Rokko
Nomads-
Content Count
887 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Rokko
-
Another sad story in Mogadishu. Savagery never ends in that city. Illaahay ha u naxariisto marxuumada. That is all we can say na'mean. Gabar ka soo jeeda degmada Afmadoow oo dorraad galab jirdil loo geystay ugu dhimatay Muqdisho 6/3/2004 (Dayniile.com) Suuq lagu iibiyo caanaha oo ku yaala inta u dhexeysa Isgoyska Al-Baraka & isgoyska Kaasabolblaare ee degmada Hodon ayey dorraad galab haweeney ku sugnaa suuqaasi waxey jirdil xun u geysteen gabar ka soo jeeda beesha uu ka soo jeeday Aadan Gabyow (Allaha u naxariistee) ee degta magaalada Afmadow oo magaceeda lagu sheegay Hibo iyaga oo gabadhaasi la dhacay baangad, kadibna ku rusheeyay caano karkaraya, iyada oo gabadhii loola cararay isbitaalka Madiina oo ay habeen hore ku geeriyootay waxaana meydka gabadhaasi shalay lagu aasay trabuunka. Gabadhan oo aheyd haweeney wareejin jirtay buskutka ayey inoo sheegeen eheladeeda in ay aheyd qof marmar uu qaban jiray xanuunka qalalka wax xoogaa ahna madaxa lagaa jiray, waxaana haweenkii dilka geystay la sheegay in ay ka soo jeedeen mid ka mida beelaha hubeysan ee Muqdisho iyada oo aysan jirin cid wax talaabo ah ka qaaday haweenkaasi geystay falkaasi. Dhacdooyinkan ayaa waxey ka mid yihiin kuwa naxdinta leh ee sanadahan dagaalada sokeeye ragaadiyay Muqdisho, iyada oo aysan jirin cid dabagal ku sameysa dadka geysta falalka dilka ah. Dayniile.com
-
Regional politics is allowed. Let Somalilanders talk na'mean. Let puntlanders talk. Let all people talk about their issues na'mean. We don't need to make the forum a GITMO ghostown where people can't say anything only because every political discussion will be considered a clan discussion by some. I don't agree with that assertion na'mean. politics is politics na'mean. We all have areas we call home. We all have issue we care about na'mean. It doesn't always have to be a uniform Somali-weyn issue that brings us together na'mean. Our political allegience can get very local while at the same time being pro-Somalia na'mean. let them people talk while respecting the rules na'mean. follow the rules, state your opinion and get the hell out na'mea. word.
-
An open letter to the British Foreign Secretary British MPs
Rokko replied to miles-militis's topic in Politics
Are you guys saying the SNM didn't massacre civilians in Hargeisa, Burco and all the areas they captured? Oh I forgot the SNM was taking its anger on anyone from Siyaad Barre's tribe na'mean. Qabyaalad is distorting the thoughts of anyone who denies the massacre committed by the SNM and its supporters who were going door to door in Hargeisa and Burco hunting for Siyaad Barre's tribe (we know who) na'mean. My own uncle was killed in Burco and he was never part of Siyaad Barre's regime. Guess who killed him? His own neighbor na'mean. At the end of the day you have people who are willing to forgive and forget all that was done to them by the SNM and still embrace Somaliland. Look at Fuad Adan Cadde. Most of his blood relatives(including his brothers) was killed by the SNM in Ceerigaabo and he is willing to die for Somaliland na'mean. Only Allah will judge all those guilty. -
Dr. C/qaasim Salaad Oo Iibinaya Gaadiid Loogu Deeqay ummada Soomaaliyeed. Hobyonet Muqdisho. Axad Feb 22 2004 Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in dowlada Kuweyd ay ugu deeqday Madaxweynaha Dowlada KMG Dr. C/qasim Salaad Xasan gaadiid faro badan oo loogu talagalay inay isticmaasho dowladiisa. Gaadiidkaan ayaa hada soo gaaray magaalada Dubai. Waxana warar gooni ahi sheegayaan in gaadiidkaasi lagu iibinayo meeshiisa, qof kii rabana uu ka soo qaadan doona halkaas, iyadoo hada magaalada Xamar ay ka socoto iibinta gaadiidkaas. Waxaana la sheegayaa in uu wakiil u yahay ganacsade wayn oo laga yaqaan Xamar oo dhan. Qofkii rabana uu hada kala xiriiri karo ganacsadahaas sidii uu ku iibsan lahaa gaadiidkaas oo isugu jira kuwo waawayn iyo yar yar. Ma aha markii ugu horaysay ee deeq loo fidiyo Dowlada KMG ah lagu soo iibiyo Dubai. Waxaana horay loo xasuusan yahay dhowr bilood ka hor in halkaas ay ganacsato kasoo iibsatay cunooyin kala duwan oo ku jira baakad loona yaqaan (Macmacaan) Cunadaas oo dowlada Sucuudigu ugu deeqday dowlada KMG ah. Cunadaas oo markii dambe lagu kala iibsaday gudaha Xamar kadib markii ganacsatadii ay keeneen Xamar.
