Waraysi Jamhuuriya la yeelatay Hobolladda Nimco Yaasiin
London (Jam)- Fannaanada weyn ee Nimco Yaasiin oo si weyn ay u yaqaanaan dadka afka Soomaaliga ku hadla ee ku nool dunida dacalladiisa, ayaa waxa waraysi aad u xiiso badan magaalada London kula yeeshay Tafatiraha Wargeyska Jamhuuriya london, Cabdixakiim Maxamed Sheekh, isaga oo ka waraystay dhinacyo kala duwan oo ku saabsan fanka, nolosha iyo taariikhda ay fannaanadu soo martay.
Waraysigaas oo aad u xiiso badanna waxa uu u dhacay sidan:
Su’aal: Xagee ayaad ku dhalatay kuna barbaartay Nimco?
Jawaab: Waxaan ku dhashay Magaalada Hargeysa iyada oo markaas aan laba sannadood jiray ayaa la ii qaaday magaalada Jabuuti oo aan ku noolaa ilaa markaan sagaal jirka ahaa, kadib ayaa dib la ii celyay oo waxaa la I geeyay magaalada Sheekh, halkaasi ayaana dugsiga la igu daray, markii aan gaadhay fasalka siddeedaad, ayaa waxa la ii qaatay inaan ka mid noqdo macallimiintii loo yaqaannay BB, halkaas oo aan nasiib u yeesho inaan macallimad buuxda ka noqdo dugsigii aan wax ku bartay intii u dhexaysay sannadihii 1976kii-1982kii.
S: Macalinimadaas kadib xageed u jihaystay?
J: Sannadkii 1984kii ayaan ka soo guuray magaalada Sheekh, waxaanan u jihaystay dhinaca magaalada Muqdisho, halkaas ayaanan fanka kaga biiray.
S: Sannadkee ayaad markaas fanka ku biirtay, maxayse ahayd heestii kuugu horraysay ee aad qaadday?
J: Horta sida rasmiga ah waxaan ku biiray fanka sannadkii 1985kii, haseyeeshee Cabdixkiinoow waan kuu soo sheeko dhaafaye aniga oo ku jira dugsigii tababarka ee Xalane, ayaa waxaan ka qaybgalay Riwaayad uu sameeyay Abwaanka Siciid Saalax, riwaayadaas oo lagu xasuusto heestii caanka ahayd ee Alif la kordhabay, alif la hoos dhay Ya lagu reeb oo riwaayaddaa ku jirtay waxaan ku metalayay ardayad wax baranaysa oo jeclaatay inan Nuur la yidhaahdo, markasta oo aan wax akhriyayo waxa iga soo bixi waaya oo aan ku merganayay xarafka N oo i xasuusinayay inanka Nuur ee aan jeclaa ee aan riwaayadaas ku metalayay, kaas ayuu ahaa fankii u horreeyay ee aan ka qaybqaatay.
S: Markii aad yarayd inaad hobollada gasho miyaad ku hamiyi jirtay?
J: Maya, kumaan hamiyi jirin ee markii danbe ayuun baan xiiseeyay.
S: In badan ayaad hobollada ku jirtay, maanta iyo maalintii aad bilowday farqi intee le’eg ayaad dareemi kartaa?
J: Runtii farqi weyn ayaa u dhexeeyaa markii aa nfanka ku biiray iyo maanta marka aad eegto dhinaca waayo-aragnimada iyo isbeddellada kala duwan ee soo waajahayay mihnadda fanka ee aan ku jiray, waanad dareemi kartaa isbedala kala duwan ee aan soo maray sannadahaas labaatanka sannadood ka badan ee fanka aan ku soo jiray.
S: Haddii aan dib ugu noqdo su’aal aan hore kuu waydiiyay waxaad waraysiyo hore lagaaga qaaday aad ku sheegtay inaad ku dhalatay magaalada Sheekh, imikana waxaad leedahay waxaan ku dhashay magaalada Hargeysa halkee ayaa wax ka khaldan yihiin?
J; Waa runtaa, waxaase jirta sheeko dhawr iyo tobankii sannadood ee ina dhaafay ee aan qurbaha joogay soo noqnoqon jirtay, sheekadaasi oo soo martay marxalado kala duwani waxay noqotay mid imika si weyn u soo shaac baxday meelo badana gaadhay, run ahaantiina baadhitaano aad u qoto dheer oo aan sameeyay waxaa cadaatay inaan Hargeysa ku dhashay.
S: Bal noo faahfaahi sheekadaas Nimcooy?
