oo dadka deegaanka Af-madow iyo deegaamada ku hareeraysani ay ku biiriyeen xoogga ciidamada Gen. Moorgan. Arrintu siday doonto ha ahaatee, ma jiraan ilaa iyo iminka wax dagaal fool ka fool ah oo Labada dhinac ay isku herdiyeen, laakiin waxaa jirta cabsi laga qabo in ugu danbeyn ilaa beri waaberiga uu dhici karo dagaal kharaar oo Isbahaysiga Dooxada Jubba iyo xooggaga Gen. Moorgan fooda isku daraan. Isha Wararka:Radiyo Midnimo Xuquuqda Daabacaada:Puntlandpost.com
-
Interesting but sad na'mean. The poor defenseless people will suffer. That is all na'mean. Just when we thought thangs were calming down, new clouds of worry and war are hanging over the innocent people of REER WAAMO na'mean. Morgans wants to go back to the peace process ... Hiiraale is on his way to Afmadow town to attack Morgan even though Morgan is not going to Kismayo. When will this personal rivalry between the warlords end na'mean. They say this personal hate of each other goes back to early 90's when Morgan deafeated Hiiraale's militia which tried unsuccessfuly to take the city from him 3 times. They finally defeated Morgan in 1999. The coalition (USC/SNF) building against Morgan goes back to Caydiid days when Caydiid was defeated and kicked out of the city by Morgan n'mean. It will never end na'mean. If Hiiraale goes to Afmadow and attacks Morgan, the peace process will collapse na'mean. I think they should let Morgan go back to the peace process and stop this rivalry bull na'mean. It is not worth the lives of innocent people like others said na'mean. According to most news websites, Morgan is well armed and can't be defeated without a great loss na'mean. Cabsi laga qabo Barre Hiiraale inuu dagaal ku qaado fadhiisamada Jenaraal Morgan Faarax Cumar September 10, 2004 Muqdisho (HIMILO) - Maleeshiyooyin ka kooban Isbahaysiga Dooxada Jubba uuna horkacaayo Gudoomiyaha Dooxadaasi Barre Aadan Hiirale ayaa waxay u talabeen deegaanada la sheegey in Jeneral Morgan fadhiisimo cusub uu ka samaystey. Barre Hiiraale oo dhowaan safar dhinaca dhulka ah kaga yimi dalka Kenya ayaa waxaa uu magaalada Baardheere oo uu abaabul dagaal ka soo galey uu hore uga soo kaxaystey Maleeshooyin ay isku hayb yihiin kuwaas oo wata baabuurta dagaalka. Hiiraale oo la sheegey in maanta uu gaarey magaalada Kismaayo halkaasna ay kaga biireen Maleeshiyooyin kale oo Muqdisho ka tagey waxaa uu isla maanta halkaa uga talaabey dhinaca galbeedka magalada oo ay doonayan iney ka weeraraan Maleeshiyada Jeneral Morgan. Weerarkii colaadeed ee todobaadkan lagu tilmaamayay Jeneraal Morgan inuu ku soo qaadayo Magaalada Kismaayo ayaa haatan waxaa uu isu bedeley in Barre Hiiraale uu haatan asagu doonayo inuu dagaal ku qaado goobaha ay saldhigyada ka dhigteen Maleeshiyada Morgan. Barre Hiiraale oo Xidhibaan ka ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee dhowaan Kenya lagu sameeyay ayaan naf ahaantiisa la filayaa iney guddiga dawladaha Igad ee shirka Soomaalida ay ka soo saaraan qaraar ku eedeynaya inuu jebiyay heshiiskii colaada iyo inuusan ka fasax qaadan Gudidaas. Jeneraal Maxamed Siciid Xirsi ( Morgan ) aya saga ogolaadey inuu ku noqdo shirka Soomalida ee Kenya ayadoo tasna ay cadeeyen gudiga fududaynta dawladaha Igad
-
lol@ Yalaxow.
-
So if ya think Cabdulahi yusuf and his clan barred Morgan from getting anything, why are ya running around the internet accusing cabdulaahi yusuf and Puntland of supporting Morgan. You are contradicting yourself my JVA brotha.