-
Abdullahi Yusuf told the Puntland parliament to go back to the debate after the parliament granted his goverment another 2 year extension. He is not interested in that. I think, this is a good news for Puntland na'mean. We need fresh elections and a new face na'mean. ______________________________________________ Col:C/llaahi Yuusuf oo maanta qoraal ka soo saaray xilkii loo kordhiyey. By Axmed Posted to the web 24-02-2004, 15:26:43 Garoowe:- Col:C/laahi Yuusuf ayaa maanta soo saaray Qoraal uu ku radinayo xilkororsigii ay 17/02/04 ay kororsadeen Golaha Wakiilada ee Maamulkiisa, qoraalkan ayaa ahaa mid la sugaayay mudo in uu soo saaro C/laahi Yuusuf. Qoraalkuna wuxuu u qoraa sidan. DAWLADDA PUNTLAND PUNTLAND STATE. EE SOOMAALIYA OF SOMALIA. Xafiiska Madaxtooyada. Office of the President. Sum. MW/DPS/MKGD240204/2004 Febraayo 24, 2004 Ku:Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Garoowe, Pl. Og.Ku Simaha Madaxweynaha/Madaxweyne Ku Xigeenka Dawladda Puntland, Garoowe,Pl. Og. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Dawladda Puntland, Garoowe, Pl. Mudanayaal. Ujeedo: DIB UCELIN XEER MADAXWEYNAHA DAWLADDA PUNTLAND, MARKUU ARKAY Go’aankii muddo Kordhinta labo sano ee u xeeriyey Golaha Wakiilladu ee LXGGWD/D/G/PL ee 17/02/2004. MARKUU ARKAY warbiximihii iyo talo soo jeedintii Madaxweyne Ku Xigeenka iyo Guddomiyaha Golaha Wakiillada ee ku saabsanaa Muddo Kordhinta kor ku xusan, MARKUU ARKAY nuxurka Dastuurka Ku Meel Gaarka ah ee Dawladda Puntland oo tilmaamin wax awood ah oo Golaha Wakiilladu u leeyahay in uu kordhiyo muddadii hore loo cayimay (eeg Qod. 47 ee Dastuurka), MARKUU ARKAY Qod. 54aad ee isla Dastuurka oo Madaxweynaha awood u siinaya in uu dib ugu celiyo Xeerka uu ansixiyo Golaha Wakiilladu; Qod. 43aad (3) oo lala akhriyo Qod. 2aad (b) iyo Qod. 3aad ee Lifaaqqa Kowaad ee Dastuurka, oo sidaan u qoran: B)Muddada Xilka Golaha DGPL waxa la dheereeyey xilligoodiishaqo, lagana dhigay 3(sadex) sano oo Ku Meel Gaar ah iyada oo markii hore xilligoodu ku dhamaanayey 30/06/2001, wayna ku hawlgalayaan awooddaha iyo waajibaadka Dastuurku siinayo oo ah 3 (sadex) sano, kuna eg 30/06/2004. Sidoo kale, Qod. 3 ee Lifaaqa wuxu qorayaa: Haddii sabab kasta awgeed Dawladdu ay u fulin weydo arrimaha Tirokoobka, Aftida Dastuurka, Doorashada Golayaasha ( Golaha Wakiillada iyo Golaha Degaamada) labada billood ee ugu dambeysa 3da sano ee Meel Gaarka ah ayaa hab beeleed waafaqsan sidii lagu soo xulay Golaha Wakiillada ee haatan jira ayaa lagu soo magacaabayaa Xubnaha Golaha Wakiillada ee badelaya kan hadda jira, kuwaas oo iyana dooranayaa Madaxweyne, Madaxweyne Ku Xigeen, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo Ku Xigeennadiisa. MARKUU TIXGELIYEY dhibaatooyinka naf iyo maalba lahaa ee ay keentay muddo kordhintii hore iyo in illaa hadda jirto muddo ku filan in lagu dhamaystiro hawlaha loo baahanyahay sida xulidda xubnaha Golaha Wakiillada , MARKUU TIXGELIYEY dareenka dadweynaha Puntland iyo beesha caalamka oo sina loogu qancin karin kordhin awood kale ee labaad, MARKUU TIXGELIYEY abaar iyo colaadaha jira. WUXU GO’AAMIYEY IN: Xeerkii uu soo saaray Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ee 17/02/2004 Dib Loogu Celiyo Golaha Wakillada, Dib U Eegid Waafaqsanna Dastuurka Ku Meel Gaar ah iyo dimoqoraadiyaddaba lagu sameeyo Go’aankii Golaha Wakiillada Muddo Kordhiska ee Taariikhdiisu ahayd 17/02/2004. Cabdullahi Yusuf Axmed,Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. Axmed C/salaam. Puntlandpost, Garoowe, Soomaaliya.