J: Waxaan ku dhashay Hargeysa, aniga oo laba sannadood jiray ayaanay ka lumay hooyaday iyo reerkayagii, markaas qoyskii I helay ayaa Jabuuti ii qaaday oo markii danabana magaalada Sheekh igu soo celiyay aniga oo sagaal jir ah, sidaasi ayaanan kula soo qaatay noloshayada intii badnayd qoyskaas I helay ee isoo koriyay.
S: Sidee ayaad arrintan ku ogaatay?
J: Runtii waa qiso aad u dheer oo marxalado kala duwan iyo baadhitaano farabadan soo martay, haddiise aan sheekada kuu soo uruuriyo sannadkii 1993kii ayaa waxaan ka tumay oo ka heesay Aroos ka dhacay magaalada London, cajaladdii arooskaas ayaa lagu daawaday magalaada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, dadkii cajaladdaas daawaday waxa ka mid ahayd haweenay ka mid ah reerkii aan ka lumay, taasoo ahayd gabadhii i xambaari jirtay inaanan reerkayaga ka lumin, waxaanay Haweenaydaasi kor u qaylisay oo ay tidhi; “Allah taasi waa Burcad, Allah waa Burcad, magacaas Burcadna waxa uu ahaa mid ay hooyaday iyo reerkayagu iigu yeedhi jireen inaanan ka lumin.”
Markaas qoyskii ayaa xidhiidh ila soo sameeyay, aniguna in badan ayaan dhegaha ka furaystay oo aan idhi waxan reerkani ay ku hadlayaan macquul ma aha, qoyskii sidii kumay hadhin ee waxay sameeyeen xidhiidho badan oo London iyo Yurubta kaleba way la soo xidhiidheen. Waxa kale oo ay la soo xidhiidheen fannaaniin kala duwan oo London iyo meelo kala duwan joogay, muddo dheer markaan arrintan dhegaha ka furaystay ayaa fannaaniin badan iyo dad kale oo aanu asxaab nahay ay igu qanciyeen bal inaan sheekadan hadhi weyday soo baadho oo aan gunta soo xaadho, taladii waan ku qancay, waxaanan sameeyay baadhitaan aakhirkiina Ilaahay mahadi haka gaadhee waxaan soo helay soona arkay qoyskaygii runta ahaa, waxaanan la soo kulmay hooyadaydii aan ka lumay aniga oo labo sano jir ah, hooyaday imika waa ruux weyn waanan soo arkay, waxaa kale oo aan soo bartay qoyskayaga intiisii kale oo qaarkood joogaan halkan UK, gaar ahaan magaalada Sheffield.
S: Dareenkaagu sideebuu noqday markii aad la kulantay Hooyadaa iyo reerkiinii aad ka luntay ado laba sannadood jiray?
J: Wallaahi; mar waxaaban ka baqday in maskaxda dhaawac iga gaadho waayo waa arrin mucjiso ah, waa mucjiso in reerkayagii maanta aan helo, iyada oo aan laba jir kaga lumay, haseyeeshee qaddarka Eebbe lama dhaafi karo, xidhiidhka reerkayaguna aad ayuu u wanaagsan yahay imika.
S Waa sidee xidhiidhkiinu qoyska aad tidhi way ii soo koriyaan?
J: Aad iyo aad ayuu u wanaagsan yahay. Reerkii aan la soo koray waalidkoodu wuu geeryooday balse waxa ka nool gabadh degan magaaladda Sheekh waanan ixtiraam, waxaan ula dhaqma sidii walaaltinimo madaama aanu soo wada kornay.
S: Ugu danbayn halkan yaad ka salaami lahayd Nimco?
J: Waxaan halkan ka salaamayaa dhammaan dadka afka Soomaaliga ku hadla ee jooga dunida dacaladeeda oo dhan, waxaanan si gaar ah u salaamayaa dadweynaha Somaliland ee dalkii hooyo ku sugan oo si heer sare ah ii soo dhoweeyay markii aan dhowaan dalkii tagay, waxaanan halkan ugu soo gudbinayaa beydad ka mid ahaa hees cusub oo aan dhowaan ka qaaday markii aan Somaliland tegay waana kuwan ee iga hantiya;
Bulshadda Somalilandeey Bushaaro ma Ogtihiin
Baxsane Calankeeniyo Warkeenii la Baafiyoo
Dabkeenii Waakaa Baxee, Bidhbidhayee ee Calankeenii
Bidhaantiisii Arkee nin Bayrliyo Xaasidkii
Badhaadhaha noo Kordhiyo Barwaaqadu dhibi Jiritoow
Xornimo noo Buuxsantee Bislaataye noo Hanee
Magaceeda cusubi waa Nimco Jaamac Diiriye