-
Boteeni, ya are so radical I am having doubts you are a real puntlander. You could be Angel Dust in disguise na'mean.
-
My man Horn is still living in the good old Aabo siyaad days na'mean. Smell the coffee bro. Things have changed. Kismayu was turned into a ghost town by the Huuraale militia.
-
Waryaarahee AYOUB, Waar JALEEC is a sarbeeb Somali ... odaygu waa reer magaal. JALEEEC = DHUUNI = LACAG RAADIS I hope that shed some light on the word our vice president used.
-
AL post the question and you might be able to get someone answer you know.
-
AL post the question and you might be able to get someone answer you know.
-
Finally Buurmadow with Abdullahi Yusuf
-
A warm welcome for Hadraawi in Boosaaso
-
This is a Sanaag map from United Nations Somalia website. It is a pdf file. Print it out after it loads in order to see those above mentioned towns visited by the Governor of Sanaag. http://www.unsomalia.net/infocenter/maps/atlas/Sanag%20region.pdf
-
GUDDOOMIYAHA GOBOLKA SANAAG, MAXAMUUD SICIID NUUR OO WARBIXIN KA BIXIYAY XAALADDA ABAARTA EE GOBOLKA. Kadib markii ay wafti ka socda Maamulka Puntland kormeer ku soo mareen Gobolka Sanaag ayna u kuur galeen Xaaladda Abaarta ee ka jirta Gobolka ayaa warbixin ku saabsan abaarta waxaa soo saaray Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Maxamuud Saciid. Warbixintan oo ka kooban lix bayj uuna ku saxeexan yahay Godoobiyaha Gobolka Sanaag ayaa waxay u qorayd sidan: DAWLAD G. PUNTLAND ............. PUNTLAND STATE EE SOOMAALIYA ................. OF SOMALIA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA IYO AMNIGA XAFIISKA GUDOOMIYAHA GOBOLKA SANAAG Ku :- Wasiirka Arr. Gudaha iyo Amniga .........Garoowe Ku :- Guddiga Abaaraha DGPL .........Garoowe Ku:- Saxaafada Madaxa Banaan .........barahooda Ku :- Hay’adsda Horn Relief ..........Fadhigeeda Ku :- Hay’adda WFP ..............Bosaaso Ku :- Jaaliyada Dibedda ee Gobolka Sanaag ........Fadhigooda Ku :- Wakiillada Hay’adaha Samo-fal ee Caalamiga ah......... Fadhigooda Og :- Madaxwenaha DGPL ...........Garoowe Ujeeddo :- Warbixin ku saabsan Xaaladda Abaarta Gob. Sanaag. Mudanayaal, Ka dib markii aannu 14-25/12/2003da kormeer u kuurgal iyo qiimayn ah ku soo wada samaynay dhammaan degaammada Gobolka Sanaag ka koobmo, waxannu halkan idiinku soo gudbineynaa xaaladda Abaarta Gobolka Sanaag, gaar ahaan Dhibta abaartu sababtay, Wixii deeq iyo gargaar ah ee Bulshada Gobolku heshay iyo Baahida taagan, waana sida hoos ku qoran :- I. Degaamada Gobolku ka koobmo:- Degaamada Gobolku ka koobmo ee aannu soo kormeernay waa sida hoos ku qoran :- a) Degmada Badhan:- 1) Badhan 2) Xingalool 3) Hadaaftimo 4) Ceel-buh 5) Sibbaaye 6) Dhabar-dalool 7) Dawoco 8) Jiin-gadda 9) Qoyan 10) Gurmale 11) Geed-la-rifay 12) Haylaan 13) Laako 14) Rad 15) Min-diingale 16) Wardheer 17) Gooraan b) Degmada Dhahar:- 1) Dhahar 2) Ber-kedaha Qol 3) Buraan 4) Balli-Busle 5) Kala-dhac 6) Af-urur 7) Ceelaayo 8) Marraje 9) Booxaaro 10) Cawsane c) Degmada Ceerigaabo :- 1) Magaalada Ceerigaabo ****lama tegin si nabada dadka dhibaataysan loo ilaaliyo, 2) Damalla-Xagarre 3) Shimbiraale 4) Fiqi-fuliye 5) Carmale 6) Yubbe 7) Jiidali 8) Nin-ku-jooge 9) Ceel-la-qoday 10) Ardaa 11) Dib-qarax 12) Biyo-Guduud 13) Boodda-Cadde 14) Masagan 15) Madarre. d) Degmada Laas-qoray 1) Laas-qoray 2) Xidid 3) Dur-diri 4) Mashaxaleed 5) Xabaashaawacle 6) Milxo 7) Dol 8) Daaddan 9) Markad 10) Ragaad 11) Mirci 12) Birsinji 13) Cidhbiye 14) Ul-xeed 15) Geel-weyta 16) Laasa-surad II. Dhibaatooyinka Abaartu sababtay :- Sida aannu horeba Maamul ahaan u shaacinnay, Wakiillada hay’adaha Caalamiga ah qaarkoodna indhohooda ugu soo arkeen, waxa Gobolka sanaag ku dhifatay abaar muddo Afar (2000-2003) Sano ah socotey; taasoo sababtay dhibaatooyin culus, sida Xoolihii Noolaa oo intii badnayd 65-75% dhimatay, intii hadhayna Caano iyo hilib ka dhammaday, wax iibsami karana laga waayey. Haddaba, waxa abaarta ku tabaaloobey dad aad u kala duwan oo ay qaybba si u saamaysay :- 1) Waxa Caydhoobey oo xoolihii ay ku noolaayeen ka le’deen 70% Dadkii Reermiyiga ahaa; waxana ilaa haddeer la diiwaan-geliyey Reer-Guuraa xoolo-dhaqato ah oo dhan 15,000 Qoys; waxana haddii roob la’aantu sii socoto, werwerku yahay in tiradaasi kor u kacdo, lagana baqayo iney Dhammaadka Febraayo 2004, ilaa 23,000Qoys gaadho. 2) Waxa Daryeel, Daawayn iyo nafaqayn waayey Dadkii Qoysaskaasi ku biili jireen Magaalooyinka ee Miyiga lagu hayn kari waayey, sida:- a) Ubadka yaraan Waalidkood kaga wada dhintay iyo Waayeelka hawl-gabka ah b) Naafada Dagaalka. c) Curyaamiinya, Dadka Waalan iyo Bukaan-jiifka. 3) Waxay Shaqo Beelay oo meel dakhli ka soo galo oo kale waayey Qoysaskii Maxaysatada Magaalo ahaa ee noloshoodu ku salaysnayd Ka ganacsiga Hilibka, Caanaha iyo Haragga Xoolaha Miyiga laga keeno, Dillaalidda kala iibsiga Xoolaha Nool iyo waxa ka soo baxa, Ka shaqaynta Xoolaha, sida Raaciga, Xeraynta, Waraabinta iwm. Sida :- a) Xaasaska Agoonta ah b) Qaxootigii 1993kii la soo celiyey. c) Qaysaskii Dagaalladii Sokeeye 1991 Gobollada kale ka soo bara kacay. d) Dadkii saboolka magaalo horeba u ahaa. III. Xaaladda Cunto-yaraanta iyo nafaqo la’aanta. Marka qiyaas ahaan cel-celiska Xubno-qoyseedka lagu soo koobo ilaa 6-qof, waxa la odhan karaa, waxa Gobolka sanaag Raashin yaraan iyo nafaqo darro ku haysaa, Cudurro iyo Gaajona halis ugu jira, Dad ka badan ilaa 140,000 Qof. Haddaba, waxan Dhammaan Meelaha Qoraalku khuseeyo ugu baaqaynaa in Dadkaas gurmad iyo gar-gaar aadaminimo lala soo gaadho. IV. Caawimooyinkii Dadka Gobolku Helay. Guud ahaan, Bulshada Gobolka Sanaag ee Abaartu ku habsatey, waxa guurmad u fidiyey DGPL oo ugu deeqday 25-Foosto oo Naafto ah; Hay’adda Horn Relief oo u keentay 225Foosto oo shidaal ah iyo Hay’adda WFP-Boosaaso oo soo gaadhsiisey 5,167 Qoys oo caydhoobey Raashin dhan Galley 5,167 Kiish; Misir 517 Kiish iyo Saliid Cunto 641 Kortoon; taasoo qoyskiiba siisay Gallay Hal Kiish, misir 10Kg iyo Saliid 5kg. Waxana Caawimooyinkaas sidii looga faa’iidaystey ku faah-faahsan tahay Shaxdan hoose :-
-
^^^ Sooyaal, you are in a dream if you think Faroole is going to Somaliland. Know who ya talking about first then make your wish. Originally posted by Baashi: True the reality on the ground is clear and that is Ceerigaabo is under Somaliland gov. Baashi, i disagree with ya bro. I disagree that Somaliland has a full control of the city. The key word here is "full" control. True the SNM savages captured the city and killed thousands of innocent civilians as Mr Oodweyne hinted but the reality is that it is a divided city along tribal line just like Galkacyo na'mean.
-
Ayoub, I got some pictures of Dhiilood and some other Puntland ministers. I wonder who will be next in your list bro Dhiilood, Wasiirka Waxbarashada Puntland Dhiilood and Dooxojoog, wasiirka Ganacsiga Faroole, wasiirka maaliyada SeeftaBanaanka, Wasiiru dawlaha Puntland Xaabsade, Wasiirka arrimaha gudaha Afgaduud, Taliyaha ciidanka booliska (Hated by Somaliland) Carays, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta (Hated by Somaliland)
-
lol@Gediid. Sowdigan boodhka iyo qiirada iyo cadhada isku qariyey. Waar is yara deji. lol If it makes uncle Gediid feel better, Ceerigaabo is yours. Forever. Don't say that to the sons of the city like Sophist. unless he defected recenlty na'mean PS: Gediid, odeygii dhalay dadkan aad Puntlanders ku sheegto oo dhami wuxuu ku aasan yahay halka aad ka hadlayso. So long for the Kismayo comparison na'mean. Hadal waxba yaan lagugu daalin saaxib.
-
Hargeysa(RadioLascaanod)17-02-04 Salaasa:-Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Hargeysa ayaa waxa ay sheegayaan in ay wali wadaan ganacsatada Hargeysa Iyo Burco, sidii ay garab u siin lahaayeen Gardarada Riyaale ee uu Colaada Ku hurinayo. Wararkii ugu danbeeyey ee naga soo gaadhay Hargeysa waxa ay sheegayaan in ay wali ku jiraan ururinta qaadhaanka lagu taageerayo Malayshiyada Riyaale, si ay dagaal ugu qaadaan Gobolka Sool. Waxayna intaasi ku darayaan in ninka iska leh Hutelka weyn ee Ambastor, uu ku deeqay lacag iyo Gaadiidba, waxa kale oo iyaguna kaalmo ku deeqay Gardarada Riyaale Ganacsatada dhexe ee ku dhaqan Burco iyo Hargeysa. Waxaa jirtay in ay Hore kaalmooyin deeq ah oo lagu taageerayo Malayshiyada Riyaale ay bixiyeen maalqabeeno ka soo jeeda Hargeysa iyo Burco, kuwas oo ay ka mid ahaayeen Cabdi Cawd(Indha Deero), Dahab shiil, Ina Boodhle Iyo kuwo kale oo badan. http://www.radiolascaanod.com/demo/index.php?art_id=395&categ=&expand=&file=view_article.tp